Akhristow noloshu kala aayatiin wacan, kala iftiin iyo xarago mudan, kala qiimo iyo qadarin badan, kala damac iyo dirsooc badan, kala tiif iyo tamar badan, waxaan dalkani boqortooyada ingiriiska noloshiisa bilaabay sannadkii 2007-dii bishii July 14-keedii, waxaanan badiba soo koobay magaalooyinka ay u badanyahiin dadka soomaalidu ka bilaw magaalo madaxda London, Birmingham, Bristol,Leicester, Miltonkaynes, Walsall iyo Coventry.
Guud ahaan dadka soomaalida ee ku dhaqan dalkani ingiriisku waxay u badanyahiin dadka ugu nolosha liita marka la barbar dhigo dadyowga kale ee ku nool dalkani ingiriiska, xafiiska arrimaha gudaha ee dalkani ingiriiska ee loo yaqaano HOME OFFICE ayaa soomaalida ku tilmaamay qoomiyadda afraad ee ugu tirada badan dalka ingiriiska marka laga yimaado dadka waddanka iska leh ee cadaanka ah, dadka ka yimid koonfurta Asia, iyo dadka ka yimid dhinaca iyo jasiiradaha carribeanska ku teeddsan ha u badnaadeen qoomiyadda loo yaqaano Jamaicans, markaa soomaalidu waxay soo galaysa kaalinta afraad.
Barnaamijka Panoroma ee ka baxa telefishanka BBC1 ayaa sannadkii 2007-dii daraasad uu ka sameeyey nolosha dalkani ingiriiska iyo sida qoomiyadaha ku nooli ugu kala waxtar badanyahiin dhaqaalaha britain markay noqoto yaa wax tara dhaqaalaha dalka ingiriiska ayaa wuxuu soomaalida ku tilmaamay qoomiyadda ugu liidata ee ku tiirsan dhaqaalaha ay dawladdu siiso %92 dadka soomaalidu waa dad qaata lacagta caydha loo yaqaano afka ingiriisigana loogu yeedho "Public Benefits" waxaanay u badanyahiin dad aan shaqaysan, halka dadka ka soo jeeda dalalka maraykanka iyo Hindiya ay cilmi baadhista barnaamijka Panaroma lagu ogaaday inay noqdeen dadka ugu waxtarka badan dhaqaalaha dalka ingiriiska oo soo geliya dalkani cashuur badan oo laga qaado shariikadaha ay leeyahiin iyo weliba kuwa shaqeeya cashuurta laga qaado.
Dhibaatada soomaalida Britain kuma koobna keliya faqriga iyo noloshooda liidata balse waxaa u raacay akhristow jahawareer iyo maskax milan ay ka qaadeen dhaqanada is dhex gooshaya ee dalkani boqortooyada ingiriiska oo ay ku noolyahiin in ka badan 140 qoomiyadood oo kala midab, jinsi, diin iyo dhaqan ah, daraasad aan anigu si gaar ah ugu sameeyey dadka soomaaliyeed ayaan ku ogaaday in 10-kii qoys ee ku nool dalkani ingiriiska 6 ama 7 ka mid ah ay dhex taallo dhibaato horseeda inay qoysaskoodu burburaan, badankana waxay dhibaatadaasi ka timaada is fahan la'aan weyn oo ka dhex abuurma lamaanaha nolosha wadaagaya taasina waxay keenta in hantidii keli ahayd ee alle siiyey oo ahayd ubadka ay ku khasaaran, tusaale ahaan %60 caruurta ku xidhan jeelasha magaalooyinka Bristol iyo London waxay u badanyahiin soomaali ku dayacantay burburka qoyskii ay ka tafiirmeen.
Guud ahaan nolosha waddanka ingiriisku waa mid aad uga fog noloshii ay ku barbaareen badiba dadka soomaaliyeed ee waddankani usoo haajiray, mana laha sida dhulkii soomaalida ee ay ka yimaadeen waxyaabo nolosha madadaaliya waxaanay taasi ku kelifta in ay ku dhex baaridaan haweenku guryahooda, aad ayey u adagtahay inaad aragto qoysas soomaaliyeed oo sida dhulka soomaalida lagu yaqaanay isku wareega ama sheeko iskugu taga iyadoo nolosha kala lakabka saraysa ee ay soomaalidu kaga noolyahiin bedweynta nololeed ee Britain ay ugu wacantahay.
Waxba yaanan hadalka ku dheeraane soomaalidu waxay tidhaahda "Isha Macalin ah" waxaan uga gol leeyahay kollay intiina aan nolosha halkani UK taalla aan dhadhamin waa idinku sheeko balse waxaan jecelahay inaan dul maro weedhahii ku soo biiray af soomaaliga dadka ku dhaqan dalkani ingiriiska iyo weliba af-caasha uu dhaqanka iyo waayahu barray.
Badanka way adagtahay in la is haleelo iyadoo ay ugu wacantahay waayaha dalka yaalla, balse miciinka keliya ee dadka isku dhaweeya waa is gaadhsiinta, waxyaabahase aniga naftayda sida gaarka ah uga yaabiyey ayaa ah dhawr ficil iyo weedhood oo aan arkay, haddiiba aad akhriste ku cusub tahay UK way u fududahay ama u sahlantahay dadka kaaga soo horeeyey inay ku gartaan bilawga noloshaada cusub ee Britain, "haddii aad aragto nin sallaanta badiya iska waran? Maxaad sheegtay? reerkii ka waran? maxaad ku barideen? su'aalahaasi dadka weydiiya waa calamaadka lagu garto qofka cusub, waxaana looga yaqaana halkani alla hebel waa Fareesh (Fresh) weli taasi oo mac-naheedu tahay weli nolosha lama qabsanin.
Weedhaha kale ee dhegahaygu ka yaabeen isla markaana maalmahii hore aan aadka ugu qosli jiray waxaa ka mid ah markaad qof dhawr kelmadood is weydaarsataan wuxuu kuugu jawaabaya "Caadi Iska dhig" iyadoo mac-naheedu tahay waan ogahay ama hadalka soo gaabi iyadoo aan halkani hadalka tafaasiisha badanleh aan laga jeclayn dadkana aad moodo inay maskaxda neerfis (nervous) ka noqdeen, ficilada kale ee aan aadka ula yaabayna balse noloshu igu qasabtay hadda inaan barto waxay tahay dadka soomaalidu haddii ay iska soo hor baxaan isma salaaman, waana mid ka mid ah dhaqanada yaalla halkani qofka haddii aad garanayso xita way kugu adagtahay inaad sallaanto, haddii aad qofkaasi sallaantana isagoo yaaban ayuu kaa qaadaya hadal badana kugu darsan maayo, dabadeed niyadda ayuu iskaga sheegaya inaad ku cusub-tahay waddanka.
Dadka ku cusub dalkani ingiriiska waxaa loo bixiyey Fresh "alla habel ama heblaayo waa fresh" taasi mac-naheedu waxay tahay weli qalbigiisii iyo maskaxdiisii waa nadiif oo ma cuslaanin, markaa naxariistii iyo furfurnaantii ayaa weli ka sii dhex guuxaysa, ama waxaaba lagu odhanaya "waad daali doonta" taasi oo ku muujinaysa sida soomaalida UK ku nool iyo waayahii ay ugu yimaadee ay iskaga soo go'eeen.
Qormadani ta xigta akhriste waxaan ku eegaya qoys burburka ku dhacay jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalkani ingiriiska iyo saamaynta ay noloshooda ku yeelatay la soco, balse aan ku soo gunaanado murtidii xasan ganay:
Adduunyadu sharaf-bay lahayd
Shillaa gobonimo u tiil
Maahmaah uu shaacir yidhi
Ayaa sheegtoo tidhaah
Shallay dhaantaa la yidhi
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
DCS and Financial Advisor
Barclays Bank, The Resource Centre
Coventry, UK
Msc-Banking and Finance Coventry University, Bsc Preston University, Higher Diploma financial management Cambridge University,
Search This Blog
Saturday, February 13, 2010
Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Badbaado) oo ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta sheegay inuu ka baxay Maamula shariifka
"Sababta koowaad ee aan uga baxay dowladda waxay tahay inaan helo goob laga fulinayo sharciga Islaamka, waanan imid" ayuu yiri Saalax Badbaado oo sheegay in uu ku badbaadi waayay guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta ay maamusho dowladda Soomaaliya.
Alow ummada ka QABO kuwan naxariista daran.
"Ciidamada dowladda dadku way ka nabadgeli waayeen, waayo waxay kala dagaan gaadiidka dhac ayayna u geystaan, waana waxyaabaha aan u adkeysan waayay oo igu kalifay inaan kasoo baxo dowladda" ayuu yiri Saalax Badbaado.
Saalax Badbaado ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii koowaad ee ka baxa dowladda Sooamaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu ahaa mid lagu la'aa Muqdisho, waxaana uu sheegay in uu gabi ahaan siyaasadda Somalia uu ka fariisanayo.
"ninka isku sheegaya Afhayeenka AMISOM ayaan cambaareynayaa oo caado ka dhigtay inuu shacabka ku garaaco madaafiic ka dibna inkiro, taana waxay ka mid tahay waxyaabaha aan u adkeysan waayay ee aan uga baxay dowladda" ayuu mar kale yiri Saalax Badbaado oo aan cadeynin inuu isku dhiibay ama ka mid noqday Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee waxaa uu sheegay inuu soo doontay meel looga dhaqmo shareecada ee wax kale aanu u iman goobaha mucaaradka.
Wuxuu kaloo wax laga xumaado ku tilmaanay qosolka kanjanka ah oo caado ka dhigtey ninka afhayeenka u ah AMISOM oo magaciiso la yiraahdo Bahiru Butana, kaaso u sheegay in gacan Somaliyeed ku bixi doono Inshalaah.
Alow ummada ka QABO kuwan naxariista daran.
"Ciidamada dowladda dadku way ka nabadgeli waayeen, waayo waxay kala dagaan gaadiidka dhac ayayna u geystaan, waana waxyaabaha aan u adkeysan waayay oo igu kalifay inaan kasoo baxo dowladda" ayuu yiri Saalax Badbaado.
Saalax Badbaado ayaa wuxuu noqonayaa Xildhibaankii koowaad ee ka baxa dowladda Sooamaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu ahaa mid lagu la'aa Muqdisho, waxaana uu sheegay in uu gabi ahaan siyaasadda Somalia uu ka fariisanayo.
"ninka isku sheegaya Afhayeenka AMISOM ayaan cambaareynayaa oo caado ka dhigtay inuu shacabka ku garaaco madaafiic ka dibna inkiro, taana waxay ka mid tahay waxyaabaha aan u adkeysan waayay ee aan uga baxay dowladda" ayuu mar kale yiri Saalax Badbaado oo aan cadeynin inuu isku dhiibay ama ka mid noqday Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee waxaa uu sheegay inuu soo doontay meel looga dhaqmo shareecada ee wax kale aanu u iman goobaha mucaaradka.
Wuxuu kaloo wax laga xumaado ku tilmaanay qosolka kanjanka ah oo caado ka dhigtey ninka afhayeenka u ah AMISOM oo magaciiso la yiraahdo Bahiru Butana, kaaso u sheegay in gacan Somaliyeed ku bixi doono Inshalaah.
Xasan Daahir oo muuqiisa u egyahay nin lugta sii furaya
Xasan Daahir ayaa la ogyahay in aad u yar tahay awoodiisa ciidan, Xasan ayaa ah nin inta badan haystey ciidan Beelood kuwaas oo inta badan lugta furey, qaarkoodna lugta ka furey Somalia una baxey Yaman ama Liibiya ka dib cabsi badan uga timid Alshabaab, qarkii kalena ku biirey AHLU SUNNA WAJAMEECA hab qabiil ah.
Xasan Daahir ayaa sheegta inow yahay nin gacan saar la leeyahay Alshbaab, kuwaas aan iyagu waligood sheegan, maalin hore ayay ahayd markii wadaadku ka eed sheegtey Alshabaabka balana uga baxeen, taas oo afhayeenka Alshabaabku yiri "Balanka ayaa la galay oo uga baxey".
Xasan waa nin la degan dadka qaxa ku degan Ceelasha biyaha, kuwaas oo meel ku gaar ku jooga dhulkaas aysan iyagu milki u lahayn, halkee wadaadku ku danbeyn doonaa?.
XIISAD KA TAAGAN MAGAALADA DHUUSAMAREEB IYO DADKA DEEGAANKA DHUUSAMAREEB OO KA SOO HORJEESTAY BANDAW SAARAN MAALINTII SADDEXAAD
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xiisad ay ka taagan tahay Magaaladaas kadib markii Dadka Deegaanka Dhuusamareeb ay ka soo horjeesteen Bandaw Maalintii Saddexaad saaran Magaaladaas oo ay saareen Maamulka ka Arrimiya Magaalada Dhuusamareeb ee Ahlusunna.
Waxgaradka Magaalada Dhuusamareb ayaa haatan Kulamo la leh Saraakiisha Ahlusunna ee Bandawga saaray Magaaladaas, Waxana sida la sheegay ay ka dalbadeen in ay Dadka Deegaanka Dhuusamareeb ka qaadaan Xayiraadda ay duldhigeen Taasoo ay sheegeen in aan loo baahneyn Maadaama Magaalada uusan Dagaal ka jirin.
Xoogaga Ahlu Sunnah ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada Gudaha Magaalada Dhuusamareeb Iyagoo Dadka ugu cagajigleeyay Ciddii jebisa Bandawgaas in ay Xabsiga dhigi doonaan.
Waxgaradka Magaalada Dhuusamareb ayaa haatan Kulamo la leh Saraakiisha Ahlusunna ee Bandawga saaray Magaaladaas, Waxana sida la sheegay ay ka dalbadeen in ay Dadka Deegaanka Dhuusamareeb ka qaadaan Xayiraadda ay duldhigeen Taasoo ay sheegeen in aan loo baahneyn Maadaama Magaalada uusan Dagaal ka jirin.
Xoogaga Ahlu Sunnah ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada Gudaha Magaalada Dhuusamareeb Iyagoo Dadka ugu cagajigleeyay Ciddii jebisa Bandawgaas in ay Xabsiga dhigi doonaan.
Subscribe to:
Posts (Atom)