Search This Blog

Thursday, September 11, 2008

Yaa ka dambeeya dilkii Marxuum Xil. Maxamed Cusman Maye loogu geystay Magaalda Baydhabo ee gobolka Bay.


Xillibaan Maxamed Cusman ayaa ka mid ah Mudanayaasha kasoo jeedo gobolada koonfuureed si aadana ooga hadli jiray dhibaatada ka jirta gobolada oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo oo aay ugu horeysay gobolka Sh/hoose.


Intaa waxaa u dheeraa inuuu ahaa nin aan la gaban fikirkiisa siyaasadeed, isagoo marar badan ka hadlay sad bursiga maamulka sar sare ee dowlada Kmg ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhaba.

Xillibaanka ayaa lagu xasuustaa marar badan inuu ka hadlay maamul u sameyna Sh/hoose iyo dhibaatada ka jirta oo aay dowlada qeyb ka eheed iyo ismaamulka goboleedyada dastuurku dhigayo.

Waxaa ugu danbeysay inuu ka mid ahaa Xillibaanadii kasoo horjeestay in laga talaabsado dastuurka oo aan loo marin xal u helida qilaafadka dowlada taasina uu ku tilmaamay mid aan axdiga waafaqsaneen.

Maalintii aay dalka kusoo laabteen sadexda mas'uul ee ugu sareeya dowlada kana qeyb galeen kal fadhigii Baarlamaanka, ayaa Maxamed Maye waxa uu ka mid ahaa Xillibaanadii muujiyey in laga tilaabay dastuurka, iyadoo BBCda laga dhageystay hanjabaad ku qotontay qaar ka mid xillibaanada oo uu Maye ka mid ahaa taasoo uu jeediyey mas'uulka ugu sareeya dowlada KMG.

Dhanka kale ururka Al-shabaab ayaa sheegtay inuu lug ku lahaa dilkaas loo geeystay xilibaanka, balse dadka wax odorosa ayaa arintaas ku tilmaamay ineey tahay mid aay wax ka gaysteen maamulka sare ee KMG, taasoo lagu micneeyey in Shabaab marwalba soo dhoweeyaan dhibaatooyinka soo wajaha dowladabalse aaysan eheen mid aay iyaga geysteen.

Ugu danbeyntii Waxaad ka dhamaystiran doontaan faalada warka qeybteena danbe iyadoo faahfaahsan, inkastoo aay cadahay cida dilkaas geystay balse loo baahan yahay in la xaqiijiyo.
Shabakada Jammaame ayaa waxay ku guda jirtaa baaritaan iyo xog ururin ku saabsan mu'aamarada lagu dilay Xillibaan Maye.

Xafiiska Warqabadka

ahmed93@hotmail.com

A Tribute to Honorable Mohamed Osman Maye


We have received the news of the assassination of honorable Mohamed O. Maye with shock, grief and rage. This was another dark day in the history of Somalia, particularly for those of us who love peace. His assassination was carried out by the same people, using the same cruel methodology and executing him in the same sacred venue as his former colleague Mr. Aballa Derow who was murdered a little over two years ago; exactly on Friday, 28 July 2006.


These cowardly dastards did it again to silence a young man who was known throughout his political career to speak truth to power, never failing to point out to the cruel injustices being perpetrated in Southern Somalia by those who don’t care about justice nor want peace. We will never know who was behind this political assassination, but it is very clear that Mr. Maye was murdered by those who felt intimated by his outspoken critic and who couldn’t withstand the fact that a man from unarmed clans can oppose their anarchic views with no fear from anybody, but Allah.


There are many individuals in the current leadership (government or opposition) who can get other people to do their dirty work; as a result more dirty work gets done on a daily basis. We all know that human life has no value in Somalia; killing is a routine act performed by all sides of the Somali political spectrum.


According to the Somali media, Mr. Maye was shot on the head and was immediately pronounced dead outside a mosque in Baidoa, where he had attended evening prayers. Mr. Mohamed Maye was a very brave man who opposed clan supremacy and clan exploitation in the south of Somalia. He was a man with strong principles and commitments. He was never afraid to speak out the truth.out in courageously opposing any form of corruption, nepotism and openly despised violence as means to achieve political goals.


On September 8, 2008 he has criticizes the TFG for not providing security to the parliamentarians. His last words were “we are dead men walking”, referring to the Somali parliamentarians in Baidoa and for that he was awfully prescient. I knew Mr. Maye for a long time and to me he was a quintessential citizen. I also spoke to him several times during his political career in the TFG and I found him to be genuinely interested in contributing to the reconstitution of the Somali state at any cost to his life. He died for a greater cause and the criminals who snuffed his young life will meet their just deserts at the hands of Allah. My deepest sympathy and my prayers are with his family in general and in particular his wife and his orphan children. I am confident that his political believes and legacy will continue.


Inaa Lilaah Wa Inaa Lilaahi Rajicuun.
Dr. Ali S. Faqi


Tuesday, September 9, 2008

Xildh. Shaatiguduud “Baydhabo nabad maahan ninkii yiri been cad oo xaaraan ah ayuu sheegay, waxaana cadeynaeynaa…”


Xildhibaan Xasan Maxamed Nuur (Shaatiguduud) oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka, kana mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii ugu waayeyna ee dalka Somalia ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay isagoo ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin amaanka magaalada Baydhabo iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee magaaladaasi.

Shaatiguduud waa nin aad caan uga ah Baydhabo, kana soo jeedaa magaaladaas, wuxuu caan ku yahay dib uga qabsashadii Baydhabo Xuseen Caydiid iyo Mooryaantiisa oo dhibaato ku hayay dadka halkaas degan, wuxuu kaloo caan ku yahay inow yahay nin ku adag ama ku dhegan dhulkiisa una diida dad kale inay faraha la galaan.

Shaatiguduud waa nin aqoon sare u leh dhinaca Malatariga waana aqoon dhinaca sharciyda, waa ruug cadaa, dadka qaar ayaa yiraahdaan inow KGB-da Somalia.


Waxaa uu si kulul u weeraray una cambaareeyey weerarada ay kooxaha ka soo horjeeda DF ka geysanayeen magaalada Baydhabo ee iskugu jira dilalka, qaraxyada iyo madaafiicda mararka qaarkood lagu weerero magaalada, wuxuuna sheegay iney yihiin kuwo wax u dhimaya amaanka iyo xasiloonida magaalada oo isla markaana aaney wax kale soo kordhineynin “Kuwa leh islaamiyiin baan nahay, Islaamku waa diin nabadgelyo, ee dadka nabad geliya ayaan leenahay, joojiyana waxa aad wadaan” ayuu yiri Shaatiguduud.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uua rajo wanaagsan ka muujiyey heshiiskiii ay dhowaan ku kala saxiixdeen magalada Jabuuti ee dalka Jabuuti mas’uuliyiinta Dowladda Somaliya iyo isbaheysiga dib u xoreynta oo uu sheegay haddii uu hirgelo inuu wax weyn ka tarayo nabad ku so celinta Somalia, wuxuuna dhinaca kale sheegay in magaalada baydhabo ay tahay mid amaanka ah oo kooxaha ka soo horjeeda aaney ku dhiiran karin ayuu yiri iney dagaalo waaweyn ka fuliyaan ”Baydhabo nabad maahan ninkii yiri been cad oo xaaraan ah ayuu sheegay” ayuu Shaatiguduud yiri sifdoo kale.Hadalka Xildhibaan Xasan Maxamed Nuur (Shaatiguduud) oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka, ayaa ku soo beegmaya xilli mudooyinkan dambe ay sii kordhayaan weerarada ay xoogaga ka soo horjeeda DF ku hayaan magaalada baydhabo.


Banaadir Post

Bupal Yare

italy

Kismaayo: Kooxaha heysta Kismaayo oo bandow Magaalada ku soo rogey & Cabasho dadku ka muujinayaan.

Kooxaha qabsaday Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose 22-kii Bishii hore ayaa ku dhawaaqay bandow ay ku soo rogeen Magaaladaasi.

Bandowga ay kooxahan soo rogeen ayaa ka bilaamaya Lixda maqribnimo, waxaana uu ku eg yahay Lixda Subaxnimo, sida ay sheegeen xubno ka mid ah Maamulka halkaasi ka jira.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Muqtaar Roobow Abu-Mansuur ayaa ku dhawaaqay warkan wuxuuna sheegay in ay sidaasi ugu dhaqaaqeen si ay wax uga qabtaan xaalada amaanka ee Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa bandowgan lugu soo rogey wuxuu ka hirgalay xalayba, waxa ayna dadku cabasho ka muujinayaan waqtiga bandowga lasoo rogay waxa ayna ugu baaqeen Kooxaha qabsaday magaalada in ay waqti bandowga badalaan, maadaama lugu jiro Bisha Ramadaan.

Bandowgan ka hirgalay Magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmayah xili ay maalmihii ugu dambeeyey soo baxayeen hadalo kala duwan oo ka imaanaya dhinacyda qabsaday Magaalada oo ku saabsanaa Maamulkii Magaalada loo dhidbay.

Ramadaan iyo bandow magaalo dad islaam ahi degan sidey isu keni doonaa, mise ragani ma yihiin diini mise Maxkamado beeloodyo.
Koshin Yare
Xamar
Somalia.
Banaadir Post
banadirpost@gmail.com

Sunday, September 7, 2008

Yaa lagu badeli doonaa Maxmed Dheere? WQ:Cabdi Cali Muxiyadiin (Cabdi-weli


Waa su’aal mug weynoo aan jawaabteeda la heyn. Waxey aheyd 29kii Luulyo 2008 markii golaha wasiirada ee dowladda Nur Cadde ay xilkii ka xayuubiyeen Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ahaa guddoomiyihii iyo duqa magaalada ee caasimadda Soomaaliya. Maxamed Dheere ayaa lagu soo eedeeyey arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen maamul xumo, lacag is dabamaryeen, cabasho ka timid ku xigeenadiisa, cabasho ka timid odayaasha magaalada, cabasho ka timid shacabka iyo in loo arkay sii joogitaankiisa inay caqabad ku tahay dib-u-heshiisiinta. Ka dibna waxaa soo shaacbaxday in go’aankaas uu diidanyahay Madaxweynaha DFKMG ah Cabdullahi Yusuf oo ay sii wehlisay Maxamed dheere oo maalmo ka dib sheegay inuu helay wareegto uu saxiixay madaxweynaha oo lagu tilmaamay in xil ka qaadistiisu ay aheyd sharci daro iyo in wareegtada lagu xusay in Maxamed Dheere uu yahay guddoomiyha iyo duqa magaalada sharciga ah.


Arrintan ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii wasiiro dhowr ah ay iska casilleen jagadoodii wasiirnimo, tanoo loo arkay inay kalsooni buuxda ka heysteen Madaxweynaha, is casilaadoodana ay sugi doonto in Ra’iisalwasaaraha lagu qasbo inuu iscasilo. Waxaa ku xigtay in Nuur Cadde uu magacaabo wasiiro bedela kuwii iscasilay, tanoo cayaarta sii kululeysay kana dhigtay barbardhac. Khilaafka sidii u sii socday oo la isu lahaa waxaa cayaarta garsoore ka noqon doona baarlamaanka ayaa seddexdii mas’uul ee ugu sareysayba u ambabaxeen Addis Ababa kuna soo noqdeen waddanka iyagoo soo heshiiyey oo uu heshiisku ka mid ahaa in magaalada Muqdisho loo sameeyo maamul ay soo doortaan gole uu lahaado gobolku.



Haddaba su’aasha mawduuca qoraalkan ayey soomaalidu is heybiyaan waxaana loo arkaa in haddii magaaladu yeelato maamul wanaagsan iyo hoggaan kalsooni lagu qabi karo waxaa hubaal ah in shacabka Muqdisho ay diyaar u noqonayaan la shaqeynta maamulkaas. Waxaan weli caddeyn guddiga uu Nuur Cadde u magacaabayo inay soo diyaariyaan sharuudaha shaqsiga hoggaamin kara caasimadda iyo golaha deegaanku sidey ku imaan karaan. Ha yeeshee waxaan halkan ku faaqideynaa shaqsiyaadka la filayo inay jagadaas hanan karaan.



Xuseen Cali Axmed – horey ayuu u soo noqday guddoomiyaha iyo duqa magaalada xilligii C/Qaasim. Waana waayo arag horey u ahaan jiray agaasimaha kaluumeysiga iyo kheyraadka badaha ee dowladdii Siyaad Barre. Ha yeeshee uma badna inuu isagu hadda haweysto jagadaas oo sumcad fiican kuma uusan helin waqtigii uu hayey xilkaas. Xuseen ma aha shaqsi buuxin kara casriga hadda lagu jiro ee ah qarniga 21naad oo ma laha xirfad kombiyuutar, iyo xirfad wada hadal. Xuseen waxaa lagu xantaa inuu isagu mas’uul ka yahay suntii lagu qubay badaha Soomaaliya xilligii Cali Mahdi, wallow ay dadka qaarkiis weli yiraahdaan howshaas waa uu sii wadaa ilaa iyo maantadanba.

Maxamud Xasan Cali Cadde Gaabow – 29kii Maarso 2006 ayey aheyd markii xubnaha golaha deegaanka gobolka Banadir ay si akhlebiyad ah u doorteen Cadde Gaabow inuu noqdo Guddoomiyaha gobolka Banaadir. Cadde oo uu Ra’iisalwasaare Geedi horey u magacaabay ayaysan u suurto gelin inuu howl wado, ha yeeshee doorashadii golaha deegaanka ayaa Cadde siisay awood uu howl ku qaban karo. Ka dib markii DFKMG ah ay soo caga dhigatay Muqdisho ayaa waxaa la magacaabay Maxamed Dheere inuu noqdo Guddoomiyaha iyo Duqa Gobolka Banadir. Cadde Gaabow waxaa aad loogu xasuustaa inuu yiri “ Habartaa ninkii u dhaxa waa ADEERKAA oo uu ula jeeday ciidamadii Itioobiyaanka ee soo galay Muqdisho” sidoo kale waxaa lagu xantaa inuusan aheyn shaqsi go’aan leh oo adadag.

Maxamed Cismaan Dhagaxtuur – Dhagaxtuur waxuu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Maxamed Dheere tan iyo intii xukunka loo dhiibay horaantii 2007. Ka dib markii xilka laga qaaday Maxamed Dheere ayaa golaha wasiiradu u doorteen inuu ku sime sii ahaado, ha yeeshee heshiiskii Addis Ababa waxaa ka muuqata in la yiri waxaa sii heynaya jagada guddiga uu Nuur Cadde u magacaabayo soo xulida guddoomiaha gobolka. Dhagaxtuur waxaa loo heystaa inuusan ka duwaneyn hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo wata ciidamo uu soo xiray Dr Culusow una dhacay gurigiisa oo uu bililiqeytay. Dhagaxtuur lama hubo inuu la iman doono maamul wanaag keeni kara isbedel cusub.

Cabdiraxmaan Shifti – Shifti waxuu sagxadda soo galay markii USC ay qabsadeen Muqdisho, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii Itoobiya dagaalka ka soo bilowday. Shifti waxuu noqday Wasiir ku xigeen dowladdii Cali Mahdi. Waxuuna afhayeen ka ahaa shirkii Muqdisho lagu qabtay oo uu Cali Mahdi hoggaaminayey oo dad badani ay ku tilmaameen “shirkii shimbiro yahay heesa” oo ay ka soo qeyb galeen dad gaarayey 3,000 oo qof. Shifti ma laha waxbarasho heer sare ah, kamana uusan soo shaqeyn hay’ad ama dowlad, sidaas daraadeed lagama yaabo inuu la yimaado maamul wanaag keeni kara is bedel iyo dib u heshiisiin.

C/llaahi Sheekh Xassan – oo loo yaqaano siyaasiga hawiye kana mid ahaa guddigii beesha hawiye. Waxaana lagu xasuustaa inuu soo shaacbixiyey kaarto ay Itoobiyaanku ku soo weerari rabeen Muqdisho. Waxaana lagu xasuustaa inuu kala jabiyey guddigii beesha Hawiye uuna ka qeybgalay shirkii Cali Mahdi ee Muqdisho, halkaasoo uu ka jeediyey Khudbad. Ha yeeshee siyaasiga weli lama sheegin xil maamul oo uu soo qabtay.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow) – Guddoomiyihii hore ee ururka Somali Concern Group, kana soo qalinjabiyey Jaamicaddii Gahayr oo uu Injineer ka soo noqday wasaarada Howlaha Guud, ahaana ku xigeenka wakiilka jidadka ee gobolada Bay, Bakool iyo Gedo. Waddanka UK ayuu ku diyaariyey Masterkiisa oo uu hadda muddo 10 sano ah u shaqeeyaa dowladda hoose ee London oo uu waax madax ka yahay. Ha yeeshee lama hubo inuu diyaar u yahay inuu Muqdisho tago.

Maxamed Cali Ameerika – waa safiirka u fadhiya Soomaaliya waddanka Kenya, waxuuna horey ula soo shaqeeyey ra’iisalwasaarihii hore ee Geedi, waana soomaalida qurbojoogta ah oo u tafaxeytay inay waddankii ka shaqeyaan oo inta badan qurbo joogta lagu la’yahay. Waa aqoonyhan ka soo dhalaali kara jagada guddoomiyaha gobolka, ha yeeshee diyaar ma u yahay inuu ka soo tnaasulo safiirnimadiisa?

Maxamed Cumar Xabeeb – Maxamed Dheere waxuu sheegay inuu u tartamayo jagada laga xayuubiyey. Ha yeeshee su’aasha waxey noqoneysaa maxaa looga qaaday haddii uu isu sharixi karo. Arrintan iyo sida ay suurto gal u noqon karto in doorasho laga hergaliyo Muqdisho waa su’aalo taagan oo u baahan jawaab.

Sheekha Muudeey – waa oday rug-caddaa ah haddana ma cadda inuu isagu diyaar u yahay xilligan kala guurka ah.

Hassan Abshir Farah – Waa rug-cadaa siyaasi soomaaliyeed soona qabtay jagooyin fara badan oo ay ka mid yihiin duqa magaalada Muqdisho, Bakool, Jowhar, soona qabtay xilar wasiirimo, noqdayna ra’iisal wasaare dowladdii C/qaasim. Kana soo noqday safiir Germany iyo Japan. Ha yeeshee waxaa u diiday jagadan wasiirka arrimaha dibedda ee DFKMG ah Jangali oo yiri waxaa isu soo taagi kara jagada Gudoomiyaha gobolka banadir dadkii u dhashay gobolka.


Waxaa kaloo jira shaqsiyaal fara badan oo qaban kara xilka noocan oo kale ah. Haddaba si looga baxo xaaladaha cakiran ee waddanka waxaa muhiim ah in si taxadar leh looga fiirsado shaqsiga lagu aamini karo darajada ugu sareysa ee gobolka banaadir. Waxaa hubaal ah in loo baahan yahay shaqsi fahmi kara caalamka, shaqsi keeni kara isbedel, shaqsi aqoon sare leh, shaqsi u bisil inuu isu keeno ummadda, shaqsi dhisi kara maamul cusub.

Cabdi Cali Muxiyadiin (Cabdi-weli)


Banaadir Post


banaadirpost@gmail.com










KUWA WAX KU QORA WEBKA SHARWADAHA AH EE DAYNIILE WAXAAN LEEYAHAY XUSHMEEYA BISHA RAMADAAN OO BEENTA IYO KICINTA SHACABKA SOOMAALIYEED JOOJIYA .

Akhristow waxaan jeclaystay inaan runta ka sheego waxa lagu soo qoray webka sharwadaha ah ee xalaalaystay inuu ku noolaado isbaarada iyo bililiqadii uu hore ugu hayay shacabka muqadishu ee rayidka ah . waa filim uu ugu magac daray burburka ay ciidamada ethiopianku u gaysteen magaalada muqadisho gaar ahaan xaafadda towfiiq ( genocide in somalia by ethiopian and worlord goverment) .

Waa yaabee horta dayniile ma iyagaa masuul looga dhigay shacbka muqadishu waxay soomaalidu ku maahmaahdaa dhariga maxaa karka ka keenay waayo mar walba oo aad furto webkaa waxaad ku arkaysaa qoraaloo wata aflagaado ay mar shaqsi u gaysanayaan mar marka qarkoodna waxaad isleedahay dayniilee waa paltalk oo ah aalad ay dadkui ku madadaashaan oo ay ku kaftamaan balse qaarkood lagu caytamo .
Haddaba waxaan qabaa in shaqsiga qora dayniile amaba leh websidhkaa inuusan soo marin wax barbaarin ah waayo waxay culumadu phsucho yiraahdeen wax barashadu waa laba qaybood mid leh schoolkii iyo macalinkii iyo sabuuradii oo uu qalabkeedu u dhan yahay (formal educ.) iyo mid aysan u dhamayn (informal education ) taa ayan u dhamayn waa mida barbaarinta oo hooyadu ay ubadkeedu ku barbaariso dariiqa toosan waxaana ay barbaarintaa ka bilaawataa waa hooyadu markay caruurteeda naaska nuujiso waayo ilamahaa waxay noqonayaan ilmo aan ku caasi garoobin walidkii dadkana aan ku afcelin.Haddaba dadkan qora dayniile waxaa ka maqan barbaarintaa oo waalidkood ayaa waxa uu ku soo koriyay biliqo iyo isbaaro iyo kufsi waana mida ay dhamaan shacabka soomaaliyeed ula yaaban yihiin dadkaan wuxuushta ah ee maalin walba qof masuul ah aflagaadeenaya ilayn waalidkood baa hortooda isku aflagaadayn jireen amaba isku dagaali jireenee . midda kale hadaan u soo noqdo akhristow dulucda qoraalkayga oo ah xasuuqa muqadisho intaan guda galin waxaa haboon in aan idin xusuusiyo sadex qodob.

1- yaa leh mogadisho?#

2- xasuuq ma lagu magacaabi karaa dhimashada shacbka degan muqadishu?

3- yaa sababteeda lahaa soo galitaanka ciidamada shisheeye ee ugu horeeyaan ciidamada ethiopian ee soomaaliya?

Aan ku horeeyo yaa leh magaalada mugadishu jawaabteedu waa ay iska cddahay waayo magaalada muqadishu waxa weeye magaalo madaxdii dalka soomaaliya waxaana deganaa soomaali qabiilwalba si nabadgalyo ah baa loo wada deganaa balse waxaa xaqiiq ah ka dib markuu dagaalkii sokeeye uu dhacay in xadgudubyo kala duwan oo aan dhaqan iyo diin iyo soomaalinimo lahayn ay ka dhaceen waxaana masuuliyadeeda leh kuwii burburshay dowladdii qaran ee matalaysay shacabka soomaaliyeed ku burburshay qaab qabiil iyagoo la baxay U.S.C .

waxayna ku andacoodaan ilaa iyo iminka in la gumaysan jiray marka hadii shacabkii deganaa muqadisho ee walaaha ahaa laga dhigay kuwo la kufsaday iyo kuwa xoolahoodii la dhacay ,iyo kuwo ilaa iyo iminka guryahoodii la deganyahay ma oran karnaa muqadishu xasuuq baa ka dhacay maxaase markii dadkaa loo gaysanayay dhibkaa loo oran waayay waa xasuuq xageese bay jireen kuwa hadda ku hadaaqaya xasuuqa waqtigaa .

markaad eegto arrimahaan waxa kuu cadaanaya in muqadishu aysan ka jirin hadda xasuuq balse ay ka jirto shacab loogaystay dhibaato muddo 16 sano ah oo uu ilaah waa caadilee uu ciqaabayay kuwii gaystay dhibkaa .Midda kale yaa sababteeda lahaa soogalitaanka ciidamada shisheeye ee ugu xooga wayntahay kuwa ethiopia hadaan u soo noqdo
Akhristow dalkeena hooyo waxaa aafeeyay dagaal sokeeye oo aan taariikhdiisa dhabta aanu haynu waxaa burburay qarankii soomaaliyeed waxaa la biliqaystay dhamaan wax alla iyo wixii haykal dowladeed ahaa ee ka jiray dalkeena waxa iyana la tirtiray dhamaan kaydkii ama diwaankii uu qaranku lahaa dhinac walba , waxaa la kufsaday dumar soomaaliyeed oo aan waxba galabsan iyadoo la xasuuqay ilaa iyo milayan shacab ah oo aan waxba galabsan waxaa la dhacay hantidoodii intaa markay dhacday akhristow waxa uu caalamku isku dayay inuu soomaali isu keeno waanu ognahay waxa ay wax ka qabsoomi waayeen oo ilaa iyo imnika marba shaar u soo gashta shcabka soomaaliyeed oo u baahan in mar uun ay u soo noqoto qaranimadoodii ay waligood dugsan jireen.Waxaa ilaa dagaalkii sokeeye markuu bilowday ilaa iyo hadda dhalinyaradii loo dhiibay qori iyagoo laga dhaadhiciyay in ay la dagaalamaan gumaysi waxa wadana arrimahaa waa la yaqaanaa marka dayniile waxaan leeyahay waxad tahay sharwade waana lagu qaban doonaa oo taariikhda ayaa ku sheegi doonta hadduu alle idmo .Tan kale ethiopia waxaa dalkeena keenay oo xaqqiiqda ah waa arrimahan sidaanu la soconno waxaa dalka jabuuti lagu soo asasay dowlad ku sheeg ay ka danbeeyeen shaqsiyaad u adeegi jiray dowladdii milatary ee dalka ka dhisnayd dagaalkii sokeeye ka hor waxaana madax looga dhigay cabdiqaasim salaad oo la yaqaano waxa uu soomaali u galay isla markaana ku caanbaxay qarandumiye uu qabiil lafaha ka galay ah cabdiqaasiim wuxuu iclaanshay in dagaal lagu qaado dowladda ethiopia isagoo adeegsanaya fikrado guracan ee hore uga dhaxeeyay labada shacb wuxuu dhamaan isugu yeedhay dalka gudihiisa dhamaan intii mucaraadka ku ahayd dowladda ethiopia iyo waliba waxa uu qatar kaliyay dhamaan dowladha dariska la ah soomaaliya sida kenya ugandha tansaniya .

waxa uu tababar u furay ururo sida oromo libration fronto , onlf , iyo maleesiyo beeld isagoo tabar uga furay degmada qoryoolay kuwasoo uu taliye uga dhigay ninka hadda la magac baxay indho cadde isagoo aanu ognahay xasuuqa iyo dhaca iyo kufsiga iyo biyo ka iibinta iyo addoonsiga uu ku sameeyay shacabkii ku noolaa gobolka shabeelaha hoose .

Cabdiqaasim wuxuu kaloo si bareer ah ugu takrifalay dhaqaalihii uu caalmkuu siiyay xilligii uu madaxwaynaha ahaa isagoo maleesiyo u soo diray magaalada kismayu oo ay ku xasuuqeen dad taasoo dhamaan caalamkii ay la yaabeen dowladiisiina ay meeshaa ku kala taktay waxaase la yaab leh inuu cabdiqaasim hadda meediyaha ka hadlo oo uu ku hadaaqo inuu madaxweayne yahay dalkiina ay xabashi haysato waa siduu hadalka isagu u dhigee ,waxaa kaloo xuisid mudan markuu caalamkii shacabka soomaaliyeed u sameeyay dowlad loo dhanyahay oo ay arkeen in iyaga loo soo socdo waa cabdiqaasim iyo daahir aweays iyo indhocadde yusuf garaad oo hal beel ah inay bishii feb. 2006 ku shireen guri ceel oo ah magaalada ay degaan beesha caydh shirkaasi wax ka maqna may jirto xataa waxaa shirkaa hogaaminayay ugaas ku sheegooda shirkuna waxa uu ku saabsanaa sidii beesha caydh ee ku naaxday biliqada shacabka soomaaliyeed gaarahaan shacabka muqadishu iyo shacabka gobolka shabeelahaa hoose loo qabsan laha si ayan dowladda federaalka oo markaa la dhisay ayna uga hirgalin goboladaa waxaana la goaanshay saddex (M) oo macnaheedu yahay meediya , money, iyo maleesiyo .Bishii may dhamaadkeedii sanadkii 2006 waxaa bilowday dagaalkii maxaakiinta iyo dagaal oogayaashii mugadishu joogay isla dabaayaaqadii bishii julay 2006 waxaa lagu dhawaaqay daka gobolka banaadir oo uu hogaaminayay cadde gaabow asbuuc ka dibna waxaa ka horyimid daahir aways isagoo ku tilmaamay in uu maamulkaa ay sameeyeen waxa uu isaga u yeedhay doofaaro iyo eeyo balse uu isaga maamul xaq ah u soo magacaabi doono .Bilowgii sept. 2006 ayaa bbc oo ah idaaco guriceel laga leeyahay waxay waraysi siisay indhavadde waxa uuna isku magacaabay inuu yahay gudoomiyaha xaqa ah ee ex banaadir oo hore u ahayd markii laga bilaabo jowhar ilaa iyo barave inta u dhaxaysa isagoo isla bishaa ku duulay jowhar oo uu markaa maamulayay mohamed dheere isla bishaa dhamaadkeeda ayaa indhocadde loo magacaabay wasiirka gaashaandhiga isla markaana ah gudoomiyaha gobolka banaadir .
haddaba akhristow shirkaa guri ceel lagu qabtay baa goaankaa lagu gaarau markaa waa maxay waxa ay dayniile qorayso oo ay shacabka soomaaliyeed u shagayso haday runta sheegayso amaba ay wax waaninayso may kuwaa aanu soo sheegnay wax u sheegto markay leedahay soomaali aya la xasuuqay sow ma oga towfiiq ku degan oo xaaraanta ku dhistay inay yihii indho cadde iyo daahir aways iyo kuwo ay iyaga isku mabda yihiin .Waxaan leeyahay haddi maxkamad la soo saarayo dad waxaa maxkamad la soo saarayaa indhocadde iyo cabdiqaasim iyo daahir aways iyo yuusuf garaad iyo kuwa adiga aad ka mid tahay waxaana ku leeyahay mooryaan baad tahay muslimka ha isku dirin soomaalina waa ay idin aragtay waxad tihiin .
qoraalkan waxaa diyaarshay .Mohamed Hussein Osman
mxuseen840@hotmail.com