Horta, intaanan ka jawaabin su’aashaan, bal aan qeexo waxaaan ula jeedo qabiil iyo qabyaalad. Qabiil ama reer, ama jilib, ama jifi iwm, waa koox bulshada ka mid ah oo ku wada abtirsata hal ab ama oday. Qabyaalad waa markii wax lagu maamulo habka qabiilka oo dadka lgu kala takooro qabiil daradiis, qof wax lagu siiyo, qofna wax lagu yeelo.
Qeexiddaas ka dib, aan u gudbo dulucda maqaalkayga. Awalan, waxaan u arkaa wax fiican in qofku uu qabiilkiisa jeclaado, uuna la jeclaado horumar, barwaaqo iyo baraare. Waxaan sidoo kale u arkaa wax fiican in qofku ka shaqeeyo danaha qabiilkiisa. Haddaba, waxaa habboon in la isweeydiiyo, maxaa u dan ah qabiilkaaga? Jawaabtu waa sahal siday ila tahay. Waxaa u dan ah in qof kasta oo ka tirsan qabiilka uu helo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha qof banii’aadam ah sida nabadgelyo, waxbarasho, caafimaad, meherad uu ka xoogsado, hoy, biyo, nal, bay’ad nadiif ah oo bilicsan, xorriyad, xuquuql insaan iwm. Su’aasha taas ku xigta waxay tahay, haddii la adeegsado qabyaalad, ma la garsiin karaa xubnaha qabiilka nolo heer sare ah oo u qalanta qof banii’aadam ah? Waxaan isku dayaya inaan kaga jawaabo su’aashaas qaybahaan soo socda:
Ma loo daneeyaa qabiilka mise waa lagu daneeystaa?
Waxaan ognahay in mar kasta oo gole wasiiradeed la dhisayo in badanaaba dadku ka fiiriyaan in magaca qabiilkoodu ka muuqdo liiska wasiirada. La isma weeydiiyo qofkaasi muxuu u qaban karaa qabiilkiisa ama bulshadaba. Waxay noqotay caado aan la dhaafi karin in qabiil kasta uu suntado wasiir wasaarad nafac leh hoos timaado sida Wasiirka maaliyadda, kan saliidda, kan khayraadka badda iwm. Nasiibdarro, hadda sharcibaaba la dhigay in xubnaha xukuumadda iyo jagooyinka waaweeyn lagu qaybsado habka 4 qabiil iyo bar.
Qofka magaca qabiilka wax ku doonaya, kuna soo baxa, waxaan dhihi karaa 90% waa qabqable ku takhasususay ficiltanka qabiilka, waaya-arag ku ah guubaaba iyo dagaalka sokeeye, aragtidiisu ku kooban tahay reerkiisa oo keliya, aan muraadna ka lahayn maamulka dawliga ah, hadafkiisuna yahay inuuu waxun hanti ah ka xoqxoqdo meeshaas Waa mid aayan xisaabta ugu jirin horumar dhaqale iyo adeeg bulsho, isu haysta inuu sharciga sareeyo, waayo wuxuu aaminsan yahay inuu jagada ku helay, kuna haysto cududda qabiilkiisa. Qafkaas waxaa barbardhigtaa qof lagu soo xulay kartidiisa, waayo-arganimadiisa, daacadnimadiisa, hawlkarnimasiisa iyo aqoontiisa qoladuu iyo qabiilkuu rabo ha ahadee. Markaas waxaad isweydiisa, yaa danaha qabiilkaaga u roon ma midka magaca qabiilkaaga ku qaraabanya oo aan waxba kuugu ooleyn, mise midka aqoonta leh oo curin kara fikrado iyo qorshayaal wax loogu qabanayo bulshada oo qabiilkaagu ka mid yahay. Dabcan midkan dambe ayaa dan iyo faa’iido ugu jirta qabiilkaaga.
Haddaan mitaal kale soo qaadanno, waxaan aragnaa in mar kasta oo la dhisayo dawlad hoose, in qabiil ama jilib uu ku dhago mansabka Duqa magaalada, iyagoo ku andacoonaya inay u badan yihiin deegaanka inkastoo aan Soomaalida la tirakoobin. Sidaan ka warqabno, magaalooyinka waaweeyn ee Soomaaliya waa kuwo dhibaatoyin farabadani ay hadda la soo darseen. Waa magaalooyin si qaabdarro ah oo isku-raran ah u ballaaraty, aan lahayn adeeg bulsho, ay ka jiraan gaajo iyo shaqo la’aan, ay mar kasta ka dillaacaan cudurada faafa, aan lahayn waddooyin gawaaridu maraan iyo hab qashinka looga guro oo weliba ammaakoodu halis ku jiro. Caqliga saliimka ahi wuxuu ku talin lahaa in magaalada noocaas oo kale loo doorta Duq-magaalo oo lagu soo xulay waayo-aragnimadiisa, kartidiisa, akhlaaqdiisa, farsamadiisa, iyo aqoontiisa xagga maamulka iyo jaangooynta magaalooyinka, cidduu iyo qoladuu rabo ha noqdee. Taasi ma dhacdee, waxaa la magacaabaa ama is-magacaaba qabqable magac qabiil ku duulaya oo aan cidna u abaayaleeyn. Markaas waxaad isweeydiinaysaa, qabiilkaan deegaanka sheeganyey ma dhisayeen magaaladooda mise waa duminayeen.
Maya, qabyaaladdu dan uma aha qabiilka
Horey waxaan u niri danta qabiilka waxaa cabbir u ah waxqabad ku aadan mashaariic horumarineed oo nolosha bulshada bila sida dugsiyo, cisbitaalo, ceelal dadka iyo xooluhu ka cabbaan, fursado shaqo, guriyeyn, warshadeyn, xorriyad, ammaan iyo xasilooni. Hawshaas qofkii wax kaaga qaban kara ayaa kula tol ah oo kuu dan ah qoladuu rabo ha ahaade xitaa ajnabi. Dhanka kale, qofkii aan ceel ku qodayn, oo dugsi kuu dhisayn, oo isbitaal ku fureyn oo ammaan aan kuu sugeyn, kaas ayaa shisheeye kuu ah oo danaha qabiilkaaga ka soo horjeeda waloow aad magac wadaagtaan.
Waxaa la yaab leh, dadku markay maareeynayaan danahooda gaarka ah waa xisaabtamaan. Qofna ma oggola inuu dukaankiisa u dhiibto qof ay isku reer yihiin oo tuuga ah illeyn waa xadayaaye, qofna ma oggola inuu raaco baabuur uu wado ina adeerkiis oo aan weligiis darawalnimo baran, illeyn shilbuu galinayaaye, qofna ma oggola inuu walaakiis oo aan takhtar ahayn yiraahdo i qal illeyn waa dilayaaye. Waa yaabe, maxaa sidaas oo kale loogu xisaabtami waayey markii arrintu taagan tahay danta guud iyo maamulka dawliga ah.
Gabagabadii, ujeedada maqaalkaani ma ahayn inaa kaga faaloodo dhibaatooyinka faraha badan ee qabyaaladdu keento oo waxaa hadal dhammeeyey Allaha u naxariiste abwaan Abdullaahi Sultaan Timacadde markuu yiri: “Dugsi ma leh qabyaladi waxay dumis mooyaane”. Ujeedadaydu waxay ahayd oo keliya baraarujin in haddii jagooyinka dawladda lagu qaybiyo hab qabyaaladeed oo aan la firin mudnaan (merit) waxaa halkaas ku dulman waa qabiilkaaga iyo bulshdoo idilba oo aan helayn daryeelkay mudnaayeen. Ma magac qabiil oo lagugu dulleysto ayaad rabtaa mise maamul toosan lagugu daryeelo.
W.Q. Mohamed Dalmar
Search This Blog
Tuesday, November 18, 2008
Nabad diidku waa dawlad diid!!
Nabadda waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta!
Sida la ogyahay Jabhadihii lagu soo sameeyay, laguna soo howlgeliyay iney dumiyaan dowaldii Somaaliyeed waxey u adeegayeen istrateejiyada dowladda Itoobiya oo sheegtay iney hore u qorsheysay burburinta iyo kale qaybinta Soomaaliya. fadlan si fiican u aqri websitka
http://www.mfa.gov.et/Foreign_Policy_And_Relation/Relations_With_Horn_Africa_Somalia.php. Fikirka Jabhadaha waxaa sal ka ah qabyallad hubaysan oo aan laga xishooneyn. Waxa kale oo sidaas oo kale u dhaqmay dowladii qaranka oo la mooday inay isku badashay goob ay leeyihiin beello gaar ah. Qabyaalladii laga xishoon jiray ilkaheedii ayaa banaanka la soo dhigay. Sheekadii habeenka ayaa maallintii isku bedashay. Waxaa fikirkeeni ka badin waayay “yaa tolaheey! waa wareey!!” oo ay aqrinayaan Jeneraallo iyo doktooro loo soo carbiyay dowladnimada iyo qaranimada. Weli waa joogaan kuwa firkiikaas uraya (qurunka ah) kasii wada dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Dawladii Soomaaliyeed iyo qaranimadeenii waa la jajabsaday, waxaana boqol sanno ka badan wixii Soomaaliya lahayd loo beec geeyay sayladaha caalamka. Ruuxii aan tol laheynow ba’a! Sidaas ayaa xaalka la gaarsiiyay. Soomaaligii aan ka dhalan reer hubeysan, ruuxii Soomaali noqday oo beel aan shaqo ku darsan, ruuxii Alle ka cabsi u gaysay inuu fitnada ka fogaado, waxay noqdeen dhibanayaal (victims), waxaana laga dhigtay la haystayaal (hostages).
Muddo dabadeed, Soomaalidii waa kala qaxday, reerba meel ayuu ku ururay, ugu dambeyntii, safarkii qixitaanka meel ayaa lagu furay. Intii dibadda u firxatay waxay kaalmeysay intii gudaha ku go’doontay. Waxaa bilaabatay marxalad cusub oo wajiga biyo la marsaday, dibna loo tashaday. Meelo badan waxaa laga sameeyay nabad iyo maamuul, meelo kalena weli waa la caaboonyahay (lama daalin) oo waa dagaal ujoog. Hadaba, waxaa iswaydiin u baahan maxaa goboladda qaar nabad uga dhacday, kuwa kalena nabad looga keeni waayay?
Waxaa nabad laga waayay intii Jabhadda USC sheegatay inay ka taliso iyo intii ay luga fidsatay. Waxay ka bilaabataa koonfurta Gaalkacyo waxayna ku luga fidsataa ilaa Raas kambooni, waa inta sanadahaan loo bixiyay koonfurta Somaaliya. Waa Soomaaliya inteeda kale marka laga reebo Puntland iyo Somaliland. Hadaba waa maxaa jinka halkaan degay iyo kheyrka meelaha kale laga helay? Ma reeraha degan ayaa kala fiican? Max wax kale ayaa jira? Ma rabo inaan ku meereysto sheekooyinka ah waxaa ku taalla caasimadda, khayraad badan ayaa la isku haystaa (resources) iyo waxyaabaha la dhihi karo waa cudur-daar (apologetic). Dhabtii, waxa la dhihi karaa arinku shacbi ma aha oo shacbi kasta nabad iyo nolol waa rabaa. Laakiin, waxaa halkaas ku tallo xumaystay, jin la yihaado (USC) oo shaqo ka dhigtay: ihorkici maysid, ku horkici maayo, kala hari-mayno! Sow ha la isbar-bar yaaco ma aha!! Hadaba sidaas dowlad ma ku imaaneysaa? Gobolladda kale ee dalku waxay ka xoroobeen Jabhadihii, Soomaaliland waxay dhisantay markii Jabhadda SNM meesha laga saaray oo talada loo dhiibay Guurtida. Puntland waxay hagaagtay markii SSDF meesha laga saaray oo hawsha Issamada lagu wareejiyay. Labadaas meelood waxaa loo noqday dhaqankii si nabad loo keeno, maamulna loo bilaabo.
Magaalada Xamar iyo inta la xiriirta, Jabhadihii ayaa qurunsaday. Jabhadahaasu waa kale adkaan waayeen, ayagana waa laga adkaan waayay! Maxaa yeelay waxaa kobcinaayay oo gacan buuxda siinayay bulshada caalamka (international community) iyo dawladii soo barbaarisay–Itoobiya. Waxaa loo diidday aqoonyahaanada Somaaliyeed muddo 10 sano ka badan wax talo ah in laga dhagaysto. Dalkii waxaa gacanta loo galiyay madaxda Jabhadaha, inta kalena waxaa lagu yiri ku daba fayla jabhada reerkiina. Waxaa Jabhadaha loo dhigay karbedka casaanka ah (red carpet), waxaa lagu yiri waxaad tihiin hogaamiyeyaal siyaasadeed, waxaa loo qabtay shirar aan kale go’laheyn, waxaa laga saxiixay in ka badan 12 heshiis. Haseyeeshee, waxba kama soo naaso cadaan!! Maxaa yeelay, shirarkaasu waxay ahaayeen maaweello ee dhabba ma ahayn!!! Waxay ahaayeen jilid la rabay in Somaaliya lagu dilo, laguna qaybiyo, laakiin waa dhiman la’dahay oo Ilaahey sida ma qadarin. Khayr badan oo aan umuuqan ajnabiga ayaa ku kaydsan, waxaana lala yaabay horumarka ay ka gaareen ganacsiga, tacliinta, bulshada Rayidka ah, isgaarsiinta iwm. Jabhaduhu waxay ahaayeen been la dhoodhoobay. Kuma dhisnayn beel oo dhaqanka beeshaas lagu xisaabin karo, kamana talinayn madaxda runta ah ee beeshu. Jabhaduhu ma ahayn xisbi siyaasi ah oo laga noqon karo xubin oo dadkeedu tirsanyahay, lehna nidaam ay ku wada shaqeeyaan. Jabhaduhu waxay ahaayeen wiiro-wiiro, horjooge maleeshiyeed dadka booba, kana cabsan dhiig daadinta, madaxoodana ayan ku jirin qaranimo iyo dan guud. Meeshii laga waayo ayaa maamul samaysay, meeshii ay joogaan balaayo ayaa fadhiisatay.
Wax lagu magacaabi karo shir Soomaaliyeed oo heer qaran, wuxuu la bilowday Shirkii Carta ee Jabuuti lagu qabtay 2000, asiguna ceebo badan waa lahaa. Laakiin, waxaa la dhihi karaa wuxuu Soomaaliya u gudbiyay marxalad cusub oo waxaa laga gudbay Jahbadaha, la dhiiri galiyay bulshda rayidka ah, dowlad qaran oo la ictirafay ayaa lagu dhisay. Laakiin nidaamkii Carta lagu dhisay waa la wiiqay, kuwii madaxda ka noqdayna waa iswiiqeen. Itoobiya iyo Maraykanka ayaa sal u ahaa wiiqidda, Jabhadaha ayaa loo adeegsaday. Nasiib daro, waxay ku soo beegantay 9/11 iyo wayrixii iyo caradii Maraykanka iyo bilowgii la dagaalanka argagixisada. Waxaa mar kale soo xoogastay Jabhadihii iyo Itoobiya, waa tii la qabtay shirkii Kenya (2002-2004), waxaa ka soo baxay nidaam xukun oo laga min-guuriyay kii Carte, laakiin madaxda Jabhaduhu hor boodayaan. Waxaa lagu go’aamiyay in Jabhaduhu soo xulaan xubnaha baarlamaanka!! Nin xoog leh xaajo u tuuday! Nin la rabaa reyn badana anba reedda waa ka rogee!! Oo micnaheedu yahay (fiicanaa nin la rabo aniguba waan agtaagnaaye). Sida la wada ogyahay, xaalka dowaldii lagu soo dhisay Kenya waxaa lagu sifayn karaa: khilaaf aan istaagayn; dagaal aan dhamaanayn; shaqo dawlo oo aan la qabanayn; xoollaha oo la iska boobayo; baarlamaan iska cayaaraya oo maalinba ku boodaya mid ka mid ah madaxda dowladda, kana siib kana saar kaliya ka shaqeeya; madaxwayne iyo ra’isulwasaare khilaaf u joog ah oo haddii ay isqabtaan, Itoobiya heshiisiin u aadaya; Walle waa wax lala yaabo!!
Waxaa intaas la jira, imaanshihii midowga maxkamadaha, kacaankii dadwaynaha iyo jabhadii cusbayd ee lagu dhawaaqay oo culumadu hogaaminaysay. Hiilladii dadwaynaha oo lagu bixiyay Jabhadihii, sooma kordhin dhismo maamul iyo nidaaan xukun hawl-gal ah. Xukunku aqoon ayuu rabaa, dadka oo laga qayb galiyo ayuu rabaa, inaan xoog lagu qaadan ayuu rabaa. Hasa yeeshee, wixii dhacay ka sheekayn uma baahna, nabadii waa tii la diiday, dagaal ayaa jilibka loo laabay, Jabkii la ogaa ayaa ka dhacay, yaa ka ma’suul ah la isma weydiin. Sidii Jabhadihii oo kale, xisaabtan lama ogola, hore ha loo socdo waaye taladu. Waxaa si khaldan loo adeegsaday Islaamka, wadaninimada iyo qabiilka si wada jir ah ama kala jir ah, waxaana la adeegsanayay war baahinta si heer sare ah oo lagu marin habaabin karo dadka.
Waxaa dib loo abaabulay Jabhadii la magac baxday “dib-xureynta Somaliya” oo lagu asaasay Asmara. Waxaa Somaaliya mar kale gashay af libaax. Faragelintii Itoobiya waxaa ku soo biirtay faragalinta Eriteriya. Waxaa la galay dagaal labo dowlad u dhexeeya oo “dhiigga Somaaliyeed” lagu daadinayo si raqiis ah, laguna wiiqayo dowaldnimadeeda. Dhexdeena, waxaa ka bilaabatay isgaalaysiinta iyo iscolladinta xoogagii shalay inta kale kula dagaalamay magaca Islaamka. Qaar ayaa nabadda qaatay, kuwa kalena waxay welli wadaan dagaal. Waxaa bilaabatay cabsi ah amay ku socota heerkii USC-dii hore!! Kale qaybsanaantii hore iyo dagaallo faraha looga gubto!! Heshiiskii ugu dambeeyay ee Jabuuti, wuxuu ahaa “caano daatay dabadooda la qabtaa!” wuxuu ahaa rajo cusub oo nabadeed, waxaa ubaahan dadkeyna geedaha hoostooda quban, kuwa baduhu liqayaan, kuwa xabaddu aftar dhinac uga socoto, kuwa gaajada baarka dhulka ugu haya, waxaa ubaahan badbaadinta qaranimadeyna iyo jiritaankeynna. Waxaa martigalisay dowladda DJabuti oo looga bartay wanaag iyo Soomaali jacayl. Waxaa xoog saaray madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle iyo raggisii nabadda ku caanka baxay, waxaa lagu heshiiyay in Itoobiya dalka ka baxdo, ayaduna waa aqbashay, mudaduna waa gaabantahay. Dabadeed, waxaa la damacsanyahay in la nabadoobo, doorasho xalaal ah dalka laga diyaariyo dhamaadka 2009.
Waddada la hayo waa muuqataa, waxaa soo socota waqti aan xoog wax lagu xukumayn, wadaad ayaan ahay aan wax lagu xukumayn, reer hebel ayaan wakiil u ahay aan wax lagu xukumayn, Itoobiya ayaa I wadata aan wax lagu xukumayn. Waxaa soo socota waqti aan Islaamka hoos loo fiirineyn, dadku simanyahay, shirko ku yahay diinta, dalka iyo dawaldnimada. Waxaa wax lagu xukumaa waa dadkayga ayaa I soo doortay, danta dalkayga ayaan ka shaqaynayaa, dhaqanka Islaamka ayaan kobcinaya, nabada gobolka ayaan horseedayaa iyo iskaashiga caalamiga ayaan doonayaa. Waa taas wadada Soomaaliyeed ee dawladnimada, nolosha iyo nabadu, waa taas tubta toosan ee Islaamka. Hadaba yaa diidan nabadaas? waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta!!
[1] Cabdiraxman Baadiyow waa aqoonyahaan ka mid ah madaxda Xarakada Islaax, isla markaasna madax u ah Boorka Jaamicadda Muqdisho. Waxaad kala xiriir kartaa Email:
abduraxmanba@yahoo.com
Sida la ogyahay Jabhadihii lagu soo sameeyay, laguna soo howlgeliyay iney dumiyaan dowaldii Somaaliyeed waxey u adeegayeen istrateejiyada dowladda Itoobiya oo sheegtay iney hore u qorsheysay burburinta iyo kale qaybinta Soomaaliya. fadlan si fiican u aqri websitka
http://www.mfa.gov.et/Foreign_Policy_And_Relation/Relations_With_Horn_Africa_Somalia.php. Fikirka Jabhadaha waxaa sal ka ah qabyallad hubaysan oo aan laga xishooneyn. Waxa kale oo sidaas oo kale u dhaqmay dowladii qaranka oo la mooday inay isku badashay goob ay leeyihiin beello gaar ah. Qabyaalladii laga xishoon jiray ilkaheedii ayaa banaanka la soo dhigay. Sheekadii habeenka ayaa maallintii isku bedashay. Waxaa fikirkeeni ka badin waayay “yaa tolaheey! waa wareey!!” oo ay aqrinayaan Jeneraallo iyo doktooro loo soo carbiyay dowladnimada iyo qaranimada. Weli waa joogaan kuwa firkiikaas uraya (qurunka ah) kasii wada dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Dawladii Soomaaliyeed iyo qaranimadeenii waa la jajabsaday, waxaana boqol sanno ka badan wixii Soomaaliya lahayd loo beec geeyay sayladaha caalamka. Ruuxii aan tol laheynow ba’a! Sidaas ayaa xaalka la gaarsiiyay. Soomaaligii aan ka dhalan reer hubeysan, ruuxii Soomaali noqday oo beel aan shaqo ku darsan, ruuxii Alle ka cabsi u gaysay inuu fitnada ka fogaado, waxay noqdeen dhibanayaal (victims), waxaana laga dhigtay la haystayaal (hostages).
Muddo dabadeed, Soomaalidii waa kala qaxday, reerba meel ayuu ku ururay, ugu dambeyntii, safarkii qixitaanka meel ayaa lagu furay. Intii dibadda u firxatay waxay kaalmeysay intii gudaha ku go’doontay. Waxaa bilaabatay marxalad cusub oo wajiga biyo la marsaday, dibna loo tashaday. Meelo badan waxaa laga sameeyay nabad iyo maamuul, meelo kalena weli waa la caaboonyahay (lama daalin) oo waa dagaal ujoog. Hadaba, waxaa iswaydiin u baahan maxaa goboladda qaar nabad uga dhacday, kuwa kalena nabad looga keeni waayay?
Waxaa nabad laga waayay intii Jabhadda USC sheegatay inay ka taliso iyo intii ay luga fidsatay. Waxay ka bilaabataa koonfurta Gaalkacyo waxayna ku luga fidsataa ilaa Raas kambooni, waa inta sanadahaan loo bixiyay koonfurta Somaaliya. Waa Soomaaliya inteeda kale marka laga reebo Puntland iyo Somaliland. Hadaba waa maxaa jinka halkaan degay iyo kheyrka meelaha kale laga helay? Ma reeraha degan ayaa kala fiican? Max wax kale ayaa jira? Ma rabo inaan ku meereysto sheekooyinka ah waxaa ku taalla caasimadda, khayraad badan ayaa la isku haystaa (resources) iyo waxyaabaha la dhihi karo waa cudur-daar (apologetic). Dhabtii, waxa la dhihi karaa arinku shacbi ma aha oo shacbi kasta nabad iyo nolol waa rabaa. Laakiin, waxaa halkaas ku tallo xumaystay, jin la yihaado (USC) oo shaqo ka dhigtay: ihorkici maysid, ku horkici maayo, kala hari-mayno! Sow ha la isbar-bar yaaco ma aha!! Hadaba sidaas dowlad ma ku imaaneysaa? Gobolladda kale ee dalku waxay ka xoroobeen Jabhadihii, Soomaaliland waxay dhisantay markii Jabhadda SNM meesha laga saaray oo talada loo dhiibay Guurtida. Puntland waxay hagaagtay markii SSDF meesha laga saaray oo hawsha Issamada lagu wareejiyay. Labadaas meelood waxaa loo noqday dhaqankii si nabad loo keeno, maamulna loo bilaabo.
Magaalada Xamar iyo inta la xiriirta, Jabhadihii ayaa qurunsaday. Jabhadahaasu waa kale adkaan waayeen, ayagana waa laga adkaan waayay! Maxaa yeelay waxaa kobcinaayay oo gacan buuxda siinayay bulshada caalamka (international community) iyo dawladii soo barbaarisay–Itoobiya. Waxaa loo diidday aqoonyahaanada Somaaliyeed muddo 10 sano ka badan wax talo ah in laga dhagaysto. Dalkii waxaa gacanta loo galiyay madaxda Jabhadaha, inta kalena waxaa lagu yiri ku daba fayla jabhada reerkiina. Waxaa Jabhadaha loo dhigay karbedka casaanka ah (red carpet), waxaa lagu yiri waxaad tihiin hogaamiyeyaal siyaasadeed, waxaa loo qabtay shirar aan kale go’laheyn, waxaa laga saxiixay in ka badan 12 heshiis. Haseyeeshee, waxba kama soo naaso cadaan!! Maxaa yeelay, shirarkaasu waxay ahaayeen maaweello ee dhabba ma ahayn!!! Waxay ahaayeen jilid la rabay in Somaaliya lagu dilo, laguna qaybiyo, laakiin waa dhiman la’dahay oo Ilaahey sida ma qadarin. Khayr badan oo aan umuuqan ajnabiga ayaa ku kaydsan, waxaana lala yaabay horumarka ay ka gaareen ganacsiga, tacliinta, bulshada Rayidka ah, isgaarsiinta iwm. Jabhaduhu waxay ahaayeen been la dhoodhoobay. Kuma dhisnayn beel oo dhaqanka beeshaas lagu xisaabin karo, kamana talinayn madaxda runta ah ee beeshu. Jabhaduhu ma ahayn xisbi siyaasi ah oo laga noqon karo xubin oo dadkeedu tirsanyahay, lehna nidaam ay ku wada shaqeeyaan. Jabhaduhu waxay ahaayeen wiiro-wiiro, horjooge maleeshiyeed dadka booba, kana cabsan dhiig daadinta, madaxoodana ayan ku jirin qaranimo iyo dan guud. Meeshii laga waayo ayaa maamul samaysay, meeshii ay joogaan balaayo ayaa fadhiisatay.
Wax lagu magacaabi karo shir Soomaaliyeed oo heer qaran, wuxuu la bilowday Shirkii Carta ee Jabuuti lagu qabtay 2000, asiguna ceebo badan waa lahaa. Laakiin, waxaa la dhihi karaa wuxuu Soomaaliya u gudbiyay marxalad cusub oo waxaa laga gudbay Jahbadaha, la dhiiri galiyay bulshda rayidka ah, dowlad qaran oo la ictirafay ayaa lagu dhisay. Laakiin nidaamkii Carta lagu dhisay waa la wiiqay, kuwii madaxda ka noqdayna waa iswiiqeen. Itoobiya iyo Maraykanka ayaa sal u ahaa wiiqidda, Jabhadaha ayaa loo adeegsaday. Nasiib daro, waxay ku soo beegantay 9/11 iyo wayrixii iyo caradii Maraykanka iyo bilowgii la dagaalanka argagixisada. Waxaa mar kale soo xoogastay Jabhadihii iyo Itoobiya, waa tii la qabtay shirkii Kenya (2002-2004), waxaa ka soo baxay nidaam xukun oo laga min-guuriyay kii Carte, laakiin madaxda Jabhaduhu hor boodayaan. Waxaa lagu go’aamiyay in Jabhaduhu soo xulaan xubnaha baarlamaanka!! Nin xoog leh xaajo u tuuday! Nin la rabaa reyn badana anba reedda waa ka rogee!! Oo micnaheedu yahay (fiicanaa nin la rabo aniguba waan agtaagnaaye). Sida la wada ogyahay, xaalka dowaldii lagu soo dhisay Kenya waxaa lagu sifayn karaa: khilaaf aan istaagayn; dagaal aan dhamaanayn; shaqo dawlo oo aan la qabanayn; xoollaha oo la iska boobayo; baarlamaan iska cayaaraya oo maalinba ku boodaya mid ka mid ah madaxda dowladda, kana siib kana saar kaliya ka shaqeeya; madaxwayne iyo ra’isulwasaare khilaaf u joog ah oo haddii ay isqabtaan, Itoobiya heshiisiin u aadaya; Walle waa wax lala yaabo!!
Waxaa intaas la jira, imaanshihii midowga maxkamadaha, kacaankii dadwaynaha iyo jabhadii cusbayd ee lagu dhawaaqay oo culumadu hogaaminaysay. Hiilladii dadwaynaha oo lagu bixiyay Jabhadihii, sooma kordhin dhismo maamul iyo nidaaan xukun hawl-gal ah. Xukunku aqoon ayuu rabaa, dadka oo laga qayb galiyo ayuu rabaa, inaan xoog lagu qaadan ayuu rabaa. Hasa yeeshee, wixii dhacay ka sheekayn uma baahna, nabadii waa tii la diiday, dagaal ayaa jilibka loo laabay, Jabkii la ogaa ayaa ka dhacay, yaa ka ma’suul ah la isma weydiin. Sidii Jabhadihii oo kale, xisaabtan lama ogola, hore ha loo socdo waaye taladu. Waxaa si khaldan loo adeegsaday Islaamka, wadaninimada iyo qabiilka si wada jir ah ama kala jir ah, waxaana la adeegsanayay war baahinta si heer sare ah oo lagu marin habaabin karo dadka.
Waxaa dib loo abaabulay Jabhadii la magac baxday “dib-xureynta Somaliya” oo lagu asaasay Asmara. Waxaa Somaaliya mar kale gashay af libaax. Faragelintii Itoobiya waxaa ku soo biirtay faragalinta Eriteriya. Waxaa la galay dagaal labo dowlad u dhexeeya oo “dhiigga Somaaliyeed” lagu daadinayo si raqiis ah, laguna wiiqayo dowaldnimadeeda. Dhexdeena, waxaa ka bilaabatay isgaalaysiinta iyo iscolladinta xoogagii shalay inta kale kula dagaalamay magaca Islaamka. Qaar ayaa nabadda qaatay, kuwa kalena waxay welli wadaan dagaal. Waxaa bilaabatay cabsi ah amay ku socota heerkii USC-dii hore!! Kale qaybsanaantii hore iyo dagaallo faraha looga gubto!! Heshiiskii ugu dambeeyay ee Jabuuti, wuxuu ahaa “caano daatay dabadooda la qabtaa!” wuxuu ahaa rajo cusub oo nabadeed, waxaa ubaahan dadkeyna geedaha hoostooda quban, kuwa baduhu liqayaan, kuwa xabaddu aftar dhinac uga socoto, kuwa gaajada baarka dhulka ugu haya, waxaa ubaahan badbaadinta qaranimadeyna iyo jiritaankeynna. Waxaa martigalisay dowladda DJabuti oo looga bartay wanaag iyo Soomaali jacayl. Waxaa xoog saaray madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle iyo raggisii nabadda ku caanka baxay, waxaa lagu heshiiyay in Itoobiya dalka ka baxdo, ayaduna waa aqbashay, mudaduna waa gaabantahay. Dabadeed, waxaa la damacsanyahay in la nabadoobo, doorasho xalaal ah dalka laga diyaariyo dhamaadka 2009.
Waddada la hayo waa muuqataa, waxaa soo socota waqti aan xoog wax lagu xukumayn, wadaad ayaan ahay aan wax lagu xukumayn, reer hebel ayaan wakiil u ahay aan wax lagu xukumayn, Itoobiya ayaa I wadata aan wax lagu xukumayn. Waxaa soo socota waqti aan Islaamka hoos loo fiirineyn, dadku simanyahay, shirko ku yahay diinta, dalka iyo dawaldnimada. Waxaa wax lagu xukumaa waa dadkayga ayaa I soo doortay, danta dalkayga ayaan ka shaqaynayaa, dhaqanka Islaamka ayaan kobcinaya, nabada gobolka ayaan horseedayaa iyo iskaashiga caalamiga ayaan doonayaa. Waa taas wadada Soomaaliyeed ee dawladnimada, nolosha iyo nabadu, waa taas tubta toosan ee Islaamka. Hadaba yaa diidan nabadaas? waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta!!
[1] Cabdiraxman Baadiyow waa aqoonyahaan ka mid ah madaxda Xarakada Islaax, isla markaasna madax u ah Boorka Jaamicadda Muqdisho. Waxaad kala xiriir kartaa Email:
abduraxmanba@yahoo.com
Thursday, October 30, 2008
Soomaala’ayeeey! Ciiloow ba’!!!!!!

Arar & Afeef
Cinwaanka maqaalku waa qaylodhaan aysan Soomaalidu horay u maqal. Markii dhib, dil, gardarro, mashaqo, iwm. dhacaan oo arrini heer tolnimo ama toleed joogto, ayaa “Tolla’ayeeey!” iyo wax la mid ah la yiraahdaa. Maadaama xaalka maanta taagani uu marayo heer soomaalinimo ama soomaaliyeed, ayaan inta curiyey oraahda, sidaas darteed u doortay.
Waxaa jira su’aalo hababka looga jawaabay, ay soomaalidu ku kala aragti duwan tahay: Cudurka Soomaalida haya daawo ma leeyahay, mise waa sida carsaanyowga (cancer) oo kale? Hadduu leeyahayna, malla helay mise weli waa la baadigoobayaa? Xaggeese laga raadinayaa? Armaan daawo aanaan u baahnayn raadinteeda ku rafaadnay? Marakan Soomaalidu diyaar ma u tahay inay si dhab ah dib ugu heshiiso oo cudurka haya ka biskooto? Xaggee bay tahay in dibuheshiintu ka bilaabato? Habkee ama qaabkee loogu dhaqaaqi karaa? Kuwee bay tahay in la heshiisiiyo? Kuwee ku habboon ama ay tahay inay bilaabaan dibuheshiinta? Mise weli miyirqab & cafimaadba wejiga lama siin karo? Armaa la jilifoobay oo la qolofoobay, oo laga baqayaa in daawada laftigeeda lugu le’do? Sida doorshaankuba (xaar walwaalka) ugu kogo (qonbobo) barafuunka!!!!
Waxaa dhici karta in nuxurka iyo falanqaynta maqaalku ay Somaaliweyn si dadban ama toosan u taabtaan, oo ay kabuubyada ka bi’iyaan. Hadafkaygu maahan inaan cidna (qof, qoys ama qabiil toona) wax u dhimo. Aragtideyda qof ahaaneed ee ku wajahan ibtilada nugu dhacday, kuwii sababay iyo sida looga bixi karo(biskoon karo) ayaan jecleystay inaan halkaan ku soo gudbiyo. Abbaari mayo xal siyaasaded, maamul samayn & xukun qaybsi toona!!
Maqaalku wuxuu dhammaystir u yahay kii ka horreeyay ee cinwaankiisu ahaa ‘War niman yohow Raggii meeye?’ ee soo baxay September 2007. Maadaama maqaalku dheer yahay, ayaan u habeeyey saddex qaybood (Three parts) oo wada socda. Si ruuxii aan mar wada akhrin karin, uu qayb qayb ugu hakado, kii kari karana uu hal mar u wada akhriyo. Talo ahaan, waxaa ila quman in hal mar la wada akhriyo, si falanqaynta, nuxurka iyo gunaanadka maqaalka iyo isku xirnaantooda sahal & buufis la’aan loogu fahmo.
Waxaa jirta maahmaah Shiineys ah oo leh “ Ninkii raba inuu run sheego, ha diyaarsado faras aad u dheereeya.” Anigu faras iyo baabuur toona ma lihi, baxsadna noqon mayo. Waxaan waxgaradka soomaaliyeed ka codsanayaa inay ila fahmaan “Biskoodka, wanaagga, islaaxa iyo Islaanimada” aan raadinayo. Sido kale, waxaan akhristayaasha ka codsanayaa in wixii gafaf kama’ah, haddayba soo baxaan, ay saxaan……. Ma gafe waa Illaah. Wixii ka yimaada maqaalkaan – shar iyo khayrba – aniga keliya ayaa ka mas’uul ah ee taa halla ogaado.
Gogoldhig
Daawo kastoo loogu talagalay inay cudur ama xanuun daawayso, waxay leedahay doc kayeello. Kuwaasoo marar badan keeni kara cudurro kale oo aan awal qofka hayn.
Ereyga „doc kayeello“ waa mid aan u hindisay erey qalaad oo aan mid afkeenna ah oo u dhigma aan waayay. Ereygu waa „side effects“. Waraaqaha la socda daawooyinka oo dhan, waxaa had iyo jeer ku xusan waxa qaadashada daawo ka imaan kara oo dhibaato ah. Ereyga “Doc kayeello” waxaan kala soo dhex baxay ereyada ay ka mid yihiin waxyeello ama doc-kayeer. Soomaali haddaynu nahay, waynu wada buknaa. Cid fayoobi ma jirto! Waxaynu ka kooban nahay in yaroo og inay bukto, iyo in badan oo aan ogayn inay……
1960kii illaa 1969kii waxaa la ahaa bukaan ordaya;1969kii illaa 1976kii mid xiimaya; 1977kii illaa 1979kii mid dhaawacoo dhutinaya; 1980ki illaa 1985kii mid qoryo ku socda;1986kii illaa 1988kii mid luudayoo qoryihii ka jajabeen; 1989kii illaa 1990kii mid xamaaranayoo fariiso isleh;1991kii illaa hadda waxaa la noqday bukaan suuxsan (kooma ku jira).
Soomaalida waxaa lugu tilmaamaa dad reer miyi u badan oo ad adag. Bukto, macaluul, qahar, shiddo, gaajo, abaar, iyo colaad dheeraatayba waxba kama dhimi jirin. Hasa yeeshee, 1991kii ayaa waxaa haleelay ammuur kedis ahoo aysan horay u soo arag sheekana ku maqal: Waa la wada suuxay: (Qayb sidii loo garaacayey suuxday iyo qayb siday wax u garaacayeen kuwey suuxiyeen ku kor suuxay!!!!!!!!)
Dhawr jeer oo hore baa laysku deyey, in suuxsanaanta lala tacaalo, iyadoo loo adeegsanayo daawooyin (shirar iyo wada hadallo) kala duwan. Waxaana ka dhashay in si tabaryar indhaha loo kala furo. Nasiibdarro, indho kala qaadkii waxaa laga sii qaaday qallal, taah iyo af ka abrin!!
Haddaba, Haddii kiniiniga nabadda la liqo oo la soo miyirsado, maxaa ka dhalan kara oo waxtar ama doc kayeellooyin (side effects) ah?
********************
Sida la wada og yahay, waxaa illaa hadda weli ka jira gobolka Banaadir, dhibaatooyin fara badan oo isugu jira dil, dhac, gaajo, cudur iyo barakac. Markaad raadiyaasha dhegeysatid ama telefishanada daawatid, naftu kuma siin karto inaad ku sii raagtid. Calool xumo iyo ciil baa kula soo dersaya. Carruur, haween iyo waayeel dhib iyo qahar ka muuqdaan baad arkaysaa. Amxaaro, Muqaawimo, DKMG, Amisom iyo Mooryaan iscayrsanaysa baa hadba ku dhex durduriya ama agtooda ku dagaalama!!
waxaa iyana nasoo galay amuuro halis ahoo aynu wararka adduunka ka dhegeysan jirnay: Culimmo qaarkeed legdamayo oo dibir isla raba; Ruux kaa aragti duwan ama aan kula jaal ahayn oo murtadnimo lugu shaabadeeyo; Dilal qorshaysan oo casriyeysan oo aynu awal filimada keliya ku arki jirnay!!
Dhanka kale, waxaan weli joogsan qulqulka Soomaalidu ay dibedda ugu qaxayso. Lama degaanka saxaaraha ee u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya, badda cas (Red sea) iyo tan dhexe (Mediterranean sea) ayaa si joogta ah loogu le’anayaa. Amuuraha hadda ka taagan Xamar yaa ka mas’uul ah? Ma amxaarada? Ma qoladii u yeeratay? Ma shisheeye? Ma shaydaan? Ma Jin? Mise wax kalaa jiri kara? Intaan ku dhex jiray isla hadalka iyo hammiga, ayaan hal mar waxaan dhugtay cajaladdii aan ku khilaaweynayay, waxaan arkay inay dhexda marayso. Illayn waxaan ahaa sida nin filim kala qabsaday qaybta labaad (secondo tempo) oo kale!
Intaan cajaladdii joojiyay oo gadaal u ceshay baan soo bilaabay………..
Soomaalidu weligeed waa diriri jireen, rag baa islayn jiray, xoolaa la kala dhici jiray. Haddaba maxaa Xamar ka dhacay 1991kii? Ma rag baa diriray? Mise…?
Waxaan horay loo soo arag loona maqal, oo dhaqankeenna suubban iyo islaanimada meelna kasoo gelin baa dhacay. Ka sokow, dagaaladii ragga hubaysan u dhexeeyay, waxaa dhacay Gumaad iyo Xasuuq! Cid loo aabbayeelay ma jirin. Carruur, qaarkood uurka ku jiraan; haween (ugub, xaas, hooyo, garoob, carmal, habar) iyo odayaal baa laga dhigay wax la laayay, la dhacay, la faraxumeeyay, ama la barakiciyay.
Derisnimo, saaxiibtinimo, reer abtinimo, xididnimo, soomaalinimo iyo islaanimoba dad fara badan oo aan waxba galabsan baa ku badbaadi kari waaayay oo aakhiro iyo adduun salkii loo kala diray!!!
Waxaan shaki ku jirin in jabhadihii la dirirayay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre (Allaha u naxariiste), ay isku hadaf iyo himilo ahaayeen..
Giddigood waxaa loo aasaasay inay waddanka badbaadiyaan. Haddaba, Yaa baddalay ama qaloociyay hadafkii iyo ujeeddooyinkii jabhaddii xamar soo gashay? Rag fara ku tiris ah ayaa ibtilada dhacday ka mas’uul ahaa. Raggaasi waxay godob iyo dembi adduun iyo aakhiraba u soo jiideen tolweynaha ay ka dhasheen. Waxaa horey loo yiri, “haddaad rabtid inaad dadweyne ama tolweyne kicisid ama qancisid, la hadal shucuurtooda ( u sheeg waxay jecel yihiin); ninna garaadkiisa la hadal; marwana qalbigeeda .
Dadweyne ama bulsho hadba dhinacii la rabo (shar & khayr) baa loo yaacin kara, laakiin in nin keligii la qanciyo ama la kiciyo ma sahlana.
Hadafka qoran ee jabhaddii xamar soo gashay, wuxuu ahaa inay shacabka xamar gaar ahaan iyo soomaaliweyn guudahaan, ka xoreeyaan maamulkii markaas joogay. Dastuurkii iyo ujeeddooyinkii u qornaa jabhadda iyo Xamar cadde wixii ka dhacay wax shaqo isku leh maahayn. Yaa himilooyinkii wan wanaagsanaa ee Roma lugu soo qoray 1989kii u rogay “war aynu reer hebel wada hoobinno’ iyo ‘Caasimadda annagaa iska leh!!!’?
Hadaf aan dastuurkii jabhadda ku qornayn ayaa meesha kasoo baxay: Xukuumaddii iyo shacabkii la rabay in laga badbaadiyo ayaa cagta cagta loo saaray!!! Halkaasna Waxaa shacabkii xamar u bilawday nooc cusub oo ah oroddada dhaadheer(Marathon) oo xowli iyo xiin (ama fagax dheer) ku socda.
Kooxdii Cabdi Bile loogu magac daray ee la gaari kari waayay ayaa noqotay Fagaxdii koowaad (1st long Heat).
Xamar waxaa joogay xukuumad iyo shacabweyne. Labadoodiina bannaanka ayaa laga dhigay! Haddii geelii la dhaqan lahaa uu kala noqdo mid baxsaday, mid la qashay iyo mid dugaag ku cunay halka loo yaqaan ‘Habaar waarid’ ee u dhexeysa Kismaayo iyo xudduudka Kenya…Haddee keenada, dabarka, usha, tooreyda iyo qorigu noqon mayaan GEEL!!! Sideedaba, hadduu nin rabo inuu soo dhacsado fardo ama geel laga haysto, ama kuwa uusan lahayn soo dhac is yiraahdo, caqligu siin mayo inuu giddi xabad kala daalo….
Halkaasna ay fardo/geel la’aani ku dhacdo.
Xamar waxaa isugu soo haray hoggaamiyeyaashii guulaystayaasha, qoysaskooda, ehelkooda, qaraabadooda iyo ciidamadoodii – oo isku noqday, tusaale ahaan, reer boqor(Royal family). Haddaba, reer boqor looguma talagelin inay is xukumaan, waa inay helaan dadweyne (raaciye) ama shacab ay maamulaan. Mana heli karaan. Sababtoo ah, iyagaa shacabweynihii u qaybiyay kuwa la dilay ama dibedda u cararay!!!
Waxaa laga fursan waayay in, ’Inta xamar soo gashay ay is xukumaan! Sidee ruux raba inuu taliyo, u yeeli karaa in loo taliyo? Waxaa isku dhacay intii guulaysatay! Khasaarihii ugu horreeyay wuxuu ku dhacay xamar. Magaaladii oo dhan waa burburtay.
Haddaba, tii lugu dhigay kooxdii fagaxda koowaad, mid ka daran bay isku dhigeen. Kuwoodii laga adkaaday baa noqday kooxdii fagaxda labaad (2nd long Heat). Kooxdaan 2aad, dulmigii, godobtii iyo gumaadkii ay u gaysteen kooxdii 1aad, baa iyagana loo gaystay! Xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa laysugu tegey, iyadoo la wada yahay dhibbanayaal(victims). Waa laga wada sii haajiray oo Yurub iyo Ameerika laysaga daba yimid. Orodku weli ma dhammaan oo haddadaan aan sadarkaan qorayo, waxaa jidka kusoo jira horin ka mid ah kooxda fagaxda 18naad (18th long Heat)!!!!!!
Magaaladii xamar waxay noqotay gobollo yaryaroo wada yaal! Xamar waxay ahayd magaala madaxdii Soomaaliya, mana jiri jirin cid si gaar ah u sheegata. Soomaali – summad kastay lahayd – oo dhan baa wada degganayd oo hanti ku lahayd.
Waxaa ayaandarro ah, in ay jiraan dad farabadan oo dalkii iyo dibeddaba ku kala nool, oo qaarkood ay jaamacado dhammeeyeen, oo weli la soo taagan, ‘Caasimadda Soomaaliya (magaalada Xamar) annagaa iska leh!!!’ Illaan ceeb looma dhinto!!!!!!!
La garay hanti gaar ahaaneed (private property) oo qofi wuu oran karaa, matalan, ‘gurigaan, beertaan, dukaankaan, baabuurkaan, xoolahaan, iwm. Anigaa iska leh’ Laakiin ‘Magaaladaan,degmadaan ama gobolkaan anigaa(annagaa) iska leh’, waa arrin runtii laga yaxyaxo. Hadalhayntii Soomaaliya inteedii kale waa dhammaatay. Waxaa isku micne (synonyme) noqday -illaa haddadaan- ereyada Mogadishu(xamar) iyo Soomaaliya. Haddii Soomaaliya laga hadlo waa Mogadishu, markii Mogadisho laga hadlana waa Soomaaliya!!!
Kooxihii hore ee orodku u dhammaaday ee qurbajoogga noqday, kama aysan dhex bixin cayaaraha, oo waxay noqdeen tababarayaal (trainers). Waxay meherad iyo caqli ka dhigteen: Qaylodhaan, sal kicin, beenabuur, dhiirrigelin, maalgelin iyo diradiro ku wajahan kooxaha weli ku sugan geeska Afrika. Hadafkoodu wuxuu noqday, inaan marnaba fagaxda iyo feerojebintu joogsan!!!!
********************
Qaybta Labaad – Part 2
In badan baa lays weydiiyay sababta xamar u degi la’ yahay. Had iyo jeer jilayaal horleh (new actors) iyo arrimo horleh baa soo baxaya. Maxaa Xamar 18ka sano weli shidaya? Amxaaradu mar dambay noo timid. Soomaalidu waxay horay u yiqiineen ama maqli jireen Sadaqa Jaariyah, waxaase 1991kii, markii ugu horreysay la bartay oo bilawday Dulmun Jaari - mid geerida qofka keddib weli socda! (Digniin: waa sarbeeb! Sidaan oraahda u qoray ulama jeedo, ee akhristoow, haygu soo boodin, adigoo ‘bisinka’ ‘bisinka’ leh ). Dulmi wayraxsanoo MIRQAANSAN oo ku shaqaynayaa nidaamka dubnaddu isugu dhacdhacdo, markii midkood la taabto (Domino effect) oo aan la joojin karin baa bilawday.
Xamar waxaa kasoo dhacay welina ka dhacaya dulmi noocyadiisa kala duwan iyo argagax farabadan oo aan ruuxna horay u saadaalin Karin.
Waa dhab in degmooyin kale oo gobollada kale ka tirsan ay arrimo naxdin lihi kasoo dheceen welina ka dhacaan iyagoo teelteel ah. waxaanse qabaa in aysan jirin wax ka daran dhaawaca iyo haaraha ka muuqda ex(ekis) Xamar Cadde. Cid iyo wax loo aabbayeelay ma jirin.
Naflay, hanti gaar ah, waddooyin, dhismayaal taariikheed, madxaf, maktabaddo, taallooyin, gaadiid, xafiisyo, isbitaallo, dugsiyo,jaamacado, dukaammo, suuqyo. Iwm. ayaa si caqliga ka baxsan loogu galgashay. Hubka noocyadiisa kala duwan baa laga adeejiyay!!! Waxaan soo xusuustay oraah uu yiri filosoof Maraykan ahaa oo la oran jiray Abraham Maslow (1908 – 1970) : “Haddii qalabka keliya ee aad haysatid uu burrus yahay, waxay dhibaato walba kuula muuqanaysaa musmaar oo kale…If the only tool you have is a hammer, you tend to see every problem as a nail”.
Xamar wuxuu noqday meesha keliya ee qof gacan ku dhiigle ahi uu si nabdoon ugu noolaan karo. Markaad u fiirsatid dilalka ka dhaca gobollada oo idil, waxaad arkaysaa in qof qof dilay oo la og yahay uusan degmadiisa ku dhex noolaan karin. Wuxuu ku khasban yahay inuu baxsado.
Haddaba, Ilaahay baa Xamar ku imtixaamay waxaan layska dhicin karin oo aan la arki karin. Daruuro biyahoodu ay yihiin:
Nabsi ururoo qamuunyeysan & Inkaar xiimaysoo hurguntay,
Habaar gagabayoo ilmeynaya & Naxdin bararsanoo buufis wadata,
Murugo caraysan oo qamaamaysa & Rooxaan noocyadeeda kala duwan baa xamar la kor dhigay!!!
Xamar caddihii Soomaalida u ahaa caasimadda,wuxuu isu badadalay guri gudcuroo qolol iyo musas badan oo nabsi iyo rooxaan kor heehaabayaan (Ghost house). Markaad wax yar u fiirsatid amuuraha ka dhacaya Xamar, waxay ku xusuusinayaan filimada naxdinta leh (horror films). Cid Alla ciddii soo gashaba waxbaa si ka noqonaya!!. Xataa hubkii yiillay baa ku wareeray! Xabbaddii la ridaba, meelaan loogu talagelin bay aaddaa ama ku habsataa, iyadoo ‘Habow’ ah !!! Ma rooxaan iyo nabsi baa shaqaynaya? Ma shiishxumaa jirta? Mise waa mirqaan xad dhaafay musaraarkiis (jidbadiis ama bururkiis)!?
Mar Alla markaad is tiraahdid,’Allaylaha haddaa wax inoo hagaagayaan’, dhinac bay ka fikanaysaa!! Xataa qoladii maxkamadaha ee kitaabka wadatay, waxbaa si ka noqday! Qaar ka mid ah xubnahooda xamar ku sugnaa, ayaa wax is tuseen (malaha rooxaantii baa taabatay!) oo is arkay iyagoo Baydhaba ku tukanaya, oo Adis abeba usii socda. Keddibna Tigree ka itaal roon baa lugu salladay!!
Waxyaalaha ku tusaya in xaalka Xamar uusan caadi ahayn, waxaa ka mid ah, barakicii ugu dambeeyay ee ugu orodka gaabnaa. Markii loo cararay duleedka Xamar (geedaha hoostooda), rag baa la yiri, waxay bilaabeen inay geedaha dadka ka ijaaraan!!! Rag kalaa, iyana la yiri, waxay dadkii u diideen inay magaalooyinka dhowdhow gaaraan, sida Afgooye, iyagoo ku leh,’war haddaad sii fogaataan, xamar dib ugu noqon maysan,oo waa la idiin dabamarayaa…Halkiinna jooga, annagaa dhaqaale iyo gargaar idiin soo direynee!!!’.
Xamar waxaa 1991kii ka bilawday dulmi ku socda nidaamka cayaaraha orodka qori isu dhiibka (Relay). Orodka laba (2) Halgame oo isku koox ah oo kala jira ayaa si cayaarxumo (unfair play) ah - Garsooraha (referee / arbitro) oo aan weli firinbiga yeerin – u bilaabay, iyadoon kooxihii (jabhadihii) kale aysan soo wada gaarin garoonka cayaaraha ((Xamar).
Orod xaraarad leh oo labadii bilaabay buska looga tegey markii dambe, baa rag badan u bilawday. Wareeg walba rag baa looga tegayey, markii kabuhu ka dhammaadaan oo caguhu dildilaacaan! Orodka dulmiga waxaa istaajiyay Maxkamadaha Islaamiga ah!
Muddo keddib, markii DKMG iyo Isbahaysigu damceen inay wada fariistaan, Isbahaysigii baa kala booday! Haddana waxaa ku xigay in DKMG ay iyaduna markeeda kala boodday!! Markii iyagiina dibedda lugu soo heshiisiiyey baa madaxdii isbahaysigu is hardiyeen oo ay meel xun ka gaadhay. Midba midka kaluu ku eedeeyay inuu xaqii iyo tubtii toosnayd ka leexday!! Ugu dambaystiina, laba(2) Caalim oo isku dariiqo ah ayaa qaabkii iyo xeeshii dibuxoreynta ku kala xanaaqay oo kala degay (Asmara & Jibuuti) !!! Wadeeca Alla!!! War yaa noo islaama??? Mar walba qolo ama qof baa dhinac u baxa ama dhex taagan, isagoon tanaasul oggolayn oo kelyaha haysta!! .....Isbaara daa’imah!!!
Tiradii (2) ay ku bilaabatay 18 sano ka hor ayay ku soo noqotay, iyadoo weji kale leh….. Checkmate!!! - ‘Asmara gar leh, Jabuutina gar leh’…Reloaded!!!
Laba gabay oo uu tiriyay Cismaan Y. Keenadiid (Allaha u naxariistee) dhawr iyo afartan sano ka hor, oo aad mooddid inuu hadda ka hadlayo, baa waxaa ka mid ahaa:
Aqoonyarana Soomaali bay iil ka dhaadhicine
Arrinxumo ninkeedii intuu eedayaa badane
Asbaab ay dhigeen buu ku yimid amarka haystaaye!!!!
*****************************
Iyagaa libaaxyo isu noqon oo islaarriyiye
Midba inuu walaalkii legduu leebyaduu tumane!!!
In laftood jabaysiyo ma oga le’ashadoodaase!!!
Intaas keddib, waxaa isweydiin mudan, sidee buu ahaa xaalka iyo xiriirka ka dhexeeyay beelaha (qabiilooyinka) soomaaliyeed, ka hor intaan xornimadu imaan?
Soomaalida waxaa lugu tilmaamaa dad 90% reer miyi ah. Waxaa ka dhexeeya isir, af, diin iyo dhaqan isku mid ah. Duullaamadii iyo dagaaladii ka dhex dhici jiray, waxay inta badan ka dhalan jireen Ceel (biyo) iyo Caws (daaq). Waxaa had iyo jeer isku dhici jiray beelaha deriska ah. (Dhirtu siday isu xigtay isu xoqdaa). Wax kastoo beelaha ka dhex dhacana, rag baa ka arrimin jiray, oo geed hoostiis iyo gogol baa lugu kala gar iyo mag qaadan jiray. Taariikhda inta aan ka ogahay, luguma hayo, beelweyn si wadajir ah ugu duushay mid kale, iyadoo rabta inay wada tirtirto! Ma jirin colaad soo jireen ah oo ka dhexeysay afarta beelweyn ee soomaalida.
Beelaha Deelka iyo Ha’du, waa laba beelood oo aan isku degaan ahayn. Badankoodna isma dhex dego, ismana yaqaanaan!
Intooda yar ee ee cirbahoodu is xigaan (Jiinka & Qaafka) baa is yaqaan. Taariikhda luguma hayo (tusaale ahaan), meel iyo goor ay ‘Ariboowe’ iyo ‘Arreey’ isku dheceen!!! Taariikh aan jirin baa inta laga been abuurtay, lugu awr kacsaday. Muddo keddibna, dad aan badnayn baa been abuurkii fahmay, iyagoo leh ‘waa nala khalday ( nala ajaray)!.
Si xun u isticmaalka taariikhda (misuse of history) horaan ugaga soo hadlay maqaalkii ahaa ‘Awr ku kacsi), waxaa noocyadeeda ka mid ah: dhacdooyin dhab ah oo la inkiro(denial); laga been-abuuro (falsification); layska laalaadiyo dhacdo gaar ah (fixation on a particular event); aan la sheegin (omission); aan aqoon loo lahayn (ignorance); loo dhiig-miirto ujeedooyin banaanka ka ah dartood (exploitation for extraneous purposes); iwm.
Waxaa la yiri,Qabyaaladdu (tribalism) waa sida geed weyn oo kale. Qaybta ugu xoog badani (xididdada) waa u qarsoon tahay. Xididdadu(roots) waxay ku dhex jiraan ciidda(shacabka). Waana halka ay ka nafaqo iyo shidaal qaataan! Iyagaa ciidda ku nool ee ciiddu uma baahna. Haddii la faago(qodo) oo xididdada bannaanka lasoo dhigo, geedku (qabyaaladdu) wuu dhimanayaa.
Haddii kalase, intuu koro oo sii ballaarto, ayuu yeelanayaa laamo ad adag iyo caleemo fara badan. Hadba markii laan laga jebiyo ama caleen ka dhacdo, kuwo kale (qabqableyaal horleh) ayaa u soo baxaya. Sababtoo ah ciiddaa (shacabka) nafaqo iyo shidaal mar walba diyaar ula ah.
Waxaynu nahay ummad 95% maskaxda iyo garaadka laga haysto, oo aan xor u ahayn, xataa ku dhaqanka Diinta aynu wada sheeganayno! Ayaandarrada na haysatana, waa qolooyinka na haysta oo aan ahayn kuwo dagaal iyo wax iska caabin laysaga xoreyn karo. Qolooyinku waa dad beri hore jiri jiray oo reer aakhiraad (Ahlu qubuur) noqday, (Alyacni Odayaasha iyo Habraha lugu abtirsado). Waa dad aadan waxtar iyo waxyeello toona gaarsiin karin, iyaguna waxba ku tari karin. Haddii ragga ku adeegta ahlu qubuurta iyo beelahoodu xisaabtami lahaayeen, wax badan baa isfurfuri lahaa:
- War aan codka ku siinnee ama aan kuu dagaallannee,maxaad beesha u haysaa?
- Maxaad beesha uga qabanaysaa arrimaha waxbarashada, caafimaadka, nabadgel-
yada, garsoorka, siyaasadda iyo adeegga bulshada?
- Hadafkaadu ma wuxuu ku kooban yahay beesheenna mise gobolkeenna mise soomaaliweyn oo dhan?
- Aragtidaada hoggaamiyenimo, ma waxay ku wajahan tahay annagoo dhan (tus. reer Lugyahan iyo Misigyahan) mise reer Kubyahan oo keliya baad madax u tahay?
Ragga ku qaraabta ahlu qubuurta wax dan iyo maslaxa ah uma hayaan beelahooda. Beeli waa jaranjaro ay danahooda ku gaaraan oo keliya. Faa’idada iyo mirqaanka keliya ee ay xubnaha beeli haystaan waa: ‘Nin annaga ah baa halkaas ka taliya ama xafiiskeer fadhiya ama ciidankaan wata!!!’ iwm.
Arrinta Ahlu Qubuurta waxaa in badan ka hadlay wadaaddada samankaan ugu firfircoon ee Salafiyiinta. Illaa xadna way ku guulaysteen inay caamada ka dhaadhiciyaan, in Ahlu qubuurta (tus. awliyo, culimo iwm.) oo la baryaa ay dembi tahay. Waxayse ka leexdeen, illoobeen amaba ku dhici kari waayeen inay si toos ah oo aan gabasho lahayn uga hadlaan, farta ku fiiqaan oo magacaabaan Odayaasha iyo Habraha iyo weliba geedaha iyo bahaladda lugu abtirsado!!!
Mise waa gartoodoo laftigoodaba waa lugu dheggan yahay!! Mise ‘Litacaarafuu’ bay si kale u fahmeen, waa iyagaa maxkamadihii islaamiga ku dhisay nidaamka Ahlu qubuurtee???
***********************************************************************
Qaybta saddexaad – Part 3
Sidee dib-u-heshiin dhab ah lugu gaari karaa?
Intaas haddaan uga gudbo quusidda, kor sabbaynta iyo iftiiminta Aafada ina wada haysata ee 1991kii soo bilaabatay, waxaan maqaalka ku soo gunaanadayaa, sida ay ila tahay, ee looga bixi karo.
Marka hore, ereyga ‚Dib u heshiin – Reconciliation’ wuxuu muujinayaa dad ama beelo, horey heshiis u ahaa, oo colaad dhexmartay, haddana raba/ la rabo inay dib u heeshiiyaan. Arrinta Soomaaliya kasoo dhacday, gaarahaan Caasimadda, maahan mid soomaalida u gaar ah. Waddammo kale bay saman hore, mid dhexe iyo samankaanba kasoo dhacday. Waxaana looga gudbay qaab nabadeed iyo iscafin (marka qolada dulmiga gashay ay qirato) ama qaab xisaabtan iyo maxkamado, iyadoo la adeegsanayo habka ah “Who did what to whom when“ oo macnaheedu yahay „Kee baa ku kale markaas wax yeelay’. (tus, Ruanda).Waxaa la sameeyaa baaritaanno, lana keenaa markhaatiyo iyo dhibbanayaasha (victims) weli nool.
Waxaan filayaa in qaabka hore ee nabadeed uu Soomaalida la gudboon yahay.
Si dibu heshiin loo gaaro, waxaa lagama maarmaan ah in kiniiniga Nabadda (Qursun) la wada liqo – Waa haddii muslinimadu ay dhab naga tahay. Kiniiniga Nabaddu (Quraanka & Sunnada) waa daawada keliya ee markii la liqo, durbadiiba qofka soomaaliyeed uu dareemi karo culayska (ahlu qubuurta) uu xanbaarsan yahay. Dadka qaar qaac isku qarinaya ama dana kale leh baa qaba ama ku sheekeeya in arrimaha aan ka hadlayo, ay yihiin kuwo laga soo gudbay. Haddii arrimo soo dhacay mar hore aan weli laga hadlin, sabab kasta ha lahaatee, macnuhu maahan in laga soo gudbay.
Runtu waxay tahay inaan weli la biskoon. Belo iyo baas aan ahayn cudurka qabyaaladda nama hayaan! Markaad arrimaha soomaalida si fiican ugu fiirsatid, waxaa kuu soo baxaya, in wanaaggeenii iyo dadnimadeenii oo dhammi ay qabyaaladdu naafo ka dhigtay. Dhinac iyo koox walboo aad fiirisidba iyadaa hor taagan, ku dhexjirta, daba taagan ama gees cararaysa: Kooxo kala jira oo dowlad tabaryar cayrsanaya iyo kuwa la cayrsanayo oo xubnahoodu jillaafo isu dhigayo ama is turaantureynayo si qaarkood ay kooxuhu usoo gaaraan. Soomaali kasta wuxuu Safiir (Ambassador) iyo Afhayeen (Speaker) u yahay ugu yaraan 20 Ahlu qubuur ah!!! Kulan ama shir kastay yeeshaan waxay uga qayb galaan heer Safiirnimo! Safiirna go’aan iskama gaari karo haddaan dawladiisu amar siin. Soomaaligu wuxuu go’aan gaaraa isagoon amar ka helin Ahlu qubuurta – maba ka heli karee!, laakiinse aaminsan inuu wax weyn u tarayo reer Aakhiraadka!!!
Ma jiro Soomali aan daawadaan haysan: Qaar ay guryaha u taal; qaar ay jeebabka ugu jirto; qaar ay dhegaha ugu jirto; qaar gacmaha ku haysta; iyo qaar ay carrabyada u saran tahay – laakiin aan ku dhici karin inay liqaan! Hadday liqaan waxay ka takoormayaan beelahooda – Horaa loo yiri ‘Fiqi bahdii kama janna tago’. Qoladaan dambe dadweynaha ayay baraan ugana sheekeeyaan waxtarka, macaanka, khushuuca, taqwada iyo khayrka uu Kiniiniga Nabaddu leeyahay!!! Intaasiba waa naruuro. Waa Alle mahadii. Waxaa keliya oo noo haray inaan Raganimo iska raadinno oo aan Kiniiniga Nabadda wada liqno!! Haysashadiisa keliya waxba na tari mayso, haddaynaan gaarsiin qaybta dheefshiidka (digestive system). Jeerkaas keliya ayaa jirka, qalbiga, dareenka, garaadka, caqliga, aqoonta, diinta iyo akhlaaqda Soomaaligu uu isbeddel ku dhici karaa.
Waa nasiib badan yahay ruux, inta godob iyo dulmi ummadd kasoo galay mar hore weli nool. Wuxuu weli haystaa fursad uu dembigiisa ku qiran karo, cafisna ku weydiisan karo, dadkuu dembi kasoo galay iyo Allihii abuurtayba. Dembigaad Eebbe keliya ka gashid, Alle wuu kaa cafin karaa. Kaad dad ka gashidse, xisaabtiisu irridda aakhiray kugu sugaysaa.
Waxay iila ekaatay in daawa qaadashada iyo dib u heshiintu ay ka bilaabato halkii ay dulmiga iyo aafadu ka bilawdeen 1991kii, oo ah caasimadda Xamar. Intaan arrinta lugu dhaqaaqin, waa in :
Xabbadjoojin (ugu yaraan 3 bilood ah) laga helo muqaawamada, DKMG, Amisom, Amxaarada, Mooryaanta
Taleefan joojin laga helo warxungeeyada qurbajoogga
Keddibna lugu dhaqaaqo furitaanka wejiga koowaad.
I – Wejiga Koowaad
Shirweyne (Gogol) ay isugu wada yimaadaan Isimada dhabta ah ee dhaxalka u leh (Abtiris ahaan - genealogical) ee beelweynta Ha’da, oo ay wheliyaan waxgaradkooda iyo culimadooda oo keliya. Inaan loo yeerin qolooyinka ku qaraabta magaca beesha, sida nabadoon, oday beeled, afhayeen iyo kuwa siyaasadda hor booda.
Qodobbada gogoshuna ay ka mid noqdaan ,Matalan(tus.):
- Toos uga hadlid, falanqayn, ka garnaqsi wixii kala gaaray beelweynta wixii ka dambeeyay 1991kii.
- Dib u furid mas’aladdii hore ee la xallin kari waayay ee’ Hebel gar leh, hebelna gar leh’, si garsoor iyo go’aan looga gaaro, loogana gudbo – Illayn gari laba nin kama wada qoslisee.
- Magaca Ha’du wuxuu noqday kan keliya ee weli laga maqlo warbaahinta noocyadeeda kala duwan. Rag aan badnayn baa magacii, sharaftii, aqoontii, diintii, dhaqankii beelweynta oo dhan ‘Isbaaro’ u dhigtay. In waxgaradka beeshu raggaas istusaan, go’aan ka gaaraan, iskana qabtaan.
- Hanti maguuranta isu celin, gar iyo mag kala qaadasho.
- Is wada cafin:Haddaan si dhab ah oon qarsi lahayn looga hadlin godobta iyo dulmigii dhacay, haddee si duuduub ah, laysuguma cafin karo, laysugumana faataxayn karo, cuqdo iyo shakina bixi mayaan.
II – Wejiga Labaad
In beelweynta Ha’da oo gacmaha is wada haysata, ay gogol u dhigaan Soomaaliweyn oo dhan, intay Xamar ku casumaan isimada, culimada & waxgaradka oo idil.
Qodobbada gogoshana waxaa ka mid noqon kara, matalan(tus.):
- In beesha Ha’du qaadato mas’uuliyadda wixii Xamar kasoo dhacay. Wixii ka dambeeyay 91kii, Xamar iyaga keliya ayaa ku sugnaa, oo sheegtay. Raggii haystay ama ku dhex diriri jireyna iyaga keliya ayay ahaayeen.
- In beeshu oggolaato inay magdhow iyo xaalmarin siiso dhibbanayaasha (victims) weli nool ee soomaaliweyn oo dhan. (Fulinta arrintaan oo dhici doonta markii batroolka dalka ceegaaga la soo saro...Eebbe idankiis)
- Gartaan oo oggolaadaan in aysan jiri karin cid ama beel si gaar ah u sheegan karta caasimadda Soomaaliya.
- In beeshu raalligelin ka bixiso, cafis rasmi ahna(official) ay weydiisato soomaaliweyn oo dhan. Keddibna la cafiyo.
- Soo celinta hantida maguuraanka ah ee soomaaliweyn (dadweyne & dowladba)
- Is cafin guud iyo mid gaareed oo laba geesood ah(bilateral) oo dhex marta Beelweynta Ha’da iyo Soomaaliweyn. Keddibna mid ah beelaha dhexdooda oo dhan.
III - Wejiga Saddexaad
Baaq(qoraal ah) oo ay wadajir u soo saaraan Isimada Beelaha soomaaliyeed oo idil.
Waxaa qodobbada baaqa ka mid noqon kara, matalan(tus.):
- In magac qabiil uu yahay oo keliya ‘Litacaarafuu’, oo aan loo adeegsan karin arrimaha garsoorka, waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, iwm.
- Inaan maamul iyo dawlad lugu dhisi Karin qaab beeleed, iyadoo la adeegsanayo magacyada Ahlu qubuurta lugu abtirsado.
- Inaan gacan ku dhiigle ama jidgooye uusan magangelyo ka helin beeshiisa, ama degaankiisa, diyanna uusan lahayn.
- Inaan dhulka soomaaliya la kala lahayn, oo muwaadinku (somali citizen) uu meeshuu rabo oo bannaan(aan qofi gadan) uu gadan karo – guri ka dhisan karo; beer ka tabcan karo; xoolo ku dhaqan karo; ka shaqaynsan karo; ka ganacsan karo; wax ka baran karo. Iwm.
- Xaaraantimayn in muwaadin soomaaliyeed lagu yiraahdo,’ magaalo,degmo ama gobol hebel waad ku dhalataye, uma dhalan!!)
- In ruux walba uu mas’uul ka yahay falalkiisa (shar & khayrba) oo lugula xisaabtamayo.
IV – Wejiga Afraad
Markii gogosha Soomaaliweyn lasoo gabagabeeyo:
- In isimada, waxgaradka iyo culimada beelaha oo idil, oo ay weheliyaan shacabka Xamar – qaybihiisa kala duwan – ay caasimadda Xamar ka bilaabaan Quraan akhrin, magaalada & intii dhimatay u ducayn iyo Ilaah bari.
- In masaakiinta, maatada iyo danyarta loo loogo xoolo ( digaag, ari, lo’ iyo geel), ay weheliyaan kalluunka noocyadiisa kala duwan – muddo 11 maalmood ah… si shuushka, sharka iyo shaydaanku uga qaxaan Caasimadda.
Haddaba, haddii intaas oo dhan si daacad iyo Alle ka cabsi ah loo sameeyo, maxaa ka dhalan kara oo waxtar ah? Waxtarka ka imaan kara arrintaan,wuxuu Soomaali badankeed ugu muuqdaa inuu leeyahay doc ka yeellooyin (side effects).
Kiniiniga Nabaddu ma laha dhib iyo doc kayeello toona. Laakiin Soomaali fara badan ayaa qabta ama filaysa in waxtarka ka dhalan kara liqidda Kiniiniga uu Wadkood noqonayo!!!
Waxtarradaas aan wejiga la siin karin, waxaa ka mid ah:-
- Waayeelka (adults) soomaalida ayaa wada qaangaar noqon lahaa. Illaa hadda waxaa falalkooda iyo hadalkooda loo saariyaa Ahlu qubuurta.
- Qabqable siyaasadeed, gafane qurbajooje, shisheeye u kalkaale, sharwade shilin bartay,iwm. ayaa hawlgab(pension) noqon lahaa.
- Dulmiwade iyo Danayste isku qariya qabiil, gobol, aqoon sare, Diin, reer galbeed, carab, halgan, muqaawimo, siyaasad ayaa Soomaaliya ka haajiri lahaa.
- Qurbaha oo laga soo wada guuri lahaa.
- Warbaahin-beeleedyada (tribal Media) oo waayi lahaa been, diradiro, shar iyo dulmi ay sheegaan, albaabadana loo laabi lahaa.
- Amxaarada oo shaqo la’aani ku dhici lahayd, kedibna tartiib isaga bixi lahayd. Illayn fadhi uma yaallee…(Haddii Soomaali heshiisoo israacdoo isku bururtoo waddaninimo la wada mirqaanto!!!!!!!!Gaajo, cudur, jahli, abaar iyo shisheeye noocyadiisa kala duwan oo wada socdaa nama haweysan(nuguma dhici) kareen!!!!)
- Ragga ku adeegta inay yihiin afhayeennada, odayaasha iyo nabadoon beeleedyada ayaa Soomaaliweyn is tusi lahayd oo dhuuman lahaa.( Ceebay tacaal baa ka dhici lahayd ama iqariyoo iqari)
- Cid ku soo cararta jagooyinkii markii hore loo dagaalamayey ( af & addinba), sida madaxda sare ee dawladda oo la waayi lahaa. Haddii dibuheshiin dhacdo oo xaqu soo daalaco, ninna ku degdegi mayo jago ama xil lugula xisaabtamayo oo uusan wax gaar ah ka xantoobsan karin.
Ugu dambaystii, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu naga dhigo kuwii isturxaan bixiya, tashwiishkana iska saara, si dhab ahna isu cafiya una heshiiya. Xooggeenna, garaadkeenna iyo caqligeennu waxay ku xiran yihiin xubnaheenna oo dib isu wada qabsada. Waxaan waxgaradka Soomaaliyeed si kal iyo lab ah uga codsanayaa inay noqdaan kuwii farriinta maqaalka saxa, wax ka reeba, wax ku dara ama hirgeliya.
Dhammaad
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
Hashiyosman@hotmail.com
Kulankii Madaxda Soomaalida iyo IGAD oo Laso Gabagabeeyay,Lagana Soo Saaray Qodobo Xasaasi ah.Daawo Sawirada

Waxaa maalinimadii shalay guud ahaan ba Xarunta Shirarka KICC ee Bartamaha Caasimada Nairobi lagu soo gaba gabeeyey shirarkii Malmahaan socday ee ay soo abaabuleen Wadamada Urur Goboleedka IGAD, Shirar kaan oo bilowday Maalin nimadii Talaadada ahayd oo ku beegnayd 28/10/08 ah udhaxeeyey Xubnaha Barlamaanka Somaaliya, Madaxda Dawlada Federaalka Somaliya, Wasiirada Arimaha Dibada IGAD iyo Madaxda Wadamada IGAD ee Todobada dal ka kooban.
Shirkii dhacay maalin nimadii shalayoo ay wada yesheen Xubnaha Barlamaanka Somaaliya, Madaxda Dawlada Federaalka Somaliya, Wasiiro arimo dibadeedka Dalalka IGAD , Madaxweynayaasha iyo Raysalwasaarayaasha Wadamada ku bahoobay IGAD, Shirkaan ayaa ahaa shir saacado dhawr ah soconaayey isla markaasna ay ka had leen Hogaamiyayaal sar sare oo IGAD ka tirsan.
Shirkaan ayaa waxaa goob jog u ahaa oo ka soo qayb galay Xubnaha Barlamaanka Somaaliya , Madaxda sar sare ee Dawlada Federaalka ku meel gaar ka ah ee Somaaliya oo kala ah Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Ray-salwasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur (Cade) iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Sidoo kale Dhinaca Wadamada IGAD Waxaa Shirkana ujoogay Madaxda kala ahMadaxweynaha Wadanka Kenya Mwi Kibaki oo Asaga Marti loo ahaa Madaxweynaha Wadanka Yugaandha Yuweri Musafeni Raysalwasaaraha Dalka Ethopia Eto Males Zanawi.
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismail Omar Geele.Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Sudaan Salva Kiir Mayardit Xoghayaha Uur Goboleedka IGAD Eg Maxbuub.Ugu Horayntii Waxaa Shirkaan ka had lay Raysalwasaaraha Dalka Ethopia Meles Zanawi Waxa uu Sheegay in Dawlada Federaalka Ku meel gaar ka ah ee Somaaliya ay ubaahan tahay in la tageero oo ay dawladu noqoto mid shaqaysa, is la markaasna ay gacanta ku dhigto Gobolada kala duwan ee Dalka Somaaliya.
Raysalwasaaraha Ethopia ayaa sheegay in Dawladiisu ay doonayso in ay qayb ka qaadato Nabadaynta Wadanka Somaaliya, Zanawi waxa uu sheegay in uu soo dhawey naayo Heshiis kii Jabuuti oo ay wada Gareen Mucaaradka Iyo Dawlada Somaaliya.
Raysalwasaaraha Ethopia oo Qudbadiisi Maanta sii wata ayaa waxa uu sheegay in Xalka Dalka Somaaliya uu ku jiro Somaalida Dhex deeda balse uusan Xalku ku jirin Caalamka, Zanawi ayaa yiri Somaalida ayaa looga baahan yahay in ay Caalamka Tageero weydiistaan si buu yiri ay dalkooda una badaystaan, maahan buu yiri Raysalwasaaruhu in Caalmaku Somaalida weydiisto in ay ku Tageeraan in Dalkooda loo naba deeyo.Meles Zanawi oo gaba gabadii Qudbadiisa ku sii siqaya ayaa sheegay in Caalamku ka gaabiyey Xal uhelida Arimaha Somaaliya, haatan uu ugu baaqayo in Caalmku kaalin weyn ka qaato Nabadkusoo dabalida Wadanka Somaaliya.
Waxaa Asna Makarafoonka lagu soo dhaweeyey oo hadalay Madaxweynha Wadanka Kenya Mwi Kibaki waxa uuna sheegay in Kenya ay tegeerayso Dawlada Somaaliya isla markaasna ay ka qaadanayaan Kaalinta kaga aadan Xal ku soo dabaalida Wadanka Somaaliya, Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ay dhankooda soo dhaweynayaan Qarar kii dhawaan kasoo baxay Qaramada Midoobay ee Ahaa in lala dagaalamo Buracad Badeeda Afduubka ka geysta Gacanka Adan iyo Badweynta Hinida, Sidoo kale Kibaki waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan Maraakiib Dagaal oo biyaha Somaaliya loo soo diro lana dagaalama Burcad badeeda Afduubka ku shaqaysta.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in uu tageersan yahay Heshiiskii Dhawaan lagu saxiixay Jabuuti, Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay soo dhaweynayaan in ay Somaaliya ka dhacdo Sanadka 2009 Doorasho xor ah.
Kibaki ayaa Caalamka ugu Baaqay in la Tageero Xal kusoo dabaalida Somaaliya, Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale wadamada Midawga Afrika ugu baaqay in ay soo dhamaystiraan Ciidamadii loo qorsheeyey Nabadaynta Somaaliya ee AMISON.Madaxda kale ee Wadamada kale kasocday kama ay san hadlin Shirka balse Shirka waxaa laga soo saaray Baaq ay ku midaysan yihiin Wadamada IGAD ku bahoobay.Shirkii Maanta ee Saacadaha Dhawrka ah qaatay ayaa waxaa joogay oo goob joogayaal marti ah ka ahaa Xubno ka tirsan Isbhaysiga Mucaaraka oo uu Hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Ahmed, Xubnaha Mucaardka Hogaan kooda sare kama ay san hadlin shirka.Shirka ayaa markii uu dhamaatay waxaa Saxaafada Loo qayb shay Baaq Caalami ah oo si wada jir ah ay usoo wada sareen Wadamadii Urur Goboleedka IGAD ka tirsana ee Shirkaan kasoo qayb galay.
Baaqa Lasoo saaray oo Af Engilish ku qornaa ayaa waxa uu ka koobnaa 20 Qodob
- waxaa ka mid ahaa Qodobadii ugu Muhiim sanaa Kuwaan kala ah.-Soo Dhaweyn ay Wadamada IGAD Soo dhawey nayaan Awood Qaybsi Dawladeed oo ku salaysan 4.5.
-in lagu dhiso Mudo 15 Cihso ah Maamul Loo Sameeyo Gobolka Banaadir.-in lasameeyo mudo 6 Bilood Gudahood ah Dastuur Cusub oo Dawladu yeelato.
-Tageerid Heshiiskii Jabuuti iyo Hirgalintiisa, -Beesha Caalamka oo loogu baaqay Tageerida Heshiiska Jabuuti.-in Dawlada Federaalka Somaaliya laga Tageero Dhinaca Dhaqaalaha.
-In Dawlada Somaaliya loo Tababaro Ciidan Boolis oo Gaaraya 10.000 oo As kari.
- in Wasiirada Arimaha Dibada IGAD ay kulmaan 2 Bilood ba Mr.
-In Baarlamanka uu ka shaqeeyo Arimaha Nabada iyo Xal uhelida Xaaladaha Murugsan.
-In la sii wado arimaha dib u heshiisiinta, isla markaana lala hadlo dhinacyada kale ee Mucaaradka ah.-In hadii loo baahdo waqti lagu dari karo xukuumada iminka jirta.
-in Madaxweynayaasha iyo Raysalwasaarayaasha IGAD ay kul maan 6 Bilood ba mar.Waxaa waji gabax kala soo tagay goobta shirka Kenyatta International Conference Centre-( KICC) Xildhibaano farabadan oo u hanqaltaagayey in wax laga badali doono Madaxda sare ee dowlada iyadoo maalmihii la soo dhaafay ka wadey magaalada Neyroobi ee dalka Kenya diyaargaroow ay damacsanaayen in ay kaga taqluusaan jiritaanka dowlada federalka Somalia, waxaana habeenimadii xalay laga dareemayey Hotelada ay ka dagan yihiin magaalada Neyroobi daganaan iyo sharqan la'aan.
Banaadir Post
banaadir Post
Wednesday, October 15, 2008
Badalida Hogaanka Soomaaliya umataalo dawladdaha aanu Saaxiibka nahay" Wasiirka arimaha dibada ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa ka hadlay hadal lasheegay in uu ka soo baxay raysalwasaaraha dawladda Itoobiya, kaasoo ku aadanaa xaalada Soomaaliya siiba in badalaad lugu sameeyo Hogaanka sarre ee dalka Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in shirka ka dhacaya Magaalada Nayroobi looga hadlayo sidii Soomaaliya nabad looga dhalin lahaa, wuxuuna sheegay in aysan marnaba jirin hadalada ay maalmahaan wadeen qaar ka mid ah Saxaafada Soomaalida kaasoo ku aadan in shirkaasi lugu tirtirayo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Cali Axmed Jaamac ayaa isagoo la hadlayay Idaacada VOA-da wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin warka sheegaya in shirkaasi lugu badalayo hogaanka sarre ee dalka Soomaaliya, markaasna waxyaabaha looga hadlayaa yihiin kuwa qorsheysan oo ay la socoto wasaarada arimaha dibada ee dalka Soomaaliya.
Wasiirka oo laweydiiyey hadal lasheegay in uu ka soo baxay raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zanewi kaasoo ahaa in Soomaaliya nabadeeda lugu gaari karo oo kaliya hogaanka sarre ee dawladda Soomaaliya oo la badalo, ayuu wasiirku taasi ku sheegay mid ay dawladda Soomaaliya ka maqashay Saxaafada.
Jangali ayaa tibaaxay in ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya xiriir wanaagsan kala dhaxayso dawladdaha la dariska ah Soomaaliya, siiba wuxuu sheegay in ay dawladda Itoobiya wax weyn tartay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayagoo ku taageeray cudud ciidan oo wanaagsan.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa diiday in aysan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya qaban waxyaabihii loo sameeyey, isagoo tibaaxay in ay dawladda faderaalka ee Soomaaliya soo martay dhibaato ba' an oo ay ka mid yihiin dagaalo kaga yimid Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya & khilaafaadyo dhexdeeda ah.
Wasiirka amuuraha dibadu wuxuu shaaca ka qaaday in badalaad lugu sameeyo hogaanka sarre ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya aysan u oolin dawladdaha Saaxiibka la'ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dawladda Soomaaliya tahay dawlad madax banaan ayna dhisan yihiin hay'adihii Dastuuriga ahaa ee qaban lahaa howlahaasi, isagoo siweyn uga biyo diiday jiritaanka warkaasi.
War ay baahiyeen Saxaafada Soomaalida ayaa lugu sheegay in uu Raysalwasaaraha Itoobiya sheegay in ay Soomaaliya xasilidoonto marka badalaad lugu sameeyo Hogaanka dalka Soomaaliya, waa sida ay sheegeene Saxaafada Soomaalida.
Wasiiro ka tirsan dawladda faderaalka ee Soomaaliya & Xildhibaano ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa aad uga soo horjeestay hadalka lasheegay in uu ka soo baxay dawladda Itoobiya, waxaana ay ku tilmaameen in aysan Itoobiya ka hadli karin badalaad lugu sameeyo hogaanka dalka Soomaaliya.
Banaadir Post
Majaango
uk
Abuu-mansuur oo ku eedeyay dilkii Nabadoon Xooshow Abandulaha xoogaga Isbaheysiga garabka Asmara.Yusuf Indhacade.

Ninka asgau sida gaarka ah u daneeya leynta dadka wax ku oolka ee Somaliyeed Abuu -Maansuur xigtada Nabadoonkii lagu dilay Magaalada Baladweyne kula hadlay khadka isgaarsiinta, asgoo markaa kaga afeefanaya inuusan shaqo ku laheyn markaan dilka loogeystay Nabadoonka reer Baladweyne, wuxuuna ku eedeyay Indhacadde oo ah Abandulaha xoogaga Isbaheysiga garabka Asmara.
Abuu-mansuur wuxuu tilmaamay in Yusuf Indhacadde uu ku sugnaa Magaalada Baladweyne Maalintii la dilayay Nabadoon Xooshoow waana la wada ogyahay,mahaan mid dadka ka qarsoon, isagoo ka faa-iideysanaya hadalkiisii BBC ee aniga uu igu cambaareeyay ayuu kharajiyay.
Yusuf Indhacadde waa la xaqiijiyay inuu marka la dilayay Nabadoonka Beledweyne kusugnaa, hasse yeeshee wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in war laga helay Shirkadaha Isgaarsiinta Koofurta Somalia ay bixiyeen cod cadeeynaya in Mukhtaar Rooboow lahaa amarka lagu dilay Nabadoonka, balse wuu iska fogeeyay hadalkaas.
Dhinaca kale arintaan ayaa waxeey cadeeyn u tahay in shirkadaha Isgaarsiinta ka howl gala gudaha Somalia ay wax ogyihiin dilalka Qorsheeysan, ayna ayagu wax ka maleegaan leynta dadka wax ku oolka u ah Umada Somalia.
Mahan markii ugu horeysay oo ay soo yeerto in shirkadaha Isgaarsiinta oo ay Umada Somaliyeed ku amiintay ineey xogtooda isug mariyaan lasheego ineey ku lug leeyihiin dilaalka abaabulan ee loo geysto waxtarka Somaliyeed.
Fuad Yare
Padove Italy
Banaadir Post
Subscribe to:
Posts (Atom)