Search This Blog

Tuesday, May 19, 2009

Wasiirka Amniga Somaliya oo ku sugan Magaalada Addis Ababa xilli Ciidamo Ethiopian ay manta soo galeen…

Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladda Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, iyadoona socdaalkiisa uu ku soo beegmay xilli Dowladda ay qatar ugu jirto inay bur burto, kadib markii Xoogaga ka soo horjeeda ay ku hareereeyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Socdaalka Wasiirka Amniga oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaan la ogeyn waxa xilligan ku soo beegay, hase ahaatee waxaa socdaalkiisa ku wehliyo Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan.Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Ammaanka Col. Cumar Xaashi uu kulamo dhinaca ammaanka la qaadanayo Wasiirada iyo Saraakiisha Nabadgelyada Midowga Afrika, iyadoona ay suurta gal tahay kulamo kale oo ay wada qaataan Dowladda Ethiopia.
Ma cada ujeedada Dowladda Soomaaliya, xilli ay xaalad adag ku jirto, waxaase la ogeyn in xilligan ay u yeeraneyso Ethiopia iyo in kale, bacdamaa ay caqabado ku hor-gudban yihiin, waxaana deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya soo galay Ciidamo Ethiopian oo fara badan, kaasoo aysan Dowladda Soomaaliya wali ka hadlin, mowqifkeeda dhabtana aanay cadeyn.

Ururka Midowga Afrika ayaa dhowaan sheegay in hadii la isku dayo in Dowladda KMG la afgambiyo ay xitaa u yeeranayaan Ciidamo ka baxsan Afrika sida Gaashaanbuurta NATO oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya, waxaana la ogeyn iminka qorshayaasha u duugan Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif.
Laakiin warar laga helay xaga diblomaasiyada ayaa sheegaya in Dowladda Sheekh Shariif ay aad isaga ilaalineyso inay u yeerato Ciidamada Ethiopia si ay isaga difaacaan Mucaaradka bahalada noqday ee ay Ajaaniibta wehliyaan, waxaana ay aad uga cabsaneysaa in shaatiga uu uga dhiiqoobay sidii Dowladdii C/llaahi Yuusuf oo kale, waxaana ay ku dadaaleysaa sidii aan u lumen laheyn kalsoonida shacabka, maadaama Ciidamada Ethiopia ay shacabka u arkaan Cadawgooda koowaad, isla markaana wali ay dadka dhagahooda ka yeereyso xasuuqii ba'anaa ee ay geysteen, Balse siyaasadu waa midi labo afley ah...............
Banaadir Post
Xamar..

Guri ay ku shirayeen ajnabiyiin iyo Amiirka Al-shabaab Axmed Godane oo qarax hareeyay


Guri ay ku shirsanaayeen saraakiisha sare ee Kooxda Al-Shabaab ayaa dhulka lala gooyey, kadib markii ay labo gantaal laga soo tuuray Maraakiibta Maraykanka lala beegsaday waxaana la xaqiijiyay inuu shirka ka socday gurigaas shir gudoominayay Amiirka Kooxda Al-shabaab Axmed Godane oo isagoo dhaawaca ay la baxeen labo gaari dagaal.

Gurigan ay ku shirayeen Saraakiisha Al-Shabaab oo ku yaal xaafadda Ciisse Cabdi ee Gubta, ayaa wuxuu gantaaladii lala beegsaday u geestay guryahii la deriska ahaa burbur xoogan.

Wararkan ayaa waxay sheegayaan in gurigan lagu dhiftay laba gantaal oo laga soo tuuray dhanka bada ee maraakiibta Maraykanka ku sugan yihiin, kadib taasna waxay sababtay in ay qarxaan sedexda gaari oo ag yaalay guriga oo ku rarnaayeen walxaha qarxa, lana doonayay inay galaan fariisamadda Ciidamadda Amisom ee Mogadisho maalimaha soo socda.

Inta la xaqiijiyay 11 nin oo Somali ah, sedex u dhashay bakistan oo kawada tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ku dhintay Guriga filadaa ee guud ahaanteeda burburtay, waxaana ku dhaawacmay Amiirka kooxda Al-Shabaab Axmed Godane oo wararka qaarna ay sheegayaan inuu ku geeriyooday dhaawiciisa.

Waa markii labaad ee kooxda Al-shabaab lala beegsado madaxdooda gantaal Tani waxay horseedi kartaa Nasri ay bulshada Soomaaliyeed helaan hadii ay dhab noqoto inay gudaha gurigaas ku halaagsameen horjoogayaasha Al-shabaab iyo ajnabiyiinta ka tirsan AlQaeda ee fidnada ka wada dalka Somaliya ..
Banaadir Post
Xamar cade.

Xizbul Islaam, AL-SHABAAB, Onlf, Maxaa kala dhexeeyo ALQAACIDDA.

Ujeedadii ururka al-shabaab oo bedelay hadafkiisii ahaa in dalka uu ka xoreeyo cadowgii ku soo duulay ee Ethiopia 2006, hadaba waxaa umada eey isweeydiineeysaa xagee u socdaan al-shabaab hadafkooda cusubna maxuu yahay ??? su áalahaa ayaan jeclahay in aan halkan uga faaloodo iyada oo eey diirada siyaasada dalka somalia xiligaan uu saaran yahay ururka al-shabaab iyo xawaaraha uu ku socdo.

Al-shabaab waxaa eey ka dhex dhasheen ururweeynihii maxkamadaha ee ka soo curdamay magaalada xamar bilowgii 2006 xiligaa oo eey xaaran ku haysteen caasimada dalka muqdishi dagaal Ogayaal u diiday nabada iyo wada noolaansho shacabkii ku dhaqanaa xamar kalana qobqobay magaalada Muqdisho geeysiiyayne in dekeda iyo madaarka xamar xirnaado in ka badan 16 sanno, waxaa uu ahaa kacdoon shacabka eey aad u taageereen marka aad dib u fiiriso dadaalka shacbka iyo sida eey u garab istaageen ururweeynahii maxkamadaha, waxaan marna maskaxdeena laga tirtiri karin sida shacabka ugu istaagay taakuleeynta iyo u garaagrka ciidamadii MMI ayaga oo meelwalba ugu qidmeeynayay biyaha,caanaha raashinka iwm iyo mabdaá qaaliga ah oo eey ku dagaalamayeen oo ahaa in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka, X.Daahir oo ahaa nin dagaalo faro badan dalka ka soo galay ahaana Al-itaxaad ayaa waxaa lagu sooryeeyay in uu noqdo gudoomiyaha shuurada halka Sheekh Shariif uu ahaa ninkii kala saaray xaqa iyo baadilka " Faaruuq " laga dhigay gudoomiyaha fulinta waayo waxaa uu dagaal aanan gabashio laheeyn ku qaaday ragii beel ahaan isku xigeen sida Bashiir Raage iyo N.Daqle Maxed dheere iwm.


Waxaan soo marnay 6 bilood oo lagu qiimeeyo 6 boqol oo sanno xligaa waxaa loo bixiyay xiligii dahabiga ee maxkamadihii awooda ku lahaa dalka somalia, balse waxaa xiligaa ka dhex jiray MMI loolan shacbka arkayay oo ku wajahnaa sida maamulaka uu u ahaan lahaa mid u dhaqma sidii dowlad oo kale, waxaan marna la iloobi karin Abu Cuteeyba iyo Indhacade oo aad isaga soo horjeeday qaabka loo wajahayo qaadka markii la mamnuucay,Sheekh Shariif waxaa uu qiray in qaraarwalba oo shuurada gaarto inta eeyan fulinta soo gaarin Indhacade ku dhaqaaqi jiray fulinteeda, dalka waxaa ku soo qulqulayay jabhada ONLF oo MMI u arkayay in eey hoy u noqon karaan, waxaana halkaa dagaalada ku wajahan Maquuste eey la galeen MMI Manaas, Iidaale iyo Gobolka Bay.


Dalka waxaa ku haray inta ugu badnaa dhalin yaradii dagaalka galay oo runtii u muuqday in eey yihiin kuwa ku taagan jidka xaqa ah, inta hogaanka MMI ahaa waxaa eey ka soo jeedsadeen Eritarea waxaana eey ku heshiiyeen dhismaha jabhada dib u xoreeynta balse taasi waxaa ka biyo diiday dhalinyarada la baxay al-shabaab oo runtii xiligaa sameeystay hogaan ka duwan kuwa MMI hogaankaas waxaa madax ka noqday rag aad ugu xirnaa ururweeynaha Al-Qacida halkaas ayuuna ku dhamaaday ujeedadii aheeyd xoreeynta dalka hooyo waxaana soo baxaday ujeedo aad u guracan lana mid ah mida al-Qaacida ee ah in aduunka eey xoreeyaan & diintana eey geeyn doonaan aduunka dhamaan,waxaanan marna la dafiri karin.


1) Magaalada Marka ayaa Nin lagu Magacaabo Ibrahim Almaqdis oo sheegay in uu ka tirsan yahay Mujaahiddiinta Alshabaab ku tilmaamay hadafkooda in uu yahay in eey socdaan ilaa Alaska oo ku taalla Mareykanka, Japan, Koonfur/Afrika, Turkiga, Japan sow Alshabaab Hadafkii u u abuurmay ma aheeyn mid Waddanka Soomaaliyeed looga Xoreynayo Cadawga Tigreega ah iyo badbaadinta shacabka 19 sanno dagaalka sokeeye isku ahyay.Fu-ad Shongole waxaa uu dhahay waxaan tageeynaa guriga cad ee mareeykanka,ninkaa cadaanka ah waxaa uu dhahay waxaan u soconaa USA ilaa Autrelia 5 qaaradood Alow sahar umuuraha.


2) Bin-ladin codkiisa ku wajahan dadka somalia waxaa la dhihi karaa waxuu ahaa mi cadeeynaya in Al-Qacida eey xoog ku leedahay dalka eeyna jiraan kooxo u dhago nugul hadalka Bin-ladin, haddii aad dhageeysato Fuad-Shangole iyo ninka muqaalka soo bandhigay waxaa la dhihi karaa waa raga Bin-ladin uu la hadlayay kuna dhiirogelinayay in dagaalka uu sii socdo dowlada midnimada qarane la rideeyo lagana tirtiro dalka.

3) Xisbul Islaam raga eey ka mid yihiin Xassan Mahdi waxaa aad ugu celceliyay in dagaalka eey sii wadayaan haddii xitaa shareecada la ogolaado dalkana eey ka baxaan AMISON, sow lama dhihi karo waa fikirkii Bin-ladin oo qayaxan, waa dhab in Xassan Mahdi iyo kooxdiisa eey leeyihiin hadaf guracan diidaya nabada iyo wada noolaanshaha umada somalia,suáasha jirtaa waxaa eey tahay maxeey tahay qandaraska Al-Qacida ku bixineeyso in dalka somalia dadkiisa iyo dadkiisa loo adeegsado gumaad lagu dabargooynayo jiritaanka sinjida somalia ???? ONLF hadafkooda waa in eeyan xasilin Somalia Ethiopiana laga xoreeyo dhulka Ogadeen, raga fikirkaa qabo waxaa ka mid ah kuwa aan hoos ku soo sheegay,X.Daahir oo aanan ka mid aheeyn xisbul Islaam waxaa uu aaminsan yahay in dagaalka uu gaaro Ethiopia maadaama uu jab xoogan kala kulamay xiligii uu ahaa madaxa Al-Itaxaad.

Xasan Turki (Ogaadeen) Gudomiye-ku-Xigeen koowaad, Max'ed Mire (Majeerteen)Gud-ku-Xigeenka labaad. C/lahi Khadaab (Reer Aw-Xasan) Xoghayaha Guud, Xasan-Mahdi (Reer Aw-Xasan) Afhayeen, Yaasiin Baynax Bare.

Al Shabaab waxaa hadafkooda uu la mid yahay midka al Qaacida dabcan Ethiopia ha ugu horeeyso sida aad marar faro badan ka maqasheen hogaanka sare ee al shabab in Addis -abbaba eey burburto sida eey u burburiyeen Ethiopia caasimadii dalka hooyo ee Muqdshio, hooyo Somali ah ayaa waxaa eey sheegtay in wiilashadeeda lagu gumaaday dagaaladii xabashida lagaga soo horjeeday wiilkii ugu danbeeyayne xisbul Islaam ku dileen xamar Alow sahal umuuraha.

Dr.Ali.A.Hirabe.
Hirabe_a@hotmail.com.


Monday, May 18, 2009

Weriye Khaalid"Noloshii aan xamar ku soo arkay".


Nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban, dad badan ayaa laga yaabaa marka ay arkaan cinwaanka maqaalka iney aad ula yaabaan ama ay yiraahdaan ninkaan maxuu ka wadaa doorashada cinwaankan, balse waxaan rabaa inaan kaaga sheekeeyo kharaar iyo macaan nolosha xamar taala.

Aniga waxaan ka mid ahaa dadkii intii badan ku noolaa xamar xiliyadii ugu dhibaatada badneyd sidaasi daraadeed waxaan rabaa inaan idinkaga sheekeeyo dhibaatadii xamar taalay welina sii socota.

Xamar waxaan ku arkay, hooyo ilmaheeda ku guubaabineysa iney dagaalamaan si reer tolkood loo difaaco, hooyadaasi markii loo soo sheego inuu dhintay mid ka mid ah ciyaalkeeda oo ay iyada dagaalka u dirtay ayey mashxarad ku dhaqaaqdaa taasi oo ku tusineysa inuu qalbigeeda mar hore dhintay oo aysan dhimashada ka naxeyn.

Xamar waxaan ku arkay wiil hooyadiis u sheegaya inuu soo laayey reer tolkeed iyadana ay ku habaareyso inuu ilaah ku dilo gacanta reer abtigiis.

Xamar waxaan ku arkay magaalo iska ganacsaneysa meeydkana uu meel walba yaalo, hadii loogu roonaadana baakad wajiga laga saaro inta laga helayo qof yaqaana ama ugu danbeynta la isla garto in la iska aaso.

Xamar waxaan ku arkay ciyaal aan argagax aqoon oo u daawasho tago dagaalada, meydkana aan ka naxin iyo darxumada dhaawaca.

Xamar waxaan ku arkay nin dilay nin kale misana meeshii uu ku dilay iska fadhiya oo shah iska dalbanaya aadana u haysan inuuba wax geystay.

Xamar waxaan ku arkay nin loo afduubanayo maadaama uu ilaah xoolo siiyey asaga ama reerkiisa lana rabo in xoog looga qaato.

Xamar waxaan ku arkay qof la silic dilayo iyadoo dhawaaqa ka baxaya qofkaasi la maqashiiyo ehelkiisa si lacag looga helo, hadii ay lacag bixin waayaana lagu sii wado silic dilka ilaa uu ka naf baxo.

Xamar waxaan ku arkay qof la afduubtay oo maalinba far ka mid ah farihiisa la jaro oo loo geeyo reerkiisa si cadaadis loogu saaro iney madax furasho bixiyaan.

Xamar waxaan ku arkay niman meel jid ah iska taagan oo dadka lacag ka qaata looguna magac daray (leejo) loona ogol yahay lacagtaasi si aysan dad kale u dilin.

Xamar waxaan ku arkay odoyaal gar u fadhiya oo dalbanaya diyada wiilkooda oo la dilay isaga oo wax dhacaya, kuna andacoonaya in wiilkooda uu masaajid muadin ka ahaa.

Xamar waxaan ku arkay gabdho baangado isla dhacaya kadib markii aroos ay ka qeyb galeen ay u kala safteen reer hebel iyo reer hebel.

Xamar waxaan ku arkay saqiir yar oo u oynaya inuu dagaal galo.Xamar waxaan ku arkay culumo masaajid ka istaagtay oo dalbaneysa in faataxada loo maro wiilashoodii oo reer kale u duulaan tagay.

Xamar waxaan ku arkay reer wiil laga dilay oo hadana laga dalbanayo iney bixiyaan qarashka rasaastii wiilkooda lagu dilay.

Xamar waxaan ku arkay ganacsade lag dalbanayo inuu bixiyo lacag hub lagu iibiyo si beel kale loo weeraro.

Xamar waxaan ku arkay dad iska dhistay guryo kale oo dad kale ay leeyihiin kuna andacoonaya in dhulka uu iska banaanaa.
Xamar waxaan ku arkay nin loo dilay maxaad u noqotay reer hebel.

Xamar waxaan ku arkay aqoonyahay gaajo la seexan waayey iyo jaahil dharag la seexan waayey.

Xamar waxaan ku arkay reer hebel ka fiican reer hebel kale.
Xamar waxaan ku arkay dhaktar aan jaamacad galin oo wax dabiibaya.

Xamar waxaan ku arkay kirishbooy ka laxajeclo badan darawalkiisa.

Xamar waxaan ku arkay qashin meel walba tuuran oo hadana qaadistiisa lacag badan lagu rabo.

Xamar waxaan ku arkay bahalo dhax taagan faras magaaladii.
Xamar waxaan ku arkay macalin dugsi quraan oo loo fakfakanayo kadib markii uu garaacay ardeygiisii oo looxa ka bixi waayey.

Xamar waxaan ku arkay dad kun shilin isku dilaya.

Xamar waxaan ku arkay gabar 13 jir ah oo korineysa agoon looga dhintay.

Xamar waxaan ku arkay macalin iskuul oo ardeygiisii uu baroon banaanka ula taagan kadib markii uu imtixaankii ku dhacay.

Xamar waxaan ku arkay ciyaal tikniko iskuula looga soo doonaayo.

Xamar waxaan ku arkay dad jeebka ku wata warqado ay ku qoran yihiin magacyadooda iyo cinwaankooda si hadii ay dhintaan loogu raadiyo.

Xamar waxaan ku arkay waalidiin murugo daashatay, maati uu qax daashaday. Iyo dhalaan uu cudur daashay.

Xamar waxaan ku arkay dad la yaabaya hadii uusan dhowr maalmood dagaal dhicin.

Xamar waxaan ku arkay dad dhamaantood wada jiran marka loo eego micyaarka caalamiga ah.

Xamar waxaan ku arkay dad iska xanaaqsan oo mar walba ay ku kacsan tahay.

Xamar waxaan ku arkay laami ay ciid qarisay, daaro ay xabad ka dharagtay, baalayaal rasaas ay ku wada taalo, iyo dad hambo madfac, rasaas iyo gaajo ah.

Xamar waxaan ku arkay qolooyin madfac iska ridaya meel ay u ridayaana aan aqoon iyo dad u dulqaadanaya in maalin walba ay madfac u joog noqdaan.

Xamar waxaan ku arkay qalbi naxdin ka dhargay, dad dareen ku joog ah, il wax xun iney aragto ka dharagtay, iyo adamo tabar beelay.

Xamar waxaan ku arkay isbitaalo daawo laga waayey, makhaayad cuno laga waayey, dukaan raashin laga waayey, hotel la seexan waayey, guryo la dagi waayey, dad taleefan dirsan waayey iyo dad isu talin waayey.

Xamar waxaan ku arkay dad xamar u haysta iney tahay magaalada dunida ugu fiican.

Magaalada intaasi oo dhib ah ay ka jirtana hadana kheyrka kama marna oo waxaan xamar ku arkay dad u doodaya dadka waalan iyo kuwa xanuunsan.

Xamar waxaan ku arkay dad u doodaya xuquuqda xayawaanka.

Xamar waxaan ku arkay dad lacag u aruurinaya dad maskiin ah oo is daaweyn waayey.

Xamar waxaan ku arkay xeryo masaakiinta iyo agoonta cuno loogu kariyo.

Xamar waxaan ku arkay qof aan shilin haysan oo hadana iska faraxsan.Xamar waxaan ku arkay dad isku dhex nool oo wax wada cunaya.

Xamar waxaan ku arkay nin ay kun shilin dharjineyso.

Xamar waxaan ku arkay cuno raqiis ah marka loo eego magaalooyinka kale ee caalamka.

Xamar waxaan ku arkay masaakiin u soo kalaheysa iney walaalahood wax warsadaan hadana ka helaya.

Xamar waxaan ku arkay in qofkii masajid ka istaagaa ee dadka wax warsada in faraqa loo buuxiyo.

Xamar waxaan ku arkay iney tahay magaalo masaakiinta iyo dadka jeebka maran u roon.

Xamar waxaan ku arkay iskuulo bilaash ah oo dad muxsiniin ah ay lacagtooda bixiyaan.

Xamar waxaan ku arkay magaalo subaxii kumanaan arday ay u dareeraan iney wax bartaan.

Xamar waxaan ku arkay culumo masaajiyada u fadhisa iney diinta fidiyaan iyo xer wax ka dhagaysaneysa.

Xamar waxaan ku arkay ganacsato masaajiyada kaga yabooheysa iney jilaan xerta diinta baraneysa.

Xamar waxaan ku arkay gawaari loo sameeyey iney dhaawaca dagaalada gurmad deg deg ah u fidiyaan.

Xamar waxaan ku arkay taleefanada magaalada dhaxdeeda ah oo bilaash ah, hadii aad maanta dhan hadleysana aan waxba lagaa rabin, taasi oo aysan ka jirin magaalooyinka waaweyn ee caalamka.

Xamar waxaan ku arkay jaamacado aad raqiis u ah takhasus walbana leh.

Xamar waxaan ku arkay rag wata shahaadooyin caalami ah oo magaaladaas ay dagaalada iyo qaxa dilooday iskaga dhex nool kuna qanacsan.Xamar waxaan ku arkay dacwada iyo wanaaga oo si xowli ah ku socda.

Xamar waxaan ku arkay inuu arooska ku badan yahay.Xamar waxaan ku arkay dhalinyaro aad u labis qurxoon oo aysan ka qasneyn.

Xamar waxaan ku arkay dhalinyaro salaada aad u jecel oo jamaaco walba ku soo tukanaya masaajidyada.

Xamar waxaan ku arkay iney tahay magaalo saxaafadeed, tusaale ahaan magaalada waxaa ka shaqeeya in ka badan 10 idaacadood, ugu yaraan 4 taleefishin, iyo wargeysyo aad u badan.

Xamar waxaan ku arkay dhismayaal aad u qurxoon gaar ahaan aagaga ganacsiga.

Xamar waxaan ku arkay xawaalado tiro badan oo waxna u soo xawila magaalada waxna ka sii xawila taasi oo ay u shaqeeyaan dad aad u badan ayna ku hoos nool yihiin kuwa kale oo badan.

Xamar waxaan ku arkay isgaarsiin aad casri u ah oo mararka qaar iyada oo kale aadan ka heleyn magaalooyin aad u waaweyn oo caalamka ah, misana raqiis ah.

Xamar waxaan ku arkay suuq lagu magacaabo c/lle shideeyo kaasi oo kuu fududeynaya dhamaan adeegyadii ay qaban jirtay dowlada iyo wasaaradaheeda kala duwanaa.

Xamar waxaan ku arkay ganacsato soo dajineysa qalabkii ugu danbeeyey caalamka ee casriga ahaa.

Xamar waxaan ku arkay hoteelo casri ah oo caalami ah oo mararka qaar 5 stars, iyo 7 stars aan waxba u ogeyn.

Xamar waa magaaladaas aan kuu sifeeyey ee aragtadii aad doonto ka qaado, waana sababta ay dagaalo daris ula noqotay iyada oo dabaqad walba ay ku noolaan karto,balse waxaan isweydiiyaa sababta ay reer xamar u diidan yihiin iney iskula noolaadaan magaaladooda cajiibka ahna ay ka dhigtaan mid si walba loogu noolaan karo, badareey iyo baaba raqiisba.?

Suaashaas akhristayaasha ayaan u deynayaa.

w/diyaariyey
khaalid maxamuud macalin.
Khaalid14@hotmail.com

Xildhibaan Qanyare oo xoogag shisheeye ku eedeeyay qabsashada Jowhar.

Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dawladda KMG ayaa ka hadlay oo cambaareeyay dagaalkii ka dhacay degmada Jowhar kaasoo dhaliyey in xarakada Al-Shabaab la wareegtay maamulka, dad aad u badan wax yeelo iyo qax ka soo gaarey.

Xildhibaan Max'ed Qanyare ayaa sheegay in arrintaasi ay ku lug leeyihiin xoogaga shisheeye ayna taasi tahay xad gudub, isagoo hadalkiisa intaasi raaciyey in laga soo abaabulay dibadda, sida uu yiri.

Cambaareyntan ayaa imaanaysa iyadoo xoogaga Al-Shabaab kula wareegeen degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Sh/Dhex sida Mahadaay, kuwaasoo dadka ay bilaabeen iney qaxaan, iayadoo xalay lagu arkay diyaarado joog hoose ku ku socda, bixinaya shanqar dadku dhibsadaan.

Dagaaladan ayaa ku sii fidiya dhamaan dhulkii nabada ahaa in mudo ah, lama yaqaan ula jeedada ka danbeysa iney qixiyaan dadd nabad ugu nool dhulkooda.

Xildhibaan Qanyare oo aad u yaqaan kuwan dhaqanka xun ayaa sheegay iney Somali uga degeen mudo fog, laakin aad loo jeclaadey kuwan dhaqanka xun ee la baxey ALSHBAAB.

Banaadir Post.
Somalia,



Sunday, May 17, 2009

Wararka laga helayo dad aad ugu dhow Jaalle Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) aqoon wanaagsana u leh ayaa sheegaya in imaanshaha Jaalle Indhacade ee q

Gudoomiyaha Xisbul Islaam garabka tuulada Asmara Oday Xasan Dahir ayaa isku dayey inuu Al Shabaab ku qanciyo in Jaalle Indhacade uu ahaa hooyadii Halganka isla markaana uu kasoo laabtay qaladkii uu galay uuna diyaar u yahay ka qeybgalka Jihaadka.


Kooxda Al Shabaab ayaa shuruud ku xirtay ka tanaasulkooda Jaalle Indhacade iyo hubkiisa iyagoo u xilsaaray Jaalle Indhacade inuu hogaamiyo Qidad cusub oo dagaal oo lagu afgambiyo Dowlada oo ay soo jeediyeen dad Ajnabi ah oo qadka telefoonka ugu qeyb qaatay kulankaas.

Ilaha aan warkan ka helnay oo lagu kalsoonaan karo ayaa intaas raacinaya in qidada dagaal ee cusub, ay tahay sidii loola wareegi lahaa Madaxtooyada ama loo qaarijin lahaa madaxda ugu sareysa Dowlada iyadoon dhiig badan daadan waxeyna Ajaanibtii shuruudan ku xirtay mustaqbalka Jaalle Indhacade soo jeediyeen in ciidan ku dhow 200 oo 40 ka mid ah Al Shabaab soo xulo inta kalena noqdaan maleeshiyada Jaalle Indhacade.

Dagaalyahanadan 40ka ah ee ay Al Shabaab soo xusheen ayaa ah dhalinyaro beel ahaan ku dhowow Jaalle Indhacade laakiin daacad u ah Al Shabaab si meesha looga saaro shaki kasta oo imaan kara taasoo uu aad ugu riyaaqay Oday Xasan Dahir Aweys oo aad ugu ciil qaba madaxweynaha dowlada midnimada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo beeshiisa ee Abgaal.

Maleeshiyaadka lagu soo biiriyey maleeshiyada Jaalle Indhacade ayaa ah kuwa tababar wanaagsan qaba diyaarna u ah iney geystaan weeraro ismiidaamin ah oo ay ku fuliyaan ciidamada Midowga Afrika iyo madaxda Dowlada hadii ay helaan fursad yar oo ay falkaas argagixisnimo ku fuliyaan.

Waxaa hogaanka Maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku milman maleeshiyada Indhacade loo dhiibay wiil 21 jir ah oo lagu naaneyso BIN SEYF oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Indhacade.

Jaalle Indhacade oo soo gaaray xarunta madaxtooyada ayaa la sheegay in ciidankiisa bar ka dageen meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Madaxtooyada taasoo shaki weyn ku dhalisay taageerayaasha Dowlada maadaama Jaalle Indhacade yahay shakhsi aan la aamini karin.


Heshiiska ka dib ayey madaxdii Al Shabaab ugu hanjabeen Oday Xasan Daahir hadii Jaalle Indhacade laga dareemo wax xagal daacinaya howlaha mujaahidiinta in ay dil ku xukumi doonaan isaga iyo maleeshiyada uu hogaaminayo taasoo loo fasiray in 40ka Al Shabaab ee qeybta ka ah kuwa Jaalle Indhacade soo dardaarmeen oo ay isku qarxinayaan ciidamada Midowga Afrika ama madaxda Dowlada hadii uu shaki yimaadana dagaal la geli doonaan kuwa Jaalle Indhacade oo ay dambas isku noqon doonaan taasoo xaalad labo kala daran kala dooro ah dhex istaajisay Jaalle Indhacade.

Banaadir Post
Xamar Cade.
banaadirpost@gmail.com