Search This Blog

Monday, July 21, 2008

MAGAALADA BARAAWE OO NOQOTEY CAASIMADDA DHUXULEYDA IYO INTA AY KU SHAQEYSTAAN HORMUUDNA KA NOQOTE XAALUFINTA DEEGAANKA AW DIGIL & DADKIISA.

Sida la wada ogsoon yahay, waxaa Gobolka Sh. Hoose ka jirtey musiibada ugu xoog badan oo ay ku haboogatey Dalka Somalia guud ahaan, gaar ahaana Dadweynaha Aw Digil, haba ugu sii badnaadaan Beelaha Tunni, Biyamaal, Jiddo iyo Geledi.

Waxaa 16kii Sano ee la soo dhaafey Gobolkaas Xoog ku haystey Beel ka mid ah Beelaha Somaliyed oo si arxan darro ah u bur burisey deegaanka , una laysey dad aan la soo tiro koobi Karin iyadoo ay jiraan boqollaal kun oo dhawaacood la joogaan Dalka Somalia gudahiisa iyo dibadiisaba.

Xeeladaha loo adeegsadey bur burinta iyo xaalufinta Gobolkaas iyo degmooyinkiisa waa ay fara badnaayeen, waxaanse ka soo taaban karnaa kuwa soo socda :-

1) Xoog loo adeegsadey Hubkii dalka noocyadiisa kala duwan iyadoo markaas magaca lagu qabsanaayey uu ahaa Moorayaan iyo Maleeshiya Beeleed.

2) Marka Labaad waxaa lagu haystey Magaca la yiraahdo ISBAHEYSIGA DOOXATADA JUBBA.

3) Marka seddaxaad waxaa loo adeegsadey magaca MAXAAKIIMTA waxa lagu tilmaamey oo muddo 6 bilood keliya ka jirey Somalia.

4) Waqtigaan xaadirka ahna waxaa loo Adeegsanayaa magaca MUQAAWMADA iyo kuwo kale ee soo raaca, waana Gobolka ay ku mintidayaan si ay ugu sii waaraan.

Waxaa iyana jirta misna iney abuurteen Shakhsiyaadka deegannada Xooggga ku haysta Dhaqan aan horey uga jirin deegaankaas , Salaadiin, Malaaqyo, iyo Nabadoono cusub oo iyaga u adeega una fuliya danahooda ku saabsan sidii ay u Xaalufin lahaayeen Deegannada Gobolka Sh. Hoose haba ugu darnaatee magaalada BARAAWE oo laga dhoofiyo Dhuxusha, Xoolaha Nool, Ugaarta iyadoo ay dhici karto in dad noolna laga dhoofiyo si looga faa’iideysto Xubnahooda.

Waxaa nasiib darro ah iney Somalidu ku fiirsato xaaladaas Beelaha dega Gobolka Sh. Hoose oo si aad u fool xun qori caaraddiisa loogu Gumeysanaayey 16kaas Sano lagana sameynaayey hadba waxii la doono iyo sidii loo doono.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa hubanti ah inuu Waqtiga ku soo dhamaanaayo Tuugadaas iyo intii ay isticmaali jireen 16kaas Sano, ayna qaadi doonaan mas’uuliyadda kaga aadan falalkooda ka baxsan Banii-Aadamnimada.

Qore: Maryan Xaaji Suufi
banaadirpost@gmail.com

Gobolka SH/Hoose ma Sareedo aan loo kala sokayn baa?!

Si loo helo jawaab waafi ah kuna salaysan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Gobolka SH/Hoose ayaa waxaa lama huraan ah in kolka hore raad raac adag lagu sameeyo gobolka iyo Maamuladii isaga kala danbeeyay iyo weliba Ugxantii ay ku dhaafeen Gobolka.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa uu caan ku noqdey inay awooddiisa maamul ay ku tartamaan hadba Beelaha haysata awooda Dalka Soomaaliya ,Hadaba ayadoo ay tani tahay qaacido caam ah ayaa hadana waxaan meesha ka maqnayn duulaan gaar ah iyo mid guudba oo gobolka lagu hayo,
Xaalada gobolka oo cakiran dartiis ayaa waxa iminka xaaladdiisa looga hadley fadhiyada Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Nuurcadde;Waxaana maqaalkan idin ku soo bandhigeynaa xog rasmi ah oo sir ah kaas oo lagu doonaayey in lagu kala qeybiyo Gobolka Shabeelada Hoose,waxaana maanta idiin soo bandhigeynaa qeybta koowaad.


Fadhigan ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu magaalada Bardaale ku martiqaadey wasiirka Gadiidka iyo Dekadaha Maxamaed Ibraahin Xaabsade kaas oo looga hadlalaayey aayaha Siyaasadeed ee Gobolka Shabeellada Hoose,iyadoo arrimha uu Xaabsade Wasiirka Arrimaha Gudaha uu hordhigey ay ka mid tahay shax lagu kala qeybinaayo Gobolka Shabeellada Hoose.

Shaxda cusub ee uu Xaabsade doonaayo in Gobolka lagu kala qeybiyo ayaa ahayd in Degmooyinka,Baraawe,Sablaale.K/waareey iyo Qoryooleey laga dhigo Gobol cusub kaas oo loo bixiyey Gobolka Shabeelada Kore oo ay caasimaddiisu tahay magaalada Baraawe,waxaana qorshahan la socda 2 Degmo oo cusub oo lagu darayo Gobolkan cusub,waxaana haddii qorshahani guuleysto Guddoomiyaha Gobolkaas laga dhigayaa nin qarsoon oo aan la soo bandhigin hase yeeshee ka soo jeeda Beelaha Digil,
halka Guddoomiye ku xigeenkana laga dhigaayo nin kale oo aan la sheegin magaciisa laakiin ka soo jeeda Beesha Habargidir gaar ahaan Beesha (ceyr),waxaana qorshahaas haddii uu guuleysto maamulkaas la hoosgeeynayaa Maamulka Goboleedka Koonfurgalbeed ama Jubbaland.

Shaxda labaad ayaa waxaa lagu soo bandhigey in Degmooyinka Afgooye,Awdheegle,Wanlaweyn iyo Marka laga dhigo hal Gobol oo magaciisu yahay kii hore oo ahaa Shabeellada Hoose,iyadoo lagu daraayo laba Degmo oo cusub oo aan la sheegin,waxaana Gobolkan lagu wadaa inuu Guddoomiye ka noqdo nin ka soo jeeda Beesha Biimaal oo aan magaciisa la sheegin uuna ku xigeen ka noqdo nin ka soo jeda Beesha Habargidir oo aan magaciisa la sheegin,waxaana Gobolkan haddii lagu guuleysto qorshahan la Raacinayaa ismaamul Goboleedka Banaadirland.

Haddaba markii Wasiirka Arrimaha Gudaha arrintan la hordhigey ayuu Gaashaanka ku dhuftey oo diidey,asagoo Xaabsade u sheegey in arrintan uu wato laga leeyahay mudnaanteeda oo ay jiraan wasiirro ka xiga deegaanka oo qorshahan soo jeedin kara ama diidi kara,iyadoo arrintaasna keentey inuu wasiirka si adag uu gaashaanka ugu dhufto,waxaana Jira arrimo dhaqaale oo wasiirka la soo hor dhigey hase yeeshee uu ku qosley,asagoo sheegey inuusan ahayn dadka baahan ee sharaftooda dhaafsada dhaqaalaha.

Hase yeeshee markii magaalada Bardaale uu qorshahani ku fashilmey ayuu xaabsade wuxuu soo hordhigey Golaha Wasiirada shirkii u dambeeya ee ay ku yeesheen magaalda Baydhaba kaas oo uu shir Guddoominaayey Prof Saalim Caliyoow Ibroow,waxaan arrintii mar labaad ka hor yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha ,xubnaha kale ee Golaha wasiirada ayaa la kala saftey Xaabsade iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha,iyadoo inta badan Golaha wasiiradu la safteen Wasiirka Arrimaha Gudaha,halka Xaabsade ay la safteen xubno aad u yar oo ka soo jeeda inta badan Beelaha Hawiye.

Markii ay dooddu kululaatey ayaa labada wasiir waxay isdhaafsadeen haddalo kulul ka dib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Xaabsade ku canaantey inuu faraha la galey howl uusan shaqo ku lahayn oo siyaasad ahaan iyo Deegaan ahaanba ay jiraan dad lagala hadli karo oo asaga wax ka quseeya aysan jirin;halka uu xaabsadena Wasiirka ku canaantey inuu doonayo in Gobolka uu u gacan geliyo Jaamac Baloow oo aan xaq u lahayn inuu madax ka noqdo Gobolka.

Markii arrintu muran isku beddeshey ayaa shirgudoonka Golaha wasiirada ee Salim Caliyooow Ibroow ku dhawaqey inuu shirku xiran yahay asagoo aan dhinacna taageerin
Haddaba xogta warkan oo aad u dheer ayaan ka soo xiganney xubno siyaasiyiin ah oo ku sugan magaalada Baydhaba hase yeeshee naga codsadey inaan magacooda la sheegin,ayagoo sheegey in qorshahan lagu kala qeybinaayo Gobolka Shabeellada Hoose ay wataan xubno Ganacsato,Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno kala duwan,waxana fulinta qorshahan loo wakiishey Maxamed Ibraahin Xaabsade, oo aad la socotaan inow waligiis gacan saar ama heshiis la lahaa kuwa xooga ku jooga Koonfurta Soomaaliya.

Shaxdan ayaa ah iskudey ballaaran oo ay Ganacsato iyo siyaasiyiinta ku soo caanbaxdey Dagaalada Sokeeye ku doonayaan inay ku hantiyaan deegaanka ugu barwaaqada badan Soomaaliya,iyagoo doonaya inay siyaasad,dhaqaale iyo deegaan intaba ku yeeshaan saameynta ugu ballaaran.

Si kastaba ha ahaatee qorshaha Xaabsade uu wato ayaan ku ekeyn asaga oo keliya,waxaana garab ku siiyey lana shaqeeya xubno ay ka mid yihiin Masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Gobolkan,oo Markii ay ku fashilmeen Maamul wanaagsan oo shaqeeya oo kalsooni iyo taageero ka haysta xukuumadda dhaxe iyo Shacabka Gobolka ay Markan Maciin bideen in la kala qeybiyo Gobolka,sida uu noo xaqiijiyey siyaasiga aan warkan ka soo xiganney.

Sidoo kale Masuuliyiinta ayaa ku fashilmey inay taageero kaga helaan dadka ay khuseyso Arrimaha Gobolka Shabeellada Hoose gaar ahaan Xildhibaannada ku jira Dowladda Federaalka kumeelgaarka ah,waxayna Markii ay taas wayeen ay la hoos galeen Siyaasiyiin aan xaq u lahayn inay ka taliyaan ayaaha Gobolkan.

Sidoo kale warku wuxuu intaas ku darayaa in kala qeybinta Gobolka Shabeellada Hoose uu gacan weyn ku leeyahay Maamulka Gobolka Banaadir oo doonaya inuu ku darsado deegaanka barwaaqada badan leh marka ay timaaddo hergelinta nidaamka Federaalka oo looga fadhiyo inay fuliso xukuumadda Nuur Cadde.

Sidoo kale xubno ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Dhooblleey ayaa ka dhawaajiyey in Gobolka Shabeelada Hoose,Banaadir ,iyo Shabeelada Dhaxe la isku xirey maamul mid ahna loo dhisi doono,iyadoo fikraddaas iyo midda ay wataan xubnaha Maamulka Gobolka iyo qaarka ka tirsan Golaha Wasiiradu ay iswaafaqaeen.

Si kastaba ha ahaatee aayaha Gobolka Shabeellada Hoose ayaa ah mid sabeynaya oo sida uu aakhirkii noqonayo ay tahay mid mugdi weyn uu ku jiro,maxaa yeeley dadka wata Siyaasaddan ha noqdaan kuwa Gobolka u dhashey ama ha noqdaaan kuwa bah wadaagta la ah waxa lala dabajoogaa dhaqaale aad u ballaaran oo ay ku fuliyaan qorshahan hadda la wado,waxayna u dhowdahay haddii aan la helin.

Siyaasiyiin Aqoonayahnno,Ganacsato,Odeyaal dhaqameedyo waddaniyiin ah oo isku xiran inay horjoogsan karaan qorsha hadda socda.

Sida looga bartey dadka Gobolkan ka soo jeeda oo ah inay cabsadaan ama ay dabadhilifnimo ku shaqeeyaan,Dhaqaale dhulkoda ku beddeshaan,iyagoo ka bakheylaya xoolahooda ay ku difaacaan dadkooda iyo dalkooda iyo inay is xasdaan ayaa mar kasta keenta inay suuroobi weydo inay u madax banaanaadaan Maamulka Dalkooda.

Dhinaca kale dadka wax ma garadka iyo kuwa meelaha dhow wax ka fiirirya ayaa lagu beerlaxawsadaan in Beelaha Mirifle ee ay daagaanka iyo dhalashada wadaagaan Beelaha Digil aysan marnaba waxba u oggoleyn,marka ay timaaddo awood qeybsiga Maamulka Dalka,iyadoo loo sheegayo in mar kasta awood looga qaato xaqa ay Beelaha Digil ay leeyihiin ayna maroorsadan kuwa Mirifle.

Hase yeeshee waxaa isweyddiin mudan ninka doonaaya inuu qaato deegankaaga ma oggolaan doonaa inaad ka muuqato Siyaasadda Dowladda dhaxe iyo tan Gobolkaaga?Jawaabtaa waxay u taalla dadka ay khuseyso.

Howshu weli waa socotaa oo waxaa socda loobin aad u xoog badan oo siyaasad,xoog,dhaqaale intaba iskugu jira,haddii aan loo helin mid taas u dhigantana waxa hubaal ah inay meel mari doonto sida looga daba tagaan ay adkaan doonto.

fadlan wixii fikir ah nagu siyaadi ama nagu kordhi kuna soo dir Emailka hoose.

Tafatiraha Wargeyska
Mohamed Deeq Xaaji Ali
banaadirpost@gmail.com

Tiro dhalin yaro ah oo ka tirsanaa maleeeshiyada Al-Shabaab oo gaaray tuulada Ceel-Baraf ka dib kolkii ay ka goosteen Fadhiga Al-Shabaab ee Ceelasha B


Mahadaay,20-7-2008), Wararka ka imaanaya tuulada Ceel Baraf oo ka tirsan degmada Mahadey ee gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegaaya in (29) dhalin-yaro oo horay uga tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab ay kasoo goosteen Taliska Ciidamada Al-Shabaab ee deeganka Ceelasha biyaha iyo aagga Suuqa Xoolaha ee Waqooyiga Muqdishu,Dhalintan ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, shirib, guuroow iyo Qur'aan la saarey dhammaan dhalin-yaradan.


Waxaa halkaas hadal gaaban ka jeediyay hor-joogihii dagaalyahanadan oo lagu magacaabo (Dheg-naas) isagoo sheegay in " halgankii Al-shabaab ay afduubteen Xasan Daahir Aweys iyo Yusuf Maxamed Siyaad ( Indhacadde) una bedeleen halgankii toos-ney sida Maqaayad aay iyagu gooni u leeyihiin oo kale,,Yuusuf Indhacadde, wuxuu darraad Ceelasha biyaha ku dilay walaalkey marxuum Cabdulqadir Muxumad Maxamuud ( Kobo-geed) naceyb uu u qabo qabiilka uu ka dhashey walaalkey Alaha unaxariistee Marxuum Kobo-geed, taas oo runtii dib ii xusuusinaysa dilkii Marxuum G/Sare Mohamed Omar Calasow ( Calasow Dheere) 1991kii.


Dhalintan soo goosatay ayaa ka danbaysay goosashadooda kadib kolkii 18 bishan July ee aynu ku jirno uu Yuusuf Siyaad ( Indhacade) ku dilay Taliyihii Al-Shabaab ee waqooyiga Muqdisho Cabdulqaadir Muxumad Maxamuud ( Kobo-geed) Inkastoo warar is khilaafsan uu kasoo baxay dilkan ayaa hadana lagu sababay jabkii Al- Shabaab ka soo gaarey dagaaladdii ka dhacey Warshedda Baastada, Warshedda Xeyle Bariise, Ceymiska iyo aagga Suuqa Xoolaha Bishaan July 17, 2008. Jabkaas oo lagu soo bandhigay qalabka warbaahinta ee gudaha Soomaliya.


Xafiiska daafeet.com,Muqdisho

Ma Ogtahay In Ismaaciil Cumar Geelle Laaluush Ku Bixiyey Laanta Afka Soomaliga Ee Idaacadda B.B.C-da


Warkii 15-Jul-2008 iyo Qormadii: Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Madaxweynaha maamulka Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle Batal ayaa markii uu xilka maamulka Jibouti qabtay wuxuu xidhiidh toos ah la yeeshay maamulka iyo weriyayaasha Idaacadda laanta afka Soomaliga ee B.B.C-da, wuxuuna Maamulaha Jibouti Ismaciil Cumar Geelle siiyay dhawr xubnood oo ka tirsan idaacadda laanta afka Soomaaliga ee B.B,C-da dhalashada Jamhuuriyadda Jibouti.

Xidhiidhka laaluush ee dhex maray Madaxweyne Batal
iyo Maamulka laanta afka Soomaaliga ee B.B.C-da ayaa wuxuu bilaabmay ka dib markii Idaacadda B.B.C-da laanteeda afka Soomaaliga uu tafatire ka noqday Yuusuf Garaad Cumar Axmed, wuxuuna muddo ka dib uu Yuusuf Garaad socdaal ku tagay
Jamhuuriyadda Jibouti halkasi oo uu kula kulmay Ismaaciil Cumar Geelle isla markaana uu kaga soo qaaday xarunta looga taliyo Jibouti weraysi dheer Mr Geelle Batal.


Kulan uu Ismaaciil Cumar Geelle la yeeshay
Tafatiraha laanta afka Soomaaliga ee B.B.C-da ayaa waxaa la isla af gartay inuu Ismaaciil Cumar Geelle bixiyo kharashyo badan oo lagu laaluushayo weriyayaasha iyo tafatirka laanta afka Soomaliga, waxaana taasi bedelkeeda laga dhigay in
aanay laanta afka soomaaliga ee B.B.C-du si madax banaan aanay uga soo waramin dhacdooyinka ka jira dalka Jibouti,isla markaana ay buun buuniso hawlaha siyaasadeed ee Ismaaciil Cumar Geelle.


hawshii koobaad ee ballan qaadka Ismaaciil Cumar
Geelle ayaa wuxuu fullay isagoo siiyey dhawr weriye oo ka tirsan laanta afka Soomaaliga dhalashada Jibouti, xubnahaasi oo ay ka mid ahaayeen


1. C/raxmaan Koronto


2. Aamina Muuse Weheliye


3. C/laahi Cadde


xubnahani ayaa waxay Jibouti ka soo galleen
dhinaca Muqdisho oo ay joogeen, waxaana ay yimaadeen Jibouti sannadkii 2000-da iyagoo ku hellay dal ku galka ingiriiska Passportka Jibout.


Sidoo kale Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu ku
bixiya laaluush weriyayaal badan oo ka tirsan idaacadda laanta afka Soomaaliga iyadoo lacagaha loogu xawilo sanduuq xisaabeedyo (Bank Accounts).


Weli akhriste ma aragtay ama maqashay laanta afka
Soomaliga ee B.B.C-da oo si madax banaan uga soo waranta wararka ka dhaca gudaha Jamhuuriyadda jibouti, sannadkii 2005-tii ayey Idaacadda laant afka soomaaliga ee b.b.c-du bilawday inay Ismaaciil Cumar Geelle ugu yeedhaan Kelmadda Mudane, oo ka mamnuuc ah in ay u isticmaalaan weriyayaashahaayadda B.B.C-du, bal u
fiirso weraysiyada ay ka qadayaan Ismaaciil Cumar Geelle maweydiiyaan arrimo
xasaasi ah oo isaga khuseeya, waxaad mooda in uu isagugacanta ku soo qortay su'aalaha isaga la weydiinayo.


Laaluushka uu bixiyo Ismaaciil Cumar Geelle
Maamulaha Jibouti ayaa wuxuu saameeya weriyayaashani:


1. Yuusuf Garaad Cumar Axmed Tafatiraha Laanta


Afka Soomaaliga ee B.B.C-da


2. Axmed Xasan Cawke


3. Siciid Cali Muuse


4. Aamina Muuse Weheliye


5. C/raxmaan Aadan Koronto


6. Yoonis Cali Nuur


7.Axmed Cabdi Nuur


Maamulaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa
magacaba cidda diraysa warka laga soo gudbinayo gudahaJibouti loona soo
gudbinayo idaacadda laanta afka soomaaliga iyadoo uu ogyahaymooyaane lagama sii
daayo warkaasi Idaacadda.


Waa ayaan darro weyn oo sida ceeryanta ku geedaman
laan dhan oo hawsheedu ahayd inay u adeegto umad ku hadasha afka Soomaaliga meel
kasta oo ay joogaan oo laaluush la siiyey darteed awood u heli wayday inay si
madax banaan uga soo waranto gudaha Jibouti, iyadoo ka door biday xaq soorka
wararka shilimaad, waana mid la iskaga danbayn doono oo wakhtigeeda iyo
waayaheeda lala sugi doono.

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
London, UK.

diridhaba@gmail.com

Sheekh Shariif oo gaashaanka u daruuray inay ka dambeeyaan dilalka samafalayaasha.

Hogaamiyaha Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa siweyn uga horyimid warka sheegaya in ay Mucaaradka dawladda Soomaaliya bartilmaameedkoodu yahay dagaal ay lagalaan dadka ushaqeeya dawladda Soomaaliya & dawladda Itoobiya.

Hogaamiyuhu wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin arintaasi ayna Ururkaasi dilin Qof Muslim ah oo Ashahaadanaya ayna falalkaasi fuliyeen kooxaha ka soo horjeeda Nabadda Soomaaliya ,ayna yihiin falalkaasi kuwa ka soo horjeeda Diinta Islaamka & Xeerarka Caalamiga ah.



Sheekhan wuxuu diiday in ay falalkaasi fuliyaan ururkoodu ,wuxuuna ugu baaqay cid walboo Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan falalkaasi oo kale ,oo uu ku sheegay kuwa halis oo ay xukunkooda sheegtay Diinteena Suuban.



"Dilalka loo geysanayo Saraakiisha ciidamada ,dadka Waxgaradka ah & Cid walboo Muslim ah waa kuwa ka soo horjeeda diinta Islaamka ,ilaaheyna wuxuu noo sheegay cawaaqib xumida ka dhalan karta ,waxaana ugu baaqeynaa dadka falalkaasi geysanaya in ay ka waantoobaan" Ayuu yiri Hogaamiyaha Isbaheysiga Dibu xoreynta dalka Soomaaliya.



Hogaamiyahan oo siweyn looga xasuusta hadalo ka soo yeeray intii uu hayey talada hogaanka guud ee Maxkamadihii awoodooda laga faramaroojiyey sannadkii 2006-dii ,kuwasoo uhiilinayay diinta Islaamka kana soo horjeeday weeraro lugu qaado goobo ay joogaan dad Muslim ah ,inkastoo markii dambe Maxkamadihii ay wadadaasi cagta saareen ayagoo weeraro ku qaaday Magaalooyin ka fogaa Magaaladii ay heysteen Muqdisho & gobalo nabad ah oo ay ka mid yihiin gobalada Puntland.



Talaabadan ka soo yeertay Hogaamiyaha Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweyn wanaagsan kala kulantey dad badan oo Soomaaliyeed ,waxa ayna sheegeen in hadalka Sheekhan muujinayo sida ay Kooxda Sheekh Shariif uga go'an tahay taageerida dadaal nabdeed...



Waxaa halkaas ka muuqana kara in arinkan la dilayo ay gaar u tahay AL shabaab iyo kuwa la midka ah.



Banaadir Post.


banaadirpost@gmail.com

Qaran-diid Yusuf Garad iyo beeshiisa oo magac dilay Warbaahinta.Tv-ga Universal arintiisu way ka daraysaa.




DHawaanahan dalka Somalia ku soo badanayay warbaahin afka Somaliga ku hadasho oo qayb wayn ka qaadanaysay dhibaatada dalka ka jirto iyagoona hurinayay rabshadaha iyo colaadaha dalka ka jira.

Warbaahintan ayaa loo aas aasay dano qabiileed waxaana iska leh oo ay u shaqeeyaan kooxaaha nabad diidka ah ee dhibaatada ka wada dalka Somalia.

Qaran-diid Yusuf Garaad iyo qolyaha ku haybta ah ayaa iyagu waxa ay yihiin Maalgaliyayaasha ugu wayn ee ka dambeeya dhisida Hay,adahan warbaahineed ee dalka ka jira.

Waxaa uu horay u dhisay Qaran-diidkan Idaacada BBC-da oo ah hay,ada ugu horayso ee kaalinta 1-aad ka gashay hurinta colaadaha dalka iyo u adeegida Danaha qabiilada aan rabin nabada dalka Somalia.

Qaran-diidkan ayaa danta kaliyah ee uu ka doonayo ka qayb qaadashada dhibaatada dalka waxa ay tahay isagoo ay qaaday Caadifad qabiil isla markaana go,aansaday in danta beeshiisa uu ka hor mariyo tan umada Somaliyeed.
Arinta ayaa waxa ay noqotay ka dar oo dib dhal waana markii iyadoo ay jireen Warbaahinta Maqalka ah (Radio) oo u adeega Nabad diidyada ayaa hadana waxaa soo baxay warbaahin Muuqaal ah oo ka qayb qaadanaya dhibaataynta umada Somaliyeed.

Tv-ga Universal oo ay leeyihiin shaqsiyaad ku hayb ah Qaran-diid Yusuf Garaad iyo isaga laftiisaba ayaa waxaa uu ka mid noqday hay,adaha warbaahinta muuqaalka ah ee dhibaatada dalka ka qayb qaata.

Waxaa la is waydiiyay sababta keentay In TV-ga Universal uu ka qayb qaato dhibaatada dalka Somalia ka jirta hada.

Taas ayaa jawaabteedu waxa ay tahay mid iska cad waana in TV-gan uu hoos tago isla markana ay Maalgaliyaan shaqsiyaad uu Yusuf Garad ka mid yahay iyo rag kale oo isaga ku hayb ah kuwaas oo u dhisay Tv-gan in dalka dhibaatada ka jirta looga qayb qaato loogana hortago nabada dalka si aysan dowlada u dhalan oo aan loola xisaabtamin xaqa dadka masaakiinta ah ay horay uga bililiqeesteen.
Waxaa kaloo Tv-gan hada ka howlgalo oo waliba Mas,uuliyiintiisa ka mid ah rag ku hayb ah waliba si gaar ah ugu dhaw Qaran-diid Yusuf garaad kuwaas oo muuqaal ka bixinaya sida Tv-gan uu halka dhinaca ugu shaqeeynayo.

Marka la daawado warbixinada TV-ga Universal lagu soo bandhigo ayaa waxaa la dareemayaa mowjado qaldan oo dadka aan ka warqabin ay u arkayaan in dalka Somalia ay ka jirto xaalad an cidina ku noolaan Karin.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa hadana waxa kaloo TV-gan lagu soo bandhigaa qoraalo iyo warbixino aan marna dan u ahayn nabada iyo hamiga ay Shacabka Somaliyeed ka leeyihiin dhameenta dhibaatooyinka dalka ka jira.
“waxaan aniga ku noolahay dibada dalka Somalia waxaana dhowr jeer fiirsaday warbixinada Universal lakin mar waliba oo aan fiirsanayo waxaan dareemaa qal qal maadama uu soo bandhigayo warar Qatar xoogan muujinayo” sidaana waxaa Yiri Axmed Sheikh Ismaacil Mabruuk oo wadanka Ingriiska gaar ahaan London ku nool.

“taas waxa ay keeneysaa in ay jiraan waxyaabo daah lagu daboolayo oo Tv-gan lagu doonayo in loogaga faa,idaysto sidoo kalena Idaacado iyaguna arimahan ka shaqeeya ayaa jira” ayuu mar kale Yiri Mr Mabruuk.

“waxaan ku baaqayaa in la iska dhaafo sheegista colaada iyo dhibaatada loona weeciyo wanaaga iyo horumarka dalka” ayuu hadalkiisa ku soo dhameeyay Mr Mabruuk.

Sidoo kale Haweeney iyaduna dalka hada ku sugan kana timid wadamada qaarada Eurobe ayaan kala sheekestay sida ay u arkayso dalka Somalia iyo waxyaabaha laga sheego marka dibadaha la joog.

“ walaahi ma is dhahayn dalka ayaa la imaan karaa maxaa yeelay waxaan ka dhageestay BBC-da iyo Universal warar aan marna wanaagsaneen oo xaalada dalka Qatar ka dhigaya hadana waxaan jooga Somalia wax dhib ahna ma arko” ayeey Tiri haweeneydan oo magaceeda ku sheegtay Maymuun Cumar.

Si kastaba ha ahaatee dadka Somaliyeed ee dibadaha ku nool iyo kuwa dalka ku sugan ayaa fikir wada jir ah ka aaminsan xaalada dalka in ay tahay mid hagaagsan oo aan wax dhibaato ah ka jirin balse ay ka bad badiyaan warbaahinta qaran-diidyada u adeega oo iyagu aan rabin in xal laga gaaro dhibaatada dalka Somalia.

Si wada jir ah shacabka Somaliyeed waxa ay ugu baaqayaan Qaran-diid Yusuf Garaad iyo Beeshiisa in aysan iska saarin umada kale ee Somaliyeed ayna ilaaliyaan sharafta Warbaahinta isla markaana ay ka haraan geed qab qabsida aan meelna gaarsiinayn oo dadkooda uun ka dhex bixinaya meel cidlo ahna hadhow soo dhigaya.

Yusuf Garaadow Umadaada dantooda haka dooran tan qabiilka.
markii hore waxaan islaheyan qabiilka reer xarmarka sharfta badan ayaa iskaleh laakiin dhabta weysoobaxaday.


Xafiiska waraka wiil waalka abaaqaroow.com
Banaadir oa

Al Fanaan Cumar Nuur Baasharax oo maanta kooxo hubeysani ku dhaaweceen magaalada Muqdisho.

Iyadoo magaaalda Muqdisho ay bilihii lasoo dhaafay ehel u noqotay weeraro bar tilmaameedsi ah oo lagu khaarijinayay,madaxda hey’adaha,aqoonyanahada iyo dadka kale ee xiriirka la leh dowladda federalka ayaa hada waxaa soo kordhay dilal lala eeganayo fanaaniinta,waxaana Cumar Nuur Baasharax uu noqoday fanaankii labaad ee Muqdisho gudeheeda lagu toogto muddo bil gudeheed ah inkastoo uu dhaawac halis ahi gaaray maanta.

Iyadoo magaaalda Muqdisho ay bilihii lasoo dhaafay ehel u noqotay weeraro bar tilmaameedsi ah oo lagu khaarijinayay,madaxda hey’adaha, aqoonyanahada iyo dadka kale ee xiriirka la leh dowladda federalka ayaa hada waxaa soo kordhay dilal lala eeganayo fanaaniinta,waxaana Cumar Nuur Baasharax uu nqoday fanaankii labaad ee Muqdisho gudeheeda lagu toogto muddo bil gudeheed ah inkastoo uu dhaawac halis ahi gaaray maanta.

Fanaanka ayaa waxaa soo weeraray kooxo hubeysan oo bistoolado watay xili uu ka qeyb galayay munaasabadda aaska ruux eheladiisa ah oo ka dhacaysay degmada Xamar weyne,waxaana la gaarsiiyay dhaawac halis ah.Wiil uu fanaanku dhalay fanaanku oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Baasharax ayaa saxaafada u sheegay in aabihii uu gaaray dhaawc halis ah hadana lagu daweynayo isbitaalka madiina ee gobalka Banaadir.“Aabahay niman bistoolado ku hubeysan ayaa soo weeraray,mar uu ka qeyb galayay munaasabada aaska qof eheladeena ah “ayuu yidhi Maxamned Cumar Baasharax oo ah wiil uu fanaankani dhalay oo maanta saxaafada la hadlay.

Waxaa la yaab leh halka Somali loo wado, kaaso u muuqada mugdi aan iftiin lahayn.

Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com
Xamar......

Markii Sadaxaad oo baaris lagu sameeyay Hoyga C/qaasim Salaad



Ciidamo Boolis ah oo ku hubeysan gawaarida dagaalka ayaa gudaha u galay guriga Mas’uulkaasi iyadoo aysan jirin wax ay kala baxeen oo hub, waxayna ciidamadaasi ka hor inta aysan baarin u sheegay dadkii xiligaasi joogay in ay ku socdaan amar sare oo ka yimid saraakiisha ciidamada Booliska, isla markaana ay fulinayaan amarka la soo faray.

Ma jiraan wax hub ah oo laga helay guriga C/qaasim Salaad Xasan iyadoo baaritaankan uu noqonayo kii Sadaxaad oo laga fuliyo guriga Dr. C/qaasim, waxaana horay ay ciidamada Dowladda ka heleen hub fara badan iyo rasaas kala duwan.

Lama garanayo sababta ka danbeysa in markii Sadaxaad baaris lagu sameeyo guriga Madaxweynihii Dowladdii Carta, balse waxaa jira tuhun fara badan oo ka dhashay kulamo gurigaasi ka dhaca mar walba iyo isu socodka guriga Dr. C/qaasim oo ah mid aad u mashquulsan iyadoo dadka gelaya iyo kuwa ka soo baxaya laga yaabo in shaki geliyo ciidamada Dowladda.

Baaritaankii ugu horeeyay ee ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen guriga C/qaasim Salaad waxaa raali gelin ka bixiyay Madaxweynaha Dowladda Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi oo hoygiisa ay ku booqdeen C/qaasim.
Banaadir Post.

Cida Diidan nabadda oo noqotay Oday Daahir Aweys iyo Ninkii ku caan baxay iibsashada biyaha wabiga Jaalle Indhacadde

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegaya in xubno ka mid ahaa Garabka Asmara oo ay horkaceyso Xoghayaha xaquuqul insaanka ee Isbaheysiga mucaaradka garabka Casmara Marwo Foowsiya Maxamed Sheekh ay gaadheen dalka Jabuuti, iyagoo sheegay in ay badaleen afkaarohoodii hore hadana taageerayaan waxa danta umada Soomaaliyeed ay ku jirto oo ah heshiiskii Jabuuti bishii hore lagu gaadhey.

Xubnahana ayaa ka qeyb galay kulan mudanayaasha golaha dhexe ee isbahasysigu ay Jabuuti ku yeesheen iyagoo kulankaana ka hor cadeeyay in ay kasoo go’een garabka Oday daahir oo hada keligii Fadhiya Asmara.
Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa ka mid aheyd xubnihii ku xayirmay Tuulada Asmara, isla markaasna ay ku qasbeen saraakiisha sirdoonka Eritrea iney warbaahinta ka hadasho oo ay dhaliil u jeediso Sheekh Shariif intii ay ku sugneyd Tuulada Asmara.Guud ahaan xubnihii ku midoobay isbahaysiga Tuulada Asmara marka la eego waxaa mucaaradnimo kusoo haray oo keliya Oday Daahir Aweys oo ku jira liiska argagixisada Caalamiga ah ee la doon doonayo iyo Jaale Indhacadde oo horay ugu caan baxay iibsashda biyaha wabiga walina ay ka hor muuqaneyso lacagtii faraha badnayd ee uu ka heli jiray iibsiga biyaha wabiga iyo beeraha gobalka Shabeelaha hoose.Dhanka kale waxaa xumkuumada Asmara meel mar u noqon waayay barnaamij ay dhawaanahan waday oo ku aadanaa in la qabto kulan xilalka looga xayuubbinayo labada shariif.
waxaase Alle mahadii ay taasi noqotay DHAAN DABAGAALLE GUNTIIS LA GAARI WAAYAY.
Banaadir Post,
Xamar cade.

Xildhibaan Mowliid Macaani oo ku baaqay in Mareykanka laga codsado in uu Liiska Argagixisada ka saaro Shiikh Xasan Daahir, Shiikh Xasan Turki iyo Shii


Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, isla markaana wariyayaal kula hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku baaqay in Mareykanka laga codsado in uu liiska argagixisada ka saaro Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki) iyo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Mowliid Macaani waxaa uu sheegay in raggaas ay yihiin dad Soomaali ah oo haddii lala hadlo la qancin karo, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in Mareykanka laga codsado in liiska ay ku jiraan laga saaro, si buu yiri ay uga qeyb qaataan nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Haddii la doonayo in xal laga gaaro mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay najaxdo dib u heshiisiinta socota waa in Raggaas laga saaro Liiska uu Mareykanka ku daray ee Argagixisada, isla markaana laga qeybgeliyaa wada hadallada”ayuu yiri Mowliid Macaani Maxamuud.

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in haddii arrintaas la isku dayo laga dhaadhicin karo Mareykanka in raggaas ay muhiim u yihiin xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ka taagan mudada 18 sano gaareysa.

Xildhibaan Mowliid ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqa in liiska argagixisada laga saaro seddexdaas hoggaamiye oo haatan si weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, hadalka Mowliid Macaani Maxamuud ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay heshiis ay Dalka Jibouti ku wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kaasi oo ay qodobadiisa ku saabsan yihiin sidii Soomaaliya xal loogu heli lahaa, isla markaana looga saari Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan.
Waxaa warkaas la yaabey dadka la socda xaalada Soomaaliya, mana ahan war laga sugayay Mowliid macaane oo kale, oo dhamaan ragaas oo sheegay ay dhamaantood dhib ku hayaan beesha oo ka soo jeedo ee Jareerweyne oo beel laf dhabar ummada Soomaaliyeed.
Banaadir Post.
Xamar Cade.