Search This Blog

Monday, March 22, 2010

Shacabka Gobollada Koonfurta Soomaalia oo Xornimo iyo Xukun Ilaah Heley Hase Yeeshee Weli Wax Baa Qarsoon.

Shacabka Gobollada Koonfurta Soomaalia oo Xornimo iyo Xukun Ilaah Heley Hase Yeeshee Weli Wax Baa Qarsoon oo Aan La Arkin.

Maqaalkan waxan ku soo bandhigeynaa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Gobollada Konfureed ka hor iyo ka dib intii ay la wareegeen Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin,waana Maqaal taxane ah oo si isdaba joog ah oo aan akhristeyaasha u soo gudbin doonno,maantana waxaan idiin soo gudbineynaa qeybta koowaad oo uu ku jiro Hordhaca

Maqaalkani. Qeybta 1aad.

Laga soo billaabo burburkii Dowlladdii Dhaxe ee Soomaaliya Dalka Soomaaliya oo dhan waxa ka dhacey burbur baaxad leh oo dhinac Waliba ka saameeeyey Shacabka,haba u sii darnaadeen Gobolllada Koonfureed ee Soomaalia.



Waxana billowdey dagaallo qabiil oo ay hoggaaminayeen hoggaamiyeyaal qabiil,kuwaas oo dagaalka ku doonayay Xukun ay ku gaaraan awoodda Qabiilkooda;dagaalladaas ayaa waxa barbar socdey Boob,Dhac Kufsi naxarriisdarro ah ee loo geystey Shacabka ku dhaqan Gobollada Koonfureed gaar ahaan Gobolka Shabeellada Hoose;iyadoo dagaalladaas ujeedadoodu ka fogtahay Korsi Siyaasadeed hase yeeshee ujeedka ugu weyni ahaa helitaanka dhulka ugu Barwaaqada badan Soomaalia.



Shacabka ku dhaqan Gobollada Koonfurta waxa gaartey dhibaato aad u culus oo dhinac walba leh sida Xasuuq,Barakicin,Dhulka oo laga boobo,Gabdhaha Qurxoon oo laga kaxeysto,Biyaha Webiga oo laga Iibiyo iyo in lagu shaqeysto islamarkaasna aan la siinin xaqii uu lahaayeen;hase yeeshee Shacabkaas ay dhibaatadu ku dhaceysay ayaa awooddooda ugu weyn ee heli kareen ahayd inay Ilaah (SW) u dacwoodaan oo ay dhibaato kasta ee loo geysto yiraahda Ilaah baa jooga!

Dhibaatada intaas la eg ee ku dhaceysay umadda ku dhaqan Gobollada Koonfureed waxa Masuul ka ahaa Hoggaamiye koooxeedyo tirsamaya hase yeeshee Qabiil salka ku haya,iyadoo Shacabka ku dhaqan Gobollada ugu barwaaqada badab Soomaalia ay u badan yihiin Beeraleey Xoolo dhaqato iyo Kalluumeysato ku kalsoon waxa ay Muruqooda ku soo saartaan iyo Xoolaha ay dhaqddaan;waxana la yaab ku ahayd in la dilo ama la dhaco qof Islaam ah.


Dhaqankooda soo jireenka ah ee nabad ku wada noolaashaha ee ay barteen ayaa wuxu sahley in dad dagaalka iyo dilkuba la sahlan yahay si degdeg ah u dhacaan una barakciyaan,iyagoo aan u diyaarsaneyn qaab dagaaleedka;hase yeeshee marka ay dhibaatadu ku dhacdo waxaan Afkooda laga waayin Ilaah baa jooga alloow kuwan naga qabo!(taasoo ah Dacwad Ilaah u gudbiyeen);Waxba wax baa ka darane waxa dadkaas loo bixiyey looma Ooyaan,Looma Aaraan,Beelaha aan Hubeysneyn,Beelaha laga tira badan yahay,Adaris Maacuun iwm ah.

Dacwooyinka Ilaah(SW) u dacwoonayeen Shacabka Gobollada Koonfureed waxay soo billaabatey Sanadkii 1991kii,Cabashadaas ay ilaahey u gudbinayeen aad bay u yareyd dad dhageysta oo ka xanuunsada kuwa la dhibaateynayo iyo dad ka xanuunsanaya inaaney dhulka dhici doonin Dacwooyinka Ilaah loogu gudbinayo;Dadku waxay ahaayeen kuwo wada Maqan,kii wax fahmayana waa yareyd waxa uu qaban karey oo Waa laga awood badnaa,si kasta ha ahaatee Dacwooyinka Alle loo diraayey waxay Soo gaartey��

La Soco qeybta 2aad.

Qeybta 2aad

Cabashooyinka Shacabka Koonfurta Soomaalia Ilaah u dirayeen waxay soo gaartey Sanadkii 2006dii,xilligaas oo ku beegneyd markii Maxkamadaha Islaamku ka curteen Soomaaliya,gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay ka dhisnaayeen Maxkamado Islaami ah oo qaab Beeleed u dhisnaa,hase yeeshee Midoobey Markii uu Abuurmey Isbaheysigii Ashahaado la dirirka ee ay gadaal ka riixayeen Reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka.

Shacabka Soomaaliyeed oo ka daaley dagaallada Sokeeye iyo ururada (SSta) ee ay hoggaaminayeen Hoggaamiye Kooxeedyo naxarriis laaweyaal ah,ayaa markiiba Maxkamadaha Midoobey Min Koonfur iyo Bartamha Soomaalia mar qura taageero hagar la�aan ah la garab istaagey,taas oo ka dhalatey Kitaabka alle oo ay kor u qaadeen Maxkamadihii Islaamka ee Midoobey.


Taageerada Shacabka iyo Midowgga Culumaa�uddiinka Soomaaliyeed waxay muddo aad u yar oo 4 Bilood ah xididada u siibeen Hoggaamiye Kooxeedyadii dalka haystey Muddo 16-Sanadood ah,waxa Xudduudda Kenya ilaa Banddiiradleey gacanta u gashey Maxkamadihii Islaamka oo kaashanaya taageerada Shacabka Soomaaliyeed.

Ka Dib Maxaa Dhacey?

Midowgii Maxkamadaha Islaamka waxa ku soo dhax dhuuntey oo ka mid noqdey kooxo fara badan oo ujeeddooyin kala duwan watey;haddii aan inyar ka taabto kooxaha ujeeddooyinka gurracan watey Waxa ka mid ah:

1-Hoggaamiye Kooxeedyadii dalka haystey Waqti dheer ayaa qaarkooda ka mid noqdeen Maxkamadihii Islaamka,kuwaas oo markaas isku ekeysiinaayey inay taageersan yihiin Kitaabka kor loo qaadey,hase yeeshee watey ujeeddooyin qarsoon oo saldhiggeedu ahaa ilaalin dano Shaqsiyadeed iyo mid Qabiil.


2-Kooxo Culumo ah oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Maxkamadaha oo ujeedadooda fogi ahayd inay Kacdoonka Maxkamadaha ku gaaraan ilaalinta dano Siyaasadeed iyo dano qabiil,iyagoo siyaabo aad u farsameysan ugu dhax milmey kacdoonkii Maxkamadaha.


3-Siyaasiyiin,Saraakiil iyo Malleeshiyooyin ku soo barbaarey dagaallada Sokeeye ee Qabiilka ku dhisnaa oo ay u muuqatey inay ujeeddooyinkooda ku gaari karaan inay ka mid noqddaan Xoogga cusub ee Soo baxey;sidaas darteed waxay ka mid noqddeen Masuuliyiinta,Saraakiisha iyo Ciidamada hoggaamiya Maxaakiimta Islaamka.


4-Odeyaal dhaqameedyo,Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin ay madax martey Qabyaalladda oo Markaas isha ku hayey Dowlladdii uu Madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed inay halis ku tahay jiritaankooda Qowmiyadeed;markaas ka dibna waxay taageero dhinac walba ah la garab istaageen Xoogga Cusub ee Maxkamadaha Islaamka oo ay u arkayeen inay iyagu Majaraha u hayaan oo markii ay ujeeddooyinkooda gaaraan ay si fudud u kala diri karaan ama ay ku fushan karaan Wax kasta oo ay doonaan.


Qodobadaas oo isbiirsadey waxay markiiba isriixriix iyo kala shaki ku abuurtey xooggaggii isku duubnaa ee Maxaakiimta Islaamka oo ujeeddo badan ahaa,waxa abuurmey khilaafyo hoose oo ku qotomey fulinta awaamiirta ka soo baxdda hoggaanka Maxkamadaha,xoghayeyaasha Maxkamadaha iyo Saraakiisha Ciidamada.


Haddii aan inyar dib u milicsanno kala shakiga iyo isriixriixu wuxuu billowdey markii xididada loo siibaayey hoggaamiye Kooxeedyada ka jirey dalka oo dhan,kuwaas oo si safmar ah ay u martey Seefta dagaallyahannada Maxaakiimta Islaamka,hase yeeshee Seeftaas ayaa si farsameysan looga leexiyey 4-Hoggaamiye kooxeed oo ka mid ahaa kuwii ku dhax dhuuntey xooggagii Maxkamadaha Islaamka oo u arkey arrintaas inay ku badbaadeyso ujeeddooyinkooda Siyaasadeed iyo tan qabiilkooda;waxana meelaha khaladaadka badani ka dhacey ka mid ah:

1-Gobolka Jubada Hoose oo uu ka jirey Isbeyheysigii Dooxada Jubba oo ay ku mideysnaayeen Raga la baxey Walaalaha Galgaduud ayaa qaar ka mid ah heshiis la galey Maxkamadihii,slamarkaasna ka mid noqdey Golihii Shuurada,Hubkooda iyo Ciidamadooduba ay ku biireen Maxkamadaha,halka mid kale oo hoggaaminaayey Isbaheysigaas ka mid noqddey hoggaamiye kooxeedyadii Xididdada loo siibey arrintaas oo dhalisey Shaki weyn.

2-Saddex hoggaamiye kooxeed oo si wadajir ah u maamulaayey Gobolka Shabeellada Hoose oo dadka Gobolkaas ay dhibaato badan ka tirsanayeen ayaa waxa Ciidamadooda iyo Madaxdooda loo Aqoonsadey (Hooyada Maxaakiimta Islaamka),waxayna Ciidamada iyo Saddexda Masuulba ka mid noqddeen Madaxda Waaweyn ee Maxaakiimta Islaamka.


Arrintaas ayaa waxay dhalisey shaki iyo buuq fara badan oo ay Muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa,hase yeeshee Saraakiil Masuuliyiin iyo Ciidamo fara badan oo ka tirsanaa Maxaakiimta ayaa arrintaas si weyn u diiddanaa oo ka xumaa,hase yeeshee majaraha hoggaaminta Maxkamadaha looga awood badnaa;Diidmadooda iyo soo jeedintoodu ma noqon kuwo guuleystay;waana halka ay Sartu kaga qurantey Xoogaggii Mideysnaa ee Maxkamadaha Islaamka.

Iyadoo ay taasi jirtey ayaa Waxa billowdey khilaafyo fara badan oo ka dhashey hirgelinta Shareecada Islaamka,waxana arrimaha ugu horreeya ee la isku qabtey ee khilaafka ba�ani ka dhashey ka mid ah in qofkii nin Muslim ah si ula kac u dila la marsiiyo Shareecada Islaamku waxa ay qabto,in la celiyo hantida la kala haysto ee ay ka mid yihiin Guryaha,Beeraha iyo Gaadiidka iyo in la joojiyo waxyaabaha Mukhaadiraadka Sida Qaadka,Sigaarka;go�aanadaas waxay u Cuntami weyddey �..

La soco Qeybta 3aad.



Qebta 3aad.

Khilaafka isriixriixa ee ka dhax billowdey Maxkamadaha waxa masuul ka ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii ku dhax dhuuntay oo si weyn u diiddanaa hanti isu celinta lagu dhawaaqey,fulinta Xukunnada Qisaasta oo la billaabey oo markii dambe Hoggaamiye kooxeedyadu si farsameysan u xagal daaciyeen markii ay si hoose u sii daayeen Gacan ku dhiigleyaal dil geystey,sidoo kale waxay Qabqablleyaasha Dagaalka ee Maxkamadaha ku jirey iyo kuwa danaha gaarka iyo Qabiilka ilaalinay diiddeen in la joojiyo Waxyaabaha Muqaadiraadka sida Qaadka,Sigaarka iyo wixii soo raaca.


Intii uu khilaafaadka Maxkamaduhu socdeen waxa barbar socdey dagaallo looga horjeedey joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gobollada Bay,Bakool iyo Gedo,iyadoo Hoggaamiye kooxeedyadii diiddanaa hergelinta Shareecada Islaamka ay dagaalkaas ka faa�ideysteen,iyagoo ku dhawaaqey dagaal aan laga wada tashan oo aan qorshihiisa la isla meel dhigin,taas oo ujeedada fogi ee ka dambeysa ay ahayd in Maxkamadaha lagu soo jeediyo Indhaha Adduunka oo dhan islamarkaasna lagu qaado Weerar degdeg ah oo Sababeysan,waana halka fursadda ugu weyn ay ka heshey Dowlladda Itoobiya ee Weerarka culus soo qaaddey Maxkamadaha iyadoo taageero ballaaran kaga hasatey reer Galbeedka oo dhan.

Aan Dib idiin Xasuusiyo khaladaadka badan ee dhacey intii ay Maxkamaduhu la wareegayen Gobollada,islamarkaasna ay abuurmayeen Maxkamado Beeleedyo hoos imaanayey Midowggii Maxkamadaha Islaamka,Gobolka Shabeellada Hoose oo uu ka jirey Maamulkii loogu yeerey (Hooyada Maxkamadaha Islaamka) ayaa dadkii Gobolkaas ka soo jeedey Waxay Sameysteen oo ay ku dhawaaqeen Maxkamado Islaami ah,oo tiradoodu aheyd 3-Maxkamadood.

Hase yeeshee laba nin oo ka tirsanaa Hoggaankii sare ee Maxkamadaha Islaamka ayaa Shir la qaatey hoggaankii 3da Maxkamadood waxayna si cad ugu sheegeen inaan Gobolkaas Maxkamado looga dhawaaqi karin lana geyn karin,iyagoo sabab uga dhigey Laba Arrimood oo kala ah:

1-Gobolka Waxa ka jira bay yiraahdeen Maamul Islaami ah oo loogu yeerey Hooyadii Maxkamadaha Islaamka,sidaas darteed wixii Gobolkaas ku saabsan asaga ayaa nooga Mas�uul ah mana dooneyno bay yiraahdeen in la carqaladeeyo!

2- Gobolka Waxa degan bay yiraahdeen Beelo fara badan sidaas darteed haddii Sadexddaan Maxkamadood loo fasaxo inay ka howlgalaan waxa loo arkayaa inay Qabiillo gaar ah wataan,marka waxan idin kula talineynaa islamarkaasna idin fareynnaa inaad ka joogtaan oo aad uga dambeysaan Maamulka ka jira!.


Labadaas Arrimood waxay ka mid ahaayeen Waxyaabaha keeney in la kala aamin baxo oo Maxkamadaha dadka qaarkiisa u arkeen inay tahay Aalad ay Qabaa�illo iyo Shaqsiyaad gaar ah sida ay doonaan ugu adeegtaan,waxana Malleeshiyaadka Gobolkaas ka howlgalaayey ee loogu yeerey Hooyada Maxkamadaha Islaamka,isu bixiyeen magaca Mujaahiddiinta Qayisha oo ay ula jeedaan inay Qayilaan Sigaarka Cabbaan,intooda badan Cibaado shaqo ku laheyn sidaas darteedna loogu yeero Mujaahiddiinta Qayisha,taas oo u hirgashey sidaasna uga mid noqdey Ciidankii lexaadka badnaa ee Midowgii Maxkamadah Islaamka;Islamarkaasna iska sii wateen Maamulkii iyo awood sheegashadii ay ku hayeen Shacabka Gobolkaas,waxayna Shacabka Mandiqaddaas dulman ku dhaqan ay ku hadaaqayeen waxay sameyn karaayeen oo ahayd (Ilaah Baa jooga Waana la arki doonaa haddii Ilaahey la Qayaani karo oo Shareecadiisa Kitaabka ku cad Dulmi iyo Been lagu Qarin karo laguna Badaabdayo;hadalkaas oo ah Dacow Ilaah oo ay fahmi karaan dadka ay dhab ka ahayd ku dhaqanka Shareecada Islaamka),kuwaas oo iskugu jira Mujaahiddiinta iyo dadka sida weyn u taageersanaa.



Hase yeeshee intii uu socdey guuxa Maxkamadaha dhaxdooda waxa jirey xoog aad u tababaran islamarkaasna daacad ka aheyd Dagaalka iyo Jihaadka lagula jirey Itoobiyaanka iyo Dowlladdii ay taageersey,waxayna ahaayeen kuwaas dhalinyarro iyo Culumo ku dhaqanka Shareecada Islaamku dhab iyo daacad ka ahayd,waxay aad uga soo horjeedeen dhaqamada ay ku kacayeen Saraakiisha iyo Mas�uuliyiinta qaarkood,marmar waxaaba dhaceysey in Gacanta la iskula tago,waxana si toos ah u billowddey Kooxeeysi kala duwan oo ku qotomey kuwa Dhaqanka Islaamku dhab ka yahay iyo kuwa kale oo ku dhaxmilan hase yeeshee ujeeddkoodu taas ka duwanaa (Daneysteyaal);iyadoo uu xaalku sidaas yahay ayaa Wax billowddey Dagaalkii Weynaa ee dhaxmarey Ciidamadii Maxkamadaha iyo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlladda C/llaahi Yuusuf oo dhinac ah.

Dib Maxaa Dhacey?

La soco Qeybta 4aad

Xigasho Ssunion.net

Warqabadka SSMC Somalia

Aadam Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Sunday, March 21, 2010

Somaaliya iyo Itoobiya maxaa kala haysta? W/Q: C/raxmaan Baadiyow

Istrateejiyada Itoobiya ee ku wajahan Somaaliya waxey ku dhisantahay in laga niyad jebiyo Somaalida iney dawald noqon karaan ayada oo nabad iyo xasilooni loo diidayo, lana fashilinayo isku day kasta”.



Somaaliya iyo Itoobiya waxaa ku nool labo shacab oo ku abtirsada diin kasoo jeedda Nabi Ibraahiin (CS) oo ah Islaamka iyo Kiristaanka. Waxaa ka dhexeeya taariikhda soo gelitaanka Islaamka ee Geeska Afrika. Itoobiya waxey aheed meesha kaliya oo badbaadisay Islaamka markii reer Qureysh cadaadis weyn saareen. Waxaa taariikhda Islaamka meel weyn uga yaalla hijradii asaaxaabta ee dalka Itoobiya iyo habsamidda uu usoo dhaweeyay boqorka Itoobiya al-Najaashi. Sidaas darteed, labada shacbi, in kasta oo dawladahoodu coloobeen, ma aha dad cadaw isku noqon kara, waana walaalo daris ah, isku dan ah, iney wada noolaadaanna waa ku qasbanyihiin.




Colaadaha dawalduhu waa soo jireen, laakiin waxaa ugu caansan dagaaladdi Axmad Gurey iyo boqoradii Itoobiya ee 1529-43. Waxaa kale oo sii kobciyay colladda markii boqortooyada Itoobiya qarnigii 19aad ay qabsatay dhulka Somaaliyeed qeybo ka mid ah. Itoobiya waxey ku taameysay iney qabsato xeebaha Somaalida, laakiin dawaldihii reer yurub oo ayagu ku dirisanaa qeybsashada xeebaha Somaaliya ayaa arinkaas ka horjoogsaday.


Waxaa intaas la jirta, in gobanimada Somaaliya ee 1960 iyo baaddigoobka “Somali weyn” ay colaad cusub soo kordhisay. Waxaa soo if-baxay iska horimaadka labo mabd’a oo caalami ah oo mid ka mid ah Somaalidu qabsatay, kan kalena Itoobiyaanku ku dhegeen. Midka Somaalidu ku qabsatay wuxuu ahaa “aayo ka-talinta shucuubta” (self-determination). Midka kale oo Itoobiya ku dhegtay wuxuu ahaa qodobka dhawridda xuduudaha dawliga ah”(territorial integrity). Qodobkaan dambe waxaa sii xoojiyay in dawladaha Afrika ku heshiiyeen Qahira 1964 inaan xuduudihii isticmaarku sameeyay aan la isku-fara-fareyn.


Arintaas Somaalidu waa ku qanci waysay, waxeyna ku doodeen in Itoobiya dhulkooda qayb ka mid ah xoog ku qabsadeen, lana qeybsadeen isticmaarkii reer Yurub. Sidaas darteed, arinku ma aha xuduudii isticaamku dhigay ee waa isticmaar Afrikaan ah oo loo baahanyahay inuu gobonimo siiyo dadkii uu gumeystay sida reer Yurub u siiyeen. Dhanka kale, Itoobiya waxey ku dooday, iney ka koobantahay qawmiyado badan oo xoog la isku keenay, haddii hal qawmiyad la sii daayo, waa kala go’goaysaa. Doodahaas marki la isku mari waayay, ayaa dawlad kasta waxey ku talaabsatay xaqiijinta himilladeeda. Waxaa la isku gurtay hubka, waxaa la dhisay ciidamo lixaad leh, waxaana afka la iska daray dagaallo 1964 iyo 1977/78. Dagaalkii ugu dambeeyay markii Somaalidu guulo kaso hoysay, waxaa usoo gurmaday Itoobiya dalaka Ruushka, Jarmaalka Bari, Yaman, Kuuba iyo Liibiya. Sidaas ayaa Somaaliya looga adkaaday dagaalka. Fashalka dagaalka waxaa la bilowday burbur aan xad laheyn iyo qaran-jabkii Somaaliya.



Waxaa intaas la raacsiin karaa, in labada dawladood doonteen dawlad weyn ay ku tiirsadaan: Ruushka iyo Marekanka oo iyaguna dagaalkii qabowbaa (Cold War) ku marqaansanaa. Waxaa dawlad kasta gacan siisay mucaaradka hubeysan ee dawladda kale. Somaaliya waxey taageertay, jabhadaha hubeyan ee qawmiyadaha Itoobiya sida Jabhadda Tegreega (EPRDF), tan Somaalida (WSLF), tan Oromada (OLF) iyo tan Eriteriyaanka (EPLF). Sidoo kale, Itoobiya waxey taageertay Jabhadaha qabaa’ilka sida Jabhadda Majeertaynka (SSDF), tan Issaqa (SNM), tan Hawiyaha (USC) iyo tan Ogaadeenka (SPM).


Jabhadaha Somaaliyeed ee Itoobiya tageeri jirtay waxey rideen dawaldnimada Somaliyeed 1991 ee ma ridin nidaamka xukunka haystay, mana ku bedelin xukumaddii hore mid kale oo shaqeysa. Laakiin, Jabhadihii Itoobiya ee Somaalidu taageri jirtay waxey rideen nidaamkii xukunka haystay ee ma burburin dawladnimadii Itoobiya. Sidaa ayaa Itoobiya waxaa xukunka la wareegay dawlad madaxdeeda abaal weyn ku leedahay Somaalidu. Dhanka Somaalidana waxaa la sameyn waayay dawlad dhexe oo shaqeysa 1991, waxaana bilawday waqtigii jabhadeynta, dagaallada sokeeye iyo kala qeybsanaanta.


Colaadii Somaaliya iyo Itoobiya waxey sababtay in Somaaliya burburto, Itoobiyana dhaawac halis ah soo gaaro. Itoobiya waxaa isbdelay qaabka xukunka iyo qawmiyada xukunka haysatay. Xukunkii boqortooyada ahaa iyo qawmiyadii Amharada ee xukumi jirtay waa la bedlay oo waxaa talada dalka la wareegay qawmiyadda Tegreey. Waxaa kale oo Itoobiya noqotay dawlad aan xeeb laheen markii ay ka go’aday Eritereeya. Waxaa intaas uga sii daran colladda weyn ee ayaga iyo Eritereeya u dhexeysa iyo dagalka leebka iyo qaansadu isku-saarantahay.


Hadaba, burburka Somaaliya muxuu dhib iyo dheef uu ukeenay labada dal? burburka Somaaliya iyo furfurnaashaha Itoobiya, waxey keentay isdhexgal iyo isbarasho aan hore loo arag, waxaana xoogeysaty xiriirka labada shacab. Laakiin, dawladda Itoobiya oo waliba ay madax uyihiin ragg Somaaliya soo kaalmeysay kama faa’ideysan marxaladda cusub, waxeyna sii wadeen “istritaateejiyadii dawladaha Itoobiya ee soo jireenka aheed ee ku wajahneed Somaaliya”. Madaxda cusub ee Itoobiya waxey ku fashilmeen in bog cusub oo callaaqaad ah sameeyaan oo Geeska Afrika u horseeddaan nabad iyo hurumar.


Istrateejiyada Itoobiya ee ku wajahan Somaaliya waxey ku dhisantahay in laga niyad jebiyo Somaalida iney dawald noqn karaan ayada oo nabad iyo xasilooni loo diidayo, laguna mashquulinayo dhismaha dawlado goboleedyo iyo maamul deegaameedyo. Itoobiya waxey ka faa’ideysataa mashruuca la dagaalnka argagixisada iyo in ayan jirin dawlad kale oo tartan kula jirta arimaha Somaaliya. Waxaa arinkaas markhaati u ah fashilinta joogtada ah ee dawlad kasta oo la soo dhiso. Itoobiya waxey kasoo horjeedaa dhismaha dawlad dhexe ee Somaaliya, waxeyna mar kasta ushaaqaleysaa god, waxeyna hordhigeysaa turanturooyin ay ku fashiliyaan. Haseyeeshee, arinkaasu kama cafineyso Somaalida madaxda noqotay iyo aqoonyahaannadooda masuuliyadda weyn ee ka saarn qaranka iyo dawadnimada.


Fashilinta joogtada ah ay Somaaliya la daba joogto waxey ukeentay Itoobiya fashil siyaasi ah iyo mid militeri ah. Fashalkii ugu weynaa wuxuu uga yimid Itoobiya burburkii dawladii jabhadaha oo ay Kenya ku dhistay 2004. Dawladaas, in kasta oo ujeedada dhabta ah laga lahaa aheed in dawladii Carta lagu dumiyo, hadana waxey noqotay fashalka Itoobiya markii ay fadhiid noqotay. Waxaa fashilka Itoobiya sii kordhiyay soo gelitaanka ciidankooda ee Somaaliya iyo dagaalkii ayan guusha kasoo hoyn. Taallo-xumida Itoobiyaanka iyo tashi-la’aanta iyo tabar-daridda Somaalidu waxey sii kobcisay colaadihii taariikhiga ahaa.
Itoobiya maxey ka baratay arimahaas, Somaalida maxaa uga kordhay? Siyaasiyiinta labada dal waxey kala barteen waxyaabo badan, laakiin waxaan ka sheegaya hal qodob oo ah iney kala barteen sida uusan joogtada u aheen saaxibnimda siyaasiyiinta. Madaxdi saaxibada tariikhiga ah la ahaa Itoobiya sida Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Raisul-wasaarihiisa Cali Maxamed Geedi waa ay kala tageen. Madax kale oo shalay loo haystay iney colyihiin Itoobiya, maanta waa saaxiibo far iyo faraati ah. Waxaa kale oo hadda Itoobiyaanku raadinayaan saaxibo cusub oo ay ku bedeshaan kuwa hadda jooga marka ay colobaan. Sidaas darteed, siyaasiyiinta Somaalida iyo Itoobiyaanku waxey kala barteen in la isku meel gaaro. Siyaasadoodu waxey ku dhisantahay“ dano joogto ah ayaa jira ee saaxiibo joogta ah ma jiraan”.

Waxaa faragelinta arimaha Somaaliya ku dhiirigelinaya Itoobiya in suuqa siyaasadda ee Somaaliya uu la ciir-ciiraayo siyaasiyiin naq-raac ah oo “far u jawin kaliya sugaaya” oo magaca reeraha ama diinta ku hoos gabanaya. Siyaasiyiintaasu wax dan ah kama laha maslaxada, sharafta iyo karaamada dadkooda iyo dalkooda. Waxaa Itoobiya ku guuleystay in siyaasiyiinta noocaas ah in “ruux aan Itoobiya saaxiib la aheen inuusan madax ka noqon karin Somaaliya”. Waxaa fikirkaas rumeysan koox niyad jabsan oo xukun doon ah. Laakiin, waxaa la hubaa in ruuxii cunto dhacday raqiisnimo ugata inuu dhuban iyo calool xanuun ka qaadayo. sidaaso kale ayaa Itoobiya haysata oo saxibadeeda iyo ayadu waa “isku yaac iyo kala yaac, isku daneysi iyo kala daneysi”. Waa sida aroos beeneed in la isku meelgaarayo oo la isfuridoono la hubo.


Gunaanadkii, maslaxada shacbiga Itoobiya kuma jirto sii socoshada dawlad la’aanta Somaaliya, waxaana labada shacbi u baahanyihiin daris-wanaag, iskaashi iyo is-qadarin . Laakiin, siyaasadda dawladda Itoobiya sida ay hadda tahay ma horseedeyso xaqiijinta himilooyinkaas. Sidaad darteed, Itoobiya waa iney bedeshaa siyaasadeeda. Rabitanka laba shacbi ee Itoobiya iyo Somaaliya ee nabadda, nolosha iyo hurumarka waxey ku imaneysaa oo kaliya dawaldnimo hufan, demoqraadi ah oo ka dhalata laba dal oo himladda nabadda horseed ka noqota.




Cabduraxman M. Cabdullahi (Baadiyow)

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Saturday, February 13, 2010

Waayahii Iyo Wacdigii Aan Ka Korodhsaday Nolosha UK: Weli Ma Lagu Yidhi CAADI ISKA DHIG!! Weli Waa..

Akhristow noloshu kala aayatiin wacan, kala iftiin iyo xarago mudan, kala qiimo iyo qadarin badan, kala damac iyo dirsooc badan, kala tiif iyo tamar badan, waxaan dalkani boqortooyada ingiriiska noloshiisa bilaabay sannadkii 2007-dii bishii July 14-keedii, waxaanan badiba soo koobay magaalooyinka ay u badanyahiin dadka soomaalidu ka bilaw magaalo madaxda London, Birmingham, Bristol,Leicester, Miltonkaynes, Walsall iyo Coventry.


Guud ahaan dadka soomaalida ee ku dhaqan dalkani ingiriisku waxay u badanyahiin dadka ugu nolosha liita marka la barbar dhigo dadyowga kale ee ku nool dalkani ingiriiska, xafiiska arrimaha gudaha ee dalkani ingiriiska ee loo yaqaano HOME OFFICE ayaa soomaalida ku tilmaamay qoomiyadda afraad ee ugu tirada badan dalka ingiriiska marka laga yimaado dadka waddanka iska leh ee cadaanka ah, dadka ka yimid koonfurta Asia, iyo dadka ka yimid dhinaca iyo jasiiradaha carribeanska ku teeddsan ha u badnaadeen qoomiyadda loo yaqaano Jamaicans, markaa soomaalidu waxay soo galaysa kaalinta afraad.

Barnaamijka Panoroma ee ka baxa telefishanka BBC1 ayaa sannadkii 2007-dii daraasad uu ka sameeyey nolosha dalkani ingiriiska iyo sida qoomiyadaha ku nooli ugu kala waxtar badanyahiin dhaqaalaha britain markay noqoto yaa wax tara dhaqaalaha dalka ingiriiska ayaa wuxuu soomaalida ku tilmaamay qoomiyadda ugu liidata ee ku tiirsan dhaqaalaha ay dawladdu siiso %92 dadka soomaalidu waa dad qaata lacagta caydha loo yaqaano afka ingiriisigana loogu yeedho "Public Benefits" waxaanay u badanyahiin dad aan shaqaysan, halka dadka ka soo jeeda dalalka maraykanka iyo Hindiya ay cilmi baadhista barnaamijka Panaroma lagu ogaaday inay noqdeen dadka ugu waxtarka badan dhaqaalaha dalka ingiriiska oo soo geliya dalkani cashuur badan oo laga qaado shariikadaha ay leeyahiin iyo weliba kuwa shaqeeya cashuurta laga qaado.

Dhibaatada soomaalida Britain kuma koobna keliya faqriga iyo noloshooda liidata balse waxaa u raacay akhristow jahawareer iyo maskax milan ay ka qaadeen dhaqanada is dhex gooshaya ee dalkani boqortooyada ingiriiska oo ay ku noolyahiin in ka badan 140 qoomiyadood oo kala midab, jinsi, diin iyo dhaqan ah, daraasad aan anigu si gaar ah ugu sameeyey dadka soomaaliyeed ayaan ku ogaaday in 10-kii qoys ee ku nool dalkani ingiriiska 6 ama 7 ka mid ah ay dhex taallo dhibaato horseeda inay qoysaskoodu burburaan, badankana waxay dhibaatadaasi ka timaada is fahan la'aan weyn oo ka dhex abuurma lamaanaha nolosha wadaagaya taasina waxay keenta in hantidii keli ahayd ee alle siiyey oo ahayd ubadka ay ku khasaaran, tusaale ahaan %60 caruurta ku xidhan jeelasha magaalooyinka Bristol iyo London waxay u badanyahiin soomaali ku dayacantay burburka qoyskii ay ka tafiirmeen.

Guud ahaan nolosha waddanka ingiriisku waa mid aad uga fog noloshii ay ku barbaareen badiba dadka soomaaliyeed ee waddankani usoo haajiray, mana laha sida dhulkii soomaalida ee ay ka yimaadeen waxyaabo nolosha madadaaliya waxaanay taasi ku kelifta in ay ku dhex baaridaan haweenku guryahooda, aad ayey u adagtahay inaad aragto qoysas soomaaliyeed oo sida dhulka soomaalida lagu yaqaanay isku wareega ama sheeko iskugu taga iyadoo nolosha kala lakabka saraysa ee ay soomaalidu kaga noolyahiin bedweynta nololeed ee Britain ay ugu wacantahay.

Waxba yaanan hadalka ku dheeraane soomaalidu waxay tidhaahda "Isha Macalin ah" waxaan uga gol leeyahay kollay intiina aan nolosha halkani UK taalla aan dhadhamin waa idinku sheeko balse waxaan jecelahay inaan dul maro weedhahii ku soo biiray af soomaaliga dadka ku dhaqan dalkani ingiriiska iyo weliba af-caasha uu dhaqanka iyo waayahu barray.

Badanka way adagtahay in la is haleelo iyadoo ay ugu wacantahay waayaha dalka yaalla, balse miciinka keliya ee dadka isku dhaweeya waa is gaadhsiinta, waxyaabahase aniga naftayda sida gaarka ah uga yaabiyey ayaa ah dhawr ficil iyo weedhood oo aan arkay, haddiiba aad akhriste ku cusub tahay UK way u fududahay ama u sahlantahay dadka kaaga soo horeeyey inay ku gartaan bilawga noloshaada cusub ee Britain, "haddii aad aragto nin sallaanta badiya iska waran? Maxaad sheegtay? reerkii ka waran? maxaad ku barideen? su'aalahaasi dadka weydiiya waa calamaadka lagu garto qofka cusub, waxaana looga yaqaana halkani alla hebel waa Fareesh (Fresh) weli taasi oo mac-naheedu tahay weli nolosha lama qabsanin.

Weedhaha kale ee dhegahaygu ka yaabeen isla markaana maalmahii hore aan aadka ugu qosli jiray waxaa ka mid ah markaad qof dhawr kelmadood is weydaarsataan wuxuu kuugu jawaabaya "Caadi Iska dhig" iyadoo mac-naheedu tahay waan ogahay ama hadalka soo gaabi iyadoo aan halkani hadalka tafaasiisha badanleh aan laga jeclayn dadkana aad moodo inay maskaxda neerfis (nervous) ka noqdeen, ficilada kale ee aan aadka ula yaabayna balse noloshu igu qasabtay hadda inaan barto waxay tahay dadka soomaalidu haddii ay iska soo hor baxaan isma salaaman, waana mid ka mid ah dhaqanada yaalla halkani qofka haddii aad garanayso xita way kugu adagtahay inaad sallaanto, haddii aad qofkaasi sallaantana isagoo yaaban ayuu kaa qaadaya hadal badana kugu darsan maayo, dabadeed niyadda ayuu iskaga sheegaya inaad ku cusub-tahay waddanka.

Dadka ku cusub dalkani ingiriiska waxaa loo bixiyey Fresh "alla habel ama heblaayo waa fresh" taasi mac-naheedu waxay tahay weli qalbigiisii iyo maskaxdiisii waa nadiif oo ma cuslaanin, markaa naxariistii iyo furfurnaantii ayaa weli ka sii dhex guuxaysa, ama waxaaba lagu odhanaya "waad daali doonta" taasi oo ku muujinaysa sida soomaalida UK ku nool iyo waayahii ay ugu yimaadee ay iskaga soo go'eeen.

Qormadani ta xigta akhriste waxaan ku eegaya qoys burburka ku dhacay jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalkani ingiriiska iyo saamaynta ay noloshooda ku yeelatay la soco, balse aan ku soo gunaanado murtidii xasan ganay:

Adduunyadu sharaf-bay lahayd

Shillaa gobonimo u tiil

Maahmaah uu shaacir yidhi

Ayaa sheegtoo tidhaah

Shallay dhaantaa la yidhi



Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

DCS and Financial Advisor

Barclays Bank, The Resource Centre

Coventry, UK


Msc-Banking and Finance Coventry University, Bsc Preston University, Higher Diploma financial management Cambridge University,