"Iskuul habluhu wax ku bartaan oo aanu doonaynay in Cigaal loo bixiyo ayaa dhulkiisii lanagaga daba yimi” Cali Maxamed Ibraahim Cigaal
“Waxaan ahay Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Intii Aabahayo dhintay, dawlada waanu ka xishoonaynay, wax nooga tagay oo dhibaato ahina ma jiraan. Dawlada masuuliyiinteeda ugu sareeya, ayaa intay isa soo hor-fadhiisteen balamo badan noo qaaday, kuwaasoo aanay ka soo bixin. Cidna umanaan sheegin, cidna kumanaan cambaarayn, iyagana calool-xumo uguma qabo, waayo siday ka noqotay Ilaahbaa og. Laakiin, anagu had iyo jeer waxaanu danaynay jiritaanka iyo dimuqraadiyada Somaliland oo ah dhaxalka Aabahayo nooga tagay sidaan horeba u sheegay. Waayo, Aabahay aniga Shaadh iigama tegin, Gurina iima dhisin, Hargeysa markaan imaadana waxaan ku degaa Hoteel.” Sidaa Waxa yidhi Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo xalay nagala soo xidhiidhay magaalada Dubai ee wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku sugan yahay.
Cali waxa uu sheegay isaga oo faahfaahin ka bixinaya sababta oo noola soo xidhiidhay.
“Aniga waxa karka iga keenay maanta waxa weeye, markii Aabahayo dhintay waxyaabo badan baa dawladu balan-qaaday oo ay ka mid tahay in Berbera laga dhiso xarun lagu qabto shirarka oo loogu magac-darayo Marxuum Cigaal Alle ha u naxariistee. Waxyaabo kale oo badan oo aanan rabin in aan halkan ka sheegana way balan qaadeen masuuliyiin badani. Waxaas oo dhan ka kaalay, waxaanu doonaynay annagu qoys ahaan in aanu Berbera ka dhisno Akademi wax lagu barbaro hablaha oo loo bixiyo Egal Academic, meeshii warqadaheeda naloo dhamaystiray ee la yidhi ka dhisa ayaa nalagaga daba yimi, oo la yidhi dad kalaa leh.
” Sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Waxaana uu sheegay oo kale in marka ay Iskuulkaas dhismihiisa dhamaystiraan ay doonayeen inay in Magaalooyinka waawayn ee Somaliland oo dhan doonayeen inay ka hir-geliyaan Iskuulo waqaf ah oo habluhu wax ka bartaan. Balse ay fajac iyo layaab ku noqotay in kii ugu horeeyay ee meesha laga dhisayo waraaqahoodii la siiyay lagaga daba yimaado.
“Annagu wax na siiya ma lihin dawlada, dhismaha wax ku darana ma lihin. Laakiin, dhulkii waraaqihiisa nala siiyay in laga daba yimaado maaha. Midda kale Maxamed Ibraahim Cigaal dedaalkii uu u galay Somaliland dhismaheeda in lagu ixtiraamo miyaanu mudnayn? Dawlada maanta jirtaa miyaanay ku taagnayn tacabkii uu soo galay.” Ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu tilmaamay in dunida xisbi kastaa halyaygiisa ixtiraamo. Balse aanay taa ka helin Xisbiga UDUB. “Waxaan ku idhi Xisbiga UDUB, aan idinla shaqeeyo, waxaad doonaysaan aan idinla qabto, waanu kuu yeedhaynaa bay yidhaahdeen, noomanay yeedhin, markaa aniga waxa ii cadaatay in aanay UDUB ka jirin wax ixtiraam ah oo laysu hayo, ee ay tahay qofku markuu dhinto kabihiisaa dhaama.
” “Balanqaadyada aan la fulin iyo inaan xisbi galo toona ma doonayo anigu maanta, Maalinta aan soo diyaar-garoobana aniga ayaa odhanaya intaan imaado waxaan doonayaa in lay doorto. Waxaanse ka hadlayaa goobtii aan doonayay in aan anigu kharashkeeda bixiyo oo Aabahay lagu magacaabo hablahaa yar yar ee masaakiinta ah bilaash wax lagu baro, dhulkii la yidhi waa laydin siiyay in laga daba yimaado ayaan ka maroora-dilaacsanahay.”
Dhinaca kale, Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal waxa uu dhaliilay siyaasiyiinta Somaliland, gaar ahaan hogaamiyeyaasha Saddexda Xisbi oo uu ku tilmaamay kuwo meel kaga dhacay nidaamkii dimuqraadiyada.
“In had iyo goor dawlada iyo mucaaradku is-hirdiyaan maaha, iminka waa tii lagu heshiiyay in doorashada dib loo dhigo ilaa sanadka soo socda bisha March, waa in xisbi walbaa barnaamij-siyaasadeedkiisa u soo bandhigo si dadku uga qaataan fikir saddexda xisbi Qaran ee heshiiyay. Laakiin, mid uun baan doonayaa in aan ku daro. Waxa nasiib-darro ah in Saddexdii nin ee la soo doortay Shan Sano hortood ay maantana Somaliland isa soo hor-taagayaan. Anigu waxaan odhan lahaa waa in masaladaa dib loogu fiirsadaa. Dimuqraadiyadu maaha in saddex qof uun sanad kasta isu soo taagaan tartan. Waa in isbedel la helaa, dadkuna ay ku kala doortaan qorshe.” Sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Ibraahim Cigaal
“Maraykanku aqoonsan maayo Somaliland, sababtoo ah..”“In Tanzania aqoonsato Somaliland waxay dhiirigelin u noqon doontaa dalalka Afrika”“Taariikhda Afrika kuma cusub, waxaana hore u burburay midowgii Jamhuuriyadda Midowga Carabta ee Masar iyo Suuriya 1958. Midowgii dalalka Mali iyo Senegal 1960 iyo Dawladdii Senegambia oo ay ku midoobeen dalalka Senegal iyo Gambia…”
Ogaal Online Xigasho
Koshin yare.
Search This Blog
Sunday, July 13, 2008
Suurto gal ma tahay in Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho hubkoodi lagu wareejiyay.been badanaa wabsitka Dayniile oo caqli xumaa curyaanka qora.
Waxaa la yaab leh in wabsit-yada iyo warbaahinta qaran-diidka ah ay qoraan warar aan marna caqil gal ahayn iyagoo ka doonaya in ay ku waxyeeleyaan dadaala ay wado dowlad Somalia oo ay ku soo celinayso amaanka dalka gaar ahaana magalada Muqdisho.
Waxaa ka mid ah warbahinitaas oo kaalinat koowaad uga jirawabsit-ka Dayniiile oo ku caanbaxay qaran-diidnimo iyo u adeegista argagaxisada iyo qaran-diid Qanyare waxana uu qoray war aan caqliga galayn oo ah in hubka lagu wareejiyay hogaamiya kooxeedyadii Muqdisho oo ay arintaas ku dhaqaaqeen ciidamada nabad ilaalinta ah ee Ethopia.
Waa arin aan suurto gal ahayn waxana uu wabsit-kan ku doonayaa in uu sharafta uga qaado hogaamiyayaashii Muqdisho gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Waqoyiga si uu ugala mid dhigo Qaran-diidka wabsit-kan iska leh ee Qanyare oo isaga shaaciyay in aanu doonayn nabad ka dhalata dalka Somalia.
Ma jiraan hogaamiyayaal ka mid ah kuwii kooxaha ee magalada Muqdisho oo hada diyaar u ah in ay ka soo horjeestaan Dowlada hub gaar ahna ay yeeshaan marka laga reebo Qaran-diid Qanyare iyo DHiig Cabka Cismaan Caato oo labaduba aan marna doonayn in ay nabad ka dhalato dalka Somalia.
Si aan arintan u xaqiijino ayaan la xiriirnay Halyeey Xaaji Muuse Suudi Yalahow oo ka mid ah hoogamiyayashii Muqdisho hadase usoo jeestay taageerista Dowlada iyo qaranka Somalia.
"waxaas wax jira ma ahan, aniga dowlada ayaan taagersanahay meel aan hub gaynayana ma jirto marba hadii argagaxisada la qabanayo" ayuu yiri halyeey Xaaji Muse Sudi XAFIDAHULLAH.
Hadalka halyeeyga Xaaji Muuse ayaa laga dhadhansan karaa in hogaamiyayaashi kooxaha ee ka soo haray Caato iyo Qanyare oo laba dhiig cab ah ay taageersanyihiin dowlada isla markana ay rabaan nabad dalka loo helo.
Hadalada sheegaya in hub ay dowlada Ethopia ciidamadeeda ku wareejiyeen hogaamiyayaasha kooxahana waa mid aan dhab ahayn oo wabsitka Dayniile Curiyaanka qoraahi ku riyooday .
Waxana ay taas muujinaysaa in wabsitkan Dayniile uu yahay mid aan wax xaqiiqo ah qorin balse caadaystay in uu been abuuro ka sameeyo shaqsiyaadka sharafta ku dhax leh bulshada sida halyeeyadii iyo hogaamiyayaashi kooxaha ee ka soo jeeda Waqooyiga Muqdisho oo aanay jirin wax ay dowlada uga soo horjeestaan .
"caqli xumaa curiyaanka dayniile qora, ma cid waliba qanyaroow moodaa"
Xafiiska wararka wiil waalka
abaaqaroow.com
Col Bariise “Odayaasha isku sheega Dhaqanka Hawiye,ma ahan dhex dhexaad,waana dowlad diidayaal”.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Col Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa ku eedeeyay Odayaasha qaran diidka ee uu hogaamiyo Maxamed xasan Xaad in aanay dhex dhexad ka ahayn xaalka maanta ka taagan dalka Soomaaliya,waxaana uu ku tilmaamay dowlad diidayaal, ama fidno wadayaal ku nool dadka rayidka dhexdooda.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Col Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa ku eedeeyay Odayaasha qaran diidka ee uu hogaamiyo Maxamed xasan Xaad in aanay dhex dhexad ka ahayn xaalka maanta ka taagan dalka Soomaaliya,waxaana uu ku tilmaamay dowlad diidayaal.“Odayaasha isku sheega Dhaqanka Hawiye,ma ahan dhex dhexaad,waana dowlad diidayaal”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Col cabdulaahi Xasan bariise.“Odayaashani kama hadli karin dhibaatooyinka argagixisadu ku hayaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed,aqoonyahanada iyo waliba shaqaalaha gargaarka,laakin waxaa ay caado ka dhigteen in ay qeylo dhaamiyaan mar kasta oo ay ciidanku qaadaan howlgallo ay ku cirib tirayaan kuwa afka duubta ee dadka laaya”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Col Bariise.
Afhayeenka ayaa sheegay in Odayaasha qudhoodu ayan u hadli karin sidii ay doonaan sheegina karin waaqiciga magaalada ka jira,sababtoo ahbuu yidhi waxaa ay ka baqanayaan in ay dhibaato kala kulmaan kuwa dadka laaya,sidaa daraadeedna waxaa ay shaqo ka dhigteen in ay xag xagtaan ciidamada qaranka ee howsha u haya shacabka Soomaaliyeed”.
Hadalka taliyah ayaa jawaab u ahaa war shalay kasoo yeedhay Odayaasha qarandiidka oo ay ku sheegeen in ciidanku dad rayid ah jimcihii ku laayeen Dayniile,xili la wada ogsoon yahay in 7 nin oo halkaa lagu dilay ay ka mid ahaayeen maliishiyooyinka argagaxa ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Odayaasha qaarkood ayaa qayliyay markii dagaal Maxakamaduhu ku qaadeen Gobolada dhexe, markaas qaylo ayaa ka soo yeertay, marka Moqdisho dagaal ka jirana ma eedeeyaan fidno wadayaasha.
Banaadir Post
Xamar.
Subscribe to:
Posts (Atom)