Dagmada X/weyne ee magaalada Muqdisho waxey kamid tahay degmooyinka qadiimiga ah, uguna faca weyn degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana taasi astaan u ah goobaha taariikhiga ah ee ku yaala degmadaasi sida Masaajidada oo qaarkood ay dhisan yihiin ilaa kun sanadood iyo wax ka badan, halka kuwa kalena aan la garaneynin xilliga la dhisay, waxaana ka mid ah masaajidadaasi masaajidka weyn ee Jaamacadda Xamar weyne Marwaas, Arbaca rukun, Fakhrudiin, Cadayga, iyo dhismayaal kale oo muddo fog la dhisay oo ku yaala xeebaha Xamar weyne sida dhismihii Siciid Barqash iyo Marsadii yareyd ee uu doonida ku xiran jiray oo ilaa hadda halkaasi lagu arki karo.
Degmada Xamar weyne oo soo martay marxalado kala duwan, ayaa ka hor dhicitaankii dowladii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ahaan jirtay suuqii ugu weynaa ganacsiga, uguna ciriiriga iyo mashquul-ka badnaa faras magaalihii magaalada Muqdisho, waxaana ay kaalintaasi ku weysay dagaaladii ahliga ahaa ee ka dhacay Muqdisho horaantii 90-meeyadii, wixii ka danbeeyey xiligaasna waxaa albaabada loo laabay suuq weynihii ganacsiga ee X/weyne oo isagu markii dambe loo raray suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay kadib markii degmadaasi ay ka mid noqotay safafkii hore ee ay ka dhaceen dagaaladii ugu dhiiga badnaa ee dhexmaray taageerayaashii Marxuum Jen. Maxamed Faarax Ceydiid iyo Cali Mahdi Maxamed oo waagaas siyaasadda ku kala tegey, iskuna baacsanayey gacan ku hayntii magaalada Muqdisho.
Degmada Xamar weyne waxa ay garabka ku haysaa wixii loo yaqiinay Khadka-cagaaran ee kala qeybin jiray Waqooyiga iyo Koonfurta Muqdisho xilligii dagaal min-dhicireedka, waxaana uu ka maraa dhanka Qorax ka soo baxa wadada ka timaadda dhanka xeebta ee hormarta bankigii ganacsiga iyo keydka Soomaaliyeed iyo hotelkii hore ee Al-Curuba ilaa iyo taaladii Dal-jirka Dahsoon haatan oo muddo 15 sanadood ah laga joogo bilowgii dagaalada sokeeye waxoogaa xasilooni ahna la dareemay ayaa qaybihii ugu bilicda samaa degmada Xamar weyne iyo farasmagaalihii Muqdisho waxaa weli ka muuqda raadadkii iyo burburkii foosha xumaa ee ay ku reebeen dagaaladaasi, inkastoo aanay la mid ahayn degmooyinka la deriska ah sida degmada Shingaani oo iyadu guud ahaanba burburtay, laguna tilmaami karo xaafada keliya ee sida ugu ba’an ugu burburtay dagaaladii sokeeye.
Goobaha caanka ah ee dagaaladu ay galaafteen ee degmada Xamar weyne ku yaala ayaa waxaa ka mid ah Wasaaradii Maaliyadda, Bangigii dhexe ee Soomaaliya, Daartii Savoy Center oo ah dhismaha keliya ee ka badbaaday burburka, Shineemo Centrale, Misione, Xamar, Banaadir, Qalcada Kaniisadii Talyaaniga, Dahablihii X/weyne, Xaruntii hore ee Wakaaladda Xoogga Korontada ummadda, Maktabadii & Matxaf-kii Qaranka, Safaaradii Shiinaha, Masaajidkii Arbaca-rukun, Gurigii Talyaaniga (CASSA-ITALIA), Hoteelkii Shabeelle, Dhismihii Ex-baarlamaankii hore, Hotel-kii (CORREGE DEL SUD), iyo dhismayaal kale oo nawaaxigaasii ku yaalay oo ay lahaayeen hay’ado, ganacsato,iyo dad magac leh oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.
Ruux damiir wadaninimo iyo Soomaalinimo ay ku jirto maanta ma sii daawan karo burburka goobahaasi. Muddadii aan lugta ku soo marayey burburka daarahaasi ayaa il ay murugo ka muuqato ku eegayey sida ay u yaalaan iyo waxyeelada argagaxa leh ee soo gaartay, wax dhaqdhaqaaq ah oo xaga nolosha ah kama jiraan, socodka dadkuna waa mid aad u yar oo teel-teel ah, gaadiidna haba sheegin marka aad dhexmareyso dhismayaasha burbursan ee halkaasi ku yaala waxaa uur-ku-taalo iyo naxdin kugu reebaya muuqaalka aan indhaha loo celin karin iyo tacadiga loo geystay dhismayaashii qaranka Soomaaliyeed iyo bilicsamidii magaalada Muqdisho.
Goobaha qaar marka aad agagaarkooda marayso sida nawaaxiga Shabeelle waa cidlo, waxaadna dareemeysaa cabsi aad u fara badan, adigoo is-weydiinaya goorta iyo halka lagaaga soo bixi doono, kamana welweleysid ammaan darro ah oo meeshii waa meel cidlo ah, waxa keliya ee dhagahaaga ku soo dhacaya waa codadka shimbiraha, iyo cayayaano kale oo kala gedisan oo iyagu u kala duulaya daaqadaha dhismayaasha burburay ee halkaasi ku yaala.
Waxay indhahaagu qabanayaan caws lixaad leh oo ka baxay burburka daaraha dhexdooda jiifa iyo hareeraha wadooyinka, dhismihii Ex-baarlamaankii hore ayaa guud ahaanba dhulka la siman, barxadii weyneyd ee ka soo horjeedayna oo xilligii beri-samaadkii marka la gaaro ciidaha xorriyada lagu soo bandhigi jiray ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ayaa hada waxaad ku arki kartaa xoolo u badan ari oo halkaasii loo daaqsiin keeno maalin walba,ka dib markii halkaasii ay si lixaad leh uga baxday dhir aad u fara badan.
Inta badan dad-ka Muqdisho marka aad wax ka weydiiso goobahaasi xilli ugu dambeysay, waxey kuu sheegayaan in iyagoo mudo 15 sanadood ah Muqdisho wax ka degan aanay hadana weli tegin oo aanay xittaa haweysan, iyagoo taasi sabab uga dhigay baqdin ay u baqayaan lafahooda, halka kuwo kalena ay kuu sheegayaan inaysanba kala garan karin hadda sidii ay kala ahaan jireen goobahaasi dhalan roga iyo is-bedelka burburka ku dhacay awgeed.
Dhinaca kale,marka laga yimaado qaybahaasii ay dagaaladu aafeeyeen waxaa jira meelo kale oo aad loo degan yahay oo ka tirsan degmada X/weyne oo ka badbaaday burburkii dhacay kuwaasoo muddooyinkan dambe ku talaabsanayey horumar dhinaca ganacsiga, amniga iyo arrimaha bulshadda, deegaanada ka badbaaday dagaalada oo ka tirsan degmada Xamar weyne ayaa waxaa ka mid ah :Xaafadaha Biasa, Jaamicada, Cadayga, Raqayga, Koodka, Nawaaxiga Via-Roma iyo Via-Egito, halkii hore loo oran jiray Cabdalla Shideeya, iyo Xaafadaha qadiimiga ah ee ku teedsan dacalka xeebta Xamar weyne, sida agagaarka Kawaankii hore ee Kalluunka iyo Xaafadda caanka ah ee loo yaqaano (AW-AWEESKA).
Inkastoo uusan jirin ganacsigii baahsanaa ee Xamar weyne ay caanka ku ahayd, uuna xiran yahay dhismihii cusbaa ee bacadlihii Xamar weyne oo isagu ka badbaaday dagaaladii sokeeye, ayaa haddana dhaqdhaqaaq ganacsi oo isa soo taraya waxaa uu ka jiraa agagaarka kawaankii hilibka iyo khudaarta ee Xamar weyne oo isagu sanadihii 80-meeyadii lagu dhisay deeq ay bixisay Midowga Yurub, iyo weliba qeybo ka tirsan wadada Via-Roma, waxaadna halkaasi ku arki kartaa dukaamo lagu iibiyo waxyaabo kala duwan sida dharka, cuntada, maacuunta iyo agabyada kale ee ay dadku u baahan yihiin iyo goobo kale oo ay ka mid yihiin meelo laga dirsado internet-yada, kuwaasoo habeen iyo maalinba furan waxaa halkaasi saldhigyo waaweyn iyo xafiisyaba ku leh shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwa xawaaladaha ee ka jira magaaladan Muqdisho, kuwaasoo dadka degan Xamar weyne u qabta adeegyo ay ka mid yihiin, teleefoon gelin iyo bixinta lacagaha xawaaladaha ah ee dadka xaafadahaasi u soo xawilaan eheladooda dibedda ku sugan.
Adeegyada kale ee daruuriga ah ee laga heli karo degmada Xamar weyne waxaa ka mid ah Biyo, iyo Koronto 24 saac ah oo ay bixiyaan shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.
Degmada Xamar weyne waxyaabaha ganacsi ahaan ay weli caanka ku tahay waxaa ugu horeeya iyadoo degmadaasi ay ku taalo seylada ugu weyn ee loo iib keeno Kalluunka magaaladda Muqdisho, halkaasoo maalin kasta ay xadi Kalluun fara badan ah ay ka soo
Dhinaca kale, xaga amaanka degmada Xamar weyne waxa ay ka mid tahay goobaha ugu xasiloonida badan oo ay ku yar yihiin isku dhacyada maleeshiyooyinka hubeysan marka loo eego qeybaha kale ee magaalada Muqdisho, waxaana dhinaca suggida nabadgelyadda degmadaasi ka hawlgala ciidamo Madani ah oo ka tirsan maleeshiyooyinkii ka qeyb qaatay dagaaladii sokeeye kuwaasoo haatan la qabsaday dadka deegaanka, iyagoo lacago yar-yarna ka urursada goobaha ganacsiga iyo suuqyda nawaaxigaas ku yaala.
Xaga caafimaadka dadka degmada Xamar weyne ku dhaqan ma haystaan adeega caafimaad, marka laga reebo qeybo ka mid ah isbitaalka ugu faca weyn Sooomaaliya oo ah Isbitaal Mertiini ayaa waxey xarun u tahay qaar ka tirsan ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku naafoobay dagaaladii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, howsha keliya ee uu hadda qabtana isbitaalkaasi Mertiini waxey tahay tababaro gaagaaban oo halkaasi ay ku siiso arday Soomaaliyeed oo mutadawiciin ah hay’adda bisha cas ee Soomaaliyeed, waxaana dhinaca caafimaadka degmada ka saacida hal M.C.H oo isagu daryeel caafimaad oo kooban u fidiya hooyadda iyo dhalaanka deegaankaasi.Dhinaca waxbarashadda degmada Xamar weyne inkastoo aad loogaga dheereeyo marka loo eego qeybo ka tirsan Muqdisho haddana waxaa subax walba u kalaha dugsiyada H/dhexe ee Xamar weyne, iyo Xaawo Taako arday fara badan oo ka kala yimaada degmada Xamar weyne iyo degmooyinka la deriska ah maadaama aysan jirin dowladdii dhexe ee taakuleyn jirtay macalimiinta, waxaana ardayda dhigata dugsiyadaasi bil kasta laga qaadaa lacago Fee ah oo ay bixiyaan waalidiinta ardayda wax ka barata dugsiyadaasi si macalimiinta ay mushahar ahaan uga dhigtaan.
Degmada Xamar weyne waxaa weli ku nool qaar ka ka tirsan fanaaniintii iyo abwaanadii hore ee Soomaaliyeed ee ka soo jeeda beelaha Banaadiriga ah, kuwaasi oo ku caan baxay sameynta iyo jiliinka riwaayadihii laga daba dhacay ee masraxyada dalka lagu soo ban dhigay xilligii beri-samaadkii waxaana ka mid ah Abwaan Macow Aw-Diinle, Cali Cusmaan Daroog, Xaaji Iikar Leeb, Sheekh Mayow Halaag, Jilaagii caanka ahaa Maxamed Cusmaan (Ina), Faarax Siidow Faarax, Maxamed Aweys Geedow, sidoo kale Jilaagii caanka ahaa Makki Xaaji Banaadir iyo kuwo kale.Goobihii waaweynaa ee dadku ay ku madaadalan jireen, sida shineemooyinkii waaweynaa ee ay lahaan jirtay degmada Xamar weyne ayaa guud ahaanba ku baaba’ay dagaaladii sokeeye waxaana qaarkood ay noqdeen goobo qashin qub ah, marka laga reebo shineemo Super oo hadda ah aan u shaqaynin sidii loogu tala galay, taa bedelkeedana waxaa xaafadaha dhexdooda laga furay shineemooyin yar yar oo habeen iyo maalinba shaqeeya, kuwaasoo tayadooduna ay aad u hooseyso marka laga eego goobaha iyo qalabka ay isticmaalayaan.Degmada Xamar weyne waxaa deegaan ahaan u badan dadka loo yaqaano Qowmiyada Banaadiriga ama (GIBIL-CADKA) dadkaasi noloshoodu 70% waxey ku tiirsan yihiin lacago ay u soo diraan eheladooda dibedaha ku maqan, iyada oo sida laga warqabana kumanaan dadka Banaadiriga ah oo ka qaxay dalka xilligii dagaaladii sokeeye ay degenaansho qaxootinimo ka heleen Maraykanka iyo qaar ka tirsan dalalka Yurub.
Dadka Banaadiriga ah waa dad nabadeed oo aan ka tirsaneyn beelaha hubeysan, taasina waxey keentay in dadkaasi ay u nuglaadaan burcadda, bartilmaameedna u noqdaan kooxaha wax afduubta, waa dad inta badan ka gaabsada siyaasadda, xirfadahooda shaqo waxaa ugu weyn ganacsiga oo aad ka dareemeyso marka aad ku dhex socoto xaafadaha ay degan yihiin, inkastoo ammaan darrada jirta awgeed aanay hadda ganacsi waaweyn faraha kula jirin, xirfadaha kale ee aadka ugu badan dadka Bnaadiriga ah ayaa waxaa ka mid ah Jilaabashada Kalluunka iyo Toliinka dharka oo qoysas badan oo reer Xamar weyne ah ay ku tiirsan yihiin.Ugu danbeyntii dadka reer Xamar weyne waxa ay quudareynayaan in ay mar uun arkaan dowlad Soomaaliyeed oo shaqayneysa, dibna u soo celisa sharcigii, xasiloonidii iyo kala dambeyntii dadku ay ku wada noolaan jireen.
Waxaa Qoray:
Nasrudiin Caydiid Salaad(DIINI)E-mail:
diinicadde@hotmail.com