Search This Blog

Monday, October 6, 2008

Maxamed Dheere oo Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda




Guddomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ka hadlay xirnaashaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, hadal uu sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali iyo daciifnimo uu sheegay in ay la yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.


Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in xirnaashaha garoonka ay sabab u yihiin Shacabka ku dhaqan Muqdisho oo sida uu u yiri dantooda garan waayay iyo dowladda Federaalka oo dadka jiheyn weysay, danahoodana u tilmaami weysay.


“Arrinta garoonka iyo xirnaashihiisa waxaan qabaa in ay la xiriirto dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo danahooda garan la’ iyo Dowladda Federaalka oo iyaduna dadka ku jiheyn weysay in ay aayahooda gartaan”


ayuu yiri Maxamed Dheere oo shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay Garoonka dib ugu furan lahaayeen.


Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay ku sifoobeen daciifnimo isla markaana ay wax qaban la’ yihiin, isagoo carrabka ku dhuftay in maamulkii uu madaxda ka ahaa ee wax qabanayayna ay xilka ka qaadeen. Waxaa uu ku eedeeyay Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, “waxaa la socotiin in iyadoo Muslim iyo Gaallo loo diidan yahay in ay garoonka ka soo degaan oo madaafiic lagu garaacayo,madaxweynihii dalkana uu dhoofi la’ yahay ay Madaxda Xukuumadda ka soo degeen garoonka iyadoo aan wax madaafiic ah lagu tuurin”ayuu yiri Maxamed Dheere oo ka gaabsaday in uu magacaabo madaxda dowladda ee xiriirka la leh kooxaha dowladda ka soo horjeeda.


Waxaa uu ka hadlay hadal uu dhawaan sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo ahaa in Masjid ku yaala Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay in la bartilmaameedsado Odayaasha Hawiye, lana dilo.


“Saaxibkey Axmed Diiriye waxay ahayd in uu arrintaas mar hore garto, laakin haddii uu mar dambe gartay waa alle mahaddiis, waana ku bogaadinayaa in uu farta ku fiiqo in ay jiraan dad wanaagga ka soo horjeeda”


ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye looga baahan yahay in afkaartooda u soo bandhigaan sida Axmed Diiriye oo kale.


Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay u muuqdaan kuwo hadda fahamaya halka ay dhibaatada uga socoto, wuxuuna caddeeyay in loo baahnaa in ay garashadaas la yimaadaan sida uu hadalka u dhigay intii aan la dilin dad badan oo bulshada indho u ahaa, kuwaasi oo ay ku jireen gaancsato uu ka xusay Cabaas Maxamed Ducaale, C/kariin Shiikh Ibraahim Dhiblaawe iyo dad kale oo iyagoo aan waxba galabsan Muqdisho lagu dilay.


Banaadir Post

Magaalada Kismaayo iyo khaladka tirtiridda taariikha qaldan


Shaley aroortii waxay waraku kusoo baxeyn howl gallo ka socda magaalada Kismaayo , kaasi oo ka soo baxey maamulka cusub ee magaaladaasi gacanta ku haaya muddadaan dambe, oo ah burburinta kaniisadii ku tiillada beerta xuriyadda horteeda .

Maamulka ayaa amar ku bixiyey in la burburiyo , kaniidaan halkaasi ku tiil in ka badan 100 sannadood, oo ahayd meelha lagusoo tilmaansado magaalada Kismaayo, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay xaaraan in dalka ay ka dhisnaato kaniisado lagu dukanaayo diinta kirishtaanka.

Isla markaana waxaa ay go'aan ku gaareen in laga dhiso masaajid ay muslimiinta amase kuwa la islaamindoono ku tukadaan, lagana joojiyo ku tukashada kirishtaanka, waxyna sheegeen inay dalka oo idil ka burburindoonaan waxii kaniisado ah ee ku yaal, ay tanna tahay tillaabadii oogu horreysey, inkastoo la ogyahay inuu meesha uusan ka fogeen masaajid weyn oo ay Soomaalidu ku tukadaan.

Sheekh Zeylaci ayaan doonayaa inaan weydiiyo gaar ahaan iyo guud ahaan kuwa maamulka magaalada Kismaayo gacana ku haayo, so'aallo fara badan ayaa dhinac walbo iga hareereeyey, marka waan idin soo gudbinayaa, aniga oo aragtideydana raacsandoono, meeshii aan u arko inay ku habboontahay.

Maamulkiinna sharafta leh, waxuu sheegey inay kaniisadaani tahay xaaraan, haddaba weydiinta waxay tahay kuwa go'aankaasi gaarey ma hubsadeen waxa xaaraan iyo xalaal ay kala yihiin, waayo waxaa meesha ku yiil: gidaar ka kooban dhagac iyo sibir, qowlado, iyo guriyo dhir ,xafiisyo, iyo ciidda dalka, iyo gambaleel(jaras)bir ah, oo ay yaalliin sawirro dhax ku sameysan amase waraaqo ku sameysan, oo intaba sita magic la yri " KANIISAD" sida ay Soomaalidu u taqaan.

Haddaba ma intaasi ayaa xaaraan ah, taabashadooda mise magaca ayaad diiddeen oo aad u xaaraanteyseen ciiddii, dhagaxii, sibirkii birtii, haddii ay iftadiinnu taasi tahay macnaheeda waa dal la'aan iyo guryo la'aan, haddiise ay tahay magaca , magica laguu bixiyey ayaa maanta la iska beddelaa, oo mid kale la sameystaa, miyaysan dhicikari leheen, haddii aad magca siisaan oo aad tiraahdaan "maanta waxi ka dambeeyo waa masaajid sheikh hebel , amase masaajid hebel, miyaan lagu tukankarin, mise salad kuma ansaxeyso ciidda Kismaayo iyo masaajiddada Kismaayo.?

Qowladahii ay Soomaalidu degganeyd ee aad ka saarteen ma waxay ahaayeen kuwa ku noolaa dhul xaaraan ah, mise maamul ahaan ayaad ooga soo horjeeddaan dadka aad halkaasi ka saarteen oo arrintiinnu ayaa ahayd mid aad ka fiiriseen dhanka qabyaalad iyo wax aan loo fadhinin?

Miyaysan anfici leheen inaad u rogtaan dugi sare, heer jaamacad, dugsi hoose/dhexe, miyaan laga faa'idi leheen, oo magaalada wax tar miyaysan u lahaan leheen, iyo dadka masaakiinta ah ee aan waxba haaysan in caruurtooda wax lagu baro?.

Sheekhow, miyaan lag dhigi Karin maktabad lagu faafiyo kutubta diinta Islaamka oo noqnkartey meesha oogu qiimo badan ee magaalada ku taal, ayada oo aan la burburin, miyaana sina looga faa'iidi kareen, mise waa xaaraan in meel ay gaalo dhistey wax lagu qabsado, taasina daliilkeeda maxuu yahay diintee laga keeney?

Hantida ku baxdey dhismaheeda iyo burburinteeda, iyo hantida aad maanta dooneysaan inaad ku dhistaan masaajidka oo garabkiisa masaajid uu ku yaal miyaysan dadka iyo dalka wax kale u tari leheen.?

Diinteennaa soo tan qabto "diintiinna ayaad leedihiin, anna teyda ayaan leeyahay"mise taasi waa laga tirey diinteenna, oo sidaan ayaa soo korodhey, sow tii Ilaahay uu nabigeennaa barakeysnaa uu ku yiri"Maanta ayaan diintiinna idin kamiley, Islaamkana idin oggolaadey inuu diintiinna noqdo".

Sheekhow tillaabadaani waa mid aan laga fiirsan , oo u baahneyd marka hore in leys yiraaho, kaniisadaan maxay ku habboontahay oo laga sameen karaa, diinteen, dadkeen, iyo dalkeennaba ooga faa'iidi karaa,waase dhiciweysey, haddaba maxaa talo ah?

Waxaan ka baqayaa in furdadana ay noqoto mid xaaraan ah, waayo waxaa kusoo xidho, maraakiib khamro sida iyo kuwa ay gaalo leeyihiin,marka waa in maraakiibtaasina la burburiyo, dikaddana la burburiyo maadaama khamri oo xaaraan ah lala soo galo, mise waxaad I leedahay dhaqaale ayaan ka hellaa, saa darteed waa xalaaleyneynaa!!

Markeeda hore dhisitaanka kaniisadda khalad bay ahayd waa haddii aan isku raacno, waxayna dhacdey waqti ay Soomaalidu taag u hayn gumeystihii Talyaaniga,taasi waxay ahayd taariikh qaldan, hase yeeshee waxaa lagu saxey mid kasii khaldan, oo kasii xun, waxaanse jeclaan lahaa , in dalka iyo maamulkaba ka faa'iidaan dhismahaasi taariikhiga ah, isla markaana ay taariikhda ku geli lahaayeen wax qabadkooda.

Maantase masaajid uma baahneyn meesha in laga dhiso, waayo waxuu noqonayaa keli mid la qeybsado masaajidkii hore dadka ku tukado, ayada oo la ogyahay halka ay ku tiilley Kaniisada inay ahayd meel xafiiyada dowladda u dhow, inkastoo masaajidka kale uu aga dhowyahay.

Sheekhow maamulkiinna waxuu burburiyey taariikh loo baahnaa in carruurta looga sheekeeyo, hase yeeshee maantase khasaaro mooyaane, wanaag la sheego ma adan sameynin, waxaanse jeclaha ruux kastaa ee dalkaan iyo dadkaan wax u qabanaaya inuu marka hore is weydiiyaa, dadka iyo dalka maxaa looga faa'iideenkaraa, maxaase dhibaato ah ee ooga imaan karo jiritaanka sheygaani.

Qore:Jamaal Maxamed Mursal
jmm278@hotmail.com

Horta Ma Wadaad baa Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur)Mise?


Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ah Afayeenka Alshabaab ayaa iclaamiyey in dagaal xoogan lagala hortago kooxaha isbaheysiga dib u xureynta Garabka Jabuuti uu hogaamiyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyadoona hadalkaasi daareen naxtin leh galiyey shacabka reer Muqdisho oo 18 sano ku juray dagaalo aan laheyn u joodooyin iyadoona durbaba ay bilaabeen dadka reer Muqdisho iney ku gacan seyraan Shiikh ku sheeg Rooboow .
Hadalka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo dad badan ka careysiiyey ayaa la dhihi karaa in uu iclaamiyey dagaal fidno ah oo leysaga horkeenaayo xoogagii markii hore isku ahaa Maxkamadaha Islaamka Soomaliyeed hadalkaasina waxaa dad badani u turjuman nayaan burburkii sida ku wii ka dagaalami jiray Dalka Ciraaq oo dad badan ka dhaadhicin jiray iney u dagaalamayan danaha dadka Islaamka ah iyo kan dalka Ciraaq laakiinse markii dambe dad badan markeey dileen ay dadka degaanada ka horyimaadeen oo ay gacan adag isaga qabteen.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa'id oo qadka Telefanka u qabtay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa ugu baaqay xoogaga ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya in ay la dagalamaan isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka ku sugan dalka Jabuuti Dareen isku mid ah ee ka soo yeeray xoogaga Alshabaab iyo walaalaha Raaskanboono oo ah in ay banaan yihiin dhiigaga Sheikh Shariif iyo kooxaha Isbaheysiga iyadoona hadaladaasi ay u muuqdaan kuwa la doonaayo mar kale in dhiiga muslinka lagu daadiyo Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa la hubaa haday dhacaan dagaalka uu cilaamiyey Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) in aysan jiri doonin cid ka faa´´idi doonta iyadoona waxa kaliya oo laga dhaxlaayo ay noqon doontaa Bur bur iyo bara kac hore taana waxay keeni doontaa kooxa hal diin isla wata hadana dhiig iska daadinaayo.

Horta Ma Wadaad baa Mise waa sharwade? Waxaa lahubaa (Abuu Mansuur) waxaa ka warbixiyey dad badan oo uduleela isbadala ka dhacaya dalkeena Soomaaliya isbedeladaasi oo hada aanan bilaaban waxay ku sheegeen dadkaasi oo aan rabin in magacooda lasheegin baa yiri wuxuu haystaa Mabda' qaldan oo soo baxay dagaalkii sokeeye waxaa jira koox culumo sheegatay oo labaxday madhabta (Takthiir) madhabtaasi oo ku caan baxsan ineeyan cunin Hilibka ayaga iney qashaan maahinee.

Kooxdaasi waxay leeyihiin Masaajido u gaar ah, waxay
sameeyaan arin ku cusub Dhaqanka iyo Diinta Islaamka taas oo ah hadii ay qof dumar ah soo galayo waxay usheegaan iney aabeheed iyo hooyadeed Xaaraan isku guursadaan markaasna qasab ku tahay ineey ka soo tagto waalidkeed oo ayaga u go'do taas oo cadeeyn u ah xiligii loo soo qaxay ee 1991 dalalka Kenya iyo Itoobiya waxaa la arkay gabdho badan oo Masaajidada yimid oo Caruurwata ayagoo ka cabanaya in lagu sameeyey Maskax badalid.

Waxaa kaloo aad ula yaabka badnaa isla Marwooyinkaasi kuwa badan ineey ka tageen Ninkoodii iyo Caruurtoodii kadib markeey go'aan sadeen ineey ku biiraan Qoladaa labaxday Takthiir sidaasi darteed Abuu mansuur wuxuu ka mid yahay shar wadayaasha Takthiir ka ah marka malagu tilmaami karo wadaad ama ma uusheegan karo waxaadna ka garaneysaa sida uu u iclaamiyey Colaada ku aadan shacabka Soomaaliyeed ee mudada Dowlad la'aanta ahaa.

Qore:Mohamed Hussein Osman
mxuseen@yahoo.com

Al-Shabaab oo weerartay beesha ABGAAL


Xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Somaliya laguna magacaabo Mr. Fu`aad Shangole ayaa warar lagu kalsoon yahay oo ina soo gaaray ey sheegayaan in dhawaan uu soo saaray fadwo ka dhan an mid ka mid ah beelaha Somaliyeed ee daga K/Somaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa.


Mr. Shangole oo indhawaalaba laga daweynayay dhaawac kasoo gaaray dagaalo qaraar oo ka dhacay degmada Huruwaa horaantii sanadkan ayaa fadwadan ka jeediyay sida wararka aynu ku heleyno masjidka Abuu-Hureyra ee ku yaal Suuqa Bakaaro, wuxuuna taageerayaasha Al-Shabaab u sheegay in hantida iyo dhiiga dadka dagan laga bilaabo degmada Wardhiigley ilaa lagu geeyo degmada Xarardheere ey xalaal yihiin, islamarkaana ey howlaha Jihaadku ka socon la`yihiin dadka degan deegaanadaasi.


Fu`aad Shangole oo sidoo kale fadwadiisa uu ka jeedinayay masjidka Abuu-Hureyra ee Suuqa Bakaaro ku weeraray odayaasha dhaqanka Hawiye, kuwaasoo uu ku tilmaamay rag fidno isku urursaday islamarkaana wax aan isku dir iyo fidno aheyn soo wadin.


Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Mr. Fu`aad ka hadlo deegaanada iyo dhiiga beeshan ee uu iminka u xalaaleeyay taageerayaashiisa, waxaana cajal laga soo duubay mudo sanad ka hor uu sidoo kale ku tilmaamay deegaanadan iyo dadka degenba kuwo gabaad siiya gaalada iyo waxa uu ugu yeeray cadowga oo ku raaxeysta.

Hadalka Fu`aad Shangole ayaa sidoo kale kusoo beegmay xilli ey kooxdiisu iclaamisay dagaal ka dhan ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo taageerayaashiisa.


Banaadir Post

Friday, October 3, 2008

Shiikh Daahir Aweys oo ku baaqay in dib loo eego go’aankii lagu xiray Garoonka Diyaaradaha , ma runbaa iney istaageen lacagihii baada ahaa ..


Jimco, October 03, 2008(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara ayaa wuxuu ka hadlay xirnaashaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.


Shiikh Xasan ayaa sheegay in xirnaashaha garoonka uu saameyn ku yeeshay shacab badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in go’aankaas dib loo eego, “waxaan ku baaqeynaa in dib loo eego go’aankii lagu xiray garoonka Diyaaradaha Muqdisho bacdamaa ay faa’iido badan ku qabeen Shacab badan oo Soomaaliyeed”ayuuna yiri Shiikh Xasan Daahir.


Go’aankii lagu xiray garoonka wuxuu ahaa mid ahaa aan la isku waafaqsaneyn, waxaana gaaray dad gaar ah oo aan wax wada tashi ah ka sameynin”ayuu hadalkiisa ku soo daray Shiikh Daahir Aweys.


Been ma ahan garoonka waxaa ku daneysta ciidamada cadawga iyo qolyaha keensaday, laakin waxaa ka badan danta ay shacabka ku qabaan”


ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo ku cel celiyay in ay ku talinayaan in go’aanka lagu xiray garoonka dib loo eego”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir.


Horay waxaa baaqyo midkan la mid ah u jeediyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo aan ka xusi karno Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Shiikh Cumar Iimaan Abuu Bakar, Shiikh Yuusuf Indha-Cadde, Shiikh Xasan Turki iyo Shiikh C/raxiin Ciise Caddow, waxayna dhamaantood ku baaqeen in garoonka dib loo furo.


16-kii bishii hore ayay ahayd markii Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu soo saaray Bayaan uu ku sheegayo in uu ku xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo Bayaankaasna Shirkadaha Diyaaradaha rayidka ah loogu sheegay in aysan garoonka ka soo degin. Laakin ilaa iyo haatan waxaa xayiran duulimaadyadii rayidka ahaa, waxaana garoonka yimaado diyaarado u socda Ciidamada Amisom iyo kuwo ay ku duulaan madaxda Dowladda Federaalka.


Ugu dambeyntiina, tan iyo markii uu dhaqangalay bayaanka uu dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ku xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa dad badan oo doonayay in ay dalka ka dhoofaan waxay danta ku kaliftay in ay safar dhinaca dhulka ah ku tagaan Magaalada Gaalkacyo, kadibna ay halkaas diyaarad ka raacaan, halka kuwo kalena ay dhinaca dhulka ka galaan Dalka Kenya, si ay meelo kale uga sii aadaan.


Salaad Iidow Xasan (Xiis).

Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com
Mogadishu,

Somalia

Wednesday, October 1, 2008

101,716.05$ Oo Uu Lunsaday Darbo Weyne Yaa Loo Raacanayaa .


Xubno 10 ka kooban oo gudiga fulinta ka tirsanaa ayaa shir ay ku qabteen 22 feb 2007 waxey ku cadeeyeen in lacagtii ugu horeysay ee FIFA ay ugu tala gshay xiriirka k/cagta markii lagu soo doortay Baydhabo uu lunsaday dhamaan lacagtaasi Muxuyadiin Hasan Ali Darba wreyne.


Bayaanka xiligaasi la qabtay waxaa lagu sheegay in Guddoomiyihii xiligaasi ee xiriirka k/cagta Muxiyadiin Xasan Cali xilkii laga qaaday markii uu Is hortaagay ku dhaqanka Dastuurka xiriirka sidoo kale waxaa lagu sheegay inuu Ku tagri falay isla markaana uu lunsaday hadtida xiriirka k/cagta.

Guddiga fulinta xiriirku waxey cadeyeen in Guddoomiyahoodii uu Lunsaday kuna tagri falay hantida xiriirka ay taasoo ay ugu deeqday FIFA ,wuxuuna kula baxay lacagahaasi document qiyaano ah .
gudiga fulinta oo markaa isku dayay iney arintaan si sharci ah ku xaliyaana ayaa gudoomiyahoodii wuxuu ku adkeystay iney lacagtaani tahay tii doorashada kaga baxaday isla markaana uu soo ceshanayo uuna xaq u leeyahay.
Lacagta uu muxuyadiin Darbo weyn uu qaatay ee uu lunsaday waxeey gaareysay $101,716.05 Dollar (boqol iyo kow kun todobo boqol toban iyo lix kun iyo shan senti oo dollar) waxaana lacagta uu jeebka ku shubtay Darbo weyne ay aheyd mushaarkaadka shaqaalaha garoomada Banaadir iyo muqdishu , shirkada isgaarsiinta Telecom Somalia iyo horumarinta kooxaha iyo maamulka xiriirka.
Shaqaalaha Garoomada Muqdishu iyo Banaadir ayaa 3 sano oo Mushaar ah ku lahaa lacagtaasi markii ay si tabarucaad ah u soo shaqeeyeen,waxeyna mushaarkooda uu ahaa $ 51,840.00 laakiin waxaa afka marsaday Darbo weyne.
Shirkada isgaarsiin ee Telecom Somalia oo telefonadeeda ay xiriirku isticmaalayeen ayaa waxeey lacagtaasi ku laheyd 3 sano oo bil ah waxeyna laheyd $ 12,076.05 laakiin waxaa gacanta ku qaatay darbo weyne. qeybta 3-aad ee lacagahaasi ee soo hartay ayaa waxaa looga talagalay Horumarinta kooxaha, iyo shaqaalaha xiriirka waxeyna xaqooda uu ahaa $ 37,800.00 marka la isku darana dhamaan lacagahaasi ay FIFA u soo dhiibtay Xiriirka K/cagta waxey aheyd Total ahaan $101,716.05markii ay sidaasi dhacaday ayaa gudiga fulinta iyo kooxihiisa waxeey xilka ka xayuubiyeen gudoomiyahoodii Muxiyadiin Hasan Ali Darba weyne isla markaan documnets xilka looga qaaday FIFA u diray sidaana ay ku aqbashay in Said Mugaanbe ay gudoomiye u aqoonsato halka ay wax kama jiraan ka soo qaaday Darba weyne.
hadaba yaa loo raacanayaa $101,716.05 oo ku maqan Muxuyadiin Darba weyne taasoo la sheegay inuu boosas iyo kooxo uu ku gatay ,goorma ayaase dhici doontaa in hantidaasi laga soo celiyo.
la yaab ma laha in Darba weyne lacagtii looga talagalay horamarinta k/cagta somalia uu jeebka ku shubto isla markaana lagula xisaabtami waayo faraha zendiko oo xiligii ugu dheeraa soo maamulayay sports somalia ayaa sumcadisii ku waayay markii lacagihii sports somalia loogu talagaya uu qasnadiisa ku shubtay isagoo hotelo waaweyn ku gatay markii danbna saaxada sports caalamka ka saartay.
kuwa haatan hogaanka u haya maamulada Gos iyo k/cagta ayaa sidaasi iyo si ka sii daran jeebka ugu shubta lacagaha loo soo dhiibo horamarinta sports somalia iyagoo is leh kuwii idin kaga horeeyay maamulkaan cidna kulama xisaabtamin hantidii ay lunsadeen ee adinka caloosha ku shubta lacagahaan.
Gudoomiye Said Mugaanbe iyo kooxdiisa ayaa haatan waxaa gacata ay si fiican ugu dhigeen qeybtii 1-aad ee lacagta FIFA markii ay sheegeyn in ay dhisayaan garoonka Duqobay ee Banadir Stadium kaasoo 400.000 $ lagu siiyay laakiin ilaa iyo hada wax ka soo naasa cadaaday ma jiraan.
waxaa jira oo kale in garoonka la isku heysto dhismahiisa markii qeybta danbe uu nin sheegatay inuu leeyahay markii uu Documents la yimid u cadeynaya milkiyada dhulkaasi sidaan uu hakada ku galay dhismihii garoonkaasi iyadoo lacagtaasi ay jeebka Mugaabe iyo xoghayihiisa ay ku jirto.
Sir Sunni Said Salah
Senior Somali Sports Journalist