Search This Blog

Friday, August 15, 2008

Ganacsatada Soomaaliyeed: Gar-wadeen ka Noqda Gurmadka Dadka Baahan

Sida qaalibka ah, ganacsatadu saamayn weyn ayay ku yeeshaan– ha xumaato ama ha samaatee – arrimaha waddankooda, iyo arrimo dunida oo dhan gil-gila. Labaatankii sano ee la soo dhaafay, ganacsatada Soomaaliyeed waxay muujiyeen hal adayg iyo fir-fircooni qoto-dheer. Waxaa kale oo ay ka bad-baadeen dabkii qabsaday aadna u diloodey dalka Soomaliya, iyada oo in badan oo ganacsata ahina ay tabcasho iyo tis-qaad heleen intii dalku uu dumayey.



Marka laga fakaro guulaha dhaqaale ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku tillaabsadeen, waxaa maanka ku soo deg-degaya fajac iyo kufaanid wada socda. Mar waxaa imaanaysa su’aasha la yaabka leh ee ah: sidee ayay ganacsatadu ugu dhiiradeen in ay ganacsi ka dul sameeyaan danbaska gurigooda baska-beelay ama bur-bursan (Soomaaliya) oo maydka dadkoodii oo gubtay uu dhex daadsan yahay. Dhinaca kalana farax iyo ku faanid ayaa ka dhalanaya guulaha ganacsatadu oo ay muuqanayso in ragga ganacsatada ahi ay guushooda ku gaareen karti, dul-qaad iyo mintidnimo. Illeyn haddii ayan tilmaamahaa lahayn, xaaladda ammaan darrida ah ee Soomaaliya ka jirta inta ganacsi ay ka sameeyaan haddana ganacsigoodu ma noqdeen mid tisqaada una sahla in ay noqdaan maal-qabeenno.



Isku soo duub, ganacsiga Soomaaliyeed waa qaan gaaray, ganacsato badani labaatan sano ku dhawaad ayaanay cashuur bixinayn, bannaankana ay ka joogeen xakamaynta iyo kor-meerka dowladda - taas oo fududaysay in ganacsatada Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah ay ilaa xad dhaqaale helaan amaba ay noqdeen taajiriin.



Waxaan is leeyahay, waxaa la gaaray xilligii ganacsatada Soomaaliyeed ay gudan lahaayeen masuuliyadda la socota in ay maal-qabeen noqdeen. Maan-gal ma aha, Soomaalinimo ma aha, waana arxan darro in ganacsatada Soomaaliyeed ay moog-yihiin, ay is-moogeysiiyaan ama ayan u danqan darxumada haysata maatada Soomalaliyeed. Waxaa bannaanka yaalla oo la wada og-yahay in dad malaayiin ka badan oo Soomaaliyeed ay gaajo iyo macaluul la il-daran yihiin. Isku duwaha Gar-gaarka ee Qaramada Midoobey, Wakaaladaha Wararka Adduunka iyo dadka Soomaaliyeedba waxay og yihiin in Soomaali faro badan ay geeri qarka u saran yihiin – cunto iyo biyo la’aan sababtood.



Waa su’aale waa maxay sababta ganacsatada Soomaaliyeed ay uga aamusan yihiin gaajada iyo harraadka dhibka ba’an ku haya ummadda Soomaaliyeed? Maxay gar-wadeen uga noqon waayeen gurmad loogu gar-gaaro dadka saboolka ah ee dalkeenna ku dhibban? Waa maxay sababta ay qaylo-dhaan ugu diri la’yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ayna una abaabuli la’yihiin dadka qurbaha ku nool oo dhaqaale ahaan dollar ama labo ama konton ku dari kara dhaqaalaha ay bil kasta dadkaasi ehelkooda u xawilaan?



Ganacsatada Soomaaliyeed waxay muujiyeen il-baxnimada Soomaaliya oo nabad-galyo ahaan aan deggeneyn ay haddana u wada shaqaystaan iskuna kaalmaystaan. Waxaa kale oo ay ganacsatada oomaaliyeedi hanteen kalsoonida dadka qurba-joogga ah kuwaas oo shirkadaha xawaaladaha macaamiil ka ah. Shirkadaha Xawilaaduhu waxaa kale oo u diyaar ah kaabayaasha u sahli kara in ay gurmad gaarsiiyaan dalka oo dhan, kaabayaashaas oo ah xafiisyo iyo dad aammin ah, hawl-karna ah.



Ma jirto wax cududaar ah oo ay ganacsatada Soomaaliyeed u haystaan ka gaabinta gurmad loo sameeyo dadka dan yarta ah oo ganacsatada dalka gudihiisa kula nool.



Denbi aad u culus oo aan la himaami karin lana dhaafi Karin ayaa ka dhalan kara haddii lagu fashilo in in loo gurmado dadka dalka Soomaaliya ku dhibaataysan. Waqtigaani waa in uu noqdaa waqtigii shaqada iyo hawl-galada gar-gaarka Soomaalinimo, maaddaama malaayin qof ay noloshoodu halis ku sugan tahay.



Dhinaca kale, ganacsatada Soomaaliyeed waxa ka muuqda in ay ka fiyow yihiin ama ay ka tallaalan yihiin cudurka faafa ee dilaaga ah ee qabyaaladda. Midnimda, wada shaqynta iyo qabyaalad la’aanta ganacsatadu waa mid lagu dhaato loona adeegsan karo ol-ole baaxad weyne oo looga hortago gaajada iyo macaluusha dalkeenna dul-haraynaysa.



Maaddaama nolosha kumanaan kun oo qof ay khatar ku jirto, loona baahan gurmad, Hiiraan Online haddii aan nahay waxaa codsi iyo soo jeedin naga ah in:

:

In shirkadaha Xawilaadaha ee waaweyn ay wada jir ama keli-keli ah ay deg-deg ugu aasaasaan hay’ad / guddi / ama xafiis ka hawk-gala samafalka iyo gurmada dadka gaajada iyo biyo la’aanta dalka kula il-daran;


In ganacsade kasta - dalka gudihiisa ha joogo ama dibaddiisa ha joogee- uu gacan aan hagrasho lahyn ka geysto dadaalka iyo gurmadka gacan siinta dadka tabaalaysan;


In Shirkadaha xawilaadaha ay iyaga qudhoodu tabaruc gacan furraansho wata iyo lacagaha zakooyinkaba ku bixiyaan sanduukha taakulaynta dadka baahan;


In shirkadaha xawalaaduhu ay ku adkeeyaan wakiiladooda qurbuha in ay dadka macaamiisha u ah ee lacagaha ka dira ay gaarsiiyaan, ka gadaan, kuna qanciyaan in ay wixii tabartooda ah ee tabarucaad ah sida $50 dollar, ay ku biiriyaan gurmadka dadka baahan;


In guddiga xawaaladaha (ama haddii mid ama laba xawilaadood ay baaqaan isku xil-qaamaan), in deeqaha soo urura markaasi degmooyinka dalka si caddaalad ah oo loogu qaybiyo;


Haddii aan nahay bahda Hiiraan Online, waxaan diyaar u nahay in aannu u gudanno masuuliyadda gurmadkaan nooga aaddan, si aan hagrasho lahayn, gaar ahaan arrimaha gaarsiinta akhristayaasha ee arrinkaan mudnaanta leh si fuduna loo hir-gelin karo;


Waxaa intaa noo weheliya in aan ku deeqayno, $500.
Gunaanadkii, markii musiibo ay dhacdo, dadka xil kaska ahi waa u gurmadaan una gar-gaaraan walaalahooda dhibku gaaray. Cududaar uma haysanno aan ku daawanno dadkeennii oo gaajo iyo haraad la il daran.



Nala wadaag dareenkaaga iyo dowrkaaga:

editorial@hiiraan.com