Waxaan leeyahay aanu kuwada Ciidno Caafi Maadsan, Aan Wada Xabaarano Nabad Ka Soo Yeertey Dhankaa Iyo Dalkii Aanu Wallaalaha Ahayn Ee Jabuuti Garab Istaagno Gan Aan Ku Siino Sidii ay Uhirgeli Lahayd, Sidaan Iskaga Kaashan Lahayn Baajinta Dhiig Danboo Daata, Waa Inaanu U Jiheysanaa Dhanka Nabada Badbaadinaa Inta Hadhey Intii Hore Nooga Dhimateyna Samir Iyo Imaan Allaha Naga Siiyo Waa Intii Wakhtigooda Dhamaadey Janadii Fardowsana Allaha Ka Waraabiyo Amiin Aamiin Amiin.
Waxaa Maanta Nalaga Rabaa Sidaan Uga Hortegi Lahayn Dhiiga Shacbkeena oo Daata, Waa Inaan Lataageerin Dhiig Yacab Danbe Waa Inaan Hor Istaagnaa Wixii Qaswadayaal ah,Waa Inaad Diidnaa Dadka Danaha Gaarka Nagu Fushanaya Ninka Maanta Oo Nabad Lasheegay Dagaal Iclaamiyey Waa Cadowga Umada Soomaliyeed Waa Midka Ku Istareexaya Xasuuqa Shacabka Waa Inaa Diidnaa Oo aan Garab Lagu Siin Aa Ku Dilee Igu Raag, Ina Nagu Filan Dhib Waanu Ku Jirney Hadii Alle Maanta Noo Bixiyey Dad Nooga Turey Silica Soomaali Meel Kasta Ku Haysta Waa in Aan Laga Hor Imaane Aanu Taageernaa, Qofkii Maanta Ayadoo Nabad Lasheegay Diida Oo Taageera Kan Dhiigeyga Magac Ku Raadinaya Waa Inaan Iska Celinaa Iska Ahbinaa Haduu DIidana Ladagaalnaa.
Waxaa Layi Itobia Ayaan Ciidamadeeda Ladagalameynaa Waxaa Nooga Dhinta Dad Badan Oo Aan Dagaal Ku Jirin, Waxaana Noogu Wacan Gudaha Lugu Dagaalamaayo Dadku Badbaadi Mayaan Hadii Korkooda Dagaal Kadhoco Oo Waa Waxa Nahaysta, Hadii Layiri Si Siyaasad ku JIrto Baanu Kula Dagaalameynaa Maxaa Dagaalka Naloogu Goodinaayaa. Maxaa Xasuuqa Naloo Daba Wadaa, Maxaa Maatada Markey Maqlaan Nabada Guryahooda Ku soo Noqonaya Looga Hor Joogsanayaa, Maxaa Raaxda Noodiidaya, Wa Nadaaya Oo Hadaad Illahay Taqanaan Nadaaya OO Rabshada Aad wadaan Idinka Kubaxa.
Waxay Yiraahdeen Hadey Itobia Baxdo Dagaalka Waa Wadeynaa Waa Maansuur Oo Irtobia Hadey Baxdo Dagaalka Maxaad U Wadeysaa Lama Oran Dagaalkaasu Waa Dagaal Ujeedo Badan Layiraahdo,UN Ayaa Ciidamo Keeneysa Waxaa Layiri Maya, Ma isweydiiney Xagey Noo wadaan Waxay Noowadaan Iney Soomali Kadhigaan Meel Lama Degaan Ah Dadku Inta Harta Gaajo U dhamaato, Wuxuu Yiri Mansuur Hadaan Aragno Gaalo Dalka Timaada Waa uga Digeynaa Ineysa Noo Imaan waxaa Ku Dhacaaya Halkaas Ayaa kuwii Mucaawinada Keeni Jirey Ku Joogsadeen, Waxaa Hada Afduub Lagu Haystaa Talyaani Rag Soomali ah Waxay U gargaara Yeen Beeraleyda Wax Weyn Bey U Hayeen Soo Cadowtinimo Maaha Waxaasi Mase Loo Dulqaadan Karaa Jawaatu Waa Maya.
Daahir Aweys Oo Meel Uu Kudhuunta Waayey Ayaa Raba Inuu Naga Naga Dhigto Derbigii Uu Iska Xijinaayey Dadka Raadsanaya, Markaasuu Rabaa Inuu I Dhaho Igu Taageer Dhiigaaga Aan Daadiyee See Kaaga Yeelaa Mar Hadaan Ogahay Ujeedadaada Fahmayo Inaad Tahay Nin Raba Ama Inta Laqabanayo Ama Inta Uu Dhimanayo Inaan Dagaal Ku sii Jirno Taasi Kaa Gadmi Meysee Waxaad Yeeshaa Casmara Iska Fadhi Ayadaaba Faraha Foodooda Ku TaaganeU Maleyn Maayo Inaad Ku Sii ngaadi Doontaan Sey Hada Wax U Socdaan, Casmaraad Fadhidaa Wiilalal Yar Yarna Dgaal Baad gelisee Oo Hooyaad Gablamiseen, Wiilala Yaryar Ayaad Leedihiin Isqarxiya Diin Gaalo Iyo Mid Muslin Maqabto Dhiiga Shacabka Aad Daadineysaan iyo Ciyaalka Saqiirada Ah Oo Aad Leedihiin Ismiidaamiya Maxaad Idinkaaba Cimrigiinii Soo Qaataye Aad Isu Miidaamin Weydeen, Halkaa Waxaa Kaaga Cadaanaya Ineydan Naftiina Dhimasho U Rabin Balse Inaad Dadka Leysaan Aad U soo Dhigateen, Waxay Yiraahdeen Mudo 6 Bilood Ah Dalka Saan Ka Dhigney Waa La Ohaa Midinkaa Kadhigay Maskax Fiyoow Oo alla Kacasi Ku Jiro Cilmina Uleh Waxa Ay Sameyneyso Ayaa Ku Ferey Dejiyey Dalka Deked iyo Gegida Diyaaradahaba Habeysey, Markaa Xaguu Jirey Maansuur Xageese Jirey Indha Cade, Maskaxdii Markaa Shaqeysey Unbaa Hadana Kashaqeysey In Nabad Lakeeno Dadka Laleynayana Si Ay Uga Badbadaan Dhibtaas Ku Dhacaysa Siidii Looga Saaro Lahaa. Waana Magac Lagama Miskiin Ahee SHIIKH SHARIIF iyo Inta Lafikirka Ah. Bacdamaa Uu Mrkaaba Nabad Nookeenay Mudo 6 Bilood Ah Hadana Waxaan Kasugeynaa Mid Insha Allah Lagu Waaro Ee waa In Aan Ku Taageernaa Soo Dhoweynaa, Zekeriya Oo Uk ku soo Hungoobey Inuu Nagu Weeyraxo Asna Kaqaadan Meynee Orodoo Meshii Aad Ceydha Ka Qaadaneysay Aad Yaan Basaboorka Lagaa Qaadin Ceydhana Lagaa Goosan, Koley Inta Hada Dagaalka IClaamineysa Ayaad Ku Jirtaa Waxaadna Ka Mid Noqon Doontaan Kuwa Maxkamada Denbiyada Dagaalka Qaada Ee Heeg Lasoo Taagi Doono Intaan Akhiro Lagaarin Aduunkaa Leydin ku Imtixaami Doonaa, Waxaan Idinku Macsalaameynayaa Sheekh Shariif Waanu Taageereynaa Nabadana Waa Soo dhoweyneynaa Idinkana Waxaan Idin Leeyahay SAMA DIIDOOW DABIN BAA KU DHIGAN LAGUGU DILI DOONOO, DANEYSTOO DUGAAGU WAA DEL DELAAD AAN DACWA LAHAYN, SOOMAALAY CIMAAMAD MOORYAANTA HOREEY NOO DILOOTEE DALKA
IYO DADKA DAYACA U DIIDAA, WWabillahi Towfiiq
Zamzam LaskaEmail: zamzam900@yahoo.com
Search This Blog
Thursday, June 19, 2008
Galkii guuldarrada waa maqaal uu qoray Dr Shariif Saalax oo ka tirsan xubnaha Isbaheysiga Asmara ku sugan.
Galkii guuldarradaShirkii Soomaalida ku dhammaaday Djibouti 9 kii June 2008
Sida Is-bahaysigu hore u sheegay, heshiiskii ay madaxdiisii hore kula galeen Nairobi habka ku-meel-gaarka ah 4tii Abriil 2008, kuna dhammaaday Djibouti taariikhada kor ku xussan, wuxuu gunaanadkiisii noqday mid guuldarraystay.Kuwii shirqoolkaa maleegay, ee shisheeyaha ahaa, uma ay dan lahayn in Soomaaliya nabad lagu soo dabbaalo. Waxay ujeedeen, oo qur ah, inay wiiqaan halganka xaqa ah ay Ummaddennu ugu gundatay inay isaga xurayso gumaysiga Xabashida, dalkeeda xoogga ku qabsaday. Kuwii Is-bahaysiga sheegtay, ballankiisana ka baxay, lana fariistay kuwii ka socday habka k/m/g, kama ay soo hoyin hal shay, ama hal dhibic oo tix-gelin mudan, sidaannu hore u saadaalinnay.
Markaa, ma waxaynu ku sifayn karnaa kulankaa shirkii guuldarrada ama guldarradii shireed?.Labaduba. Arrinta ugu wayn oo" mucaaradku" goobtaa shirka uu keenay waxay ahayd: ciidammada xabashida ayaan Dalka ka saaraynaa. Qodobkaas oo ay shacbiga soomaaliyeed, si aan kala joogsi lahayn ugu ballan-qaadeen inay u xaqiijin doonaan, idaacadaha gudaha iyo dibaddana, 40kii maalmood oo la soo dhaafayna ay ka faafinayeen, har iyo habeenba, heliddiisana ay yiraahdeen inay tahay sababta ay Jabuuti Ku-meel-gaarka u hor-fariisanayaan. Maxay se ku dhammaatay? Taariikhdan kor ku xussan waxay saxiixeen wax ka soo horjeeda waxay ballan-qaadeen, oo ay faafinayeen oo ah sidatan:
A. Cidammo UN imaatinkooda la hubin1. Markay yimaaddaan Soomaaliya ciidammo Ummadaha Midoobay[ lama oga waqtiga ay imanayaan, qaabka, shuruudda ay ku imanayaan, mindhaa 2-3-4 sano gudahood], habka k/m/g 4 bilood gudahood wuxuu ka codsan karaa dowladda xabashida inay ciidammadeeda kala baxdo Soomaaliya.
2. Ka bixidda ciidammada Xabashida ee Dalka waxaa u shardi ah in ciidammada UN ay ku filanyihiin xajinta ammaanka Soomaaliya, go'aankana Xabashida ayaa iska leh. Dalkan dambe wuxuu go'aasan karaa inuu yiraahdo: "amniga Soomaaliya kuma aammini karo tirada ciidammaduu UNku keenay, oo raba inay I beddelaan [haddiiba la helo.] ee soo kordhiya, weli soo kordhiya, haddana soo kordhiya. Sidaana sabab uga dhigaan muddo-dheeraynta joogitaankooda.
B. Muqaawamada in argagixiso lagu sheego,hubkana laga dhigoHalgameyaashii ay shalay sheeganayeen inay la jaal yihiin, oo isku mabd'ana yihiin manta waa ku ballan-fureen, cadowga inuu ugaarsadona way u saxiixeen.
C. Waxay oggolaadeen, kulana heshiiyeen ku-meel-gaarka inay takooraan, iskana bar.i yeelaan inta "nabaddan" la kala saxiixday diiddan, ama dagaal sii wadda!
D. Dhabar-kawareenka Is-bahaysiga iyo halganka hubaysan, oo ah natiijada shirkii Jibuuti
1. Kooxda shirtay waxay sharciyeeyeen joogitaanka ciidammada Xabashida, iyagoo qaatay aragtidii k/m/g. Ballan laga qaaday, siday sheeganayaan, ee bixinta Xabashida ma jiro.Mar haddii madaxii k/m/g si caddaan u yiri: annagaa Xabashida keennay, mana baxayaan, lagamana hadli karo.Sidaa awgeed si bareer ah ayay go'aankaa ula qaateen Nidaamka Mbagati.Dhinac kale,wada-hadallo loo siman yahay wax wax ku ool ah, la taaban karo, ayaa la kala beddeshaa, ee ballan maran cidina lama hooyato. Sidaa awgeed, shirka looma sinnayn, ee wuxuu ahaa mid hal saf ka kooban,oo isku ujeeddo ah.
[guddoomiyihii hore Isbahaysiga wuxuu Al-Jazeera ka sheegay XASAADKII10ka bishan: "hadday Itoobiyanku baxayaan maxa loo dagaallamaya? Jawaabtiisu waxay tahay: " hadday Itoobiyaanku weli joogaan, dagaalkiinna wadaan maxaa loola dagaallami waayay? Sow Itoobiyaan inaad ka hadashaan laydiima diidin?]2. Hubka ha la dhigo, dagaalkana ha la joojiyo, waa is-dhiibid sabab lahayn.Mar haddii cadowgii hubka loo qaatay weli dagaalkii wado, Dhulkiina haysto, dhibaatooyinkiina ay meeshoodii ka sii socdaan, ma waxaad u bannaynaysaan in dadka trab-trab loo laayo, Dalkana, inta uu isku fidiyo, loo suurta-geliyo MUSTACMIRADDA uu raadinayo?. Taana ma dhici doonto haddii Alle yiri, halgankuna isma dhimi doono.
3. Cambaareeya, oo iska fogeeya kuwa "heshiiskan" diiddan (oo "xag-jirka" ah) waxaa looga gol leeyahay inay mar dambe ARS ay dib u soo jalleecan, kadabkoodana goonni u go'o [ bbc/ss nuse saacihii ugu dambeeyay habeenkii Talaadada, 10 June, wariye Yusuf Xassan wuxuu waydiiyay, madixii ergadii mucaaradku: " waxaad saxiixdeen inaad cambaaraynaysaan iskana faquuqaysaan inta nabadda diddan. Sideed arrintan u dhaqan-gelin doontaan"? Wuxuu ku jawaabay: "Anagu waxaan iska bar'i yeelnay inaan annagu masuul ka ahayn godobta ay kuwaa la yimaaddaan". Haddaba jawaabtaa inuu bixiyo masuulkii wafdiga ugu horreeyay ma loo qaadan karaa? Jiha wareerku ma dhab baa mise waa ula kac? Aragtideenna waa ula kac, wayna ka mid tahay marin-habaabinta abaabulan, aan wax badan soo aragnay, oo loogu talagalay in dadka waxaan jirin loo sheego.
E. Cawaaqib-xumida qorshahan Jibuuti
Qorshahan Jibuuti lagu farsameeyay waa shirqool looga gol-leeyahay in lagu maja-xaabiyo xurnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, loona banneeyo in cadowga Xabashida Dalkeenna wada qabsado.Ujeeddadiisa kale waxay tahay in lagu kala dhantaalo ARS, oo ah ururka keli ah oo ka soo horjeeda haysashada cadowga ciiddeenna qaaliga ah. Dadkeenna waa inay ka digtoonaadaan jihawareerinta ay faafinayaan kuwa aan xil-kaska ahayn, oo had iyo jeer ku andacooda inay Dalka nabad ku soo dabbaali doonaan, Xabashiduna ay ka saarayaan. Kuwaa xariggoodu xoolo kuma jiraan,danna kama ay laha nabad iyo colaad toona, iyagoo iskooda isaga tashaday, oo meesha ka baxay, markay fuliyeen ujeeddooyinkii cadowgu soo maleegay.
Is-bahaysigayagu [ARS] siduu ugu guntaday difaaca Ciiddeenna Hooyo, wuxuu ballan-qaadaya inuu wax walba u hurayo in shacbigeenna uu u soo celiyo nabad run ah oo raagta, xasillooni, sida ugu deg-degsiinnaha badan, isagoo u maraya dhabbe kasto oo lagu xaqiijin karo himiladaa iyada ah.
Dr. Shariif Saalax Maxamed Cali.
Xubin Golaha dhexe ee ARSAsmara, Eritrea, 12-06-2008
Banaadir Post
mohamedbupal@hotmail.com

ZEKERIYOOW GALDOGOB MIYAAD MOODEY MUQDISHO? - By Zamzam Laska
Waxaan salamayaa dhamaan umada soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Sakariye M. Xaaji Cabdi
Waxaa u adkeysan waayey oo aad iigubeysa hadalada aan loo meel dayan ee ka soo yeeraya SAMADIID ZEKERIYE DHIIG YACAB waxaan aad ulayaabay sida uu ula jecel yahay umada soomaliyeed in dhibta ay ku sii jiraan, sida uu ugu faraxsan yahay barakaca dadka dhamaanaya iyo sida uu raali uga yahay in Ciidamada Itobiya dalka ay sii joogaan, waxaa marag madoonta ah in uu ku hadlayo afka qolada uu magen gelyada ula joogo una rabo inuu u hirgeliyo qorsha hooda ah in Itobia aysan kala soo bixin dalka soomaliya sababta oo ah waxay ka baqayaan in marka ay anaga naga baxaan in weerar ku qaadaan dalka uu magan gelyada ku joogo, bacdamaa uu ogyahay in labadaa dal ay weligood dagaal iskula jireen hadana ey xaaladu intaa ka sii badatey markii Jabuuti weerarka lagu qaadey weerarkaas oo macnihiisu ahaa Jabuuti maxay nabada soomaliya u soo dedejineysaa, Zekeriyana qoladaas ayuu masakaxdooda ku shaqeeyaa waa Alad uu Afweeri u isticmaalo hadaba waxa uu ku fashilin karo Nabada iyo Qaran nimadii umada soomaliyeed oo dib Godkii lagu riday looga soosaaro waana Cadowga umada soomaliyeed Zekeriye iyo inta lamidka ah ee lahaystayaasha ah xoriyadoodiina ku waayey dadkiina hala laayo dalkiina ha burburo ee habakaa igu taageera hadii aad magan gelyo dooneysaan. . waana mid subxaanale aloow soo hanuuni xoriyadoodiina dib ugu soo celi dakaa lahaystayaasha ah oo qoriga caaradiisa afka looga hayo sey dabka u sii huriyaan.
Waxaan aad ulayabaa markii uu hadlo nin inuu kufo mooyee aan sujuuda u dhigi Alle ka cabsi uguna horeeyesay meel diin lagu sheegayo markii ay Barlamaankii beydhabo intey kasoo waayeen derejo Wasiir Maxkamada dib ugu soo carey unakala qeybiyey Isbahaysi iyo Alshabaab, iyo mid waayey derajadii markii hore la siiyey balse moodey inaanba laga dejin karin ka dibna u cararey Casmara isagoo og hadaladii ka sheegay Xamar ee ahayd dowlada itobia walaalaan nahay labadeena Basaboor isku mid bey noqonayaan Xuduudaheenana waa la isu furayaa , Mid waa nin Safiirkii C/qaasin ka dhigay markii C/llahi Yuusuf ka qaadey, hadana ugu tegay NewYork ugu tegay C/llahi yusuf isagoo ka qal qashanaayey inuu Safiirka USA ka dhigo tii markuu waayeyna isagoo ahaa ninka ugu Balwada badan Khamrigana uu u ahaa Sharaabka Caadiga ah oo dadku cabaan ayaa Casmara is yiri bal mucaaradkaa jooga aadoo in aad wax ku heshid, marka waxay su'aasha meesha talaa oo in la isweydiiyo ay tahay maxay soo kordhinayaan waa su'aal aan dadweynaha u deynayo iney ka jawaabaan sida ay ula muuqan karto dadkaa wax ay isku keeni karaan, mase la weydiiyey Zekeriye hadii uu heli lahaa Barlamaankii uu ku soo hungoobay doorashadii ka dhacdey dalka Ingiriiska ma ku soo noqon lahaa Casamara Jawaabtu waamaya malese markey u socon weydey ayuu casmara si kedis ah ku soo galay, waxaa marag madoonta Zeriye hadii uu ogaan lahaa in shir nabadeed uu sheekh Shariif kaga qeyb gelaayo dalka Jabuuti inuusan ku laabteen Casmara waayo weligiiba diin kama hadlin dalna muu difaacin ee wuxuu is oran lahaa bal in aad meelaha wax ka soo heshid aad nasiib daro shirkii iyo waxaa kulmay asagoo xabsigii Casmara oo lagama soo baxaanka ahaa galay. marka inuu weyraxo waa ku nefisayaa oo waa nin ciil farta dhexda uga qaniiney balse qoriga afka looga hayo hadal la leeyahay allow ceymi oo bad baadi umada masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ee dhibta iyo herdenu dushooda ka dhacayo cidii nabada u keentana waan soo dhoweyneynaa waxaan leeyahay, midhaa waxaa soo dhowaatey wakhtigii Nasriga Illahay Noo soo degeysay ee aan iska celino Munkiriinta Casmara iyo inta la mooqifka ah, waa inaan Banaanbax ku muujinaa taageerada nabada waa inaan taageernaa nabada waan fahmi karnaa Kharaarka Colaada iyo Macaanka Nabada sida ay u kala duwan yihiin markaa waa inaan u istaagnaa sidi aan soo dhoweyn lahayd nabada iskgana fogeyn lahayn colaada na ragaadisay.waxaa dadka reer xamar ku maah mahaan Bisha hadey ku rabto Bakool maxaas kaa dhibaa macnaheedu waa Bishii baa ku rabta marka Xidigtu maxay kaa dhibeysaa oo bishii baaba iftiin waa wakhtiga Cadaha ama bisha 14 keeda oo idtuuku jiro taas oo aan uga gonleeyahay Zekeroyoooooow Sheekh shariif Soomali Nabad doon ah ayaa wadata marka hadalka aad ka soo tuureysid Casamar maba la dareemin baan ku oran lahaa ee afka qabso Maxmadii ku sugeysena waa halkeedii int aad ka midka tahay ee dabka babiska u haysta hortaa jiraba ku guuleysan waa waxa aad wado e danbiga ha isku sii badin walee sheekh shariif baad tiri Xamar baa lagu Madfaceynayaa adaan ku jar jarjareynaa,waxaahadalkeyga ku soo gaba gabeynayaa.
CEESAANTII MAS IYO GOOD MADAX SHABEEL LEEFTAA MALAGEEDI BAA GALAYEEY ISKA HADLOOW IN HAJI ABDI GUUL SHEEKH SHARIIF ILLAAHNA HAKULA JIRO CADOWGAADANA ALLAHA JEBO CADOWGAADA WAA CADOWGA SHACABKA SOOMALIYEED
Wabillahi Towfiiq
Zamzam Laska

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA
Dr. Shariif Saalax Maxamed Cali, waxaan arkay maqaalka la xiriirai shirkii Jibuuti oo ad adiga qortay, laguna soo daabacay shabakadda "Gedonet .com" taariikhda 14/6/2008. Aniga kuma aqaani, waxase laygu kay sheegay in ad tahay shaqsi wax garad ah oo aqoon leh, dhinaca siyaasadana waayo araga ku ah, waddaninimada ku horreya, waxaana lay sheegay in adigoo hoggaaminaya qaybta Civil sociaty ad door weyn ad ka soo qaadatay shirarkii badna ee dib uheshiisiinta Soomaalida oo lagu qabta dalka Kenya. Sidaas daraadeeda, aniga waxaan ka haystay fikrad fiican oo wax ku ool ah.
Waxaanse la yaabay markaan arkay maqaalkaaga, sida ad wax u cabirayso iyo muuqaalka ad ka bixinayso xubnaha ka qayb galay shirka Jibuuti oo ku socday magaca mucaaradaka, waxaad cambareyn xoog leh u soo jeedisay, xubnahaas mitelayey mucaaradka, waxaad eedo kulul u soo jeedinaysa dhammaan dawladaha ku lugta laha shirka Jibuuti, waxaad dhalecaynaysa dhamaan go'aannada ka soo baxay shirkaas, marka sida ad wax kasta u naqdinayso waxay ka muujinaysa xag-jirnimo fogaatay. Aniga waxaan la yaabay sida ay kala yihiin tilmaanta laga bixinayo iyo fikradaha ad soo jeedinayso. Aniga waxay ila tahay inay kuugu habboonayd inaad soo jeediso talooyin wax ku ool ah oo wax toosin ah, iyo saxitaan, way fiicnaanlahayd xataa haddii ad soo jeedinlahayd sida ad rabtaan in wax loo saxo, si shirka Jibuuti u noqonin mid dhicisooway, waase laga fiicanyahay in arrinta ad ka dhigto "qori iyo qaaciisa wa laysla tuuraa" maddaama ummadda Soomaaliyeed ay baahi weyn oo deg-deg ah u qabto nabad iyo degganaasho.
Waxaad naqdisay hadalladii ka soo baxay Sheekh Shariif Axmed oo u ku yiri: maxaa loo dagaallamaya haddii Ethiobya ay bexeyso? Waana run maxaa loo dagaallamaya haddiiba kii dagaalka lagu qaadi lahaa uu iska baxayo? Ujeeddada Sheekh Shariif way iska caddahay, waxaa waaye "ciidamada Ethiobya waxaa loo qabtay waqti ay ku baxaan marka ha la sugo dagaalna ha joogsado ilaa laga gaarayo waqtigaas" Adigana waxaad ku talinaysa in dagaallada la sii wado, ayado an laga war sugin waqtiga la go'aamiyey oo ay ciidamada Ethiobya kaga baxayaan Soomaaliya. Haddaba Shariif Saalaxow, haddiiba laga helo xagga Ilaahay in ciidamada Ethiobya ay isaga baxaan Soomaaliya waqtiga lagu xusay go'aannada shirka Jibuuti, yaa dib u soo celinaya dadka ku dhimanaya, iyo hantitada ku burburaysa daagaallada ad ku talinayso in la sii wado?
Dr. Shariif Saalaxow, mucaaradnimada ma xuma marki la rabo in wax lagu dhiso, xataa mucaaradka hubeysan ma xuma, waa haddii uu wato mowqif nadiif ah oo ku saleysan waddaninimo dhab ah oo ku saleysan u gargaarka ummadda. Shaqsi kasta oo waddani ah dhan kasta ha ka soo jeedee waa inu ka xanuunsado dhibaadada shacabka u ka dhashay, mana ahan inu si kordhiyo dhibaatada horey u haysatay dadkiisa.
Waxase xun mucaaradka doonaya inu xukun xoog ku qabsado oo asigoo an waxba u aabayeelin adeegsanaya wadda kasta oo u ku gaari karo danahiisa. Waxaa xun mucaaradka kan xukun doonka ah oo an kala saareynin wixii sax ah iyo wixii qalada ah oo ay u caddey sidii u talada dalka ku qabsanlaha oo keli iskana indha-tiraya xaqiiq kasta oo jirta.
Haddeer, adinka mucaaradka degay Casmara waxaad iska idha-tiraysaan arrin xaqiiq cad ah oo jirta oo marag madoonto ah, maxaa yeelay waxaad saldhig ka dhigateen magaalo madaxda Eritreya ee Casmara, waxaad marti u tihiin madaxweynaha dalkaas, ha yeeshee waxaad iska indha-tiraysaan sida ay isaga soo horjeedaan danaha ad sheeganaysaan iyo danaha dawladda Eritreya. Adiga madaama ad tahay waayo arag siyaasi ah, waxaan filaya inaad fahamsantahay mowqifka madaxweyne Afawarki oo ku aaddan joogitaanka ciidamada Ethiobya ee gudaha Soomaaliya, waxaan si weyn u filaya inaad ogtahay in waqtigaan la joogo danta Eritreya ay tahay in ciidamada Ethiobya ay ku sii negaadaan gudaha dalka Soomaaliya oo haddana weliba la sii kordhiyo tirada ciidamadaas, maxaa yeelay dawladda Eritreya waxay rabta meel ay isaga leexiso kuna mashquuliso culayska ciidamada Ethiobya madaama ay colaadi u dhaxayso labada dawladood, ee Eritreya iyo Ethiobya. Marka waxaan filaya Dr. Shariif Saalaxow inay ku muuqato in madaxweyne Afawarki inuusan marna taageereynin mowqif lagu dalbayo in dawladda Adisabeba ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, adinkana si sidaas si ka soo horjeedda waxaad sheeganaysaan inaad rabtaan in ciidamada Ethiobya Soomaaliya laga bixiyo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Eritreya sidee u ku gaari kara danaha dawladiisa oo sida an kor ku soo xusay ah in ciidamada reer Ethiobya ay mashquul ku sii ahaadaan gudaha Soomaaliya? Danaha sidaas ah ee dawladda Eritreya waxaa lagu gaari kara ayadoo ay si kordhaan horeyna u socdaan dagaallada keenaya xasilooni darrada iyo fowdada ka jira gudaha Soomaaliya, marka cid kasta si sahlan ay u fahmi karta in madaxda Eritreya si ay u gaaraan danahoodaas inay doonayaan in la wiiqo wax qabadka dawladda ku meel gaarka ee Soomaaliya si ay gudan-wayso waajibaadkeeda dawladnimo, lana waayo sharci dhawridda, iyo kala dambeyn, siina bataan fowdada iyo is-colaadeysiga shacabka soomaaliyeed lana waayo cid wax ka qabata xaaladahaas, sidaas daraadeeda dawladda Eritreya waxay rabta in Soomaalida si ay u kala badbaaddo inay miciin bido joogitaanka ciidamada Ethiobya.
Middaan dambe waxay inoo muujinaysa Dr. Shariif Saalaxow, in madaxweynaha Eritreya, Afawarki inuusan marna raali ka ahayneynin in Soomaaliya ay nabad ka dhalato ayna ka maaranto joogitaanka ciidamada Ethiobya, waa xaqiiq jirta oo la wada arakayo in Afawarki uu ku dadaalayo inuu fashiliyo shir kasta oo la xiriira nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.
Adinkana si sidaas ka soo horjeedda waxaad sheeganaysaan inaad rabtaan in Soomaaliya ad nabad ku soo rogtaan, marka waa kaaf iyo kala dheeri.
Haddaba labadiinaan dhinac, oo kala ah: adinka mucaaradka degay Casmara iyo dawladda Eritreya oo kala wata fikradaha iska soo horjeeda keeba la adeegsada oo lagu dan qunsanaya? Aniga waxay iigu muuqata in dhinaca la adeegsanayo oo lagu dan qunsanayo inay yihiin xubnaha dhinaca mucaaradka Soomaaliya, madaama ay yihiin xubnahaas kuwa hoggaaminaya dagaallada micna darrada ah oo ka socda gudaha Soomaaliya dagaalladaas oo ay ku dhamaanayso ummadda soomaaliyeed, dagaalladaas waxay dalka ka dhaliyeen xaalado adag sida sharciga oo an la dhawrin, fowdo iyo kala dembeyn la'aan, waana madaxda mucaaradka ku shirsan Casmara waxaa abuuraya xaaladahaas oo u keenaya Soomaaliya dhibaatooyinka badan, waxaana xaaladahaas waxa ka dhigaya lagama maarmaan joogitaanka gudaha Soomaaliya ee ciidamada Ethiobya, waana intaas inta ay ka koobanyahiin danaha ay Eritreya ku wadato mucaaradka soomaaliyed oo martida ugu ah Casmara. Marka waa in sidaas loo fahma ujeeddada dawladda Eritreya.
Cali Cumar: sablaale1@hotmail.com

Ra'iisul wasaare Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif ma kulmidoonaan ?
Waxaa sii lama filaan ah ku woda tegey ras'iidulwasdssre Nuur Xasan Xuseen , iyo Sheekh Shariif , labadaa xubnood oo ah kuwa maanta saaxada la hadal haayo.
Nuur Xasan Xuseen oo ah ra'iisul wasaaraha dowladda federaalka ku meel gaarka, oo ah ninka soo jeediyey inuu ruux kastaa ee Soomaali ah uu xaq u leeyahay inuu ka qeyb galo dib u heshiisiinta umadda Soomaaliyeed.
Isla markaana caddeeyey in mucaaradada ay ay yihiin rag Soomaaliyeed xaqna u leeyihiin in lala hadlo, lana ogaado waxa ay qabaan, oo ay dalka iyo dowladda ka sheeganayaan.
Arrintaasi waxay u horseedey in heshiisyo lala galo mucaaradada oo ay hoggaaminayaan SHeekh Shariif iyo Shariif xasan oo labada kala ahaa xubinaha oogu sarreeyey Sibaheysiga dib u xureenta Soomaaliyeed.
maantase , ka dib markii heshiiskii laysku raacey in lagu soo saxiixo dalka boqortooyada Sacuudiga, lana billabey qabanqaabadii ay xubnaha labada dhinac ka socdo sidii ay dalkaasi ku tegi lahaayeen, ayaa waxaa ay woda tegeen dalka kenya , magaalada Nairoobi, raiisul wasaare Nuur cadde iyo Sheekh SHariif, labadooda oo kala hoggaaminaayo wafdiyo.
Labadaa masuu; ayaa waxay la shirayaa xubno ka tirsan dowladaha deeq bixiyayaasha, isla markaana waxaa la filayaa sida ay wararka qaar sheegayaan , labadaba waxaa laga yaabaa inay halkaasi ku yeeshaan kulan qarsoodi ah .
Kulankaasi oo laga yaabo inay horey ugu sii dhaigaan heshiiskii Djebouti, isla markaana ka dhaadhiciyaan dowladaha deeq bixiyayaasha inuu heshiiska yahay mid meel mar ah, looguna daneynaayo umadda Soomaaliyeed ee dhibaaatada ay soo dilootey.
Xaayke eemaan Suufow Xaayle278@hotmail.com

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb [Maxamed dheere] oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin d
Duqa Muqdisho, wuxuu ku eedeyay dagaallada ka socda Muqdisho kooxda argagaxisada ee Al-shabab, isagoo sheegay in askarta Dowlada Federalka iyo kuwa saaxiibadood ee Itobiyaanka ay ku jiran difaac, balse aysan weerar ahayn.
"Ciidamada Dowlada Federalka iyo kuwa saxiibka aan nahay ee Itoobiyaanka waxay xaq u leeyihiin inay is difaacaan haddii lagu weeraro xarumahooda, waayo kooxaha dagaallada wada waa ma xishoodayaal" ayuu yiri Maxamed dheere.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuu intaas ku daray si heshiiskii Jabuuti uu san u burburin, ayeey Dowlada Federalka difaac ugu jirtaa.
"Dadkii ku dhintay dagaalladii ka dhacay Muqdisho ee shacabka ah waxaan Rabbi uga baryaynaa inuu u naxariisto, kuwii ku dhaawacmayna uu caafiyo" ayuu Maxamed dheere shirkiisa jaraa'id ku sheegay.
Mar uu ka hadlay roobab dhimasho geystay oo ka da'ay Muqdisho welina socda ayuu sheegay in dadka roobabkaas ku dhintay ay gaarayaan 7-qof, ayna booqdeen guryihii ay ku dhinteen, isagoo xusay in marxuumkiiba ay qoyskiisa siinayaan 5-Milayn oo Shilling Somali ah.
Saxaafadda oo Duqa Muqdisho wax ka weydiiyeen xarigga Guddoomiyaha Degmada Huriwaa oo u xiran ciidamada Itoobiya, ayuu sheegay inay aad uga xun yihiin isla markaana ayna qoraallo ku aaddan xarigiisa u direen, Wasaaradda arrimaha gudaha, Madaxweynaha Somaliya iyo Saraakiisha ciidamada Dowlada Federalka, jawaabna ay sugayaan.
Maxamed Dheere, wuxuu sidoo kale sheegay in guddoomiyaha haddii uusan dambi lahayn la sii dayn doono, haddii uu dambi leeyahayna la ciqaabi doono, isagoo intaas ku daray in ciddii sheeganaysa inay guryo uga jiraan ciidamada Itoobiya ay iyaga la soo xiriiraan.
Mohamed Deeq Xaaji
Banaadir Post.

Subscribe to:
Posts (Atom)