Search This Blog

Monday, January 25, 2010

Real reason why Somalis are targeted in arrests


The riots and destruction of private property that occurred 10 days ago around Jamia mosque in Nairobi must be condemned. It was a shameful event with many losers and no winner. The Muslims that triggered the initial demonstration were wrong. Their activities must be condemned in the strongest terms possible.


But it seems the dreary response by the government in stopping the destruction of private property was deliberate. The involvement of some civilians in quelling the demonstration is most alarming. What was the real complaint of the Muslim demonstrators? Wasn’t it a senseless and unnecessary demonstration?

How can some fringe members of the Muslim community be aggrieved by the arrest of a Jamaican national, Sheik al-Faisal? We must never lose sight of the fact that al-Faisal is a hate monger with a criminal conviction. His continued stay, as we saw, is most undesirable. What he intended to preach, if given an opportunity, is anybody’s guess.

Al Faisal is not even an Islamic scholar, no matter how liberal we construe the term. He is a rabble rouser who cut his teeth on the radical fringes of the Muslim community in Britain. The demonstration organised by fringes of the Muslim community was a most unfortunate one, devoid of a cause.

The plight of the Jamaican was highlighted by Al Amin Kimathi, the leader of the organisation called Muslim for Human Rights. He fights endless legal battles with the government in and outside the courts. None of his cases have been heard on the merits. He twice organised demonstrations over the Jamaican preacher’s fate. The first was peaceful.

The second was ugly and bloody. Was he right? He was wrong on both occasions. Was he entitled in law to demonstrate? He was absolutely within his legal rights to demonstrate. To internalise democracy, we must allow Kenyans the right to demonstrate peacefully. Al Amin and his rowdy gang ought to have been allowed to demonstrate under police supervision.

What was the government’s fear, especially since the first demonstration went on peacefully? Prior to the reforms introduced in 1997 through the IPPG, demonstrations were tightly regulated and almost impossible under the Kanu regime. After 1997, the Public Order Act was repealed.

For one to demonstrate, a mere notice to the police officer in charge of the nearest police station is all that was required. This notice doesn’t mean that the police officer sets in judgment or has discretion on whether or not to allow the demonstration. The government went into full swing after the riots.

As expected it zeroed in on Eastleigh and a number of neighbourhoods predominantly inhabited by the Somali community. The announced aim was to arrest and repatriate all foreigners who are in the country illegally. That is a laudable intention and many Kenyans are with the government on this.

In light of the threat posed by terrorist organisations, the government must be supported in this endeavour. But the reason the government is arresting every Somali on the streets of these neighbourhoods is different. It all goes back to the edict issued by the Permanent Secretary in the Office of the President to conduct an audit of property in Nairobi.

I am not privy to the intelligence that informs a new policy being implemented by the Office of the President. It is an open secret that certain sections of government are uncomfortable with the reported ‘‘explosion’’ of population numbers in Northern Kenya as enumerated in the census of last year. The Jamia Mosque fiasco brought to the surface the shameful ethnicity in the security apparatus of the State.

When one saw the TV footage in the evening news showing MPs from Northern Kenya meeting the minister in charge of security, his permanent secretary, the police commissioner, the AP commandant and the director-general of the National Security Intelligence Service (NSIS), one saw something resembling a meeting of two warring tribes.

One armed and in control of the apparatus of the State, the other unarmed. This mono-ethnic monopoly of State security institutions presents the greatest threat to the national security of the country, the phobia of Somalis by the Office of the President notwithstanding.

The MPs, while opposed to the Jamia demonstration, were nonetheless also unhappy with the slow response of the police and the alarming presence of vigilantes who supported the police. Involvement of civilians in quelling the Muslim demonstration also raises questions: Was it planned by government? If so, then this is a most menacing signal to Kenyans of a new weapon in government’s arsenal.


Ahmednasir Abdullahi is a former chairman of the Law Society of Kenya: ahmednasir@ahmedabdi.com

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Wiilka Soomaaliyeed oo mar kale Man City u saftay FA Cup

LONDON, CIYAARO-Ciyaar aad u wanaagsan oo galabta si toos ah looga daawanayay Televisionada caalamka oo dhan iyo dalka Ingiriiska oo ay dhaxmareysay kooxaha kale ah Manchester City iyo Scunthorpe koobka FA dalkaan ayaa waxaa markii ugu horeysay galabta lagu dhax arkay Wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Abdi Salaan Ibraahim Cadaay, kazoo watey funaanada lambarkeedu yahay 48 islamarkaana ka mid ahaa ciyaartooyda kooxda Man City.



Kooxda Man City oo ah koox weyn islamarkaana ay u dheelaan laacibiin heer Qaran ah ayaa waxaa leh hantiile Carab, ka mid noqoshada kooxdatan iyo inaa hadane noqoto 11 ciyaaryahan ee lagu bilaabayo ciyaarta ayaa ah wax aan sahlanayn, marka aad milicsato heerka kooxda ka joogto horyaalka dalka Ingiriiska oo aan oran kara mid ka mid ah horyaalada caalamka ugu xiisaha badan.

Cabdi Salaan Ibraahim Caddaay ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee ka ciyaara dalkan iyo koobka FA oo ah koobabka caalamka ugu faacaweyn islamarkaana ugu caansan.

Run ahaantii magaalada London bahda isboortiga oo meelo kale duwan ka joogay magaalada ayaa dhamaantood ila soo xariirey islamarkaana aad ugu faraxsan inay arkaan wiil Soomaaliyeed oo garoonka ka dhaxmuuqda, iyadoo wariyaha ciyaarta sheegayay uu xusay inuu yahay Ciyaaryahan ku dhashay dalka Soomaaliya ciyaaryahan C/salaam Yare.

C/salaam oo numberka 48 xirta ee kooxda MAN CITY iyo Ayub Da’ud oo xirta isna number 47 ee kooxda Juventus ayaa waxaa oran karaa kuwo u noqon kara tusaale ay kaga daydaan(Rol Model ) dhalinyrada Soomaaliyeed.

Kooxda Man City ayaa kooxda Scunthorpe ayaa waxay ciyaartii ku soo dhamaatey in kooxda Ibrahim ay ku badiso 4 goal halka kooxda kalane ay keentey 2 goal,

Markii ciyaarta dhamaatey ayaa waxaa wareysi bixiyay macalinka kooxda Man City Roberto Mancini oo u dhashay dalka Talyaaniga, muxuu ka yiri ciyaarta iyo ciyaartooyda cusub ee kooxdiisa (sii aqri xaga hoose).

Waxaa la sadaalinayaa mustaqbalka dhaw in Soomaali badan lagu arki doono garoomada waawayn iyo kooxaha ka dheela madaama ay u soo gudbeen ciyaartooy da’yar Soomaaliyeed heerka kowaad ee kooxaha wiilashan halka waalidiinta Soomaaliyeedna looga fadhiyo inay caruurtooda gacan ku siiyaan sidii ay ku gaari lahaayeen heerar sar sare, bahda isboortiga iyo waalidiinta da’yarta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaan waxaan jeclaan lahaa ku arko iyagoo xiran lambarada 48 iyo 47 oo ay ku qoran yihiin Ibrahim iyo Ayub si dhiirigalin ugu noqoto laacibiintaan cusub anagana ay noogu noqoto wax aan ku faano oo aan ku dhiirigalino waayo waxaan arkaa Soomaali badan oo ku dalkaan oo xiran maaliyado kale duwan oo hadane ku qoran yihiin laacibiin aan Soomaali ahaan, kuwaasoo qaarkood Afrikaan yihiin, marka maanta wixii ka dambeeyo balanteenu ha noqoto inaa xirano Lambarka iyo magaca wiilasha Soomaaliyeed waayo sida runtii ah magacii Soomaaliyeed ayay kor u qaadayaan anagana iyaga kor u qaadaynaa si aan bulshada aan la joogno u tusno inaan leenahay ciyaaryahano magac leh oo ka dheela Horyaalada caalamka ugu adag sida dalkaan England iyo Italy.

Waxaan leenahay hambalyo iyo guul wacan insha Allah, waxaana ka filaynaynaa hadii ay meel fiican sii garaan inay Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda cagta dalkeena gacan weyn siin doonaan mustaqbalka sida ay yeleeyeen ciyaarayahanada kale .

W/D:YUSUF YUSUF

Sports editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London





Xarakada Shabaab oo kiciyay Wiishkii caanka ahaa ee Warshada Balcad


Xarakada Shabaab ayaa maanta kiciyay Wiishka caanka ahaa ee Warshadii Balcad, kaasoo shaqaalihii ka howl geli jiray Warshadaas loogu yeeri jiray, waxaana maanta ay warbaahinta ay tuseen agabkii warshadaas oo aan halna ka maqneyn.



Koox Suxufiyeen ah oo Shabaabka ka wadeen magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta soo tuseen Agabkii warshadii balcad ay laheyd, kadib markii horay u bililaqo u geysteen, hase ahaatee ay dib u celiyeen sida ay dadka deegaanka soo sheegeen.
Saraakiisha Alshabaab ayaa wariyeyaasha ku soo wareejiyay agabkii yiil warshadaas oo ka mid ah warshadaha kaliya ee ka bad baaday bur burkii dalka, waxaana dadka reer Balcad ay maanta qiiro ku reebtay wiishka la yeeriyay.


Mid ka mid ah Engineerada Warshadaas ayaa sheegay in warshada ay howl geli karto, isla markaana ay u baahan tahay kaliya dayactir, waxaana warshada ay leedahay 154 Mashiin oo dharka lagu soo saari jiray.

Bilo ka hor ayay ahayd markii laha been abuuray  Alshabaabka lagana sheegay waxaan horey looga baran.


Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiiin oo Maamul cusub u magacawday Gobolka Galguduud


Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa markii ugu horreysay maamul u magacowday Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya iyo Degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolkaas, iyadoo xafladdu ay ka dhacday Degmada Ceelbuur.



Magacaabidda labadan maamul oo ka mid noqonaya maamullada Xarrakada ee ka jira Gobollada dalka intooda badan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa aqoonyahanno, culummo iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolkaas.

Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo ah Madaxa Siyaasadda iyo Xiriirka Gobollada ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku dhawaaqay Magacyada mas'uuliyiinta loo magacabaay Gobolka iyo degmada, iyadoo xubnaha la magacaabay qaarkood ay madasha ka maqnaayeen.

Maamulka Gobolka Galguduud loo magacaabaya ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

Sheekh Yuusuf Ciise Axmed (Kabo-ku-tukade), Guddoomiyaha Gobolka Galguduud

Sheekh Daahir Macallin Axmed, Mas'uulka Garsoorka

Sheekh C/kariin Maxamuud, Mas'uulka Xafiiska Dacwadda iyo Tacliinta

Sheekh Xasan Yaasiin Geeddi, Ku xigeenka Mas'uulka Dacwada iyo Tacliinta

Sheekh Xasan Cali Geeddi, Mas'uulka Ammaanka

Sheekh C/qaadir Axmed Samatar, ku xigeenka Mas'uulka Ammaanka

Sheekh Xuseen Ibraahim Cali, Mas'uulka Maaliyadda

Sheekh Cimraan Bashiir Max'ed, ku xigeenka Mas'uulka Maaliyadda


Maamulka degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa iyagana waxaa loo magacaabay Mas'uuliyiinta kala ah:

Ciise Barre, Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur

Khaliif Qaariye Farey, ku xigeenka Guddoomiyaha

Sheekh Abubakar Muuse Max'ed, Mas'uulka Garsoorka

C/qaadir Cali Axmed, Mas'uulka Tacliinta iyo Dacwada

Inj. Axmed Cabdi, Mas'uulka Ammaanka

Jiinow Cali Ibraahim, ku xigeenka Maamulka Ammaanka
C/llaahi Abshir Faarax, Mas'uulka Maaliyadda
Ciise Salaad Cali, ku xigeenka Mas'uulka Maaliyadda

Mas'uulka xiriirka Gobollada iyo Siyaasadda ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo la hadlay mas'uuliyiinta ayaa ka dalbaday inay ka shaqeeyaan sidii ay dadka ugu adeegi lahaayeen, wuxuuna sidoo kale ka dalbaday dadku inay maamullladan gacan siiyaan.


Gobolka Galguduud ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo dagaal kula jira Xarrakatul Shabaab, iyadoo mas'uuliyiin saakay u hadlay ay sheegeen inay la yaaban yihiin maamulkaas loo magacaabay Gobolka.










Banaadir Post

Sunday, January 24, 2010

Mid ka mid ah masuuliyintii shalay dowlada Somalia ay u magacowday maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ka soo horjeestay xilkii loo dhiibay


Masuul ka tirsanaa kuwii maalinkii shalay madaxweynaha dowlada Somalia uu u magacaabay gobolka Sh/dhexe ee dalka Somalia ayaa sheegay inaanu diyaar u aheyn qabashada xilka loo magacaabay xiligan.



C/llaahi Cali Maxamed oo ah masuulka iska diiday Xoghayaha Guud ee Gobolka Sh/dhexe ayaa ka dib xiriiro uu la soo sameeyey warbaahinta magaalada Muqdisho isagoo ku sugan gobolka Sh/dhexe waxaa uu intaa ku daray in diidmadiisa uu ku wargeliyey masuuliyintii u soo bandhigtay arintaasi dhowr jeer oo hore ka hor inta aan loo magacaabin xilkaasi uuna ka cudurdaartay arintaasi.


“Aniga waxaanba moodaayey markii aan diiday xilkaasi in a iska key daayey, waxaana aad ula yabaay markii la ii sheegay in la ii magacaabay shalay xilkii aan horey u diiday oo laga sii daayey idaacadaha, websiteyadana lagu soo qoray” ayuu intaa ku daray Cabdullaahi Cali Maxamed.

Waxaa uu sheegay in haatan uu yahay nin maclin ka ah dugsiyada ku yaala gobolka Sh/dhexe, uuna ku qanacsan yahay macalinimadiisa, waxaana ka codsanayaa ayuu yiri dowlada Somalia in magaceyga laga tiro liiskaas laguna bedelo qof kale oo diyaar u ah.

Diidmada masuulkan ee xilka dowlada Somalia ay uga magacowday gobolka Sh/dhexe ayaa ku soo beegmaya xilli Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay ka taliso guud ahaan gobolkaasi dowladuna uusanba gacanta ugu jirin.











dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com

Faalo (Axmed Tuke, Shariif Sakiin & khaadim al-Sharifeyn)!-

Soomaaliyeey waxaa la inaga xukumaa diyaarad dusheed ama hoteel duleedkii



Burburkii Soomaaliya ka dhacay laga bilaabo 1990 iyo joogeena oo weli socda, 14 jeer ayaa beesha caalamka isku deydey in Soomaalida ay dib u heshiisiyaan. 2002 shir lagu heshiisinayo umada Soomaaliyeed ka furmey dalka Kenya, kaasoo ku dhamaadey in lagu dhiso Dowlad 2004. Dowladaas waxaa saldhig u noqotey magaalada Jowhar, ka dibna magaalada Baydhabo ugu dambeeyntiina Xamar halkaas oo ay ku fashishey.



Marba mar bay dhaantaae waagii Baarlamaanka Soomaaliyeed markuu Jowhar saldhiga u ahaa ka dibna Baydhabo, Xildhibaanada Soomaaliyeed waxeey awood u lahaayeen in ay shiraan, in ay doodaan, mooshino diyaariyaan Dowlada ku cambaareeyaan waxa aan umada iyo dalka aan dan u ahayen ilaa iyo Dowladii ay ku rideen. Marxalada hada aan mareyno ayaa waxa ay tahay in dalkeena oo 637,991 Km2 (Kiloomitir wareeg) ka kooban laga waayeey magaalo qura ah oo si ku meel gaar ah kol ay ku tahayna salka loo dhigo Baarlamaanka ilaa iyo inta laga dhisayo Dowlad. Khasab waxa nagu noqotay in aan Jibuuti mar kale marti u noqono dhaqaale ciida ka badane madaxeena ku helaan iyagoo dadaal ugu jirin in heshiino.

Dowlada cusub markii la dhisay uu Madaxweeynaha ka yahay Axmed Tuke, R/Wasaare ka yahay khaadim al-Sharifeyn (u adeegaha labada Shariif), maamulaha weeyn oo taladu ka go’do ka yahay Shariif Sakiin.

Mas’uliyiintaas ina xukuma khasab waxeey ku noqotay in ay 2 Km wax ka badan ay Filla Soomaaliya dhaafi waayeen, taas waxaa sii dheer waxay door bideen in ay diyaarad dusheeda ama hoteel duleedkii dalka ku xukumaan, Axmed Tuke iyo Wasiiradiisa marka ay dhoofaan Shariif Sakiin iyo Wasiiradiisa ayaa madaxa soo tusa mid kastena ugu badnaan labo usbuuc buu joogaa. Waxqabadkoodi wuxuu ku koobmey in ay marba Dowlad hoos dhigtaan gorofka cayreed waxa ay yaboohsadaan oo loogu rido umada Soomaaliyeed oo gaajeeysan shilin iska daee shaah kama cabaan, iyagii baa isku qabsada.

Madaxdeena sare iyo Wasiiradooda waxaay ku caan baxeen in ay dalka iibsadaan waxaana ka mid ah qandaraas lala saxiixday dalka Kenya oo loo hibeeyey baddeena nus qiimaha lagu iibsadeyna uu yahay cad quureed, qolooyin kale oo loo saxiixay in ay badddena iyo berrigaba haraadiga sunta warshadaha ku shubaan, qaarna loo saxiixey kallumeysi aan qiyaas laheeyn in ay ka kallumeystaan iyagoo kallumeysatada Soomaaliyeed waayeen meel ay ka kallumeeystaan maxaa yeelay qolooyin kaas oo wata maraakiib casri ah warshadahoodina ku dhex yaalin illa iyo ciidii baddeena ay xaalufiyeen, iwm. Intaas waxaa ka daran in ay lug ku leeyihiin kana dambeeyaan sida foosha xun ee bani adanimada ka baxsan loola dhaqmay Xildhibaanda iyo shacabka Soomaaliyeed e degen dalka Kenya. Ujeedada ugu weeyn laga leeyahay waxa ay tahay in la barakiciyo Xildhibaanada jooga Nairobi kuwaas oo ka soo hor jeeda Dowlada sideysan u helin meel iyo wakhti ku shiraan kagana doodaan sida ay Dowlada ugala

doodi lahaayeen waxyaala ku dhaliilayaan.

Soomaaliyeey soo gababeyoo, Dowlada ku uruursan Filla Soomaaliya saarana diyaarada dusheeda, degena hoteelada adunka ugu qaalisan dadkeenina madfac ka dul yeerayo dibedana daadsan yihiin gaajana diirkii ku dhegay is weeydiyoo maxeey dan ah oo dadka iyo dalka u haysaa?



Allidamaale Axad