Hogaankasa yaa ku haboon?
Umadaha caafimaadka qaba, ilbaxnimada leh, nabadda haysta, dadkoodu miyir qabaan, xikmaddu shaqayso ee aan xabadu shaqayn, qalinku shaqeeyo ee aan qorayga iyo qabiilku shaqayn, aqoontu shaqayso ee jahligu shaqayn, ee iftiinka kuwada hadla, ayadoo aan lays handadayn, isuna muuqda oo aan wejigu xirayn, umadahaas hogaankooda uma soo hanqal taago dhiigya-cab ku haboonaan lahaa in Maxkamad la soo taago, magac diineed, ama magac qabiil, ama magac jabhadeed ka uu doono ha ku daadiya dhiigee.
Soomaaliyana hogaankeeda waa in uu u soo tartamaa qof lagu yaqaan: aqoon, nabad ka- shaqayn, waxbarsha-abuur, caafimaad-abuur, ceelal-qodid iyo dhamaan horumarka qaybihiisa kala duwan, laguna yaqaan in uu dhiiga dadkiisa ka caaganyahay, oo wax-tarkooda cimrigisa uu ku dhameeyay. Qofkaas {rag ama dumar} cidii aw doono ha noqdee, ayaa xaq u leh. Waana in aan gaarnaa maalin uu Dhiigya-cab, Qaxiye, Dumiye, Burburiye, Naafeeye, Aqoondiid, Kaligii-Caaqil, Kaligii-Wadani, Kaligii-Muslim, Kaligii-Cune Kaligii-Wadaad iyo wixii lamid ah, uu ka raja beelo in uu Soomaaliya hogaankeeda uu u soo istaago. Waana gaari doonaa Alla idankii marka hore, kadibna hadba inta aan dadaal bixino, waana hubaa in ay soo socoto xilli Soomaaliya ay Singabur cusub noqon doonto Alla idankii.
Taariikh kooban
Hogaankii 1960-1969
Waxaa jiray dawlad shibil ah oo ku dhisan qaabka Baarlamaanka ee lawada yaqaano. Laakin Dimoqradiyadeedu ay guursatay Qabiil! oo qabiilku aanu ka marayn doorashooyinka, inkasta oo xurnima ay jirtay. Madaxweyne doorashada looga guulaystay ayaa iska tegay dhib la’aan oo beertiisii aaday, wax wareer ahna ma abuurin, mid kale oo isaga mar Ra’iisulwasaare u ahaa, hasa yeeshee ay is af-garan waayeen, ayaa soo dadaalay oo Madaxweyne naqday. Marka ayadoo wax wanaagsan noo bilaabanyihiin, oo aan sii barbaraneyno ayuu kacaankii yimid.
Kacaannkii muxuu sheegtay in uu u yimid?
Ka caankii ciidanku waxa uu noo sheegay in uu hogaan-xumo awgeed u yimid loona baahanyahay in la bedelo maamulkii markaa jiray, oo weliba xoog lagu bedelo.
Muxuu qabtay Kacaankii?
Marka aan soo koobo kacaankii wax badan ayuu dhisay, wuxuusa sababay hadana burburkoodii oo ah xurnima la’aan, sedbursi, dagaala aan dhamaan iyo waxyaaba kale. Waxaana nagu filan Murtidii ahayd {Afkaaga ka adkaaw Af……. Ahaaw, ama Afgooye aad}. Waana iska soo koobay, oo waad kawada dheregsantihiin wixii dhacay.
Maxaa ka dambeeyay?
Jabhadihii bilaaw iyo dhamaad.
Markii ay soomaaliya jabhadaha hubaysan ee xukunkii ciidanka diidanaa soo ifbaxeen, dad badan waxa ay filayeen in barwaaqa la geli doono, marka xukunka ciidanka la rido. In badan rejadaas wanaagsan ayey ku dhinteen, oo qaarkood weliba hogaamiyayaal ahaayeen sida, Dr. Ismaaciil Jimcaale, Xaaji Muusa Boqor,
Xaaji Xaashi Wehliye iyo kuwa kale{inkasta oo sida labada Xaaji ee dambe ku dhinteen laga been-sheegay}.
Ka been sheeggaasina uu horseeday dhibka ugu badan ee Soomaaliya ka dhacay, ama hadda ka dhacaya, amaba ka dhici doona. Taana mar kale ayaan ka hadli doonaa, hadii Alla idmo, si bulshada Soomaaliyeed ee danayneysa xaqiiqadu ay u ogaato sida ay ku dhinteen ragaas iyo ragii kale ee la dhintay.
Aan u soo naqdo tii aan haada ka hadli laha oo ah in rajadii laga qabay jabhaduhu ay cadaatay in ay been ahayd waqti gaaban gudihiis, ayadoo weli uu joogo Muqdisho madaxwene Maxamad siyaad.
Halkay ku dambeeyeen jabhadahaas?
Markii la arkay qorsha la’aanta jabhadahaas, aqoon la’aantooda, kala dambayn la’aantooda, qaybqaybsanaantooda, xukun u oomanaantooda, qabyaaladdooda, bililiqaysigooda iyo xumaana kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin, waxaa dadka intiisii daacadda ahi, ee horay u taageeray bilaabeen in ay u duceeyan xukunkii hore, inkaarna dusha uga tuuraan jabhadihii burburiyay maamulkii iyo ilihii dhaqaalaha, maamul kalana aan keenin.
Waxaa xusid mudan in jabhadahaas iyo hogaankoodu dhamaantiis uusan wada xumayn, laakin waxaa ka tan badiyay qolooyin danaystayaal ah oo maamul la’aanta dantooda u arkay, waana kuwa dilay Xaaji Muuse Boqor iyo Xaaji Xaashi Weheliye iyo akhyaartii kale ee lala dilay ee aan soo sheegnay, kadib markii ay ogaadeen in ay dawladda la gaareen heshiis xukunka si nabad ah ay ugu wareejinayso, si dhiig sokeeye looga badbaado. Kadibna kooxdii dishay waxa ay suuqa geliyeen in ay dawladii markaa jirtay dishay. Waana arinka qarxiyay Xamar ee sababay dhibka aan ilaa hadda ku jirno.
Ma loo darsaday WarLord-yadii.
Maalmahaan {nasiib-daro} WarLord-yadii waa loo duceeyaa, ka dib markii la arkay dhaqan-xumada kooxaha diinta ku ganbada, oo ku caan-baxay in qofkii ka aragti duwanba ay Gaaleysiiyaan si ay dhiigiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa u banaystaan, waana intii ugu waaweyneed ee diinta Islaamku ilaalinaysay, sidoo kale waa waxyaabihii Rasuulkeenna Suubani N&NK uu ka dardaarmay Xajkii ugu dambeeyay asagoo Carafa taagan.
Kooxahani meelihii umaddu dulmiga uga gamban jirtay sida Masaajiddadii, Culamadii iyo meel kasta oo la dhawri jiray ayay karaamadii ka qaadeen. Kooxahan ayagana sida jabhadihii ayaa si indha la’aan ah loo taageeray, haddasa way muuqataa in laga shalaayay oo dadkii waxa ay qireen in WarLord-yadii ay kuwaan dhaameen. Sida ay horayba ugu qireen in Xukunkii Ciidamadu uu Jabhadihii dhaamay.
Kooxahaan maxay yihiin?
Bulshada Soomaaliyeed badankeedu way fahmeen, waqti-dheerba ha ku qaadatee in ay kooxahaan yihiin dadkii qabiilka ku qaraaban jiray oo qabiilkii u socon waayay, ee Mooryaantoodii dharka Afgaanistaan iyo camaamadaha Khaliijka u xiray, oo u ekaysiiyay dad cusub oo diin u adeegaya, si ay dadka masaakiinta ah ugu qaldaan.
Waxa ay sharaf tireen dhamaan waxyaabihii qiimaha lahaay, ee dadka Soomaalidu dhawri jireen sida: Kitaabka Alle, Shareecadii, Jihaadkii, Culumadii, Islaamkii iyo wax alla wixii dadka aktooda ku waynaa, taas oo keentay in dd badani ay diintii iyo wadaadadii ka cararaan. Horay ayaa loo yiri wadaadka xumi waxa uu wataa{qiilkii uu xoolahaaga ku banaysan lahaa, qawlaydii {mididii} uu ku qalan lahaa iyo qandigii uu ku qaadan lahaa intaba}. Marka kooxahani in ay ku gaaleysiiyaan, kadibna ku dilaan, xoolahaagana qaataan, naagtaadana guursadaan waxa ay la tahay sida koob biya qabow ah oo ay cabaan.
Ujeedada ay u dagaalayaan waa maxaay?
Ujeedada ugu wayn ee ka dambaysa, waa sidee awood, dhaqaale, dhul iyo dheef loo helaa? Gar ahaan waxaa ka go’an in ay gacanta ku dhigaan dhulka u dhexeeya {Beledweyne ilaa Kismaayo} oo ah degaana dhaqaale fara-badan laga helo oo dhul ahaana aad istaratiiji ah, xagga beeraha, dekadaha, wadooyinka isku xira Soomaaliya iyo dawladaha deriska ah, webiyada iyo magaalooyinka waaweyn. Waxaana u sii fududaynaya oo ku dhiiri gelinaya boobka, dhiiga, qaxinta iyo falalka kale ee xun, dadka dhulkaa iska leh oo nabad jecel oo si fudud lagu xoogi karo, oo u badan dad aan hubaysnayn, jeclayna dagaalada oo nabad, maamul iyo dawlad ku nool ah.
Xagey taageera ka heleen?
1 – Diin-jacaylaka dadka muslimka ah ayey ka faa’iidaysteen, oo moodayay waxa ay sheegayaan wax dhab ah oo daacad ah, oo taageera ay ka heleen markii hore.
2 – Awoodaha shisheeye oo doonaya in Soomaaliya dawlad la’aan ahaato, si ay ugu noqoto meel ay ayagu ka fushadaan danahooda gaarka ah.
3 – Idaacado iyo TV – ya ka ganacsada balaayooyinka oo dan u arkay in Soomaaliya noqoto meel aan holaceedu dhamaan, si ay u helaan warar joogta ah oo aduunka ka gedmaya.
4 - Iyo qolooyin kale oo fara badan oo balaaya ku nool ah
Maxaa ka dhexeeya ayaga iyo jabhadihii?
Sidii aan horay u soo sheegnay dadkaan diinta ku danaystaa badankoodu waa Mooryaantii qabaa’ilka oo camaamada la siiyay.Waa ku jireen markii hore dad yar oo waxaan daacad moodayay, laakin hadda waa isaga baxeen markii ay arkeen in abeesooyin iyo masas camaamada soo qaateen, dad fara badan oo ka tawba keenay oo aan arkay ayaa jira iyo kuwa kale oo aan aqaan oo la ii sheegay in ay ka carareen markii waagu ku baryay, oo ay arkeen in meesha waxa lagu haayo ay yihiin diinta ku gambo ee ku danayso. Mana jecli in aan magacya sheego, laakin waxa aan hayaa tira fara badan oo shalay halaagaan horboodaysay oo hadda ay ka marayso {aan ooyee albaabka ii xira}, tiiraanya darteed iyo sida loo marin habaabiyay. Dadkaan qaarkood magacoodu aad ayuu u dheeryahay.
Maxaa soo socda?
1 - Kooxahani waxa ay iska noqon doonaan WarLord-ya cusub oo kuwii hore ka dhibaata badan, laakin camaamada waa-weyn wata, si ay u qariyaan halaagooda, ayagoo u hardamaya ilaha dhaqaalaha gaar ahaan Beledweyne iyo Kismaayo inta u dhaxaysa, laakin waa ay iska dhamaan doonaan sidii adeeryaalkood-ba u dhamaaden, shacabkuna wuu ogyahay, waana ka horeeyaa kooxahaan, laakin wax-garadkii ayaa laga dhigay wax la dilay iyo wax la qaxiyay, ayadoo si gaar ah loo abaaray Culumada la ixtiraamo, Dhaqanka la dhawro, Saraakiisha, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo cid alla iyo cidii bulshada indha u ahayd xag aqooneed ama xag dhaqaale. Intii hartayna way af-duubanyihiin oo qoray ayaa madaxa looga hayaa, laakin Alla idankii waxa aan isleeyahay kacdoon shacbi oo nabad doon ah, dagaal diidna ah ayaa dhici doona muda dhaw, diin-ku-danaystayaashuna waqtigoodu wuu iska dhamaan doonaa.
Waxaasa loo baahanyahay:
1 – Wax-garadka qaybihiisa kala duwan waxaa looga baahanyahay in ay u ololeeyan in aan dimbiile dagaal oo dhiig ku nool ah aan hadda kadib loo ogolaan in uu xil ka raadiyo Soomaaliya, xil yar iyo mid wayn intaba, waana in Buug-madaw la furaa oo la geliyo dhamaan dagaal iyo dhiig ka macaashayaasha, si dadka Soomaaliyeed iyo Aduunkuba u barto dadkaa ayaga ah.
2 – waa in la isku xiraa bulshada nabadda jecel, ee dagaal-ku-noolayaashu kala firdhiyeen, si mar labaad loo jibiyo, dhiig-ka-macaashayaasha.
Boorama, Berbera, Hargaysa, Boosaaso, Garoowe, Gaalkacyo, Beledwene, Jowhar, Xamar, Marka, Baydhabo, Baardheere, Baraawe, Janaale, Kismaayo iyo magaalooyinka kale waxaa lagu dhisay nabad iyo xasilooni, ee laguma dhisin colaad iyo dagaal aan ujeedda lahayn.
Suugaan koobaan aan ku soo gunaanado:
Duulkaan dagalku duufsadaw Dadkiina maad u Danqataan?
Danyarta aan Daryeel lahayn ee Daalan maad u Danqataan?
Dhalaanka Diifka Daadihaa ee Dulman maad u Danqataan?
Dumarka Dagaalku Daashadee Dalcaawgaa maad u Danqataan?
Duqowda madfac Dooxay een la Daaweyn maad u Danqataan?
Dariiqa maydka Daadsan een la Duugin maad u Danqataan?
Diinya Damiir ma waad lahayn Dalka maxaad u Dumiseen?
Ma Dalkaya Diintaya Dadkaad Dantiina uun u Dayacdeen?
Dereja maleh Dumintaan ee Dib u-dhis maad ka Doorataan?
--------------------------------------------------------------------------------
Xasan Xundubey Jimcale
London, UK
walaalnimo@hotmail.com