Search This Blog

Thursday, April 30, 2009

Agaasime K/xigeenkii Warfaafinta M. Shariif oo Yurub iska Dhiibay !!


Warar hoose oo ka soo baxaya xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa sheegaya in dalka Biljamka ku baxsaday Agaasime ku xigeenkii warfaafinta xafiiska Madaxweyne Sheekh Shariif.
Agaasime ku xigeenkaan oo lagu Magacaabo C/llaahi Yuusuf Sh. Nuur C/laahi KHadar ayaa waxaa uu ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha u raacay dalka Biljamka isla markaana kala qeyb galay kulankii dowlada somalia dhaqaalaha loogu yaboohay.

Lama oga sababta ka dambeysay in uu Mas'uulkaan ku dhex dhuunto dalka biljamka.
Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey Hadhwanaagnews arintaasi isla markaana sheegay in arintaasi dhab tahay.
Ma jiraan ilaa iyo haatan hadal ka soo baxay Agaasime ku xigeenka warfaafinta kaasi oo uu kaga hadlayo sababta ku kaliftay in dalka Biljamka ku dhex dhuunto.Waa markii ugu horeysay oo mas'uul ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka dibadiisa ku dhuunto tan iyo markii Madaxweyne Sheekh Shariif xilka Madaxtinimo loo Magacaabay horaantii sanadkaan.
Haddii ay rumoodo in uu goostay Agaasime ku xigeenkii Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya sida wararka soo baxayaa sheegayaan waxaa ay waji gabax iyo dharbaaxo ku noqon doontaa Xildhibaan Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa isagu shaqsiga jagadaas u magacaabay C/laahi Khadar maadama uu yahay ninka ugu awooda badan dhinaca la talinta madaxweyne Shariif.

C/laah Khadar oo ay isku beel yihiin Madaxweynaha ayaa oo sidoo kalena ay jifo hoose yihii Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu shaqaale ka ahaan jirey Idaacadda Quraanka kariimka ah oo iska leeyahay Xildhibaan Geelle

dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com