Xuquuqda ka qaybgalka siyaasadda dalka ee beelaha la hayb sooco si la mid ah sida muwaadinninta ka le ee ka soo jeedda beelaha tirada badan waxa ay muhiimad wayn u leedahay horumarka dhaqan iyo dhaqaale ee dalka iyo bulshada guud ahaa, waxaa daruuri ama lagma maarmaan ah in isbedel xaggga takoorka iyo dhaqanka quudhsiga ku salaysan ee bulshdeena ku baahay la sameeyo, lagan wada shaqeeyo sidii loo dhimi lahaa ma loo wad tirtiri lahaa quudhsiga iyo takoorka raadka xun ku yeeshay nolosha muwaadiniin inal wadaaga dalka iyo diintaba.
Sida is ka cad, dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ee dalkani waxa ay la wadaagaan nolosha, dhibaatad, nabad galyada , horumarka iyo degenaanshaha iyo wax ka kasta ama xaalad kasta oo ay bulshada Somaliland ku sugan tahay, marka laga reebo waxyaalaha is dhexgalka ama takoorka quudhsiga ku salaysani ka reebaay.Mujtamca dalka oo dhamaan 100% muslim ah waxaa haddaba muran la’aan ah in hab dhaqan foolxun oo wax sal iyo raad toona aan lahayn in qaarka mid ah muwaadiniinta laga duudsiyay xuquuqdii islaamnimo iyo tii muwaadinimo labadba.
Sida runta nidaamka dimoqraadiga ama siyaasaddeed ee xorta ah ee maanta dalka ka jira oo ogolaanaya xuquuqda is abaabulka , ururada wadaniga ah iyo xoriyaadka saxaafadda ee dhamaan muwaadiniinta waxaan odhan karaa waa fursadda kowaad ee dahabiga ah taasi oo wax wayn ku kordhisay dadaalka in ay dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ay codkooda ku hadlaan, saxaafadda isla markaana ku soo gudbiyaan cabshadooda iyo baahiyaha u gaarka ah,iyo waliba inay ururro wadani ah oo abaabulka iyo horumarka dadka ka shaqeeya samaystaan, waxaana runtii mahad balaadhan leh dadka faraha badan ee ku nool dhamaan gobolada dalka ee beelaha tirada badan ee cadiidiska ama tacadigu ka yimaaddo ka tirsan kuwaasi oo si naxariis leh samafalka iyo taageerada had iyo jeer la garab taagan inay dadkaasi la quudhsaday ka baxaan dhibaatada takoorka xaga dhaqanka bulshada ay la nool yihiin kaga imanaaya.
Haddaan nuxurka maqaalkan ee caqabadaha ka hortaagan beelaha la hayb sooco inay si la siman muwaadinninta kale uga qaybqaataan hogaanka iyo siyaasadda dalka dib ugu soo noqdo, waxaa jirta in isbedelada xagga horumarka iyo xuquuqda dimoqraadiyadda ah ee somaliland dhawaan ka bilaabmay haddii loo eego kaalmaha ay kaga jiraan nolosha mujtamaca iyo hogaanka siyaasadda ee somaliland waxaa si cad kuugu muuqanaaya in ay ka sii hoosayso markii ay siyaasadda dalku ku salaysnayd nidaamka beela qaybsiga, taasi oo aanay waxba u kordhin wax ay ee mabaadiidi’ida assasiga ah ee dimoqraadiyadda ka dhinto mooyaane dadka la hayb sooco. Dhibaatooyinkaasi waxaa laga eegi karaa dhinacyo farabadan, iyadoo aan markasta xasuusanahay in quudhsiga ama takoorka beelaha gaboooye uu yahay dhaqanka ugu xun ee somalidu leedahay.
Haddii aan ka eegno dhinaca fahamka mabaadiidi’ida aasaasiga ah ee dimoqraadyadda waxaa ka mid ah in taladu ka go’odo dadka inta badan (The majority Rules) Taasoo had iyo jeer ay soo xigtaan dadka u dooda maamulka dimoqraadiga iyo xuquuqda aadamaha ee loo wada siman yahay, waxaan uga jeedaa maaha mabaadida dimoqraadiga inta adiga ama qolada badan uun dantooda sheegaysa in la siiyo tixgelin waxaase talada oo ka go’da inta badan daba taalla oo aan ka hadhi Karin in xuquuqda qof ahaaneed iyo danaha dadyawga laga tirada badan yahay ay ahaadaan kuwa si adag loo dhawray iyadoo dadka laga tirada badan yahay laga qayb gelinayo maamulka, qorshaha horumarka, talada iyo hogaanka miyi ilaa heer degmo, gobol iyo qaran si la mid ah muwaadinninta kale.
Sida darteed waxaa ka maqan dimoqraadiayadda Somaliland ee ku salaysan in tirade badan taladu ka go’oda qaar ka mid ah mabaadi’ida aasaasiga ah ee maamul wanaagga iyo horumarka dhamastiran ee bulshada dimoqraadiga ah ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay (the principales of protection of individual and minority rights and the majority rule in democracy) sida darteed dadaalka ay dadka ka soo jeeda beelaha gabooye ee la hayb sooco ay ugu jiraan sidii ay xuquuq iyo fursado si la mid ah kuwa muwaadinninta kale ee dhinacyada kala duwan ee horumarka, sida wax barashada, shaqada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo hogaanka dalka, dedaalkaasi waa mid bilaw ah soconna doona ilaa inta ay hadafkaasi gaadhayaan insha allah.
Halganka ama dadaalka ay bilaabeen beelaha la hayb sooco iyagoo ah muwaadiniinta Somaliland asal u ah in takoor iyo tiro yaraan ku waayeen xuquuqdoodii ka qaybgalka horumarka, talada iyo siyaasadda dalka maaha wax la aqbali karaayo Hadaba haddii ay ku soo bixi waayeen doorashooyinkii dalka hore uga dhacay ee deegaanka iyo baarlamaanka taasi ma in aanay xubno gole deegaan iyo mid baarlamaan midnaba waxba ku yeelan ayay xukumaysaa, waxaa lagama maarmaan ah dadka la hayb soocaa si ay uga qayb-galaan golayaasha lagu go’aamiyo arrimaha saameeya noloshooda.si xuquuqda dadka oo dhan mid yar iyo mid weynba dhamaan dalka ku wada nool loo simo in la raadiyo habkale oo shuruucda dalka dib loogu eegayo si loogu sameeyo dariiq sharciga waafaqsan oo ay kaga qaybgalaan golayaasha lagu qorshaynayo siyaasadda khusaynaysa baahidooda iyo noloshooda isla markaas siinaya fursad ay waxtarkooda ku yeeshaan horumaka bulshada iyo xuquuqda dadka ka soo jeeda beelaha gabooye ee ku nool Somaliland.
Nimco Iid Salaan – VOSOMWO Chairperson Hargeisa
Head Office Hargeisa Somaliland ...
Banaadir Post
banaadir post