Search This Blog

Tuesday, October 7, 2008

HORTA MUXUU SOO KORDHIYAY OO WANAAG IYO QASAARO AH RAIISULWASAARE NUUR HUSSEIN NUUR CADDE ?


Bismilaahi raxmaani raxiim Akhristow sidaad la socotaanba waxaa la isku baddelay xukuumaddii ugu horaysay ee dowladda federaalka soomaaliyaTaasoo ah iyadoo ra’iisulwasaarihii hore ee profesor Cali Mohamed geedi lagu beddelay ra’iisulwasaare cusub ee nuur Hussein nuur cadde .
Markaanu faallo gaaban ka bixinno ra’isulwasaarihii hore ee Cali Mohamed geedi waxa uu ahaa nin aad u dhalin yar isagoo ka dhalin yaraa nuur cadde oo aan wax khibrad ah oo siyaasadedna aan lahayn waxaana doortay madaxwaynaha D.FKS iyadoo xukuumadiina lagu qaybiyay nidaamka ah 4.5 oo muddo laba jeer bay baarlamaankii kalsoonidii u diideen mar saddexaadkii b uu madaxwaynihii uu toos u magacaabay isaga iyo nuur cadena waxa ay ka soo jeedaan hal beel beeshaasoo ah beesha mudulood ama abgaal .

Beeshaasoo ah beesha ugu badan magaalada muqadishu iyo hareeraheeda sida gobolka shabeelada dhexe qaybo ka mid ah gobolka mudug isla markaasna waxay DFKS timid magaalo madaxda gobolka shabeelaha dhexe ee jowhar ,degmaasoo ahayd degmada kaliya ee beesha mudulood faraha ku haysay waayo waxaa joogay mihamed cumar xabeeb Mohamed dheere jowharna waxay magaalada mugadishu ka xigtaa lixdan mayl inta xamar iyo jowhar u dhaxaysana cid aan muddulood ahayna ma ay degto nabadgalyo xumo awgood bayna dowladdu uga carartay xilligaa waayo xiligaa muddo laba jeer ah buu ra’iisulwasaarihii isku dayay inuu tago magaalada muqadishu waxa uuna kala kulmay qarax lala beegsaday isaga mana ay dhici karto in aya taa ku dhacdo waayo soomaalidu waxa ay ku maahmaahday mukulaal miniinkeeda joogtaa mi ciyo libaax bay leedahay waayo beel hawiye ah oo mudulood ka faro badan ama ka tayo fiican ma ay jirto waayo madaxwaynihii ugu horeeyay iyaga ayuu ahaa iyo taliyihii ciidankana iyaga ayuu ahaa janeraal daauud naxariistii janno allaha siiyee waxaa iga yaabiyay sida ay wax u jiraan sidaaasoo ay tahay cali Mohamed geedi waxaa ka go’anayd inuu wax ka qabto degaanka muduloodna uu nabad ka dhigo si ay ugu nabadgalaan dowladda soomaaliyeed iyo dadkii hore ugu deganaan jiray .

Waxaana arrintaa fashilyay dad gobollada kale ka soo duulay oo dowlad diid ah loona baxshay hadda sharwadayaal kuwaasoo marba shaar gashanayay soona adeegsanayay dad iyaga ka dhashay waxaa la isla lahaa markii ra’iisulwasaaraha cusub la magacaabay maadaama uu yahay nin wayn oo waayo arag ah oo in badan ka dhexmuuqday dowladihii hore ee soomaaliya ahaana janeraal polis ah oo dadka oo dhan yaqaan ayaa waxaa la is laha wixii uu Cali Mohamed geedi uu qalday buu sixi doonaa balse maba ay dhicin waayo wax talaabo ah oo uu qaaday oo ay maslaxadi ugu jirto dadkii uu ka dhashay iyo dowladdii dooratay lama arkin xukuumadiisana wax talaabo ah oo ay u qabatay shacabka soomaaliyeed lama hayo waxaan dowladii soo food saaray qatar aad u culus nimankii la muquuniyay ee argagaxisada ahaa ayaa waxay gacanta ku dhigeen hub ay kula dagaalamaan ciidamadii Ethiopia iyo kuwii ugandha ee Amisom hadana waxay gaareenba inay airopoorkii xidhayaan .

Waxaa kaloo faraha ka baxay goboladii ay dowladda faraha ku haysay oo ay ka mid yihiin shabeelada hoose waxaa la isku dayay afganbi in loo dhigo madaxwaynaha waxaana ilaa iyo hadda aan cadayn xaaladda dowladdu sida ay tahay waayo waxaad oodaa in ay baarlamaankii dowlada fedraalka inay ka muuqato dowladuhuna waa ay noqdaan laba koox laakiin waxa ay ka midaysan yihiin midda guud ee wadanka horumarkiisa iyo nabadgalyadiisa waxaana is oran karnaa rai’iisulwasaarahan cusub in wax faaiido ah oo muuqda inuusan u samayn dowladda fedraalka iyo shacabka soomaaliyeedba mana aan ku sheegi karno inuu yahay nin xoogleh balse waa nin laciif ah oo aad u jilicsan inta uu masuulka ahaana waxa uu ahaa intii uu wadanku ugu dhibaatada badnaa waayo isagiibaa waxa uu noqday muqaawamo ummadda soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in manta oo kale uu ka bixi karo xaaladda ay soomaaliya ku sugan tahay nin adag waayo runtii 100% waxaa ka fiicnaa oo ka waxtarsanaa Cali Mohamed geedi haday saan dhacaysana waxay ahayd in waxa uu qalday lagala hadlo .

Waxaan kula talin lahaa nuur cade inuu xilka iska wareejiyo amaba uu fuliyo dhaartii uu u soomaray dadka soomaaliyeed haddiise uusan labadaa midna uu san yeelin waxa ay noqonaysaa in xaaladdu sii xumaato waayo ma aynu oran karno nuurcadde nin wax tar ah ma ahan nabadda iyo suluxa wa loo baahan yahay adigoo nabadaa wada ba a lagaaga baahanyahay inaad difaacdo xuquuqda shacabka soomaaliyeed iyo qaranimadooda nin kasta oo masuul ahan dhaar ayuu dalka iyo dadkaba u maray waxaana lagu dhaartay ilaahay magaciisa xaqa ah dadkuna waa dad muslim ah qof muslim ah haduu ilaahay magaciisa been ku maro aduunkana wax u hagaagi mayaan aakhirana naarta ilaahay buu galayaa haduusan ka toobad keenin.

Qoraalkan waxaa diyaarshay
Mohamed Hussein osman
Mxuseen840@hotmail.com

Shalay ayay ahayd markii Alle ha u naxariistee guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan xaaji Dacar Xersi Xooshow uu ugu baaqay mali


Shalay ayay ahayd markii Alle ha u naxariistee guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan xaaji Dacar Xersi Xooshow uu ugu baaqay maliishiyada shabaabiyiinta in ay xanibaada ka daayaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan,waxaana maanta rag bistoolado ku hubeynsnaa ay toogteen xaajiga.


Alle ha u naxariistee guddoomiyaha ayaa waxaa toogtay sadex nin oo bistoolado watay xili uu marayay suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee magaalada Beled weyne waxaana lagu dhuftay ilaa iyo afar xabadood.
Shalay ayaa guddoomiyaha la dilay waxaa uu sheegay in aanay u dul qaadan Karin in la cabsi geliyo shaqaalaha gargaarka ee usoo gurmaday in ay wax taraan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Guddoomiyaha la dilay ayaa lagu xusuustaa dadaalo badan oo ku aadanaa in dagaal laga bad baadiyo magaalada Beled weyn iyo guud ahaan gobalka oo dhan waxaana uu ahaa nin inta badan jecel nabadda.
Wali ma jirto cid shaagatay masuuliyada dilkiisa waxaase dad badani u fasiranayaan in uu dilkiisu xiriir la leeyahay hadalkii uu shalay sii daayay ee ahaa in aanay usii dulqaadan doonin cabsi gelinta dadka wax galka ah iyo shaqaalaha gargaarka.
Dhamaaanteen bahda Wargayskan waxaa tacsi gaarisiinay dhaamaan Soomli oo dhan, iyo reer Hiiraan iyo reerkiisa gaarka ah..
Banaadir Post

Muqdisho: Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo cambaareeyey Al-Shabaab kuna baaqay Dagaal caalami ah oo lalagalo.


Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soojeeda gobalka Banaadir ayaa siweyn ucambeereeyey Ururka Al-Shabaab, wuxuuna ku eedeeyey in ay yihiin kuwa masuulka ah dhimashada 300 in ka badan oo dhintey sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay.


Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Hanjabaadii lugu xiray garoonka Muqdisho ay ahayd talaabo dhan ah ka Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay Al- Shabaab in ay go'aankaasi ka tanaasulaan ayna raacaan waxyaabaha danta ugu jirto.


Xildhibaankan wuxuu sheegay in dhawaan ay sameynayaan Baarlamaanka Soomaaliya sharci lugula dagaalamayo Ururka Al- Shabaab oo ku sheegay mid ka tirsan Ururka Al-Qaacida, markaasna Soomaaliya ka geysanaya falalka ka dhaca dalka Ciraaq.


Jeelle ayaa ugu baaqay dawladdaha Caalamka in ay ka taageeraan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, sidii looga hortagi lahaa Kooxahaasi, isagoo sheegay in ay tahay wax laga xumaado dilalka ay maalin walba geysanayaan Al- Shabaab waa sida uu hadalka udhigaye wuxuuna sheegay in ay Al- Shabaab ka dambeeyaan dadka Shacabkaa ee la dilo.


" Maalin walba dad Islaam ah ayay dilaan waxa ayna sidoo kale uhanjabeen Shaqaalaha Samafalka ee Soomaaliya, waxaa loo baahan yahay markaas in xidida loo siibo Ururkaasi ayadoo ay iska kaashanayan cid walboo ka soo horjeeda Argagixisada" Ayuu yiri Xildhibaan Salaad Cali Jeelle.


Salaad Cali Jeelle wuxuu ka mid ahaa ragii ugu cadcadaa xiliyadii ay socdeen dagaaladii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Maxkamadihii Soomaaliya laga saaray dhexmarayey, waxa ayna dad badan ku xasuustaan hadaladii looga bartay ee lugu difaacayay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.


Maxamuud Siciid Cabdi

Muqdisho....

Runta ma wajahnaa!! oohinta ma daynaa!!


Markii aan muddo aqrinay qoraallada aqoonyahanada iyo dhalinyarada, laguna soo qoro websayyada kala duwan, waxaa cadaatay in fikirka wax-dumisku ka xoog badanyahay kan wax-dhiska. Taas oo micnaheedu yahay: haddii aan wax dumis shaqo ka dhiganno oo hadal iyo ficil uga qeybgallo, inaan dalkeynna iyo dadkeynu ka baxayn xaallda qalafsan oo ay ku jiraan.


Ficilkeynna wada jirka oo dhanka saxda loo dhaqaajiyo oo kaliya ayaa nabadbaadin karaa.


Waa inaan lagu riyoon, la isku madadaalin in inta xumaan wadayaashu ka xoog badanyihiin samafalayaasha iyo wanaag doonka in dalkeyna la badbaadin karo.


Akhristow is-weydii dhanka aad ka soo jeeddo, ma waxaad tahay wax dhisi mise wax dumiyee!! Maxaad dhistay oo aad sheegan karta addunyo iyo aakhiro.


Haddi aad hadda ka hor aheed wax dumiye, toobadu xagga Ilaah waa furan tahay ee isdaba qabo.


Haddi aad tahay wax dhise, ku biiri hawshaada kuwa kula mid ah.

Sidaas darteed waxaa ila haboonaatay inaan arinkaas ku baraarujiyo aqristayaasha iyo qorayaasha.


Waxaan halkaan kusoo bandhigayaa waxyaabaha inta badan la qoro oo caqlida dadkeynna wasakheynaya iyo waxyaabaha loo baahanyahay in lagu talaabsado.

1. Calaacal iyo ooyin: Qoraallada Somaalida intooda badan waa calaacal, ooyin iyo eed-sheegad, taas oo aan ifineynin sida looga bixi karo musiibada Somaalida ku habsatay.


2.Buunbuunista waxyaabaha guracan: Waxaa la buunbuuniyaa qabyaaladda, dagaalada, danta dhaqsiyaadka iyo kooxaha ayada oo la iloobaayo dadnta guud sida soo celinta dawladnimada, shafta iyo karamada ummada.


3.Dagaal-oogayaal war-baahineed: Waxaa la buunbuuniya dagaallada sokeeye ee Somaalida dhexdeeda ah ayada oo weliba laga been sheegayo xaqiiqada.


Waxaa Websayyad badan noqdeen afka dagaal oogayaasha. Waxaa kale oo la buunbuuniya inta sharta ka shaqeysa ayada oo la aasayo, lana iloobayo inta wanaagga u taagan oo nabadda iyo humarinta ka shaqeysa.


4 Diineynta dagaallada: Waxaa si khaldan loo fasiraa Islaamka oo ah diinta dadka Somaaliyeed wada rumeysanyahay oo la rabay iney uhorseeddo wada-jirka, nabadda, humarka iyo iskaashiga. Waxaana dagaal kasta oo Somaalida ka dhex dhaca la siiyaa fasir diineed, haba sii kala darnaatee.


5.Shisheeyeynta mukhkiladeynna: Waxaa mushkilada dadka Somaaliyeed loo saariya xooggag shisheeye oo kaliya ayada oo meesha laga saarayo ama la is-ilowsiinayo qeybta madaxda iyo shacabka Somaaliyeed ku leeyahay dhibaatadaas. Waxaana xalka laga sugaa” bahda caalamka” oo aan laba garaneyn waxa ay tahay.

Si Arrimaha kor ku xusan looga gubdo waxaa loo baahanyahay:


1.Mushkilada ugu weyn ee Somaaliya waa tabar darida siyaasadeed (low capacity) oo ay astaan u tahay maqnaashaha ururo siyaasadeed sida xisbiyo ay ku bahoobeen waxgarad aan isku hayb aheyn laakiin isku fikir ah.


Hadaba ruuxii daneynaya xalka dhibaatada Somaaliyeed, ha baadi-goobo dad Somaali ah oo ay fakir wadaag yihiin, hana sameeyaan urur siyaasadeed.


Waa inaan laga fikirin in ururadaas hadda noqdaan kuwa waaweyn, laakiin ay noqdaan kuwa bedella habka fikirka iyo dhaqanka siyaasadeed ee hadda jira.


Ururadaasu hadii ay sii jiraan, qaarkood ayaa kobcaya, kuwa kalena ku darsamidoona.

2. Waxaa inta badan la sheegaa oo weliba lagu celceliyaa “Somaaliya hogaanka ayaa ka lumay” iyo “hogaan la’aan ayaa heysa”. Waa run, laakiin hogaan siyaasadeed oo hufan kama so dhaxbixi karo ururo beeleedyada ee wuxuu ku barbaara oo kaliya ururda fikirka wadaaga.


Sidaas darteed beerta hogaamiyayaasha Somaaliyeed lagu barbaari karo, lagu caan-bixin karo, kana soo bixi karaan waa ururada siyaasadeed iyo ururada bulshada rayidka ah.

3.Waa in haddi aan nahay Somali aaminaa, kuna qanacnaa in mushkilada Somaaliyeed ee na heysata qeybteeda ugu weyn aan sabab u nahay.


Waa dhaqan siyaadadeedkeyna khaladan (bad political culture), aqoon la’aanta maamulka, dhaqananka boobka hantida qaranka iyo eex beeledka.


Arimahaas oo dhan waxaa sal u ah in lagu xadgudbayo xuduudaa Ilaahey oo aan loo hogaansameyn qaanuunka dhigan iyo ka Ilaahey midna.


Sidaas darteed, haddi aanan dhaqankeenna wax ka bedelin, xalkana uraadinaa si lagu wadajiri karo oo sax ah, waxba nooma hirgelayaa. Ilaahey ma bedello xaalladda dadaku ku jiro, haddi aan dadkaasu iyagu isbedel la imaan.

4.Ugu dambeyntii, waa in diinteynna Islaamka oo la rabo iney mideyso Somaalida iyo Muslimiinta kaleab laga saaro in loo addegsato dagaallada sokeeye iyo kala qeybin Somaalida. Islaamka waa in loo ageegsadaa walaaleynta, mideynta, isku soo dhaweynta, heshiisiinta iyo kaalmeynta inta tabarta daran.


Islaamku waa inuu noqdaa dhaqankeynna iyo ficilkeynna ee uusan noqon muqaal dhexda ka dhaloola iyo hadal aan carabka baarkiisa dhaafsaneyn.


Cabdiraxman Baadiyow waa aqoonyahaan ka mid ah madaxda Xarakada Islaax, isla markaasna madax u ah Boorka Jaamicadda Muqdisho.


Waxaad Baadiyow kala xiriir kartaa e-mailka ah:
abdurahmanba@yahoo.com

Monday, October 6, 2008

Maxamed Dheere oo Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda




Guddomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ka hadlay xirnaashaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, hadal uu sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali iyo daciifnimo uu sheegay in ay la yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.


Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in xirnaashaha garoonka ay sabab u yihiin Shacabka ku dhaqan Muqdisho oo sida uu u yiri dantooda garan waayay iyo dowladda Federaalka oo dadka jiheyn weysay, danahoodana u tilmaami weysay.


“Arrinta garoonka iyo xirnaashihiisa waxaan qabaa in ay la xiriirto dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo danahooda garan la’ iyo Dowladda Federaalka oo iyaduna dadka ku jiheyn weysay in ay aayahooda gartaan”


ayuu yiri Maxamed Dheere oo shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay Garoonka dib ugu furan lahaayeen.


Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay ku sifoobeen daciifnimo isla markaana ay wax qaban la’ yihiin, isagoo carrabka ku dhuftay in maamulkii uu madaxda ka ahaa ee wax qabanayayna ay xilka ka qaadeen. Waxaa uu ku eedeeyay Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, “waxaa la socotiin in iyadoo Muslim iyo Gaallo loo diidan yahay in ay garoonka ka soo degaan oo madaafiic lagu garaacayo,madaxweynihii dalkana uu dhoofi la’ yahay ay Madaxda Xukuumadda ka soo degeen garoonka iyadoo aan wax madaafiic ah lagu tuurin”ayuu yiri Maxamed Dheere oo ka gaabsaday in uu magacaabo madaxda dowladda ee xiriirka la leh kooxaha dowladda ka soo horjeeda.


Waxaa uu ka hadlay hadal uu dhawaan sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo ahaa in Masjid ku yaala Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay in la bartilmaameedsado Odayaasha Hawiye, lana dilo.


“Saaxibkey Axmed Diiriye waxay ahayd in uu arrintaas mar hore garto, laakin haddii uu mar dambe gartay waa alle mahaddiis, waana ku bogaadinayaa in uu farta ku fiiqo in ay jiraan dad wanaagga ka soo horjeeda”


ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye looga baahan yahay in afkaartooda u soo bandhigaan sida Axmed Diiriye oo kale.


Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay u muuqdaan kuwo hadda fahamaya halka ay dhibaatada uga socoto, wuxuuna caddeeyay in loo baahnaa in ay garashadaas la yimaadaan sida uu hadalka u dhigay intii aan la dilin dad badan oo bulshada indho u ahaa, kuwaasi oo ay ku jireen gaancsato uu ka xusay Cabaas Maxamed Ducaale, C/kariin Shiikh Ibraahim Dhiblaawe iyo dad kale oo iyagoo aan waxba galabsan Muqdisho lagu dilay.


Banaadir Post

Magaalada Kismaayo iyo khaladka tirtiridda taariikha qaldan


Shaley aroortii waxay waraku kusoo baxeyn howl gallo ka socda magaalada Kismaayo , kaasi oo ka soo baxey maamulka cusub ee magaaladaasi gacanta ku haaya muddadaan dambe, oo ah burburinta kaniisadii ku tiillada beerta xuriyadda horteeda .

Maamulka ayaa amar ku bixiyey in la burburiyo , kaniidaan halkaasi ku tiil in ka badan 100 sannadood, oo ahayd meelha lagusoo tilmaansado magaalada Kismaayo, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay xaaraan in dalka ay ka dhisnaato kaniisado lagu dukanaayo diinta kirishtaanka.

Isla markaana waxaa ay go'aan ku gaareen in laga dhiso masaajid ay muslimiinta amase kuwa la islaamindoono ku tukadaan, lagana joojiyo ku tukashada kirishtaanka, waxyna sheegeen inay dalka oo idil ka burburindoonaan waxii kaniisado ah ee ku yaal, ay tanna tahay tillaabadii oogu horreysey, inkastoo la ogyahay inuu meesha uusan ka fogeen masaajid weyn oo ay Soomaalidu ku tukadaan.

Sheekh Zeylaci ayaan doonayaa inaan weydiiyo gaar ahaan iyo guud ahaan kuwa maamulka magaalada Kismaayo gacana ku haayo, so'aallo fara badan ayaa dhinac walbo iga hareereeyey, marka waan idin soo gudbinayaa, aniga oo aragtideydana raacsandoono, meeshii aan u arko inay ku habboontahay.

Maamulkiinna sharafta leh, waxuu sheegey inay kaniisadaani tahay xaaraan, haddaba weydiinta waxay tahay kuwa go'aankaasi gaarey ma hubsadeen waxa xaaraan iyo xalaal ay kala yihiin, waayo waxaa meesha ku yiil: gidaar ka kooban dhagac iyo sibir, qowlado, iyo guriyo dhir ,xafiisyo, iyo ciidda dalka, iyo gambaleel(jaras)bir ah, oo ay yaalliin sawirro dhax ku sameysan amase waraaqo ku sameysan, oo intaba sita magic la yri " KANIISAD" sida ay Soomaalidu u taqaan.

Haddaba ma intaasi ayaa xaaraan ah, taabashadooda mise magaca ayaad diiddeen oo aad u xaaraanteyseen ciiddii, dhagaxii, sibirkii birtii, haddii ay iftadiinnu taasi tahay macnaheeda waa dal la'aan iyo guryo la'aan, haddiise ay tahay magaca , magica laguu bixiyey ayaa maanta la iska beddelaa, oo mid kale la sameystaa, miyaysan dhicikari leheen, haddii aad magca siisaan oo aad tiraahdaan "maanta waxi ka dambeeyo waa masaajid sheikh hebel , amase masaajid hebel, miyaan lagu tukankarin, mise salad kuma ansaxeyso ciidda Kismaayo iyo masaajiddada Kismaayo.?

Qowladahii ay Soomaalidu degganeyd ee aad ka saarteen ma waxay ahaayeen kuwa ku noolaa dhul xaaraan ah, mise maamul ahaan ayaad ooga soo horjeeddaan dadka aad halkaasi ka saarteen oo arrintiinnu ayaa ahayd mid aad ka fiiriseen dhanka qabyaalad iyo wax aan loo fadhinin?

Miyaysan anfici leheen inaad u rogtaan dugi sare, heer jaamacad, dugsi hoose/dhexe, miyaan laga faa'idi leheen, oo magaalada wax tar miyaysan u lahaan leheen, iyo dadka masaakiinta ah ee aan waxba haaysan in caruurtooda wax lagu baro?.

Sheekhow, miyaan lag dhigi Karin maktabad lagu faafiyo kutubta diinta Islaamka oo noqnkartey meesha oogu qiimo badan ee magaalada ku taal, ayada oo aan la burburin, miyaana sina looga faa'iidi kareen, mise waa xaaraan in meel ay gaalo dhistey wax lagu qabsado, taasina daliilkeeda maxuu yahay diintee laga keeney?

Hantida ku baxdey dhismaheeda iyo burburinteeda, iyo hantida aad maanta dooneysaan inaad ku dhistaan masaajidka oo garabkiisa masaajid uu ku yaal miyaysan dadka iyo dalka wax kale u tari leheen.?

Diinteennaa soo tan qabto "diintiinna ayaad leedihiin, anna teyda ayaan leeyahay"mise taasi waa laga tirey diinteenna, oo sidaan ayaa soo korodhey, sow tii Ilaahay uu nabigeennaa barakeysnaa uu ku yiri"Maanta ayaan diintiinna idin kamiley, Islaamkana idin oggolaadey inuu diintiinna noqdo".

Sheekhow tillaabadaani waa mid aan laga fiirsan , oo u baahneyd marka hore in leys yiraaho, kaniisadaan maxay ku habboontahay oo laga sameen karaa, diinteen, dadkeen, iyo dalkeennaba ooga faa'iidi karaa,waase dhiciweysey, haddaba maxaa talo ah?

Waxaan ka baqayaa in furdadana ay noqoto mid xaaraan ah, waayo waxaa kusoo xidho, maraakiib khamro sida iyo kuwa ay gaalo leeyihiin,marka waa in maraakiibtaasina la burburiyo, dikaddana la burburiyo maadaama khamri oo xaaraan ah lala soo galo, mise waxaad I leedahay dhaqaale ayaan ka hellaa, saa darteed waa xalaaleyneynaa!!

Markeeda hore dhisitaanka kaniisadda khalad bay ahayd waa haddii aan isku raacno, waxayna dhacdey waqti ay Soomaalidu taag u hayn gumeystihii Talyaaniga,taasi waxay ahayd taariikh qaldan, hase yeeshee waxaa lagu saxey mid kasii khaldan, oo kasii xun, waxaanse jeclaan lahaa , in dalka iyo maamulkaba ka faa'iidaan dhismahaasi taariikhiga ah, isla markaana ay taariikhda ku geli lahaayeen wax qabadkooda.

Maantase masaajid uma baahneyn meesha in laga dhiso, waayo waxuu noqonayaa keli mid la qeybsado masaajidkii hore dadka ku tukado, ayada oo la ogyahay halka ay ku tiilley Kaniisada inay ahayd meel xafiiyada dowladda u dhow, inkastoo masaajidka kale uu aga dhowyahay.

Sheekhow maamulkiinna waxuu burburiyey taariikh loo baahnaa in carruurta looga sheekeeyo, hase yeeshee maantase khasaaro mooyaane, wanaag la sheego ma adan sameynin, waxaanse jeclaha ruux kastaa ee dalkaan iyo dadkaan wax u qabanaaya inuu marka hore is weydiiyaa, dadka iyo dalka maxaa looga faa'iideenkaraa, maxaase dhibaato ah ee ooga imaan karo jiritaanka sheygaani.

Qore:Jamaal Maxamed Mursal
jmm278@hotmail.com