Search This Blog

Saturday, December 6, 2008

Siyaasigga Cabdulahi Sheekh Xasan oo u jawaabay Dr Culusow..


Siyaasigga Cabdulahi Sheekh Xasan ayaa sir badan oo qarsooneed ku oogay Dr Culusow oo ah Gudoomiyaha gudigga siyaasadda beesha Ceyr.


Siyaasigga Culusow wuxuu dhawaan qoray Maqaal uu ku qaadacay heshiiska DJabouti laakiin Cabdulahi Sheekh Xasan oo ka jawaabayo warbixinta Culusow ayaa isweydiiyay?


Dr. M. M. Culusow Muxuu Diidan Yahay?


Tan iyo inti heshiiska jabuuti lagu saxiixay 26/11/2008 ee u dhaxeyay Dowladda Federaka Soomaliya ee ku meel Gaarka (DFKG) iyo Isbahesiga Dib U Xureynta (ARS), waxa siyaaba kala gedisan uga hadlay saqsiyaad somaali ah, kuwa ajnabiya, Doolado, ururo gobaleedyo iyo kuwo caalami ah. Heshiiskaas oo ay soo abaabushay UN iyo wadamada daneya arrimaha Somalia ayaa dad badani ay qabaan in uu u noqon karo wadadi lagu gaari lahaay Nabad waarta lagauna furdaamin laaha xaalada sii murugeysaa ee Soomaliya.


Haddaba, arrin ku cusub Siyaasada Sommaliya ma aha in heshiiskasta oo la saxiixo ay kooxi ama shaqsiyaad ka soo horjeestaan, waxaase la yaab leh in heshiiskan oo xal loogu raadinayo sababta ugu weyn ee mushkilada Soomaliya oo ah joogitaanka Ciidama Ethiopia ay ka soo horjesteen kooxi hub u qaaday in ay Ethiopia ka baxdo Soomaliya.


Haddise arrintu ay tahay mid diini (Jihad) ah, Diinta ayaa qabta in marka laba arin la kala dooranayo in la qaato tan fudud. hadaba, shaqsiyaadki ugu danbeeyay ee kasoo horjeestay heshiiska Djabuti waxaa ka mid ah Dr M. M. Cusow oo asagu sheegta in uu yahay gudoomiyaha Beesha ceeyr inkastoo ay aysan ku habooneyn aqoonyahanka weliba ahaan jiray Wasiir Qaran in uu maanta jufo hoosaad madax ka noqdo isga oo weliba mansab siyaasadeed ku doonaayo.


Dr. Culusow wuxuu ku eedeeyay madaxda ARS ee fadhigooda yahay Djabuti in ay:-


Heshiis la galeeen DFKG Dhabar jebsheen Muqaawamada Xukun doon yihiin.


Haddaba, waxaase isweydiin mudan yaa ugu horeeyay oo Ethiopia heshiis la galay marka ay qabsatay Somalia, weliba weydiistay in DFKG laga siiyo xil (R/W)? Yaase Muqaawamada ku sameeyay dhabar jabki ugu weynaa ee ka dhacay Mogadishu 2007?


Bisha January 2007, waxaa tegay Adis Ababa wafdi heer jufo ah oo uu hogaaminaayo Dr. Ulusow lana kulmay madaxda dowladda Ethiopia lana galay heshiiki ugu horeeyay ee dhexmara Somalida iyo dowlada Ethiopia inta ay qabsatay Somalia.


Heshiiskaas waxaa ka mid ahaa in jufada Dr Ulusow ka dhashay oo iyaddu sheegatay hogaanka dagaalka muqaawamada wado ay joojiso dagaalka taa bedelkeedana la siiyo jufada R/Wassaraha DFKG, Dr. Ulusowna uu yahay musharaxa jufadda.


Wafdiga Dr. Culusow marki ay ka soo laabteen Adis Ababa waxeey la kulmeen Col. Abdulahi Yusuf iyo General Gabre, qodobadi lagu heshiiyayna waxaa ka mid in ciidamada Abdiqeybdiid ee marka ku sugnaa Gobaladda Dhexe lagu bedelo ciidamo Ethiopian ah iyo in la fuliyo qodobadi Adis Ababa lagu soo heshiiyay.


Col. Yusuf wuxuu ku xiray Dr. Culusow in meesha laga saaro Muqaawamada ka hor inta aan laga hadal siyaasadda (Jagada R/W). Safarka Dr. Culusow iyo wafdigiisa ee Adis Ababa iyo kulanka gaarka ee ay la galeen Col. Yusuf wuxuu abuuray shaki Odayashi dhaqanka ee Hawiye iyo waxgarad ka tirsan beesha Ceyr oo ka careysnayeen safarka jufada ee Ethiopia.


Dr. Culusow marki su'aalo laga weydiiyay safarka Adis Ababa wuxuu ku jawaabay waxaan kala soo hadalnay in ciidanka jufada sacad laga kaxeeyo Goboladda dhexe laguna bedelo ciidan Ethiopia si ay nabada u sugaan.


Dr. Ulusow isaga oo fulinaayo heshiiki Adis Ababa ayuu bilaabay in uu kala furfuro Muqaawamada iyo Odayaashi Dhaqan Hawiye ee u istaagay in ay afhayeen u noqdaan halganki lagu diidana joogitaanka ciidamada Ethiopia madaama ay masuuliyiinti maxkamahada culeys militari iyo mid siyaasadeed xiligaas saarna. Anigana sida aad ula socotaan waxaan ahaa xiligaas Afhayeenki Siyaasadda ee odayaasha Dhaqan hawiye.


Cadeymo ku filan ayaan u heynaa in Dr. Culusow oo isagu ka saaray aagi ay ka dagaalameysay malishiyadi jufadiisa ee Jidki Sodonka iyo Miisaanki dhuxusha Bishi April 2007 iyadoo ciidamada Ethiopia ay ku go'doonsanaayeen Stadio Mogadishu weliba codsanayeeen in xabadda la joojiyo loona furo jid ay kaga baxaan xaafada dhexdooda.


Waxaan daliil u ah xadiga dhibki haystay ciidamada Ethiopia ee ka dagaalamayay Muqdishu in Dowladda Ethiopia ay la xiriirtay Boqor Buur Madoobe si uu gacan uga geysto in Xabada la joojiyo si ay ciidamdooda ugala baxaan xafaadaha dhexdooda.


Ciidamadii uu ka saaray Dr. Culusow aaga, wuxuu taliye uga dhigay Nin la yiraah Goobaale (kana aha taliye ciidan Isbaheysigi dooxada Juba) kuna wareejiyay General gabre isaga oo ku magacaabaya in ay noqdaan ciidan Madaniya.


Ka bixitaankaas ayaana keenay in jabki ka dhacay dabayaaqadi April 2007 ee uu suurageliyay ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFKG in ay qabsdaan dhamaan Muqdishu lana bilalaqeysto warshadihi, shirkadihii iyo guryihii dadka qaxay .

Dhacdadaan dhamaan reer muqdishu iyo muqaawamada wey ogyihiin.


Waxaa is wediin mudan, reer Puntland heshiika Djabuti waxeey ku mucaardeen si cad ayeey u sheegan oo ah hab qabiil, 4.5 iyo Federal oo laga tegayna wey ku diidan yihiin iyo weliba sida general Cadde Muse sheegay " heshiiskaas waa Dhaxal wareejin" oo uu u ula jeedo in jufadiis xaq u leedahay Madaxweynanimada.


Dr. Culusow isaga muxuu ku diidan yahay heshiiska Djabuti? Qabiil kuma diidano oo raga masuuliyiinta heshiiska Djabuti saxiixay isaga ayeey ku jufo yihiin, Ethiopiana lama xumo oo iasaga ayaaba ugu horeeyay muwaadin heshiis lagalay. Al-Shabaabna uma uusan hadal oo isaga ayaa ku sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaida sida qodobkaan b ee ku jira qoralkiisa: "(b) Dagaal ah "La Dagaalanka Argagixisada" oo u dhexeya Islaamiyiin Soomali ah oo xag jir ah oo xiriir la leh Al Qaeda/Taliban oo dhinac ah iyo Ciidammo Ethiopia oo Dowladda Mareykanka taagereyso oo dhinaca kale ah".


W/Q Cabdullahi Sheikh Xassan

London

UK.

Banaadir Post



Madaxweyne Siyaad Barre " U Dulqaata Waa Kaas Nabsigu Idin Dul-joogee"


Xaashaa lilaahii muran kama taagna General Maxamed Siyaad Barre inu ahaa sarkaal sare oo awooda dalka ku xoogay xeel, kadib markii la eeday ragii loogu daryeelay dibutaatinimadi Jaan iyo barlamaankoodi guduudnaa oo dabadeed dadkii soomaaliyeed noqdeen xoolo aan reer lahayn.......



Generaal Siyaad Barre, dusha waxuu ku qaaday culeys deyn ka xoog badan, wax badana isaga iyo reer galbeed muran ayaa dhex maray markuu yiri "maanyada bada ka caba" diideyna warkoodi aan looga baran in lagu manaafacsado,

Reer Galbeedkii ma daama ay isku tiriyaan iney dunida kaligood ka taliyaan, waxay qaadanwaayeen Generaalkaan madax-faradka ku riday oo diiday iney xeradiisa soo galaan, kana door biday inu moskow dhaantada la ciyaaro lana galay heeshsyo milarari iyo mid mashaariic ku lug leh taaso reer galbedkii si xun uga careysiisay oo dabadeed meelo badan aduunyada uga qoreen magaciisa inu yahay “ murtid’ waxayna go’aansadeen iney xukunka ka tuuraan sidii afrika ay meelo badan ka sameeyeen .

Doqontii dhagaweyn baan ogeyn dibnaha hoos yaale, Generaal Siyaad Barre isagoo og dhinac kasta in laga soo galay oo ay ku socot qorsho majaxaabin, haddana saas oo ay tahy waxuu dhisay milatari xoog leh, xoojiyey siyaasadi dibada, sugay nabadgalyadi gudaha iyo aqoonyahanadii shaqo la’aanta ahaa oo maamulkii dalka lagu kala meeleeyey, walow waqtiyadi dambe kuwi mujtamaca ka ahaa dameero iyo orgiyo oo kale ay awoodi dalka si aan la aqoon ku marooqsadeen oo la arkay iyagii oo xafiisyaddi dawladda ku biqleeynaya, runtiina waxay ahayd bilawgii dhamaadkii xawligii kacaanku ku socday,wuxuse ugu dambeyn Siyaad ku guuleystay inu si xoog leh ku hirgaliyo dhigista afkii hooyo oo taariikh ahaan horay loo waayey ciid marsiisa, taaso keentay in sumcadiisi gudaha iyo dibada ay sara u sii kacdo oo illa maanta dhigistaas af soomaaliga laga macaashayo.

Reer Galbeed oo Mareykanka horkacayo waxay bilaabeen iney Siyaad Bare cagta cagta u saaraan oo dockasta ka weeraraan xag dhaqaalle, iyo mid siyaasadeedba, waxayna dalka gudihiisa ka sameysteen gaashaanbuur soomaaliyeed oo danahooda u meel mariya siiba markay timaado khaarijinta ina Siyaad Bare, runtiina dawlada ruushka lafahanteeda kama marneyn iney Siyaad Bare halkiisa ciid kale oo ka hantiwadaagsan ku badasho.

Muddadi xukunka dalka u haystay Siyaad Bare waxuu ka badbaaday 7 shiqool oo la rabay in lagu dilo, laakiin midka ugu khatarsana waxuu ahaa midka ay soo abaabuleen KGBda ruushka oo ay damceen iney Siyaad Bare ku badashaan General Salad Gabeyre, mustaqbalkana ay xukunka ku si wareejiyaan Yuusuf Samantar ” Bardacad” taaso sida la ogyahay ku dhamaatay fashal iyo tiiraanyo fajac leh, kadibna Siyaad door biday inu xiriirkii ruushka halkii ka sii wado isagoo afka ka xirtay qaladka ay ka galeen, hasa ahaate ay heshiis ku gaareen in laba sarkaal KGBda ee ka mid ahayd afgambiga dhicisoobay dag dag dalka looga dhoofiyo.

Laakiin shirqoolada intooda badan waxa laga soo abaabulayey kana dambeyey CIAda joogtay dalka Kenya oo ay la kaashadeen ganacsato qurbaha ku sugneyd, waxana ugu dambeysey isku daygi lagu dililahaa 1981 xarunta fiiyeeraha talex oo markaas u xariga ka furaayey, taase waxaa ka sii darneyd markii ay darawaliintiisi mid ka mid ah kula heshiiyeen in cuntada guriga looga soo qaado dariiqa markay soo mareyso la sumeeyo laakiin qadarka awgiis darawalkii ayaa sheegay xiriirka lala soo sameeyey oo ahayd inu hawshaas fuliyo qaatana malaayiin lacag ah iyo Viso Dal ku gal meeshu rabo, Darawalkaasna markii dambe waa laga badalay madaxtooyada, waxaana filaya inu Aakhirtahankii dibadaha u dhoofay, koleyba geeridiisa ma maqlin.

Dhinaca kale waxaa jirtay haweyney iyadana todobatanaadkii la soo hawlgaliyey oo inta baqday wixi ka shiftay, ogaanteydana wax loo raacday ma jirin oo 1983tii ayaan mar ku arkay Roma waxayna ii sheegtay iney nin guursatay oo caruur leedahy, siyaadna hagaajiyey walow ay aad uga sheegatay Col. jilicowgii NNSta.

General Siyaad Barre inkasto u noqday libaax hortaagan wixii dawac iyo weer ku ahaa, haddana waxaa u sugnaatay in reer galbeedkii ay ku biyo keeneen oo dhinackasta ay ka ceejiyeen gaar ahaan xaga dhaqaalaha,siyaasada iyo amnigaba, waxaase waxaaso dhan uga sii darnaa isagoo arkay shacabkii oo laga la wareegay lagana horkeenay, waxaase mucjiso ku sii noqotay marku arkay kacdoonka lidiga ku ah oo ay horkacayaan ragi u hiilka ka sugaayey oo badanaa ahaa kwii sida gaarka u dalxsiiyey isago ula jeeday iney yiihiin doqomo isaga kaliya daacad u noqonkara, laakiinse waxuu iloobay aragtida waayo aragnimada oraneysa "doqon ha moodin inaad kaligaa leedahay ee waa lagula leeyahay" murtidaas oo gordambe u ku baraarugay

Qaskii iyo dilalkii magaaladda markay soo bateen Generaal Siyaad waxuu shir la qaatay niman badan oo maalqabeen ahaa oo horboodayey buuqa iyo kacdoonka mogdisho ka jiray oo aan ka xasuusto ganacsade Xaashi Weheliye , waxuuna weydiiyey waxaa isaga si gaar ah ay uga tabanayaan, iyo waxa ku kalifay iney qaranka u miineeyaan qabyaalad difaac, isagoo hadalkiisi ku soo daray in markii dalka xunkunkiisa u la wareegay ay ahaayeen fuquro aan waxba haysan.

Tijaarti maalqabeenka ma ay siin Madaxweynaha jawaab u ku qanco, balse waxay hortiis ku dhiiradeen iney yiraahdaan dalka isaga bax.

General siyaad waxuu ganacsatadaas ugu jawaabay oo yiri; " mahad weeye wixii Eebe laga muto oo kuma iimaan xumi haddii alle ii qoray inaan dalka isaga baxo, laakiin sida ii muuqata miida iyo karuurka aad leefeysan iyo nicmada aad fuuqsaneysaan mar bey dacar iyo kharaar iyo sun laga magooshan, waa haddii aad nicmada rabi muran ka keentaan oo uu mashxaradaan dilalka iyo dhaca shacabka maagaalada loo geysanaayo" waxuuna intaa sii raaciyey “ waan ogahay xoolo inaad ku bixisaan baxsadka Ciidamada iyo Askarta qaranka, waxaase ogaataan askarta aad kala direysaan iney adinka iyo hantidiina ilaaliyaan oo haddi ay meesha ka baxaan, tuugada aad soo kiciseen ma kala jeclaan-doonaan dhaca xoolihiina iyo kuwa aad ku soo hagteen oo mooradduug iyo dhac bey idin ku sameyndoonaan maqaawiirtiinana wey dilidoonaan”.

Maalqabeenadii goobta fadhiyey mid ka mida ayaa hadal soo tuuray oo yirii; Ee ina siyaadoo Mareexaankii kula dhashay ee muruqa kugu difaacayey iyaguba ku diide xaad unuga noo- sheegan--- shirkiina sas ay ku xirmay oo lagu kala tagay.

Dabadeed General Siyaad Barre waxuu si gaar ah ula kulmay waxgaradka iyo odayaasha beelaha Abgaal, sidi oo kale ayuu weydiiyey " waxa u Mudulood u dhimay iyo waxa ay magaaladda dabka iyo fitnada uga shidayaan oo nacab dantiisa loo yeelaya--- oo maxa duubabkii reerka dawga ka habaabshay ayuu yiri "

Odayaashii jawab kama ay bixin su’aashii loo jeediyey oo wey ka gaabsadeen, hasa ahate waxay ku yirahdeen: “ musbaaxdi kacaanka ku shidneyd waa dantay oo guuldaro ayaa kugu madoobaatay ee meermeerka guuldarada waxba mujinmeyside cidla ayaad jafeysa ----- Ogaadeen iyo Dhulbahante iyo Mareexaan ma yeeleyno iney na guumeystaan oo na-mawtiyaan ayey yiraahdeen, waxay kalo goobti shirka ku carbaabeen in ilma-adeertood reer galgaduud si gaar ah loo xumeeyo,

Siyaad Barre Oo sheekadaas ay la yimaadeen odayaasha Mudulood markasta ka mashiiqsanayey, waxuu ugu jawaabay oo yiri “ waan u jeeda maldah iyo ibliis waalan baa maanka idin ka rogoy oo niman malaasan iyo jaahil baa idin soo marin-habaabiyey ,ma aqaan ra’yiga foorara si jawaab looga bixiyo, ruux haddu macangagnimo la soo taaganyahay waa dhibaato” isagoo warkiisi intaa sii raaciyey waxuu yiri “ waxa mudulood dabada ka riixaya waan ogahay oo waa ilka Cas oo ah mas aan qaniiyo ka daalin iyo miciyo dhiiga, dadkii sharafta weyn idin ka mudnaana aad moodeen cadwo, mana fiicna haybtakoorka aad ka sharqamineysaan oo dadku waa walaalo iyo xigto iyo daris aan dheereyn, mana aha in dhaqan duug ah laga daba qaato” ugu dambeyn waxuu warkiisi ku soo koobay “Abgaalo abaal waa magdhaw iyo inaad maalin celisaane ee waxaan degaankiina mogdisho ka qabtay yaan laydin ka burburin"

Siyaad Bare kulamadiisi qabaailka isagoo mid mid u arkaayey waxuu markaan la kulmay odayaashi Ogadeen waxuuna hadalkiisa dheera ku soo gabagabeeyey oo yiri “ waan arkaa in inna cumar jees iyo kuwa idinka halkaan fadhiya ka mid ah inaad la casheysaan kooxaha ku hawlan dumista maamulkaan aan madaxa u ahay, waxaase ogaataan in kuwaas maskaxda idin ka xaday hadday beri xukun qabsadaan ma idin ogolaan-doonaan koley ku tahay xita qodista musqulaha, mana arkidoontaan wax idin ka dhageysta Adarai baan orod ku maray iyo Godey baan soo xoreeyey,waxa darajo moodeysaana dib ayaad uga shalaayin-doontaan, isagoo warkiisa intaa si raacshay oo yiri " ma qabo nin noloshaada diidan inu beri kugu deeqo-doono jeeni aad soloto, anigase ciidna cunto kama qadin ceegana kuma dhuujin ee Ogadeenow Nabadgalyo”

Kulan kale ayaa dhex maray Odayaal iyo Waxgarad reer Hargeysa iyo Burco ah, waxayna ka cawdeen falal dil iyo dhac loo geeystay dadkii goboladaas deganaa oo maanta ay xadka iyo dibada ay ku yihiin qaxooti.

Siyaad Barre oo cabashadaas ka jawaabay waxuu ka yiri; " Qaladkiina aan idin sharxe intaad qarankii xadka cadawga uga soo duusheen oo Qori iyo Bonbaano laydin ku soo hubeeyey ayaad ka ashtakooneysaan askarigi u hiilana inu qarankiisa ka difaaco cadwga, ma waxaad rabteen markaad soo duusheen in askarigu Ubax idin ku soo dhaweeyo, ma aha intaad qaranka dumisaan inaad eed aan xaq ahayn igu qarowdaan ---- teeda kale qaxooti iyo qurbe qurun shisheeye adinkaa ka doortay nabadi iyo barwaaqadi aad ku haysateen dalkiina "

Generaal Siyaad Barre kama harin kulamadiisi waxuuna markaan la shiray saraakiishi Xooga dalka , Boliska, Asluubta iyo Nssta, khudbo dheer ka dib oo u ka sheekeeyey xaaladda dalka u marayo waxuu tilmaamay “in saraakiil badan oo shiirkaan fadhida ay ku hawlanyihiin dumiinta iyo majaxaabinta dawladda oo shirqool kula jiraan ajnabi iyo niman ganacsato ah oo u adeegaya cadawga taaso ii mari la’ ayuu yiri, laakiin waxaan idin cadeeynaya in nolosha iyo dhalaalka iminka idin ka muuqda aan la haysandoonin oo ciil la jiifsandoontaan haddii aad qabqablayal la soo adeegsaday u sacbo tuntaan, waxaana dulinimo idin kaga filan sarkaal la iibsaday ”

Sido Kale Siyad waxuu la kulmay saraakiil sar sare iyo niman ganacsato ah oo ka soo jeeday beesha Majeerteen oo xiirir fiican wada lahaa, waxayna ka wada hadleen isbahaysi la sheegay inu dhex maray ururkii USC iyo xubno taageersan SSDF, arintaas oo Siyaad Bare ka hadlay waxuu carbaabay oo ka yiri; " falsafada USC ma aha aniga oo kaliya iney ii socdaan ee xaqiiqada dhabta ah waxa ay doonayaan waa kuwaa is ku xoqaya oo isbahaysigooda run mooday,waxuu intaa raaciyey oo yiri " Majeerteen maxay aniga iga rabaan haddi ayagu aysan kursiga madaxtinimada dooneyn oo cidkale ugu raadinayaan" waxuuna u daaray cajalad taleefoon ay ku wada hadlayaan Mr.Bood iyo Qanyare oo sheegeysa dhagarta ay u meegaarayaan rag majeerteen ah oo hawsha kula jira.

Dabadeed sida la wada ogyahay Magaaladii waxaa lagu soo daayey darbi jiif, mooryaan aan waxba ka duwaneyn dugaaga, waxay dubteen Dumar, Caruur iyo wax-garad, waxay diirteen Ganacsatadii, Tijaartii, Digtooradi, Abwaanadi, Saraakiishi iyo Wadni oo dhan.

Waxa meelkasta loo sacab tumay oo taabsaday Dibjirkii iyo wixi majnuun ahaa oo damiirkoodi diiday wixii fiicnba , waxa la dhacay oo la dilay dariis iyo shisheeye, mana ay jiraan cid ay dhaafeen oo caasimada ku nooleyd wax kastana waa gablamiyeen, wixii muunad iyo qurux ay lahayd mogdisho kakac noqotay illa ay noqotay caasimadii meel badawgu geela ku meeyracdo, waaxaa yeertay mogdishoy maxa dhacay, maxa marada ka dhigay? waxaana muran ka jirin in dhibka ugu wen u soo gaaray ragii ololaha fidnada dalka ka shiday oo iyagoo qaaqaawan lagu arkay jidadka Nairoobi, qaarkoodna ayba ku dhinteen fidnadaas,intooda badana ay ku lumen tiihii “wareerkii”.

Gabagabo Siyaad Barre dee dalkii waatu isga baxay kamana shekeynkarno iiminka sidu ku baxay iyo waxyaabihii u kala kulmay bixitaankiisi , laakiinse intusan dalka Niijeeriya u duulin duqa sida caadada u ahayd ma ahayn nooca cataaba waase mici-adeegay, waxuuna yiri “Masiibo iyo Kheyr wixii ku hela maalliggaa qora, mana ahay maqaadiir Eebana nin muran ka keenaya, maantana ma liito ee shacabkii aya sheydaan u ciyey, wax badan waan sheegay laakiin waxaan noqday nin dudumo wacdinaya Koleyba falalka dhacaya ee aan maqlayo soomaali duli ayey mudan dalkuna ummada kale aya dumaalidoonta”

Waxuu intaa raaciyey oo yiri: " wax badan baan dagaalamay oo mufsad iyo gaalo warkeeda diiday,waxaana kala dagaalamay in shacabka la dalaalo, aniguna waxaan ku haminaayey inaan dalkaan dubaakhooyin iyo dakharo dambe dib loogu geysan , waxayna ahayd gobanimada darted iney na deeqdo.
Waxaan abuuray Jaamacadoh, Macaahid iyo iskuulo oo aan la haa dadku ha yeesheen aqoon durugsan oo ay caalamka kula tartamaan, waxaan dalka u sameeyey Marsooyin ay marakiibta ku soo xirtaan lagana hogaamiyo, waxaan dhisay Hoteelo caalami ah iyo Dalxiisyo lagu dabaasho, waxaa abuuray warshado wax soo saar oo dalka ma lahayn haba yaraate warshad Dun iyo Dacas sameysa, cidina ma mooga Milcamadihii Diinta iyo Masaajidyo lagu salaadeysto, soow ma idin arkin Jidadka waaweyn iyo Maka-mukarama jidkeedi milicsanaa, waxaan sameeyey Gobolo badan oo inta xuduudana ku taxay degmooyin si dadku xukunka u gaaro, soow anigaas xeer ka dhigay in qofkii af soomaali ku hadla u yahay muwaadin, afkiina la qoray"

Ugu dambeyn waxuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyey oo yiri: " Cala ay xaal ma qabin inaan shacbkeeyga wax u dhimay, waxaana hadda ii muuqata iney door bidayaan talada iyo daba socodka qabqablayaasha oo hadba shaati cusub u soo gashanaya---- warkeygiina waxuu noqday nin sidii dudumo la hadlaaya, wax wax gareysanayana iima muuqadaan oo dadku waa wada muqleynaya---- koleyba kuwaas maanta shacabka ka furanaaya Saraawiisha, kana siibanaya Nigiska ma filayo iney mustaqbalka u xiridoonaan Saacado Seeko ah, Cal ay xaal ha loo dul-qaato waa kaas nabsigu cariga dul- joogee"

Fiiro Gaar ah:Waxaan warbixuntaan ka xiganay goob jooge taariikheed oo arintaa wax ka qora wixi gaf iyo qadaf ah kuma lug laha weebkaan ee sidaas ula socda.


Wargeyska Banaadir Post

Tuesday, December 2, 2008

Ujeedo: Warqad Furan oo Ku socota Ra’iisaalwasaaraha Soomaaliya (la mood Noqonse Wayday)

Ku: Mudane Nuur Xassan Xuseen

Ka: Cabda Abdullahi

Ujeedo: Warqad Furan oo Ku socota Ra’iisaalwasaaraha Soomaaliya (la mood Noqonse Wayday)

Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakatuhu
Bismillaahi-Raxmaani-Raxiim

Waxaan jeclaanlahaa inaan hadalka soo socda ka fool ka fool kuugu iraahdo ee aanan hawada kuu soo marin, iimase suuroobin, waxaanna u arkaa inay tahay lagama maarmaan inaad ogaatid aragtida qaar ka mid ah shacabka.

Mudane Ra’iisalwasaare, waxaan ahay qof u qabtay inay ku taqaan, fikrad aad u wanaagsanna kaa haysatay. Aad baan ugu farxay markii laguu magacaabay Madaxa Xukuumadda ku Meel Gaarka ah. Waxaa intaas dheer waxaan ku dhiiraday inaan dad badan ku iraahdo, maantaa loo dhiibay ninkii ku habboonaa mas'uuliyadda, is qabqabsi waa dhammaday, Nuur Xassan Xuseen waa nin Soomaali ah oo wanaagsan.

Waxaan rumaysnahay dadka kaa soo xulay reerkaad ka dhalatayna inay kaa haysteen fikrad tayda la mid ah. Khudbaddaadii u horraysay intii xilka laguu dhibay, BBC laanteeda Afka Soomaaligu waxay ku su'aashay maxaad isku tilmaami lahayd? waxaad ku jawaabtay “waxaan isku tilmaamilahaa adeege bulsho” waxaan is iri maa shaa Allaah (he is the right man to the right post” waa kan ninkii ku habbonaa jagada.

Si deg deg ah baad ugu dhawaaqday, waxaan heegan u ahay sidii Soomaali nabad looga dhalin lahaa, Soomaali oo dhanna inaan la hadalaan diyaar u nahay, waxaan is iri waakan ninkii Soomaali isu keeni lahaa.

Waxaad ku celcelisay, inaan xilka wareejiyaan diyaar u ahay haddii Soomaaliya nabad ku gaarayso, waxaan is iri waa kan ninkii dantiisa tan dadka iyo dalku kala waynaayeen.
Maxaa ka rumoobay aqoontaan kuu lahaa iyo ereyadaadii quruxda badnaa?

Waxaa jirta xigmad oranaysa cod dheerida dhaqankaaga xun darti baanan la maqli karin hadalkaaga.

Waxaad isku tilmaantay adeege bulsho waxaadna noqotay adeege cadowga Soomaaliya, dhinac kasta oo arrinta laga eego.

Waxaad tiri dib u heshiisiin baan ka shaqaynayaa, waxaad iska hor kheentay Baarlamaankii, Xukuumaddii, wax kalaba iska daayoo waxaad birta isugu dhiibtay jilibkaad ka dhalatay oo maanta laga baqayaa inay isku laayaan dhibaatada ka dhalatay sidaad u maamushay doorashadii jagada Guddoomiyaha Xamar.

Soomaaliya oo dhammi waxay qarka u saarantay in dagaal sokeeye dib uga bilawdo dhaqankaaga darti.

Waxaad tiri xilka waa wareejinayaa, waxaa shacabku filayay inaad kursiga uga dagtid Gudoomiyaha Mucaaradka aad heshhiska la gasheen, Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah nin Soomaali badan ugu muuqda nin macquul ah. Waxaan la soconna in Mucaaradku soo jeediyeen in la dhiso dawlad qaran oo baarlaankeedu koobanyahay.

Markaad diiday inaad jagada wareejisid waxaa ka dhashay FAJICISO, AMAKAAG IYO DHAMMANNA HAYS LA YIRAAHDO GOLE BAARLAMAAN OO KA KOOBAN 550. Yaabka ugu daran, markaad heshiis ku sheegaas ku saxiixaysaan Jabuuti Xubnihii Baarlamaanka Soomaaliyeed qaarba Nairobi curaar loogu haystaa hoteeladii ay jiifeen dhaqaala xumo darti.

Tan kale waxaa la yiraahdaa shinnida jeer laxlaha laga rido ma joojiso inay ku cunto, mucaaradka laxlihiisu waa Al-Shabaab, heshiiskana kuma jiraan. Waxaa laysa su’aalayaa yaa xabadda joojinaya oo hirgalinaya heshiiska? Haddii mucaaradka wali dagaalamayaa heshiiska ku soo biiraanse meeqaa lagu kordhinayaa baarlamaanka? Waxaan soo xusuustay doqonkii markuu oodda qaadi waayay yiri mid kale iigu soo dara.

Mudane Ra’iisalwasaare, ma waxaa kugu dhacay sidii gabay nin Ingriis ah oo la oranjiray Words Worth tiriyay oo cinwaankiisu ahaa "the World is too much with us” oo mas’uuliyad aadan qaadi karin baa dusha lagaa saaray, mise see wax u jiraan?

Ra'iisalwasaarihii kaa horeeyay, shaki iigama jiro, qalad iyo sax wuxuu doono ha sameeyee, inuu Dawladda u shaqaynayay, adiga waxaa laysa su'aalayaa yaad u shaqaysaa?

Waxaa intaas oo dhan igala yaab badan, anigu fudayd marna kuma tuhmin intaan ku aqqiin, haddana fudayd iyo u hubsasho la’aan badan baa kaa muuqata!

Waxay ku dambaysay aqoontaan kuu lahaa, inaan hadda markaad hadashid isku xishoodo sababtoo ah dad badan baan kaa siiyay masawir qalad ah, oo haatan taagan inay igala noqdaan kalsooniday ku qabeen aragtidayda. Ugu dambayntii waxaan si niyad sami ah kuugu soo jeedinayaa iska dhiib mas'uuliyadda sababto ah kuma habboonid inaad sii haysid, naftaada iyo shacabkaba uga naxariiso.

Allow Xaqqa na waafaji

cabda12@hotmail.com

Banaadir Post.

Taliska Ciidamada Militariga iyo Afhayeenka Madaxweynaha oo si kulul u beeniyay in ciidamada Itoobiya ay qab qabteen gaadiid dagaal iyo hub laga rari


Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed) ayaa si weyn u beeniyay In Ciidamada Itoobiyaanka ay shalay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo Hub kuwaasi oo la doonaayay in laga raro Dekadda Weyn ee Magaalada Muqdisho.

“Waa been aan sal lahayn wax ka jirana ma jiraan, maxay Hubka u rarayaan, waxaasi waa waxba kama jiraan, Ciidamada Ilaalada madaxtooyada waa Ciidamo Qaran, waana joogayaan mar kasta” ayuu yiri Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed) oo sheegay in sidoo kale been tahay in Ciidamada Ilaalada madaxtooyada saraakiishooda qaarkood xabsiga loo taxaabay.

Sidoo Taliska sare ee Ciidamada Militariga dawladda federalka Soomaaliya si weyn uga hadlay aarimaha sheegay in qaar ka mid saraakiisha madaxtooyada oo la baxsan rabay Hub ay xireen Ciidamada Itoobiyaanka, iyadoo Afhayeenka Ciidamada Militariga dawladda federalka Soomaaliay Daahir Max’ud Xirsi (Daahir Dheere) oo la hadlayay saxaafadda ayaa cadeyay in ciidamada Itoobiya aanay awood u lahayn inay xir-xiraan saraakiisha ilaalada madaxtooyada.

Daahir Dheere wuxuu kaloo sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ayasn arrintaasi marnaba ku dhaqaaqin falkaasi oo uu sheegay inay tahay waxba kama jiraan oo ay wadaan raadiyayaasha qaarkood, islamarkaasna wuxuu ku tilmaamay inay tahay dacaayad lagu marin habaabinaayo shacabka.

Sidoo kale waxaa isna wareysi uu siiyay Saxaafada Taliyaha Guutada 5-aad ee Ciidamada Milateriga Jen. Cali Caraaye Cosoble (gacma Dulle) uu ku sheegay inay tahay been in saraakiil ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada oo la baxsan rabay Hub ay qabteen oo ay xireen Ciidamada Itoobiyaanka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in wararkaasi yihiin Dacaayad ay faafinaayaan kuwo ka soo horjeeda Dowladnimada.

“Ilaalada madaxtooyada Xittaa Mustaqbalka waa Ciidamo Qaran” ayuu yiri Taliyaha Guutada 5-aad ee Ciidamada Milateriga Jen. Cali Caraay Cosoble (gacma Dulle) oo sheegay inaysan waxba ka jirin hadalada ay sheegayaan idaacadaha Muqdisho qaarkood.


Waxaa weli wax lala yaabo ah in Saxaafada ama Raadiyada Beelaha ay fidno sii huriyaan halkii ay loo gudbi lahaa in dadka la maweeliyo.


Wargeyska Banaadir Post.

Tuesday, November 18, 2008

Qabyaaladdu ma u danba qabiilka?

Horta, intaanan ka jawaabin su’aashaan, bal aan qeexo waxaaan ula jeedo qabiil iyo qabyaalad. Qabiil ama reer, ama jilib, ama jifi iwm, waa koox bulshada ka mid ah oo ku wada abtirsata hal ab ama oday. Qabyaalad waa markii wax lagu maamulo habka qabiilka oo dadka lgu kala takooro qabiil daradiis, qof wax lagu siiyo, qofna wax lagu yeelo.

Qeexiddaas ka dib, aan u gudbo dulucda maqaalkayga. Awalan, waxaan u arkaa wax fiican in qofku uu qabiilkiisa jeclaado, uuna la jeclaado horumar, barwaaqo iyo baraare. Waxaan sidoo kale u arkaa wax fiican in qofku ka shaqeeyo danaha qabiilkiisa. Haddaba, waxaa habboon in la isweeydiiyo, maxaa u dan ah qabiilkaaga? Jawaabtu waa sahal siday ila tahay. Waxaa u dan ah in qof kasta oo ka tirsan qabiilka uu helo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha qof banii’aadam ah sida nabadgelyo, waxbarasho, caafimaad, meherad uu ka xoogsado, hoy, biyo, nal, bay’ad nadiif ah oo bilicsan, xorriyad, xuquuql insaan iwm. Su’aasha taas ku xigta waxay tahay, haddii la adeegsado qabyaalad, ma la garsiin karaa xubnaha qabiilka nolo heer sare ah oo u qalanta qof banii’aadam ah? Waxaan isku dayaya inaan kaga jawaabo su’aashaas qaybahaan soo socda:

Ma loo daneeyaa qabiilka mise waa lagu daneeystaa?
Waxaan ognahay in mar kasta oo gole wasiiradeed la dhisayo in badanaaba dadku ka fiiriyaan in magaca qabiilkoodu ka muuqdo liiska wasiirada. La isma weeydiiyo qofkaasi muxuu u qaban karaa qabiilkiisa ama bulshadaba. Waxay noqotay caado aan la dhaafi karin in qabiil kasta uu suntado wasiir wasaarad nafac leh hoos timaado sida Wasiirka maaliyadda, kan saliidda, kan khayraadka badda iwm. Nasiibdarro, hadda sharcibaaba la dhigay in xubnaha xukuumadda iyo jagooyinka waaweeyn lagu qaybsado habka 4 qabiil iyo bar.

Qofka magaca qabiilka wax ku doonaya, kuna soo baxa, waxaan dhihi karaa 90% waa qabqable ku takhasususay ficiltanka qabiilka, waaya-arag ku ah guubaaba iyo dagaalka sokeeye, aragtidiisu ku kooban tahay reerkiisa oo keliya, aan muraadna ka lahayn maamulka dawliga ah, hadafkiisuna yahay inuuu waxun hanti ah ka xoqxoqdo meeshaas Waa mid aayan xisaabta ugu jirin horumar dhaqale iyo adeeg bulsho, isu haysta inuu sharciga sareeyo, waayo wuxuu aaminsan yahay inuu jagada ku helay, kuna haysto cududda qabiilkiisa. Qafkaas waxaa barbardhigtaa qof lagu soo xulay kartidiisa, waayo-arganimadiisa, daacadnimadiisa, hawlkarnimasiisa iyo aqoontiisa qoladuu iyo qabiilkuu rabo ha ahadee. Markaas waxaad isweydiisa, yaa danaha qabiilkaaga u roon ma midka magaca qabiilkaaga ku qaraabanya oo aan waxba kuugu ooleyn, mise midka aqoonta leh oo curin kara fikrado iyo qorshayaal wax loogu qabanayo bulshada oo qabiilkaagu ka mid yahay. Dabcan midkan dambe ayaa dan iyo faa’iido ugu jirta qabiilkaaga.

Haddaan mitaal kale soo qaadanno, waxaan aragnaa in mar kasta oo la dhisayo dawlad hoose, in qabiil ama jilib uu ku dhago mansabka Duqa magaalada, iyagoo ku andacoonaya inay u badan yihiin deegaanka inkastoo aan Soomaalida la tirakoobin. Sidaan ka warqabno, magaalooyinka waaweeyn ee Soomaaliya waa kuwo dhibaatoyin farabadani ay hadda la soo darseen. Waa magaalooyin si qaabdarro ah oo isku-raran ah u ballaaraty, aan lahayn adeeg bulsho, ay ka jiraan gaajo iyo shaqo la’aan, ay mar kasta ka dillaacaan cudurada faafa, aan lahayn waddooyin gawaaridu maraan iyo hab qashinka looga guro oo weliba ammaakoodu halis ku jiro. Caqliga saliimka ahi wuxuu ku talin lahaa in magaalada noocaas oo kale loo doorta Duq-magaalo oo lagu soo xulay waayo-aragnimadiisa, kartidiisa, akhlaaqdiisa, farsamadiisa, iyo aqoontiisa xagga maamulka iyo jaangooynta magaalooyinka, cidduu iyo qoladuu rabo ha noqdee. Taasi ma dhacdee, waxaa la magacaabaa ama is-magacaaba qabqable magac qabiil ku duulaya oo aan cidna u abaayaleeyn. Markaas waxaad isweeydiinaysaa, qabiilkaan deegaanka sheeganyey ma dhisayeen magaaladooda mise waa duminayeen.
Maya, qabyaaladdu dan uma aha qabiilka
Horey waxaan u niri danta qabiilka waxaa cabbir u ah waxqabad ku aadan mashaariic horumarineed oo nolosha bulshada bila sida dugsiyo, cisbitaalo, ceelal dadka iyo xooluhu ka cabbaan, fursado shaqo, guriyeyn, warshadeyn, xorriyad, ammaan iyo xasilooni. Hawshaas qofkii wax kaaga qaban kara ayaa kula tol ah oo kuu dan ah qoladuu rabo ha ahaade xitaa ajnabi. Dhanka kale, qofkii aan ceel ku qodayn, oo dugsi kuu dhisayn, oo isbitaal ku fureyn oo ammaan aan kuu sugeyn, kaas ayaa shisheeye kuu ah oo danaha qabiilkaaga ka soo horjeeda waloow aad magac wadaagtaan.

Waxaa la yaab leh, dadku markay maareeynayaan danahooda gaarka ah waa xisaabtamaan. Qofna ma oggola inuu dukaankiisa u dhiibto qof ay isku reer yihiin oo tuuga ah illeyn waa xadayaaye, qofna ma oggola inuu raaco baabuur uu wado ina adeerkiis oo aan weligiis darawalnimo baran, illeyn shilbuu galinayaaye, qofna ma oggola inuu walaakiis oo aan takhtar ahayn yiraahdo i qal illeyn waa dilayaaye. Waa yaabe, maxaa sidaas oo kale loogu xisaabtami waayey markii arrintu taagan tahay danta guud iyo maamulka dawliga ah.

Gabagabadii, ujeedada maqaalkaani ma ahayn inaa kaga faaloodo dhibaatooyinka faraha badan ee qabyaaladdu keento oo waxaa hadal dhammeeyey Allaha u naxariiste abwaan Abdullaahi Sultaan Timacadde markuu yiri: “Dugsi ma leh qabyaladi waxay dumis mooyaane”. Ujeedadaydu waxay ahayd oo keliya baraarujin in haddii jagooyinka dawladda lagu qaybiyo hab qabyaaladeed oo aan la firin mudnaan (merit) waxaa halkaas ku dulman waa qabiilkaaga iyo bulshdoo idilba oo aan helayn daryeelkay mudnaayeen. Ma magac qabiil oo lagugu dulleysto ayaad rabtaa mise maamul toosan lagugu daryeelo.

W.Q. Mohamed Dalmar

Nabad diidku waa dawlad diid!!

Nabadda waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta!

Sida la ogyahay Jabhadihii lagu soo sameeyay, laguna soo howlgeliyay iney dumiyaan dowaldii Somaaliyeed waxey u adeegayeen istrateejiyada dowladda Itoobiya oo sheegtay iney hore u qorsheysay burburinta iyo kale qaybinta Soomaaliya. fadlan si fiican u aqri websitka

http://www.mfa.gov.et/Foreign_Policy_And_Relation/Relations_With_Horn_Africa_Somalia.php. Fikirka Jabhadaha waxaa sal ka ah qabyallad hubaysan oo aan laga xishooneyn. Waxa kale oo sidaas oo kale u dhaqmay dowladii qaranka oo la mooday inay isku badashay goob ay leeyihiin beello gaar ah. Qabyaalladii laga xishoon jiray ilkaheedii ayaa banaanka la soo dhigay. Sheekadii habeenka ayaa maallintii isku bedashay. Waxaa fikirkeeni ka badin waayay “yaa tolaheey! waa wareey!!” oo ay aqrinayaan Jeneraallo iyo doktooro loo soo carbiyay dowladnimada iyo qaranimada. Weli waa joogaan kuwa firkiikaas uraya (qurunka ah) kasii wada dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Dawladii Soomaaliyeed iyo qaranimadeenii waa la jajabsaday, waxaana boqol sanno ka badan wixii Soomaaliya lahayd loo beec geeyay sayladaha caalamka. Ruuxii aan tol laheynow ba’a! Sidaas ayaa xaalka la gaarsiiyay. Soomaaligii aan ka dhalan reer hubeysan, ruuxii Soomaali noqday oo beel aan shaqo ku darsan, ruuxii Alle ka cabsi u gaysay inuu fitnada ka fogaado, waxay noqdeen dhibanayaal (victims), waxaana laga dhigtay la haystayaal (hostages).


Muddo dabadeed, Soomaalidii waa kala qaxday, reerba meel ayuu ku ururay, ugu dambeyntii, safarkii qixitaanka meel ayaa lagu furay. Intii dibadda u firxatay waxay kaalmeysay intii gudaha ku go’doontay. Waxaa bilaabatay marxalad cusub oo wajiga biyo la marsaday, dibna loo tashaday. Meelo badan waxaa laga sameeyay nabad iyo maamuul, meelo kalena weli waa la caaboonyahay (lama daalin) oo waa dagaal ujoog. Hadaba, waxaa iswaydiin u baahan maxaa goboladda qaar nabad uga dhacday, kuwa kalena nabad looga keeni waayay?

Waxaa nabad laga waayay intii Jabhadda USC sheegatay inay ka taliso iyo intii ay luga fidsatay. Waxay ka bilaabataa koonfurta Gaalkacyo waxayna ku luga fidsataa ilaa Raas kambooni, waa inta sanadahaan loo bixiyay koonfurta Somaaliya. Waa Soomaaliya inteeda kale marka laga reebo Puntland iyo Somaliland. Hadaba waa maxaa jinka halkaan degay iyo kheyrka meelaha kale laga helay? Ma reeraha degan ayaa kala fiican? Max wax kale ayaa jira? Ma rabo inaan ku meereysto sheekooyinka ah waxaa ku taalla caasimadda, khayraad badan ayaa la isku haystaa (resources) iyo waxyaabaha la dhihi karo waa cudur-daar (apologetic). Dhabtii, waxa la dhihi karaa arinku shacbi ma aha oo shacbi kasta nabad iyo nolol waa rabaa. Laakiin, waxaa halkaas ku tallo xumaystay, jin la yihaado (USC) oo shaqo ka dhigtay: ihorkici maysid, ku horkici maayo, kala hari-mayno! Sow ha la isbar-bar yaaco ma aha!! Hadaba sidaas dowlad ma ku imaaneysaa? Gobolladda kale ee dalku waxay ka xoroobeen Jabhadihii, Soomaaliland waxay dhisantay markii Jabhadda SNM meesha laga saaray oo talada loo dhiibay Guurtida. Puntland waxay hagaagtay markii SSDF meesha laga saaray oo hawsha Issamada lagu wareejiyay. Labadaas meelood waxaa loo noqday dhaqankii si nabad loo keeno, maamulna loo bilaabo.

Magaalada Xamar iyo inta la xiriirta, Jabhadihii ayaa qurunsaday. Jabhadahaasu waa kale adkaan waayeen, ayagana waa laga adkaan waayay! Maxaa yeelay waxaa kobcinaayay oo gacan buuxda siinayay bulshada caalamka (international community) iyo dawladii soo barbaarisay–Itoobiya. Waxaa loo diidday aqoonyahaanada Somaaliyeed muddo 10 sano ka badan wax talo ah in laga dhagaysto. Dalkii waxaa gacanta loo galiyay madaxda Jabhadaha, inta kalena waxaa lagu yiri ku daba fayla jabhada reerkiina. Waxaa Jabhadaha loo dhigay karbedka casaanka ah (red carpet), waxaa lagu yiri waxaad tihiin hogaamiyeyaal siyaasadeed, waxaa loo qabtay shirar aan kale go’laheyn, waxaa laga saxiixay in ka badan 12 heshiis. Haseyeeshee, waxba kama soo naaso cadaan!! Maxaa yeelay, shirarkaasu waxay ahaayeen maaweello ee dhabba ma ahayn!!! Waxay ahaayeen jilid la rabay in Somaaliya lagu dilo, laguna qaybiyo, laakiin waa dhiman la’dahay oo Ilaahey sida ma qadarin. Khayr badan oo aan umuuqan ajnabiga ayaa ku kaydsan, waxaana lala yaabay horumarka ay ka gaareen ganacsiga, tacliinta, bulshada Rayidka ah, isgaarsiinta iwm. Jabhaduhu waxay ahaayeen been la dhoodhoobay. Kuma dhisnayn beel oo dhaqanka beeshaas lagu xisaabin karo, kamana talinayn madaxda runta ah ee beeshu. Jabhaduhu ma ahayn xisbi siyaasi ah oo laga noqon karo xubin oo dadkeedu tirsanyahay, lehna nidaam ay ku wada shaqeeyaan. Jabhaduhu waxay ahaayeen wiiro-wiiro, horjooge maleeshiyeed dadka booba, kana cabsan dhiig daadinta, madaxoodana ayan ku jirin qaranimo iyo dan guud. Meeshii laga waayo ayaa maamul samaysay, meeshii ay joogaan balaayo ayaa fadhiisatay.

Wax lagu magacaabi karo shir Soomaaliyeed oo heer qaran, wuxuu la bilowday Shirkii Carta ee Jabuuti lagu qabtay 2000, asiguna ceebo badan waa lahaa. Laakiin, waxaa la dhihi karaa wuxuu Soomaaliya u gudbiyay marxalad cusub oo waxaa laga gudbay Jahbadaha, la dhiiri galiyay bulshda rayidka ah, dowlad qaran oo la ictirafay ayaa lagu dhisay. Laakiin nidaamkii Carta lagu dhisay waa la wiiqay, kuwii madaxda ka noqdayna waa iswiiqeen. Itoobiya iyo Maraykanka ayaa sal u ahaa wiiqidda, Jabhadaha ayaa loo adeegsaday. Nasiib daro, waxay ku soo beegantay 9/11 iyo wayrixii iyo caradii Maraykanka iyo bilowgii la dagaalanka argagixisada. Waxaa mar kale soo xoogastay Jabhadihii iyo Itoobiya, waa tii la qabtay shirkii Kenya (2002-2004), waxaa ka soo baxay nidaam xukun oo laga min-guuriyay kii Carte, laakiin madaxda Jabhaduhu hor boodayaan. Waxaa lagu go’aamiyay in Jabhaduhu soo xulaan xubnaha baarlamaanka!! Nin xoog leh xaajo u tuuday! Nin la rabaa reyn badana anba reedda waa ka rogee!! Oo micnaheedu yahay (fiicanaa nin la rabo aniguba waan agtaagnaaye). Sida la wada ogyahay, xaalka dowaldii lagu soo dhisay Kenya waxaa lagu sifayn karaa: khilaaf aan istaagayn; dagaal aan dhamaanayn; shaqo dawlo oo aan la qabanayn; xoollaha oo la iska boobayo; baarlamaan iska cayaaraya oo maalinba ku boodaya mid ka mid ah madaxda dowladda, kana siib kana saar kaliya ka shaqeeya; madaxwayne iyo ra’isulwasaare khilaaf u joog ah oo haddii ay isqabtaan, Itoobiya heshiisiin u aadaya; Walle waa wax lala yaabo!!

Waxaa intaas la jira, imaanshihii midowga maxkamadaha, kacaankii dadwaynaha iyo jabhadii cusbayd ee lagu dhawaaqay oo culumadu hogaaminaysay. Hiilladii dadwaynaha oo lagu bixiyay Jabhadihii, sooma kordhin dhismo maamul iyo nidaaan xukun hawl-gal ah. Xukunku aqoon ayuu rabaa, dadka oo laga qayb galiyo ayuu rabaa, inaan xoog lagu qaadan ayuu rabaa. Hasa yeeshee, wixii dhacay ka sheekayn uma baahna, nabadii waa tii la diiday, dagaal ayaa jilibka loo laabay, Jabkii la ogaa ayaa ka dhacay, yaa ka ma’suul ah la isma weydiin. Sidii Jabhadihii oo kale, xisaabtan lama ogola, hore ha loo socdo waaye taladu. Waxaa si khaldan loo adeegsaday Islaamka, wadaninimada iyo qabiilka si wada jir ah ama kala jir ah, waxaana la adeegsanayay war baahinta si heer sare ah oo lagu marin habaabin karo dadka.

Waxaa dib loo abaabulay Jabhadii la magac baxday “dib-xureynta Somaliya” oo lagu asaasay Asmara. Waxaa Somaaliya mar kale gashay af libaax. Faragelintii Itoobiya waxaa ku soo biirtay faragalinta Eriteriya. Waxaa la galay dagaal labo dowlad u dhexeeya oo “dhiigga Somaaliyeed” lagu daadinayo si raqiis ah, laguna wiiqayo dowaldnimadeeda. Dhexdeena, waxaa ka bilaabatay isgaalaysiinta iyo iscolladinta xoogagii shalay inta kale kula dagaalamay magaca Islaamka. Qaar ayaa nabadda qaatay, kuwa kalena waxay welli wadaan dagaal. Waxaa bilaabatay cabsi ah amay ku socota heerkii USC-dii hore!! Kale qaybsanaantii hore iyo dagaallo faraha looga gubto!! Heshiiskii ugu dambeeyay ee Jabuuti, wuxuu ahaa “caano daatay dabadooda la qabtaa!” wuxuu ahaa rajo cusub oo nabadeed, waxaa ubaahan dadkeyna geedaha hoostooda quban, kuwa baduhu liqayaan, kuwa xabaddu aftar dhinac uga socoto, kuwa gaajada baarka dhulka ugu haya, waxaa ubaahan badbaadinta qaranimadeyna iyo jiritaankeynna. Waxaa martigalisay dowladda DJabuti oo looga bartay wanaag iyo Soomaali jacayl. Waxaa xoog saaray madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle iyo raggisii nabadda ku caanka baxay, waxaa lagu heshiiyay in Itoobiya dalka ka baxdo, ayaduna waa aqbashay, mudaduna waa gaabantahay. Dabadeed, waxaa la damacsanyahay in la nabadoobo, doorasho xalaal ah dalka laga diyaariyo dhamaadka 2009.

Waddada la hayo waa muuqataa, waxaa soo socota waqti aan xoog wax lagu xukumayn, wadaad ayaan ahay aan wax lagu xukumayn, reer hebel ayaan wakiil u ahay aan wax lagu xukumayn, Itoobiya ayaa I wadata aan wax lagu xukumayn. Waxaa soo socota waqti aan Islaamka hoos loo fiirineyn, dadku simanyahay, shirko ku yahay diinta, dalka iyo dawaldnimada. Waxaa wax lagu xukumaa waa dadkayga ayaa I soo doortay, danta dalkayga ayaan ka shaqaynayaa, dhaqanka Islaamka ayaan kobcinaya, nabada gobolka ayaan horseedayaa iyo iskaashiga caalamiga ayaan doonayaa. Waa taas wadada Soomaaliyeed ee dawladnimada, nolosha iyo nabadu, waa taas tubta toosan ee Islaamka. Hadaba yaa diidan nabadaas? waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta!!
[1] Cabdiraxman Baadiyow waa aqoonyahaan ka mid ah madaxda Xarakada Islaax, isla markaasna madax u ah Boorka Jaamicadda Muqdisho. Waxaad kala xiriir kartaa Email:


abduraxmanba@yahoo.com