Search This Blog

Thursday, September 11, 2008

Yaa ka dambeeya dilkii Marxuum Xil. Maxamed Cusman Maye loogu geystay Magaalda Baydhabo ee gobolka Bay.


Xillibaan Maxamed Cusman ayaa ka mid ah Mudanayaasha kasoo jeedo gobolada koonfuureed si aadana ooga hadli jiray dhibaatada ka jirta gobolada oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo oo aay ugu horeysay gobolka Sh/hoose.


Intaa waxaa u dheeraa inuuu ahaa nin aan la gaban fikirkiisa siyaasadeed, isagoo marar badan ka hadlay sad bursiga maamulka sar sare ee dowlada Kmg ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhaba.

Xillibaanka ayaa lagu xasuustaa marar badan inuu ka hadlay maamul u sameyna Sh/hoose iyo dhibaatada ka jirta oo aay dowlada qeyb ka eheed iyo ismaamulka goboleedyada dastuurku dhigayo.

Waxaa ugu danbeysay inuu ka mid ahaa Xillibaanadii kasoo horjeestay in laga talaabsado dastuurka oo aan loo marin xal u helida qilaafadka dowlada taasina uu ku tilmaamay mid aan axdiga waafaqsaneen.

Maalintii aay dalka kusoo laabteen sadexda mas'uul ee ugu sareeya dowlada kana qeyb galeen kal fadhigii Baarlamaanka, ayaa Maxamed Maye waxa uu ka mid ahaa Xillibaanadii muujiyey in laga tilaabay dastuurka, iyadoo BBCda laga dhageystay hanjabaad ku qotontay qaar ka mid xillibaanada oo uu Maye ka mid ahaa taasoo uu jeediyey mas'uulka ugu sareeya dowlada KMG.

Dhanka kale ururka Al-shabaab ayaa sheegtay inuu lug ku lahaa dilkaas loo geeystay xilibaanka, balse dadka wax odorosa ayaa arintaas ku tilmaamay ineey tahay mid aay wax ka gaysteen maamulka sare ee KMG, taasoo lagu micneeyey in Shabaab marwalba soo dhoweeyaan dhibaatooyinka soo wajaha dowladabalse aaysan eheen mid aay iyaga geysteen.

Ugu danbeyntii Waxaad ka dhamaystiran doontaan faalada warka qeybteena danbe iyadoo faahfaahsan, inkastoo aay cadahay cida dilkaas geystay balse loo baahan yahay in la xaqiijiyo.
Shabakada Jammaame ayaa waxay ku guda jirtaa baaritaan iyo xog ururin ku saabsan mu'aamarada lagu dilay Xillibaan Maye.

Xafiiska Warqabadka

ahmed93@hotmail.com