Search This Blog

Monday, June 22, 2009

ISQARXINTA SHARIIFKA IYO SAAXIIBADIIS!!

Sh. Muxamed Idris Axmad Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka;

dalyaqaan@yahoo.com


بسم الله الرحمن الرحيم


Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

ISQARXINTA SHARIIFKA IYO SAAXIIBADIIS!!

Maanta oo Taariikhdu tahay 27kii Jumaad Thaani 1430, kuna began 20 June 2009 ayaa waxaa soo gabagaboobey Falkii Ismiidaaminta Siyaasadeed ahaa ee ay galeen Koox wadaada ah ama loo yaqaanno (Islaamiyiin) oo uu horkacayo Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyihii hore ee Maxaakimtii Islaamka Muqdisho (2006), kadibna ku bahoobey Isbahaysigii la magac baxay Asmara, Waxaana falkaas daaha loogu rogay Markii ay Wadaadadaasu kusoo gabagabeeyeen Noloshoodii Siyaasadda ee gaabnayd iyo Socdaalkoodii Nairobi iyo Asmara kasoo Bilawday, Jabuuti & Sanca soo maray, New York, Brussels iyo Addis Ababa Transitya kala duwan kusoo nastay, iney maanta si rasmiya u codsadeen (Amxaaradu iney Dalka Soomaaliya Qabsato Mar kale) Weliba Amxaarada Keliya maahine, ay ka codsadeen (Yurub, Maraykan, Kenya, Igad, Afrika oo dhan, cid kasta oo dooneysa dal bannaan) iney kasoo qayb galaan qabsashada iyo kala qaybsiga dalka Soomaaliya iyagoo ugu yeeray waxa ay ku tilmaameen (In la Badbaadiyo DKMG). Wadaadadi warkaa ma sheegin, waxaase ugu hadlay Aadan Madoobe iyo Afhayeenka Wasaaradda, iyana ma beenin ilaa hadda.

Falka Isqarxinta ama (Intixaarka Siyaasiga) noocan ah ee lagu waayo Diinta, Sharafta, Wadaninimada, Geesinimada iyo Raganimada, iyo qiima kasta oo qofku adduun iyo aakhiraba ku yeelan karo, (Waa Inuu Amxaaro ugu Yeero Iney Qabsato Soomaaliya Isna dabqaad u noqdo) waxaa horay isugu miidaamiyey Soomaali badan oo ay ka mid ahaayeen Col. Cabdillaahi Yusuf, Dr. Cali Maxamed Geedi, Gen. Cumar Masalle, laba alifle Maxamed Dheere, Col. Barre Hiiraale, iyo kuwa kaloo badan, waxaan sharaf darro iyo magac xumo ahaynna kama dhaxlin. Waa arrin laga xumaado in rag wadaada ahaa, oo diinta ku abtirsada ay maanta dalka ku casuumaan Amxaaro, arrinkanna ku khatimaan nolol siyaasadeed oo aad u gaaban.
Gaaja kasta baqti looma cuno, oo sharafta shey kasta looma daadiyo, oo wajiga wax walba laysagama diiro, oo magaca wax kasta oon macna lahayn laysagama dilo.

Soomaalidu wexey tiraahdaa Nabar la filayey Naxdin ma leh, laakiin waxaa la filayey iyagana u sharaf badnaan lahayd, kolley Amxaaro, iyadaanba casuumad iyo fasax cidna ka rabine, iney iskaga tagaan meesha, hadday iska cabin kari waayeen xoogagga kasoo horjeeda, u yeeridda xabashidana aan iyaga taariikhdu ku qorin.

Shariifka iyo Wadaadada la socdey waxaa soo martay fursad fiican oo wax lagu badbaadin karey, tasoo ahayd, sida wax badan lagula taliyey, iney la heshiiyaan saaxiibadii shalay ee kasoo horjeeda, soo dhoweyaan, isku dhabar jebiyaan, laakiin kama faaiidaysan. Shariifka iyo raggiisu ma garwaaqsan ciilka iyo carada saaxiibadoodi shalay, markay kooxda shariifku u malayeen iney keligood cuni karaan lana carari karaan, dherigii bisaylka dhowaa ee lawada dhawrayey, dabadeedna ay ku kaaftoomaan, trainka ama soo raaca ama guryihiina jooga, siduu Shariifku mar ku khudbeeyey!
Shariifka iyo kooxdiisu maalintey nabad iyo dibuheshiisiin ku dhawaaqeen dad badan oo Soomaaliya ayey kasbadeen. Waxaana dad badan soo gashay yididiilo in wax degaan, ummuurtuna xasisho, cidnana kuma qancin karaan, wadahadal waa nala ka diidey, oo haddii wadahadal lagaa diidey, waxna aad iska dhicin kari weydey, ma Xabashi ayaad u yeeraneysaa? Maad iska tagtid.

Nimanka maanta sida qayaxan u dalbaday (Amxaaro ) iney dalka qabsato, oo ciidamadeedu dib ugu soo noqdaan, kuwa kalena meela kale ka yimaadaan, dalka iyo dadka Soomaaliyeedna mar kale Gumaysi galaan, meel xun oo taariikhda u gashay ayey is dhigeen, ninkastoo wadadaas qaadaana dulli ayuu ku dambeeyaa, umadda Soomaaliyeedna weligiis taageero iyo magac kama filan karo.

Kuwa ku riixey meesha xun, ee sabab u noqonaya iney nimankaanu gaalada usii shalwadaan, oo ku cararaan, ummad badanina halaagsanto, boqollaal kunoo cusubina qaxaan, iyana saan filayo, amaan badan Shacabka Soomaaliyeed kama sugayaan, hawlaha ay maalmahaan dambe faraha kula jireen dartood, iyo sida dadban oo ay waxa dhacaya qayb uga noqdeen.

Waxa maanta taagan wixii Culimada iyo Wax garadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in badan ka digayeen, oo ah, in Itoobiya Sallaxaneyso sidey si sharciyaysan Soomaaliya ugu xalaalaysan lahayd, waana tan maanta dalbaneysa in Adduunku u xalaaleeyo Soomaaliya, Kharashkana laga bixiyo, Mar dambana aan la weydiin goortey ka bexeyso. Waa wixii ay Culimada iyo Wax garadku u lahaayeen, war walaalayaalow khatar idinka weyn ayaa soo muuqata eek u baraaruga oo fursadda yar aan Soomaali ahaan dib isugu dhisno, laakiin dhegaha laga cufaystay, sidaas ayeynaan maanta u Maqlayn war culimo, iyo war Odayaal toona, waayo markii la maqli waayey, ayey in badani hawshaba faraha ugala bexeen.

Hal Baaq oo iigu dambeeya waxa weeye: Kooxda wadaadada ee Shariif hoggaaminayey, haddeey weli waxuun dhawranayaan:
Waa Iney si deg dega Saacadaha Soo socda ugu dhawaaqaan:

Iney Ka bexeen Siyaasadda oo dhan, ugana tageen Kooxihii kasoo horjeedey, Dalkana aaney marna ku casuumayn Amxaaro, (oo weliba leh gumaysiga Soomaaliya lacag hala iigu daro, Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun). War Duf kubaxa e meesha isaga taga inta goori goor tahay, Aaadan Madoobe iyo Wixii Amxaara u yeeranaya, uga taga meesha haddaad weli wax isku falaysaan.War Maanta uun wax naga Maqla.

Ilaahay waxaa ka baryeynaa Imtixaanada cusub ee la galay inuu naga bad baadiyo, Muslimkana Ilaahay u Naxariisto.

WQ. Sh. Muxamed Idris Axmad

dalyaqaan@yahoo.com

Friday, June 19, 2009

Bayaan uu soo saaray Xildhibaan Saciid Cali Shire


Magacaygu waa Saciid Cali Shire, waxaan ahay qoraa, aqoon yahan iyo waxgarad Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale ahay xildhibaan ka tirsan dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Maanta, oo taariikhdu tahay 18/06/2009-ka, waxaan halkaan ku cabirayaa dareenkayga ku aaddan guud ahaan xaaladda murugsan ee Soomaaliya, gaar ahaan dhacdooyinkii isdaba joogga ahaa ee maalmihii la soo dhaafay hareeyey Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya.

1-Ugu horayn waxaan tacsi u dirayaa, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii dadkii xusuuqa naxariis darrada ah loogu geystey guryohooda, shalay oo taariikhdu ahayd 17 June 2009-ka. Waxaan tacsi middaas la mid ah u dirayaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii dadka tacaddiyaadka loogu geystey Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay. Tacaddiyadaas ha geysteen cadaw ajnabi ah oo aan shacabka Soomaaliyeed u naxayn ama doqon, cada-qaate ah, damiir xume ah, wax iskuma fale ah oo magic Soomaali nala sheeganaya.

2-Waxaan cambaaraynayaa dadkii geystey xusuuqii 17 Jun 2009 ka dhacay magaalada Muqdisho iyo kuwii ka horeeyey dhammaan. Waxaan leeyahay waxaad gasheen jariimo Eebe agtiisa ku weyn, caalamka agtiisa ku weyn, shacabka Soomaaliyeedna agtooda ku weyn. Jariimadaas iyo kuwa la midka ah ee aad gasheena noqon mayaan kuwo shacabka Soomaaliyeed ee biri-ma-geydada ahi hilmaamo.

3-Waxaan eedayn iyo cambaarayn u soo jeedianayaa Weled Cabdala, ergeyga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobay. Walad Cabdlalla, waa waayeel aan qalbigiisu naxariis aqoon, waa waayeel aan damiir Islaanimo lahayn, waa waayeel aan wax xurmo ah u hayn shuruucda iyo cahdiyada u qoran hay’ada uu wakiilka uga yahay Soomaaliya. Haddaanan khaldanayn, laga soo bilaabo Diseember 2006, waa yartahay, ama maba jiraanba, in Weled Cabdala uu wax dareen ah ka muujiyey tacadiyaadka isugu jira dilka, kufsiga, bara kicinta iyo bur-burinta ciidammada cadawgu u geysteen shacabka Soomaaliyeed. Waxaa maanta bannaanka la soo dhigay in Weled Cabdalla uusan marna daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya. Waxa maanta qof kasta oo Soomaaliyeed ogyahay dunuubta Weled Cabdalla ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale qof kasta sii oddorosi karaa dhagaraha Weled Cabdalla iyo caddawga insaaniyadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed. Weled waxaan leeyahay, dhiigga daahirka ah ee ku daadanaya dhulka daahirka ah, ilmada ka qubanaysa waayeelka iyo caruurta Soomaaliyeed, bur-burka iyo bara kicinta aad maryaha xariirta ah kor kaga hadoodilaysid, waqtigoodii waa dhammaaday, shacabkii iyo waxgaradkii Soomaalidu waa tooseen runtiina way arkeen. Maanta ma jirto, haba yaraatee,wax xushmad iyo wanaag ah oo shacabka Soomaaliyeed kuu hayo. Weled, waxaan leeyahay waxaad tahay caddawga insaaniyada, haddii waqtigu nagu simana waxaan ku horkeeni doonaa maxkamad.

4-Waxaan dhaliil u soo jeedianayaa dadka masuuliyadaha sare ka haya dawlada ku meel-gaarka ah ee aan ka damqanayn dilka, kufsiga, baro-kicinta iyo dhibaatooyinka kale ee sida joogtada ah loogu geysto shacabka Soomaaliyeed. Waxaan dadkaas, oo intooda badani aysanba fahansanayn mas’uuliyada ay xanbaarsan yihhin, u sheegayaa, in ay Eebe ka cabsadaan, damiir iyo dadnimo muujiyaan, shacabkooda u naxaan, dalkooda u naxaan. Waxaan u sheegayaa in ay imaan doonto dharaar lala xisaabtami doono. Waxaan ku boorrinayaa in ay ummadda waxgaradkeeda isla raadiyaan, waxaan ku boorrinayaa in ay talooyinka loo soo jeedinayo maqlaab,waxaan ku boorrinayaa in ay xal u raadinta dhibta Soomaaliya daacad ka noqdaan. Waxaan leeyahay war toosa oo hal mar indhaha kala fura; war arka adduunku meeshuu marayo; war dareema meesha adduunku u socdo; war fiiriya xaalka dadkeena iyo dalkeenu ku sugan yahay; war dadnimo, karti, garasho iyo dadaal muujiya.

5-Waxaan dhaliil iyo cambaarayn sidoo kale u soo jeedinayaa mucaaradka hubaysan ee Soomaaliyeed. Mucaaradka waxaan leeyahay: haddii dadkii qaar dhintaan, qaarna darxumo xeryo qaxooti ugu indho xun yihiin; haddii dhulkii qaarna cadow qaato, qaarna qashin lagu aaso, bal joogeey, yaad xukumaysaan. Miyaydaan dammiir lahayn, xikmaddii iyo caqligii ma idinka suulay. Waxaan leeyahay, dhibta Soomaaliya qayb ayaad ka tihiin, xalka Soomaaliyana qayb ayaad ka tuihiin. Ilaa hadda waxaa muuqata in aad doorateen in aad dhibka qayb ka ahataan oo kaliya. Waxaan leeyahay caqliga iyo dammiirka hal mar gujo ugu laabta oo dhanka xalka soo fiiriya. Mucaaradka waxaan leeyahay dalku waa dalkiinu, dadku waa dadkiinii, hoggaamintiisana xaq baad u leedihiin ee u soo mara waddada saxda ah. Mucaaradka waxaan xusuusinayaa hadalladii Abwaan Gaariye markuu lahaa “Maalin baa iman doonta, haddaan Eebahay, caymin afku uu hadal daayo; maalin baa iman doonta, iyadoo is wada wayday, oodda loo rogi doono”.

6-Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxaan ku boorrinayaa in ay u noqdaan Allaah, denbi dhaaf waydiistaan; in ay naftooda ku noqdaan oo dunuubta iyo macaasida ay ku fogaadeen ka toobad keenaan; in ay is cafiyaan oo wixii xuquuq ah oo ay kala haystaan isu celiyaan. Waxaan leeyahay, Eebe maahee cid kale idiinma maqna, ee Eebe xaggiisa u jeesta, isku damqada, isku naxariista, isu gargaara, oo is gacan qabta.

7-Waxgaradka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, Eebe ka gadaal, ummad waxa badbadiya wax garadkeeda, ummad waxa u fekera wax garadkeeda, ummad waxa horumariya wax garadkeeda, ummad waxa u naxa wax garadkeeda. War idin mee! Weli ma qolbaad oohin iyo tiiraanyo kula xiran tihiin. Waxaan idin leeyahay, qolka ka soo baxa, ummadda u fekera, ummada dhanka xalku ka jiro u dhaqaajiya. Waxaan idin leeyahay dareema mas’uuliyada idin saaran. War ma cid baad martiqaad ka sugaysaan. Waddanku miyuusan waddankiinii ahayn, dadku miyuusan dadkiinii ahayn, miyaydaan ka tiiraanyaysnayn meesha xaalkiisu maanta marayo iyo cawaaqib xumida u danabysa. Wax garadka waxaan leeyahay aan qaadano taladii Maxamed Daahir Afrax oo aan isu taagno in aan abuurno dhaq-dhaqaaq maskax furan oo dadka danta u haga; dhaq-dhaqaaq waddani ah oo wacyi qaranimo abuura; dhaq-dhaqaaq ujeeddadiisu tahay iftiimin iyo abaabul; dhaq-dhaqaaq aan kooxayste ahayn ee kulmiye ah.

8-Culimada Soomaaliyeed, Eebe ha xifdiyo, inta la hayo taariikhda Soomaaliya: culimadu waxay ahaayeen kuwo har iyo habeen heegan u ah, oo u soo jeeda, door facaal ahna ka qaatay duruuf kasta oo adag oo soo wajahday Soomaaliya. Gumaysi iyo gaalnimo wax ka dhiidhiya culimadaa ugu horaysay; xornimo wax u dagaalamay culimadaa u horaysay; caqiido xun, bidco iyo daaquud wax ka horyimaada culimadaa ugu horaysay; wax kii tabaalaysan u naxa, iskoolo fura, cisbitaalo fura, har iyo habeen ummada adduunkeeda iyo aakhiradeeda ka ka welwela culimadaa ka jirta. Culimoy, ha ku eeganina dalka, dadka iyo diinta dhibta iyo xumaanta. Culimoy maanta hiil baa dalka, dadka iyo diintu idiinka baahan yihiin. Culimoy calanka qaata, dhiirrada, isu taaga sidaad inta yar ee hartay u caymin lahaydeen. Shacabku dhankiinuu soo fiirinayaa, adduunku dhankiinuu soo fiirinayaa, Eebe dhankiinuu soo fiirinayaa. Eebe naxariistiisa ka gadaalna, tallaabada aad manta qaadaan ayaa ummaddaan badbaado u noqon doonta, taas baana taariikhda idiin geli doonta.
Waxaan ku soo khatimayaa qoraalka tuducyo ka mid ah gabaygii Xaaji Aadab Afqalooc, Eebe ha u naxariistee, ka tiriyey dilkii Sh. Bashiir, Eebe ha u naxariistee. Xaajigu wuxuu yiri:

Ummadaan xorriyad doonan oo daafac noqon wayda
Dadku inuu addoonsado horaa loogu daabacaye
Dabka naara fulahaa wax gala ugu dambaab weyne
Dacaska iyo ceebtaad qabtaan baa idinka diimoone
Dunjiga Aadan ubadkuu dhalaad ugu danbaysaane
Wixii aad ku dacafteen qalbigu sow iskama daayo
Dib maxaa idiin celianayoo horay idiin diiday
Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya

Eebe waxaan waydiisanayaa in uu xaqa nagu sugo, Islaanimo nagu dilo, nagana mid dhigo ehelka jannada.
Wasalamu calaykum

Saciid Cali Shire
email: saidshire@hotmail.com

Thursday, June 18, 2009

DR. CULUSOW – SIYAASI AQOONYAHAN AH, KAABA-QABIIL MISE DAGAAL-OOGE?

Maalmahan waxaa rugo badan oo dariishadaha wararka laga akhristo ah hadba iiga soo horbaxayey qoraallo si isdaba joog ah isaga soo daba dhacayey oo uu soo gudbinayey Dr. Maxamuud Maxamed Culusow. Anigoo si gaar ah tixgelin u siiya qoraallada ka yimaada dadka derajooyinka aqooneed sheeganaya iskuna daya inaan akhriyo bal inaan kala kulmo macluumaad waxtar leh ayaan hadana si gaar ah u danaynayey inaan wax ka ogaado aragtida siyaasadeed ee Culusow iyo halka uu iska taagey xaallada cakiran ee dalka maadaama aan hore ugu ogaa inuu mar ahaa amaba weli yahay hoggaamiye beeleed. Qoraalladaas oo aan kala kulmey aragti muuqaal madow ka bixinaysa shaqsiyadda Culusow iyo kaalintiisa siyaasadeed ayaan qoraalkan wax kaga tilmaami doonaa..

Dr. Culusow mar aan sidaas u sii fogeyn warqadaha rasmiga ah ee uu kala dirayo waxa uu hoosta uga saxiixi jirey inuu yahay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Beesha Cayr, waxaana suurto-gal ah inuu weli xilkaas hayo, haddii ay sidaas tahay aragtida siyaasadeed ee Culusow waxa ay sawir ka bixinaysaa halka uu u jeedo hoggaanka siyaasadeed ee guddiga beesha uu guddoomiyaha u yahay, taasina macnaheedu ma ahan in qoraalladiisa iyo argagtidiisa siyaasadeed ee gaarka ah in beeshiisu ay la wadaagto.

Dr. Culusow qoraalladiisa saddex ka mid ah oo aan isha mariyey waxaa laga fahmayaa aragti siyaasadeed oo walaac leh oo nuxur ahaan tlmaamaysa in aragtidiisu aysan ka gudubsanayn siyaasaddii hoggaamiye kooxeedyada ee ARBUSH & ISBAARO iyo falsafaddii dawlad-diid-nimada ahayd ee laga bartey dagaal-oogayaasha iyo taageero xad-dhaaf ah oo uu hayo kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah ee Xamar dagaalka ka wada.

LA SAFASHADA KOOXAHA DAGAALKA WADA & DIIDMADIISA KU DHAQANKA SHAREECADA

Dr. Culusow marna ma aqoonsana in dagaalka lagu hallaagsamay ee ka billowdey Muqdisho markii Xamar ku soo laabtey ninka ay isku beesha yihiin ee Xasan Daahir Aweys inuu yahay dagaal gardarro ah oo dawladda lagu soo qaadey mas'uuliyadiisana ay leeyihiin kooxaha mucaaradka ah ee wadahadalka diidey, waxaana uu halkeedii rumaysan yahay inuu yahay: 'Dagaal u dhexeya koox Maafiya ah ee beesha caalamka ku adeeganeyso iyo wadaniyiin difaacaya danta iyo Mustaqbalka fog ee Soomaaliya'; Culusow intaas ugama harine qoraal Af-ingiriisi uu ku soo qorey oo sida muuqata uu kula hadlayey beesha Caalamka isagoo wakiil ka ah Kooxaha dagaalka wada ayuu ku sifeeyey in dagaalka socdaa yahay mid ka dhashey markii siyaasadda dibedda laga dhigey waxa uu ugu yeerey dadkii soo halgamay oo uu ula jeedo Xasan Daahir Aweys oo wadahadal oo dhan diidey.

Waxaan aad ula yaabey in Dr. Culusow oo ku dhiirradey inuu ka hor yimaado Shareecada ay dawladdu qaadatey uuna yiraahdo in dhaqan gelinta Shareecada aysan ahayn mid u taalla dawladda Soomaaliya, waxaana uu qorey: Soomalida ayey u taal inay ka tashadaan arrimaha ku saabsan ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo dhismaha qaabka Dowladda ka tarjumeysa.

Qoraalladiisa meelo badan oo ka mid ah waxaa xiiso gaar ah igu abuurey in Culusow iyo Xildhibaanno taageersanaa C/hi Yuusuf ay isku mawqif ka istaageen qaabkii uu u dhacay Shirkii Jabuuti iyo sharcinnimada wixii ka soo baxayba, waxaana uu Culusow aad isugu dayey inuu dafiro sharci-nimada Dawladda KMG ah isagoo si lala yaabona u aqoonsan sharci-nimmadii dawladdii C/hi Yuusuf oo la ogaa qoor-qabadkii ay Itoobiya kusoo umulisey dawladdaas shirkii ka dhacay tuulada Embagathi.

Waxaana uu qorey 'Afar fadeexo ayaa dilay ama sharci darro ka dhigay DFKMQ-J. Kow, sida ku cad qodobka 32 lambarrada (1,4) ee Axdiga KMG, muddada Barlamaanka Federaalka KMG Mbagathi waxay tahay 5 sano oo ku eg September 2009. Axdigu wuxuu si cad uga reebay awoodaha Barlamaanka inuu isu kordhiyo muddada ama ansixiyo Barlamaan ka dambeya oo aan ku imaan doorasho. Sidaa darted, ma jirto awood Barlamaan KMG ah u leeyahay inuu isu kordhiyo 2 sano, Isla markaana ansixiyo Barlamaan KMG ah ee cusub oo ka kooban 550 xildhibaan.

Qodob kale oo kulmiyey Culusow iyo taageerayaashii C/hi Yuusuf ayaa ah inuu la yaban yahay sababta guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta Sh. Shariif loo siiyey 200 oo xubnood waxaana uu ku tilmaamey in taasi macnaheedu ay tahay in Sh. Shariif uu ku shubtey doorashadii, waxaana uu qorey sidan: 'ku shubashada doorashada Madaxweynaha kaddib markii IDXS (Isbahaysiga Dib u xoreynta) la yiri soo qorta 200 xildhibaan oo idiin codeysa.

Haddii la sii jilciyo Culusow waxa uu ku doodayaa inay ahayd in xukuumaddii dagaallada lala galay ee C/hi Yuusuf ay ahayd inay dhamaysato waqtigeeda 5-ta sano ah, waxaana uu diidan yahay oo ka soo horjeedaa shirkii dib u heshiisiinta ahaa ee Jabuuti oo ay natiijooyinkiisa ka mid ahaayeen in ciidamadii Itoobiyaanka ahaa dalka laga saarey lana soo dhisey Dawlad Midnimo Qaran oo isugu jirta Xubnihii dawladdii hore iyo Baarlamaankii hore iyo hoggaankii xoogaga Muqaawamada marka laga reebo koox iyadu dooneysa inay keligeed dalka xukunto oo diidey inay Soomaali kale wax la wadaagto. Waxaana Culusow uu shirkii jabuuti ku sifeeyey mu'aamarad natiijooyinkii ka soo baxayna 'fadeexo' isagoo yiri 'Fadeexadahaas waxay galayaan taarikhda siyaasadda Soomaliya, waana tusaale iyo dhaqan raadreebkiisu aad u xun yahay'.

Anigu qof ahaan lama yaabani in Culusow aad u marxabbeysiiyo muujiyana sida uu u difaacayo jiritaankii dawladdii Imbagathi maadaama C/hi Yuusuf uu hore muddo kooban ugu magacaabey xil uu muddo ku taami jirey oo ahaa Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, lagase qaadey malaha markii la ogaadey inuu guddoomiye beeleed yahay, waxaanse la yaabanahay inuu diidan yahay dib u heshiisiinta iyo in dagaalkii Xamar la joojiyo Itoobiyaankana dalka laga saaro. Waxaan kaloo la yaabanahay in isaga oo shacabka isugu muujiya inuu yahay nin taageersanaa Muqaawamada uu dafiro isla markaana xaqiro dagaalna la galo dawladdii ka dhalatey mirihii halagankii Muqaawamada. Mid kalaanse la yaabey ee adna bal arag.

Isaga oo hadana inkiraya sharcinnimada dawladda Midnimo Qaran ayuu marqaati u qabsanayaa Culimada Musaalaxada ee Muqdisho isaga oo si xoshood darro ah culimada ugu been abuurtey waxaana uu yiri:

Culumo ka socota Gobollada dalka oo dhowaan ku shirtay Magaalada Muqdishu ayaa durba ku dhaqaaqday is abaabul si ay DFKMQ uga weeciyaan khadka siyaasadeed ee lagu tala galay inay ku socoto. Culumadu waxay dhisteen Golaha Culumada Islaamka Soomaliyeed kaaso caddeeyay si aan leex leexad laheyn in DFKMQ aysan sharci aheyn, waxayna soo bandhigeen go’aanno kala ah: (1) In shareecada Islaamka lagu dhaqo dalka; go’aankaas wuxuu ka soo horjeeda qaabka iyo Mabaadi’ida asaaska u ah dhismaha DFKM

Waa xaalad aan Culimada xitaa laga sarriiganayn, balse dadka la masabitey iyaga oo kaliya ma ahan, ee waxaa uu Culusow sidoo kale been ka sheegey qaabka awood qaybsigu u dhacay waxaana uu qorey:

'Dhismaha Golaha Wasiirada wuxuu daaha ka qaaday loolanka siyaasadeed ee socda. Waxaa Golaha Wasiirrada laga fogeeyay xubnaha Midowga Maxaakiimta Islaamka (MMI)'.

Talow Culusow yuu u yaqaannaa Midowga Maxkamadaha Islaamka, haddii uusan aqoonsanayn guddoomiyihii Maxkamadaha iyo labadiisii ku-xigeen oo madaxweyne iyo 2 wasiir kala ah?. Waa Su'aal ku taagan, waxaase kasii daran inuu sidoo kale ku been abuurtey meel kadhac qof ahaaneedna u geystey mas'uuliyiinta kala ah wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid. Isagoo ka hadlayey Shariif Xasan waxa uu ka yiri sidan:

'Guddoomiyaha kooxka la baxday Barlamaanka Xorta ee IDXS-J (Isbahaysiga Dib u Xoreynta-Jabuuti), ahna Wasiirka cusub ee Maaliyadda oo inta badan aragti iyo siyaasad ahaanba ku dhow aragtida iyo siyaasadaha Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi waxay xurguf kala dhexeysay Kooxda Maxaakiimta Islaamka oo Sheikh Sharif Sh Axmed Madaxda ka ahaa.

Sidoo kale Culusow waxa uu la yaaban yahay in Ra'iisul wasaare loo magacaabey Cumar C/rashiid oo uu ku tilmaamey inuu ahaa sarkaal ka tirsanaa dawladdii C/hi Yuusuf, waxaana uu yiri;

'Doorashada Madaxweynaha kaddib, Jagada Ra’iisul Wasaaraha waxaa la siiyay sarkaal ka tirsanaa dhinicii DFKS-M ee ka soo horjeeday ama qaadacay wada hadalladii Jabuuti ee u dhexeyay DFKS-M-Nur Cadde iyo IDXS-J-2Sharif.

Waxaa uu caddeystey inuusanasal ahaanbarumeysnayn in dhinacyadii dalka isku hayey ay heshiiyaan oo ay dawlad wada noqdaan. Anigu ma ogi sarkaalnimada Cumar C/rashiid ee dawladdii Imbaghatti halka uu ka keeney Culusow, inkastoo aan maqley in Cumar C/rashiid mar loo magacaabey safiirnimo la aqbali waayey, waxaase su'aal ku taagan ah Culusow in haddii isaga oo aan doodi ka taagnayn inuu sarkaal sare ka ahaa dawladdii Imbaghatti loo magacaabi lahaa wasiirkii beeshiisa, miyuu diidi lahaa maadaama uu dawladii hore ka tirsanaa?.

Culusow waxa uu Shariif Xasan Sh. Aadan oo xilkiisii Guddoomiye-nimada Baarlamaanka ku waayey markii uu ka soo horjeestey C/hi Yuusuf iyo duullaankii Itoobiya ay dalka ku soo gashey ku eedeynayaa inuu aad ugu dhowaa C/hi Yuusuf iyo Geeddi iyadoo la ogyahay in Culusow uu xubno beeshiisa ah u hoggaamiyey Adis Ababa si uu Meles zenawi ugu qanciyo in beeshiisu aysan dagaal kula jirin Ciidanka Itoobiya.

Isla qoraalka af-Ingiriisiga ah waxa uu Culusow ku xusey in IGAD ay xayiraad cirka iyo dhulkaba ah ay saartey garoomada iyo dekedo loo isticmaali jirey gargaarka bani'aadannimo si dadweynaha ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay macluul ugu le'daan.

Hadalkaasi waa mid been abuur ah oo sawir qalad ah ka bixinaya war Murtiyeedkii ay soo saartey IGAD oo lagu joojinayey dhammaan duulimaadyada iyo shixnadaha maraakibta wixii aan ka ahayn gargaar bani'aadannimo si looga hortago hub iyo ciidamo shiosheeye oo dibedda uga yimaada kooxaha dawladda la diriraya, waxaana qodobka 2-aad ee warmurtiyeedka IGAD u qornaa sidan;

Recognizes the fact that the assailants have used the porous borders of Somalia especially the airports at KM 50 and KM 90 to receive supplies of arms and ammunition, and personnel from their foreign backers, in this regard calls upon the UN Security Council to impose a no-fly zone, except for humanitarian purposes authorized by the government, on the airports of Kismayo, Baidoa, KM 50, Balidoogle, Waajid, Hudur, all airports in Gedo Region, Isaley and Johwar.

Ujeedada qoraalka Culusow lama garan karo inay aqoondarro ka tahay iyo inuu yahay nin weyn oo u bareerey inuu marin-habaabin iyo ku been abuurasho ula kac ah gaysto waxaana uu qorey qoraal qaanuun ahaan la isku maxkamadyn karo marka loo eego dalka uu ku noolyahay ee Mareykanka waxaase muuqata inuu weli u dhaqmayo sidii inuu joogo dalka sharci la'aanta iyo dagaal oogannimadu dilootey ee Soomaaliya, waxaana uu qoraalkiisa ku yiri isaga oo been ka sheegaya IGAD:

As part of its traditional oppressive policy, Ethiopia championed IGAD resolution to put blockade and no fly zone on ports and airports used principally by the humanitarian agencies to starve the entire population of South Central regions and force mass exodus of refugees. The International Community should oppose such cruel policy and should help and protect innocent civilians.

Qoraallada aan arkey ee Culusow waxay isugu jiraan run ahaan qoraallo badankoodu aan xikmad iyo xaqiiq toona ku dhisneyn oo qof xukun u careysani qorey. Qoraalladiisu ma ahan kuwo ay ka muuqato inuu u damqanayo dhibaatada dadka Soomaaliyed haysata oo badankood ay ka taagan tahay DAWLAD UUN! Waxay doonto ha ahaatee. Culusow marna qoraalkiisa kuma aana arkin eed yar oo uu hayo Xasan Daahir Aweys oo ay isku jufo yihiin, hadana cid kasta waa uu dhaliiley, eedeeyey qaarkoodna waa uu ku xadgudbey, Xasan Daahir-na si edboon xitaa talo uma siin, taasi oo daaha ka qaadeysa in eedeymaha siyaasadeed ee uu dawladda u hayo aysan waxka soo qaad lahayn ayna yihiin oo kaliya eedeymo aan dhaafsiisneyn aragti qabyaaladeed oo ku qotonta 'INTII BEESHEYDA AHNA WEY SAXAN YIHIIN, INTA KALENA WEY QALDAN YIHIIN!!.

Dadka aqoon yahannada ah ee sida Culusow halkii aan ku wadey ka hoos marey waxaa ka mid ah prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo muddo badan iska dhigi jirey inuu u hadlayo una damqanayo dadka Muqdisho balse markii uu waayey wasiirka Arrimaha Dibedda isu rogey Mucaarad dawlad-diid ah sida Culusow, waxaana aan dhegeystey isaga oo la safan kooxaha dawlad diidka ah oo u cudurdaaraya, marar badanna idaacadaha ka sheegaya kuna celcelinaya 'Dawladdu Shareecada dhab kama ahan ee waa ay ku gabbanaysaa!!bal sidduu ku ogaadey inay ku gabanayso.

Sida ay xaqiiqda uga fog yihiin darteed, qoraallada Culusow ma aanan soo hadal qaadeen, haddii aanan ka yaabeyn in dadka qaarkiis ay rumeystaan hadaladdiisa derajada aqoonyahannimo ee uu wato iyo macrifada dad badani u hayaan darteed, waana qoraallo si ula kac ah loogu talo galay inay gaaraan oo lagu kiciyo bulshada inteeda aan indheergaradka ahayn ama waa qoraallo tabartoodu intaa tahay oo aan loo tirin karin inay ka soo maaxdeen maskaxda qof aqoonyahan ah oo bulshada kaalin muuqata kaga jira, inuu yahay badbaadiye iyo hoggaamiye beeleed ha joogtee.

Waxaana naqdintan oo kale ay abuureysaa bal in la falanqeeyo oo laga dabo tago qoraallada aan mas'uuliyadda xambaarsanayn ee dadku qorayaan oo aan sidaas looga harin, gaar ahaan qoraallada ka imanaya dad maqaam sare iyo mas'uuliyad-bulsho sheeganaya ee haddana looga dan leeyahay in qalaanqal siyaasadeed iyo dawlad-diidnimo lagu abuuro, waxayna dadkaasi la mid yihiin kuwa dagaalka hubeysan wada ee dalka inuu dego iyo dawladnimoba u diidan, sababtoo ah waa qoraallo aan marna loola jeedin in wax lagu toosiyo, wax lagu saxo, bulshada lagu wacyi gelinayo isla markaana aan ahayn kuwo loogu dagaallamayo sidii dalka iyo dadkaba dhibaatada haysata looga saari lahaa.


Waxaa Qorey
C/qaadir Gutaale,
Gutaale@gmail.com

Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya fadhiyay Itoobiya C/kariin Laqanyo oo qarax is-miidaamin ah ku geeriyo

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo iyo saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa geeriyooday kaddib markii iyagoo ka soo baxayay Hotel ay magaalada Beledweyne ka deganaayeen uu qof naftiisa huray oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku miidaamiyay, iyadoo halkaasna ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiintaas, howl-wadeenno la shaqeynayay iyo weliba ciidamadii ilaalada u ahaa.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa haatan waxay tahay mid aad u kacsan, waxaana mararka qaarkood la maqlayaa rasaas ay mararka qaarkood ridayaan Ciidamadii Wasiirka la socday iyo weliba kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan.

Labadan mas’uul ee qaraxa ku geeriyooday iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulkii hore ee gobolka Hiiraan ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Beledweyne, waxayna wadeen qorshayaal lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya.

Wasiirkii Amniga Cumar Xaashi ayaa markii uu dhawaan soo gaaray Magaalada Beledweyne isagoo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in uu jiro qorshe ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dib u ceshato gacan ku heynta gobollo dhowr ah oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya C/kariin Laqanyo, wuxuuna sheegay in ay dilka mas’uuliyiintaas iyo mas’uuliyiin kale oo la geeriyoodayba ay ka dambeeyeen sida uu u yiri cadawga Umadda Soomaaliyeed.

banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku geeriyooday dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho


Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Col. Cali Saciid Shiikh Xasan ayaa ku geeriyooday dagaal saaka ka qarxay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo xoogagga Xisbul Islaamka iyo Xarakada Shabaabul-Mujaahiddiin oo ka soo horjeeda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay geerida Taliyaha, waxaana meydkiisa la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka socoto qabanqaabo loogu jiro aaskiisa.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa saraakiil ciidan oo ku jirtay dagaal ka socda xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan kuwa u dhow Fagaaraha Tareebuunka.
Dhanka kalena, dagaalka ayaa weli socda, waxaana la maqlayaa rasaas iyo madaafiic xooggan oo ay dhinacyada dagaallamaya is-weydaarsanayaan.
Banaadir Post

Monday, June 15, 2009

Nuur Cade, Raiisul Wsaarihii hore ee TFG-ga oo u hoydey guri mugi ah hadana biyo laheyn oo ku yaal magaalada Roma

Nuur Cade wuxuu ahaa Raiisul wasaarihii TFG-ga, waxaana kursigaas la geeyay xili aad u adag loona baahna rag adag adag qabana kara shaqo muhiim ah oo Somali u baahan tahay, Ilaahay amarkiis ma dhicin, wuxuu ku sugnaadey ama ka dhamaan waayay ragii isaga la shaqeyn lahaa, sida Madaxweynihii Dowlada Mudane Cabdulaahi Yuusuf iyo Gudoomiyihii Gobalka banaadir Mudane Mohamed Dheere,waxaana meeshii ku soo harey Mudane Nuur Cade, taladiina wuxuu la aadey Jabuuti Ismaciil Cumar Geele iyo Walad Cabdala, oo dhamaantood lagu xanto iney yihiin kuwo aan ka shaqeyn dan Somali leedyahay, waxaana halkaas ku sugnaa waa Jabuuti qolyo Sheekh Shariif hogaan u yahay,kuwaas Asmara kaga soo tagey ragii iyaga talada la lahaa sida Xasan Daahir,sheegayna inay yihiin Mucaaradka runta ah oo go,aan ka gaari kara dhibka ama dagaalka ka jira Somalia (Moqdisho),,Waxey ahayd Been aan raad lahayn.

Somalidu ma lahan xusuus badan, waana ceeb ama cilad aan ka dhaxalnay dagaalka iyo cuqabada ilaah nagu salidey,ragan meesha ku jira dhamaantood ama intooda badan ma lahan taariikh wanaagsan oo lagu farxo,mana keeni karaan waanag,xumaan badan oo xal keentana ma keeenan, waxaa caado u ah Xumaan aad u badan oo xumaan kale reebta,waana dhibka maanta Somali iyo Somalidaba haya.

Aan ku noqdo mowduuca, Nuur Cade ma ahayn inow meeshaas ku dhamaado waa fikirkayga, maxaa yeelay wuxuu qabtaa ma yaalaan, waa meel mugdi ah oo aan koronto iyo biyo laheyn, wax shaqo ahna lagu qaban mudo fog.

Dalka iyo dowlada talyaanigu ma ahan kuwo daacad u ah iney Somali wax u qabtaan,dan gaar ahna hada kama laha Somalia,waa sida ay sheegaan dad aad u yaqaan talyaaniga waxna ku bartey ama ku noolaan jirey waqti dheer.

Su,aasha is weydiinta leh ama aa rabo inaan ogaado, waxa ay tahay Nuur Cade muxuu ka qaban kara Roma isaga safiir ah, wuxuu qaban waayay shaqadii Ra,iisulwasare oo loo dhiibey.

Muxuu Somali u qaban karaa Nuur Cade oo qaladkii oo galey waa maanta loo dhimanayo ama loo qaxayo maalinka maanta ah.

Nuur cade ma ahan nin Taariikh wanaagsan leh marka laga eego meelo badan sida Bisha cas ee Somalia, isbitaal Kaysaneey, Mucaawinaadi1 Bay iyo Bakool,shirkadda xawaalada Qaran- Ex-Global Money Transfer, iyo Hotel Global(FLEPO) oo ku yaal Mgaalada Moqdisdho, hadii loo baahdana waan daabici doona.

Mohamed Deeq Xaaji
majaango@liv.com