Sida an aragnay kaddib dagaallo kulul oo ka socday Kisimaayo ilaa seddex maalmood, waxaa gacan ku haynta magaaladaas la wareegay maleeshooyinka al-shabaab, iyo kuwa maxkamadaha oo ka wada mid ah xoogagga isbahaysiga ka amar qaata Xasan Daahir Aweys, waxaa kale oo jira maleeshooyin kale oo la sheegayo inay yihiin kuwo u dhashay deegaanka oo ka qayb qaatay dagaallada lagu jebiyey ciidamada beesha horey u haysay maamulka magaalada Kisimaayo.
Ha yeeshee maleeshooyinka haddeer qabsaday magaalo madaxda gobolka Jubbada Hoose waxaa hoggaaminayey Xasan Turki oo sida la ogyahay ka mid ah gacan-yarayaasha ina Daahir Aweys.
Waxaa la yiri: "nabar ad sugaysay xanuun mooyaane naxtin ma laha" marka wa la filaayey in xoogagga mucaaradka ay weeraraan magaalada Kisimaayo, mar haddii xoogaggaas haadder wax qabsaday ay degeen tuulada Kamsuuma ee degmada Jamaama oo ah irridda looga galo magaalo madaxda Jubbaba Hoose, marka qabsashada magaalada Kisimaayo ma ahan inay dhaliso naxtin iyo la yaab midna.
Waxase wax lala yaabo noqotay sida dadka beelaha qaarkood ay u beddeleen mowqifkooda siyaasadeed, gaar ahaan dadka beelaha ku dhaw-dhaw madaxweynaha Jamhuuriyadda Cabdull-Allaahi Yusuf.
Waxaa la yiri: "qosolba mise qosolka waa hiillo" haddaba maalmaha ka horreyey dagaallada Kisimaayo ha yeeshe la dareensana inay dagaallo ka dhacayaan magaaladaas waxa jiray in websaadyada qaarkood sida all-Puntland iyo kuwo kale oo la yaqaan magaca beesha oo ay afhayeen u yihiin inay soo qori jireen qoraallo dhiirri gelin u aha mucaaradka dawladda fkmg oo u mindi afeysanayey weerarka magaalada Kisimaayo, haddana kaddib markay soo if baxday gacan-sarreynta xoogagga isbahaysiga mucaaradka, shabakada all-Puntland, iyo tan Carmooyn, waxay billaabeen inay qoraan in dagaallada ka bilowday magaalada Kisimaayo inay ka qayb qaadanayaan maleeshooyin u dhashay deegaanka Kisimaayo, waana la fahamsanyahay beesha ay tilmaamayaan inay u dhasheen maleeshooyinka la sheegayo inay ka garab dagaallamayeen al-shabaab iyo maxkamadaha si xoogaggaas mucaaradka ah ku qabsadaan magaalada Kisimaayo.
Maleeshooyinkaas all-Puntland ay tilmaameyso waxay u dhasheen isla beesha madaxweynaha Jamhuuriyadda A. Yusuf.
Waxaa lays weydiiyey: "ninka maxuu la taahaya ma ciddi hoosteeda laga haya mise ciil sokeeye aya haaya". Mid way jirta waana la ogyahay taasoo ah in beelaha gobollada Puntland iyo beelaha kale oo ay isku meel ka soo wada jeedaan ee gobolka Gedo inay eedo kala tirsanayaan, eedahaas oo ay sababo u ahayeen is-jiid-jiid badan iyo isku dhac hubeysan oo beelahaas ku dhex maray gobolka Jubbada Hoose oo la xiriiray gacan ku haynta maamulka gobolkaas, gaar ahaan maamulka magaalada Kisimaayo, ha yeeshee inkastoo ay jiraan eedahaas oo u la socdo ciil sokeeye, haddana waxaa caqliga ka baxsan, in beelaha gobollada Puntland oo u madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dhashay inay gacan ku siiyaan mucaaradka dawladda ka soo horjeeda qabsashada magaalo madaxda gobolka Jubbada Hoose, oo sida la ogyahay ah gobol hal boole muhiimad weyn u leh jiritaanka dawlad kasta oo waddanka loo dhiso, isla markaasna khatar ku ah jiritaanka dawladda kasta oo dalka ka taliso mar haddii laga qabsado gobolkaas.
Hadda so'aasha caqli galka ah oo lays weydiinayo waxay tahay: "ma sii jiri karta dawladdaan fkmg oo beesha u ka dhashay madaxweynaheda ay la safatay mucaaradka?" Maxa yeelay waxaa la ogyahay in shaqsiyaadka ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo la fuliya hawlaha xasaasiga ah sida la taliyayalka, xoghaynta, iyo madaxda ilaalada gaarka ah inay u badanyahiin dad xigto mise la beel ah madaxweynaha, haddana waxaaba si toos ah loo sheegaya in shaqsiyaad ka tirsan xafiiska madaxweynaha inay ku lug leeyahiin talada hawl gelinta maleeshooyinka la sheegayo inay u dhasheen deegaanka kana qayb galay dagaallada u mucaaradka ku qabsaday Kisimaayo.
Haddii beelaha gobollada Puntland ka soo jeeda oo maleeshoyinkooda ay gacan ku siiyeen mucaaradka qabsashada magaalada Kisimaayo oo ay ku faraxsanyihiin magaalada Kisimaayo oo ka baxday gacanta beelaha ka soo jeeda gobolka Gedo, way qaldanyahiin, reer Puntlan waxaa ka batay ciil ay u qabeen reer Gedo, mana xisaabtamin beelaha reer Puntland. Maxaa yeelay kuwa qabsaday Kisimaayo waxay ka tala qaataan Xasan Daahir, sida la ogyahayno ninkaan ma kala jecla reer Gedo iyo reer Puntland, isku si ayu necebyahay, waxaana hubaal ah in Xasan Daahir uusan marna aaminaynin dad ka soo jeeda gobollada Puntland, xataa haddii ay gacan ku siiyeen qabsashada mgaalo madaxada Jubbada Hoose.
Teeda kale haddii xaalada gobolka Jubbada Hoose ay ku degto sida haddeer ay noqotay oo u mucaaradka qabsaday u suuragasho inay u negaato haysashada gobolkaas waxaa hubaal ah in dadka ka soo jeeda beelaha Puntland iyo Gedo in mustaqbalka ay isku si ay ugu adkaandoonto ku noolaashada gobolkaas Jubbada Hoose.
Midda kale waxaa xaqiiqo ah in qabsashada magaalada Kisimaayo oo ay qabsadeen xoogagga isbaheysiga mucaaradka ku ah dawladda fkmg in ay keenidoonto in xaaladda Soomaaliya ay gasho marxalad hor leh oo ka duwan marxaladahii horey oo u dalka soo maray. Kolleyba mucaaradka waxaa u soo bidhaamaysa rajo iyo guul.
Qabsashada dekadda iyo airboorka Kisimaayo waa guul weyn oo u mucaaradka helay xoogagga mucaaradka waxay ka baxayaan dhibaatadii ahayd hub garab ku qaadka iyo dhumaleysiga, haddeer Xasan Daahir wuxuu ka soo degsankara dekadda Kisimaayo wax alla wuxuu u baahanyahay si uu dagalladiisa u wato, oo u dawladda u rido, hub fudud iyo mid culusba, gaadiid kasta, mid dagaal iyo mid xamuulba.
Marka sida muuqata waxa mugdi si gelaya jiritaanka dawladdaan fkmg.
Cali Cumar: sablaale1@hotmail.com