Search This Blog

Wednesday, September 30, 2009

Xiisadda Kismaayo iyo Xukunka Kitaabka by Abdulkadir Abdi

Magaalada Kismaayo ee gobolka jubadda hoose caasimadda u ah ayaa maalmahani xiisad ka taagan tahay iyadoo saacad kasta cabsi laga qabo inay isku dhacaan ciidamada xisbul islaam iyo kuwa shabaabka oo halkaasi kusoo wada aruuraya.

Labadan kooxood ayaan midna midka kale ku eedayn karin inuusan urur diineed ahayn ama caqiido lahayn ama fikirka salafiga si kala duwan uga wada abtirsada laakiin isla meel dhigi waayey sidii xukunka magaalada loo wadaagi lahaa ama loogu ogolaan lahaa in shacabku doorto madaxdiisa.

Wadaadani waa diideen laba arrimood oo sal u ah xukun wanaagsan iyo xasilooni inay qaataan, taasoo kala ah in shacabku xaq u yeesho inuu madaxdiisa doorto ayna dhanka kale jiraan xeerar iyo dastuur lagu heshiiyey oo loo laabto oo lagu kala baxo.

Waxaa lagu sheegay shacabkii caamo ama sacboolay aan ahlu xalli wal caqdi ahayn, taladana xaq u lahayn in wax laga siiyo, ama xukunka la waydiisto, dastuur la qorana waxaa lagu sheegay cilmaaninimo iyadoo mar walba dadka lagu aamusiyo in kitaabka Alle dastuur u yahay mid kalena aan loo baahnayn.


Shacabka Kismaayo waxaan alle ugu baryaynaa in uu dagaal ka badbaadiyo balse waa inay ogaadaan in aayahooda ay ka talintiisa wax ku leeyahay oo aysan jirin cid si gaar ah uga leh.

Wadaada isku haya Kismaayo waa inay ogaadaan inaysan xaq u lahay in shacabka ay isku kor dilaan ama bara kiciyaan, taladana aysan kaligood gaar u lahayn ama aysan xoog ku haysan karin iska daa inay xalaashadaan in dhiig loo daadiyo sidii talada loo maroorsan lahaa ama loola kali noqon lahaa.


Xukunka islaamka ama kitaabka Alle ma aha mid ka hadlaya oo si cad farta ugu fiiqaya cidda ay tahay in maanta la raaco ama gar leh kooxaha is haya. Masoo dagayo waxyi cusub oo noo sheegaya sida ay tahay in laga yeelo dhacda kasta oo na hor timaadda sida tan taagan.

Islaamku wuxuu noo sheegay mabaadii guud oo ah in caddaalad la helo, wadatashi muslimiintu arrimahood ka yeeshaan ciddii ay isla gartaanna talada u dhiibtaan ee aysan cidna xaq u lahayn in xoog xukunka ku qabsato ama ku haysato ama dhiigga shacabka u daadiso.

Wadaadu waa inay garawsadaan in kitaabka waa xal oo lagu wardiyo uusan xalku ku jirin ee ay tahay in talada iyo sidii si nabad ah hadba loogu kala wareegi lahaa loo ogolaado in shacabku ka wadatashado, sidii loo batana la qaato ee aan kooxiba si wax udoonin oo u dhiig daadin annagaa xaq u leh ama sida aan diinta ka fahmnay uun baa sax ah.


Laga soo billaabo waqtigii Cali bin abii daalib iyo Mucaawiye isku dheceen oo haatan kun iyo dhawr boqol oo sano kasoo wareegtay muslimiintu ma aysan helin qaab nabad ku salaysan oo talada iyo awoodda lagula kala wareego, waana taxaddiga ama mushkiladda ugu ballaaran ee hor taagan oo ay ayaankood uga hareen!!



Amawiyiintii laga soo billaabo waxay noqotay in talada xoog lagu kala qaato, mar walbana dhiig lagu daadiyo ilaa qaar saxaabadii ka mid ah kacbada iyagoo ku jira lagu dhex dilo.


Ummadaha kale ee dunida nagula nool qudhooda waxaa soo maray dagaallo sokeeyo iyo kuwa diimeed waxayse markii danbe dhibkii iyo dabkii ka barteen in taladu dadka ka wada dhaxayso oo kooxina aysan xoog ku qabsan karin ama ku haysan karin ee ay tahay in doorasho loo dareero xeerar iyo sharciyo xadidan oo lagu heshiiyeyna la isku kala hago.

Waxaan filayaa in ayu soo dhammaatay waqtigii wadaadada dadka ku asqayn jireen in wax walba hagagaagayaan haddii talada loo daayo wadaado kitaabka alle dastuur ka dhiganaya, waxaana soo baxday in waxa la isku hayaa aysan soon iyo salaad ahayn oo ay diintu faahfaahisay balse ay tahay waxa la isku hayo wax diintu ka gaabsatay oo loo daaday in dadku iyago ka heshiiyaan, ka tashadaan, shuruudna ka degsadaan aan ka hor imaanayn mabaadi'da guud ee shareecada.

Dilkii shalay saxaabada isku dileen cidda talada xaqa u leh ama sida quman iyo wixii ka danbeeyey waa in wax laga barto oo la ogaado in diintu ka dayrisay oo ay sheegtay in salaadiisa aan la aqbalayn imaamkii dadka tujiya iyagoo ayagoo ay dhibsanayaan bal ka warran cidda rabta in xoog iyo boob ay ku xukunto.

Tuugo isbaaroolay ah ama digisiyada xadda oo la ciqaabo oo kaliya ma aha shareecada iyadoo kan tuug yaraha ciqaabaya uu isba doonayo inuu boob ku haysto talada dalka ama kudoono oo uu dhiig aan xad lahayna u daadiyo.

Xiisadda Kismaayo ka aloosan waxay daliil cad u tahay warkii iyo halhayskii duuduubka ahaa ee wadaadada qaar wadeen inuu gabbalkiisu dhacay dhabtuna ay tahay in taariikhda wax laga barto oo la ogaado in aayo ka talinta shacab ama dal ay dadkiisa ka dhaxayso.

Si nabad loo helo iyo xasilooni iyo ku dhaqan shareeco oo sax ah waa laga maarmaan in la qiro in taladu dadka ka wada dhaxayso xeerar iyo dastuur heshiis lagu yahayna la helo oo faahfaahinaya wax kasta oo la isku qabto iyo sidii loo maarayn lahaa. Waa in la ogolaado in aayaha shacabka iyo sida arrimaha mudnaan u kala siinayo iyo waxuu dib u dhiganayo ama hormarsanayo aysan shakhsi ama koox ku meel marin karin dhiig iyo barakacin ee ay tahay in sida inta badan rabto in la raaco sidaasina ay diinta iyo dantu ku jirto.

Haddiise lagu adkayso sida haatan taagan waxaa soo bixi doonta in hawada koox kasta iyo damaceeda iyo sida ay diinta u fasirayso ay is dhex gasho oo ay soo baxdo wadaad qiil uu ku bannaysto iyo qundul uu ku rito ma waayo ama hadalkii ahaa nin la jecel yahay minhaaj qiil loogama waayo oo keeni doonta in isdilka iyo fawadadu sii socoto ilaa la isla ogolaado in talada dadka ka dhaxayso, wadahadal iyo qaabab lagu heshiiyana ay qasab tahay in xasiloono lagu doono ee aan qiil iyo nas kooxiba si u fasirayso la isku dilin si joogta ah.

Abdulkadir Abdi

xogta@garasho.net