Search This Blog

Wednesday, August 20, 2008

CAR YAA UJEEDADA KOOXDA INDHA-CADDE II CADDEEYA???? -


Waxaan beryahan maqlaa Yuusuf Indha-cadde oo ku celcelinaya 'cidaan anaga ahayni ma jirto', waa jihaadeynaa oo aqbali meyno wax ka yar in Diinta islaamka dalka lagu xukumo.


Haddiiba ay taasi run ka tahay waa wax fiican, yaase su'aashan iiga jawaabi kara?, dhowr sanadood oo uu ku amar ku taagleynayey gobolka Shabeelaha Hoose maalinba ha noqotee ma maqasheen xukun Islaami ah oo qof dambi galay lagu fuliyey, garsoor Islaami ah oo deegaankaas wali laga dhisay yaa arkay?.

Kasow dhibtaada dadka deegaankaas ay ku qabeen maamulkiiindha-cadde, waxaa jiray foolxumo badan oo deegaankaas ka jirtay sida in laga sameyey beero daroogada Xashiish-ka loo yaqaan lagu abuuro oo uu dabcan maamulkiisu ogaa jiritaankooda waxna lagama qaban.

Waxaan markaas isweydiyey ma jirin maalin hirgalinta shareecada Islaamka ay uga fududeed maalintaas ee muxuu u sameyn waayey maadaama uu gobolkaasi ahaa mid gacantiisa ku jiray oo aaney la wadaagin qabqablayaal dagaal oo kale...mise wuxuu
mabaa'didaan islaamiga ah qaatay markii ay maxkamaduhu ka awood roonaadeen saaxibadiis Muuse suudi..Qanyare iyo kuwii kale ee la midka ahaa.

Yuusuf Indha-cadde, dadka Soomalidu uma yaqaan Shakhsi diineed oo waxay xasuustaan hadaladiisa qabyaaladeysan ee uu waligiis jeedin jiray ilaa heer uu gaaray inuu xitaa qabiil kale sheegto..waxaan xasuustaa sanadkii 2004-tii mar uu garab milatari siinayey koox ka mid ahayd jabhaddii Raxanweynta ee RRA garabkii Xaabsade oo Baydhabo qabsaday in BBC-du weydiisay waxa isaga ka galay arrimaha gobolada Bay iyo Bakool oo aysan beeshiisu dagin inuu yiri, "walaalow hadde anigu inaan nin Digil iyo Mirifle ah ahay sow ma ogid".

Yaab badanaa!!, sanadkii 2006-da oo ay muqdisho ku hardamayeen Isbaheysigii sharta ee argagixiso la dirirka ayaan markale dhageystay Qanyare oo leh "aragagixisada ay magangaliyaan Xasan Daahir..Abuukar Cumar Caddaan iyo Indhacadde ayaan rabnaa inaan dalka ka saarno" iyo Indhacadde oo ka jawaabaya misna leh,"Qanyare waa nin Murusade ah ana Nin Ceyr ah ayaan ahay... waxaan hayana igama soo dooni karo".

Ufiirso waa intii uu socday dagaalki Argagixiso la dirirka iyo maxkamadaha uu Indhacadde madaxdeeda sare ka mid noqon doono maalmo yar ka dib,marka uu Qabiil ku faanaayo...ma ogi ma wuxuu hanuunay intii uu maxkamadaha ka mid ahaa mise wali wuxuu wadaa ujeedooyinka meel loo raaco la garan waayey ee ay leeyihiin kooxo soomaalida ka mid ah oo uu ku jiro.

Hadalada laga xishoodo ee Indha-cadde astaanta u ah waxaa ka mid ah inuu isugu yeero nin wax kasta ay isaga ka go'aan oo dadka kale ee howsha lawadaagana aysan waxba ahayn, xusuuso markale Shirkii Asmara Isbaheysigii lagu dhisay ayey kooxda Al-shabab iska diideen ka mid ahaanshihiisa iyo mabaa'diisa intaba inkastoo markaas lagu wareeray cidda Al-shabab hogaamisa ama u hadashada,waloow uu markii dambe hadlay Sheekh Mukhtaar Robow 'Abuu mansuur' oo sheegay inaysan iyagu shaqo ku lahayn Ururkaas oo ay isugu tageen wax ay ku tilmaameen Culimo iyo Cilmaaniyiin, dabadeed Indha-cadde haka jawaabo hadalkaas oo ha yiraahdo "ninkaas anigu ma aqaan,Shabaab anigaa ah..Maxkamado aniga ah..Isbaheysigana anigaa ah".

Ninka uu leeyahay ma aqaan, waa isaga ku xigeenkiisii maxkamadaha islaamiga ah, wuuna yaqaanaahe wuu yasayaa ileyn cidaan isaga ahayni waxba maahee, Magac-bixintuse ma iga qalloocatay haddii aan Sheekhul kulli ugu yeero Yuusuf max'ed siyaad.?. Wareysigii ugu dambeeyey ee lala yeesho ayaan dhageystay ee uu uga hadlay heshiiskii Jabuuti,hadalada ay Bulshadu ku miisaameen garashada Siyaasadeed ee Indha-cadde inta ay gaarsiinsantahay ayaa markan banaanka yimid markii uu yiri,"Sheekh Shariif meesha waa loo dhiibtay,wax uu saxiixi karo iyo ciduu matalana ma jirto..xabad ma joojin karo oo muqaawadu waa mideysantahay aniga oo xoghayihii difaaca ah ayaana madax u ah".mase caddeyn cidda Shariifka u far-jaawisa ee uu adeegaha u yahay.cajiib!, hadii uu isagu muqaawada madax u yahay sow isagana Madax looma aha?.

Hadiise uu madaxdiisa ku caasiyo siduu rabaa inuu isna madax ku noqdo..dadka aan xog-ogaalka ahayn ayuu ku qaldayaa inuu howsha oo dhan isagu hayee,waxaan hubaa inuusan muqaawada dhaxdooda ka ahayn sida uu isagu isku ekeysiisanayo dadka
qaarkiisna u heystaan,ciduu hoggaamiyo iskaba daaye.
Aanse dadka u bayaanshee muqaawada gudaha horta yaa hogaamiya..kama hadlayo Al-shabab oo falaagonimadiisu caddahay oo kale waxaanse ka hadlayaa Maxkamadaha Islaamiga ee gudaha ka dagaalanta, aan qaarkood ka xuso hoggaanka muqaawada: Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar, ku xigeenka Sheekh Shariif, waa madaxa ugu sarreeya muqaawamada gudaha, Sheekh Max'uud Ibraahim Suuley waa afhayeenkooda, Sheekh Xasan Max'uud (Sh.Xasan dheere) waa ninka u qaabilsan Gobolada Banaadir, Shabelaha dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, Cabdiraxiim Ciise Caddow oo dhanka dagaalka uga hadla iyo xubin kale oo dhanka milatariga u
qaabilsan oo aanan rabin inaan sheego sababo jira owgood iyo Rag kaloo farabadan.
Ragaas aan sheegayo ayaa muqaawada gudaha qaabilsan siyaasad, milatari iyo dhaqaale ahaanba,waana Ragga Sheekh Shariif sida tooska ah ugu xiran oo uu toos ugu gudbiyo dhaqaalaha dibadaha laga helo ee howsha oo dhani ku socoto.Markaas Indha-cade intuu ka dagaalamaa oo ay ciidamadiisu joogaan...tiro aan sidaas u badneyn oo beeshiisa ah ayaa in muddo ah dagaalka wax uga jirtay iyagiina intoodi badneyd Aadan Ceyrow, Alle ha u naxariistee ayey raaceen, qaarkoodna muqaawada muqdisho ka dagaalanta ee Ragga aan sheegay hogaamiyaan ayey ku jiraan.
Indha-cade wuxuu iska dhigay nin xabad-joojin la gaaraa ay isaga ku xirantahay, sida uu sheegayna Shariif-ka meesha waa loo dhiibtay oo wax uu hayo ma jirto..mase la isweydiiyey deegaanka uu Indha-cadde joogo uuna deegaan ahaan kasoo jeedo ee Galguduud, degmooyinka Dhuuso-mareeb, Guriceel iyo Matabaan oo Hiiraan raacsan intaba dagaal kama jiro,madaxdii ay Dowladda Cabdulaahi Yuusuf u magacowdayna waa joogaan oo meesha lagama eryin, Gobolka Sh/hoose oo uu ka talin jirayna waxaa ka taliya maamulka Dowladda KMG tiiyo ay waliba madaxdiisa ku jiraan kaaliyeyaashiisii hore, muqaawada Indha-cadde madaxa u yahayna xabad kama ridaan!!, Magaalada Marka oo Qabashadeedu muhiim u tahay Mucaaradkana looma socdo, sabab?saaxibadiis oo dowladda ciidanka Itoobiya dalka keentay ka tirsan ayaa maamula, waana meesha uu rabo Indha-cadde inuu markale ka taliyo haddii uu ku guuleysto fulinta ujeedooyinka aaney cidi wali garan ee uu garwadeenka ka yahay, waxayse dadka qaarkiis aaminsanyihiin in geeddiga lagu jiro halka in lagu furo la rabo ay tahay rabtii fowdada, nabad-la'aanta iyo maamul-nacaybka ee ay Soomalida qaarkeed ku caan-baxeen ridistii Xukuumaddii Milatariga ka dib 1991-dii, laakiin Sheekh shariifka uu leeyahay waxba ma hayo deegaanka uu kasoo jeedo ee Shabelaha dhexe iyo galguduud bari, sida degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad ma jirto hal degmo oo cid Dowladda ka tirsani joogto, muqaawada ayaana ka tilisa.
Markaas aan isweydiino meesha uu Indhacadde ka dagaalamo waa xagee?, aawayse xoogga uu ku faanayo ee hor-istaagi doona haddiiba uu hirgalo heshiiska jabuuti lagu gaaray ee saldhigiisu yahay in Itoobiya dalka laga saaro 120 maalmood gudahood mise wuxuu iska sheegan doonaa hogaaminta dagaalka caalamiga ah ee ay Alshabab wadi doonaanaan muddo aan la ogeyn inta ay qaadan doonto.

Al-shabaab iyo Indhacadde kooxdiisu isku mabaa'di maahan waxayna u yaqaanan inuu yahay qabqable dagaal marka dib loo xasuusto soo jeedintii Aadan Ceyrow ee ahayd inuu indhacadde hubka ka dhigo maalmihii Muuse suudi, Qanyare, Bashiir Raage iyo Botaan Ciise hubka laga dhigaayey,laakiin ay taas ka diideen Sheekh shariif iyo Sheekh Xasan Daahir.

Kooxda Alshabaab, hadafkoodu waa cadyahay oo waxay dagaal kula jiraan inta aan Diinta Islaamka heysan ee dunida joogta, dagaalkana ma joojinayaan xataa hadii ciidamada itoobiya dalka ka baxaan, sida uu caddeeyey Abuu mansuur oo afhayeen u ah, ujeedadooduna waa ka fogtahay inay Soomaliya dowlad Islaami ah ka dhisaan oo waxay ku haminayaan inay adduunka oo dhan dadka jooga muslimiyaan, waase Riyo wanaagsan oo dariiqii ay ku rumoobi lahayd aysan hadda ku taagneyn.
Dhab ahaan kooxdani meelo kale ayey la heystaan oo ma jirto cid og madaxdooda rasmiga ah..hogaamiyahooda cidi ma taqaan, waxa kaliya ee la ogyahay iney Amirkooda ugu yeeraan Nin ay ku magacaabaan Sheekh Mukhtaar Abuu zubeyr oo cod afcaribi ah soo duuba sida aan ka dhageystay bogga ay Internet ka ku leeyihiin markaas iyaga arrintoodu waa naga fogtahay waa maxayse ujeedada dhabta ee Indha-cade iyo kooxdiisu?, (kooxdiisa ulama jeedo Qabiilkiisa), Soomaali badankeed ma aaminsana in Indhacadde Diin u dagaalamayo oo taas lagama dhaadhicin karo,laakiin in Itoobiya dalka laga saaro ayuu u dagaalamayey markii hore waa macquul haddase waa diiday hadii la yiri nabad halagu saaro..'xoogbey kusoo gashaye xoog ayaa looga saaraa na' waa aragtida ay wada qaateen Sheekh Xasan Daahir iyo Sheekh Xasan Turki oo uu Mareykanku doonayo dilkooda ama soo qabashadooda,kuwaasna ujeedka dagaalkoodu waa cadyahay oo waxay difaac uga jiraan cidkastoo in dalkaan Dowlad loo dhiso oo nabad lagusoo dabbaalo dooneysa, ileyn iyaga dani uguma jirto oo waxay rabaan meeley ku dhuuntaan oo maamul aysan iyagu wax ka ogeyni ka dhalan ama deegaanno qabaa'illo xukumaan oo lagu dhax dhuunto.

Haddiise dhan kale laga eegana heshiis ayaa dantoodu ku jirtaa oo ugu yaraan waxaa laga hadli kari lahaa sida mustaqbalkooda laga yeelayo markaasoo ay ilatahay in laysla garan lahaa inay dalkooda nabad ku joogaa oo ugaarsiga laga daayo
iyana ay iska daayaan waxa loo heysto, hadiiba ay jirto.

Indha-cadde muxuu rabaa...inuu isagu madax noqdo..in beeshiisu hoggaanka dalka qabato...mayee fowdada iyo maamul la'aanta ayuu rabaa si uu markale Gobol uusan u dhalan xoog ugu heysto...tiisa uma hadlayee cajalad kale ayaa ka dhex hadleysa...mayee sidaas ayuu rabaa.. ayey ka badin waayeen dad badan oo aan la sheekeystay.

Laba Sheekh Xasan iyo Alshabaab oo ay soo barbaariyeen waxay dab iyo bansiin yihiin meeshii Mareykan soo galo, si dadban ama toos ah, waxay sida Itoobiya oo kale cadow la yihiin ciidan kasocda Qaramada Midoobay oo ay kusoo halqabsadaan dhibaatada ciidan shisheeye keenisteedu leedahay dagaalkii 1993-dii dhax maray Milishiyadii Jen.Caydiid iyo xoogaga Al-itixaad oo dhinac ahaa iyo US/UNOSOM khasaarihii ka dhashay iyo dadkii badnaa ee ku nafwaayey, qiilka ay u sameynayaan na waa kaas.

Itoobiya in dagaal kaliya lagu bixiyo ayey ku andacoonayaan..mase sheegayaan waxa diidaya in wadahadal lagu bixiyo iyadoo aaney wiilal qaali ah nooga dhiman. taas haba iska diidaane dagaalna kaligood kuma bixin karaan...Ciidan caalami ah ma rabaan oo waa Ajnabi,xataa haddii Dalalka Muslimka ah laga keenayo, wax dadka u cuntama oo taas baddalkeeda dalkan lagu xasiliyana ma hayaan..sida muuqatana ujeedkoodu intaas oo dhan maba ma aha ee wax kaloo u qarsoon ayaa jira..yaase yaqaan?.
Haddii la yiri Xabashi ha baxdo oo badalkoodi hala keeno kuwo caalamka ka socdo si loo badbaadiyo dadka dhibaatadadu ku heysato gudaha iyo hareeraha Muqdisho oo xilina Qorraxi heyso..xilli qabow haayo..xilli kalena roob darani ku dul da'ayo maxaa loo diidaa??,Ishooduse ma qabato miyaa duruufaha kala daran ee dadkaas heysata?..hooyada agoonta ku dhex heysa waab yar oo biyo dhex-ceegaagaan, waayeel gaajo darteed indhihii god sii galeen..umusha naaskeedii caano beelay ee banaanyada ku dayacan, noloshooduna ku tiirsantahay gargaarka caalamiga ah.
Malaheyga, waxa loo dagaalamayo maba ahan danta Dadka iyo Dalka
ee tan shakhsiga ah ayaa ka ka horreysa waxaas oo dhan, si dadkaasi guryahoodi ay dib ugu laabtaan marka laga saaro ciidanka cadowga Itoobiya ee ka barakiciyey, lana helo kuwo kale oo aan madaafiic culus,Tank iyo Pm, ku garaaci doonin xaafadaha iyo Suuqyada dadku ku badanyahay, gargaarka dadka tabaaleysan loo wadana ka dhiciya tuugada maxaa loo diidayaa...haddii aaney dano kaloo naga qarsooni meesha ku jirin?.

Ugu dambeyntii waxkasto diidnay Xal maahe keena wax dadkan iyo dalkoodaba dani ugu jirto ama diida koley Duul kalaad dano wadaagtaane.

Waxaa Qoray:
Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero

Maxaa ka qaldan Shirka Jabuuti ka socda Jabuuti?

Qof walba oo Soomaali ah waxaa waajib ku ah in uu ogaado shirarka ka socda dalka Jabuuti waxa uu ku saabsan yahay iyo cida ka dambaysa.
Waxaa kaloo waajib ah in ay ummada Soomaaliyeed is waydiiso heshiiskaan cida galaysa ma dowlada iyo mucaaradkaa mise mucaaradka dowladda oo qora ayaa ku heshiinaya Ilayn dowladdii Nuur Cade weydhacday mudo labo asbuuc laga joogo marka la eego dastuurka dalka u dagsan.
Hadaba aynu cabirno in uu shirkaani mira dhal ma noqon doonaa iyo in kale.
Aynu ka bilowno shaqsiyaadka shirka ka qayb galaya iyo ajendaha shirka.
Madaxda shirka hogaaminaysa:
Ahmed Abdisalaam (Mucaarad shaatiga dowladda gishan)
Abdulraxman Abdishakuur (Mucaarad ka socda ICU)
Waxaan ognahay in ay dowladii Nur Cade ay is casishay oo lagu kala tagay.
Marka waxaa halkaa ka cad in Ahmed Abdisalaam uu ka mid yahay raga mucaaradka ah ee shaatiga dowladda gishan.
Ummada Soomaliyeed aad bay uga dharagsan tahay in labada Nin ay isku beel yihiin.
Taas oo lid ku ah awood qaybsigii ku qeexnaa Axdiga Kumeel Gaarka ah ee loo yiqiinay 4.5.
Waxaa kaloo aynu ognahay in beesha ayka dhasheen laba Nin oo ayagu isku magacaabay in ay matalaan shacabka Soomaaliyeed ay rabaan in ay Toban Shaati oo kala duwan shirarka la tagaan.
Sida USC, ICU, AIA, ARS, IRS, NGO, Al shabaab, Al Islaax, Alshaatiga dowladda, shaatiga mucaaradka, shaatiga Qabiilka, shaatiga Civil Society, Refugee/Victim, Chamber of commerce, Shaatiga warbaahinta, kuqabso qadimaysid, Aqoon yahan, iyo kuwo kale oo la abuuri doono haddii loo arko in wax lagu heli karo.
Ajendaha Shirka Jabuuti:
In caalamka aqonsado mucaaradka, in layska horkeeno madaxda dowladda, si loo wiiqo midnimada dowladda.
In dhaqaalaha caalamka bixiyo bar lasiiyo mucaaradka oo ay dib isugu abaabulaan.
In kuraasta dowladda bar lasiiyo mucaaradka, ugu dambayntii in la marin habaabiyo Axdiga ku meel gaarka ah.
Laguna badalo axdi cusub oo ku salaysan sadbuursi iyo boqolshaati gashi.
Ugu dambayntii shirkaan lama oran karo Soomaali ayaa ku heshiinaysa balse wuxuu u muuqdaa mid ay mucaaradka ku afduubteen dib u heshiisiinta qaranka ayna horseedi karto burbur hor leh.
Somali Good Governance Coalition somgogov@yahoo.com

Xaaladda Soomaaliya xaggey ka qalloocantahay(Q1).

Sida la caadeystey maqalka fashilaadda heshiisyada lagu gaaro shirarka ka dhaco Soomaalida dhexdeeda, taasi oo soo billaabatey tan iyo intii ay burburtey dowladdii dhexe 1990kii, ilaa iyo maanta.
Hase yeeshee waxaa is weydiin leh maxaa u sabab ah, fashilaadda ku dhacda heshiisyada ay gaaraan Soomaalida?
Xalka la doonaayo in laga gaaro Soomaaliya ayaa waxay tahay in la helo dowlad dhaxe ee caadil ah, taasi darteed baahidaa ayaa keenta in mar walbo la qabto shir, lagu magacaabo hadba meesha lagu qabto amase lagu magacaabo dib u heshiissin Soomaaliyeed.
Shirarkaasi ayaa u dhamaada heer hal bacaad lagu lisey, haddaba jawaabta so'aasha kor ku qoran maxay tahay?.
Sababta ay shirarka u fashilaan ayaa ah:-
-Run sheegid la'aan,dhex taalla kuwa heshiiska gelaaya v soomaalidu marka hore .
- Ragga heshiiska gelaaya oo ah dad sida badan hal dhan kasoo jeedo oo aan matali karin Soomaalida oo idil iyo weliba kuwa ay kasoo woda jeedaan. - Heshiisyayaalka oo fulinaaya qaarkood dano dowlado shisheeyey.
Arrinta Soomaalida ayaa waxay ka qalloocantahay xagga hoggaanka kuwaasi oo ah kuwa keli dantooda kuwa ka hor mariyo mar walba , oo aan danta dadka iyo dalka midna aan fiirin.
Waxaa laga yaabaa inuu hadalkeyga dhedhekiisu qaar dhibaayo , hase yeeshee waxaan hubaa inuu qaa badani igu raacayaa,waa haddii runta la doonaayo.
Haddaba dalka Soomaaliya waa dal baaxad weyn leh, laga soo billaabo xuduudka Jebuuti ilaa iyo xuduudka Ethiopia iyo Kenya,oo iintaba ay ka burburtey dowladdii dhaxe, hase yeeshee daneystayaal ayaa la wareegey ka dhisidda maamullo yeryer oo aan muuqaal lahayn.
Taasi waxay dalka ka qaaddey qiimahii weynaa ee uu lahaa, ayada oo runtii edda dusha looga tuuro fara gelin shisheeye, ayaa haddana waxaa u woda sabab ahaa , una u sabab ah tan iyo hadda, kuwa daneystayaal ah, oo dalka kala burburiyey, haddana ku wodo.
Dhibaatada runta ahna waxay ka taagan tahay keli gobolka banaadir , oo marba intii ka soo bato oo gaara gobollada ku hareereysan sida Hiiraan, Shabeelalda Dhexe, tan hoose jubbooyinka iyo Bay iyo Bakool.
Haddaba waxay dhibaatada ka taagantahay, Soomaalida oo aan weli garan halka ay ka bugto, iyo cudurka haaya!!
Waa in marka hore la ogaada xanuunku waxa uu yahay, kaasi oo ah dalka dhibaatadiisa waa magaalada Moqdisho , xalkeedana ilaa iyo hadda la ma haayo, waayo dagaal iyo dhiig keli waxuu kordhinayaa, amase ka dhalankaro waa dhiig iyo Dil, haddaba haddii loo fekero, waxaa inoo soo baxaayo dhowr so'aalood, haddii jawaab loo helana , xalka Soomaaliya waa la gaari karaa, haddiise runta looga jawaabi waayo waa in la ogaadaa inay arrinta Soomaaliya ay hlkaasi ka qalloocantahay!!
Xamar oo keli maxuu dagaalka ooga socdaa?, yaa dagaalka ka woda? Kuwa ka woda maxay dagaalka ooga wodaan Xamar, oo ah caasimaddii dalka?yaa dank u qaba in xamar uu dagaalka ka socodo? Dowlad kastaa ee timaadaa, ma sidaan ayay xamar oogu dagaallimidoontaa , mise waa la heli doonaa in xamar xal loo helo?
Runtii so'aalladaa is daba joogga ah jawaabtooda ayaa waxay ku soo koobaneysaa, xamar oo ahayd caasimaddii dalka Soomaaliya waagii ay dhisneyd dowlad dhaxey ayaa manta u baahan in xal loo helo!!
Xalka waxuu ku jiraa in caasimad kale dalka loo dhiso , inkastoo la ogyahay kuwa dagaalka ka wodo manta Xamar aysan oggolaandoonin in caasimadda laga wareejiyo, hase yeeshee waxaa loo baahanyahay sidii dalkaani dadkiisa loo badbaadiyo waa in caasimadda Xamar laga beddelo , xamarna laga dhigo caasimad dhaqaale oo keli , wewliba taasi oo haddii dan la bido lafteeda laga beddelo.
Arrintaani waxay ku xirantahay beesha hawiye oo aan ayada isu oggolaan nolol , dadkana u oggolaan nolol, saa darteed Soomaalidu waa inay ka tashataa halkii caasimad laga dhigi lahaa, oo aan ahayn xamar iyo meelo ay degganyihiin beesha Hawiye.
Waayo tan iyo waagi xurriyadda la qaatey ilaa iyo manta gobollada dhexe kama soo jiraan nabad iyo amaan, ilaa iyo waagi xurriyadda ayaa gaadiidka dhex mara gobolladooda lagu dhaafinjirey dhinac walba ayada oo gawaari dowladeed ay ilaalinayaan, taasi oo laga ilaalin jirey mooryaanta hawiye.
Arrintaani oo aan ahayn meel ka dhac hase yeeshee odeyda da' lexdamaad iyo todobaatanaad waa ay woda ogyihiin, dhibaatadaasi inay ka jiri jirtey gobollada dhexe.
Haddaba dalka waxa dhibaatad ka woda waa hawiye , ee laba inay hawiye is qabtaan oo ay danta la wadaagaan soomaalida oo idil, amase ay Soomaalidu ka tashato .
Xalka Xamar waxuu ku jiraa gacanta hawiye,in kastoo la woda ogyahay inay yihiin dad ku can baxey khilaaf ha lagu aqoonsadee!!
Haddana xalka qalloocan waxuu ka toosaya dhanka Hawiye oo runta isu sheega, kana waantoobaa, 100 hoggaamiye kooxoodka ay marba shaar usoo gashanayaan.
Xaayle Eemaan Suufow Xaayle278@hotmail.com

XASAN DAAHIR IYO AFARWARKI SIDEY U ARKAAN SHIRKA KA SOCDA DALKA JIBUUTI.

Taariikhda 15ka Agoosto, sidii ballanka aha waxaa magaalada Jibuuti ka furmay qaybti labaad ee shirki dibuheshiisiinta Soomaaliya, shirkaan waxa la rajeynaya in labada dhinac oo kala ah dawladda iyo mucaaradka ay ku wada saxiixaan meel marinta go'aannadii laga soo saaray qaybtii kowaad ee isla shirkaan oo kal hore lagu qabtay Jibuuti.
Waxaa laga rajo qaba in shirka haddeer ka socda magaalo madaxda dalka Jibuuti, inay ka soo baxaan talooyin meel mar ka dhiga go'aannadii ka soo baxay shirki midkaan ka horreyey, ha yeeshee ma muuqato in rajadaas ay noqonayso mid dhaboowda. Waa suragal in xubnaha labada dhinac oo isku hor fadhiya gogosha ku fidsan Jibuuti inay wada saxiixaan dokumenti xambaarsan qoraallo muhiim ah oo aqriskooda iyo dheegeysigooda loo wada sacab-tumo lagana soo jeediyo bogaadin baahsan. Lakiin waxa durba soo ifbaxaya inay adkaandoonto hirgelinta inta ku xusan dokumentigaas laysku raacayo in labada dhinac ay wada saxiixaan.
Arrinta kowaad ee dibuheshiinta ahna tan ugu muhiimsan waa xabbad joojin guud oo loola jeedo joojinta dagaallada dalka laga wado, marka haddii la waayo xabbad joojin oo aysan dagaallada joogsanin ma jiri karto dibuheshiisiin. Haddaba sida la ogsoonyahay, dagaalladaan ku baahay badi ahaan gobollada Soomaaliya waxaa hoggaaminaya hal shaqsi, kaasoo ah Xasan Daahir Aweys, sida la arkayana ninkaan dagaaallada wada waa ka maqanyahay shirka maalmahaan ka socda Jibuuti, wuxuuna horey u caddeeye ina Daahir inuusan aqoonsanayn dawladda fkmg ee Soomaaliya kana qayb galaynin shir la xiriira wada xaajood lala gala dawladdaan wuxuuna si gaar ah u sheegay inuusan oggolanaynin wixii ka soo baxa shirka Jibuuti.
Dhinaca kale kuwa uga qayb galaya magaca mucaaradka shirka Jibuuti ha yeeshee ah hal garab oo ka mid ah, mucaaradka ma laha awood ay ku xakameeyaan dagaallada waddanka ka socda. Marka waa sababtaas midda keneysa inay waxba ka suuroobin rajada laga qabo inay hirkasho dibuheshiisiin laga soo go'aamiyey shirkaan ka socda Jibuuti, mar haddii goobta ay ku fidsantahay gogosha shirka ka maqanyahay shaqsigii sida tooska ah hogaaminaya dagaallada la rabo in la joojiyo.
Waxase jira arrimo dhalinaya so'aalo, sida mowqifka ra'isalwasaaraha Nuur Cadde oo muujinaya inuu ku kalsoonyahay hirgelinta dibusheshiisin ka soo baxda shirka Jibuuti. So'aasha ugu muhimsan oo lays weydiinayo waxaa weye: maddaama shaqsiga keli oo joojin kara dagaalladaan socda u yahay Xasan Daahir, marka Nuur Cadde, ma xiriir hoose oo sir ah ayu la yeeshay Xasan, sidaasna ay ku gaareen heshiis la xiriira joojinta colaadda iyo dagaallada,si loo hirgeliyo dibuheshiisiinta?
Haddii arrinta ay tahay sidaas kor ku xusan waa mid wanaagsan, waxaana jirta rajo laga qabikaro in la helo dibuheshiisiin hirgesha, waxase haddana soo baxayso so'aasha kale oo ah: xubnaha garabka mucaaradka oo u hoggaaminayo ina Daahir maxay weli uga maqanyahiin madasha u shirka dibuheshiisiinta ka socdo? iyo Xasan Daahir ma aqbalidoona oo ma xurmeyndoona, go'aamo ay soo saareen kuwi asiga ay isku ballan fureen oo uga soo tegay xaruntii Casmara?. Haddaba way adagtahay si so'aashaan dambe ay jawaabteeda ku noqoto "haa".
Ninkaan Xasan Dahir oo ah shaqsiga carqalaynta ku haya dibuheshiisiin ka hirgasha Soomaaliya, asigana waxa hor taal carqalad walwal iyo cabsi ku haysa oo ka hor taagan inuu shaqsi ahaan si xor ah u dhaqdhaqaaqo, ku aado safarro dibedda ah, mise gudaha Soomaaliya ku socdaalo, kuna kormeero goobaha ay ka socdaan dagaallada u asiga huriyey, marka carqaladda hor tal ina Daahir waa argaggaxisanimada asiga lagu sifeeyey iyo magaciisa oo lagu daray liiska argaggixisada caalamka. Sidaas daraadeeda waxaa suuragal ah in ra'iisalwasare Nuur Cadde u ka ballan qaaday Xasan Daahir inu gacan ku siinayo sidii asiga magaciisa looga saari lahaa liiska argaggixisada caalamka.
Middaan ka saaridda liiska madow waa arrin suuragal ka dhigi karta in Xasan Daahir uu talo ka dhageysto Nuur Cadde si u uga baxo liiska argaggixisada, ha yeeshee taas ka sokow haddii u Xasan joojiyo dagaallada asigoo aqbalaya talooyinka ra'iisalwasaraha, kaddib markii (mise haddiiba) magaciisa laga saaro liiska madow, muxuu helaya oo u Nuur Cadde ballanqaadikara oo u ina Daahirna ku qanci kara? Jawaabta waa: "waxba" ma jiraan wax u ra'iisalwasaraha ballan-qaadikaro oo Xasan qanciya maxaa yeelay arrinta keli oo u Xasan Daahir ku qancayo waa asigoo helaya madaxweynenimo, taasna mahan mid uu ballan-qaadikaro wasiirka kowaad, marka kalsoonida u muujinayo Nuur Cadde oo la xiriirta rajada uu ka qabo in shirka Jibuuti ay ka soo baxdo dibuheshiisiin dhab ah oo hirgasha, rajadaas waxay u ektahay toobin lagu hayo laf iska cad.
Dhinaca kale waxaa jirta arrin ka si wada culus inta an kor ku xusnay oo la xiriirta hab dhaqanka Xasan Daahir. Soomaalida waxay tiraahda: "hal libaax arkayso ma godlato", ina Daahir Aweys waxaa tabataagan madaxweynaha Eritreya, Afawarki oo an dooneynin in Soomaalida heshiiso oo ay is afgarato, si ay uga maarmaan ciidamo shisheeye, gaar ahaan Eritreya waxaa danteeda ah in ciidamada Etiyobiya aysan ka baxin Soomaaliya, sidaas daraadeeda Afawarki wuxuu qorsheeye kuna dadaalaya inuu carqaleeyo dibuheshiisiin ka hirgasha Soomaaliya marka wuxuu si xoojinaya fowdada, colaadda iyo dagaallada ka socda Soomaaliya gudaheeda si an looga maarmin joogitaanka ciidamada Etiyobiya, marka madaxweynaha Eritreya si u hirgeliyo qorshahiisa ku aaddan carqaleynta dibuheshiisiin ka dhalata dalkaan wuxuu u adeegsanaya ina Daahir iyo kuwa u hoggaaminayo.
Haddaba Xasan Daahir, dan uma ah dibuheshiisiin Soomaaliya ka dhalata, ninkaan waxaa u dan ah inu xokun xoog ku qabsado, marka haddii aysan u suurrobin in dagaalladaan u wado inu ku qabsado xukunka dalka Soomaaliya, wuxuu tefaxeedsanyahay inu fuliyo qorshaha u wato madaxweynaha Eritreya oo ah is hor taagidda dibuheshiisiin kasta oo loo soo abaabulo Ummadda Soomaaliyeed.
Cali Cumar: sablaale1@hotmail.com

Maxamed Siyaad:- "Ma jiro dal iga danbeyn doona!"


Horraantii sagaalshameeyadii ayay ahayd markii ay dagaalada arxan darada ahi kabilowdeen magaalada Muqdisho gaar ahaan iyo guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia kaasoo looga jeeday in lagu inqilaabo rajiimkii ka arimin jiray dalka xiligaasi ee Siyaad Barre.


Sida muuqata haba yaraatee may jirin wax strategy ah oo udiyaarsanaa kooxihii xiligaa xiisaha iyo kalgacaylka dagaal uqabay inay afganbiyaan Siyaad Barre kadib marka uu rajiimku kursiga baneeyo si loo badbaadiyo dagaalka inuu dalka kasii socdo, laakin arrintu waxay umuuqatay inay salka kuhaysay nidaam qabyaaladeed iyo weliba laab lakac ahaa aynu isdhaafino Siyaad Barre kahor intaynaan kafikirin danaha umadda Somaliyeed iyo maatada beri mageydada ah.
“Majiro dal iga dambayn doona” , waa odhaah lagu xasuusan karo Siyaad Bare markii uu dalka kategay sida laga soo weriyay dad badan oo xiligaa udhuun daloolay waxyaabihii dalka kadhacayay iyo saadaasha foolxumadii kazoo socotay afganbiga kadib kaasoo aynu manta dhex maquuranayno.
Shaki kuma jiro runtii in dagaaladii sokeeye ee dalka kadhacay ay gacan wayn kagaysteen quwado shisheeye oo dano gaar ah kalahaa dalka Somalia kuwaasoo u arkayay wiiqid iyo burburin lagu sameeyo nidaamkii xukuumiga ahaa ee dalka kajiray inuu miftaax unoqon doono in la hor istaago himiladii Somalia ee ahayd in lasameeyo Somali wayn ama shanta somaliyeed oo meel la iskugu keeno iyo weliba dano kale oo gaar ah.
Wax garadkii somalida ee xiligaa wax kubartay cashuurta laga qaado muruqmaalka Somalia iyo weliba maatida kale, diplomacy iinta xiligaa Somalia ujoogay debedaha, militeryga iyo saraakiisha sar sare ee kale ee dalka umay muuqan waxa iman kara ee kadambayn doona afganbiga Siyaad Barre ee cid waliba waxay uqabyaaladaysay ciddii ay isku reerka iyo qabiilka ahaayeen kuwaasoo si indhoolenima ah kuraacay.
Inkastoo ay waxaasi oo dhami jireen laba daraadle waxaa muuqatay in goboladii waqooyi galbeed Somalia (Ex British Somaliland protectorate) arrintani ay kafaa’iidaysteen, waxaana ii muuqata inkastoo aan berigaa aad uyaraa in haddana uu jiray qorshe nidaamsan oo ay SNM kudagaalamaysay marka loo eego kii SSDF iyo kii USC kaasoo gundhigiisu ahaa inay timaado xaalad iyo jawi looga gudbi karo nidaamkii hore ee dalka katalin jiray iyo weliba dagaalo faraha la iskaga gubto oo la isku huleelo.Qabsashadii Hargeisa iyo Burco kadib waxaa laqabtay shir beeleed ay iskugu yimaadeen beelaha dega Awdal, Sool iyo weliba beelaha kale ee waqooyi galbeed Somalia si looga arrinsado waxa dhacay.
Waxaan odhan karaa caqliga iyo maskaxda wax garadkii iyo waayeelkii kushiray Burco wuxuu si fiican uga fikiray maxsuulka kazoo bixi kara haddii aanu imanin tanaasul iyo weliba in danaha shacbiga laga horeeysiiyo tan khaaska ah, waxaana la unkay Jamhuuriyaddii Somaliland taasoo aan aaminsanahay inay dhabaha ujeexday nidaam degan iyo nolol wanaagsan iyo hab dimoqraadiyadeed oo ay ku tamatucaan dadaka kunool goboladaasi.
Runtii waxaan shaki kujirin inay jireen siyaasiyiin badan iyo halagamayaal fara badan oo hunguri kahayay inay sutida uqabtaan nidaamka Somaliland kuwaasoo qaarkoodna in muddo ah kujiray xabsiyadii rajiimkii hore in mudda ahna dagaalo jabhadayn ah kaga soo horjeeday, hase ahaatee tanaasul iyo danta shacabka oo latex geliyay ayay ku samaysan tay Somaliland oo isku magacawday jamhuuriyad gooni iskaga taagtay somalida inteeda kale ee la israaciyay sanadkii 1960 kii.
Run ahaantii himiladii iyo yididiiladii ay shacbigaa lahaayeen ayaa rumowday taasoo dhalisay inay qurba jooga dalka kusoo nqodaan oo ay maalgashadaan oo ay isla markaana gaadhaan ilaa heer dastuur laqoro, afti loo qaado, ladoorto maamul iyo barlamaan iyo golayaal degaan oo xor ah oo kayimiday axsaab mucaarad iyo muxaafid iskugu jiray oo kutartamay saaxadda siyaasadda ayadoo ay goob jog kayihiin goob joogayaal caalami ah.
Waxaa faraxad iyo rayn rayn mudan inaanay kadhicin gobolada Somaliland isku magacaabay wax dagaal ah oo qabiil, qolo qolo iyo qurun kushaqa leh kadib asaaskii Somaliland iyo in waayeelka uu ka arimin jiray isu tanaasul siinta iyo isu dulqaadka siyaasiinta markastoo ay timaado xaalad adag oo dalka iyo dadka khal khal gelin kartay.
Dhanka gobolada waqooyi bari markaan usoo jaleeco, inkastoo ay in badan kadambeeyeen gobolada waqooyi galbeed laba daraadle waxay qaadeen talaabooyin wax ku ool ah oo lagu garawsaday danaha dadka iyo deegaanka kaasoo ahaa in la unkay nidaam goboleed lagu sheegay Puntland state kaasoo loo sameeyay barlamaan qabali ah iyo weliba axdi qarameed iyo weliba nidaam xukuumi oo beel kusalaysan.
Inkastoo uu jiro farqi wayn oo udhaxeeya labada maamul ee Somaliland iyo Puntland dhanka haykalka dowladnimo iyo weliba horumaradii lagu talaabsaday xukumad ahaan iyo dowladnimo iyo weliba in Puntland ay kadhaceen dagaalo kusalaysan is qab qabsigii Abdilahi Yusuf iyo Jama Ali Jama iyo weliba kii kadambeeyay ee Ade Muse laba daraadle waxaan odhan karaa in shacbiga kunool gobolada waqooyi bari ee Somalia aad iyo aad inay udhaamaan somalida kunool koonfurta iyo badhtamaha Somalia dhanka amniga, horumarka iyo nidaamka siyaasiga ah.Dhanka koonfurta markaan usoo jaleeco, waxaa dhawr iyo toban shir loo qabtay kooxo budhcad ah oo kala googooyay magaaladii Muqdisho oo xurmada iyo karaamada mudnayd kuwaasoo midba daabiyad yar ka ootay kuna soo rogay hab qabqable dagaalnimo salka kuhaya dano gaar ah iyo jaahilnimo ugaysatay taasoo kayaabisay caalamka kale.
Dhawr iyo tobankaa shir waxaan kaxasuusan karaa kuwii kadhacay Sowdare iyo kii Qaahira iyo kuwii kadambeeyay ee kale kuwaasoo ujeedadeedu ahayd in hal qabiil oo Somalia rogay baabi’iyay oo kolba magic lasoo baxay lagu heshiisiiyo oo la isku tanaasulsiiyo loona sameeyo nidaam ay kumidaysan yihiin oo ayaga udhaxeeya.
Waxaa layaab mudnaa in nin waliba oo qabiilkaa kasocda uu uhanqal taagayay inuu asaga noqdo madaxweynaha Somalia xukuma, waxaase su’aal ahayd miyuu uqalmayay? Runtii waa maya waayo dhamaantooda maleh background ama taariikh aqooneed ayadoo la ogsoon yahay inay badankoodu ahaayeen darawalo iyo qaar kaganacsan jiray mukhaadaraadka oo mar qudha hab beeleed kuhelay hub iyo rasaas aan loogu aaba yeelayn umadda kuwaasoo laga soo gurtay quwado aanay danta ugu jirin xasilooni lagu soo dabaalo Somalia.
Halkaa qabiil oo Somalia madaxeeda miji urogay ayaa sababay in kumanaan iyo kumanaan iyo kumanaan kun oo Somali ah ay kudhintaan Muqdisho iyo koonfurta iyo badhtamaha Somalia ayagoo kudhimanaya dagaalo aan micne lahayn lana sharxi Karin ujeedada kadambaysay, halka kumanaan kale udhinteen gaajo iyo haraad kadib markii laga bili liqaystay hayntoodii iyo wixii faraqabsi ay gacanta kuhaysteen, boqolaal kun oo kalena inta dalka laga barakiciyay ayay ku le’deen badaha Mediterranean iyo badda cas ayagoo dalka uga cararaya dowlado shisheeye iyo ayadoo kumanaan kale uu yeygu kucunay saxaraha udhaxeeya Libya iyo Sudan.Dowladihii caalamka waa ay kayaabeen falalkii arxan darada ahaa ee kadhacayay Somaliya min horaantii sagaalshameeyadii ilaa iyo waqtigan xaadirka ah taasoo la isweydiiyay su’aal ahayd tolow dadkani miyaanay dalkaba udhalan mise waa dad loo soo dhoofiyay dalka oo aanay dani kalahayn kufsiga iyo dhaca maatada iyo kumanaanka carruur ee agoontoobay iyo kuwa dibjir iyo darbi jiifka mustaqbal unoqday.Waxaan tusaale usoo qaadanayaa shirkii Carta kadhacay kaasoo si xilkasnimo iyo daacadnimo uu usoo agaasimay madaxweynihii Jabuuti Ismail Omer Guelle waqti yar kadib markii uu dalkiisa lawareegay kursigiisa.
Wax kastoo la is odhan karo waa ay qancin karaan somalida waa lasameeyay walaw ay labada maamul ee Somaliland iyo Puntlandba qaadaceen shirkaasi, runtiina waxaa la odhan karaa marka loo eego baahida dawladnimo ee kajirtay koonfurta iyo badhtamaha Somalia kamay jirin labadaa maamul maadaama ay ayagu isku tashadeen oo ay dhisteen nidaam dowladeed oo la macaamili kara maxsuulka shirkaasi.
Laakin nasiib daro qab qablayaasha dhiiga kumaydhan jiray ee Somalia iyo Muqdisho may garawsan baahida umaddooda iyo in kursigii ay u ooyayeen intii mudda ah lagu macsuumay ayaga oo lasiiyay kursiga madaxweynaha laakin waxay markiiba kudhaarteen inay ka hor iman doonaan ayagoo danta umadda uga waynayd tan quwado shisheeye ayaga uyeedhin jiray una sheegi jiray inaanay dowladda katimiday Carta dani ugu jirin ayagana hub iskugu soo dhiibi jirtay dhexdooda taasoo dowladdii Carta ee TNG kadhigtay mid hodheel ku go’doonsan dakhligii ay kaheshay duwalka carabta iyo Islamka na lagu kala qaybsaday hodheelada Muqdisho ee Ramadan lagana dhistay aqalo iyo meherado waawayn oo ganacsi ilaa ay isku dhacaan labadii mas’uul ee xiligaa ugu sareeyay dowladda ee prime minister ka iyo president aha taasoo ay furtay wado kale oo ayaga dhexdooda banaysay inay kolba xilalka iska qaadaan oo mid kale umagacaabaan.Waxaa kadambeeyay shirkii Embegathi oo lagu soo dhisay dowlada TFG da. Waxaa layaab mudan in ayadoo lasaxeexay heshiisyo badan oo weliba wax ku ool ah oo loo dhaartay oo misana aan waxba kazoo bixin lana tix gelin haba yaraatee. Ragga ayaga dartooda dastuurka wax kabedel loogu sameeyay si ay ugu suuragasho inay helaan mansab maadaama aanay lahayn qualifications kii ayay hadana bilaabeen inay kala qoqobaan dalka ayagoo mar kale kudhaartay xamar inaanay dowladi cagta soo dhigi kari midnimana muujiyay ayaga dhexdooda taasoo laga la’aa kahor shirkaasi inay midoobaan oo samaystaan nidaam dowli ah ama ay ogolaadaanba kan lagu soo sameeyay shirarka debedda ah.
Inkastoo ay dowladda dhexdeeda heshiisay markii dambe oo ay Baidoa kadhigteen xarun haddana waxaa dhacday qab qablayaasha dhiigiya cabka ahaa inaanay danta ugu jirin inay dowladda horay utalaabsato maadaama ay dantooda bur burayso, waxayna mashruuc kazoo qaateen CIA da maraykanka kaasoo ahaa in malaayiin doolar lagu bedesho in la iibiyo wadaadada iyo xag jirka somaaliyeed oo qaarkooda inta kurka laga jaray loo dhoofiyay wadamada qaska kuhayay Somalia iyo weliba in haraadiga suntan nuclear ka lagu aaso xeebaha Somalia iyo inay sii socdaan colaadaha iyo gaajada dalka kajiray ee Somalia.Waxaa samaysmay nidaam kale oo sheegtay inuu yahay nidaam islaami ah oo yidhi waxaan khilaafad kasamaynaynaa dalka kaasoo ay isku urursadeen wadaado kazoo jeeda qabiilka rogay Somalia oo kursi doon iyo qabiilaysi wata, kuwo masaakiin ah oo daacad ka ahaa dalka inuu kusoo noqdo oo lagu soo dabaalo shareecada iyo weliba kuwo lashaqaysanayay CIA da maraykanka hadana katirsanaa maxaakiimta. Kala afkaar duwanaanshaha qolooyinkaasi, nidaam isku xidha oo xoog badan oo aanu dhexdooda kajirin iyo weliba danaha shakhsiyadeed ee gaarka ahaa ee ay wateen oo kitaabka Quraanka laga dhiganayay mid lagu adeegto iyo weliba aqoon xumida dhanka cilmiga siyaasadda iyo maadiga ee dadkaa haysatay.
Iyo weliba quwada iyo xarakaatki Islamiga ahaa ee joogay wadanada debedda ayaa uhorseeday inay lumiyaan jaanis uu inbadan maqnaa kaasoo si il bidhiqsi ah ayaga kudhaafay kadib markii uu kitaabku noqday wax la iska sheegto oo sheekhii odhanayay kitaabka aanu raacno oo hadhaw hadana CIA da macluumaadka ugu gudbinayay telephone ama text message ama GPS iyo weliba in qabyaaladdu ay noqotay wax kasareeya masiirka iyo danta umadda ee loogu dhaartay fagaarayaasha in loo adeegi doono.
Dagaalo aanay qorshaysnayn oo iska soco uun ah ayaa laga soo qaaday min Muqdisho ilaa Bandiiradleey iyo weliba duleedka Baydhabo iyadoo lakhasiray fursado xiligaa banaanaa oo dowlada TFG lagula heshiin karay oo power sharing lagula samayn karay magaalada muqdishana amaankeeda lagu hanan karay.
Waxaa dhacday in ayadoon loo samayn maamul ugaar ah gobolka banaadir lagu dhawaaqo maxkamad baanu kafurnay Jawhar iyo Baladweyne iyo shacabkaa noo yeedhay ayadoo aanay jirin strategy dagaal oo midaysan oo qorshaysan oo lagu duuli karo laguna hanan karo guusha lagaadhay. Waxaa lagu adeegtay kitaabka Quraanka taasoo Ilaahay kusaliday inay hoos galaan gumaad iyo xasuuq loogu gaysto goobihii ay joogeen ee duleedka Baydhabo iyo gobolada dhexe kadib markii ay hadh cad saxaafadda kayidhaahdeen waxaanu qabsanaynaa geeska Africa kaasoo ahaa dhambaal loo dirayay CIA da si dadban inay ku aqoonsato jaanis uga banana Somalia oo ay uga qiil samaysan karto dagaal lagu soo qaado iyo qabsasho dalka laqabsado.Waxaa layaab leh in arday badan oo iskuulada dhigan jirtay oo masaakiin ahaa loo diray jiidda dagaalka lagana dhaadhiciyay xabashi baa kuqabsanaysa oo kaadhigaysa Christian kuwaasoo markii lajabay looga yimi goobaha dagaalka ama dhaawacooda latuuray aydoo la leeyahay ma aha kuwii aanu isku qabiilka ahayn, shakina kuma jiro nabsigii kitaabka inuu soo baxay.Maanta majirto maalin uga xun shacabka somaaliyeed marka loo eego wixii lasoo maray nus qarnigii udambeeyay ee lasoo maray.
Waxay kooxaha dagaalka sheeganayaan inay jihad kujiraan ayagoo laynaya maati aan waxba galabsan, waxay gawracayaan dad iskood ushaqaysanaya, waxay rasas oodda uga qaadayaan inay laayaan ayagoo waji xidhan haween masaakiina oo shaqaysanaya.Tolow jihaadku makaasaa mise waa kii uu suubanuhu uu dhabaha uxaadhay ee dalacsiiyay Abuu dujaana, Ali bin Abii daalib iyo weliba Khaalid bin walid iyo ragii raga ahaa, mise waa qabyaalad salka kuhaysa ama waynu isla jabaynaa ama waa in dowladda naloo dhiibaa.
Waxaa layaab leh in dad qurba jog ah ah oo aanay joogin dalka iyo dhibta kataagan ay fund garaynayaa dhibaatada kajirta dalka ee lagu baabi’inayo umadda somaaliyeed ee waliba dadka danyarta lagu bartilmaameedsanayo ayadoo loo adeegsanayo saxaafadda in muqaawamada noocaa udhaqanta lagu soo shaac saaro laguna xayaysiiyo isla markaana lagu maalgeliyo, waxaa kaloo layaab leh in jihaadku noqday wax la iska sheegto oo qoba wuxuu doono uqaato ayadoo hal hays noqotay ALAAHU AKBAR ama ALAA wayn.Waxaan maqaalgaygani kusoo gebagabaynayaa baaq aan udirayo dhalinyarada somaaliyeed.
Waxaan leeyahay dhalinyarda ayagaa ah resource kii lahaa dalkani bur buray, ayagaa ah kuwii beritole maamuli lahaa, ayagaa kuwaayaya mustaqbalkooda ayagaa ah kuwii ama nabadda keeni lahaa ama colaada sii hurin lahaa. Dagaalada kakala socda ee udhaxeeya labada dhinac ee jihad sheegadka iyo dowladnimo sheegadka ah waxaa wada oo qaadaya waa dhalinyaro, madaxda dagaalka ama waxay coffee ku cabayaan Asmara ama Djibouti ama madaxtooyada Ethiopia iyo tan Muqudisho, cida dhimanaysa ee front line ka taagani waa dhalinyarada, cida loo dan leeyahay ee focus ka saarani waa dhalinyarada cidda labaatan sanadood bilaa dowlad ahayd ee laga baabiyay mustaqbalkooda waa dhalinyarada cidda loo dan leeyahay in lacidhib tiro waa dhalinyarada.
sidaa awgeed dhalinyarda haka fikiraan dagaalka loo adeegsanayo kaasoo ujeedadiisu ay tahay:
1- In dalka weligii sidaan sii ahaado si aan kooxaha xasuuqa gaysta dhankay doonaan haka tirsanaadaane hadhaw loo soo taagin maxkamad markay timaado dowladnimo sida kadhacday Rwanda, Liberia, Sera Leone iyo weliba Yugoslavia weligeedna sidaa la ahaado.
2-In loo shaqeeyo ajaanibka aanay danta ugu jirin dalka inuu dowlad la’aan ahaado si aanay mar kale Somalia awood ugu yeelan inay kor usoo kacdo oo ay kusoo biirto dhigeeda kale ee caalamka horumarna samayso.
3-In lasii joogteeyo in dalka uu xarun gabaad usii ahaado firxadka aragagaxisada caalamka iyo weliba kooxaha wata danaha gaarka ah ee lagu sheegto jihad.
4-In dalka uu ahaado meel lagu aaso suntan nucearla isla markaana laga fadhataysto wixi resources ahaa ee uu lahaa.
Waxaa tusaale uga filan dhalinyarada kharajkii uu Maraykanka kubixiyay dilkii loo geystay Adan Hashi Aidhow oo ahaa nin dhalinyara ah oo somaliyeed walaw uu kujiray falal dagaal oo jihad lagu sheego.
Malaayiin doolar ayaa lasheegay inay kubaxday dilka ninkaasi oo loo arkayay inuu xambaarsanaa maskax dhalinyaranimo oo lagu agaasmi karo isbedel iyo weliba in lagu maamuli karo qadiyad.
Waxaad ufiirsataa waxa ay hay’adaha caalamku ay focus ka usaarayaan inay fadhataystaan maskaxda dhalinyarada oo inta workshop loo qabto laga ururinayo afkaartooda taasoo ah in uu jiro bililiqaysi la bililiqaysanayo garaadka maskaxda dhalinyara.
Waxaan leeyahay dhalinyarada dantooda hagartaan oo xabadda ay kuridayaan maatida hakula soo jeestaan kuwa ayaga diraya hana waydiyaan waxa ayaga uga dan ah inay weligood kujiraan xaaladdani dagaal.
Waxaan kacodsanayaa dhalinyarda inay qaadaan mudaaharaadyo waawayn oo looga soo horjeedo dhamaan dhibta loo gaysanayo umadda iyo biri magaydada maatida ah.Dhalinyarada waxaan leeyahay waxaad dagaal kula jirtaan kooxaha idinka idin diraya ee ama dowladnimo ama jihad idinku diraya, waxaad dagaal kula jirtaan quwado waawayn oo caalamka jooga waxaad dagaal kula jirtaan ururo iyo hay’ado caalami ah, waxaan idinka codsanayaa inaad joojisaan xabadda aad ku ridaysaan umadda taasoo wax xal ah keeni wayday tan iyo 1990.
Hussein Y. Hassan