Horta, intaanan ka jawaabin su’aashaan, bal aan qeexo waxaaan ula jeedo qabiil iyo qabyaalad. Qabiil ama reer, ama jilib, ama jifi iwm, waa koox bulshada ka mid ah oo ku wada abtirsata hal ab ama oday. Qabyaalad waa markii wax lagu maamulo habka qabiilka oo dadka lgu kala takooro qabiil daradiis, qof wax lagu siiyo, qofna wax lagu yeelo.
Qeexiddaas ka dib, aan u gudbo dulucda maqaalkayga. Awalan, waxaan u arkaa wax fiican in qofku uu qabiilkiisa jeclaado, uuna la jeclaado horumar, barwaaqo iyo baraare. Waxaan sidoo kale u arkaa wax fiican in qofku ka shaqeeyo danaha qabiilkiisa. Haddaba, waxaa habboon in la isweeydiiyo, maxaa u dan ah qabiilkaaga? Jawaabtu waa sahal siday ila tahay. Waxaa u dan ah in qof kasta oo ka tirsan qabiilka uu helo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha qof banii’aadam ah sida nabadgelyo, waxbarasho, caafimaad, meherad uu ka xoogsado, hoy, biyo, nal, bay’ad nadiif ah oo bilicsan, xorriyad, xuquuql insaan iwm. Su’aasha taas ku xigta waxay tahay, haddii la adeegsado qabyaalad, ma la garsiin karaa xubnaha qabiilka nolo heer sare ah oo u qalanta qof banii’aadam ah? Waxaan isku dayaya inaan kaga jawaabo su’aashaas qaybahaan soo socda:
Ma loo daneeyaa qabiilka mise waa lagu daneeystaa?
Waxaan ognahay in mar kasta oo gole wasiiradeed la dhisayo in badanaaba dadku ka fiiriyaan in magaca qabiilkoodu ka muuqdo liiska wasiirada. La isma weeydiiyo qofkaasi muxuu u qaban karaa qabiilkiisa ama bulshadaba. Waxay noqotay caado aan la dhaafi karin in qabiil kasta uu suntado wasiir wasaarad nafac leh hoos timaado sida Wasiirka maaliyadda, kan saliidda, kan khayraadka badda iwm. Nasiibdarro, hadda sharcibaaba la dhigay in xubnaha xukuumadda iyo jagooyinka waaweeyn lagu qaybsado habka 4 qabiil iyo bar.
Qofka magaca qabiilka wax ku doonaya, kuna soo baxa, waxaan dhihi karaa 90% waa qabqable ku takhasususay ficiltanka qabiilka, waaya-arag ku ah guubaaba iyo dagaalka sokeeye, aragtidiisu ku kooban tahay reerkiisa oo keliya, aan muraadna ka lahayn maamulka dawliga ah, hadafkiisuna yahay inuuu waxun hanti ah ka xoqxoqdo meeshaas Waa mid aayan xisaabta ugu jirin horumar dhaqale iyo adeeg bulsho, isu haysta inuu sharciga sareeyo, waayo wuxuu aaminsan yahay inuu jagada ku helay, kuna haysto cududda qabiilkiisa. Qafkaas waxaa barbardhigtaa qof lagu soo xulay kartidiisa, waayo-arganimadiisa, daacadnimadiisa, hawlkarnimasiisa iyo aqoontiisa qoladuu iyo qabiilkuu rabo ha ahadee. Markaas waxaad isweydiisa, yaa danaha qabiilkaaga u roon ma midka magaca qabiilkaaga ku qaraabanya oo aan waxba kuugu ooleyn, mise midka aqoonta leh oo curin kara fikrado iyo qorshayaal wax loogu qabanayo bulshada oo qabiilkaagu ka mid yahay. Dabcan midkan dambe ayaa dan iyo faa’iido ugu jirta qabiilkaaga.
Haddaan mitaal kale soo qaadanno, waxaan aragnaa in mar kasta oo la dhisayo dawlad hoose, in qabiil ama jilib uu ku dhago mansabka Duqa magaalada, iyagoo ku andacoonaya inay u badan yihiin deegaanka inkastoo aan Soomaalida la tirakoobin. Sidaan ka warqabno, magaalooyinka waaweeyn ee Soomaaliya waa kuwo dhibaatoyin farabadani ay hadda la soo darseen. Waa magaalooyin si qaabdarro ah oo isku-raran ah u ballaaraty, aan lahayn adeeg bulsho, ay ka jiraan gaajo iyo shaqo la’aan, ay mar kasta ka dillaacaan cudurada faafa, aan lahayn waddooyin gawaaridu maraan iyo hab qashinka looga guro oo weliba ammaakoodu halis ku jiro. Caqliga saliimka ahi wuxuu ku talin lahaa in magaalada noocaas oo kale loo doorta Duq-magaalo oo lagu soo xulay waayo-aragnimadiisa, kartidiisa, akhlaaqdiisa, farsamadiisa, iyo aqoontiisa xagga maamulka iyo jaangooynta magaalooyinka, cidduu iyo qoladuu rabo ha noqdee. Taasi ma dhacdee, waxaa la magacaabaa ama is-magacaaba qabqable magac qabiil ku duulaya oo aan cidna u abaayaleeyn. Markaas waxaad isweeydiinaysaa, qabiilkaan deegaanka sheeganyey ma dhisayeen magaaladooda mise waa duminayeen.
Maya, qabyaaladdu dan uma aha qabiilka
Horey waxaan u niri danta qabiilka waxaa cabbir u ah waxqabad ku aadan mashaariic horumarineed oo nolosha bulshada bila sida dugsiyo, cisbitaalo, ceelal dadka iyo xooluhu ka cabbaan, fursado shaqo, guriyeyn, warshadeyn, xorriyad, ammaan iyo xasilooni. Hawshaas qofkii wax kaaga qaban kara ayaa kula tol ah oo kuu dan ah qoladuu rabo ha ahaade xitaa ajnabi. Dhanka kale, qofkii aan ceel ku qodayn, oo dugsi kuu dhisayn, oo isbitaal ku fureyn oo ammaan aan kuu sugeyn, kaas ayaa shisheeye kuu ah oo danaha qabiilkaaga ka soo horjeeda waloow aad magac wadaagtaan.
Waxaa la yaab leh, dadku markay maareeynayaan danahooda gaarka ah waa xisaabtamaan. Qofna ma oggola inuu dukaankiisa u dhiibto qof ay isku reer yihiin oo tuuga ah illeyn waa xadayaaye, qofna ma oggola inuu raaco baabuur uu wado ina adeerkiis oo aan weligiis darawalnimo baran, illeyn shilbuu galinayaaye, qofna ma oggola inuu walaakiis oo aan takhtar ahayn yiraahdo i qal illeyn waa dilayaaye. Waa yaabe, maxaa sidaas oo kale loogu xisaabtami waayey markii arrintu taagan tahay danta guud iyo maamulka dawliga ah.
Gabagabadii, ujeedada maqaalkaani ma ahayn inaa kaga faaloodo dhibaatooyinka faraha badan ee qabyaaladdu keento oo waxaa hadal dhammeeyey Allaha u naxariiste abwaan Abdullaahi Sultaan Timacadde markuu yiri: “Dugsi ma leh qabyaladi waxay dumis mooyaane”. Ujeedadaydu waxay ahayd oo keliya baraarujin in haddii jagooyinka dawladda lagu qaybiyo hab qabyaaladeed oo aan la firin mudnaan (merit) waxaa halkaas ku dulman waa qabiilkaaga iyo bulshdoo idilba oo aan helayn daryeelkay mudnaayeen. Ma magac qabiil oo lagugu dulleysto ayaad rabtaa mise maamul toosan lagugu daryeelo.
W.Q. Mohamed Dalmar