
Sh Muuse Caraale ayaa yiri "Cumar Xaashi Aadan waa 70 jir ku caan baxay hurunti dagaalada iyo in uu qeyb weyn uu ku lahaa dagaalkii sokeeye ee garabyada USC ee 1991"
Hadalkan uu Sh Muuse jeediyay ayaa ka danbeeyay shir saxaafadeed uu dhawaan qabtay wasiirka amniga qaranka Cumar Xaashi, kaasoo uu ku dowlada Eretria ku eedeeyay in shixnado hub ah ay soo galinayaan dalka, isagoo carabaabay in maalmo kala danbeeyay ay diyaarado ka soo dejisay garoonka Balidoogle ee gobolka Sh Hoose.
Dhanka kale C/qaadir Xaaji Max'ed Dhaqane oo ka tirsan isbahaysiga dibu xoreynta garabka Asmara ayaa Col Cumar Xaashi ku eedeeyay inuu garaacayo durbaan colaadeed, isagoona ugu baaqay inuu joojiyo hurinta dagalka.
Mr Dhaqane oo sheegay inuu yahay la taliyaha gudoomiyaha isbahaysigaas ayaa dicaayad raqiis ah ku tilmaamay hadalada sheegaya in dowlada Erteria ay hub ku soo daldaleyso gudaha Soomaaliya.
Banaadir Post
Beladul Aamin.
Afgooye.
Somalia.