Search This Blog
Saturday, December 26, 2009
Khilaaf soo kala dhex galay Xisbul Islaam iyo Saraakiisha Xisbiga oo kala mowqifyo noqday
Iyadoo labadii maalmood ay isa soo tarayeen warar aan fadhin oo sheegayay in khilaaf uu soo dhex galay Ururka Xisbul Islaam, ayaa waxaa maanta si rasmi u soo shaac baxay khilaafkaas.
Saraakiisha Xisbiga ayaa markii u horeysay soo kala dhex gashay kala fikir duwanaansho dhinacyo badan leh, waxaana saraakiisha Xisbul Islaam u muuqdaan kuwo sii kala go'aya marka loo eego mowqifyadooda.
Madaxa Arrimaha Bulshada Xisbul Islaam Salmaan Sahal Muuse ayaa sheegay in wax shaqo ah aanay ku laheyn Xisbul Islaam cunaqabateynta lagu soo rogay Dowladda Eritrea, isla markaana aanay waxba ka gelin.
Salmaan Sahal ayaa khilaafay hadal uu maalin ka hor jeediyay Xoghahayaha Warfaafinta Xisbul Islaam Maxamed Macalin, kaasi oo ahaa in ay cambaareynayaan cunaqabateynta Golaha Ammaanka ku soo rogay Eritrea.
Waxaa kaloo ay labadaas sarkaal ku kala duwanaadeen hadal uu isla maalintaas jeediyay Maxamed Macalin, kaasi oo ahaa inuu fashil ku yimid wada hadal u socday iyaga iyo Shabaabka, waxaana uu dhankiisa sheegay in wali wada hadalada u socdaan.
"Ninkaas shaqsi ahaan ayuu u hadlay, waxaa idin sheegayaa inuu wali inoo socda wada hadal walaalaha Shabaab meel wanaagsan ayayna marayaan"ayuu yiri Salmaan Sahal Muuse oo shir jaraa'id ku qabtay Ceelasha Biyaha.
Kala fikir duwanaanshahan ayaa waxay u sii gogol xaareysaa bur bur ku yimaada Xisbul Islaam, taasoo dad badan horay u saadiliyeen, kadib markii horay ugu kala qeybsameen dagaalkii Jubooyinka ee Shabaabka la galay Axmed Madoobe.
Prof.Ibbi oo sheegay in gebi ahaanba ay fashilmeen qorshayaashii Madaxweyne Sheekh Shariif ee ahaa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafaadka Dowlada iyo dhinacyada ka soo horjeeda.
Ra'iisulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlada KMG Soomaaliya Prof.C/raxmaan Xaaji Maxamuud Aadan (Ibbi) ayaa sheegay inay gabi ahaanba meesha ka baxeen rajooyinkii laga qabay in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo arimaha Siyaasadeed ee ay isku hayaan iyaga iyo xooggaga ka soo horjeeda Dowlada.
Prof.Ibbi oo la hadlayay wargeyska ka soo baxa Dalka Sacuudiga ayaa u sheegay inay fashilmeen qorshayaashii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh shariif uu ku doonayay inuu wada xaajoodyo kula galo dhinacyada ka soo horjeeda Dowlada, markii ay ka socon waayeen dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda sida uu carabka ku dhuftay Prof.Ibii.
"dhankooda ayay ka socon waayeen isku dayadii dhanka wada hadalka waxayna taa ku dhaqaaqeen qorshe ku doonayaan inay Dowlada jirta xukunka uga tuuraan"ayuu yiri Prof.Ibbi oo intaasi ku sii daray inay Ciidamada Milatariga Dowlada iyo kuwa Booliiska ahna ay dhawaan la wareegi doonaan amaanka guud ahaan Soomaaliya.
Warka ah in amaanka Dowlada ay la wareegi doono ayaa ah mid maalmahaan danbe ku soo noq noqday afka madaxda Dowlada ama wasiir ha ahaado ama madaxda sar sae intaba lamana saadaalin karo xiliga howlgal ceynkaasi ah Dowladu geli doono, waxaase jirta uu ka soo yeeray wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga C/raxmaan Cabdi shakuur kaasoo ahaa in amaanka ay la wareegi doono Dowlada wixii ka horeeya xuska maalintii la doortay Madaxweyne shariif ee 31-ki Janaayo 2009,taasoo iminka bil iyo maalmo kaliya naga xigaan...
Baanaadir post
Thursday, December 24, 2009
MAXAA KA HORTAAGAN BEELAHA LA HAYB SOOCO KA QAYBGALKA SIYAASADDA DALKA?
Xuquuqda ka qaybgalka siyaasadda dalka ee beelaha la hayb sooco si la mid ah sida muwaadinninta ka le ee ka soo jeedda beelaha tirada badan waxa ay muhiimad wayn u leedahay horumarka dhaqan iyo dhaqaale ee dalka iyo bulshada guud ahaa, waxaa daruuri ama lagma maarmaan ah in isbedel xaggga takoorka iyo dhaqanka quudhsiga ku salaysan ee bulshdeena ku baahay la sameeyo, lagan wada shaqeeyo sidii loo dhimi lahaa ma loo wad tirtiri lahaa quudhsiga iyo takoorka raadka xun ku yeeshay nolosha muwaadiniin inal wadaaga dalka iyo diintaba.
Sida is ka cad, dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ee dalkani waxa ay la wadaagaan nolosha, dhibaatad, nabad galyada , horumarka iyo degenaanshaha iyo wax ka kasta ama xaalad kasta oo ay bulshada Somaliland ku sugan tahay, marka laga reebo waxyaalaha is dhexgalka ama takoorka quudhsiga ku salaysani ka reebaay.Mujtamca dalka oo dhamaan 100% muslim ah waxaa haddaba muran la’aan ah in hab dhaqan foolxun oo wax sal iyo raad toona aan lahayn in qaarka mid ah muwaadiniinta laga duudsiyay xuquuqdii islaamnimo iyo tii muwaadinimo labadba.
Sida runta nidaamka dimoqraadiga ama siyaasaddeed ee xorta ah ee maanta dalka ka jira oo ogolaanaya xuquuqda is abaabulka , ururada wadaniga ah iyo xoriyaadka saxaafadda ee dhamaan muwaadiniinta waxaan odhan karaa waa fursadda kowaad ee dahabiga ah taasi oo wax wayn ku kordhisay dadaalka in ay dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ay codkooda ku hadlaan, saxaafadda isla markaana ku soo gudbiyaan cabshadooda iyo baahiyaha u gaarka ah,iyo waliba inay ururro wadani ah oo abaabulka iyo horumarka dadka ka shaqeeya samaystaan, waxaana runtii mahad balaadhan leh dadka faraha badan ee ku nool dhamaan gobolada dalka ee beelaha tirada badan ee cadiidiska ama tacadigu ka yimaaddo ka tirsan kuwaasi oo si naxariis leh samafalka iyo taageerada had iyo jeer la garab taagan inay dadkaasi la quudhsaday ka baxaan dhibaatada takoorka xaga dhaqanka bulshada ay la nool yihiin kaga imanaaya.
Haddaan nuxurka maqaalkan ee caqabadaha ka hortaagan beelaha la hayb sooco inay si la siman muwaadinninta kale uga qaybqaataan hogaanka iyo siyaasadda dalka dib ugu soo noqdo, waxaa jirta in isbedelada xagga horumarka iyo xuquuqda dimoqraadiyadda ah ee somaliland dhawaan ka bilaabmay haddii loo eego kaalmaha ay kaga jiraan nolosha mujtamaca iyo hogaanka siyaasadda ee somaliland waxaa si cad kuugu muuqanaaya in ay ka sii hoosayso markii ay siyaasadda dalku ku salaysnayd nidaamka beela qaybsiga, taasi oo aanay waxba u kordhin wax ay ee mabaadiidi’ida assasiga ah ee dimoqraadiyadda ka dhinto mooyaane dadka la hayb sooco. Dhibaatooyinkaasi waxaa laga eegi karaa dhinacyo farabadan, iyadoo aan markasta xasuusanahay in quudhsiga ama takoorka beelaha gaboooye uu yahay dhaqanka ugu xun ee somalidu leedahay.
Haddii aan ka eegno dhinaca fahamka mabaadiidi’ida aasaasiga ah ee dimoqraadyadda waxaa ka mid ah in taladu ka go’odo dadka inta badan (The majority Rules) Taasoo had iyo jeer ay soo xigtaan dadka u dooda maamulka dimoqraadiga iyo xuquuqda aadamaha ee loo wada siman yahay, waxaan uga jeedaa maaha mabaadida dimoqraadiga inta adiga ama qolada badan uun dantooda sheegaysa in la siiyo tixgelin waxaase talada oo ka go’da inta badan daba taalla oo aan ka hadhi Karin in xuquuqda qof ahaaneed iyo danaha dadyawga laga tirada badan yahay ay ahaadaan kuwa si adag loo dhawray iyadoo dadka laga tirada badan yahay laga qayb gelinayo maamulka, qorshaha horumarka, talada iyo hogaanka miyi ilaa heer degmo, gobol iyo qaran si la mid ah muwaadinninta kale.
Sida darteed waxaa ka maqan dimoqraadiayadda Somaliland ee ku salaysan in tirade badan taladu ka go’oda qaar ka mid ah mabaadi’ida aasaasiga ah ee maamul wanaagga iyo horumarka dhamastiran ee bulshada dimoqraadiga ah ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay (the principales of protection of individual and minority rights and the majority rule in democracy) sida darteed dadaalka ay dadka ka soo jeeda beelaha gabooye ee la hayb sooco ay ugu jiraan sidii ay xuquuq iyo fursado si la mid ah kuwa muwaadinninta kale ee dhinacyada kala duwan ee horumarka, sida wax barashada, shaqada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo hogaanka dalka, dedaalkaasi waa mid bilaw ah soconna doona ilaa inta ay hadafkaasi gaadhayaan insha allah.
Halganka ama dadaalka ay bilaabeen beelaha la hayb sooco iyagoo ah muwaadiniinta Somaliland asal u ah in takoor iyo tiro yaraan ku waayeen xuquuqdoodii ka qaybgalka horumarka, talada iyo siyaasadda dalka maaha wax la aqbali karaayo Hadaba haddii ay ku soo bixi waayeen doorashooyinkii dalka hore uga dhacay ee deegaanka iyo baarlamaanka taasi ma in aanay xubno gole deegaan iyo mid baarlamaan midnaba waxba ku yeelan ayay xukumaysaa, waxaa lagama maarmaan ah dadka la hayb soocaa si ay uga qayb-galaan golayaasha lagu go’aamiyo arrimaha saameeya noloshooda.si xuquuqda dadka oo dhan mid yar iyo mid weynba dhamaan dalka ku wada nool loo simo in la raadiyo habkale oo shuruucda dalka dib loogu eegayo si loogu sameeyo dariiq sharciga waafaqsan oo ay kaga qaybgalaan golayaasha lagu qorshaynayo siyaasadda khusaynaysa baahidooda iyo noloshooda isla markaas siinaya fursad ay waxtarkooda ku yeeshaan horumaka bulshada iyo xuquuqda dadka ka soo jeeda beelaha gabooye ee ku nool Somaliland.
Nimco Iid Salaan – VOSOMWO Chairperson Hargeisa
Head Office Hargeisa Somaliland ...
Banaadir Post
banaadir post

Saddex wiil oo xisbul Islaam ka soo baxsadey kana daba tagay Indhacade oo ay qaraabo dhow yihiin
Wasiiru dowladaha Gaashaandhiga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indhacade oo Caruurtaan qaabilay ayaa Saxaafada u sheegay inuu aad ugu calool xumaaday markuu arkay caruur sidaan u da'a yar oo ciidan laga dhigtay isla markaana waalidkood in muddo ah arkin, waa isagu yiri.
Indhacade ayaa ahaa ragii aasaasey Xisbul Islaam, cabsi uga timid alshabaab darteedna u galay qolyaha Sheekh Shariif,ma dhici kartaa in indhacade yaqaano caruurtan, ciidamada ugu badan Xisbul Islaam waa Indhacade beeshiisa.
Wuxuu sheegay inow aad uga xumaadey kuwa caruurtan soo dagaal galay,taaso been ah, maxaa yeelay waa nin lagu yaqaan inow dagaal galiyo dhalin yaro beeleed aad da'a yar una badnaa dhamaantood beeshiisa.
Beeni raad ma leh..

Dad Badan oo ku geeriyooday Dagaal Maalintii Labaad Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaraya Maamulada Puntland iyo Galmudug
Barqanimadii Maanta ayaa waxaa dib dagaal uga qarxay Suuqa Magaalada Gaalkacyo kaaasoo u dhexeeya Ciidamada Dowlada Hoose ee Dowlaad Goboleedka Puntland iyo Ciidamo taabacsan Maamulka Galmudug ee Koonfuta Magaaladaasi ka jira.
Dagaalka oo la sku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan si weyn uga xooggan kii shalay ayaa sababay geerida ilaa 7 qofood halka dad intaasi ka siin badana ay dhaawacyo soo gaareen kadib rasaastii badneyd ee Maanta la is dhaafsaday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wali rasaastu si teel teel ah u socoto,islamarkaana Ciidamada labada dhinac ay wali isku hor fadhiyaan magaalada.
Khilaafkaan gacan ka hadalka keenay ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii ganacsato suuqa ku shaqeysata ay hub la soo baxeen islamarkaana dagaal kala hortageen Ciidamada Dowlada hoose ee Puntland markii ay amaro ku baxsheenin bartamaha suuqa laga rarao ganacsiga,taasoo ku saabsan in meelaha sharci darada ah aan lagu ganacsan,markii arintaasi dagaal keentay waxaa ay isu badashay dagaal maamulada u dhexeeya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in xaaladda dalku ay tahay mid sidii hore ka khatar badan
Khamiis, December 24, 2009: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo wareysi siiyay isagoo ku sugan dalka Ingiriiska Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa si weyn uga dayriyay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay tahay mid laga murugoodo.
C/llaahi Yuusuf oo xilka Madaxweynenimo ka dagay sanadkii hore kaddib markii cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka ayaa sheegay in kooxaha dowladda Soomaaliya ka horjeeda ay caqabad ku yihiin ammaan ka dhasha Soomaaliya, ayna qorsheynayaan inay weeraraan Gobollada nabdoon sida Puntland iyo Somaliland.
"Xaaladda Soomaaliya waa mid haatan ka khatar badan sidii hore, waxaana kooxaha dowladda ka horjeeda ay wadaan qorshayaal ay ku horumarinayaan dagaalladooda, waxaana tusaale u ah Qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf.
Gobollada Puntland ayuu sheegay inay ka jiraan xaalado ammaan xumo oo ay ka dambeeyaan dad ay adeegsanayaan kooxaha dowladda ka horjeeda, kuwaasoo uu sheegay inay u dhasheen gobollada koonfureed.
"Mar hore ayaan sheegay in kooxan ay yihiin kuwo khatar ku ah ammaanka guud ee dalka, anigana shaki iigama jiro in la qabsanayo Muqdisho, markaas kaddibna ay u qorsheysan tahay inay weeraraan Puntlnad iyo Somaliland" ayuu mar kale yiri Yuusuf.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Islaamiyiinta Soomaaliya ay soo mareen qaabab kala duwan ayna ku haminayeen inay xukunka la wareegaan markii ay dhacday xukuumaddii hore ee Soomaaliya, ayna isdhisayeen tan iyo markaas.
"Filimaayo kooxahan oo wata dagaalyahanno shisheeye ah inay ku hakan doonaan qabsashada Muqdisho, waxayse wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay kula wareegaan Soomaaliya oo dhan, dabadeedna ay sheegtaan ay qabsadaan Jabuuti, Ethiopia illaa Mareykanka" ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftay in markii uu xilka hayay iyo ka hor uu dhowr jeer oo hore caalamka u diray qaylo dhaan, balse aan xiligan waxba laga qaban karin kooxahan, isagoo sheegay inay weli jiraan fursado looga hortagi karo.
Waa markii labaad oo uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu wareysi siiyo warbaahinta tan iyo markii uu xukunka ka dagay dabayaaqadii sanadkii 2008, markaasoo uu socday shirkii lagu soo dhisay xukuumadda wadaagga ah ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Subscribe to:
Posts (Atom)

.jpg)