Search This Blog

Thursday, March 25, 2010

Wednesday, March 24, 2010

WASIIRO MISE MUQALASIIN By:-Cali Muxiyaddiin Cali

Ma ahan wax lala yaabo oo shacabka Soomaaliyeed ay maqlaan, masuq maasuq lagu sameeyo hanti dadweyne ama mid Dowladeed oo ay diba mariyeen Mas’ uuliyiin ka tirsan Dowlad ama Ganacsato ku xeran maamuladii dalka soo maray, hase ahaatee Masuq maasuqyadii ka jiray dalka inta badan wey ka qarsoonaayeen Hey’addaha caalamiga iyo dalalka deeqaha laga helo.


Fadeexadii ugu weyneyd ee todobaadkii la soo dhaafay ka soo baxday xafiiska la socodka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa waxay dhalisay sumcad xumo iyo fadeexad hor leh oo ku lug leh Wasiiro miisaan culus ku leh Dowladda uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay iibsadaan Fiisooyin dal ku galka ah ee laga helo dalalka Yurub, Ameeriko iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ku xeran Dowladda oo si xun u maamulay cunada hey’adda WFP ugu talagashay dadka ka barakacay dagaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay kala bar raashinkaasi lunsadaan.

In badan oo shacabka ka mid ah waxay ogsiin yihiin in Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG oo horay loo hadal hayey kuna caan baxay isdaba marinta aanan liiskaasi fadeexada noqday lagu soo derin ama aan lagu arkin, waxaase dadku is weydiinayaan sababta loogu soo deri waayay wasiirada fadeexada ku dhacday, waxaan filayaa in wasiiradaasi aan xusay iiga baahneyn tilmaam.

Waxaa uur ku taalo ah in Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliyeed oo laga sugayey in ay samatabixiyaan shacabka diifta iyo darxumada ka muuqata in ay ceeji ku sii qabtaan shacab dhiig baxaya, taasi waxaa ka sii daran in wasiiradaasi qaarkood ay caruurtooda ka fogeeyeen Madaafiicda iyo dagaalada boqolaalka qof ku dhimanaya bil walba, iyagoo Talafishinada caalamka ka daawanaya dhibaatada ay aabayaashood horseedayaan, kuwii madaafiicda ka harayna ay doonayaan in ay si xun u dilaan

Waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ah in Prof. Cabdiraxmaan Ibbi oo ah Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga uu lugaha la galo waxyaabo sumcadiisa iyo karaamadiisa wax u dhimeysa.

Nin Oday ah oo ka mid ahaan jiray Wasiiraddii Dowladda C/qaasim ayaa habeen inagoo wada daawaneyno TV-ga waxaa laga soo daayey Prof. Ibbi oo barnaamij ciyaaraha ah ka qeybgalay oo hadalo uusan mansab ahaan laheyn ka jeedinayo kuna habooneyn in Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ama Wasiir kale oo aan aheyn kan Isboorti uu jeediyo.

Daqiiqado kadib ayaa hadana barnaamij kale oo Gobolka Banaadir ah misane ka qeybgalay Prof. Ibbi, waxaan isweydiinay ninkii odayga ahaa ee aan wada daawaneynay sababta uu Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka arrimahaasi ugu hadlayo, ninkii odayga wuxuu ku gaabsaday in tan iyo markii uu Ibbi ku soo biiray arrimaha Siyaasadda oo aheyd Dowladdii Carta markii la dhisay ilaa iyo iminka uusan kala garaneyn howsha uu leeyahay iyo tan uusan laheyn, hase ahaatee aniga ayaa fakir ka duwan siiyay oo waxaan u sheegay in Prof. Ibbi ka aheyn karti iyo dadaal ee ay ka tahay Saxaafad Jaceyl iyo in meel walbo laga arko muuqaalkiisa iyo warkiisa taasoo keentay in uu daf daf badnaado.

Kaliya fadeexada Qaramada Midoobay kuma dhicin Prof. Ibbi, ee waxaa jira Wasiiro kale oo magac xumo u soo hoyatay, kadib markii sida maqalasiinta u iibsaday Fiisooyin loogu talagalay mas’uuliyiinta Dowladda KMG in ay ku tagaan Qaaradaha calaamka, waxaana ka mid ah Wasiiradaasi Madoobe Nuunow oo a Wasiirka Dastuurka, Fowziyo Maxamed Sheekh iyo Safiirka Dowladda KMG oo isna lagu sheegay in uu yahay xubinta ugu firfircoon ee fiisooyinka kala iibiya.

Ma jirto sumcad xumo tani ka weyn in Mas’uul dhan oo shacabka Soomaaliyeed wax badan ka sugayey in uu ku kaco iibsashada fiisooyinka loogu talagalay Dowladda ee wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa damiir xumo iyo Wadaniyad la’aan mas’uulkaasi heysata.


Safaaradda Nairobi ee Dowladda KMG oo uu fadhiya Maxamed Cali Ameeriko oo horay eedeymahan u heysatay ayaa waxaa xaqiiqo ay noqotay markii Guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay soo saartay Liiska Fadeexadeed, inkastoo warbixinta lagu caddeyn xiriirka Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo heshiis ku ah raadinta fiisooyinka dalalka Yurub iyo dalalka kale ee dadka xiiseeyaan ee nolosha laga helo.


Ugu danbeyntii Fadeexadda Dowladda KMG ku dhacday, saameyn intee la eg bey ku yeelan kartaa caalamka? Jawaabtii Dowladda ay ka bixisay eedeymahan ayaa noqday kuwo la iska fogeeyay, hase ahaatee Wasiir Ibbi wuxuu guuxiisa u muuqday in uu ka xun yahay, kuna cambaareeyay hadalkiisa qoraha warbixinta Qaramada Midoobay, laakiin hadalka Ibbi waxaa iiga soo baxay in ay jiraan xubno ka dhoofay Muqdisho oo u kicitimay dalka Jarmalka kuwaasi oo ku dhex goostay Jarmalka, dadkase waxay isweydiinayaan Wasiirada la eedeeyay ma Muqalasiin baa mise Mas’uuliyiin.?















Cali Muxiyaddiin Cali

muxiyaddiin@hotmail.com

 

Monday, March 22, 2010

Shacabka Gobollada Koonfurta Soomaalia oo Xornimo iyo Xukun Ilaah Heley Hase Yeeshee Weli Wax Baa Qarsoon.

Shacabka Gobollada Koonfurta Soomaalia oo Xornimo iyo Xukun Ilaah Heley Hase Yeeshee Weli Wax Baa Qarsoon oo Aan La Arkin.

Maqaalkan waxan ku soo bandhigeynaa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Gobollada Konfureed ka hor iyo ka dib intii ay la wareegeen Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin,waana Maqaal taxane ah oo si isdaba joog ah oo aan akhristeyaasha u soo gudbin doonno,maantana waxaan idiin soo gudbineynaa qeybta koowaad oo uu ku jiro Hordhaca

Maqaalkani. Qeybta 1aad.

Laga soo billaabo burburkii Dowlladdii Dhaxe ee Soomaaliya Dalka Soomaaliya oo dhan waxa ka dhacey burbur baaxad leh oo dhinac Waliba ka saameeeyey Shacabka,haba u sii darnaadeen Gobolllada Koonfureed ee Soomaalia.



Waxana billowdey dagaallo qabiil oo ay hoggaaminayeen hoggaamiyeyaal qabiil,kuwaas oo dagaalka ku doonayay Xukun ay ku gaaraan awoodda Qabiilkooda;dagaalladaas ayaa waxa barbar socdey Boob,Dhac Kufsi naxarriisdarro ah ee loo geystey Shacabka ku dhaqan Gobollada Koonfureed gaar ahaan Gobolka Shabeellada Hoose;iyadoo dagaalladaas ujeedadoodu ka fogtahay Korsi Siyaasadeed hase yeeshee ujeedka ugu weyni ahaa helitaanka dhulka ugu Barwaaqada badan Soomaalia.



Shacabka ku dhaqan Gobollada Koonfurta waxa gaartey dhibaato aad u culus oo dhinac walba leh sida Xasuuq,Barakicin,Dhulka oo laga boobo,Gabdhaha Qurxoon oo laga kaxeysto,Biyaha Webiga oo laga Iibiyo iyo in lagu shaqeysto islamarkaasna aan la siinin xaqii uu lahaayeen;hase yeeshee Shacabkaas ay dhibaatadu ku dhaceysay ayaa awooddooda ugu weyn ee heli kareen ahayd inay Ilaah (SW) u dacwoodaan oo ay dhibaato kasta ee loo geysto yiraahda Ilaah baa jooga!

Dhibaatada intaas la eg ee ku dhaceysay umadda ku dhaqan Gobollada Koonfureed waxa Masuul ka ahaa Hoggaamiye koooxeedyo tirsamaya hase yeeshee Qabiil salka ku haya,iyadoo Shacabka ku dhaqan Gobollada ugu barwaaqada badab Soomaalia ay u badan yihiin Beeraleey Xoolo dhaqato iyo Kalluumeysato ku kalsoon waxa ay Muruqooda ku soo saartaan iyo Xoolaha ay dhaqddaan;waxana la yaab ku ahayd in la dilo ama la dhaco qof Islaam ah.


Dhaqankooda soo jireenka ah ee nabad ku wada noolaashaha ee ay barteen ayaa wuxu sahley in dad dagaalka iyo dilkuba la sahlan yahay si degdeg ah u dhacaan una barakciyaan,iyagoo aan u diyaarsaneyn qaab dagaaleedka;hase yeeshee marka ay dhibaatadu ku dhacdo waxaan Afkooda laga waayin Ilaah baa jooga alloow kuwan naga qabo!(taasoo ah Dacwad Ilaah u gudbiyeen);Waxba wax baa ka darane waxa dadkaas loo bixiyey looma Ooyaan,Looma Aaraan,Beelaha aan Hubeysneyn,Beelaha laga tira badan yahay,Adaris Maacuun iwm ah.

Dacwooyinka Ilaah(SW) u dacwoonayeen Shacabka Gobollada Koonfureed waxay soo billaabatey Sanadkii 1991kii,Cabashadaas ay ilaahey u gudbinayeen aad bay u yareyd dad dhageysta oo ka xanuunsada kuwa la dhibaateynayo iyo dad ka xanuunsanaya inaaney dhulka dhici doonin Dacwooyinka Ilaah loogu gudbinayo;Dadku waxay ahaayeen kuwo wada Maqan,kii wax fahmayana waa yareyd waxa uu qaban karey oo Waa laga awood badnaa,si kasta ha ahaatee Dacwooyinka Alle loo diraayey waxay Soo gaartey��

La Soco qeybta 2aad.

Qeybta 2aad

Cabashooyinka Shacabka Koonfurta Soomaalia Ilaah u dirayeen waxay soo gaartey Sanadkii 2006dii,xilligaas oo ku beegneyd markii Maxkamadaha Islaamku ka curteen Soomaaliya,gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay ka dhisnaayeen Maxkamado Islaami ah oo qaab Beeleed u dhisnaa,hase yeeshee Midoobey Markii uu Abuurmey Isbaheysigii Ashahaado la dirirka ee ay gadaal ka riixayeen Reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka.

Shacabka Soomaaliyeed oo ka daaley dagaallada Sokeeye iyo ururada (SSta) ee ay hoggaaminayeen Hoggaamiye Kooxeedyo naxarriis laaweyaal ah,ayaa markiiba Maxkamadaha Midoobey Min Koonfur iyo Bartamha Soomaalia mar qura taageero hagar la�aan ah la garab istaagey,taas oo ka dhalatey Kitaabka alle oo ay kor u qaadeen Maxkamadihii Islaamka ee Midoobey.


Taageerada Shacabka iyo Midowgga Culumaa�uddiinka Soomaaliyeed waxay muddo aad u yar oo 4 Bilood ah xididada u siibeen Hoggaamiye Kooxeedyadii dalka haystey Muddo 16-Sanadood ah,waxa Xudduudda Kenya ilaa Banddiiradleey gacanta u gashey Maxkamadihii Islaamka oo kaashanaya taageerada Shacabka Soomaaliyeed.

Ka Dib Maxaa Dhacey?

Midowgii Maxkamadaha Islaamka waxa ku soo dhax dhuuntey oo ka mid noqdey kooxo fara badan oo ujeeddooyin kala duwan watey;haddii aan inyar ka taabto kooxaha ujeeddooyinka gurracan watey Waxa ka mid ah:

1-Hoggaamiye Kooxeedyadii dalka haystey Waqti dheer ayaa qaarkooda ka mid noqdeen Maxkamadihii Islaamka,kuwaas oo markaas isku ekeysiinaayey inay taageersan yihiin Kitaabka kor loo qaadey,hase yeeshee watey ujeeddooyin qarsoon oo saldhiggeedu ahaa ilaalin dano Shaqsiyadeed iyo mid Qabiil.


2-Kooxo Culumo ah oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Maxkamadaha oo ujeedadooda fogi ahayd inay Kacdoonka Maxkamadaha ku gaaraan ilaalinta dano Siyaasadeed iyo dano qabiil,iyagoo siyaabo aad u farsameysan ugu dhax milmey kacdoonkii Maxkamadaha.


3-Siyaasiyiin,Saraakiil iyo Malleeshiyooyin ku soo barbaarey dagaallada Sokeeye ee Qabiilka ku dhisnaa oo ay u muuqatey inay ujeeddooyinkooda ku gaari karaan inay ka mid noqddaan Xoogga cusub ee Soo baxey;sidaas darteed waxay ka mid noqddeen Masuuliyiinta,Saraakiisha iyo Ciidamada hoggaamiya Maxaakiimta Islaamka.


4-Odeyaal dhaqameedyo,Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin ay madax martey Qabyaalladda oo Markaas isha ku hayey Dowlladdii uu Madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed inay halis ku tahay jiritaankooda Qowmiyadeed;markaas ka dibna waxay taageero dhinac walba ah la garab istaageen Xoogga Cusub ee Maxkamadaha Islaamka oo ay u arkayeen inay iyagu Majaraha u hayaan oo markii ay ujeeddooyinkooda gaaraan ay si fudud u kala diri karaan ama ay ku fushan karaan Wax kasta oo ay doonaan.


Qodobadaas oo isbiirsadey waxay markiiba isriixriix iyo kala shaki ku abuurtey xooggaggii isku duubnaa ee Maxaakiimta Islaamka oo ujeeddo badan ahaa,waxa abuurmey khilaafyo hoose oo ku qotomey fulinta awaamiirta ka soo baxdda hoggaanka Maxkamadaha,xoghayeyaasha Maxkamadaha iyo Saraakiisha Ciidamada.


Haddii aan inyar dib u milicsanno kala shakiga iyo isriixriixu wuxuu billowdey markii xididada loo siibaayey hoggaamiye Kooxeedyada ka jirey dalka oo dhan,kuwaas oo si safmar ah ay u martey Seefta dagaallyahannada Maxaakiimta Islaamka,hase yeeshee Seeftaas ayaa si farsameysan looga leexiyey 4-Hoggaamiye kooxeed oo ka mid ahaa kuwii ku dhax dhuuntey xooggagii Maxkamadaha Islaamka oo u arkey arrintaas inay ku badbaadeyso ujeeddooyinkooda Siyaasadeed iyo tan qabiilkooda;waxana meelaha khaladaadka badani ka dhacey ka mid ah:

1-Gobolka Jubada Hoose oo uu ka jirey Isbeyheysigii Dooxada Jubba oo ay ku mideysnaayeen Raga la baxey Walaalaha Galgaduud ayaa qaar ka mid ah heshiis la galey Maxkamadihii,slamarkaasna ka mid noqdey Golihii Shuurada,Hubkooda iyo Ciidamadooduba ay ku biireen Maxkamadaha,halka mid kale oo hoggaaminaayey Isbaheysigaas ka mid noqddey hoggaamiye kooxeedyadii Xididdada loo siibey arrintaas oo dhalisey Shaki weyn.

2-Saddex hoggaamiye kooxeed oo si wadajir ah u maamulaayey Gobolka Shabeellada Hoose oo dadka Gobolkaas ay dhibaato badan ka tirsanayeen ayaa waxa Ciidamadooda iyo Madaxdooda loo Aqoonsadey (Hooyada Maxaakiimta Islaamka),waxayna Ciidamada iyo Saddexda Masuulba ka mid noqddeen Madaxda Waaweyn ee Maxaakiimta Islaamka.


Arrintaas ayaa waxay dhalisey shaki iyo buuq fara badan oo ay Muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa,hase yeeshee Saraakiil Masuuliyiin iyo Ciidamo fara badan oo ka tirsanaa Maxaakiimta ayaa arrintaas si weyn u diiddanaa oo ka xumaa,hase yeeshee majaraha hoggaaminta Maxkamadaha looga awood badnaa;Diidmadooda iyo soo jeedintoodu ma noqon kuwo guuleystay;waana halka ay Sartu kaga qurantey Xoogaggii Mideysnaa ee Maxkamadaha Islaamka.

Iyadoo ay taasi jirtey ayaa Waxa billowdey khilaafyo fara badan oo ka dhashey hirgelinta Shareecada Islaamka,waxana arrimaha ugu horreeya ee la isku qabtey ee khilaafka ba�ani ka dhashey ka mid ah in qofkii nin Muslim ah si ula kac u dila la marsiiyo Shareecada Islaamku waxa ay qabto,in la celiyo hantida la kala haysto ee ay ka mid yihiin Guryaha,Beeraha iyo Gaadiidka iyo in la joojiyo waxyaabaha Mukhaadiraadka Sida Qaadka,Sigaarka;go�aanadaas waxay u Cuntami weyddey �..

La soco Qeybta 3aad.



Qebta 3aad.

Khilaafka isriixriixa ee ka dhax billowdey Maxkamadaha waxa masuul ka ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii ku dhax dhuuntay oo si weyn u diiddanaa hanti isu celinta lagu dhawaaqey,fulinta Xukunnada Qisaasta oo la billaabey oo markii dambe Hoggaamiye kooxeedyadu si farsameysan u xagal daaciyeen markii ay si hoose u sii daayeen Gacan ku dhiigleyaal dil geystey,sidoo kale waxay Qabqablleyaasha Dagaalka ee Maxkamadaha ku jirey iyo kuwa danaha gaarka iyo Qabiilka ilaalinay diiddeen in la joojiyo Waxyaabaha Muqaadiraadka sida Qaadka,Sigaarka iyo wixii soo raaca.


Intii uu khilaafaadka Maxkamaduhu socdeen waxa barbar socdey dagaallo looga horjeedey joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gobollada Bay,Bakool iyo Gedo,iyadoo Hoggaamiye kooxeedyadii diiddanaa hergelinta Shareecada Islaamka ay dagaalkaas ka faa�ideysteen,iyagoo ku dhawaaqey dagaal aan laga wada tashan oo aan qorshihiisa la isla meel dhigin,taas oo ujeedada fogi ee ka dambeysa ay ahayd in Maxkamadaha lagu soo jeediyo Indhaha Adduunka oo dhan islamarkaasna lagu qaado Weerar degdeg ah oo Sababeysan,waana halka fursadda ugu weyn ay ka heshey Dowlladda Itoobiya ee Weerarka culus soo qaaddey Maxkamadaha iyadoo taageero ballaaran kaga hasatey reer Galbeedka oo dhan.

Aan Dib idiin Xasuusiyo khaladaadka badan ee dhacey intii ay Maxkamaduhu la wareegayen Gobollada,islamarkaasna ay abuurmayeen Maxkamado Beeleedyo hoos imaanayey Midowggii Maxkamadaha Islaamka,Gobolka Shabeellada Hoose oo uu ka jirey Maamulkii loogu yeerey (Hooyada Maxkamadaha Islaamka) ayaa dadkii Gobolkaas ka soo jeedey Waxay Sameysteen oo ay ku dhawaaqeen Maxkamado Islaami ah,oo tiradoodu aheyd 3-Maxkamadood.

Hase yeeshee laba nin oo ka tirsanaa Hoggaankii sare ee Maxkamadaha Islaamka ayaa Shir la qaatey hoggaankii 3da Maxkamadood waxayna si cad ugu sheegeen inaan Gobolkaas Maxkamado looga dhawaaqi karin lana geyn karin,iyagoo sabab uga dhigey Laba Arrimood oo kala ah:

1-Gobolka Waxa ka jira bay yiraahdeen Maamul Islaami ah oo loogu yeerey Hooyadii Maxkamadaha Islaamka,sidaas darteed wixii Gobolkaas ku saabsan asaga ayaa nooga Mas�uul ah mana dooneyno bay yiraahdeen in la carqaladeeyo!

2- Gobolka Waxa degan bay yiraahdeen Beelo fara badan sidaas darteed haddii Sadexddaan Maxkamadood loo fasaxo inay ka howlgalaan waxa loo arkayaa inay Qabiillo gaar ah wataan,marka waxan idin kula talineynaa islamarkaasna idin fareynnaa inaad ka joogtaan oo aad uga dambeysaan Maamulka ka jira!.


Labadaas Arrimood waxay ka mid ahaayeen Waxyaabaha keeney in la kala aamin baxo oo Maxkamadaha dadka qaarkiisa u arkeen inay tahay Aalad ay Qabaa�illo iyo Shaqsiyaad gaar ah sida ay doonaan ugu adeegtaan,waxana Malleeshiyaadka Gobolkaas ka howlgalaayey ee loogu yeerey Hooyada Maxkamadaha Islaamka,isu bixiyeen magaca Mujaahiddiinta Qayisha oo ay ula jeedaan inay Qayilaan Sigaarka Cabbaan,intooda badan Cibaado shaqo ku laheyn sidaas darteedna loogu yeero Mujaahiddiinta Qayisha,taas oo u hirgashey sidaasna uga mid noqdey Ciidankii lexaadka badnaa ee Midowgii Maxkamadah Islaamka;Islamarkaasna iska sii wateen Maamulkii iyo awood sheegashadii ay ku hayeen Shacabka Gobolkaas,waxayna Shacabka Mandiqaddaas dulman ku dhaqan ay ku hadaaqayeen waxay sameyn karaayeen oo ahayd (Ilaah Baa jooga Waana la arki doonaa haddii Ilaahey la Qayaani karo oo Shareecadiisa Kitaabka ku cad Dulmi iyo Been lagu Qarin karo laguna Badaabdayo;hadalkaas oo ah Dacow Ilaah oo ay fahmi karaan dadka ay dhab ka ahayd ku dhaqanka Shareecada Islaamka),kuwaas oo iskugu jira Mujaahiddiinta iyo dadka sida weyn u taageersanaa.



Hase yeeshee intii uu socdey guuxa Maxkamadaha dhaxdooda waxa jirey xoog aad u tababaran islamarkaasna daacad ka aheyd Dagaalka iyo Jihaadka lagula jirey Itoobiyaanka iyo Dowlladdii ay taageersey,waxayna ahaayeen kuwaas dhalinyarro iyo Culumo ku dhaqanka Shareecada Islaamku dhab iyo daacad ka ahayd,waxay aad uga soo horjeedeen dhaqamada ay ku kacayeen Saraakiisha iyo Mas�uuliyiinta qaarkood,marmar waxaaba dhaceysey in Gacanta la iskula tago,waxana si toos ah u billowddey Kooxeeysi kala duwan oo ku qotomey kuwa Dhaqanka Islaamku dhab ka yahay iyo kuwa kale oo ku dhaxmilan hase yeeshee ujeeddkoodu taas ka duwanaa (Daneysteyaal);iyadoo uu xaalku sidaas yahay ayaa Wax billowddey Dagaalkii Weynaa ee dhaxmarey Ciidamadii Maxkamadaha iyo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlladda C/llaahi Yuusuf oo dhinac ah.

Dib Maxaa Dhacey?

La soco Qeybta 4aad

Xigasho Ssunion.net

Warqabadka SSMC Somalia

Aadam Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Sunday, March 21, 2010

Somaaliya iyo Itoobiya maxaa kala haysta? W/Q: C/raxmaan Baadiyow

Istrateejiyada Itoobiya ee ku wajahan Somaaliya waxey ku dhisantahay in laga niyad jebiyo Somaalida iney dawald noqon karaan ayada oo nabad iyo xasilooni loo diidayo, lana fashilinayo isku day kasta”.



Somaaliya iyo Itoobiya waxaa ku nool labo shacab oo ku abtirsada diin kasoo jeedda Nabi Ibraahiin (CS) oo ah Islaamka iyo Kiristaanka. Waxaa ka dhexeeya taariikhda soo gelitaanka Islaamka ee Geeska Afrika. Itoobiya waxey aheed meesha kaliya oo badbaadisay Islaamka markii reer Qureysh cadaadis weyn saareen. Waxaa taariikhda Islaamka meel weyn uga yaalla hijradii asaaxaabta ee dalka Itoobiya iyo habsamidda uu usoo dhaweeyay boqorka Itoobiya al-Najaashi. Sidaas darteed, labada shacbi, in kasta oo dawladahoodu coloobeen, ma aha dad cadaw isku noqon kara, waana walaalo daris ah, isku dan ah, iney wada noolaadaanna waa ku qasbanyihiin.




Colaadaha dawalduhu waa soo jireen, laakiin waxaa ugu caansan dagaaladdi Axmad Gurey iyo boqoradii Itoobiya ee 1529-43. Waxaa kale oo sii kobciyay colladda markii boqortooyada Itoobiya qarnigii 19aad ay qabsatay dhulka Somaaliyeed qeybo ka mid ah. Itoobiya waxey ku taameysay iney qabsato xeebaha Somaalida, laakiin dawaldihii reer yurub oo ayagu ku dirisanaa qeybsashada xeebaha Somaaliya ayaa arinkaas ka horjoogsaday.


Waxaa intaas la jirta, in gobanimada Somaaliya ee 1960 iyo baaddigoobka “Somali weyn” ay colaad cusub soo kordhisay. Waxaa soo if-baxay iska horimaadka labo mabd’a oo caalami ah oo mid ka mid ah Somaalidu qabsatay, kan kalena Itoobiyaanku ku dhegeen. Midka Somaalidu ku qabsatay wuxuu ahaa “aayo ka-talinta shucuubta” (self-determination). Midka kale oo Itoobiya ku dhegtay wuxuu ahaa qodobka dhawridda xuduudaha dawliga ah”(territorial integrity). Qodobkaan dambe waxaa sii xoojiyay in dawladaha Afrika ku heshiiyeen Qahira 1964 inaan xuduudihii isticmaarku sameeyay aan la isku-fara-fareyn.


Arintaas Somaalidu waa ku qanci waysay, waxeyna ku doodeen in Itoobiya dhulkooda qayb ka mid ah xoog ku qabsadeen, lana qeybsadeen isticmaarkii reer Yurub. Sidaas darteed, arinku ma aha xuduudii isticaamku dhigay ee waa isticmaar Afrikaan ah oo loo baahanyahay inuu gobonimo siiyo dadkii uu gumeystay sida reer Yurub u siiyeen. Dhanka kale, Itoobiya waxey ku dooday, iney ka koobantahay qawmiyado badan oo xoog la isku keenay, haddii hal qawmiyad la sii daayo, waa kala go’goaysaa. Doodahaas marki la isku mari waayay, ayaa dawlad kasta waxey ku talaabsatay xaqiijinta himilladeeda. Waxaa la isku gurtay hubka, waxaa la dhisay ciidamo lixaad leh, waxaana afka la iska daray dagaallo 1964 iyo 1977/78. Dagaalkii ugu dambeeyay markii Somaalidu guulo kaso hoysay, waxaa usoo gurmaday Itoobiya dalaka Ruushka, Jarmaalka Bari, Yaman, Kuuba iyo Liibiya. Sidaas ayaa Somaaliya looga adkaaday dagaalka. Fashalka dagaalka waxaa la bilowday burbur aan xad laheyn iyo qaran-jabkii Somaaliya.



Waxaa intaas la raacsiin karaa, in labada dawladood doonteen dawlad weyn ay ku tiirsadaan: Ruushka iyo Marekanka oo iyaguna dagaalkii qabowbaa (Cold War) ku marqaansanaa. Waxaa dawlad kasta gacan siisay mucaaradka hubeysan ee dawladda kale. Somaaliya waxey taageertay, jabhadaha hubeyan ee qawmiyadaha Itoobiya sida Jabhadda Tegreega (EPRDF), tan Somaalida (WSLF), tan Oromada (OLF) iyo tan Eriteriyaanka (EPLF). Sidoo kale, Itoobiya waxey taageertay Jabhadaha qabaa’ilka sida Jabhadda Majeertaynka (SSDF), tan Issaqa (SNM), tan Hawiyaha (USC) iyo tan Ogaadeenka (SPM).


Jabhadaha Somaaliyeed ee Itoobiya tageeri jirtay waxey rideen dawaldnimada Somaliyeed 1991 ee ma ridin nidaamka xukunka haystay, mana ku bedelin xukumaddii hore mid kale oo shaqeysa. Laakiin, Jabhadihii Itoobiya ee Somaalidu taageri jirtay waxey rideen nidaamkii xukunka haystay ee ma burburin dawladnimadii Itoobiya. Sidaa ayaa Itoobiya waxaa xukunka la wareegay dawlad madaxdeeda abaal weyn ku leedahay Somaalidu. Dhanka Somaalidana waxaa la sameyn waayay dawlad dhexe oo shaqeysa 1991, waxaana bilawday waqtigii jabhadeynta, dagaallada sokeeye iyo kala qeybsanaanta.


Colaadii Somaaliya iyo Itoobiya waxey sababtay in Somaaliya burburto, Itoobiyana dhaawac halis ah soo gaaro. Itoobiya waxaa isbdelay qaabka xukunka iyo qawmiyada xukunka haysatay. Xukunkii boqortooyada ahaa iyo qawmiyadii Amharada ee xukumi jirtay waa la bedlay oo waxaa talada dalka la wareegay qawmiyadda Tegreey. Waxaa kale oo Itoobiya noqotay dawlad aan xeeb laheen markii ay ka go’aday Eritereeya. Waxaa intaas uga sii daran colladda weyn ee ayaga iyo Eritereeya u dhexeysa iyo dagalka leebka iyo qaansadu isku-saarantahay.


Hadaba, burburka Somaaliya muxuu dhib iyo dheef uu ukeenay labada dal? burburka Somaaliya iyo furfurnaashaha Itoobiya, waxey keentay isdhexgal iyo isbarasho aan hore loo arag, waxaana xoogeysaty xiriirka labada shacab. Laakiin, dawladda Itoobiya oo waliba ay madax uyihiin ragg Somaaliya soo kaalmeysay kama faa’ideysan marxaladda cusub, waxeyna sii wadeen “istritaateejiyadii dawladaha Itoobiya ee soo jireenka aheed ee ku wajahneed Somaaliya”. Madaxda cusub ee Itoobiya waxey ku fashilmeen in bog cusub oo callaaqaad ah sameeyaan oo Geeska Afrika u horseeddaan nabad iyo hurumar.


Istrateejiyada Itoobiya ee ku wajahan Somaaliya waxey ku dhisantahay in laga niyad jebiyo Somaalida iney dawald noqn karaan ayada oo nabad iyo xasilooni loo diidayo, laguna mashquulinayo dhismaha dawlado goboleedyo iyo maamul deegaameedyo. Itoobiya waxey ka faa’ideysataa mashruuca la dagaalnka argagixisada iyo in ayan jirin dawlad kale oo tartan kula jirta arimaha Somaaliya. Waxaa arinkaas markhaati u ah fashilinta joogtada ah ee dawlad kasta oo la soo dhiso. Itoobiya waxey kasoo horjeedaa dhismaha dawlad dhexe ee Somaaliya, waxeyna mar kasta ushaaqaleysaa god, waxeyna hordhigeysaa turanturooyin ay ku fashiliyaan. Haseyeeshee, arinkaasu kama cafineyso Somaalida madaxda noqotay iyo aqoonyahaannadooda masuuliyadda weyn ee ka saarn qaranka iyo dawadnimada.


Fashilinta joogtada ah ay Somaaliya la daba joogto waxey ukeentay Itoobiya fashil siyaasi ah iyo mid militeri ah. Fashalkii ugu weynaa wuxuu uga yimid Itoobiya burburkii dawladii jabhadaha oo ay Kenya ku dhistay 2004. Dawladaas, in kasta oo ujeedada dhabta ah laga lahaa aheed in dawladii Carta lagu dumiyo, hadana waxey noqotay fashalka Itoobiya markii ay fadhiid noqotay. Waxaa fashilka Itoobiya sii kordhiyay soo gelitaanka ciidankooda ee Somaaliya iyo dagaalkii ayan guusha kasoo hoyn. Taallo-xumida Itoobiyaanka iyo tashi-la’aanta iyo tabar-daridda Somaalidu waxey sii kobcisay colaadihii taariikhiga ahaa.
Itoobiya maxey ka baratay arimahaas, Somaalida maxaa uga kordhay? Siyaasiyiinta labada dal waxey kala barteen waxyaabo badan, laakiin waxaan ka sheegaya hal qodob oo ah iney kala barteen sida uusan joogtada u aheen saaxibnimda siyaasiyiinta. Madaxdi saaxibada tariikhiga ah la ahaa Itoobiya sida Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Raisul-wasaarihiisa Cali Maxamed Geedi waa ay kala tageen. Madax kale oo shalay loo haystay iney colyihiin Itoobiya, maanta waa saaxiibo far iyo faraati ah. Waxaa kale oo hadda Itoobiyaanku raadinayaan saaxibo cusub oo ay ku bedeshaan kuwa hadda jooga marka ay colobaan. Sidaas darteed, siyaasiyiinta Somaalida iyo Itoobiyaanku waxey kala barteen in la isku meel gaaro. Siyaasadoodu waxey ku dhisantahay“ dano joogto ah ayaa jira ee saaxiibo joogta ah ma jiraan”.

Waxaa faragelinta arimaha Somaaliya ku dhiirigelinaya Itoobiya in suuqa siyaasadda ee Somaaliya uu la ciir-ciiraayo siyaasiyiin naq-raac ah oo “far u jawin kaliya sugaaya” oo magaca reeraha ama diinta ku hoos gabanaya. Siyaasiyiintaasu wax dan ah kama laha maslaxada, sharafta iyo karaamada dadkooda iyo dalkooda. Waxaa Itoobiya ku guuleystay in siyaasiyiinta noocaas ah in “ruux aan Itoobiya saaxiib la aheen inuusan madax ka noqon karin Somaaliya”. Waxaa fikirkaas rumeysan koox niyad jabsan oo xukun doon ah. Laakiin, waxaa la hubaa in ruuxii cunto dhacday raqiisnimo ugata inuu dhuban iyo calool xanuun ka qaadayo. sidaaso kale ayaa Itoobiya haysata oo saxibadeeda iyo ayadu waa “isku yaac iyo kala yaac, isku daneysi iyo kala daneysi”. Waa sida aroos beeneed in la isku meelgaarayo oo la isfuridoono la hubo.


Gunaanadkii, maslaxada shacbiga Itoobiya kuma jirto sii socoshada dawlad la’aanta Somaaliya, waxaana labada shacbi u baahanyihiin daris-wanaag, iskaashi iyo is-qadarin . Laakiin, siyaasadda dawladda Itoobiya sida ay hadda tahay ma horseedeyso xaqiijinta himilooyinkaas. Sidaad darteed, Itoobiya waa iney bedeshaa siyaasadeeda. Rabitanka laba shacbi ee Itoobiya iyo Somaaliya ee nabadda, nolosha iyo hurumarka waxey ku imaneysaa oo kaliya dawaldnimo hufan, demoqraadi ah oo ka dhalata laba dal oo himladda nabadda horseed ka noqota.




Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow)

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com