Search This Blog

Monday, January 18, 2010

Xarakada Al-shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn mudaaharaadkii ka dhacay Magaalada Nairobi


Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id ku qabtay maanta duhurkii ayaa sheegay inaysan wax lug ah ku lahay xarrakadooda mudaaharaadkii ka dhacay Nairobi.


Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in hadalka wasiirka ammaanka Kenya uu yahay mid lagu doonayo in lagu xalaaleysto hantida iyo dhiigga dadka Muslimiinta ah ee ku sugan dalka Kenya.

"Wax lug ah kuma lihin mudaaharaadkii ka dhacay Magaalada Nairobi, mana jirto cid aan u dirsanay inay abaabusho isku-soo-baxaas" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaas ku daray in ururkooda uu ku egyahay gudaha Soomaaliya.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab, wuxuu sheegay in dalka Kenya ay mar walba oo ay doonayso inay marmarsiiyo u raadsato sidii ay u dhibaateyn lahayd Muslimiinta dalkaas ay iyaga tusaale u soo qaataan.
Isagoo ka jawaabayay su'aal ahayd in lagu eedeeyay dadkii mudaaharaadka sameeyay inay wateen calanka Madow ee lagu yaqaan ayna qaarkood wajiyada qarsadeen ayuu sheegay in taasi ay tahay marmarsiinyo.


"Calanka Madow ee Towxiidka leh waa mid ka dhexeeya Muslimiinta oo dhan, gaarna uma lahan Xarrakatul Shabaab, qof walba oo Muslim ah ayaa qaadanaya waayo waxaa looga dayanayaa Rasuulkeenkii Muxammed (NNKH)" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Xarrakada ayaa ka hadlay ammaanka Puntland isagoo sheegay in looga baahan yahay dadka ku nool Maamulkaas ay ku dabaqaan ammaanka ay haystaan ku dhaqanka sharciga Islaamka.

Hadalka kasoo baxay Xarrakatul Shabaab ayaa imaanaya kaddib markii wasiirka ammaanka ee dalka Kenya Prof. George Saitoti uu shir jaraa'id ku sheegay shalay in mudaaharaadkii ka dhacay dalkiisa ay soo abaabushay Xarrakatul Shabaab.



Banaadir Post
Moqdisho.