Search This Blog

Monday, January 25, 2010

Xarakada Shabaab oo kiciyay Wiishkii caanka ahaa ee Warshada Balcad


Xarakada Shabaab ayaa maanta kiciyay Wiishka caanka ahaa ee Warshadii Balcad, kaasoo shaqaalihii ka howl geli jiray Warshadaas loogu yeeri jiray, waxaana maanta ay warbaahinta ay tuseen agabkii warshadaas oo aan halna ka maqneyn.



Koox Suxufiyeen ah oo Shabaabka ka wadeen magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta soo tuseen Agabkii warshadii balcad ay laheyd, kadib markii horay u bililaqo u geysteen, hase ahaatee ay dib u celiyeen sida ay dadka deegaanka soo sheegeen.
Saraakiisha Alshabaab ayaa wariyeyaasha ku soo wareejiyay agabkii yiil warshadaas oo ka mid ah warshadaha kaliya ee ka bad baaday bur burkii dalka, waxaana dadka reer Balcad ay maanta qiiro ku reebtay wiishka la yeeriyay.


Mid ka mid ah Engineerada Warshadaas ayaa sheegay in warshada ay howl geli karto, isla markaana ay u baahan tahay kaliya dayactir, waxaana warshada ay leedahay 154 Mashiin oo dharka lagu soo saari jiray.

Bilo ka hor ayay ahayd markii laha been abuuray  Alshabaabka lagana sheegay waxaan horey looga baran.


Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiiin oo Maamul cusub u magacawday Gobolka Galguduud


Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa markii ugu horreysay maamul u magacowday Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya iyo Degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolkaas, iyadoo xafladdu ay ka dhacday Degmada Ceelbuur.



Magacaabidda labadan maamul oo ka mid noqonaya maamullada Xarrakada ee ka jira Gobollada dalka intooda badan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa aqoonyahanno, culummo iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolkaas.

Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo ah Madaxa Siyaasadda iyo Xiriirka Gobollada ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku dhawaaqay Magacyada mas'uuliyiinta loo magacabaay Gobolka iyo degmada, iyadoo xubnaha la magacaabay qaarkood ay madasha ka maqnaayeen.

Maamulka Gobolka Galguduud loo magacaabaya ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

Sheekh Yuusuf Ciise Axmed (Kabo-ku-tukade), Guddoomiyaha Gobolka Galguduud

Sheekh Daahir Macallin Axmed, Mas'uulka Garsoorka

Sheekh C/kariin Maxamuud, Mas'uulka Xafiiska Dacwadda iyo Tacliinta

Sheekh Xasan Yaasiin Geeddi, Ku xigeenka Mas'uulka Dacwada iyo Tacliinta

Sheekh Xasan Cali Geeddi, Mas'uulka Ammaanka

Sheekh C/qaadir Axmed Samatar, ku xigeenka Mas'uulka Ammaanka

Sheekh Xuseen Ibraahim Cali, Mas'uulka Maaliyadda

Sheekh Cimraan Bashiir Max'ed, ku xigeenka Mas'uulka Maaliyadda


Maamulka degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa iyagana waxaa loo magacaabay Mas'uuliyiinta kala ah:

Ciise Barre, Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur

Khaliif Qaariye Farey, ku xigeenka Guddoomiyaha

Sheekh Abubakar Muuse Max'ed, Mas'uulka Garsoorka

C/qaadir Cali Axmed, Mas'uulka Tacliinta iyo Dacwada

Inj. Axmed Cabdi, Mas'uulka Ammaanka

Jiinow Cali Ibraahim, ku xigeenka Maamulka Ammaanka
C/llaahi Abshir Faarax, Mas'uulka Maaliyadda
Ciise Salaad Cali, ku xigeenka Mas'uulka Maaliyadda

Mas'uulka xiriirka Gobollada iyo Siyaasadda ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo la hadlay mas'uuliyiinta ayaa ka dalbaday inay ka shaqeeyaan sidii ay dadka ugu adeegi lahaayeen, wuxuuna sidoo kale ka dalbaday dadku inay maamullladan gacan siiyaan.


Gobolka Galguduud ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo dagaal kula jira Xarrakatul Shabaab, iyadoo mas'uuliyiin saakay u hadlay ay sheegeen inay la yaaban yihiin maamulkaas loo magacaabay Gobolka.










Banaadir Post

Sunday, January 24, 2010

Mid ka mid ah masuuliyintii shalay dowlada Somalia ay u magacowday maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ka soo horjeestay xilkii loo dhiibay


Masuul ka tirsanaa kuwii maalinkii shalay madaxweynaha dowlada Somalia uu u magacaabay gobolka Sh/dhexe ee dalka Somalia ayaa sheegay inaanu diyaar u aheyn qabashada xilka loo magacaabay xiligan.



C/llaahi Cali Maxamed oo ah masuulka iska diiday Xoghayaha Guud ee Gobolka Sh/dhexe ayaa ka dib xiriiro uu la soo sameeyey warbaahinta magaalada Muqdisho isagoo ku sugan gobolka Sh/dhexe waxaa uu intaa ku daray in diidmadiisa uu ku wargeliyey masuuliyintii u soo bandhigtay arintaasi dhowr jeer oo hore ka hor inta aan loo magacaabin xilkaasi uuna ka cudurdaartay arintaasi.


“Aniga waxaanba moodaayey markii aan diiday xilkaasi in a iska key daayey, waxaana aad ula yabaay markii la ii sheegay in la ii magacaabay shalay xilkii aan horey u diiday oo laga sii daayey idaacadaha, websiteyadana lagu soo qoray” ayuu intaa ku daray Cabdullaahi Cali Maxamed.

Waxaa uu sheegay in haatan uu yahay nin maclin ka ah dugsiyada ku yaala gobolka Sh/dhexe, uuna ku qanacsan yahay macalinimadiisa, waxaana ka codsanayaa ayuu yiri dowlada Somalia in magaceyga laga tiro liiskaas laguna bedelo qof kale oo diyaar u ah.

Diidmada masuulkan ee xilka dowlada Somalia ay uga magacowday gobolka Sh/dhexe ayaa ku soo beegmaya xilli Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay ka taliso guud ahaan gobolkaasi dowladuna uusanba gacanta ugu jirin.











dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com

Faalo (Axmed Tuke, Shariif Sakiin & khaadim al-Sharifeyn)!-

Soomaaliyeey waxaa la inaga xukumaa diyaarad dusheed ama hoteel duleedkii



Burburkii Soomaaliya ka dhacay laga bilaabo 1990 iyo joogeena oo weli socda, 14 jeer ayaa beesha caalamka isku deydey in Soomaalida ay dib u heshiisiyaan. 2002 shir lagu heshiisinayo umada Soomaaliyeed ka furmey dalka Kenya, kaasoo ku dhamaadey in lagu dhiso Dowlad 2004. Dowladaas waxaa saldhig u noqotey magaalada Jowhar, ka dibna magaalada Baydhabo ugu dambeeyntiina Xamar halkaas oo ay ku fashishey.



Marba mar bay dhaantaae waagii Baarlamaanka Soomaaliyeed markuu Jowhar saldhiga u ahaa ka dibna Baydhabo, Xildhibaanada Soomaaliyeed waxeey awood u lahaayeen in ay shiraan, in ay doodaan, mooshino diyaariyaan Dowlada ku cambaareeyaan waxa aan umada iyo dalka aan dan u ahayen ilaa iyo Dowladii ay ku rideen. Marxalada hada aan mareyno ayaa waxa ay tahay in dalkeena oo 637,991 Km2 (Kiloomitir wareeg) ka kooban laga waayeey magaalo qura ah oo si ku meel gaar ah kol ay ku tahayna salka loo dhigo Baarlamaanka ilaa iyo inta laga dhisayo Dowlad. Khasab waxa nagu noqotay in aan Jibuuti mar kale marti u noqono dhaqaale ciida ka badane madaxeena ku helaan iyagoo dadaal ugu jirin in heshiino.

Dowlada cusub markii la dhisay uu Madaxweeynaha ka yahay Axmed Tuke, R/Wasaare ka yahay khaadim al-Sharifeyn (u adeegaha labada Shariif), maamulaha weeyn oo taladu ka go’do ka yahay Shariif Sakiin.

Mas’uliyiintaas ina xukuma khasab waxeey ku noqotay in ay 2 Km wax ka badan ay Filla Soomaaliya dhaafi waayeen, taas waxaa sii dheer waxay door bideen in ay diyaarad dusheeda ama hoteel duleedkii dalka ku xukumaan, Axmed Tuke iyo Wasiiradiisa marka ay dhoofaan Shariif Sakiin iyo Wasiiradiisa ayaa madaxa soo tusa mid kastena ugu badnaan labo usbuuc buu joogaa. Waxqabadkoodi wuxuu ku koobmey in ay marba Dowlad hoos dhigtaan gorofka cayreed waxa ay yaboohsadaan oo loogu rido umada Soomaaliyeed oo gaajeeysan shilin iska daee shaah kama cabaan, iyagii baa isku qabsada.

Madaxdeena sare iyo Wasiiradooda waxaay ku caan baxeen in ay dalka iibsadaan waxaana ka mid ah qandaraas lala saxiixday dalka Kenya oo loo hibeeyey baddeena nus qiimaha lagu iibsadeyna uu yahay cad quureed, qolooyin kale oo loo saxiixay in ay badddena iyo berrigaba haraadiga sunta warshadaha ku shubaan, qaarna loo saxiixey kallumeysi aan qiyaas laheeyn in ay ka kallumeystaan iyagoo kallumeysatada Soomaaliyeed waayeen meel ay ka kallumeeystaan maxaa yeelay qolooyin kaas oo wata maraakiib casri ah warshadahoodina ku dhex yaalin illa iyo ciidii baddeena ay xaalufiyeen, iwm. Intaas waxaa ka daran in ay lug ku leeyihiin kana dambeeyaan sida foosha xun ee bani adanimada ka baxsan loola dhaqmay Xildhibaanda iyo shacabka Soomaaliyeed e degen dalka Kenya. Ujeedada ugu weeyn laga leeyahay waxa ay tahay in la barakiciyo Xildhibaanada jooga Nairobi kuwaas oo ka soo hor jeeda Dowlada sideysan u helin meel iyo wakhti ku shiraan kagana doodaan sida ay Dowlada ugala

doodi lahaayeen waxyaala ku dhaliilayaan.

Soomaaliyeey soo gababeyoo, Dowlada ku uruursan Filla Soomaaliya saarana diyaarada dusheeda, degena hoteelada adunka ugu qaalisan dadkeenina madfac ka dul yeerayo dibedana daadsan yihiin gaajana diirkii ku dhegay is weeydiyoo maxeey dan ah oo dadka iyo dalka u haysaa?



Allidamaale Axad

Riyada iyo Habaabinta Rayaale saw lagama hadho


Siyaasadah maldahan ee had iyo jeer Madaxweyne Riyaale dadkiisa ku habayo


maalinba maalinta ka danbaysa ayay soo afjarmaysaa. Inbadan ayuu shacabkan

nabada jecel ee uu dhan walba dabaysha kaga keenay ayuu guyaal badan

dhegaha ugu shubaayay erayo siyaasadaysan oo dhalaan habaabis ah. Kuwaas

oo ay ka mid yihiin " Ninka madaxda ka ah UNDP ee qaabilsan Somaliland

iyo Somaliya." Sheeko iyo shaahid ma waxaynu aragnay madax laba dal

qaabilsan! Waxa kale oo ka mid ah erayadaa siyaasadaysan "Safiirka qaabilsan

Somaliya iyo Somaliland."



Anigoo weligayba la yaabanaa erayadaa shacabka lagu majaro habaabinayo

ayaa waxa u cadeeyay erayadaasi inaanay jirin oo ay yihiin hambag laysku

maaweelinaayo safiirka Masar ee u fadhiya Somaliya mar uu shir jaraaid oo

ku qabtay caasimada dalkeena Somaliland,isagoo ka jawaabayay waydiimo

ay suxufiyiin Somaliland u dhashay ku harqiyeen ayuu si cadho leh ugu jawaabay

"Anigu safiir ka socda dawlada Masar ee qaabilsan Somaliya,umana kala

qaadayo koonfur iyo waqooyi."



Isagoo safiirka Masar jooga dalka Somaliland hor fadhiyana Madaxweyne Riyaale

ayaa hadana afhayeenka madaxtooyadu warsaxaafadeed intuu qabtay weli dabada

sii hayaa erayadii siyaasada Somaliland lagu ragaadinayay ee ah "Somaliland iyo

Somaliya safiirka Masar u qaabilsan." Weliba sida uu safiirka Masar u fadhiya dalka

Somaliya uu si cad ugu sheegay Riyaale inuu u sido daqiiq iyo saliid ka mid ah

mucaawino ay dawlada Masar u fidisay Somaliya.



Dhamaan hay'adaha UN-ta ka socda ee ka hawl gala Somaliland waxa ay dalka ku

joogaan iyagoo sita magaca Somaliya inay wax ku caawinayaan, rumaysana inay

Somaliland gobol ahaan u joogaan,waxay qabanayaana gobol ahaan ku qabtaan.

Hadana dawlada dalka ka talisaa ee uu Riyaale hogaanka ka yahay waxay mar

kasta oo ay waxqabad hay'adahaasi fuliyaan ka hadlayaan ku magacaabaan

hay'adaa heblaayo ee qaabilsan Somaliland iyo Somaliya...!



Waxa aan hadaba talo ugu soo jeedinayaa hawl-wadeenada saxaafada Somaliland

inay ka waantoobaan erayada iyo weedhaha shacabka lagu marin habaabinayo.

Shacabkana waxa aan leeyahay riyada iyo habaabinta Rayaale saw lagama hadho.



Xaqa u hiiliya,xaq darradana diida.



Roda Gahayr

Hargeysa

Somaliland



DADKII KA BARAKACAY MAGAALADA BELEDWEYNE OO BILLAABAY IN AY DIB UGU SOO LAABTAAN MAGAALADA, IYO GOOBIHII GANACSI OO DIB LOO FURAY.


Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa haatan sida Wararku nagu soo gaarayaan aad u deggen, Waxana Dadkii Shacabka ahaa ee ka cararay Dagaalladii Muddooyinkan Magaaladaas ka oognaa ay billaabeen in ay dib ugu soo noqdaan Guryahoodii iyadoo Goobihii Ganacsi ee Dagaallada ku xirmayna ay dib u furmeen.


Magaalada Beledweyne ayaa haatan waxa Gacanta si Buuxda ugu haya Xoogagga Al Shabaab  Iyadoo Dariiqyada Magaaladaasna aad ku arkeyso Ciidamo ka tirsan Ururka Alshbab oo Gaafwareegaya.

Saraakiil ka tirsan Alshabaab  ee ka howlgala Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Xaaladda Magaaladu ay ku soo laabatay sideedii hore isla markaana ay haatan Shacabka weli ka Magaalada maqan ugu baaqayaan in ay Guryahooda ku soo laabtaan.