Afeef:
Tan koobaad:
Qormadaan waxa aan uga hadli doonaa dhaqan-xumo nagu habsatay in mudda ah, ee kama hadli doono qabiil, laakin hadii dadka qaarkiis ay la soo boodaan annagaa naloo jeedaa waa nasiib-daradood.
Haddana qoraalkii
Xurnimadii xagey ku dambaysay?
Soomaaliya si xurnima ah in uu qofku u hadlo waxaa ugu dambaysay Oct. 1969 kii, waa mudda hadda laga joogo 41 sano. Waana kala darayde intii u dhaxaysay 1969 kii iyo 1975 waxaa jiray xoog wax soo saar wata oo aan balaaya wada ahayn, wixii ka dambeeyay 1975 kii ilaa iyo 1990 kiina wax umbaa jiray haba iska liitaanee, laakin ka soo bilaaw 1991 ilaa hadda waxa aan aragnay waa ilbaxnimadii dumi oo badawnima ku bedel, reer-magaalkii qaxi ee hawd-joog ku bedel, waana sida hadda socota , waxa aansa rejaynayaa in ay soo gebagabowdo oo 20 sano aysan nagu dhaafin.
Wixii ka dambeeyay 1991 kii XOOG kaliya ayaa shaqaynayey Xikmadiina waa la laalay, QORAY ayaa shaqaynayay Qalinkiina waa la laalay, QABIIL ayaa shaqaynayey Qarankiina waa la laalay,GARDARO ayaa shaqaynayeysay Garsoorkiina waa la laalay, marka waxa dhacay in afartii wax burburinaysay ay boobtay afartii wax dhisaysay, sidaas ayaana burbur dhinac walba ah oo baahay daahayna uu meeshii u qasaday. Waxaa isku soo haray mugdigii, baahalnimadii iyo hawd-joogtadii, taasina cid walba oo ilbaxnima ku nool ahayd ayey meesha ka saartay.
Dhulkii ilbaxnima xagee u dambaysay?
Maxa nala gudboon? Waxa aan filayaa in ay Soomaalidu wada noolaan karto hadii ay meesha ka baxaan afartaa balaayo oo aan soo sheegnay, hadiisa ay sii jiraan, shaki kama taagna in ay ku wareegaysan doonto MUGDIGAAN daahay. Waxaana aan suurta gal ahayn dadkii ka faa’iidaysan waayay ilbaxnimadii soo jireenka ahayd ee ka jirtay Muqdisho, Jowhar, Beledweyne, Marka, Baraawe, Buur-hakaba, Baydhabo, Jilib, Baardheere iyo Kismaayo oo ay u yimaadeen ayadoo isku toosan in aysan hadda dib u soo noolayn karin, ee waxaa haboon in loo soo celiyo dadkii horay ilbaxnimadaas u curiyay.
Wada-noolaashuhu waa ilbaxnimo ee xoog kuma yimaado.
Qof kasta oo Soomaali ah, amaba Umada kale ah meelwlba ayuu ku noolaan karaa oo wada-noolaashaha dhibaata kama taagna, hadii Qansax oo ka soo hayaamay Hawd uu la soo dego Cambe oo degan webiga dhinaciisa waxaa laga sugayaa in uu Qansax nolosha cusub la qabsado oo uu Beeraley naqdo, ama Ganacsato, ama Kaluumaysato, uuna tix-geliyo reer Cambe oo uu la soo dirsay degaankana uga soo horeeyay, ee uu sidaa ku naqdo nin ka tirsan degaankaas, ee uusan isku dayin in uu reer Cambe xoog ku qabsado.
Magaalada Muqdisho
Intii soo gaartay Magaalada Muqdisho ka hor 1991 kii waxa aw xasuusan karaan magaala ay deganyihiin dad isku-dhaf ah oo midabwalbaba leh oo ay isu keentay ilbaxnima dheer oo soo jireen ah. Waxa aad arki kartay ganacsi iyo degaan ka dhexeeya Umada kala duwan laakin ilbaxnima saldheer ay isu keentay, sida Carab, Hindi, Yurub iyo African, gaarahaan Xamarweyne waxa uu ahaa meesha ugu haboon ee ay ka muuqan karto ilbaxnimadaasi.
Waxaa kale oo lamid ah in Soomaalida qaybaheeda kala duwan ay si garba siman ah u wada deganaayeen - haba lagu kala badnaado oo dadkii degaanka loogu yimid ha u badnaadaanee- taasina waxa ay ahyad muuqaal lagu faani karo. Maxaasa kadambeeyay? Waxaa ka dambeeyay tan maanta taala oo aan marna la filayn, cid waxgarata oo ku farxi kartaana aysan jirin.
Xaaji Muuse maxaa ku dhacay?
Dhibaatadusa xagey ka jirtaa marka?
Waxa ay ka jirtaa in nabadii abuurtay ilbaxnimadaas ay burburtay, waxa aan xasuusanahay in 1991 kii nin Hindi ah oo ganacsata ahaa oo la dhihi jiray Allaha u naxariistee Xaaji Muuse uu ii yimid aniga oo jooga Xamarweyne oo uu igu yiri “ Guri ku yaala Tiyaatarka agtiisa ayaa layga haystaa ee ma ii sheegi kartaa cid iiga qaadi karta”? waxa aan ku iri ma ogi laakin waxaa ila wanaagsan in aad iska sugto inta maamul awood leh laga helayo, ileen berigaa reja wayn ayaan lahayn oo isma lahayn dhibaatadu sidaan ayey u dheeraan doontaaye. Xaajigii waa iga madx-adaygay oo hadalkaygii ma yeelin, wuu baxay oo waxa uu u tegay mooryaantii gurigiisa qabsatay, waxaa uu ku yiri guriga anaa iska leh ee iiga baxa, waxaa si jeesjees ah loo yiri “oo ma adaa iskaleh”? markaas ayuu si daacadnima ah isna u yiri “ haah, anaa iskaleh” waxaa lagu yiri “bal horta xaaqin soo qaado oo guriga soo nadiifi”waxa uu yiri “iiga baxa anaa nadiifsan doonee” waxa ay yiraahdeen “maya waa in aad horta nadiifisaa”, waa uu nadiifyay, markii uu nadaafadii dhameeyay ayaa loo yeeray oo {xabad ayaa foolka looga dhuftay naftiina dhulka lama gaarin}!. Hal saac wax ka yar kadibna maytkiisii ayaa na loo keenay, markii ay arkeen ganacsatadii hindida ee Soomaalidana ahayd {maytkii} Xaaji Muuse, diyaarada la raacaa ma jirin ee doomihii Mombaasa u socday ayey isku ciriiriyeen. 1997 dii ayaan mid ka mid ah Hindididi qaxday waxa aan ku arkay magaalad Jidda ee Sacuudiga, waxa aan weydiiyay: reja ma ka qabtaa in aad Muqdisho ku naqato? Waxa uu igu yiri “inta ay Mooryaanta reer hebel iyo reer hebel joogaan lagama yaabo in aan ku naqdo”. Haddana shaki badan iigama jiro in ay ragaas iyo asaagoodba ay ka quusteen Muqdisho dhaqaalahoodina intii ay la carareen ay wadama kale oo dad ilbax ahi joogaan ay gashadeen.
Xaaji Muuse waxa uu ahaa hal tusale oo aan soo qaatay, laakin liisku waa dheeryahay, waxaasa iswydiin leh dadkii qaxiyay Xaaji Muuse iyo saaxiibadii maxay ku diideen in ay Xamarweyne iyo Shangaani ganacsigii ka jiri jiray ku sii wataan inta ay Bakaaraha iyo Suuqbacaad oo aan jidad lahayn isku ciriirinayaan? Waa su’aal jawaab u baahan.
Kursi kufsi lagu haysto ma xalaal baa?
Waxaa kale oo adag in Soomaaliya xal loo helo inta kursiga XOOG, QABIIL, GARDARRO iyo QORAY lagu raadinayo. Cidii intaas Xukunka ku gaartana Xalaal kuma gaarin ee Kufsi ayay ku gaartay, sharcina ma aha, oo kursigu waxa uu la mid yahay Gabr sharaf badan oo la guursanayo, hadii rabitaankeeda iyo kan reerkeeda lagu guursado, beena aan laga sheegin waa GUUR Xalaal ah, hadii rabitaanka reerkeeda iyo kan gabadha aan lagu dhisina, waa Xaaraan, wixii ka dhashana waa xaaraan oo waa WACAL ama GARAC hadba sida loo yaqaan, ninkii falkaa sameeyana waxaa lagu ciqaabaa ciqaab adag meel walbaba aduunyada.
Haddaba cid walba oo Xukunka XOOG ku raadinaysa waa in ay saa u ogaato, ama magac qabiil qayaxan ha ku timaado ama diin qabiil iyo dan gaar ah loogu adeegayo lagana been sheegayo oo hadba meeshii la doono loo weecinayo{la jiifiyaana banaan} ha ku timaadee. Runta aan laga leexan karina waa in qof kasta oo kursiga ku gaara waa DAGAAL-OOGE qofkaasi. Shacabkana waxaa looga baahanyahay in uu xuquuqdiisa iyo xuriyadiisa soo ceshado oo uu afduubka ka baxo, hadii kale adoonsi ayuu isu rogi doonaa hadii uu dheeraado.
Diintu maxay ka qabtaa?
Rasuulkeenna Muxamad صلي الله عليه وسلم asagoo ka hadlaaya arinkaan waxa uu yiri{اناوالله لانولي علي هذا العمل أحدا سأله ولاأحدا حرص عليه}رواه مسلم Macnuhu waa {Allaan ku dhaartaye mas’uuliyadaan u dhiibi mayno cid doondooneysa amaba ku dadaalaysa in ay hesho} marka qofkii caadi ahaan u raadinaya asagoo aan boob iyo been iyo DHIIG ku raadinayn ayaa rasuulku u diiday, ee ka waran qofka BOOB, BEEN, LAALUUSH, QORAY, DHIIG, QAXIN, iyo YASID ku raadinaya xagaw Diin iyo Sharci ka soo gelayaa?
Xadiith kale Rasuulkeenna عليه الصلاة والسلام waxa uu yiri ياعبد الرحمن لاتسأل الامارة فانك ان أعطيتها عن مسألة وكلت اليها وان أعطيتها عن غير مسألة أعنت عليها رواه مسلم
Rasuulku عليه الصلاة والسلام asagoo la dardaarmaya Saxaabi ayuu ku yiri {madaxtinima ha raadin,sababtoo ah hadii radintaas aad ku hesho adiga umbaa laguu daynayaa oo laguugu caawin maayo,hadiisa lagu siiyo adoo aan waydiin waa lagu garab istaaga} Raadin kaliya ayaa la diidanyahay ee ka warama hadii DHIIG MUSLIM kaliya lagu raadinayo?
Dad badan oo Diin ahaan wanaagsan ayaa jira oo Xukunka u ordaya laakin laba balaayo ayay ku dhacayaan: mid waa ayagii oo aan karti iyo aqoon u lahayn, waana arinka looga baahanyahay qofka Xukun raadinaya, قال الله سبحانه وتعالي{ان الله اصطفاه عليكم وزاده بسطة في العلم والجسم سورة البقرة
Rasuulkeenna عليه الصلاة والسلام waxa uu ku jawaabay markii Saxaabiga ابوذر oo ka mid ahaa Saxaabada ragga ugu sii wanaaga badan uu waydiistay in Mas’uuliyad loo dhiibo, يا أبا ذر انك ضعيف وانها أمانة وأنها يوم القيامة خزي وندامة الا من أخذها بحقها وأدى الذي عليه فيها رواه مسلم
Macnaha xadiithku waa {karti uma lihid, arinkuna waa amaano,maalinta qiyaamahana waa hoog iyo shalayto qofkii xaq ku qaata ma ahee, mas’uuliyaddana sida ay tahay u fuliya}. Marka xukunkii Saxaabigaa loo diiday cidwalba ma ku boodi kartaa?
Tan labaadna waa ayagii oo dhiig muslim daadintiis kursi ku raadinaya
Waxaa kale oo is-waydiin mudan cidii kursiga DIIG iyo QAXIN ku timid, welina doonaysa in ay DHIIG iyo DULMI ku sii haysato xagay ka maraysaa Xadiithka Rasuulkeena صلي الله عليه وسلم uu ku yiri اللهم من لي من أمر أمتي شيئا فشق عليهم فاشقق عليه ومن ولي من أمر أمتي شئا فرفق بهم فارفق به رواه مسلم
Macnaha Xadiithku waxa uu leeyahay { qofkii wax uun mas’uuliyad ah Umaddayda dhexdeeda ka qabta ee dhibaata u gaysata Umadda Allaha dhibaateeyo, qofkii u dhimriyana Allaha u dhimriyo}
Dhiig muslim Xukun lagu gaaray laguna haysto Diinta boos looga heli maayo, waa uun iska qawlaysi, ee diinta yaan nalanka wasakhayn.
Soomaaliya xukunkeedana inta ay cid walba oo Soomaaliyeed oo xaq u leh ay si nabad ah ku soo raadsan kareyso ayadoo aan lagu ciilayn QABIIL iyo QORAY midna, oo aan ka arkayno bulsha weynta aan hubaysnayn oo si xurnima ah u tartami kara, lagama sugayo horumar, waxaana la yaab leh in inta aan hubaysnayn ay ka fara badanyihiin inta hubka haysata, laakin intii hubka haysatay ayaa af-dheer oo meel walbaba taagan. Cidii farta ku fiiqdana dood aan dil ahayn uma haayaan, oo ayaga in ay kula doodaan oo ay cidna qanciyaan diyaar uma aha.
Xukunka iyo Bulsha-weynta aan hubaysnayn
Tusaala ahaan goorma ayaan arki doonaa ayada oo dadka aan hubaysnayn ee diidan in dhiigya-cabnima dhaqan ka dhigtaan xukuna ku raadsadaan ay Madaxwene iyo Ra’iisulwasaare si xornima ah ugu tartami karaan, hadii ay karti iyo aqoon ku waayaan dhibaata ma laha, laakin waa in qoraga hadda hortaagan ee madaxa looga haayo laga qaadaa, ka dib ha helaano ama ha waayaanee.
Dadkaas dhiban badankoodu waxa ay ka soo jeedaan inta u dhaxaysa Beledweyne iyo Kismaayo waa Beeraley ama waa Xeeb iyo Magaalajoog, ayagaana dawladnimada jeclaa, yaqiinay oo daacadna u ahaa, oo sida malaaygu uusan biya la’aan u noolaan karin ayasan maaamul la’aan u noolaan karin, inta qoraygu jirana codkoodii wuu maqanyahay oo kaalin looma ogola, waana dadkii curin lahaa wax qabadka ugu badan iyo wax soo saarka.
Huriyayaasha Colaadda
Dadka colaadda tiirka u ah badankooduna wax ay ka soo jeedaan hawdka Soomaaliya iyo Ethoobiya oo inta badan aan dhaqan dawladnimo laga aqoon ee lagu noolyahay intii aad xoog leedahay soco, soohdintaada iyo xuquuqdaaduna waa meesha ay awoodaadu ku gaarsiiso. Cid aan awood lahayna {laf-gaab} nololi uma taalo. Dhaqankaas hawdka ka yimid oo soo guuray ayaa hadda Caasimadihii aan soo sheegnay u af-duubanyihiin. Dawladdii timaadna u af-duubantahay, oo waxaa lagu cabsiinayaa hadii aadan danteenna gaarka ah fulin sii jiri maysid, waana arin nin xukun jecel uu u jilacsanyahay.
Dhaqan celinta reer-baadiyaha, mase reer-magaalka?
Dadka baadiyaha ka yimaada marka ay magaala yimaadaan ayagaa u baahan dhaqn toosin iyo in cijiyaha la jaro, si ay ula qabsadaan dhaqanka magaalada ee ku salaysan wada-noolaasho iyo is-tix-gelin, waana sida aan ku aragnay marka ciidan loo qoro qof cusub in timaha laga xiiro, si wax looga bedelo dhaqankiisii hore ee isla-waynaanta iyo is-cajabinta ku dhisnaa, hadiisa ay reer baadiyihii qabsadeen caasimadihii, reer magaalkii ayaa reer baadiya in ay noqdaan lagu qasbay oo dhaqankii baadiyaha loo celiyay, qofkii diidayna waa la dilay, markii laga reebo intii qaxday oo adkaysan wayday, aygana waxa ay ku xukumanyihiin in aysan u soo noqon wadankooda oo ay wadama kale ku dhibaataysanyihiin.
Marti-qaadka xaaraanta ah
Marka waxaa lagama maarmaan ah in aan xukunka lagu marti-qaadin cid walba oo dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah ku weji dhaqata kuna qubaysata, in mudda ahna sidaas ayaa lagu soo waday oo xaaraantii ayaa xalaal loo bedelay xalaashiina waa la xaaraantinimeeyay, oo markii Qalinkii wax sixi jiray Qoraygii ka adkaaday, Qoraygii waxa uu la mid naqday Dibi geesa weyn oo dherya caro {dhoobo}ka samaysan lagu dhex daayay.
Jufooyin is qaybqaybiyay
Waxa kale oo maalmahaan soo if baxay Qolooyin is-qeybqeybiyay oo magca kala duduwan la baxay oo meelwlbaba taagan oo ku shaqeeya midab-waliba ku imaaw, oo dawladdana ayagoo kuraasta ugu badan leh wareeriya, mucaaradkana war-geliya, kuna socda magaca culumada Suufiyada iyo mika culumada dambe qaybaheeda kala duwan, mid qabiil, mid ganacsato, mid xisbi, mid abwaan, mid aqoon yahan, mid ururo bulsho, mid warfaafineed, mid gargaar intaba, anagoo aan ku daalin waa dhawr tabeele oo is og, iskuna u jeeda ah, kuna biya shubanaysa wax aan dantayda ku slaysnayn yaysan socan.
Debacsanaanta dawladda
Waxaa kale oo noo muuqata in jufooyinkaas meelwalbaba taagan ee qayla ku noolka ah ay dawladdu u dheg-raariciso oo ay qayladooda ka baqdo, ee naga aamusi ay wax walbaba uga qaataan, Odayaal dhaqameed bililiqa ah, magac Culumo oo asauna la mid ah, ayay samaysteen dawladuna ayagaas umbay wadwadaa, oo dibad iyo gudahaba diyaarado lagu wadaa, dadkii saxda ahaana way quursanaysaa. Waxaa kale oo intaas dheer in bulshad inteeda xishoonaysana aan waxba loo reebin, waa dulmigii Soomaaliya ku burburtay oo cudurkii dilay ayaa weli lagu daaweynayaa, qaaqlayaal aan qorsha ku shaqayn ee ku shaqeeya albaabwalbaba deg oo yaan wax kugu dhaafin, qaylana afka labadiis yeer si aan wax kuu dhaafin, balaaya joogta ahna soo sheeg si aan wax laguula qaybsan, ayaa meesha afduubantahay. Waa ku qabso ku qadi mayside, ee qaran ma lagu maamuli karaa?
Madax-madax u socosho
Soomaaliya wax walba madaxa ayey ku socdaan, dadkii dawlad ku noolka ahaa ee xushmadda u haayay maamul dawladnimo way ka qadsanyihiin waana ka marti, dadkii dawladnimada iyo maamulaka diidanaa ee danaynayay in afduubkaan iska sii dheeraadana si ay hantidii lawada-lahaa kaligood u qaataana waxa ay haystaan tix-gelin aan caadi ahayn.
Shareecada iyo xuriyadda
Waxaa kale oo aan jeclahay in aan halkan ka sheego in loo baahanyahay in dadka Xurnima lasiiyo Diintana labaro inta aan Xukun degdeg ah oo uusan aqoon u lahayn, kana war-hayn isna-difaaci karin aan lagu qaadin, wacyi gelin xoog lehna waa in la helaa. Shareecada in la qaatana waa arin waajib ah oo ka hadal maleh laakin qof aan XURNIMA haysn oo xoog lagu haysto lama dhihi karo waa i taageersantahay, ama Shareecada ayaw taageersantahay, sababtoo ah qofka waxaa falkiisa wanaagsan iyo kiisa xun la tix-geliyaa marka uu xur yahay, marka qof 41 sano aan xurnima haysan ama xurnima la’aan ku dhashay taageeradiisu wax ka soo qaad ma leh.
Alla سبحانه وتعالى uma qabto qof aan xur ahayn wixii uu ku hadlay ama uu falay, oo awoodiiba way ka maqantahay, marka dadka Soomaaliyeed inta ay xornimadoodii ka helayaan wax go’aan ah oo ay gaari karaan ma jiraan, mid diineed iyo mid aduunyo intaba. Xataa qofkii gaalnima ku dhawaaqa ama fal gaalnima la yimaada, asagoo aan xur ahayn qalbigana ka jeclayn Alla سبحانه وتعالى u qaban maayo, wax ka yar iskaba daaye.
Dadka shareecada ku baaqaya ayagu ma u hogaansami doonaan?
Waxaa kale oo su’al u baahan dadka shareecada ku baaqaya ma ogolyihiin ayaga in lagu qaado, mase waa awrkacsi ujeedooyin qarsoon wata? Diyaar ma u yihiin hantida la kala haysto ee ma guurtada ah in la isku wareejiyo? Wixii aan hanti ma guurtaa ahayn waaba lala baxsaday oo xisaab Aakhira ma ahane mid aduunyo waa lagal fakadaye. Dadkii ay dulmiga ka galeen iyo kuwii ay agoonteeyeen, kuwii ay qaxiyeen iyo dhibaatooyinkii ayagu ay abuureen welina ku dhex jiraan ma lagu soo oogi karaa? Mase midida daabkeeda mar walba ayagaa iska haysan doona, oo waa sidii uu xadiithkii Rasuulkeena صلى الله عليه وسلم uu ku sheegay Yahuuda ee ahayd midka aan awood lahayna xukunka ku qaad oo boobsii, kan awooda lehna is-moogaysii!?
Cadaladdu yay u darantahay?
Waxa aan hubaa hadii si cadaalad ah maanta wax loo miisaami lahaa in dad badan oo la qeylinaya shareecada ayaan doonaynaa ay noqon lahaayeen kuwa ugu horeeya ee maxkamad la soo taago, laakin waxa aan ka baqayaa in dimbiilihii ii garsoore iska soo dhigo dhibanihiina laga soo dhigo dimbiile, sida aan soo aragnay marar badan.
Marka dadka af-duubka halaga qaado diintooda iyo rabbigoodna yaan la nacsiin, ee xurnimo ha helaano si dhab ah markaa ka dib ha loo xisaabtamo, laakin ayadoo XOOG lagu haysto yaan laga been sheegin.
Ugu dambayntiina dadka maanta dulmiga ku raaxaysanayana in badana ku soo raaxaysanayay oo moodaya in ay saa ku fakadeenna, waxa aan xusuusin lahaa Aayadda Alla:
ولا تحسبن الله غافلا عما يعمل الظالمون انما يؤخرهم ليوم تشخص فيه الأبصار سورة ابراهيم
Macnaha Aayadu waa {yay kula noqon in Alla سبحانه وتعالى moogyahay waxyaabaha gardaroolayaashu samaynayaan, waxa aan dib ugu dhignay maalin indhuhu fooraraan, waa qiyaamaha}
Sh. Xasan Xundubey Jimcaale
London UK
walaalnimo@hotmail.com