Search This Blog

Thursday, April 30, 2009

Agaasime K/xigeenkii Warfaafinta M. Shariif oo Yurub iska Dhiibay !!


Warar hoose oo ka soo baxaya xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa sheegaya in dalka Biljamka ku baxsaday Agaasime ku xigeenkii warfaafinta xafiiska Madaxweyne Sheekh Shariif.
Agaasime ku xigeenkaan oo lagu Magacaabo C/llaahi Yuusuf Sh. Nuur C/laahi KHadar ayaa waxaa uu ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha u raacay dalka Biljamka isla markaana kala qeyb galay kulankii dowlada somalia dhaqaalaha loogu yaboohay.

Lama oga sababta ka dambeysay in uu Mas'uulkaan ku dhex dhuunto dalka biljamka.
Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey Hadhwanaagnews arintaasi isla markaana sheegay in arintaasi dhab tahay.
Ma jiraan ilaa iyo haatan hadal ka soo baxay Agaasime ku xigeenka warfaafinta kaasi oo uu kaga hadlayo sababta ku kaliftay in dalka Biljamka ku dhex dhuunto.Waa markii ugu horeysay oo mas'uul ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka dibadiisa ku dhuunto tan iyo markii Madaxweyne Sheekh Shariif xilka Madaxtinimo loo Magacaabay horaantii sanadkaan.
Haddii ay rumoodo in uu goostay Agaasime ku xigeenkii Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya sida wararka soo baxayaa sheegayaan waxaa ay waji gabax iyo dharbaaxo ku noqon doontaa Xildhibaan Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa isagu shaqsiga jagadaas u magacaabay C/laahi Khadar maadama uu yahay ninka ugu awooda badan dhinaca la talinta madaxweyne Shariif.

C/laah Khadar oo ay isku beel yihiin Madaxweynaha ayaa oo sidoo kalena ay jifo hoose yihii Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu shaqaale ka ahaan jirey Idaacadda Quraanka kariimka ah oo iska leeyahay Xildhibaan Geelle

dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com

Daahir Aweysow Maxay Caruurta Soomaaliyeed ay Dhimeen oo aad uga Oohineysaa?







Akhristow dalkeena hooyo waxaa aafeeyay dagaal sokeeye oo aan taariikhdiisa dhabta aanu haynu waxaa burburay qarankii soomaaliyeed waxaa la biliqaystay dhamaan wax alla iyo wixii haykal dowladeed ahaa ee ka jiray dalkeena waxa iyana la tirtiray dhamaan kaydkii ama diwaankii uu qaranku lahaa dhinac walba , waxaa la kufsaday dumar soomaaliyeed oo aan waxba galabsan iyadoo la xasuuqay ilaa iyo milayan shacab ah oo aan waxba galabsan waxaa la dhacay hantidoodii intaa markay dhacday akhristow waxa uu caalamku isku dayay inuu soomaali isu keeno waanu ognahay waxa ay wax ka qabsoomi waayeen oo ilaa iyo imnika marba shaar u soo gashta shcabka soomaaliyeed oo u baahan in mar uun ay u soo noqoto qaranimadoodii ay waligood dugsan jireen.
Waxaa ilaa dagaalkii sokeeye markuu bilowday ilaa iyo hadda dhalinyaradii loo dhiibay qori iyagoo laga dhaadhiciyay in ay la dagaalamaan gumaysi waxa wadana arrimahaa waa la yaqaanaa .
Tan kale ethiopia waxaa dalkeena keenay oo xaqqiiqda ah waa arrimahan sidaanu la soconno waxaa dalka jabuuti lagu soo asasay dowlad ku sheeg ay ka danbeeyeen shaqsiyaad u adeegi jiray dowladdii milatary ee dalka ka dhisnayd dagaalkii sokeeye ka hor waxaana madax looga dhigay cabdiqaasim salaad oo la yaqaano waxa uu soomaali u galay isla markaana ku caanbaxay qarandumiye uu qabiil lafaha ka galay ah cabdiqaasiim wuxuu iclaanshay in dagaal lagu qaado dowladda ethiopia isagoo adeegsanaya fikrado guracan ee hore uga dhaxeeyay labada shacb wuxuu dhamaan isugu yeedhay dalka gudihiisa dhamaan intii mucaraadka ku ahayd dowladda ethiopia iyo waliba waxa uu qatar kaliyay dhamaan dowladha dariska la ah soomaaliya sida kenya ugandha tansaniya .
Waxa uu tababar u furay ururo sida oromo libration fronto , onlf , iyo maleesiyo beeld isagoo tabar uga furay degmada qoryoolay kuwasoo uu taliye uga dhigay ninka hadda la magac baxay indho cadde isagoo aanu ognahay xasuuqa iyo dhaca iyo kufsiga iyo biyo ka iibinta iyo addoonsiga uu ku sameeyay shacabkii ku noolaa gobolka shabeelaha hoose .

Cabdiqaasim wuxuu kaloo si bareer ah ugu takrifalay dhaqaalihii uu caalmkuu siiyay xilligii uu madaxwaynaha ahaa isagoo maleesiyo u soo diray magaalada kismayu oo ay ku xasuuqeen dad taasoo dhamaan caalamkii ay la yaabeen dowladiisiina ay meeshaa ku kala taktay waxaase la yaab leh inuu cabdiqaasim hadda meediyaha ka hadlo oo uu ku hadaaqo inuu madaxweayne yahay dalkiina ay xabashi haysato waa siduu hadalka isagu u dhigee ,waxaa kaloo xuisid mudan markuu caalamkii shacabka soomaaliyeed u sameeyay dowlad loo dhanyahay oo ay arkeen in iyaga loo soo socdo waa cabdiqaasim iyo daahir aweays iyo indhocadde yusuf garaad oo hal beel ah inay bishii feb. 2006 ku shireen guri ceel oo ah magaalada ay degaan beesha caydh shirkaasi wax ka maqna may jirto xataa waxaa shirkaa hogaaminayay ugaas ku sheegooda shirkuna waxa uu ku saabsanaa sidii beesha caydh ee ku naaxday biliqada shacabka soomaaliyeed gaarahaan shacabka muqadishu iyo shacabka gobolka shabeelahaa hoose loo qabsan laha si ayan dowladda federaalka oo markaa la dhisay ayna uga hirgalin goboladaa waxaana la goaanshay saddex (M) oo macnaheedu yahay meediya , money, iyo maleesiyo .

Bishii may dhamaadkeedii sanadkii 2006 waxaa bilowday dagaalkii maxaakiinta iyo dagaal oogayaashii mugadishu joogay isla dabaayaaqadii bishii julay 2006 waxaa lagu dhawaaqay daka gobolka banaadir oo uu hogaaminayay cadde gaabow asbuuc ka dibna waxaa ka horyimid daahir aways isagoo ku tilmaamay in uu maamulkaa ay sameeyeen waxa uu isaga u yeedhay doofaaro iyo eeyo balse uu isaga maamul xaq ah u soo magacaabi doono .
Bilowgii sept. 2006 ayaa bbc oo ah idaaco guriceel laga leeyahay waxay waraysi siisay indhavadde waxa uuna isku magacaabay inuu yahay gudoomiyaha xaqa ah ee ex banaadir oo hore u ahayd markii laga bilaabo jowhar ilaa iyo barave inta u dhaxaysa isagoo isla bishaa ku duulay jowhar oo uu markaa maamulayay mohamed dheere isla bishaa dhamaadkeeda ayaa indhocadde loo magacaabay wasiirka gaashaandhiga isla markaana ah gudoomiyaha gobolka banaadir .

Haddaba akhristow shirkaa guri ceel lagu qabtay baa goaankaa lagu gaarauy markaa waa maxay waxa uu daahir aways shacabka soomaaliyeed u shagayo haduu runta sheegayo amaba uu wax waaninayo muu kuwaa aanu soo sheegnay wax u sheego markuu leedahay soomaali aya la xasuuqay sow ma oga kuwa towfiiq ku degan oo xaaraanta ku dhistay inay yihiin indho cadde iyo kuwo uu isaga isku mabda yihiin .waxaan leeyahay haddi maxkamad la soo saarayo dad waxaa maxkamad la soo saarayaa indhocadde iyo cabdiqaasim iyo daahir aways iyo yuusuf garaad .

Hogaamiyaha alqaa’ida ee soomaliya u soo magacaabay ninka aad adduunka looga raadsho ee osama bin laadin ayaa waxaa wareystay radio daljir wuxuuna yidhi khayr allaha siiyee soomaalida xoriyaddii hore gobonimadoodii ma ay ogolayn inay dhiig daadiyaan balse hadda waxay ogolyihiin inay dhiig daadiyaan isagoo ay ka muuqato codkiisa daal iyo niyad jab wuxuu kaloo yidhi markii dhiiga ilaah dartii loo dadinayo iyo marka kale waa ay kala duwan yihiin wuxuuna ula jeeday taa xasuuqii iyo dhacii iyo kufsigii uu u gaystay shacabka soomaaliyeed inay ahayd mid uu san ka danbayn isaga balse ay tahay mid ay soomaalidu isu keeneen iyaga ,wuxuu yidhi daahir aweys ilaahbaan ku tiirsanahay ilaah baa noo gargaaraya anagoo an tabar lahayna noo gargaari jiray taasoo muujinaysa inuu xabsi ku jiro oo dunidii oo dhan laga diiday riyada waalida ah ee uu meel walba lajoogo wuxuu yidhi nin qorrax kugu dilay hoos kumguma jiido waa yaab yaabkiisa ,inagoo nabad ah oo umaddii wax u qabanay oo khayrkii ilaah na siiyay umaddii ku noolaanayso ka dibna umaddiina ay dulowday , waxaa xusid mudan hadalka ay caadaysteen mooryaantan qabiilku ku bahoobay oo ay ka mid yihiin cabdiqasim, indhocadde ,daahir aweyskan la wareysanayo hadda iyo kuwo kale cadow baa ku soo duulay iyaga horta yaa masuul uga dhigay soomaaliya ma isweydiiyeen soomalise goormaa isugu danbaysay inay wada noolaadaan , haddan u soo noqdo taariikhda dhabta ee daahir aweys sidaanu la soconno daahir aweys waxa uu hogaaminayay wadaadii bosaaso duulaanka ku soo qaday shacabka puntland ee boosaaso degan xilligi dagaalkii sokeeye isagoo meeshaa u jooga caydiid ,caydiidna waxa uu duulaan ku soo ahaa gobolada mudug shacabkii iyo masuuliyiintii puntland oo fahmay dhagartiisa baa dibadda uga soo saaray dhamaan gobolada puntland isaga iyo caydiidba ka dib waxaa uu u soo wareegay luuq ,daahir aweys waxa uu ninkii ugu horeyay eek u duula ciidamada Ethiopia oo markaa ku sugnaa xuduudda u dhaxaysa soomaliya iyo Ethiopia isagoo xidhiidh la leh jabhadihii kala duwanaa ee O.N.L.F, OROMO LIBERATION FRONT oo dhamaantoodba ku sugnaa muqadisho maadaama aysan dalka ka jirin wax dowlad ah arintaasoo dowladda Ethiopia ay u aragtay Qatar keeni karta in nabadgalyada guudahaan cariga Ethiopia carqaladayso marka inuu daahir aweys yiraahdo maanta cadowbaa nagu soo duulay amaba soomaaliya haysto waa u caqli xumo .aan geedna loogu soo gaban .
Midda kale haddii ay Ethiopia tahay dowlad cadow ku ah shacabka isagu halkeebuu joogaa hadda horta miyuu isweydiiyay waxaa uu joogaa Asmara oo uu ka taliyo nin ay qaraabo yihiin malezanawi isla markaana la ogyahay nacaybka uu islaam u qabo taasoo kaliftay xataa in ay wadamada carbeed go’doonshaan ,Daahir aweys hadduu muslim sheeganayo oo ay nab ka tahay islaanimada meesha hadda uu joogo ma uusan joogayn ee wuxuu tagi lahaa caalamka islaanka .

Taariikhdu iyadaa isa sheegi doontaa daahir aweys iyo cabdiqasim iyo indhocadde waa hal qabiil oo duulaan ka soo qaaday galgaduud iyagoo la ogyahay dhibaatadii ay shacbka soomaaliyeed u gaysteen waxay ahaayeen kuwii ka masuulka ahaa dagaalkii sokeeye waxay xaaraan ku haysteen muddo lix iyo toban sano ah shacab iyo dhul aysan lahayn iyagoo xasuuqay odayaal iyo aqoonyahan iyo culumaauldiin waxay ilaa iyo hadda wadaan dhibka iyo duulaanka shacabka soomaaliyeed iyo duulaanka DFKS hore iyo ciidamada ka socda dowladha dariska la ah soomaaliya oo u soo gurmaday inay shacbka soomaaliyeed u sameeyaan nidaam iyo kala danbay .

Daahir aweys iyo mooryaantiisa ma ay doonayaa nidaam iyo kala danbayn hadayan iyagu talinina waa cadow baa dadkii haysta iyo wixii la mid ah .haddaba waxaan u shagaynaa shacabka soomaaliyeed ee nabadda jacel in ay u midoobaan sidii sharciga loo keeni lahaa nimankaa aan kor ku soo sheegay oo ka oohiyay caruurta yar yare e soomaaliyeed oo aan waxba galabsan una diiday in mustaqbilkooda la dhiso si ay hadhow dalkooda iyo dakooda iyo diintooda iyo naftoodaba wax u taraan.

Gabagabadii daahir awaysow waxaa aakhiro iyo aduunba ku horyaal waxaad kasbatay waxana tahay maquuste taa waxaa cadaynaya waraysigii u danbeeya ee aad siisay bbcda baa waxaa ku tilmaantay shacabkii soomaaliyeed ee fikirkaaga guracan ku waxyeeloobay amba ku nafwaayay inaad tiraahdo wixii dhintay iyo wixii dhaawacmay bal ila eega ninkaa way nee 80 jirka ah oo sheeganaya inuu masuuliyad u qaado shacabka oo soomaaliyeed oo ku tilmaamaya kuwii uu xukumi lahaa.

Afsoomaaligu iyo barbaarintaba waa wax lagu soo koriyo qof inta uu korayo waxay taa cadaynaysaa inuusan daahir aways marnaba baarin helin, xilligii uu korayay, midda kale aanu runta isu sheegnee soomaaliya yay ka dagi la’dahay waa beesha caydh oo ay horkacayaan shaqsiyaadkaa aanu kor ku soo sheegay miyay guulaysanayaa waa maya waxaana u danbayn doonta in uu shacabka soomaaliyeed iska qabto waxaana hadda la gaaray xiliigii la iska qaban lahaa iyagoo aan haddaba awoodoodii la wiiqay oo gabogabo ah waxaana taa kuu cadaynaya soomaaliyaa meel walba oo ka tagto waa nabad ilaa muqadishu iyo hareeraheeda ma ahanee marka waa iyaga waxa dhibka ka wada iyo cuqubadii ay hore u gaysteen baa sabaysa dhibka hadda jooga iyaga ayaana ku dhamaanaya ee ha la sugo .


Mohamed Hussein OsmanMxuseen840@hotmail.com





Banaadir Post




Monday, April 27, 2009

Shiikh Xasan Daahir iyo Yuusuf Indha Cadde oo Kulan Xasaasi ah Galabta ku qaatay Magaalada Muqdisho (Warbixin).


RBC (Muqdisho)waxaa sii xoogaystay Khilaafaadkii u dhexeeyay Garabyada Kooxda Xisbul Islaam oo mar ahayd Koox Awood badan siweyna u mucaaradsan Dowladda Federaalka Somalia.

Kadib markii uu Magaalada Muqdisho soo gaaray Hoggaamiyaha Kooxda Islaamiga Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa Cirka iskusii shareeray Khilaafaadkii u dhexeeyay Xisbul Islaam.
Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo siweyn u Mucaaradsanaa Dr. Cumar Iimaan ayaa la sheegay in uusoo dabcay islamarkaana hadda uu diyaar uyahay in uu dib ula midoobo Kooxda Xisbul Islaam.

Warar Hoose oo ay RBC heshay ayaa sheegaya in Kulamo Muhiim ah ay qaateen Indha Cadde iyo Xasan Daahir Aweys oo ku aadan sidii loo dhamayn lahaa Khilaafaadka udhexeeyay Ururka Xisbul Islaam.

Odayaal iyo Siyaasiyiin katirsan Beesha Ceyr ayaa Yuusuf Indha Cadde kula talinaya in uu ka baaqsado lasafashada Shiikh Aweys islamarkaana uu ku dheganaado Mowqifkiisii ahaa “Naxnu Macal Culamaa” oo macanaheedu yahay ” Culimada ayaan lajirnaa”.
Yuusuf Indha Cadde ayaa la sheegay in uu isku dayay Carqaladaynta Imaashiyaha Shiikh Aweys maadaama uusan Imaatinkiisa kusoo wargelin.

Shiikh Xasan Daahir ayaa la sheegay in Galabta uu ku guulaystay in Yuusuf Indha Cadde uu kusoo biiriyo Xisbigiisa islamarkaana Indha Cadde lasiiyo Jaga Muhiim ah.
Warkan oo ah mid aan kasoo xiganay Saraakiil katisan Kooxda Xasan Daahir ayaa intaas ku daraya in ay kulamadu sii soca doonaan.

Xogtan aan warka ka helnay waxay intaa raacinaysaa in Maalimada Khamiista uu Magaalada Muqdisho ka dhici doono shir Saxaafaddu ay goob joog ka tahay oo lagu Midaynayo Xisbul Islaam Garabyada ay kala Hoggaamiyaan Indha Cadde iyo Dr Cumar Iimaan.

si kastaba ha ahaatee haddii arrinkan rumoobo waxaa cadaanaysa in Yuusuf Indha Cadde iyo Kooxdiisu ay yihiin kuwa is bed-bedel badan oo raaca hadba meeshii ay dantooda ka arkaan.

RBC Muqdisho Somalia



Faarax Axmad Caato
Tafatiraha RBC Radio

Odayaasha Baydhabo oo beeniyey war ka soo yeeray Odayaasha labaxay Midnimada Beelaha Hawiye.

Kulamo ay maalmihii ugu dambeeyey magaalada Baydhabo ku yeesheen odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi lana baxay Odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle ayaa beeniyey war kasoo yeeray dawladda Soomaaliya iyo Odayaasha la baxay Midnimada Beelaha Hawiye.

Kulamadan ayaa diirada lugu saaray warkii ahaa in dhalinyaro udhalatay gobalada Baay iyo Bakool ay doonayaan in ay falal amaan daro kafuliyaan magaalada Muqdisho, islamarkaasna ay laayaan dadka Siyaasiinta ah ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Odayaasha Baydhabo ayaa ku sheegay warkaasi mid aysan waxba ka jirin,wuxuuna ugu baaqay dawladda Soomaaliya & cidii uu ka soo yeeray warkaas in ay-raali galin deg deg ah kabixiyaan warka ka soo yeeray.


" Hadii aan raali galin laga bixin warkaas, waxaan u aragnaa mid looga soo horjeedo Midnimada iyo sharafta dadkeena, waayo dadkeenu mahan dad aan diinta Islaamka aqoon, cidii isku dayda in ay been ka sheegtana waxaan uaragnaa in ay dan gaar ah naga leeyihiin"

Ayuu yiri hadal hayeen u hadlay Odayaashan.Talaabada jawaabta ah ee ka timid Odayaashan waxa ay noqotay mid aysan fileyn dawladda Soomaaliya iyo Odayaasha labaxay Odayaasha dhaqanka ee Beesha Hawiye, waxaana ladhowrayaa Jawaab celinta ka timaada garabyada Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Xasan Xaad.


Banaadir Post

Somalia.

Sunday, April 26, 2009

La Melody, Msc Crociere, riesce a sventare l'assalto


ROMA - Molta paura, attimi di panico tra i passeggeri, ma per fortuna tutto è andato bene.


La nave Melody della compagnia Italiana Msc Crociere - con a bordo 991 passeggeri e 536 membri dell'equipaggio, tra i quali 134 italiani - è sfuggita ieri all'attacco di pirati mentre si trovava ad un giorno di navigazione a nord delle Seychelles, davanti alle coste somale. L'assalto è avvenuto in serata: alle 21:35 ora italiana, ha raccontato il comandante Ciro Pinto, la Melody è stata attaccata da un gommone Zodiac con sei uomini armati a bordo, che hanno aperto il fuoco con fucili kalashnikov colpendo la parte sinistra dell'opera morta della nave (la parte di scafo al di sopra del piano di galleggiamento).


Nessuno a bordo è rimasto ferito. La sicurezza armata a bordo è intervenuta rispondendo al fuoco degli assalitori - che hanno sparato raffiche intimidatorie in aria e hanno poi colpito la fiancata della nave - ma a far fallire l'assalto, spiegano dalla Msc Crociere, sono state le manovre diversive attuate dal comandante. La nave è stata fatta rollare per scoraggiare il tentativo di salire a bordo, e sono stati usati idranti contro gli assalitori. La Melody ha poi proseguito la navigazione a luci spente fino al momento in cui sul ponte di comando si è avuta la certezza di aver seminato gli aggressori. Tanta la paura a bordo: "Non potrò mai dimenticare quello che è accaduto stasera: sembrava di stare in guerra", ha commentato a caldo il comandante Pinto. Ed ha aggiunto che i sei pirati, che si trovavano a bordo di un gommone, avevano certamente l'appoggio di una nave che si trovava in zona, visto che l'attacco è avvenuto in pieno oceano.



Immediatamente è stato allertato il comando interforze presente nell'area e una nave militare si è diretta verso la Melody. La nave naviga ora in acque relativamente sicure e i passeggeri sono tutti nelle loro cabine sani e salvi. Tra poche ore, la nave italiana verrà raggiunta da altre che si trovano nell'area nell'ambito dell'azione di pattugliamento avviata dalla comunità internazionale, e si prevede che prosegua il viaggio verso la sua destinazione in convoglio. Al momento dell'attacco la Melody si trovava a 180 miglia a nord di Port Victoria, capitale dell'arcipelago delle Seychelles. Sta effettuando una crociera cosiddetta di 'trasferimento' che la riporterà dal Sudafrica in Italia il 7 maggio prossimo, con tappa nel porto di Napoli e sbarco a Genova il giorno seguente. Era partita il 17 aprile scorso da Durban; la scorsa notte aveva attraccato per una notte alle Seychelles. Ora è in navigazione verso Aqaba e raggiungerà il porto della Giordania il 2 maggio. Dei 134 italiani a bordo 39 sono passeggeri e 95 fanno parte dell'equipaggio. Per fortuna nessun incidente si è registrato a bordo. La nave ha riportato solo lievi danni: qualche vetro rotto e una lancia da salvataggio colpita. Niente di grave neppure per i passeggeri, solo l'inevitabile panico al momento dell'attacco. La Melody ha 35,143 tonnellate di stazza, è lunga 204,7 metri e larga 30,15, e può viaggiare fino a 19 nodi di velocità.


Può ospitare fino a 1492 passeggeri in 532 cabine e 530 uomini d'equipaggio. Viene utilizzata principalmente per crociere classiche, sia nel Mediterraneo che sulle rotte oceaniche. E' dotata di sei bar, due ristoranti, due piscine e vari servizi. Alcune cabine sono attrezzate anche per i disabili. E' equipaggiata con pinne stabilizzatrici, e grazie anche alla sua grande stazza è molto stabile in mare.


(26 aprile 2009)

Mohamed Bupal

LAX DHUKANI ABAAR MOOG

Walaalayaal Soomaaliyeed waa idin salaamay; ayaamahan war ayaa igu jiray aan ka meermeeraysanaayay runtiina aan garan la’aay saan u abbaro.Had iyo jeer waxaan jeclahay in qormooyinkayga ay noqdaan kuwo wax dhisa oo aysan noqon kuwa dad dhiba oo nafta dadka kallifa, ma jecli in ayNoqdaan kuwo ku salaysan qabiil maxaayeelay in soomaalinmo wax iigaHorreeya oona ig dambeeya in aysan jirin ayaa laygu soo barbaariyay waaNa Ilaah mahaddiis.

Ishii wax xun aragtooy waxna aan ka qaban iska dhac ayaa la yiri, sidoo kale dhegtii wax xun maqashooy iska dhac. Waxaan Akhristayaashayda qaali ah u sheegayaa in qormadaydani aanna duullaan cidna ku ahayn waliba waxaan ku han waynahay in Ummadda badanaa igu Ayidi doonto.

Haddaba waxaan ka xanaaqay oo aan u arkay dulmi la dulmiNayo Haweenka qurbajoogta ah oo laga fidinaayo had iyo jeer dacaayado raQiis ah misana wixii war inta soo dhaafay suugaan la gelinayo oo lagu heesaYo caydooda iyo in laga sheego wax aan bannaanayn.

Ummadda Ilaahay waa badan tahay dadka kulligiisna ma wada fiicna oo duudka lama wada saran karo laakin anigoo u hadlaaya Ilaahay dartiis waxaan idin ogeysiinaYaa in dumarka soomaaliyeed ay yihiin dajireyaal; ha joogaan gudaha iyoDibedda ha halyeeyayaal u maqan dalkooda iyo dadkooda.

Haddii aan ka hadlo kuwa gudaha Dalka jooga waxay u heellan yihiin in ay daryeelaan Ubadkii oo u raadiyaan quud maalmeedkii, waxay kallahaan subaxdii miWalbana waxaay soo hoyataa ayadoo soo dhicisay nolol maalmeedkii Qoyskeeda.

Waa la ogyahay raggii waxay noqdeen badankooda kuwa Mihnad lahayn oo xitaa haddii wax ay qaban lahayeen aan haysan wax uQalma ay qabtaan ama waaba ka xishoonayaan shaqooyinka qaarkood.

Raggii waxay ku hawlan yihiin dagaal waa kuwa uu dalkaka dagi waayay Oo qasbay kumanaan qoys in aay qaxooti door bidaan oo la soo cararayCaruurtii..

Maanta ayaan webkka ka dhegeysanaayay gabdho soomaaliyeed oo u tagay kuna barortay raggii isku sheegayay islamiyiinta oo dagaal isku hor fadhya oo ay baryaayaan ayagoo illinta ka dureerta, waxaan maqlaayay" Walaalayaaloow dagaalka naga daaya, walaalayaaloow ha na dilina, walayaaloow ha is dilina walaalayaaloow isu naha isu naxariista, nin doorka ha iska dilina!" iyo wax la mid ah.

Caloosha ayaa I gaddoontay asaan anigooGurigeyga jooga la ooyay.

Gabhaha waxay Ilaah ka soke magan san yihiin Ragga waxaana waajib ah in la dhawro la sharfo la dilin la qaxin waa weHel waa warshadda aadmiga waa naxariis Ilaahay ragga ugu deeqay; waxaaWaajib ku ah raggaasi dagaallamaaya oo is diiddan oo burburiyay dalkii Maalin kastana geedkoodi ku xiran waa in ay maqlaan gabdhaha walaalahood ah oo ku barooranaya korkoodana layku dilaayay sanooyin fara badan.

Gabadha maanta soomaaliya joogta waxay mudan tahay inLa maqlo laga qaato nabadda ay sidaan waa in loo oggolaadaa in ay guriGeeda nabad ku hesho, waa in ay ilmaheeda ugu adeegan karto nabad; waxaa dilay naxdin qalbiga waa madow yahay ee inta Ilaah laga cabsadoRagoow nabadda qaado.

Haddaan u soo daadago nuxurka maqaalkayga oo ah " LAX DHUKANI ABAAR MOOG", waxa ay ku saabsan tahay dacaayadda raqiiska ah oo Kuwo ( al xamdulillaah aan badnayn ) faafinayaan oo ku saabsan HaweenKa qurbajoogta ah.

Waxaana iiga sii daran nin hees ku baxshay iyo koo Ku heesayay. Wuxuu yiri " ILMAHAAD DHASHAY AABBAHOOD AHEE ASKAR HA IIGU WICIN.!, ma ku sii soconnayo intaas ayaabaDhegtii maqasho ay dhib ku qabtaa. Warka waa iska cad yahay waa gabarJoogta qurbaha oo ninkeedii ugu wacday askar.

Nin iyo haweentiisa waa Labo qof oo is qaba oo is doortay oggolaaday in ay nolol wadaagaan ayatiinNa wada dhistaan.

Waa dhacdaa in naag ay u yeerto askar markii la gaaroQaabo quuseeyni oo fandhaal iyo xeero kala dhacaan.

Waxaa la joogaa waddan sharci ka jira haddii askar la wacana ayadoo laga roon yahay askarta Waa sharci maadaama meeshaasi joogin ehel ama waalid ama odayaalLabada qof maslaxeeya.

Waxaan maalin kasto jaraa’idka dadis qaba oo naftaIs ka jaray, Runtii arrimahan heesta laga bixiyay waa wax aad ugu yar bulShadeenna waxaana ka xumahay in hesta ah askar ha iigu wicin ay noqotay Mid loo nisbeeyo guud ahaan haweenka qurbo joogta ah.

Waxaan hore idinkaga warramay kaalinka gabadha soomaaliyeed ee DalkaGudihiisa ku nool haddaba aan wax idinkaga sheego gabadha Soomaaliyeed Ee ku nool Yurub, Canada, America iyo Australia.

Waa muddo cagacageynayso labaatameeyo sano ku dhowaad markii dawladdii dhexe burburtay dalkiina uu noqday mid nolol iyo naxariis laga waayay oo dagaalSokeeye megan u noqday.

Arrinkaasi waxay kallifeen in kumanaan qoys ay Qaxooti ku yihiin dalalka aan soo sheegay.

Waxaa lagala kulmay dalakanNolol adag, cimilo adag iyo dadkii oo ay ku adkaatay in ay la qabsadaan.

Gabadha Soomaaliyeed oo caruur wadatay ama inta ku dhashay waxay u guntatay in ay nolol raadiso oo u shaqayso caruurteeda, subaxdii hore aroorTii toosto caruurta diyaariso skoolkii geyso, aaddo meeshii ay ka heli lahaydMasaariifta ilmaheeda, haddana galabnimadii skuulka ka keento dabbartoReerka, ku cadaadiso in ay ka shaqeeyaan hawshii loo soo diray ee skuulkaMisana wakhtiyada fasaxa geyso dugsiyada kuraanka laga barto.

QurbahaWaxaa la maqlay wax shab la yiraahdo ama ceyr siday qof walibo u yaqaan Waxaa loo haystaa in Dawladda loo marti yahay ay lacag kugu dhoobayso. Saas maaha! Dawladda hal sano ayeey ku masruufaysaa inta aad Dalka laQabsanayso Skuul ayeey lacag la’aan kuugu yaboohaysaa in aan luqadda Dalkasii ka barato kaddibna waa ska celi magaalada.

Waxaa xusid mudan dalkan aan joogto ragga wax mihnad ah oo ay hayaan ma jirto kii looyar ahaa, kii dhakhtar ahaa , injineer macallin waaxay ka badin waayeen in ayNoqdaan taxileey oo shahaado aan Canada laga qaadan waa qashin oo kale.

Haddaba nolosha qoyska waxaa badanaa ay ku dhisan tahay haweenka oo garab cara raggooda si ay ugu helaan nolol ilmahooda waxaase run ahaantii nolosha, barbaarinta iyo dhaqaalaynta qoyska kaalin mug ah ka qaadata hooyada. Marwada iyo saygeeda waa ul iyo diirkeed isku ujeeddo iyo isku mabda’a ah walibo aabbaha inta badan waa ka maqan yahay guriga sidaas ayeey hooyada uga digtoon tahay in wiilkeeda iyo gabadheeda ka ilaaliso dhaqanxumada jirta .

Gabadha Soomaaliyeed ee qurbo joogta ah waa daljire run ah oo halgan ugu jirto in berrito haddii waddankii loo noqdo ay ula noqoto kaalin la og yahay maxaayeelay waxay ula noqonaysaa dhalin wax baratay oo dhinac walbo aqoon ka xaqab tiri karto Dalkii hooyo misana lagu soo barbaarshay ayaqoo joogo arli gaalo caqiidada Diinteenna Sharafta Badan, misana waxaa u dheer in ayna hilmaamin dadkeedii ku haraydalkii waalid iyo ehel waana marag ma doonto gabadha qurbojoogtada ahi in ay kaligeey rootiga ay cunin oo qayb ugu dirto dadkii joogay dalkii oo wax haysan.

Haddaba ninka baxshay ASKAR HA IIGU WICI, HA I BURININ !Waa dulmiloow ka been sheegay Haweenka. Waa Kan halganka nolosha aan Qaybtiisa ka qaadanayn, kaan shaqaysanay , kan jaad toban beri jid ku soo jiray boqol oollar in uu soo gato rabo oo u dagaallamaamayo waaye Kan askariga loo wacayo oo leh " ASKAR HA IIGU WICIN".

Nin wanaagSan oo Ilaahay kuu calfay oo baarri ah oo danta kula sidee askari loogu wici wuxuu mudan yahay duco iyo ammaan.

Dalkii dhib ayaa ka jira ,Xaaladda meel xun ayeey maraysaa ma garayo in uu is waydiiyo maxaad Qabataa maxaa tartaa, dib u noqo ee dalkii walbo wax ka tar waaba " LAXDHUKAN ABAAR MOOG" cindigiisa ma dhaafsiisna afartaas erey.

Mar labaad cid ay toos u khusayso ma leh qormadan waa qaddiyad guud oo naga wada dhaxayso Ummaddana ugu sheegayo xaqiiqada SuugaanleydanaUgu digayo in ereyo xun oo dhega dhibaayo soo bandhigin.

WA BILLAAHI TOW

Waxaa qortay

Faduma Axmed Maxamuud Cadde( Qoorwayne)..

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Wasarada cadaalada ee DF Somalia oo sheegtay inaaney aqbali doonin maxkamad beeleedyo islaami ah oo dib looga furo magalada Muqdisho


Wasiirka cadaalada iyo dastuurka ee xukuumada federaalka Somalia Sheekh C/raxmaan Maxuud Faarax Jinaqow ayaa sheegay inaaney aqbali doonin in degmooyinka magaalada Muqdisho dib looga furo maxkamado islaami ah oo hoos taga beelaha Soomaalida gaar ahaan kuwa dega magaalada.
“Xukuumada gaar ahaan wasaarada cadaalada waxay qorsheyenysaa iyadoo la kaashaneysa heyadda culimada Somaliyed iney guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo ay ku jirto magaalada Muqdisho ay ka furo maxkamado islaami ah oo ku dhisan qaab dowladeed iyo nidaam Islaami ah oo cadaalad kui dhisan, mana aqbali doonto haddi beelo hoos taga oo hadda ka dib la abuuro” ayuu yiri Jinaqow oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho.

Hadalka wasiirka cadaalada ee DF Somalia ayaa ku soo beegmay xili maalintii shalay ay xildhibaaani iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xaaji Saleebaan oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ay shaaciyeen iney xusul duub ugu jiraan dib u howlgelinta maxkamadii Islaamiga aheyd ee Shiirkole iyagoo uygu baaqay DF iney aritaasi gacan ku siiso, waxaana maxkamadaasi ay ka mid aheyd kuwii beelaha ee sanado ka hor ka jiray magaalada Muqdisho.

Salaad Cali Jeelle "Xasan Dahir waxaa leenahay ha joojiyo kicinta shacabka iyo aayadaha dagaalka ka hadlaya"


Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay Hogaamiyaha ugu weyn ee Mucaaradka Islaamiyiinta Sheekh Xasan Dahir inuu joojiyo kicinta shacabka iyo waxa uu ugu yeeray aayadaha dagaalka ka hadlaya.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in khudbadii Sheekh Xasan Dahir uu ka jeediyay fagaaraha Wardhiigley ay tahay mid lid ku ah jiritaanka Dowladda, isagoona dhan kale ugu baaqay wadaadka inuu Nabada ka shaqeeyo.
"Xasan Dahir waxaa leenahay ha joojiyo kicinta shacabka iyo aayadaha dagaalka ka hadlaya, ha qaato aayadaha nabada ka hadleysa"ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo mar ahaan jiray Wasiir Kuxigeenkii Gaashaandhiga ee Xukuumadihii Geeddi iyo Nuur Cadde.
Xildhibaanada Baarlamaanka qaar ayaa si taxadar leh uga hadlaya dib u soo laabashada Sheekh Xasan Dahir ee dalka Soomaaliya, iyadoona dad badan ay aaminsan yihiin in Xasan Dahir uu wax kula soo noqday dalka, maadaama uu hada yahay Mucaaradka ugu weyn ee ka soo horjeeda Dowladda Sheekh Shariif.
Labo maalin kadib markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, isla markaana qudbad uu jimcihii taageerayaashiisa u jeediyay ayaa wadaadka ku baaqay inay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM, waxaana dagaalo lagu soo beegay hadalkiisa ay shalay gil gileen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Salaad Jeele ayaa ka dige dagaal qabiil in laga shaqeeyo ama dib loo abaabulo,waana arin maanta loo baahnayn dib loo celiyo ama loogu noqdowixii la soo marey.
Banaadir Post

Saturday, April 25, 2009

Dhaqdhaqaqyo Milatari ayay markii ugu horeysay Muqdisho ka bilaanbeen ururka Ahsuna Waljameeca oo ka mid ah urur diimedyada hubeysan ee Somaliya.


Afhayeenka ururka Ahlsuna Waljameeca Sheekh C/laahi C/raxmaan ayaa sheegay in ay ku mashquulsanyihiin in ay saldhigyo Ciidan ka dagaan Magaalada Muqdisho si ay afkaartooda u faafiyaan cida ka hortimaadana ay ulala diriraan.


Waxa uu sheegay in hada ay heystaan Gobolka Galguduud ayna dareemayaan in taagerayaaashoda Muqdisho u baahanyihiin in ay heleen cudud milatari oo ay ku gorgortamaan iskagana difaacaan cid walbaa oo u hawoota.

“Waxaad ogtahay in culima badan nalaga dhibay oo naloo diiday in aan dhigano mowliidki nabiga qabuuro badan nalaga dumiyey oo ay mashaa’ikh badan ku aasneyd , waxaas oo dhan waxey nagu qasbaayan in aan hub fara badan sii sameysana oo aan afkaartena baahino “ Ayu yiri Sheekh C/laahi Abu qaad.
Uruka Ahlusana Waljameeca ayaa hadii ay dhacdo in ay saldhigyo cusub Caasimada ka sameynayaan waxaa ay noqon doonto xaalada Caasimada oo ka sii darta maadama xoogag cusub ay yimaaden .
Sida la wada ogyahay waa dhib soo siyaadey kuwan diimaha sheegta iney yihiin dhib ka jira dalka Somalia, waxaana la wada ogyahay in dagaal lama huraan yahay.
Banaadir Post
Xamar Cade.

Weerar loo adeegsaday hoobiyaal oo sababay dhimashada dad badan oo rayida.


ku dhawaad 10 qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska, ayaa ku dhintay in ka badan 14 ruux oo rayid u badana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii tiro Madaafiic Hoobiyaal ah lagu weeraray maanta xarunta gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay kulan ku lahaayeen xubnaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaafiicdan oo qaar kood ku dhacay banaanka xarunta gaadiidka Booliska oo xiligaasi uu ka socday kulanka Baarlamaanka, ayaan la sheegin wax khasaare ah oo gaaray xubnaha Baarlamaanka, hase ahaatee waxaa halkaasi ku dhintay hal askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo Booliska ka tirsan sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Booliska.

Madaafiicda ku dhacday agagaarka xarunta gaadiidka ayaa sababtay sidoo kale dhimashada inta la ogyahay 7 ruux oo rayid ah iyadoo dhaawacyada aan la xaqiijin,laakin qaar ka mid ah wariyaasha Idaacadda HornAfrik oo xiligaasi jooggay xarunta gaadiidka Booliska iyo Goobjoogayaal kusugan deegaanada ku xeeran xarunta gaadiidka ayaa sheegay in ay arkeen dhaawacyada dad rayid ah oo kor u dhaafaya 15 ruux oo ay ka mid yihiin haween iyo carruur,waxaana taasi ay sare u qaadeysa khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi oo u muuqday kuwa lagu bartilmaameedsanayay xarunta gaadiidka Booliska oo hada Baarlamaanka dowladda KMG ah fadhi u ah.

Dadka dhintay waxay u badan yihiin haween iyo carruur madaafiicdu kula dhacday guryahooda,waxaana tirada madaafiicda ku soo dhacday xaafadahaasi lagu sheegay 8 Madfac, waxaana degmooyinka inta badan Madaafiicdani ku dhacday ka mid ah, degmada C/casiis iyo Shibis.
Fadhiga Baarlamaanka maanta waxaa ka qaybgalay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmaarke waxaana looga hadlayay dhameystirka Miisaaniyada dowladda oo maanta Baarlamaanku isku raacay.

Hadaba ma jirto koox sheegatay illaa hada in ay ka dambeysay madaafiicdaasi waxyeelada u gaystay dadka shacabka iyo qaar ka mid ah Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliska inkastoo ay jiraan kooxo ka soo horjeeda dowladda KMG ah.
Banaadir Post
Xamar Cade.
banadirpost@gmail.com

Fanaanad kamid aheyd Hoboladii Waaberi oo Hargeisa ku geeriyootay.

Haboon C/laahi Faarax oo ah fanaanad weyn oo ka tirsaneyd hobaladii Waabari ee Qaranka Somalia ayaa ku geriyootay guri ay ka daganayd magaalada Hargeysa. Geerida fanaanada ayaa ahaa mid kadis ah laakin waxaa ay eheladeeda Saxaafada sheegen in ay waayadan xanuusaneysay oo ay ahayd bukaan socod, waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa.



Geerida Marxuumad Haboon Cabdilaahi waxaa Saxaafada ugu warbixiyay Abwaan Saciid Xarawo oo ay soo wada shaqeyeen fanaanada waxuuna sheegay in fanka Somalia ay ka baxday fanaanad weyn oo ay dabeyli ka soo gali doonto fanka meeshi ay baneysay, waxaana uu sheegay in fanaanada si weyn loogu xasuusto hees ay u qaaday calankii Djibouti markii xurnimada ay ka qaadatay gumeystihii faransiiska 1977.
Waxaa kaloo Xarawo uu sheegay in lagu xasuusto ka qeyb-galkeedi shirkii Carte lagu qabtay 2000 oo ay qeyb weyn ku lahayd riwaayadii can baxday ee “Daraja iyo xil yaa mudan”


“Waxaan alle ugu baryayaa inuu Janadiisa ka waraabiyo, iyadoo nasiib leh oo dhulkii hooyo ku geeriyootay, waxaaana rumeysanahay inaan la buuxin kareyn xilkii ay baneysay” ayuu yiri Abwaan Xarawo oo ka muuqaneysay murugo.
Intii aysan geeriyoon Marxuumada oo Saxaafada kula hadashay Hargeisa ayaa sheegtay inay fanka ku soo biirtay bishii Luulyo 1963-kii, waxaana ka mid ahaa heesa ay qaadi jirtay ee lagu xasuusta Heesaha wadaniga ah iyo kuwa jacaylka ah oo ay ku cod macaaneyd. Inkasta oo aanay lahayn Heeso badan.


Heesta aadka loogu yaqaanay ee ay qaaday wakhtigii ay fanka ku soo biirtay Marxumad Haboon C/laahi oo uu miraheeda sameeyey Alle ha u naxariistee Cismaan Askari ayaa ahayd “Shicibyahow Wanaagsani Walaalayaaloow”.


Alle ha u naxariistee Marxuumadu waxay dhashay laba wiil waxaanay dhinteen iyada oo nool, wakhtigaan wax caruur ah may haysan, waxeyna bukaan jiif ku ahayd magaalada Hargeysa oo ay ku nooleyd iyada oo da'a ahayd.Si kastaba ha ahaatee, Fanaanada Haboon C/laahi ayaa geerideeda waxaa ay imaneysa iyadoo sanadkan ay geeriyoden fanaanin caan ahaa oo Somaliyed kuwaasoo aan laheyn cid buuxin kareysa boosaskii ay baneeyeen.


Banaadir Post.
Xamar Somalia.

Shiikh Xasan Daahir maka soo guuray Asmara mise waa ku laabanayaa? lana hadlay dadka taageeraa







Waxaa saaka ka soo degay Garoonka Diyaaradaha No. 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose Shiikh Daahir Aweys iyo wafdi uu horkacayay oo diyaarad khaas ah oo uu ka soo raacay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.




Haddaba waxaa la is-weydiin karaa Shiikh Xasan Daahir maka soo wada guuray magaalada
Asmara ee Dalka Eritrea mise waa uu ku noqonayaa? Su’aashaas waxaa ka jawaabay Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Shiikh Xasan Daahir, wuxuuna sheegay in Shiikh Xasan Daahir uu dalka Soomaaliya u soo guuray.

“Alle ayaa mahad leh Shiikh Xasan iyo wafdiga la socday waxay u soo guureen Soomaaliya, laakin waxaa magaalada Asmara ka furnaan doona Xafiis Safaarad oo kale ah oo uu leeyahay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo u warramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo wax laga weydiiyay waxa uu haatan qabanayo Shiikh Xasan Daahir ayaa wuxuu sheegay in Shiikha waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu qabanayo ay ka mid yihiin Dib u heshiisiinta Xoogagga Muqaawamada ee dhawaan xiisadda soo kala dhexgashay iyo weliba sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya.

Mar sidoo kale wax laga weydiiyay in ay la hadlayaan Dowladda Soomaaliya, waxaa uu sheegay Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow in aysan jirin dowlad ay aqoonsan yihiin oo Soomaaliya ka jirta, wuxuuna farta ku fiiqay in Shiikh Xasan uu kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.


Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu saaka dib ugu soo noqday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ugu dambeysay muddo labo sano ah, iyadoo mudadaas dheerna uu ku sugnaa Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.


Shiikh Xasan Daahir Aweys oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya kadib labo sanadood oo uu dibadda uga maqnaa ayaa wuxuu maanta meel fagaare ah kala hadlay boqolaal ruux oo ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

Shiikh Xasan Daahir oo dad isugu jiray taageerayaashiisa iyo dadweyne kale kula hadlay barxadda Saldhigga Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay joogitaanka Ciidamada Amisom, go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, Dilalka Muqdisho ka soo cusboonaaday iyo weliba xiisadda colaadeed ee soo kala dhexgashay Xoogagga Muqaawamada ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Shiikh Xasan Daahir ugu horeyn waxaa uu ka hadlay Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna sheegay in ay ciidamadaas caqabad ku yihiin dhaqdhaqaaqa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay Ciidamadaas bakteeriya ku dhex jirta dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan leenahay Ciidamadaas ha nagu kalifina in ay dhibaato naga dhex dhacdo ee dalalkiina ku noqda”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin kuwo dadka nabadda ka ilaalinaya oo aan nabad ilaaliyayaal ahayn.

Shiikh Xasan Daahir oo markii uu hadlayay farxad laga dareemayay ayaa wuxuu ka hadlay go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in dalka Soomaaliya lagu xukumo shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay in tallaabadaas ay tahay mid fiican, laakin wuxuu haddana shaki ka muujiyay nooca shareecada uu Baarlamaanka isku raacay.

“Waxaan maqleynay in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumaddaas uu sheegay in Shareecada Islaamka ee ay qaateen ay tahay mid aan fulineynin xukunnada gacan-goynta iyo dhagax-ku-dilidda qofkii zineysta isagoo guur soo maray”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Ku dhaqanka Shareecada Islaamka ay keeneen xoogagga mujaahidiinta ah ee dagaalka la galay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Soomaaliya isaga baxay."Shareecada Islaam oo Itoobiya saxiix looga doonay, Mareykankana uu taageeray Billaahi Caleykum idinkaan idin weydiiyee Shareecadii Alle miyaa?"ayuu weydiiyay Shiikh Xasan Daahir Aweys dadkii uu la hadlayay, isagoo markii uu sidaas lahaana dhoola-caddeynayay.


Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu ka hadlay dilal dhawaanahan ka dhacayay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dilalkaas gacanta ugu weyn ay leeyihiin dad cadaw ku ah Soomaaliya, “Waa dhici kartaa in uu dad walaal ah iyo dad qaloocan uu adeegsado, laakin gacanta ugu weyn ee dilalka waxaa ka dambeeya cadawga Umadda Soomaaliyeed oo doonaya in uu dadka waxgalka ah ka dilo”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka dhex oogan Xoogagga Muqaawamada, “Waan ka xunnahay in ay kala qeybsameen Xoogaggii Muqaawamada ee soo wada halgamay, waxaanse rajeyneynaa in xiisaddaas ay dhamaan doonto, waxyaabaha aan u nimid ayayna ku jirtaa in aan heshiisiinno Xoogagga Muqaawamada”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo rajeeyay in wax walba ay wanaag ku dhamaan doonaan.

Ugu dambeyntiina, Munaasabadda uu Shiikh Xasan Daahir kula hadlay qaar ka mid ah Dadka Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Xisbul Islaam garabka uu hoggaamiyo Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, waxaana cinwaan looga dhigay munaasabaddaas “Soo dhaweynta Shiikh Xasan Daahir ee Magaalada Muqdisho”.

Monday, April 20, 2009

Muuse Caraale "Dagaalka B/weyn waxaa ka dambeeyay Cumar Xaashi oo xilligan dagaal ku baaqaya"

Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo ah Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyo Dr. Cumar Iimaan ayaa ka hadlay dagaalka ka socda Magaalada B/weyn, kaasoo u dhaxeeya ururkooda iyo Maxkamadaha Islaamka ee raacsan Dowladda Soomaaliya.
Muuse Caraale ayaa ku eedeeyay inuu dagaalka ka mas'uul yahay, isla markaana uu ka dambeeyay Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi, sida uu hadalka u dhigay.
"Mas'uuliyada dagaalka B/weyn waxaa is ka leh ninka 70-jirka ah ee Cumar Xaashi la yiraahdo oo xilligan dagaal ku baaqaya"ayuu yiri Muuse Caraale oo intaa ku daray in aan dhankooda dagaalka mas'uul ka aheyn oo weerarka uu ahaa mid lagu soo qaaday sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in Cumar Xaashi uu maalmihii u dambeeyay uu waday isku dayo uu dambi ugu yeelayo Mujaahidiinta iyo inuu guluf colaadeed ku jiray, kaasoo ah buu yiri inuu dagaal ka dhex qarxo Mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalka u dhaxeeya Maxkamadaha islaamka iyo Xoogaga Xisbul Islaam ayaan la ogeyn sababta ka dambeysa, hase yeeshee maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa taagnaa muran ku taagan howlo canshuur uruurin ah oo ay Maxkamaduhu ka bilaabeen Magaalada B/weyn.

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com


Qarax lala beegsaday caawa Axmed Diiriye


Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa qarax miino iyo rasaas culus lagula eegtay albaabka hore ee guri uu daganaa afhayeenka Odayaasha Hawiye Axmed Diiriye Cali, kaasoo uu si dirqi ah kaga bad-baaday afhayeenka.

Axmed Diiriye ayaa miinadan loo galiyay meel aan ka fogeyn albaabka gurigiisa, waxaana uu qaraxu dhacay xilli uu ku yimid guriga gaari uu watay oo ilaalo la socotay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta la isku weydaarsaday rasaas, taasoo u dhexeysay ilaalada Axmed Diiriye iyo kooxihii miinada u dhigay afhayeenka oo gidaaro ku dhakanaa cabsi weyna ku habsatay.
Axmed Diiriye ayaa caawa mar uu wareysi dhiibay kadib dhacdadan ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ey dhalinyaro usoo dirtay isaga iyo lix nin oo kale oo ka tirsan golohiisa iyo golaha Abwaanada oo uu ku jiro Abshir Bacadle, wuxuuna intaa ku daray in ragga loosoo diray ey gaarayaan 16-nin oo inta badan ey yiniin dhalinyaro raxanweyn ah iyo qaar mareexaan ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Wali si rasmi ah uma cada qasaaraha gaaray afhayeenka iyo gaarigiisa, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka bad-baaday qaraxaasi lagu doonayay in lagu khaarajiyo.
Horay ayaa hanjabaadyo loogu jeediyay odayaashan, waxaana ey sheegeen in ey sii wadi doonaan dadaalada nabadda ee ey ku jiraan islamarkaana eysan u joojin doonin kooxaha u hanjabaya.
Mudo dheer ayay markii oo dhex jirey wax aan Somali weyn dan u ahayn, wuxuu ku lug lahaa dhibaatooyin badan oo Somalia ka dhacey 20-kii sano oo la soo dhaafey.
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com

Oday Xasan Daahir oo dib ugu laabtey tuulada Asmara iyo Waanwaantii Lagu Dhaxdhaxaadinayey isaga iyo Dowlada Federalka oo Faashil ku Dhamaatay


Oday Xasan Dahir ayaa bartamihii bishii hore wuxuu si qarsoodi ah uga ambabaxay magaalada Asmara isagoo Magaalada Khartuum intii uu ku sugnaa kulamo kula duwan la qaatey maamulayaasha dalkaasi Suudaan oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, waxaana ay ka wadahadleen sidii odaygu uu ugu biiri lahaa qorshaha dib u heshiisinta ee la wado iyo in uu ku laabto magaalada Muqdisho uuna taageero dawlada Somaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Hadaba nasiib daro Oday Xasan Daahir Aweys ayaa shuruudo adag hordhigay Dhexdhexaadiyayaashii Wakiilka ka ahaa Dowladaha Suudan & Liibiya, wuxuuna Odaygu ku adkeystay inuusan heshiis la geli doonin Sheekh Shariif & xubnaha uu soo dirsaday, inta ay dalka joogaan Ciidamada AMISOM iyo in marka hore liiska dadka ay ku raad joogaan Mareykanka & UN-ka laga saaro, sidoo kale wuxuu shaki geliyay iney Dowladani ay tahay mid sharci ah oo ka wakiil ah Shacbiga Soomaaliyed, isagoo ugu baaqay ergada iney kala diraan oo gogol cusub loo fidiyo dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay Soomaaliya si loo dhiso Dowlad loo dhan yahay oo cusub waa siduu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Dib u laabashada Oday Xasan Daahir Aweys uu ku tagey tuulada Asmara ee dalka Eritrea oo uu dhawaan ka soo baxsaday ayaa waxaa ka soo baxaya warar sheegaya in uu ku yimid wadahadal dhexmarey dowladaha Suudaan iyo Eritrea, inkastoo ay jiraan warar aan si buuxda loo hubin oo sheegaya in Eritrea ay cadaadis ku saartey dowlada Suudaan inay dib ugu soo celiso dalkeeda Oday Xasan Daahir.

Sikastaba ha ahaatee Arinkaan ayaa waxaa loo arkaa in ay ka danbeysay ka dib markii Madaxweyne Sheekh Shariif uu ku soo hingoobay shirkii Carabta ee ka dhacay dalka Qadar.

Odaygan ma ahan nin nasiib fiican, dhinac walba Sheekh Shariifna waa ogyahay, tan kale qabiilka iyo gooni socodka ayaa ku badan odeyga, ma ahan nin aad loo aamini karo.

Banaadir Post.



Thursday, April 9, 2009

FBI raids in Minn. aimed at Africa money transfers




MINNEAPOLIS – Federal agents searched three money-transfer businesses in Minneapolis on Wednesday, carrying away boxes of documents and copying computer hard drives for details of transactions between the U.S. and several African nations.
Agents searched Mustaqbal Express, also known as North American Money Transfer Inc.; Quran Express; and Aaran Financial.

FBI spokesman E.K. Wilson confirmed the searches but wouldn't elaborate on the reason.

A copy of a search warrant executed at Mustaqbal Express and obtained by The Associated Press said authorities were looking for documents, books, records, ledgers and other materials "relating to the transfer of money, currency or funds" to Somalia, Eritrea, Kenya, Sudan, Ethiopia, Djibouti and the United Arab Emirates. It also sought documents on ownership and management of the business and lists of clients. It covered materials from January 2007 to the present.

The warrant was filed in the federal Eastern District of Missouri on April 3.

Abdirahman Omar, the general manager of Mustaqbal Express, said about 15 agents spent more than four hours at his business. He said they took about 10 boxes of documents and copied computer hard drives.

Mustaqbal Express' Minneapolis office serves as a central collection point for money from other locations around the country, including Seattle, St. Louis and Denver and Columbus, Ohio, Omar said — from $1 million to $1.5 million per month. The office then ships it overseas, mostly to Somalia.

Omar said the service is especially important because it is one of the few ways Somalis can send money back home. He added that he was angered by the raid, saying it gave his business a bad image.

"We're not doing anything wrong," he said. "We cooperated. We are 100 percent confident there's nothing wrong."
Minnesota is home to a large concentration of African immigrants, particularly Somalis who have mostly settled in Minneapolis. The most recent U.S. Census figures estimate the state has about 32,300 Somalis.

The two other money-transfer businesses were in another location, known as the Karmel Mall. Several people and shopowners declined to be quoted, but said a dozen or so federal agents were at the mall from about 8 a.m. to 2:30 p.m.

Omar said agents told him the search was unrelated to the departures in recent months of several young Somali men from Minneapolis who are believed to have gone to that country to join in the fighting there.

Somalia has been torn apart by warlords and Islamic militant groups for nearly two decades.
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Monday, April 6, 2009

Magacii Abwaanada Soomaaliyed oo noqday mid ay ku qaraabtaan Labo Nin, dano gaar ahaaneedna ku fushada

Qaar ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliyed ayaa arin fajaciso ku noqday magac lagu sheegay Gole Abwaaniin oo macno kale dadka ugu adeegta, kaasoo ay hormuud u yihiin Labo nin oo midna Gudoomiye sheegta midna Afhayeen ku hadla.

Ma ahan wax la yaab ah, in koox gaar aha ama shaqsiyaad kaleba oo dano gaar ahaaneed ama arin un u isticmaala magac urureed, ama magac kaleba oo lagu dabaqado dano gaar ah, hadii ay ahaan laheyd mid siyaasadeed.

Hadaba dhagaha dadka reer Muqdisho waxaa ku batay shaqsiyaad damac leh, oo ku qaraabta magacyo abwaaniin, kuwaasoo mar kaliya doonaya inay iska dhex arkaan masraxa siyaasada, iyagoo uga gol leh magaca ay huwan yihiin inay ku siraad koraan danahooda gaarka ah, haba ugu badnaatee magaca ay wataan ee Golaha Abwaaniinta Soomaaliyed.

Labada nin ee dhagaha dadka reerka Muqdisho ku batay ee meel walba jooga ah, waxaa lagu kala magacaabaa Abshir Nuur Faarax Bacadle iyo Cusmaan C/llaahi Guure, waa labo nin oo saaxibo ah, waxaa uu magacooda sare u soo kacay tan iyo hanaqaadkii Midowgii Maxkamadaha Islaamka, markaasoo ay taageero weyn u hayeen.

Inkastoo Labadan nin aan la xaqiri karin howlaha iyo dadaalada ay bulshada u wadaan, hadana waxaa shaki ku jirin dibin daabada u qarsoon ee ah magacan qaaliga ah ee ka turjumaya abwaaniinta Soomaaliyed, kaasoo ah kan ay ku socdaan marka ay soo hor istaagaan bulshada oo ay magacaba ku yeesheen.

Abwaanimada ma ahan shey ama wax la iska doon doono, waa maskaxiyan shaqsi ku wanaagsan hal abuurka maansada kala rogan, hadii ay ahaan laheyd inuu wax ku muujiyo ama ku cabaro hal beega waxa taagan ama waxa jira, balse abwaanadii hore waxay wax ku cabiri jireen sida xaalada u rogan tahay.

Gabayo ay tiriyaan Ragan ayaa noqday hadal heynta ugu badan ee laga hadal hayo Magaalada Muqdisho, iyadoona laga sii daayo Idaacadaha Muqdisho qaar, waxay gabayadooda ku cabaraan siyaasada jaantaa roganka, iyadoo ka muuqato hiilo iyo inay koox gaar ah ku taageerayaan, iyagoo ku doonaya inay ku gaaraan Mansab.

Mid ka mid ah Abwaanadii hore oo ka gaabsaday in la magac dhabo ayaa yiri "Bal fiiri magacii abwaaniinta soomaaliyed, waxaa iska qaatay labo nin oo marba si waxa ugu qaraabta, ama ha ahaato dano siyaasadeed ama dano kaleba", waxaa uu intaa raaciyay, magacan abwaaniinta waxaa uu noqday mid labadan nin u gaar ah oo ay dano ugu siraad korayaan, waxaana uu layaab ku tilmaamay in koox kasta ay afduubaneysa umada soomaaliyed, iyadoo wata magac gaar ah oo aan loo dhameyn, sida labadan nin ee magacan ku qaraabanaya ee umada wax uga conaya.

Abwaanimada labadan nin ma ahan mid hada soo bilaabatay, maxaa yeelay waxay markoodii hore wax ku cabiri jireen sida xaalada dalka yahay, gaar ahaan aan u soo leexdee Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, waa Abwaan lagu sheegay inuu la jaanqaado hadba siyaasadu sida ay tahay, waxaa uu si kala gooni gooni ula soo shaqeeyay hogaamiye kooxeedydii dalka kala qo-qobay, isagoo marka nin la safan jiray, waxaan ku soo xasuustaa gabay uu tiriyay oo ahaa "KARBUUNO MUGDI WAA U KAAH, KAARAANA DADKA WAA U KEYD" gabaygan wuxuu tiriyay Abshir Bacadle, mar uu ahaa jaanta rogan oo hadba si ula jaanqaadi jiray siyaasadaha guracan ee sanadihii 90-maadkii dalka ka jiray, xilligaasoo dalka u afduubnaa hogaamiye kooxeedyo, waxaana uu gabaygan tiriyay mar uu Degmada Kaaraan u soo gabaad doontay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid si gaar ah ugu hadashay sheegada labadan nin ee ku adan magacii abwaanada soomaaliyed, waxaase hubanti ah in aysan jiri karin cid ku dhiiran karta ka hor imaanshaha Bacadle iyo Guure marka loo eego taageerada ay ka heystaan dhinacyada ay aalaaba u xagliyaan.

Dadka reer Muqdisho ayaa is weydiinayay dadka u xushay, ama u magacaabay magacyada labadan nin ay wataan, waxay sheegaan in aysan jirin Gole abwaaniin oo loo dhan yahay, balse ay dareemi karaan inuu yahay magac ay labadaas nin ku shaqeystaan, iyadoo ay kula garab galaan Idaacado Maxali ah oo iyana dhuuni-qaatayaal ah.

C/casiis Golf
golfyare@gmail.com

Banaadir Post

Ma u jeesannaa qiblada dawladnimada?Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow) 17 Maarso 2009

Dawlad waxaan u naqaanaa, sida abwaannadu ku heeseen, iney tahay sidii hashii “maandeeq” oo inta darartay caanaheedii lagu heshiin waayay, dabadeedna inta dusheeeda lagu diriray meel aan muuqan oo aan la garaneyn laga dhaawacay. Si hadaba loo daweeyo hashaas, waxaa la garan waayay cudurka haya. Sidaas darteed, ayaa waxaa munaasab ah in la xusuusto oraahda Somaalidu ku maahmaahdo ee ah:

“Hashu maankeyga ayey qadaye ma masaarey liqday”.
Maahmaahdaan waxaa la soo xasuustaa marka la arko waxyaabo lagu wareero oo aan xalkooda la garaneyn. Sidaas oo kale waaye xaalka Somaaliya. Sedexda eray ee kala ah dib-u-heshiisiin, xukun qaybsi iyo dawladnimo ayaa Somaaliya la hadal hayay mudoo 18 sano ah. Waxaa kale oo si isdaba joog ah loo dhisaa dawlad KMG, hadana mid kale oo KMG, hadana kumeel-gaarka ku-meelgaarkiis.

Waa arin lala yaabo oo la fahmi la’yahay oo ay ku wareereen aqoonyahaanada iyo siyaasiyiinta. Haseyeeshee, sidaas ma wada aha Somaaliya, waxaa sidaas ka bedelan gobollada qaar. Dib-u-heshiisiintu waxey muddo yar ka guuleysatay Somaliland iyo Puntland, xukun qeybsi ku dhisan beelnimo wuxuu ka hirgalay labadaas meelood, waxaana shacabka labadaas maamul ujeesteen dhanka dhismaha maamul dawladeed. Dib-uheshiisyadaas waxaa lagu qabtay dalka gudihiisa, waxaa ka qeybgalay madaxda beelaha runta ah, waxaa laga adkaaday qabqablayaasha jabhadaha, waxaan talada ka qeybgalay waxgaradka deegaanadaas oo dhan. Shirarkaas waxaa ku yaraa faragelinta shishiye, waxaan sal looga dhigay dhaqanka dadka iyo heerka noloshooda.
Dhanka koofurta Somalia, waxaa meel daran mariyay qabqablayaasha jabhadaha oo kala adkaan waayay, lagana adkaan waayay. Waxaa tabar daraaday doorkii madaxda dhaqanka iyo abaabulka waxgaradka.

Qabqablayaasha jabhadaha waxaa xoojinayay, gacan saarna la lahaa hay’adaha dawliga ah oo diiday iney la falgalaan ruux aan hubeysneyn oo aan dagaal ooge aheyn. Dib-u-heshiintii Carta ee 2000 waxey bedeshay oo ay dhabarka ka jebisay istraatijiyadii loo dhigay in lagu wiiqo Somaliya. Waxey ka gudubtay qabqable dagaal, waxeyna awood buuxda siisay sacabooleyda Bulshada Rayidka ah. Shirkii Carta ka hor, waxaa miiska saarnaa dhismaha maamul beeleedyo ku saleysan fikirka “building block” oo khatar ku ahaan kara jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaaliyeed. Shirkii Carta waxaa lagu soo dhisay dawlad qaran iyo baarlamaan lagu soo xulay 4.5 oo madaxda dhaqanku soo xuleen. Nasiib daro, mucaradada Itoobiya iyo Jabhadihii hubeysnaa, dhacdadii 9/11 iyo mashruuca la dagaalanka argagixisada iyo tabar daridda iyo talo-xumidda madaxada dawladdu waxey sababtay in la fashiliyay xukuumadaas. Waxaa lagu bedelay dawladii hore dawlad cusub oo qabqablayaasha Jabhaduhu soo xuleen, dawladda Itoobiyana gabaad u tahay. Laga soo bilaabo 2000, waxaa dalku yeeshay dawlad qaran iyo sedex madaxweyne oo labo ka mid ah xukumadooda lagu fashiliyay meel dhexe, ugu dambeystiina waxey ku waayeen jagadooda. Madaxweynihii Carta lagu soo doortay Mudane Cabdiqaasin Salaad wuxuu magacaabay sedex Ra’isul wasaare oo labadii hore ay dagaal ku kala tageen. Sedexdaas waxey kala ahaayeen Dr. Cali Khalif, Mudane Xassan Abshir Faarax iyo Mudane Moxamed Cabdi Yusuf. Sidoo kale, madaxweynihii lagu soo doortay dalka Kenya 2004 mudane Cabdullahi Yusuf wuxuu magacaabay sedex Ra’isul wasaare oo ay labadii hore dagaal ay ku kala tageen. Sedexdaas ra’isulwasaare waxey kala ahaayeen Profesor Cali Moxamed Geedi, Mudane Nur Xassan Xussein iyo Mudane Moxamed Moxamud Gacmadheere.

Waxaa intaas la jirta, in markii ugu dambeysay baarlamaankii Carta la kala jibiyay, lana kala tuuray si loo dhiso baarlamaan cusub oo ay soo xulaan qabqablayaasha dagalka. Si arinkaas loo suurageliyo, waxan xukuumadoodii ka soo horjeestay Gudoomiyihi baarlamaanka Cabdalla Derow Isaaq iyo Ra’isul wasarahi Mudane Xassan Abshir Farax. Sidaas oo kale, si loo kala tuuro xukuumadda iyo baarlamanka TFG-da waxaa la kala jebiyay Ra’isulwasaare Nuur Xassan Xussein, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha. Laba kooxoodba waxey isku baheysteen ka hor-imaadka madaxweynayaasha si aan waafaqsaneyn Axdiga qaranka, labada madaxweynana waxey u dhaqmeen si aan ku habooneyn madaxtinimadooda.

Waa markii sedexaad, laga soo bilaabo 2000, oo dib-u-heshiin lagu soo dhisayo dawladda qaranka Somaliyeed. Waxaa la sameeyay baarlamaan la isku karkaray oo tiradiisu gaareyso 550 xubnood iyo xukuumad sal balaaran oo sida muraayadda oo kale la iska wada arkayo. Waa barlamaan sidii lagu soo dhisay la ogyahay, sidii loo xulay la ogyahay, sidii uu udhaqmayna la ogyahay oo wax weyn oo lagu amaano aan la sheegi karin. Haseyeeshee, waa ha’yadda kaliya oo leh astaantii hay’ad qaran oo haddii taas la waayo Somaaliya ku noqoneyso reernimo, kala qeybsanaan iyo mustaqbal mugdi ah oo aan la odorosi karin. Dawladda midnimada qaran ee KMG iyo Baarlamaanka KMG, dhaliil kasta oo ay leeyihiin, ayaga ayaa bilaw u ah jiritaanka dawladda qaran ee Somaaliya. Jiritaankooda ayaa sal u ah xukuumada midnimada qaran ee dhawaan lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

Shacbiga Somaaliyeed waxey ka soo daaleen xukumado fashilma iyo dawlad la’aan intaba. Waxey rajo weyn ka qabaan in xukumadaan ay guuleysato si muddada labada sano ah ka dib loogu gudbo marxalad cusub oo dadku soo doortaan wakiiladooda dhabta ah. Waxaa laga quudareynayaa xukumadda cusub iney soo celiso kala dambeynta iyo sharciga iyo iney dhaqan geliso dhameystirka hirgelinta Shareecada Islaamka. Haseyeeshee, waxaa jira cabsi xoog leh iyo welwel ay qabaan waxgaradka intiisa badan. Waxaa isha lagu hayaa, si joogto ahna loo eegayaa calaamadihii wax ku soo fashilmi jireen in dawladu ku socoto iyo iney ka leexatay. Waxaa laga fiirinayaa cuduradii fashilka iyo calaamadihii caafimaadka. Waxaa loo baahanyahay in si joogto ah loola dardaarmo xukumada, in si joogto ah loo xasuusiyo wadda guusha iyo wadiiqada fashilka. Taariikhda waxaa loo xusaa in casharo laga qaato, hadaba bal aan eegno waxyaabihii fashilin jiray dawladihii hore. Waxaa ugu waaweyn waxyaabaha fashilin jiray sideedda qodob ee soo socda:

1-Madax aan sharciga dhawrin: Waxa ugu horeeya ee fashiliyay xukuumadihii hore waxaa ugu muhiimsan madaxda qaranka (Madaxweynaha, Raisulwasaaraha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka) oo aan ku toosneyn ilaalinta dastuurka iyo qawaaniinta dalka iyo awood tooxsi keena khilaaf aan dhamaaneyn.

2-Hay’adaha garsoorka oo curyaansan: Hay’adaha garsoorka sida maxkamadda sare iyo maxkamadaha kale oo aan dhisneyn, awoodna laheyn. Sababtu waxey tahay inaan sharci iyo xeer midna la rabin iney shaqeyaan. Sidaas darteed, khilaafka dawladda laguma xallin karo si sharciga waafaqsan.

3-Hay’adaha maamulka hantida qaranka oo hawl-gab ah: Hay’adaha maamulka iyo ilaalinta hantida qaranka oo aan dhisneyn, danna aan laga laheyn, maadaama loo heelanyahay in la boobo hantida qaranka. Wax xisaab ah lama ogolayn, miisaaniyad lama dejinin, xisaab xir sax ah lama sameeynin.

4-Waxaa la diidday hawgelinta ciidamada qalabka sida: waxaa laga soo horjeeday in la hawlgeliyo inta ka hartay ciidamada qaranka Somaaliyeed oo welli da’a ahaan iyo caafimaad ahaan hawlgal ah. Waxaa laga door-biday maleeshiyaad beeleedyo daacad u ah madaxda dawladda.

5-Qaraaba-kiilka shaqo-siinta: Waxaa dhaqan u noqotay ruux kasta oo madax noqda inuu xafiiskiisa shaqo ka siinayo qaraabadiisa ayada oo lana garab marayo in shaqaalaha dawladda ay soo maaraan habka sharciga ah ee hay’adda shaqada iyo shaqaalaha. Waxaa la garab maray in muwaadniintu u sinaadaan shaqada.

6-Safaarado aan ku xirneyn xukuumadda: Magacaabidda safiiro aan miisaaniyad loo qoondeyn oo farabadan oo dibadeedna u tuugsi taga dawladii loo magacaabay. Safiiro aan ka amar qaadan wasaaradda arimaha dibadda oo wixii ay rabaan sameeya.
7-Mushaar ka qaadashada UNDP: Kaalmadda dibadda oo ay gacanta ku hayso hay’adda UNDP oo mushaaraadka xildhibaanadda, wasiisradda, booliska iyo shaqaalaha dawladda si toos ah u bixisa ayada oo aan soo marin hay’adaha shaqada ku leh ee dawliga ah. Sabatu waxey aheed waxaa lagu amini kari waayay xukumada iney maamulaan wax lacag ah.

8-Ku-xirnaashaha dawlada shisheeye: Madaxda dawladda oo ku kala xiraan xooggag shisheye oo markii ay iskhilaafaan lagu soo sheshiisiinayo dawladaha dariska ah, markii la rabana la isku dirayo oo khilaafkooda la kobcinayo.

Ugu dambeytii, waxyaabaha guusha keeni karaa, tawfiiqda Ilaah ka sokow, waa in madaxdu sharciga dhawrto, hay’adaha garsoorka iyo maamulka hantida qaranka dib-loo dhiso, in la hawlgeliyo ciidamada qalabka sida, in la joojiyo qaraaba-kiilka shaqo-siinta, in safaaradaha dib-loo habeeyo, inaan mushaar laga qaadan UNDP iyo in la dhawro haybadda qaranka Somaaliyeed. Sideedaas qodob haddii lagu dhaqaaqo, waxaa sameysmaya dawlad hufan oo kalsoonida dadka hesha. Qodobadaas waxey bilaw u yihiin in loo jeesto qibladda dawladnimada - qibladaas oo ah: sareynta sharciga iyo u hogaansamidda nidaamka qaranka. Muwaadiniinta Somaaliyeed waxey dareemayaan iney usiman yihiin xuquuda iyo waajibaadka, mucaaradka hubeysanna intooda badanna waxey soo raacayaan dawladda ama waxey ka baxayaan taariikhda.

Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow)

Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com

Indhacade “Qofkii Suuqa qof ku dila isagana dila, xaq kuma dilinee”.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ah madaxda sare ee garab ka mid ah Ururka Xisbul Islaam ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo sida uu sheegay aan xaq ahayn.

“Dila ninkii qof ku dhex dila suuqa, xaq kuma dilin ee dano kale ayuu ku dilaye” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo sheegay in dilalka ka dhacaya Muqdisho ay xaaladda uga sii dareen, isagoona ku eedeeyay kuwa falkaasi ka dambeeya inay yihiin dad fidnada kala soo dhaqaaqay dhulkooda.

“Shacabka way barakaceen, dagaal kalema uma noqdo, waxaana mujaahidiinta joogta dalka ugu baaqay inay afkaarahooda mideeyaan” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo dhinaca kale sheegay marka la helo afkaaro mideysan inay ku guuleysan karaan mujaahidiinta sidii ay uga tallaabsan lahaayeen hagardaamooyinka ay maleegayaan gaalada.

Iyadoo ay sii xoogeysanayaan kooxaha burcad badeeda ee ka qaraabata biyaha dalka mararka qaarna meelo ka baxsan, ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka tirsan mid ka mid ah garabyada ururka Xisbul Islaam.

Sh. Yuusuf Indha Cadde ayaa cambaareyn iyo eedeyn waxaa uu dusha uga tuuray dowladaha reer Galbeedka uu ugu horeeyo Mareykanka inay "mas'uul ka yihiin" qalalaasaha ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, isagoona si gaar ah ugu eedeeyey "inay abuureen" kooxaha burcad badeeda, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaa meeshaa dhooban waxaa la doonayaa in dalkan lagu qabsado dalka" ayuu hadalkiisa intaasi ku sii daray isagoo ka hadlayey maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliyda.

Mas'uulkan u hadlay garab ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa uga baaqay ummadda Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan maraakiibta shisheeye ee ku soo qul qulaya biyaha ku dhow dalka Soomaaliya, kuwaasoo uu ku tilmaamay "inay wadaan qorsheyaal u gaar ah".

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com