Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ahmadeu Oulad Abdalla ayaa inta badan hey'adihii u howlgalay qabashadii shirkii Djibouti ee lagu Doortay Sheikh Shariif u sheegay in uu isagu yahay nin Muslim ah, isla markaana uu wax badan oo ku saabsan Islaamnida Somalida soo ogaaday, waxaana uu ku qanciyey in hadii fikrada uu cayaarayo ay ku caawiyaan, ay xiisada Somalia degi doonto, dalkana uu nabad geli doono.
Qaladka 1.aad
Waxaa uu wakiilkan shaqadiisa ka bilaabay khilaafkii u dhaxeeyey Xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Abdullahi Yusuf Ahmed iyo Kooxihii kasoo horjeeday oo markaa dadweynaha reer Muqdisho ka gadayey DIIN-DOON dagaal la yiraahdo, oo ay dadka u tusayeen in ay u dagaalamayaan Diinta Ilaahay, isla markaana Ciidamada Shisheeye ay ka saari doonaan "Somalia", balse hadii uu wakiilku soo aqrin lahaa taxanaha isdiidka Siyaadsadeed ee Somalia Murgiyey waxaa u cadaan laheyd in ay meeshu tahay goob hoogtay oo ba'day.
Qaada 2.aad
Wakiilku waxaa uu xaqiray indhahana ka qabsaday khilaafka Somalia yaala, isaga oo dhowr jeer ka biya diiday in hanaanka wadahadal ee ka socday Djibouti uu u badalo Xukuumad iyo Mucaarad, waxaana uu ku baxshay naf iyo maalba in Xukuumada Abdullahi Yusuf ay meesha ka baxdo, isaga oo u kaashanayey wadamadii taageerayey xukuumada sida Ethiopia iyo USA oo uu ka dhaadhacshay in meeshu Muqdisho tahay, ayna ku haboontahay in Hogaanka dalka la dhex dhigo kooxaha Diiniga huwan ee Muqdisho iyo Koonfurta Somaliyaba degan, si iyagu ay isugu jeestaan, wadamada Deriskana ay degenaansho u helaan, mar hadaan meesha nabad laga dooneyn, sidaana ay tahay xalka ugu dhaw inta Dowlad loo hanqal taagi lahaa, sidaana waxaa taageero ku helay Ra'iisul Wasaare Nur Cade oo ay isagu Madaxweyne Abdullahi Yusuf uga dhaganeeyd.
Qaladka 3.aad
Wakiilku waxaa uu xooga saaray oo keli ah Kooxaha ka sharciyeeysan Gudaha Muqdisho, kuwaa oo ku abtirsada magaca DIIN-DOON waxaana uu ku haminayey in ay kala bur buraan, una kala qeybsamaan dhowr kooxood oo mid waliba ay wadato shuruudaheeda, iyo wixii markaa u dheeraan kara, si irdihii khilaafka ee Somalia hore uga furnaa ay usii bataan, iyada oo danta laga leeyahayna ay tahay oo keli ah in meel laga abaaro xalka nabadeed la waayo. Waxaa uu xooga saaray in Garabka Shariif oo uu u arkayey in ay taageero dhalasho ku leeyihiin Muqdisho la taageero, si ay meesha isugu sii dhajiyaan, maadaama meesha Somaliyi ka bugto ay tahay Muqdisho.
Qaladka 4.aad
Si kastaba ha ahaatee waxaa uu wakiilku sheegay in shirka Djibouti uusan u baahneyn caqabado badan, sidaa darteedna ay muhiim tahay in shirkan la dedejiyo, maadaama Somalidu ay dareemi karto cayaaraha uu meesha ka wado, waxaana uu inta badan wadamada siyaasadiisan Guracan gatay uu ku qancin jiray in uu yahay Muslim, Somaliduna ay jecel yihiin Muslimiinta kale, sidaa darteedna ayan jirin cid shaki weyn ka qabi karta, waxaase ugu yaab badan in uu sheegay in " Somalidu ayan waxbadan ka cabiri karin jihada ay siyaasadu u socoto, waxa kaliya ee ay daneeyaana ay tahay reer hebel maxeey yiraahdeen, ama reer hebel maxeey ka qabaan shirka", waxaana ay taasi ii sahleeysaa in sidaan doonayey ay wax u socdaan, sidaa darteed waa in shirka la dedejiyaa.
Qaladka 5.aad
Waxaa uu helay wadan isagu leh hal dan ah oo keli ah, waa dalka Djibouti oo isagu mar walba daneeya xukuumad laga maamulo Koonfurta Somalia, waxaa ay Arintaa u noqotay fursad dahab ah, maadaama Wakilku uu qorshihiisa kala soo fogaaday Magaalada Nairobi oo ay degen yihiin inta badan hey'adaha NGO'yada oo iyagu dano gaar ah ka yeelan kara musharixiinta maadaama ay doonayaan in Somalia faraha kula jiraan.
Ugama uusan soo Goorin Nairobi cabsi uu fikradiisa u cabsanayo, waxaa uu ka baqay in Process-ka (Socodka Howsha uu wado) ay ku dheeraato, meeshana khilaaf iyo daba dheeraad uu ka yimaada, waxaana uu ugu dambeyntii isla helay Ra'iisul Wasaare careyysan oo qalin la ordaya iyo shir uga furan Djibouti, waxaana ay u noqotay biloowgii dhamaadkii rajada Somalia.
Ahmadou Oulad Abdalla waxaa uu Somalia uga baahnaa in uu ogaado wixii dalka ka dhacay ee dhibaato iyo xasuuq shacab ahaa, waxaase nasiib daro ah in uu isaga oo Muslim sheeganaya uu sidaan waxyeelo, waxaa Somalidu tiraahdaa "yeelaa wuu hilmaamaa, balse la yeele ma hilmaamo" Waa wax taariikhda u galaya qayaanada uu shacabka dhibaateysan ee weliba koonfurta ku dhex furay, waana dacwad mudan in sare loo qaado oo meelkastaa lala tiigsado.
Banaadir Post