Waa su’aal mug weynoo aan jawaabteeda la heyn. Waxey aheyd 29kii Luulyo 2008 markii golaha wasiirada ee dowladda Nur Cadde ay xilkii ka xayuubiyeen Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ahaa guddoomiyihii iyo duqa magaalada ee caasimadda Soomaaliya. Maxamed Dheere ayaa lagu soo eedeeyey arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen maamul xumo, lacag is dabamaryeen, cabasho ka timid ku xigeenadiisa, cabasho ka timid odayaasha magaalada, cabasho ka timid shacabka iyo in loo arkay sii joogitaankiisa inay caqabad ku tahay dib-u-heshiisiinta. Ka dibna waxaa soo shaacbaxday in go’aankaas uu diidanyahay Madaxweynaha DFKMG ah Cabdullahi Yusuf oo ay sii wehlisay Maxamed dheere oo maalmo ka dib sheegay inuu helay wareegto uu saxiixay madaxweynaha oo lagu tilmaamay in xil ka qaadistiisu ay aheyd sharci daro iyo in wareegtada lagu xusay in Maxamed Dheere uu yahay guddoomiyha iyo duqa magaalada sharciga ah.
Arrintan ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii wasiiro dhowr ah ay iska casilleen jagadoodii wasiirnimo, tanoo loo arkay inay kalsooni buuxda ka heysteen Madaxweynaha, is casilaadoodana ay sugi doonto in Ra’iisalwasaaraha lagu qasbo inuu iscasilo. Waxaa ku xigtay in Nuur Cadde uu magacaabo wasiiro bedela kuwii iscasilay, tanoo cayaarta sii kululeysay kana dhigtay barbardhac. Khilaafka sidii u sii socday oo la isu lahaa waxaa cayaarta garsoore ka noqon doona baarlamaanka ayaa seddexdii mas’uul ee ugu sareysayba u ambabaxeen Addis Ababa kuna soo noqdeen waddanka iyagoo soo heshiiyey oo uu heshiisku ka mid ahaa in magaalada Muqdisho loo sameeyo maamul ay soo doortaan gole uu lahaado gobolku.
Haddaba su’aasha mawduuca qoraalkan ayey soomaalidu is heybiyaan waxaana loo arkaa in haddii magaaladu yeelato maamul wanaagsan iyo hoggaan kalsooni lagu qabi karo waxaa hubaal ah in shacabka Muqdisho ay diyaar u noqonayaan la shaqeynta maamulkaas. Waxaan weli caddeyn guddiga uu Nuur Cadde u magacaabayo inay soo diyaariyaan sharuudaha shaqsiga hoggaamin kara caasimadda iyo golaha deegaanku sidey ku imaan karaan. Ha yeeshee waxaan halkan ku faaqideynaa shaqsiyaadka la filayo inay jagadaas hanan karaan.
Xuseen Cali Axmed – horey ayuu u soo noqday guddoomiyaha iyo duqa magaalada xilligii C/Qaasim. Waana waayo arag horey u ahaan jiray agaasimaha kaluumeysiga iyo kheyraadka badaha ee dowladdii Siyaad Barre. Ha yeeshee uma badna inuu isagu hadda haweysto jagadaas oo sumcad fiican kuma uusan helin waqtigii uu hayey xilkaas. Xuseen ma aha shaqsi buuxin kara casriga hadda lagu jiro ee ah qarniga 21naad oo ma laha xirfad kombiyuutar, iyo xirfad wada hadal. Xuseen waxaa lagu xantaa inuu isagu mas’uul ka yahay suntii lagu qubay badaha Soomaaliya xilligii Cali Mahdi, wallow ay dadka qaarkiis weli yiraahdaan howshaas waa uu sii wadaa ilaa iyo maantadanba.
Maxamud Xasan Cali Cadde Gaabow – 29kii Maarso 2006 ayey aheyd markii xubnaha golaha deegaanka gobolka Banadir ay si akhlebiyad ah u doorteen Cadde Gaabow inuu noqdo Guddoomiyaha gobolka Banaadir. Cadde oo uu Ra’iisalwasaare Geedi horey u magacaabay ayaysan u suurto gelin inuu howl wado, ha yeeshee doorashadii golaha deegaanka ayaa Cadde siisay awood uu howl ku qaban karo. Ka dib markii DFKMG ah ay soo caga dhigatay Muqdisho ayaa waxaa la magacaabay Maxamed Dheere inuu noqdo Guddoomiyaha iyo Duqa Gobolka Banadir. Cadde Gaabow waxaa aad loogu xasuustaa inuu yiri “ Habartaa ninkii u dhaxa waa ADEERKAA oo uu ula jeeday ciidamadii Itioobiyaanka ee soo galay Muqdisho” sidoo kale waxaa lagu xantaa inuusan aheyn shaqsi go’aan leh oo adadag.
Maxamed Cismaan Dhagaxtuur – Dhagaxtuur waxuu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Maxamed Dheere tan iyo intii xukunka loo dhiibay horaantii 2007. Ka dib markii xilka laga qaaday Maxamed Dheere ayaa golaha wasiiradu u doorteen inuu ku sime sii ahaado, ha yeeshee heshiiskii Addis Ababa waxaa ka muuqata in la yiri waxaa sii heynaya jagada guddiga uu Nuur Cadde u magacaabayo soo xulida guddoomiaha gobolka. Dhagaxtuur waxaa loo heystaa inuusan ka duwaneyn hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo wata ciidamo uu soo xiray Dr Culusow una dhacay gurigiisa oo uu bililiqeytay. Dhagaxtuur lama hubo inuu la iman doono maamul wanaag keeni kara isbedel cusub.
Cabdiraxmaan Shifti – Shifti waxuu sagxadda soo galay markii USC ay qabsadeen Muqdisho, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii Itoobiya dagaalka ka soo bilowday. Shifti waxuu noqday Wasiir ku xigeen dowladdii Cali Mahdi. Waxuuna afhayeen ka ahaa shirkii Muqdisho lagu qabtay oo uu Cali Mahdi hoggaaminayey oo dad badani ay ku tilmaameen “shirkii shimbiro yahay heesa” oo ay ka soo qeyb galeen dad gaarayey 3,000 oo qof. Shifti ma laha waxbarasho heer sare ah, kamana uusan soo shaqeyn hay’ad ama dowlad, sidaas daraadeed lagama yaabo inuu la yimaado maamul wanaag keeni kara is bedel iyo dib u heshiisiin.
C/llaahi Sheekh Xassan – oo loo yaqaano siyaasiga hawiye kana mid ahaa guddigii beesha hawiye. Waxaana lagu xasuustaa inuu soo shaacbixiyey kaarto ay Itoobiyaanku ku soo weerari rabeen Muqdisho. Waxaana lagu xasuustaa inuu kala jabiyey guddigii beesha Hawiye uuna ka qeybgalay shirkii Cali Mahdi ee Muqdisho, halkaasoo uu ka jeediyey Khudbad. Ha yeeshee siyaasiga weli lama sheegin xil maamul oo uu soo qabtay.
Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow) – Guddoomiyihii hore ee ururka Somali Concern Group, kana soo qalinjabiyey Jaamicaddii Gahayr oo uu Injineer ka soo noqday wasaarada Howlaha Guud, ahaana ku xigeenka wakiilka jidadka ee gobolada Bay, Bakool iyo Gedo. Waddanka UK ayuu ku diyaariyey Masterkiisa oo uu hadda muddo 10 sano ah u shaqeeyaa dowladda hoose ee London oo uu waax madax ka yahay. Ha yeeshee lama hubo inuu diyaar u yahay inuu Muqdisho tago.
Maxamed Cali Ameerika – waa safiirka u fadhiya Soomaaliya waddanka Kenya, waxuuna horey ula soo shaqeeyey ra’iisalwasaarihii hore ee Geedi, waana soomaalida qurbojoogta ah oo u tafaxeytay inay waddankii ka shaqeyaan oo inta badan qurbo joogta lagu la’yahay. Waa aqoonyhan ka soo dhalaali kara jagada guddoomiyaha gobolka, ha yeeshee diyaar ma u yahay inuu ka soo tnaasulo safiirnimadiisa?
Maxamed Cumar Xabeeb – Maxamed Dheere waxuu sheegay inuu u tartamayo jagada laga xayuubiyey. Ha yeeshee su’aasha waxey noqoneysaa maxaa looga qaaday haddii uu isu sharixi karo. Arrintan iyo sida ay suurto gal u noqon karto in doorasho laga hergaliyo Muqdisho waa su’aalo taagan oo u baahan jawaab.
Sheekha Muudeey – waa oday rug-caddaa ah haddana ma cadda inuu isagu diyaar u yahay xilligan kala guurka ah.
Hassan Abshir Farah – Waa rug-cadaa siyaasi soomaaliyeed soona qabtay jagooyin fara badan oo ay ka mid yihiin duqa magaalada Muqdisho, Bakool, Jowhar, soona qabtay xilar wasiirimo, noqdayna ra’iisal wasaare dowladdii C/qaasim. Kana soo noqday safiir Germany iyo Japan. Ha yeeshee waxaa u diiday jagadan wasiirka arrimaha dibedda ee DFKMG ah Jangali oo yiri waxaa isu soo taagi kara jagada Gudoomiyaha gobolka banadir dadkii u dhashay gobolka.
Waxaa kaloo jira shaqsiyaal fara badan oo qaban kara xilka noocan oo kale ah. Haddaba si looga baxo xaaladaha cakiran ee waddanka waxaa muhiim ah in si taxadar leh looga fiirsado shaqsiga lagu aamini karo darajada ugu sareysa ee gobolka banaadir. Waxaa hubaal ah in loo baahan yahay shaqsi fahmi kara caalamka, shaqsi keeni kara isbedel, shaqsi aqoon sare leh, shaqsi u bisil inuu isu keeno ummadda, shaqsi dhisi kara maamul cusub.
Cabdi Cali Muxiyadiin (Cabdi-weli)

Banaadir Post