Search This Blog

Thursday, June 18, 2009

DR. CULUSOW – SIYAASI AQOONYAHAN AH, KAABA-QABIIL MISE DAGAAL-OOGE?

Maalmahan waxaa rugo badan oo dariishadaha wararka laga akhristo ah hadba iiga soo horbaxayey qoraallo si isdaba joog ah isaga soo daba dhacayey oo uu soo gudbinayey Dr. Maxamuud Maxamed Culusow. Anigoo si gaar ah tixgelin u siiya qoraallada ka yimaada dadka derajooyinka aqooneed sheeganaya iskuna daya inaan akhriyo bal inaan kala kulmo macluumaad waxtar leh ayaan hadana si gaar ah u danaynayey inaan wax ka ogaado aragtida siyaasadeed ee Culusow iyo halka uu iska taagey xaallada cakiran ee dalka maadaama aan hore ugu ogaa inuu mar ahaa amaba weli yahay hoggaamiye beeleed. Qoraalladaas oo aan kala kulmey aragti muuqaal madow ka bixinaysa shaqsiyadda Culusow iyo kaalintiisa siyaasadeed ayaan qoraalkan wax kaga tilmaami doonaa..

Dr. Culusow mar aan sidaas u sii fogeyn warqadaha rasmiga ah ee uu kala dirayo waxa uu hoosta uga saxiixi jirey inuu yahay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Beesha Cayr, waxaana suurto-gal ah inuu weli xilkaas hayo, haddii ay sidaas tahay aragtida siyaasadeed ee Culusow waxa ay sawir ka bixinaysaa halka uu u jeedo hoggaanka siyaasadeed ee guddiga beesha uu guddoomiyaha u yahay, taasina macnaheedu ma ahan in qoraalladiisa iyo argagtidiisa siyaasadeed ee gaarka ah in beeshiisu ay la wadaagto.

Dr. Culusow qoraalladiisa saddex ka mid ah oo aan isha mariyey waxaa laga fahmayaa aragti siyaasadeed oo walaac leh oo nuxur ahaan tlmaamaysa in aragtidiisu aysan ka gudubsanayn siyaasaddii hoggaamiye kooxeedyada ee ARBUSH & ISBAARO iyo falsafaddii dawlad-diid-nimada ahayd ee laga bartey dagaal-oogayaasha iyo taageero xad-dhaaf ah oo uu hayo kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah ee Xamar dagaalka ka wada.

LA SAFASHADA KOOXAHA DAGAALKA WADA & DIIDMADIISA KU DHAQANKA SHAREECADA

Dr. Culusow marna ma aqoonsana in dagaalka lagu hallaagsamay ee ka billowdey Muqdisho markii Xamar ku soo laabtey ninka ay isku beesha yihiin ee Xasan Daahir Aweys inuu yahay dagaal gardarro ah oo dawladda lagu soo qaadey mas'uuliyadiisana ay leeyihiin kooxaha mucaaradka ah ee wadahadalka diidey, waxaana uu halkeedii rumaysan yahay inuu yahay: 'Dagaal u dhexeya koox Maafiya ah ee beesha caalamka ku adeeganeyso iyo wadaniyiin difaacaya danta iyo Mustaqbalka fog ee Soomaaliya'; Culusow intaas ugama harine qoraal Af-ingiriisi uu ku soo qorey oo sida muuqata uu kula hadlayey beesha Caalamka isagoo wakiil ka ah Kooxaha dagaalka wada ayuu ku sifeeyey in dagaalka socdaa yahay mid ka dhashey markii siyaasadda dibedda laga dhigey waxa uu ugu yeerey dadkii soo halgamay oo uu ula jeedo Xasan Daahir Aweys oo wadahadal oo dhan diidey.

Waxaan aad ula yaabey in Dr. Culusow oo ku dhiirradey inuu ka hor yimaado Shareecada ay dawladdu qaadatey uuna yiraahdo in dhaqan gelinta Shareecada aysan ahayn mid u taalla dawladda Soomaaliya, waxaana uu qorey: Soomalida ayey u taal inay ka tashadaan arrimaha ku saabsan ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo dhismaha qaabka Dowladda ka tarjumeysa.

Qoraalladiisa meelo badan oo ka mid ah waxaa xiiso gaar ah igu abuurey in Culusow iyo Xildhibaanno taageersanaa C/hi Yuusuf ay isku mawqif ka istaageen qaabkii uu u dhacay Shirkii Jabuuti iyo sharcinnimada wixii ka soo baxayba, waxaana uu Culusow aad isugu dayey inuu dafiro sharci-nimada Dawladda KMG ah isagoo si lala yaabona u aqoonsan sharci-nimmadii dawladdii C/hi Yuusuf oo la ogaa qoor-qabadkii ay Itoobiya kusoo umulisey dawladdaas shirkii ka dhacay tuulada Embagathi.

Waxaana uu qorey 'Afar fadeexo ayaa dilay ama sharci darro ka dhigay DFKMQ-J. Kow, sida ku cad qodobka 32 lambarrada (1,4) ee Axdiga KMG, muddada Barlamaanka Federaalka KMG Mbagathi waxay tahay 5 sano oo ku eg September 2009. Axdigu wuxuu si cad uga reebay awoodaha Barlamaanka inuu isu kordhiyo muddada ama ansixiyo Barlamaan ka dambeya oo aan ku imaan doorasho. Sidaa darted, ma jirto awood Barlamaan KMG ah u leeyahay inuu isu kordhiyo 2 sano, Isla markaana ansixiyo Barlamaan KMG ah ee cusub oo ka kooban 550 xildhibaan.

Qodob kale oo kulmiyey Culusow iyo taageerayaashii C/hi Yuusuf ayaa ah inuu la yaban yahay sababta guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta Sh. Shariif loo siiyey 200 oo xubnood waxaana uu ku tilmaamey in taasi macnaheedu ay tahay in Sh. Shariif uu ku shubtey doorashadii, waxaana uu qorey sidan: 'ku shubashada doorashada Madaxweynaha kaddib markii IDXS (Isbahaysiga Dib u xoreynta) la yiri soo qorta 200 xildhibaan oo idiin codeysa.

Haddii la sii jilciyo Culusow waxa uu ku doodayaa inay ahayd in xukuumaddii dagaallada lala galay ee C/hi Yuusuf ay ahayd inay dhamaysato waqtigeeda 5-ta sano ah, waxaana uu diidan yahay oo ka soo horjeedaa shirkii dib u heshiisiinta ahaa ee Jabuuti oo ay natiijooyinkiisa ka mid ahaayeen in ciidamadii Itoobiyaanka ahaa dalka laga saarey lana soo dhisey Dawlad Midnimo Qaran oo isugu jirta Xubnihii dawladdii hore iyo Baarlamaankii hore iyo hoggaankii xoogaga Muqaawamada marka laga reebo koox iyadu dooneysa inay keligeed dalka xukunto oo diidey inay Soomaali kale wax la wadaagto. Waxaana Culusow uu shirkii jabuuti ku sifeeyey mu'aamarad natiijooyinkii ka soo baxayna 'fadeexo' isagoo yiri 'Fadeexadahaas waxay galayaan taarikhda siyaasadda Soomaliya, waana tusaale iyo dhaqan raadreebkiisu aad u xun yahay'.

Anigu qof ahaan lama yaabani in Culusow aad u marxabbeysiiyo muujiyana sida uu u difaacayo jiritaankii dawladdii Imbagathi maadaama C/hi Yuusuf uu hore muddo kooban ugu magacaabey xil uu muddo ku taami jirey oo ahaa Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, lagase qaadey malaha markii la ogaadey inuu guddoomiye beeleed yahay, waxaanse la yaabanahay inuu diidan yahay dib u heshiisiinta iyo in dagaalkii Xamar la joojiyo Itoobiyaankana dalka laga saaro. Waxaan kaloo la yaabanahay in isaga oo shacabka isugu muujiya inuu yahay nin taageersanaa Muqaawamada uu dafiro isla markaana xaqiro dagaalna la galo dawladdii ka dhalatey mirihii halagankii Muqaawamada. Mid kalaanse la yaabey ee adna bal arag.

Isaga oo hadana inkiraya sharcinnimada dawladda Midnimo Qaran ayuu marqaati u qabsanayaa Culimada Musaalaxada ee Muqdisho isaga oo si xoshood darro ah culimada ugu been abuurtey waxaana uu yiri:

Culumo ka socota Gobollada dalka oo dhowaan ku shirtay Magaalada Muqdishu ayaa durba ku dhaqaaqday is abaabul si ay DFKMQ uga weeciyaan khadka siyaasadeed ee lagu tala galay inay ku socoto. Culumadu waxay dhisteen Golaha Culumada Islaamka Soomaliyeed kaaso caddeeyay si aan leex leexad laheyn in DFKMQ aysan sharci aheyn, waxayna soo bandhigeen go’aanno kala ah: (1) In shareecada Islaamka lagu dhaqo dalka; go’aankaas wuxuu ka soo horjeeda qaabka iyo Mabaadi’ida asaaska u ah dhismaha DFKM

Waa xaalad aan Culimada xitaa laga sarriiganayn, balse dadka la masabitey iyaga oo kaliya ma ahan, ee waxaa uu Culusow sidoo kale been ka sheegey qaabka awood qaybsigu u dhacay waxaana uu qorey:

'Dhismaha Golaha Wasiirada wuxuu daaha ka qaaday loolanka siyaasadeed ee socda. Waxaa Golaha Wasiirrada laga fogeeyay xubnaha Midowga Maxaakiimta Islaamka (MMI)'.

Talow Culusow yuu u yaqaannaa Midowga Maxkamadaha Islaamka, haddii uusan aqoonsanayn guddoomiyihii Maxkamadaha iyo labadiisii ku-xigeen oo madaxweyne iyo 2 wasiir kala ah?. Waa Su'aal ku taagan, waxaase kasii daran inuu sidoo kale ku been abuurtey meel kadhac qof ahaaneedna u geystey mas'uuliyiinta kala ah wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid. Isagoo ka hadlayey Shariif Xasan waxa uu ka yiri sidan:

'Guddoomiyaha kooxka la baxday Barlamaanka Xorta ee IDXS-J (Isbahaysiga Dib u Xoreynta-Jabuuti), ahna Wasiirka cusub ee Maaliyadda oo inta badan aragti iyo siyaasad ahaanba ku dhow aragtida iyo siyaasadaha Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi waxay xurguf kala dhexeysay Kooxda Maxaakiimta Islaamka oo Sheikh Sharif Sh Axmed Madaxda ka ahaa.

Sidoo kale Culusow waxa uu la yaaban yahay in Ra'iisul wasaare loo magacaabey Cumar C/rashiid oo uu ku tilmaamey inuu ahaa sarkaal ka tirsanaa dawladdii C/hi Yuusuf, waxaana uu yiri;

'Doorashada Madaxweynaha kaddib, Jagada Ra’iisul Wasaaraha waxaa la siiyay sarkaal ka tirsanaa dhinicii DFKS-M ee ka soo horjeeday ama qaadacay wada hadalladii Jabuuti ee u dhexeyay DFKS-M-Nur Cadde iyo IDXS-J-2Sharif.

Waxaa uu caddeystey inuusanasal ahaanbarumeysnayn in dhinacyadii dalka isku hayey ay heshiiyaan oo ay dawlad wada noqdaan. Anigu ma ogi sarkaalnimada Cumar C/rashiid ee dawladdii Imbaghatti halka uu ka keeney Culusow, inkastoo aan maqley in Cumar C/rashiid mar loo magacaabey safiirnimo la aqbali waayey, waxaase su'aal ku taagan ah Culusow in haddii isaga oo aan doodi ka taagnayn inuu sarkaal sare ka ahaa dawladdii Imbaghatti loo magacaabi lahaa wasiirkii beeshiisa, miyuu diidi lahaa maadaama uu dawladii hore ka tirsanaa?.

Culusow waxa uu Shariif Xasan Sh. Aadan oo xilkiisii Guddoomiye-nimada Baarlamaanka ku waayey markii uu ka soo horjeestey C/hi Yuusuf iyo duullaankii Itoobiya ay dalka ku soo gashey ku eedeynayaa inuu aad ugu dhowaa C/hi Yuusuf iyo Geeddi iyadoo la ogyahay in Culusow uu xubno beeshiisa ah u hoggaamiyey Adis Ababa si uu Meles zenawi ugu qanciyo in beeshiisu aysan dagaal kula jirin Ciidanka Itoobiya.

Isla qoraalka af-Ingiriisiga ah waxa uu Culusow ku xusey in IGAD ay xayiraad cirka iyo dhulkaba ah ay saartey garoomada iyo dekedo loo isticmaali jirey gargaarka bani'aadannimo si dadweynaha ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay macluul ugu le'daan.

Hadalkaasi waa mid been abuur ah oo sawir qalad ah ka bixinaya war Murtiyeedkii ay soo saartey IGAD oo lagu joojinayey dhammaan duulimaadyada iyo shixnadaha maraakibta wixii aan ka ahayn gargaar bani'aadannimo si looga hortago hub iyo ciidamo shiosheeye oo dibedda uga yimaada kooxaha dawladda la diriraya, waxaana qodobka 2-aad ee warmurtiyeedka IGAD u qornaa sidan;

Recognizes the fact that the assailants have used the porous borders of Somalia especially the airports at KM 50 and KM 90 to receive supplies of arms and ammunition, and personnel from their foreign backers, in this regard calls upon the UN Security Council to impose a no-fly zone, except for humanitarian purposes authorized by the government, on the airports of Kismayo, Baidoa, KM 50, Balidoogle, Waajid, Hudur, all airports in Gedo Region, Isaley and Johwar.

Ujeedada qoraalka Culusow lama garan karo inay aqoondarro ka tahay iyo inuu yahay nin weyn oo u bareerey inuu marin-habaabin iyo ku been abuurasho ula kac ah gaysto waxaana uu qorey qoraal qaanuun ahaan la isku maxkamadyn karo marka loo eego dalka uu ku noolyahay ee Mareykanka waxaase muuqata inuu weli u dhaqmayo sidii inuu joogo dalka sharci la'aanta iyo dagaal oogannimadu dilootey ee Soomaaliya, waxaana uu qoraalkiisa ku yiri isaga oo been ka sheegaya IGAD:

As part of its traditional oppressive policy, Ethiopia championed IGAD resolution to put blockade and no fly zone on ports and airports used principally by the humanitarian agencies to starve the entire population of South Central regions and force mass exodus of refugees. The International Community should oppose such cruel policy and should help and protect innocent civilians.

Qoraallada aan arkey ee Culusow waxay isugu jiraan run ahaan qoraallo badankoodu aan xikmad iyo xaqiiq toona ku dhisneyn oo qof xukun u careysani qorey. Qoraalladiisu ma ahan kuwo ay ka muuqato inuu u damqanayo dhibaatada dadka Soomaaliyed haysata oo badankood ay ka taagan tahay DAWLAD UUN! Waxay doonto ha ahaatee. Culusow marna qoraalkiisa kuma aana arkin eed yar oo uu hayo Xasan Daahir Aweys oo ay isku jufo yihiin, hadana cid kasta waa uu dhaliiley, eedeeyey qaarkoodna waa uu ku xadgudbey, Xasan Daahir-na si edboon xitaa talo uma siin, taasi oo daaha ka qaadeysa in eedeymaha siyaasadeed ee uu dawladda u hayo aysan waxka soo qaad lahayn ayna yihiin oo kaliya eedeymo aan dhaafsiisneyn aragti qabyaaladeed oo ku qotonta 'INTII BEESHEYDA AHNA WEY SAXAN YIHIIN, INTA KALENA WEY QALDAN YIHIIN!!.

Dadka aqoon yahannada ah ee sida Culusow halkii aan ku wadey ka hoos marey waxaa ka mid ah prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo muddo badan iska dhigi jirey inuu u hadlayo una damqanayo dadka Muqdisho balse markii uu waayey wasiirka Arrimaha Dibedda isu rogey Mucaarad dawlad-diid ah sida Culusow, waxaana aan dhegeystey isaga oo la safan kooxaha dawlad diidka ah oo u cudurdaaraya, marar badanna idaacadaha ka sheegaya kuna celcelinaya 'Dawladdu Shareecada dhab kama ahan ee waa ay ku gabbanaysaa!!bal sidduu ku ogaadey inay ku gabanayso.

Sida ay xaqiiqda uga fog yihiin darteed, qoraallada Culusow ma aanan soo hadal qaadeen, haddii aanan ka yaabeyn in dadka qaarkiis ay rumeystaan hadaladdiisa derajada aqoonyahannimo ee uu wato iyo macrifada dad badani u hayaan darteed, waana qoraallo si ula kac ah loogu talo galay inay gaaraan oo lagu kiciyo bulshada inteeda aan indheergaradka ahayn ama waa qoraallo tabartoodu intaa tahay oo aan loo tirin karin inay ka soo maaxdeen maskaxda qof aqoonyahan ah oo bulshada kaalin muuqata kaga jira, inuu yahay badbaadiye iyo hoggaamiye beeleed ha joogtee.

Waxaana naqdintan oo kale ay abuureysaa bal in la falanqeeyo oo laga dabo tago qoraallada aan mas'uuliyadda xambaarsanayn ee dadku qorayaan oo aan sidaas looga harin, gaar ahaan qoraallada ka imanaya dad maqaam sare iyo mas'uuliyad-bulsho sheeganaya ee haddana looga dan leeyahay in qalaanqal siyaasadeed iyo dawlad-diidnimo lagu abuuro, waxayna dadkaasi la mid yihiin kuwa dagaalka hubeysan wada ee dalka inuu dego iyo dawladnimoba u diidan, sababtoo ah waa qoraallo aan marna loola jeedin in wax lagu toosiyo, wax lagu saxo, bulshada lagu wacyi gelinayo isla markaana aan ahayn kuwo loogu dagaallamayo sidii dalka iyo dadkaba dhibaatada haysata looga saari lahaa.


Waxaa Qorey
C/qaadir Gutaale,
Gutaale@gmail.com