Waxaa jira su’aalo hababka looga jawaabay, ay soomaalidu ku kala aragti duwan tahay: Cudurka Soomaalida haya daawo ma leeyahay, mise waa sida carsaanyowga (cancer) oo kale? Hadduu leeyahayna, malla helay mise weli waa la baadigoobayaa? Xaggeese laga raadinayaa? Armaan daawo aanaan u baahnayn raadinteeda ku rafaadnay? Marakan Soomaalidu diyaar ma u tahay inay si dhab ah dib ugu heshiiso oo cudurka haya ka biskooto? Xaggee bay tahay in dibuheshiintu ka bilaabato? Habkee ama qaabkee loogu dhaqaaqi karaa? Kuwee bay tahay in la heshiisiiyo? Kuwee ku habboon ama ay tahay inay bilaabaan dibuheshiinta? Mise weli miyirqab & cafimaadba wejiga lama siin karo? Armaa la jilifoobay oo la qolofoobay, oo laga baqayaa in daawada laftigeeda lugu le’do? Sida doorshaankuba (xaar walwaalka) ugu kogo (qonbobo) barafuunka!!!!
Waxaa dhici karta in nuxurka iyo falanqaynta maqaalku ay Somaaliweyn si dadban ama toosan u taabtaan, oo ay kabuubyada ka bi’iyaan. Hadafkaygu maahan inaan cidna (qof, qoys ama qabiil toona) wax u dhimo. Aragtideyda qof ahaaneed ee ku wajahan ibtilada nugu dhacday, kuwii sababay iyo sida looga bixi karo(biskoon karo) ayaan jecleystay inaan halkaan ku soo gudbiyo. Abbaari mayo xal siyaasaded, maamul samayn & xukun qaybsi toona!!
Maqaalku wuxuu dhammaystir u yahay kii ka horreeyay ee cinwaankiisu ahaa ‘War niman yohow Raggii meeye?’ ee soo baxay September 2007. Maadaama maqaalku dheer yahay, ayaan u habeeyey saddex qaybood (Three parts) oo wada socda. Si ruuxii aan mar wada akhrin karin, uu qayb qayb ugu hakado, kii kari karana uu hal mar u wada akhriyo. Talo ahaan, waxaa ila quman in hal mar la wada akhriyo, si falanqaynta, nuxurka iyo gunaanadka maqaalka iyo isku xirnaantooda sahal & buufis la’aan loogu fahmo.
Waxaa jirta maahmaah Shiineys ah oo leh “ Ninkii raba inuu run sheego, ha diyaarsado faras aad u dheereeya.” Anigu faras iyo baabuur toona ma lihi, baxsadna noqon mayo. Waxaan waxgaradka soomaaliyeed ka codsanayaa inay ila fahmaan “Biskoodka, wanaagga, islaaxa iyo Islaanimada” aan raadinayo. Sido kale, waxaan akhristayaasha ka codsanayaa in wixii gafaf kama’ah, haddayba soo baxaan, ay saxaan……. Ma gafe waa Illaah. Wixii ka yimaada maqaalkaan – shar iyo khayrba – aniga keliya ayaa ka mas’uul ah ee taa halla ogaado.
Gogoldhig
Daawo kastoo loogu talagalay inay cudur ama xanuun daawayso, waxay leedahay doc kayeello. Kuwaasoo marar badan keeni kara cudurro kale oo aan awal qofka hayn.
Ereyga „doc kayeello“ waa mid aan u hindisay erey qalaad oo aan mid afkeenna ah oo u dhigma aan waayay. Ereygu waa „side effects“. Waraaqaha la socda daawooyinka oo dhan, waxaa had iyo jeer ku xusan waxa qaadashada daawo ka imaan kara oo dhibaato ah. Ereyga “Doc kayeello” waxaan kala soo dhex baxay ereyada ay ka mid yihiin waxyeello ama doc-kayeer. Soomaali haddaynu nahay, waynu wada buknaa. Cid fayoobi ma jirto! Waxaynu ka kooban nahay in yaroo og inay bukto, iyo in badan oo aan ogayn inay……
1960kii illaa 1969kii waxaa la ahaa bukaan ordaya;1969kii illaa 1976kii mid xiimaya; 1977kii illaa 1979kii mid dhaawacoo dhutinaya; 1980ki illaa 1985kii mid qoryo ku socda;1986kii illaa 1988kii mid luudayoo qoryihii ka jajabeen; 1989kii illaa 1990kii mid xamaaranayoo fariiso isleh;1991kii illaa hadda waxaa la noqday bukaan suuxsan (kooma ku jira).
Soomaalida waxaa lugu tilmaamaa dad reer miyi u badan oo ad adag. Bukto, macaluul, qahar, shiddo, gaajo, abaar, iyo colaad dheeraatayba waxba kama dhimi jirin. Hasa yeeshee, 1991kii ayaa waxaa haleelay ammuur kedis ahoo aysan horay u soo arag sheekana ku maqal: Waa la wada suuxay: (Qayb sidii loo garaacayey suuxday iyo qayb siday wax u garaacayeen kuwey suuxiyeen ku kor suuxay!!!!!!!!)
Dhawr jeer oo hore baa laysku deyey, in suuxsanaanta lala tacaalo, iyadoo loo adeegsanayo daawooyin (shirar iyo wada hadallo) kala duwan. Waxaana ka dhashay in si tabaryar indhaha loo kala furo. Nasiibdarro, indho kala qaadkii waxaa laga sii qaaday qallal, taah iyo af ka abrin!!
Haddaba, Haddii kiniiniga nabadda la liqo oo la soo miyirsado, maxaa ka dhalan kara oo waxtar ama doc kayeellooyin (side effects) ah?
********************
Sida la wada og yahay, waxaa illaa hadda weli ka jira gobolka Banaadir, dhibaatooyin fara badan oo isugu jira dil, dhac, gaajo, cudur iyo barakac. Markaad raadiyaasha dhegeysatid ama telefishanada daawatid, naftu kuma siin karto inaad ku sii raagtid. Calool xumo iyo ciil baa kula soo dersaya. Carruur, haween iyo waayeel dhib iyo qahar ka muuqdaan baad arkaysaa. Amxaaro, Muqaawimo, DKMG, Amisom iyo Mooryaan iscayrsanaysa baa hadba ku dhex durduriya ama agtooda ku dagaalama!!
waxaa iyana nasoo galay amuuro halis ahoo aynu wararka adduunka ka dhegeysan jirnay: Culimmo qaarkeed legdamayo oo dibir isla raba; Ruux kaa aragti duwan ama aan kula jaal ahayn oo murtadnimo lugu shaabadeeyo; Dilal qorshaysan oo casriyeysan oo aynu awal filimada keliya ku arki jirnay!!
Dhanka kale, waxaan weli joogsan qulqulka Soomaalidu ay dibedda ugu qaxayso. Lama degaanka saxaaraha ee u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya, badda cas (Red sea) iyo tan dhexe (Mediterranean sea) ayaa si joogta ah loogu le’anayaa. Amuuraha hadda ka taagan Xamar yaa ka mas’uul ah? Ma amxaarada? Ma qoladii u yeeratay? Ma shisheeye? Ma shaydaan? Ma Jin? Mise wax kalaa jiri kara? Intaan ku dhex jiray isla hadalka iyo hammiga, ayaan hal mar waxaan dhugtay cajaladdii aan ku khilaaweynayay, waxaan arkay inay dhexda marayso. Illayn waxaan ahaa sida nin filim kala qabsaday qaybta labaad (secondo tempo) oo kale!
Intaan cajaladdii joojiyay oo gadaal u ceshay baan soo bilaabay………..
Soomaalidu weligeed waa diriri jireen, rag baa islayn jiray, xoolaa la kala dhici jiray. Haddaba maxaa Xamar ka dhacay 1991kii? Ma rag baa diriray? Mise…?
Waxaan horay loo soo arag loona maqal, oo dhaqankeenna suubban iyo islaanimada meelna kasoo gelin baa dhacay. Ka sokow, dagaaladii ragga hubaysan u dhexeeyay, waxaa dhacay Gumaad iyo Xasuuq! Cid loo aabbayeelay ma jirin. Carruur, qaarkood uurka ku jiraan; haween (ugub, xaas, hooyo, garoob, carmal, habar) iyo odayaal baa laga dhigay wax la laayay, la dhacay, la faraxumeeyay, ama la barakiciyay.
Derisnimo, saaxiibtinimo, reer abtinimo, xididnimo, soomaalinimo iyo islaanimoba dad fara badan oo aan waxba galabsan baa ku badbaadi kari waaayay oo aakhiro iyo adduun salkii loo kala diray!!!
Waxaan shaki ku jirin in jabhadihii la dirirayay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre (Allaha u naxariiste), ay isku hadaf iyo himilo ahaayeen..
Giddigood waxaa loo aasaasay inay waddanka badbaadiyaan. Haddaba, Yaa baddalay ama qaloociyay hadafkii iyo ujeeddooyinkii jabhaddii xamar soo gashay? Rag fara ku tiris ah ayaa ibtilada dhacday ka mas’uul ahaa. Raggaasi waxay godob iyo dembi adduun iyo aakhiraba u soo jiideen tolweynaha ay ka dhasheen. Waxaa horey loo yiri, “haddaad rabtid inaad dadweyne ama tolweyne kicisid ama qancisid, la hadal shucuurtooda ( u sheeg waxay jecel yihiin); ninna garaadkiisa la hadal; marwana qalbigeeda .
Dadweyne ama bulsho hadba dhinacii la rabo (shar & khayr) baa loo yaacin kara, laakiin in nin keligii la qanciyo ama la kiciyo ma sahlana.
Hadafka qoran ee jabhaddii xamar soo gashay, wuxuu ahaa inay shacabka xamar gaar ahaan iyo soomaaliweyn guudahaan, ka xoreeyaan maamulkii markaas joogay. Dastuurkii iyo ujeeddooyinkii u qornaa jabhadda iyo Xamar cadde wixii ka dhacay wax shaqo isku leh maahayn. Yaa himilooyinkii wan wanaagsanaa ee Roma lugu soo qoray 1989kii u rogay “war aynu reer hebel wada hoobinno’ iyo ‘Caasimadda annagaa iska leh!!!’?
Hadaf aan dastuurkii jabhadda ku qornayn ayaa meesha kasoo baxay: Xukuumaddii iyo shacabkii la rabay in laga badbaadiyo ayaa cagta cagta loo saaray!!! Halkaasna Waxaa shacabkii xamar u bilawday nooc cusub oo ah oroddada dhaadheer(Marathon) oo xowli iyo xiin (ama fagax dheer) ku socda.
Kooxdii Cabdi Bile loogu magac daray ee la gaari kari waayay ayaa noqotay Fagaxdii koowaad (1st long Heat).
Xamar waxaa joogay xukuumad iyo shacabweyne. Labadoodiina bannaanka ayaa laga dhigay! Haddii geelii la dhaqan lahaa uu kala noqdo mid baxsaday, mid la qashay iyo mid dugaag ku cunay halka loo yaqaan ‘Habaar waarid’ ee u dhexeysa Kismaayo iyo xudduudka Kenya…Haddee keenada, dabarka, usha, tooreyda iyo qorigu noqon mayaan GEEL!!! Sideedaba, hadduu nin rabo inuu soo dhacsado fardo ama geel laga haysto, ama kuwa uusan lahayn soo dhac is yiraahdo, caqligu siin mayo inuu giddi xabad kala daalo….
Halkaasna ay fardo/geel la’aani ku dhacdo.
Xamar waxaa isugu soo haray hoggaamiyeyaashii guulaystayaasha, qoysaskooda, ehelkooda, qaraabadooda iyo ciidamadoodii – oo isku noqday, tusaale ahaan, reer boqor(Royal family). Haddaba, reer boqor looguma talagelin inay is xukumaan, waa inay helaan dadweyne (raaciye) ama shacab ay maamulaan. Mana heli karaan. Sababtoo ah, iyagaa shacabweynihii u qaybiyay kuwa la dilay ama dibedda u cararay!!!
Waxaa laga fursan waayay in, ’Inta xamar soo gashay ay is xukumaan! Sidee ruux raba inuu taliyo, u yeeli karaa in loo taliyo? Waxaa isku dhacay intii guulaysatay! Khasaarihii ugu horreeyay wuxuu ku dhacay xamar. Magaaladii oo dhan waa burburtay.
Haddaba, tii lugu dhigay kooxdii fagaxda koowaad, mid ka daran bay isku dhigeen. Kuwoodii laga adkaaday baa noqday kooxdii fagaxda labaad (2nd long Heat). Kooxdaan 2aad, dulmigii, godobtii iyo gumaadkii ay u gaysteen kooxdii 1aad, baa iyagana loo gaystay! Xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa laysugu tegey, iyadoo la wada yahay dhibbanayaal(victims). Waa laga wada sii haajiray oo Yurub iyo Ameerika laysaga daba yimid. Orodku weli ma dhammaan oo haddadaan aan sadarkaan qorayo, waxaa jidka kusoo jira horin ka mid ah kooxda fagaxda 18naad (18th long Heat)!!!!!!
Magaaladii xamar waxay noqotay gobollo yaryaroo wada yaal! Xamar waxay ahayd magaala madaxdii Soomaaliya, mana jiri jirin cid si gaar ah u sheegata. Soomaali – summad kastay lahayd – oo dhan baa wada degganayd oo hanti ku lahayd.
Waxaa ayaandarro ah, in ay jiraan dad farabadan oo dalkii iyo dibeddaba ku kala nool, oo qaarkood ay jaamacado dhammeeyeen, oo weli la soo taagan, ‘Caasimadda Soomaaliya (magaalada Xamar) annagaa iska leh!!!’ Illaan ceeb looma dhinto!!!!!!!
La garay hanti gaar ahaaneed (private property) oo qofi wuu oran karaa, matalan, ‘gurigaan, beertaan, dukaankaan, baabuurkaan, xoolahaan, iwm. Anigaa iska leh’ Laakiin ‘Magaaladaan,degmadaan ama gobolkaan anigaa(annagaa) iska leh’, waa arrin runtii laga yaxyaxo. Hadalhayntii Soomaaliya inteedii kale waa dhammaatay. Waxaa isku micne (synonyme) noqday -illaa haddadaan- ereyada Mogadishu(xamar) iyo Soomaaliya. Haddii Soomaaliya laga hadlo waa Mogadishu, markii Mogadisho laga hadlana waa Soomaaliya!!!
Kooxihii hore ee orodku u dhammaaday ee qurbajoogga noqday, kama aysan dhex bixin cayaaraha, oo waxay noqdeen tababarayaal (trainers). Waxay meherad iyo caqli ka dhigteen: Qaylodhaan, sal kicin, beenabuur, dhiirrigelin, maalgelin iyo diradiro ku wajahan kooxaha weli ku sugan geeska Afrika. Hadafkoodu wuxuu noqday, inaan marnaba fagaxda iyo feerojebintu joogsan!!!!
********************
Qaybta Labaad – Part 2
In badan baa lays weydiiyay sababta xamar u degi la’ yahay. Had iyo jeer jilayaal horleh (new actors) iyo arrimo horleh baa soo baxaya. Maxaa Xamar 18ka sano weli shidaya? Amxaaradu mar dambay noo timid. Soomaalidu waxay horay u yiqiineen ama maqli jireen Sadaqa Jaariyah, waxaase 1991kii, markii ugu horreysay la bartay oo bilawday Dulmun Jaari - mid geerida qofka keddib weli socda! (Digniin: waa sarbeeb! Sidaan oraahda u qoray ulama jeedo, ee akhristoow, haygu soo boodin, adigoo ‘bisinka’ ‘bisinka’ leh ). Dulmi wayraxsanoo MIRQAANSAN oo ku shaqaynayaa nidaamka dubnaddu isugu dhacdhacdo, markii midkood la taabto (Domino effect) oo aan la joojin karin baa bilawday.
Xamar waxaa kasoo dhacay welina ka dhacaya dulmi noocyadiisa kala duwan iyo argagax farabadan oo aan ruuxna horay u saadaalin Karin.
Waa dhab in degmooyin kale oo gobollada kale ka tirsan ay arrimo naxdin lihi kasoo dheceen welina ka dhacaan iyagoo teelteel ah. waxaanse qabaa in aysan jirin wax ka daran dhaawaca iyo haaraha ka muuqda ex(ekis) Xamar Cadde. Cid iyo wax loo aabbayeelay ma jirin.
Naflay, hanti gaar ah, waddooyin, dhismayaal taariikheed, madxaf, maktabaddo, taallooyin, gaadiid, xafiisyo, isbitaallo, dugsiyo,jaamacado, dukaammo, suuqyo. Iwm. ayaa si caqliga ka baxsan loogu galgashay. Hubka noocyadiisa kala duwan baa laga adeejiyay!!! Waxaan soo xusuustay oraah uu yiri filosoof Maraykan ahaa oo la oran jiray Abraham Maslow (1908 – 1970) : “Haddii qalabka keliya ee aad haysatid uu burrus yahay, waxay dhibaato walba kuula muuqanaysaa musmaar oo kale…If the only tool you have is a hammer, you tend to see every problem as a nail”.
Xamar wuxuu noqday meesha keliya ee qof gacan ku dhiigle ahi uu si nabdoon ugu noolaan karo. Markaad u fiirsatid dilalka ka dhaca gobollada oo idil, waxaad arkaysaa in qof qof dilay oo la og yahay uusan degmadiisa ku dhex noolaan karin. Wuxuu ku khasban yahay inuu baxsado.
Haddaba, Ilaahay baa Xamar ku imtixaamay waxaan layska dhicin karin oo aan la arki karin. Daruuro biyahoodu ay yihiin:
Nabsi ururoo qamuunyeysan & Inkaar xiimaysoo hurguntay,
Habaar gagabayoo ilmeynaya & Naxdin bararsanoo buufis wadata,
Murugo caraysan oo qamaamaysa & Rooxaan noocyadeeda kala duwan baa xamar la kor dhigay!!!
Xamar caddihii Soomaalida u ahaa caasimadda,wuxuu isu badadalay guri gudcuroo qolol iyo musas badan oo nabsi iyo rooxaan kor heehaabayaan (Ghost house). Markaad wax yar u fiirsatid amuuraha ka dhacaya Xamar, waxay ku xusuusinayaan filimada naxdinta leh (horror films). Cid Alla ciddii soo gashaba waxbaa si ka noqonaya!!. Xataa hubkii yiillay baa ku wareeray! Xabbaddii la ridaba, meelaan loogu talagelin bay aaddaa ama ku habsataa, iyadoo ‘Habow’ ah !!! Ma rooxaan iyo nabsi baa shaqaynaya? Ma shiishxumaa jirta? Mise waa mirqaan xad dhaafay musaraarkiis (jidbadiis ama bururkiis)!?
Mar Alla markaad is tiraahdid,’Allaylaha haddaa wax inoo hagaagayaan’, dhinac bay ka fikanaysaa!! Xataa qoladii maxkamadaha ee kitaabka wadatay, waxbaa si ka noqday! Qaar ka mid ah xubnahooda xamar ku sugnaa, ayaa wax is tuseen (malaha rooxaantii baa taabatay!) oo is arkay iyagoo Baydhaba ku tukanaya, oo Adis abeba usii socda. Keddibna Tigree ka itaal roon baa lugu salladay!!
Waxyaalaha ku tusaya in xaalka Xamar uusan caadi ahayn, waxaa ka mid ah, barakicii ugu dambeeyay ee ugu orodka gaabnaa. Markii loo cararay duleedka Xamar (geedaha hoostooda), rag baa la yiri, waxay bilaabeen inay geedaha dadka ka ijaaraan!!! Rag kalaa, iyana la yiri, waxay dadkii u diideen inay magaalooyinka dhowdhow gaaraan, sida Afgooye, iyagoo ku leh,’war haddaad sii fogaataan, xamar dib ugu noqon maysan,oo waa la idiin dabamarayaa…Halkiinna jooga, annagaa dhaqaale iyo gargaar idiin soo direynee!!!’.
Xamar waxaa 1991kii ka bilawday dulmi ku socda nidaamka cayaaraha orodka qori isu dhiibka (Relay). Orodka laba (2) Halgame oo isku koox ah oo kala jira ayaa si cayaarxumo (unfair play) ah - Garsooraha (referee / arbitro) oo aan weli firinbiga yeerin – u bilaabay, iyadoon kooxihii (jabhadihii) kale aysan soo wada gaarin garoonka cayaaraha ((Xamar).