Search This Blog

Tuesday, May 5, 2009

Warqad furan oo kusocota beesha ceyr

Beelo badan ayaa looga faaiidaystay dagaaladii maxaakiimta, kuwaasoo wahaabiyadu u adeegsatay wejiyo kala duwan, laakiin ma jirto beel ay uga faaiidaysteen sida ay uga faaiidaysteen beesha Cayr.

Beeshan oo ah beesha aan ka dhashay waxaa dagaalka loo geliyey hab ku dhisan shirqool ay iska kaashadeen dad aad u naxariis daran oo aan wax dan ah ka lahayn beesha iyo guud ahaan masiirka iyo badbaadada ummadda.

Waxay arrimuhu u dheceen sida soo socota:-

Beesha Cayr waxay ka mid ahayd fursadihii ugu muhiimsanaa ee midawga maxaakimta wahaabiyada, waxay si qabiil ah dagaalka u geliyeen inta badan mallaysiyadii hubaysnayd ee beesha.
Waxay dhagar qabayaashu beesha u sheegeen in ay jihad ku jiraan, wixii ka dhintaana ay jannada gelayaan.

In ay la dirirayaan hoggaamiyaal gaaloobay. Col Xasan Daahir wuxuu idaacadda BBC iyo idaacadaha gudaha ka sheegay:

wiilashu waxay geli jireen dagaal qabiil haddana waxaan gelinay dagaal ay jannada ku gelayaan.

Beesha waxay leedahay Culamma waawayn oo caan ka ah Soomaalida dhexdeeda iyo caalamkaba, waxayna in badan sheegeen “in diinta looga baxayo in jihaad lagu sheego daadinta dhiigga muslimiinta”

Laakiin waxaa is weydiin mudan sababta beeshu u khilaaftay culammadeeda, maadaama erayga Jihaad uu yahay shicaar diini ah, culammaduna tahay cidda keliya ee aqoonta iyo xaqa u leh caddayntiisa?

Jawaabtu way caddahay, beeshu waxay gacanta u gashay shirqool siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho oo si aan naxariis lahayn loogu huwiyey magaca diinta iyo qabiilka; waxaana ugu weynaa sababihii shirqoolkaas diyaariyey:

· U diyaaar garawga shirkii carta,

· Difaaca natiijada ka soo baxday, iyo
· Mirihii ka dhashay difaacaas.

Diyaar garawgan wuxuu lahaa horudhac iyo olole abaabul badan huwanaa, waxaana inta badan diyaarinayey shaqsiyaadkii looga itaalka roonaa qabqablanimada.

Dadkii diyaarinayey isbeddelkan waxay u arkayeen in beesha cayr muhiim tahay arrimo jirey awgood, beesha ruuxeedu way danayneysey arrintaas.

C/Qaasim wuxuu dhexda u xirtey siduu uga faaiidaysan lahaa guuxaas cusub, laakiin sida la ogyahay beeshu ma raacsanayn wahaabiyada, mana doonayn inay hoggaankooda u dhiibato C/qaasim, sidaas darteed, waxay madaxooda siyaasadda u doorteen Dr Maxamuud Maxamed Culusow.

Weliba Culusoow waxaa laga doonay meel dheer oo wuxuu degganaa dalka Mareykanka, meesha C/Qaasim uu joogay magaalada Xamar.

Laakiin C/qaasim waxaa taageera siinayey gacma ka baxsan beesha, taas waxay keentay in c/qaasim ruuxeesu beesha ugu hanjabo inuu burburinayo rabitaanka beesha, haddii aanay isaga dooran. Sidaas ayuuna ku marooqsaday xilkii beesha, kadibna wuxuu soo qaatay jagadii ugu sarreeysey ee laga soo qaatay shirkii Carta.

C/qaasim wuxuu ka badbaaday dacaayaddii awoodda badnayd ee Wahaabiyada. Uma canbaarayn sidii ay u canbaareyn jireen hoggaamiyaalkii isaga la midka ahaa, bal waxay u suurta geliyeen inuu isu arko amiirul-muuminin ummadda imaam u ah. Taas waxay gaartay in C/qaasim uu ku sheego hoggaamiya kooxeedyadii ka soo hor jeeday gaalo ka hor timi qaranka, diinka, dadka iyo dalka.

Sidaas awgeed, waxaa beesha aad looga dhaadhiciyey inay difaacaan madaxweynohooda, waxaana beesha lagu abuuri jirey colaado qabiil iyo shakhsiyaad loo tusayey inay khatar ku yihiin madaxweynohooda iyo jiritaankoodaba.

Shirqoolladan, waxay fulintii Cayr kusoo koobeen:

· C/qaasim oo lagama hadlaan ah.

· Ganacsato iyo odayaal yar oo ku shaqeeya aragtida C/qaasim ee wahaabiyannimada.

· Nabaddoonno iyo hoggaamiya dhaqameedyo uu ugu cadcad yahay C/Daahir ugaas Nuur oo ku shaqeeya aragtidooda.

Intaas waxaa dheeraa idaacadaha ugu waawayn magaalada iyo BBc-da laanta afka Soomaaliga, oo dadka u soo gudbinayey barnaamijyo lagu marin habaabinayo beesha iyo shacabkaba.

Arrimihii kale ee looga faaiidaystey beesha waxaa ka mid ahaa: soo bixitaankii madaxweynanimada C/llaahi yuusuf, waxaana loo sheegay inuu soo baxay bahalkii cuni lahaa.

Waxaa lagu qanciyey inuu Itoobiya ugu yeeranayo siduu uga aarsan lahaa una baabi’in lahaa beelaha hawiye gaar ahaan Cayr.

Arrintaas waxay uga faaiidaysteen al-itixaadku muqaddisnimadii C/qaasim!! ee ay horay u diyaarsadeen; waxay ku celcelanayeen in C/laahi yuusuf ahaa ninkii wiiqay dawladdii Cayr!!! Ayna gunnima tahay inaan laga aarsan.

Waxay aad uga sii faaiidaysteen iska hor imaanshihii C/llaahi yuuusuf iyo wasiirradiisii awoodda ku lahaa magaalada muqdisho.

Waxay ka faaiidaysteen hadalladii kul-kulaa ee ka soo yeerayey c/llaahi yuusuf, idaacadaha wahaabiyaduna qaadaa dhigayeen si ay u kiciyaan bulshada, xamaasadduna faraha uga baxdo.

Ka faaiidaysiga fursadahaas waxaa saacidayey samaynta ururkii ay u bixiyeen Badbaada qaranka, samata bixinta ee lagu dhisay magaalada balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Ururkan wuxuu ahaa mid ay dan wadaag ku ahaayeen dhaqdhaqaaqa wahaabiyada iyo hoggaamiyaashii Muqdisha ee wasiirrada noqday.

Hishiiskan la eeday waxaa ka dhashay in ay u gudbaan sidii ay isula dhisi lahaayeen gola deegaan iyo maamulka gobolka Banaadir.

Hishiiskan wuxuu ku dhmmaaday fashal, kadib markii qaybi dooratay guddoomiye degaan, oo ah nin u dhashay beesha Cayr, qayb kalena ka biya diidey.

Kuwii diiday guddoomiyaha waxaa ugu cad-caddaa M/ed Qanyare iyo Muuse Suude, siiba Qanyare.

Khilaafkan wuxuu ka mid ahaa fursadihii wahaabiyadu uga faaiidaysteen beesha Cayr, waxay dadka ku beer laxawsanayeen:

“waxaa la diidanyahay xilka Cayrku helay”

Markii uu dhacay dagaalkii lagu shirqoolay Cayrka waxaa la maqlayey warqaadayaalkii wahaabiyada oo dhahaya: dagaalka Qanyare waxaa loogu aarayaa guddoomiyihii Cayrka ee uu ishortaagay iyo erayo la mid ah.

Arrimahaan aan kor ku soo sheegnay oo dhan waxay keeneen in halkii nin ee beeshu gacanta ugu jirtey ee ahaa C/qaasim uu ku guulaysto in si miyir la’aan ah uu beesha u geliyo dagaal aan wax dan ihi ugu jirin.

Dagaal khasaaro u ah adduun iyo aakhiro, dagaal si ridda ah loogu been abuurtay diinta islaamka, dagaal ay madaxiisa iyo mijihiisa hayaan bidcada wahaabiyada iyo kuwii soo adeegsaday.

Waxaa yaab leh habka dagaalkan loo geliyey beesha. Dulucdu waxay tahay waxaa dhici jirey dagaallo baadil ah oo ku dhisan isku dhaca qabaa’ilka. Dagaalladaas waxay Soomaalidu u galaan arrimo ay isku haystaan, sida madaxnimo, dhul, hanti,ismaan dhaaf IWM.

Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan iyo nidaam looga xaalo ama loo xalliyo dagaalladaas, wayna ka hishiiyaan hadii aanay lug ku lahayn fara gelin shisheeeye.

Laakiin dagaalkan wahaabiyada waxba kuma laha meelna kama soo gasho beeshan lagu dhakray dagaalka, waayo beesha Cayr:

· Lama yiraahdo midawga maxaakimta,

· Lama yiraahdo argagaxiso,

· Lama yiraahdo Al-itixaad,

· Cidna mas’uul ugama dhigan inay dhahaan dad gaaloobay ayaan la diririraynaa,

· Xaq uma lahayn beeshu inay ku duusho qabiilooyin iyo degaanno iyadoo difaacaysa magacyada aan soo sheegnay,

· Dan uma ahayn beesha in loo abuuro colaad gaara.

· Xaq looguma lahayn inay u dakanoobaan wahaabiyo.

Intaas waxaa ka daran, waxaa lagu dagaal geliyey magac diin, culammaa’u-diinka beeshuna waxay caddeeyeen in aanay diin ahayn.

Waxaa loo sheegay in dagaalkoodu jihaad yahay, culammada beeshuna waxay sheegeen in uu diinka ka baxayo qofkii jihaad ku sheega dagaalkan dhiigga muslimiintu ugu daadanayo sida xaq darrada ah.

Haddaba haddii culammada beeshu sidaas aaminsan tahay dadkii sida indha la’aanta ah loo gelshey dagaalka lagu taageerayo wahaabiyada maxay qiil ka dhigan doonaan? Ma la xisaabtami doonaan kuwii shirqoolkan ku riday markii xaqiiqadu u caddaato.

Shaki ugama jiro inta garashada leh in masuuliyadda dagaalkan uu qaadayo C/qaasim Salaad Xasan iyo kuwii ku taageeray;

waayo:

1. Wahaabiyada Cayrku haybad iyo awood toona kuma lahayn beesha dhexdeeda.

2. Tan labaad Xasan Daahir iyo wahaabiyada kale wax awooda uma lahayn inay dagaal geliyaan beesha Cayr.

3. C/qaasim ruuxiisu wuu joogi jirey isagoo wahaabi ah, wax awood ahna uma lahayn inuu fuliyo shirqoolladan wahaabiyada ee naxariis darrada ah. Laakiin waxaa fursaddan siiyey xilkii uu ka soo qaatay shirkii Carta.

Caalimiin iyo waxgarad badan ayaa qaba in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo shacabkiisa reer jabbuuti kula xisaabtamaan dadka didaalkoodii u beddeley shirqoolka.

Si gaara waxay madaxweyne Geelle uga rajaynayaan inuu Soomaalida ka dhayo nabarrada ka soo gaaray diyaarintii C/qaasim Salad Xasan, kaasoo ah shakhsi dhibaatadii hore kusoo kordhiyey argagax iyo jaha wareer aan horey loo arag,

sida:

· Colaadihii oo dib loo soo cusboonaysiiyey iyagoo huwan magac cusub.

· Dagaalladii iyo kala aarsigii qabiilka oo loo bixiyey magac diin.

· Daadintii dhiigga ummadda oo lagu sheegay Islaami, jihad, tawxiid iyo nimco Ilaahay looga xamdiyo.

Anigu waxaan ka mid ahaa masuuliyiintii uu Muqdisho kula kulmay mudane Cisman Axmed Yusuf oo ahaa ergaygii dawladda jabbuuti wakiilka uga ahaa qabanqaabada shirka Soomaalida.

Ma illoobayo sidii wanaagsanayd ee uu u dhegeystay hadalkayga, wuxuuna aad u garawsaday khatarihii aan uga sheegay shirka iyo sida looga badbaadi karo.

Wuxuu ii soo jeediyey inaan qoraal ugu dhiibo madaxweynaha iyo wasiirkiisa dibadda, maadaama aan waqtigaas hayey xilka guddoomiyannimada ahlu-sunna wal-jamaaca ee Soomaaliya.

Waxaan u sheegay in dhibaatadii laga sheeganayey hoggaamiyaalka kooxaha ay ka daran tahay in dalka gacanta loo geliyo kooxaha Wahaabiyada ee barnaamijkoodu sida gaarka ah uga muuqanayo shirka Carta.

Waxaa nasiib darro ah in digniintaas aan wax laga qaban inkastoo mudane Cismaan uu aad u qaatey una fahmay.

Waxaa kaloo nasiib darro ah in shirkii Carte aanu ahayn markii 1aad ee wax lagu soo dhisay Jabuuti ay colaado hor leh ka dhex dhaliyaan Soomaaliya.

Guud ahaan qaabkii diyaaar garawga shirkii carta, Difaaca natiijada ka soo baxday, iyo Mirihii ka dhashay difaacaas. wuxuuna gogol dhig u noqdey fursad ka mid ah fursadaha Wahaabiyadu ka faa?idaysatey ee abuurey xaalka Soomaaliya maanta ka jira
Qofkii qodxo abuuray qare uma soo dhasho. Qofkii tiin tallaalay timir ma gurto.

Naf waliba waxay galabsataa loo gorgoriyaa. Alle swt wuxuu beesha ugu deeqay tiro iyo tayo, nimcadaas Alle ku manneystay kama mahadcelin ee xooggii Alle siiyey waxay ku burburiyeen masaakiin itaaldaran, waxayna noqdeen askar laga amro Hobyo.

Abril 1995tii goortii reer Hobyo laba garab u dirireen (Caydiid & Caato) shirweyne beeshu ku yeelatay Warshadda Baastada Yusuf Goobe oo si miyir la'aan ah u taageersan MFCaydiid wuxuu yiri

"si madaxweyne looga dhigo MFCaydiid, beeshu waxay u hurtay naf iyo maal, waxaana qadiyadaas u dhintay 60,000 lixdan kun qof oo magac seddeaxan loo yaqaan"

Ka-dar oo dibi dhal waa doqon abaalkeede! Reer Hobyo waxay beesha ugu abaalgudeen dhowr naaneys oo laga xusi karo "Cayr Ilaahey… Cayr iyo cagaarshow baa dalkii looga carray… Haddaan Cayr ku dilin, cagaarshow baa ku dilaya oo mar walba dil baad ku xukuman tahay iwm."
Mahad waxaa leh Allihii igu hanuuniyey in aanan ka qeybgelin heestii ahayd halkudhegga beesha ee dulucdeedu ahayd "gulufka joojimeyno, gadaal u laabanmeyno, gees u leexanmeyno".

Sannadihii ka horreeyey 1995tii haddii lixdan kun beesha uga dhammatay dagaalkii USC/SNA, sannadihii ka dambeeyey ilaa maanta oo Saciid Tahliil la diley meeqaa beesha ka dhimmatay? Geerida naxdinta leh ee subax walba beesha hortaagan yaa mas'uul ka ah? Xaajo tuurleh baa nin la toosan.

Waxaa laga yabaa in dhowr meelood farta lagu fiiqo oo dhibaatadii beesha ku dhacday iyo eedaha dusha laga saaro meel aan ku habbooneyn. Hees xikmad baan oo Abwaan Tabantaabo tiriyey beydadkeeda waxaa ka mid ah "taariikhdu waa mid dhigan, dhambaaley uruurisaa, dhacdiyo mid la dhowrayaba."

Lama inkiri karo dhibaatadii beesha ku dhacday inay mas'uul ka yihiin shaqsiyaad sheegta madaxda beesha, waxa laga xusi karaa.

1. Koox Cabdi-daahir Ugaas hormood ka ahaa ayaa beesha u horkacday dagaalladii sokeeye ee madaxweyne looga dhigayey MFCaydiid.

2. Dagaalkii Maxaakiimta waxaa beesha horkacay Sh. Xasan Aweys.

3. Shabaabka waxaa abuuray oo tababaray Aadan Xaashi Faarax "Cayrow"

4. . Kooxda sheegata "Culimada" waxa haga oo ah hoggaamiye ruuxiga ah "spiritual leader" Sh. Xasan Aweys oo subax walba telefoon amar ku bixiya.

5. Madaxda Shabaab waxaa ka mid ah Khaliif Cadale oo dhaxlay jagadii Aadan Cayrow.

6. Shirkii Jabuuti ee lagu dhexdhexadiyey Kooxda Mbagathi iyo garabka Shariifeyn waxaa saxiixay Axmed C/Salaan oo ah afhayeenka Nuurcadde iyo C/maan Cabdishakuur oo ah afhayeenka Sh. Shariif.

7. Madaxda sarsaree Muqaawimada gudaha ka dirirta waxaa ka mid ah Sh. Xuseen-dheere, guddoomiyhii Maxkamada Ifka Xalan iyo Sh. Yusuf Indhacadde….

9. 10/10/2004 doorshadii Mbagathi wareegii 2aad goorii la hubsaday C/hi Yuusf inuu guuleysanayo. Mar uu dibedda nasasho ugu soo baxay, markuu fariistay waxaa iskuduubay 9 nin oo beesha, afarta adin ayey min labo ugu dhegeen, mid baa boos waayey. Raggaasi weli waa nool yihiin, waxaan filayaa inay maanta ula qaxeen Yaman.=======

Dalka Suuriya waxaa ku nool koox diintoodu tahay inay caabudaan "Ferjiga haweenka" oo macnihii gabadha bigrada ah ayaa loo sujuudaa oo ferjigeeda la dhunkadaa … Hindiya waxaa ku nool koox diintoodu tahay inay caabudaan "saxarada" oo macnihii subaxii ayuu marinka saxarada farta geliyaa oo xaarkiisa ursadaa. Waxaan filayaa kooxaha adduunyada ka jira oo dhan ee ku shaqeeya quraafaadka iyo qaabdarrada, haddii loo kuurgalo in laga helayo shaqsiyaad Cayr ah oo la shaqeeya.

Ciidammada gumeysiga (Xabashi & Amisom) waxa xasuuqeen Somaali tiro badan oo ay ku jireen kumanyaal beesha ah. Taas waxaa dheer Maleeshiyada Maryacalasta oo intooda badan ku hayb ah (C/hi Yusuf, Maxamed-dheer, Cabdi Qeybdiid) waxay si ula kac ah oo aargoosi cuskan u toogteen rag tiro badan oo beesha ah waxaa laga xusi karaa: (Nabaddoon Cali-daahir, Duldheer iyo kuwo kale) waxaas kooxaha afkaduuban ay madaxa ka toogteen in ka badan 40 sarkaal oo ah xulka beesha waxaa ka mid ah:

1. Jeneraal Cabdi Kaahiye Faarax Taliye Dugsiga Boliiska
2. Jeneraal C/qaadir Yuusuf Kaariye Taliye Xarumaha Agoonta (Asluubta)

3. Cali Iimaan Sharmaake Sarkaal & Ganacsade

4. Abukar C/salan X. Aadan Ganacsade

5. C/qaadir Aayatullaahi Xeer-ilaaliyaha

6. Cabdinasir Axmed "Serjito" Sarkaal XDS

7. Daahir Ibraahim Cabdi Ganacsade

8. Bashiir Nuur Geeddi Ganacsade

9. C/lahi Sheekhoow Xasan Gud. degmada Huriwaa

10. Nuur cilmi G/xigeen deg. Yaqshid

11. Calibashi Aloore Sarkaal hay'ad samafal

12. C/qaadir Xasan Guudxiir G/xigeenka deg. Waaberi

13. Cabdi Madoobe Sarkaal NSSta

14. Axmad Aw-Biriq Sarkaal NSSta

15. C/lahi Cabdi Yare Sarkaal Maxaakiimta

16. Ciise Cali Faarax "qodax" Sarkaal XDS

17. Axmed Sheekh Xasan Faarax Sarkaal Rayd (civil servent)

18. Khaliif Ciise Cabdi "ganey" Sarkaal XDS

19. G/Sare Nuur Xiireey Sarkaal XDS

20. Xasan Jaako Nabadoon

21. Cabdinaasir Aadan Muuse Madaxa WFP-Marka

22. G/Sare Axmed Cabdulle Maxamed Sarkaal XDS

23. C/qaadir Diini Raage Ganacsade

24. Nuuriye Cali faarax Taliye-xigeen Boliis-- Sh/Hoose

25. Duniya Sheekhdoon Cismaan Sarkaal Hay'ad Samafal

26. Axmed Awoowe Sarkaal dekedda Xamar

27. Fo'aad M.C. Daqarre Ganacsade

28. Maxamed Cali Rooble (CEFA-Marka)

29. Saciid Tahliil Axmed Madaxii HornAfrik

30. Cumar Cabdulle Xooshow Guddoomiyihii Kurtunwaarey




Marka loo kuurgalo hab-dhaqanka beesha ee hiyiraaca ku dhisan oo ay koox walba ku milan yihiin, xaaladdu waxay u muuqata dacaayadii ahayd "Talo Cayrey iyo Cayrow laba orod mid daa" oo hadda isu beddeshay bqoolka orod mid daa oo dhan isugu bayr isla markaana midee caqligaaga iyo cududaada. Murtida qoraalkani xambaarsan yahay waa laba arrimood in beeshu mid degdeg ugu tallaabsato:

1. Kooxaha tirada ee hadda beesha ku milan tahay inay ka baxdo oo mowqif mideysan yeelato, si ugu yaraan jiritaankeeda u badbaadiso, maxa yeelay waxaa dabargo' ku dhow nindoorkii beesha hoggaamin lahaa.

2. Iyado taas beddelkeeda oo noqoneysa "bakeylo nin iyo buur" nuxurkeedu yahay "karfantaada tolo oo geerida naxdinta leh gurigaaga ku sug", taasoo ah sidii cadowgu nala jeclaa…

N.B.MAQAALKA WAXAA DIYAARIYAY AQOONYAAHANO MADAXBANAAN O O BEESHA KATIRSAN OO QURBAJOOG AH … WAXAANA MAQAALADA QEEB KULEH C/QADIR OROMA OO KAMID AH DIASBARAHA BEESHA .

Xafiska saadaasha nabadda

e-mail- shakirali@hotmail.com