Search This Blog

Saturday, June 6, 2009

Saraakiil ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya oo Mareykanka ku shiray oo talooyin ka bixiyay sidii loo sameyn lahaa Ciidamo Soomaaliyeed

Saraakiil sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya ee kala tegay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa waxay shalay shir ku yeesheen Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Shirka ay saraakiishan isugu yimaadeen oo uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ujeedada loo qabtay lagu sheegay sidii ay saraakiishan Soomaalida ah u sameyn lahaayeen qorshe lagu soo celinayo sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, iyadoo taasina loo marayo in dib loo soo nooleeyo Ciidamo Soomaaliyeed oo ka farsamo iyo anshax fiican maleeshiyooyinka Soomaalida ee ciidanka u noqday Dowladihii Soomaaliya soo maray wixii ka dambeeyay sagaashamaadkii.

Jen. Cusmaan Shiikh Bad-maceeye oo kulankaas ka qeybgalay ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in shirkoodii ay ka soo saareen ajendayaal looga hadli doono shir ay Saraakiishan Soomaalida ah mar kale ku yeelan doonaan Mareykanka 1-da bisha July ee soo socota.

Jen. Cusmaan Bad-maceeye waxaa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in kulankooda soo socda ay ka soo bixi doonaan go’aanno loo aayi doono oo lagu soo dhisi karo Ciidamo Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in kulankan la qabtay kaddib markii nidaamka dowladnimo lagu soo ridi waayay maleeshiyooyinka Soomaalida.

“Waan ku kalsoonnahay in talooyin aan bixinnay oo aan siinnay Qaramada Midoobay ay wax weyn ka tari doonaan sidii loo soo dhisi lahaa Ciidamo Soomaaliyeed”ayuu yiri Jen. Cusmaan Shiikh Bad-maceeye oo intaas ku daray in kulanka ay ku yeesheen Mareykanka ay ka qeybgaleen Saraakiil Soomaaliyeed oo Janaraallo u badan.

Banaadir Post.
xamar Cade.