Waxaa xurmad mudan maanta oo ah 15 May, waa maalin weyn oo qiimo iyo qadarinba igu fadhidda dadweynaha soomaaliyeed, waa maalin aan mar na ba la ilaabi karin oo ay haboon tahay in mar walba la xuso, isla markaasi na dhallinta maalinta soo koreysana la baro in dalkaani loo soo halgamay oo naf iyo maal ba loo huray , hase yeeshee waxaa uur ku taala ah iyo wax laga naxo ah in maanta dalkeyna sidaani loo burburiyey,loona bara kiciyey dadkii sharaftaa lahaa , iyaddoo la adeegsaday dad kula dhogar ah oo niyadda na cadowga ummadda ah, kuwaasoo u adeegaya cadowgii soo jireenka ahaa hase yeeshee waxay ilaawsan yihiin in dalkani xornimaddiisa lagu keenay dhiigii dhallintii naftoodda hurtay, nasiib wanaag weli waxaa ifka ku nool kuwii ay dhaleen oo diyaar u ah in ay ka xoreeyaan cadow kasta oo ku soo xadgudba dalka soomaaliya.
Waxaa kalo nasiib daro ah in adduun weynahana, gaar ahaan walaalaheyn Jaamacadda Carab iyo kuwa muslimiinta ba ay ka aamuseen arrimaha soomaaliya in ay gargaaraan ama gacan naxriis leh u fidiyaan balse waxay ku fiirsadeen ama ay ka hadli kari waayeen in ay ka hadlaan fara gelinta dawladda Ethopia ay ku sameysay dalka soomaaliya , hase yeeshee waxaa amaan mudan geesiyaasha soomaaliyeed oo naftooda u huray oo ku guuleystay in ay ka saaraan gumeysiga madow ciidda soomaaliyeed.
Waxaa ii faraxd ah in aan maanta halkaani hambalyo iyo boogaadin ba u diro dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, gaar ahaan halyeeyadii naftoodda u soo huray xornimada iyo qaranimada ummadda soomaaliyeed , inta nool waxaan ilaahay uga rajaynayaa in ayaa caafimaad ku waaraan inta dhimatayna waxaana ilaahay ugu baryeenaa inuu naxriistiisa ku maneysto oo janadiisa fardoosa ahayd ka waraabiyo.
Dawladda maanta inoo dhallatayna hogaanka u haayo Shariif Sheekh Ahmed iyo wasiirkiisa kowaad Omar Abdirashiid Ali Sharma’arke , ummadda soomaaliyeed ka filayaan inay cadaalad iyo sinaan ku maamulo dawladda midnimada qaran isla markaasi na ay ka fogaaddaan qalaadaadkii horey loo galay waxaan ilaahay aan uga baryeenaa inuu tuso tobta toosan , dawladda midnimada qaran waxaynu ka rajayneynaa in ay dib u soo celiso qaranimaddii iyo midnamadii shacabka soomaaliyeed.
Waxaan ilaahay uga baryeena inuu dhibaatadda ka qaado ummadda soomaaliyeed , colaada na nabad galyo ugu bedelo , abaarta na barwaaqo ugu bedelo, cudurka na caafimaad ugu bedelo maxaa yeelay dhibaatadda qof walba ayay taabatay kuwa guddaha ku nool iyo kuwa dibadda ku noolba. Dadweynaha diaspra ah ku nool waxay halis u yihiin in ay lumiyaan heybtoodda ama ay dhalin rogmaan haddii aan la helin dawladda qaranimaddii iyo sharaftii ummadda soo celisa .
Maanta oo ah sannad guuradii 66aad ee guushii uu soo hooyey xisbigii S.Y. L. ee konfurta iyo SNL ee waqooyi soomaaliya oo halgankooddii barbar socday halganka SYL, waa maalin weyn oo taariikhi ah qiimo iyo qadarin ba ugu fadhido ummadda soomaalyeed , waa maalin xushmad iyo amaan ba mudan , runtii waa maalin aan la ilaabi karin ka dib markii ay dhallinyaro ka kooban 13 oo u ujeedadooda ahayd in ay ummadooda gaarsiiyaan xornimo taam ah, dhallinyaradaa soo ka damqaday hagardaamaddii gumeysiga sidaasi darteedna hogaanka u qabsaday in ay shacabka soomaaliyeed ka saaraan gacanta gumeysiga, ilaahayna ku garab galay in ay himiladoodaasi ay gaaraan oo ahayd xornimo iyo in laga baxo duliga . Dadweynaha soomaaliyeed qaar ka mid ah aysan ba ogeyn maalintaasi qiimaha ay ku fadhido iyo sharafta ay xambaarsan tahay.
Sidaasi darteed waxaa looga baahan yahay odayaasha weli ifka ku nool in ay dadweynaha soomaaliyeed meel kasto oo ay joogan in ay u sheegaan taariikhda ummadooda iyo halgankii gobanimo doon ahaa ee la soo maray si ay u ogaadaan jiilka maanta soo koraaya oo ay nasiib darada ku habsatay oo la hannna qaaday dagaal iyo burbur kuwaasi aan maanta nasiib u helin in ay wax bartaan , in xornimadda maanta heysano inay u geeriyoodeen awoowayaasheen oo aysan si sahlan ku imaanin , looma baahna in taariikh dhulka lagu aaso ama la qariyo , balse waxaa loo baahan yahay in aynu ku faano oo aan barno caruurteena . wixii ay awoowayaasheen naftoodda iyo maalkoodda ay u soo hureyn in ay ummmadaKa samata bixiyo duliga gumeysiga lana gaarsiiyo madaxbanaaninn buuxda oo aan maqaarsaar ahayn.
Haddii aan si kooban u xuso xisbigii SYC ( Somali Youth Club ) oo ahaa urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay mustacmarkii ingiriiska markaasi dalka haystay mar na ma oggaleyn in ay kulmaan dhallin yaradda iyo wax garadka ah, waxaa ururkaasi loo aasaasay meel ay ku kulmaan dhallinyaradda .Ururka SYC muddo ka dib wuxuu u xuubsiibtay urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga , iyaga oo aad u diidanaa siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun, dhallinyaraddaasi waxay si weyn xil isaga saareen sidii shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah loo gaarsiin lahaa . Ururkaani baaqiisu wuxuu ahaa soomaaliyeey toosooy iyo qabiil qaran ma dhiso iyo kuwa kale oo xambarsanaa qiiro wadaninimo , kuwaaso shacabka soomaaliyeed ku abuuri jirtay qiiro waddaniyada jaceel iyo gumeysi naceeb .Muddo yar ka dib ururkaasi SYL wuxuu ku talaabsaday guulo la taaban karo, isla markii ba wuxuu dastiirloosa ku soo bandhigay ama ku xusay in la helo soomaali weyn oo mideysan iyo dhibaatadda qabyaaladda ay u leedahay horumarka iyo midnimadda ummadda soomaaliyeed .
Haddii aan si kooban u xuso xisbigii SYC ( Somali Youth Club ) oo ahaa urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay mustacmarkii ingiriiska markaasi dalka haystay mar na ma oggaleyn in ay kulmaan dhallin yaradda iyo wax garadka ah, waxaa ururkaasi loo aasaasay meel ay ku kulmaan dhallinyaradda .Ururka SYC muddo ka dib wuxuu u xuubsiibtay urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga , iyaga oo aad u diidanaa siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun, dhallinyaraddaasi waxay si weyn xil isaga saareen sidii shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah loo gaarsiin lahaa . Ururkaani baaqiisu wuxuu ahaa soomaaliyeey toosooy iyo qabiil qaran ma dhiso iyo kuwa kale oo xambarsanaa qiiro wadaninimo , kuwaaso shacabka soomaaliyeed ku abuuri jirtay qiiro waddaniyada jaceel iyo gumeysi naceeb .Muddo yar ka dib ururkaasi SYL wuxuu ku talaabsaday guulo la taaban karo, isla markii ba wuxuu dastiirloosa ku soo bandhigay ama ku xusay in la helo soomaali weyn oo mideysan iyo dhibaatadda qabyaaladda ay u leedahay horumarka iyo midnimadda ummadda soomaaliyeed .
Waxaa xusid mudan sannadkii 17/08/1946kii odayaashii SNL oo ay ka mid Suldan Mohamud Shire, Suldaan Ali Muse , Suldaan Mohamed Faarax iyo Suldaan Hersi Abdillahi in ay warqad u qoreen Colonail Office , Downing street London S.WI waxay dawladda ingriisa ay ka codsadeen in soomaali mideysan uu gaarsiiyo xornimo maadaama uu ingriisa gacanta ku hayo, Somaliland territory, Somali South Territor,Somali Ogaden Territory , Somali NFD territory .Waxayna ka codsandeen Colonial Office in qaybta France uu gumeysta oo ah Djabouti inuu ingriiska gorgortan la galo dawlada france sidii loo helo soomaali weyn , isla markaasina waxay ducoment ku cadeeyeen in aysan marna raali ka noqon doonin in soomaali la qayb qaybiyo .Odayaasha waqooyi iyaga oo ka sahqeynaaya mideynta soomaalia waxay markii ay taariikh ahayd 17/07/1947kii ay warqad u qoreyn The war Office – London , iyaga oo ingriisa ka codsaday maadaama ummaada soomaaliyeed 5 qayb loo qaybiyey :- British, Fraance , Italia iyo Ethiopian sidii loo helo somaali weyn oo mideysan .
Munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee aasaaskii ururka SYL , waxaa ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed, ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn, lana wacyi geliyo dadweynaha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ba, sidii loo helo midnimo soomaaliyeed oo loo tuso wafuuddii ka imaaneysi United Nations. Waxaa mudadaasi dalka ku sugnaa wakiilo ka socda afartii dawwladood oo ku guuleystay dagaalkii 2aad ee Adduunka oo kala ah Ingriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka , kana wakiil ahaa United Nation, kuwaaso odorasaayey in dadweyna soomaaliyeed ay u bisil yihiin hanashadda xoriyada.
Guddigaasi afarta ah waxay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka fureyd , kuwaas kala ahaa :-
Somali Youth League (S.Y.L)
Hamar Youth Club (HYC)
Patriotic Beneficient Union
The Arab Community
The War Veterans
The Somali Young …. Qabiil ku magacdarsaday
Hindaitul Islam
Comitato Rappresentativo Italiano]
Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin talyaaniga (Pro-Italia) , kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood in lagu jiro gacanta Talyaaniga .
Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nation taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed.
Si wada jir ah xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed in ay hesho xornimo taam ah. Qoraalkaasi waxaa U.Nation ka u gudbiyey Muddan Maxamoud Jaamac Uurdoox oo qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah . Isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan muddo 10 sannaddood xornimo taam ah, taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta .
Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud isaga oo wakiil ah SYL iyo xubnaha kale waxaa warbixintiisa United Nation hortiisa ka soo jeediyey uu ku caddeeyey in si deg deg ah oo aan shuruud aan ku xirneen ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo inta himiladaasi laga gaarayo afarta dawladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah Jamciyadda Qruumaha ka dhaxeysa .
Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay, kuwaaso ay u kala qaybsanaayeen kuwa xornimadood ah iyo kuwa ka soo hor jeedda , hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL , iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee ku sugnaa muqdisho , kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo , ka dib markii ay arkeen banana baxaasi , waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodina ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .
Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL iyo SNL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo inuu soomaaliya gaarsiiyo xornimo, taaso dawladda ingriisa uu ka careesisay , qorshihii SYL oo ahaa soomaali weyna uu ingariisa cagta mariyey diidmada la diiday awoogeed , sidaasi darteed asiga oo aargoosi ahaan u sameeyey in soomalia 2 qayb oo ka mid ah uu gacanta u heliyey dalka Ethiopia iyo Kenya. Runtii Reer galbeedka iyo marekanka waxay diidanaayeen in Ruushka uu fara gelin ku yeesho Afrika , maadaama uu Ruushka uu ka mid ahaa 4ta dawladood ee ku guuleysatay dagaalkii 2aad ee adduunka .
United Nation ka waxay ku taliyeen maadaam shacabka soomaaliy ay raali ka yihiin dawaladda talyaaniga in asiga loo dhiibo koonfurta soomaaliya muddo 10 sannadood ah lagu gaarsiyo xornimo. Sidaasis darteed waxaa United Nation ka ay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad walbana ay u gubiyaan warbiintoodda United Nationka Guushii halgankii SYL mirihiisii waxaa la gurtay 1960kii markii 1dii Luulyo aay qarannimada qaadatay Koonfurta Soomaaliya oo ay na la midowday waqooyiga Soomaaliya oo koonfurta ka horeeyey oo xornimadoodii ka qaatay Ingriiska 26dii Juun 1960kii waxaana dhalatay markii taariikhda marka ugu horreysay Jamhuuriyadda Soomaaliya .
Hase yeeshee waxaa nasiib daro ah in qaranimadii iyo midnimadii loo soo tacab beelay naf iyo maalba loo huray ay si fudud gacmaheynu uga baxday ka dib markii ay burburtay dawladdi dhexe ee Militariga dalka ka jirtay, ka dib dalka iyo dad ba ay galeyn marxaladdo adag oo sababay dhimasho iyo bara kaca oo aan xad lahayn, maxaa yeelay koox aan miir lahayd oo gacan ku dhiiglayaal ah (warlords) ay u suurta gashay in ay taladii dalka hogaanka u qabtaan, waxay na shacabka soomaaliyeed u geysteen burbur iyo halaag, taasoo ilaa iyo maanta shacabka uusan ka soo kabsanin, hase yeeshee Soomaaliyeey Eebbe ayaad leedahay runtii naxriistii Eebbe mar na ba laga ma quusto, maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhab ah in gaari doono ama la arki doono soomaliya oo ah dawlad awood badan oo madax banaan oo ku dhaqanta shareecadda Islaamka soo na celisa midnimadii iyo qaranimaddii dalka isla markaasi na u horseedda shacabka soomaaliyeed xasilooni, horumar, noolal iyo barwaaqo.Muddo 19 sannadood ummaddda soomaaliyeed dhibaato ugu filan, haddaba waxaa loo baahan yahay in dadweynaha soomaaliyeed si weyn ay u taageeraan dawladda midnimada qaran, dawlada na waxaa looga baahan yahay in ay xil weyn iska saarto dhismaha maamulka dawladdeed ,maxaa yeelay haddii aan la helin maamul dawladeed waxaa hubaal ah in sidii dawaladihii ka horey (Carte & Mbegathi) ayay ku dambeyn doonto, waxaana looga baahan ah in ay ka fogaadaan cadaalad daro iyo musuqmaasuq oo ah ku tagari fal xoolaha ummadda, runtii ma sahlana dib u dhis maamul dawladeed hase yeeshee dawladda waxaa looga baahan yahay in ay xoog saarto sidii ay u hanti lahayd kalsoonidda shacabkeedda taasoo muhiim u ah dib u soo nooleyta qrankii burburay .
Waxaan kula talin lahaa dawladda cusub in ay dib u soo celiso heyadihii dawladda ee burburay gaar ahaan Raadiyo Muqdishu oo ku hadli jiray codkii dawladda iyo wargeys ay dawladda leedahay, iyo wasaaradihii jiri jiray, waxaan aad iyo aad u soo dhaweyneynaa hadaladii ka soo yeeray Wasiirka Maaliyadda ee dalka Suudaan Dr. Cawada Ahmaed Jaaz oo ballan qaaday in dawladdiisa, diyaar u tahay in dawladda soomaaliyeed ka caaswineyso in ay u sameyso lacag sharci ah, isla markaasina ay ka caawineyso wax alla iyo wixii ku saabsan horumarinta xagga hey’adaha maaliyadda iyo dhaqaalaha , taasi waa arrin farax gelineysa dhamaan shacabka soomaaliyeed , sidaasi darteed waxaa looga baahan yahay dawladda midnimada qaran in ay tirtiraan lacagta been abuurka ah oo ay ku naaxeen Mafida soomaaliyeed oo mar walba hortaagan in la helo dawladda awood badan, dadweynaha soomaaliyeedna waxaa loo bahan yahay in ay fahmaan dhibaatadda ay wadaam mafiyadda soomaaliyeed, isla markaasi na waxaa haboon in ay taageeraan dawladda midnimada qaran oo ay iska kaashaadaan sidii loo cirib tiri lahaa kuwa xaraan quutadda ah oo ku naaxay dhiiga ummaddeena oo mudan badan hortaagnaayeen dib u soo nooleynta midnimaddii iyo qaranadii jirtay.
Waxaan kula dardaarmayaa dawaladd in ay xil weyn iska saarto sidii dib loogu soo celin lahaa hey’adihii dhaqaalaha dalka, lana abuuro shaqooyin fara badan oo lagu howl geliyo dhallinyaradda maanta ku dacdareysan dalka gudihiisa, maxaa yeelay haddii qof uu shaqo haysto waxaa suurta gal ah inuu ka maarmo inuu wax dhaco ama inuu naftiisa baddaha ku haligo, waad aragtaan in dhalinyaradeyna ay ku dhamaanayaa badda iyo biriga ba, runtii dhallinayaraddu waa laf dhabarkii dalka sidaasi darteed waxaan si raxmad ay ku dheehan tahay ogga codsanayenaa kuwa ku loolamaya siyaasadda in ay u turaan ummadoodda . Arrintaani oo ah in la badbaadiyo dhallinyaradda maanta soo hana qaaday masuuliyeedda qaadi kara waa dawladda in ay dhallinyaradaasi ay u jiheyso sidii ay ugu heli lahayd shaqooyin ku fulin, isla markaasi na dawladda midnimo qaran waxaa loo baahan yahay in ay geed walba u fuusho sidii dib u heshiin dhab ah loo gaari lahaa iyadoo dulqaad iyo xilkasanimo adeysaneysa .
Shacabka soomaaliyeedow hal heeskeynu ha noqdo tusaalooyinkii iyo hal heesyadii SYL iyo SNL oo dhamaantoodda ahaayeen wadaniyadda AXYAA WADANI….qabiil qaran ma noqdo……qabiil qaran ma dhiso iyo kuwa kale oo ah “Soomaaliyeey toosooy toosooy isku tiirsada hadba kiini tag daran taagera weligiin” waddaniyadda ayaa lagu gaari kara horumar iyo mideynta ummadda soomaaliyeed , loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma baahana in qabiil ama shaqsiyaad la taageero balse waxaa loo baahan yahay in dawladda fursad iyo waqti ba la siiyo sidii ay hawsheeda u gudan lahayd, mucaaradkana waxaan kula talin lahaa in ay wada hadlaan dawladda isla markaasina ay ka qayb qaataan horumarinta iyo dhismaha dalka si loo badbaadiyo shacabka soomaaliyeed oo ku dacdareysan guddaha iyo dibadda ba, taasi oo kaliya ayay ku soo noqon kartaa sharafkii shacabka iyo nabad galyadii dalka , Waxaan ummadda soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo .
Wbilaahi towfiiq
By: Dr. Cabdulqaadir Cali Bolay
Email: bollay@hotmail.com
May 15, 2009