Search This Blog

Monday, May 11, 2009

Ilaahow Hiraab iyo Wadaadba soo hanuuni kana hanuuni dhiiga Somalida















Mudo fog ayay ahayd markii Caydiid loogu maaro waayay inow dagaalka ka daayo Cali mahdi oo ahaa madaxweyne ku meel gaar ah, oo haystey waqti yar, taasna waxey keentey ama soomalia gaarsiisey in marna la isu keeni waayo somali, waxaana dhacdey in caydiid xabadaas oo jeclaadey ku dhinto, somalina fidni galiyo,xamarna noqdo xabaal ama xarun xumaanteeedu badan tahay.

Waxaa maanta Xasan Daahir looga maaro waayay inow dagaalkan ka daayo ama dhaafo sugana markiisa heshiisna la galo,dowladan oo mid haysta waqti yar, waxaa Xamar ka socda dagaal aad u xun kana socda dhul dumay oo dagaal ka noogay, iyo dad horey iyo gadaal u socod ka noogey,aqoona meel u qaxaan, ilaahow adaa u maqan..

Waxaa dagaalka ku wada jira qolyo aan is rabin oo dhexdooda sii dagaali doona, waa alshabaab oo aaminsan wax ka duwan waxa uu aaminsan yahay xasan daahir, laakin hada isku kaashanaya iney Sheekh Shariif is dhaafsiiyaan,taasna qof kasta oo xusuus wanaagsan waa ogaan karaa..

Ilaahow Hiraab iyo wadaadba soo hanuuni oo ka hanuuni dhiiga Somalida.
Banaadir Post
Web Editor
Mohamed Deeq (Majaango)

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inuusan joogsanayn dagaalka ka socda Muqdisho, islamarkaana taageersan yahay in la rido Dowladda KMG ah


Sheekh Xasan Daahir Aweys hoggaamiyaha garab ka mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ka hadlaayay dagaaladii afarta maalmood ka socday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dagaaladaasi ay yihiin kuwo dhibaato ku haya Shacabka.

Waxa uu sheegay Xasan Daahir in dagaalkaasi uu yahay mid ay ujeedadiisu tahay shacabka oo diidan wax aysan iyagu dooran, wuxuuna sheegay inay dagaalka sii wadayaan dhinacooda.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir waxa uu shaaca ka qaaday inuu isagu tageerayo in la rido gebi ahaanba Dowladda KMG ah, wuxuuna mar uu ka hadlaayay tikniko la sheegay inuu lahaa Yusuf Indhacadde oo isu soo dhiibtay isaga, ayuu sheegay in dadka oo dhan ay yihiin walaalo Muslimiin ah.
“Dadka Islaamka ah waa midaysan yihiin, waxeyna ilaaliyaan Hal u jeedo oo ah xornimadooda, diintooda iyo sharafkooda’”
ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inay ka go’an tahay inay la dagaalamaan Dowladda Soomaaliya, wuxuuna u soo jeediyay beesha caalamka in arrimaha Soomaaliya ay faraha kala baxaan.
Dhinaca kale Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu daboolka ka qaaday in gaarigii uu C/laahi Yuusuf kala yimid Itoobiya ee uu ka daalay hadda loo dhiibay niman ka leexday sida uu hadalka u dhigay dariiqii jihaadka, wuxuuna sheegay inay isku mid yihiin iyaga iyo kuwa ilaalinaya oo uu ula jeedo Ciidamada AMISOM.
Banaadir Post
Xamar..
Somalia.

Maxamed Qanyare "Dowladda waa is difaacee, qoladaan Alshabaab la yiraa Argagixiso ajaaniib ah ayay hoos ku wataan"


Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, isagoona dagaaladaas ku tilmaamay mid la doonayo in Dowladda lagu bur buriyo, waxaana uu Mas'uuliyada dagaalka dusha uu ka saaray Kooxda Alshabaab oo uu sheegay inay hoos ku wataan Argagixiso Ajaaniib ah.

Maxamed Qanyare oo ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii ay awoodii ka tureen Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in Dowladda ay is difaaceyso, isagoona cadeeyay in dagaal aan lagu kala adkaaneyn.

"Dagaalkan waxaa wada Alshabaab oo Niman Argagixiso Afganistaan hoos ku wata, Dowladdana wey is-difaaceysaa"

ayuu yiri Maxamed Qanyare oo intaa ku daray in Dagaalka aanu aheyn dagaal diimeed.

"Anaga markii aan aheyn Isbaheysigii Argagixiso la dirirka waxay dhihi jireen waa Ashahaado la dirir, maantana waxay leeyihiin Shariifkii oo shalay iyaga ku saf ahaa waa Ashahaado la dirir, anaga hadii aan tanaasulnay oo Sheekh Shariif Madaxweyne noqday ma Ashahaado la dirir baa"

ayuu si kulul u yiri Maxamed Qanyare.Sidoo kale Maxamed Qanyare ayaa ku eedeeyay Kooxda Alshabaab inay wado dilalka qorsheysan, isagoona sheegay in si sharci daro ay dadka ku dilaan, isla markaana dadka shacabka hortood ay ka ridaan Madaafiicda, isagoona dusha ugu tuuray dhibaatooyinka shacabka soo gaaray inay Alshabaab ka mas'uul tahay.

"Nimankaan meeshey danahooda ka waayaan waxay yiraahdaan waa ashahaado la dirir, balse waxaan idin cadeyhaa in aanay diin ku dhaqmeyn"

ayuu mar kale ku celiyay Maxamed Qanyare oo ka mid ahaa Ragii Hogaamiye Kooxeedyada ee Muqdisho ku aas aasay sanadkii 2006-dii Isbaheysigii La dagaalanka Argagixisada.

Waa hadalkii u horeeyay ee Maxamed Qanyare uu si toos ah u weeraray siyaasada Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, gaar ahaan Kooxda Alshabaab, tan iyo markii Qanyare awoodiisa ay kala jejebiyeen Maxkamadihii islaamiga ee hada kala firdhaY.#
Banaadir Post

Dagaalkii Muqdisho oo khasaare badan geystay











Dagaal culus ayaa waxa uu maalinkii 4-aad ka soconayaa qeybo ka mid ah caasimadda Somaliya, kaasoo u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta iyadoo uu iminkana safkiisa sii balaartay oo ey kusoo biireen kooxo kale oo ka duwan kuwii maalmihi u dambeeyay dagalamayay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii shalay bilowday uu socdo ilaa xalay iyo maanta, waxaana kooxaha dagaalamaya ey kala qabsadeen goobo ey horay ugu kala sugnaayeen.

Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa maleteriga dowladda ayaa qabsaday goobo dhowr ah oo ey horay u joogeen Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab, sida ey wararku nagu soo gaarayaan, waxaana ka mid ah goobahaasi lala wareegay xaafadda Towfiiq, Saldhigga Wardhiigley iyo wadada Soddonka ee degmada Hodan.
Dhanka kale warar kale ayaa iyana sheegaya in maleeshiyaadka Maxkamadaha laga soo saaray goobo ey horay u joogeen sida Stadio Muqdisho, isgoyska Florenza iyo Maxkamadda Xararyaale. Dagaalkan ayaa waxaa kusoo biiray ciidamada xoogga maleteriga dowladda kuwaasoo suuro galiyay in ey qabsadaan goobaha eynu kor kusoo xusnay.
Iyana waxaa dagaalka kusoo biiray Xisbul Islaam (garabka Xasan Daahir), waxaana ey dagaalka ka wadaan aaga Wardhiigley oo horay looga soo saaray. Dhinaca kal Sh Xasan Daahir oo ka hadlay dagaalada socda ayaa sheegay in uusan dhex-dhexaad ka noqon karin islamarkaana uu la safan yahay Al-Shabaab iyo Xisbul ISlaam.
"Al-shabaab iyo anaga waan isleenahay, waxaana dagaal kula jirnaa cadowga nasoo daan-daansady", sidaas ayuu yiri Sh. Uweys mar uu la hadlayay idaacadaha Muqdisho.
Waxaa isan ka hadlay dagaalka galay maalinkii 4-aad wasiirka Amniga Cumar Xaashi oo sheegay in dagaalkan lagu soo qaaday dowladda lana doonayay in lagu afgambiyo.
"Al-Qaacida oo ey Somali la socdaan ayaa dagaal ey mudooyinkan ka shaqeynayeen nagu soo qaaday, dowladana waa ey isdaafaceysaa", ayuu yiri Cumar Xaashi.
Dhinaca Al-Shabaab oo iyana maanta hadlay ayaa sheegay in dagaalka ey kula jiraan cadowga Ilaahay oo noocyo badan isugu jira.Sawirada idiin muuqda ayaa laga soo qaaday goobaha ey dirirtu ka socoto, waana maleeshiyaadkii dirirayay qaar ka mid.Dagaalkan ayaa geystay qasaare badan oo noocwalba leh, waxaana uu dhaawucu buux dhaafiyay cusbitaalada isagoo gaaray in ka badan 100 halka dhimashadana ey caga-cageyneyso ku dhawaad 50.
banaadir Post
Xamar

Sunday, May 10, 2009

Madaxweyne Yusuf waa Halyeygii Qarniga Qarada Africa







Madaxweynihii hore ee Dawladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa bilaabay Tariikh cusub oo aa hore looga baran guud ahaan Africa gaar ahaan Soomaaliya,ka dib markii uu maanta si xornimo leh oo geesino ku dhan tahay isu casilay ka dib markii uu arkay in la baalmaray Sharcigii.

Madaxweynihii hore ee Dawladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxuu lee yahay Taariikh dheer oo Siyaasadeed wuxuuna ka mid yahay siyaasiyiinta ugu khibrada dheer Africa Halka ka dhegeyso warbixin ay diyaariyeen bahda VOA waxaana ka hadlaya madaxweynayaal hore sida C/qaasim Salaad,Mahamed Cabdi xaashi.

Is-casilaaddiisa ka dib ayuu madaxwayne Yuusuf maanta barqadii ku noqday Garowe oo ah xarunta Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu madaxwayne ka ahaa ka hor intii uunan noqon madaxwaynaha ku-meel-gaarka ah ee federaalka.
Madaxweynihii hore ee Dawladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta duhurkii soo gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda DGPl.Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa Garoonka konoko ee Caasimada Garowe ku soo dhoweeyey Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse Xirsi,Madaxweyne ku xigeenka Xasan Daahir Maxamuud iyo golaha xukuumadda,qaar ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynanimo ee DGPL,dadweynaha ku dhaqan Magaalada Garowe oo iyagu taagnaa laamiga dheer ee isku xira madaxtooyada garoonka.
halkaasi oo ay dadweynuhu ay u muuqdeen kuwa ku faraxsan imaanshaha Cabdillaahi Yuusuf Axmed eek u soo noqday Gurigiisii hooyo waxayna aad dadweynuhu u soo dhoweeyeen iscasilaadiisii maadaama Soomaaliya loo diiday in ay yeelato Dawlad.Hadaba madaxweynaha ayaa mar uu hadal kooban siiyey saxaafadda iyo dadweynihii soo dhoweeyey waxa uu u sheegay inuu lix sanno ka hor in uu halka ka aaday Dalka Kenya gaar ahaana Magaalada Nayroobi waxaa sharaf ii ah in aan idinku soo noqday aniga oo ah shaqsi ahna oday Soomaaliyeed.
Intaasi ka dibna ayaa madaxweynaha waxa loo gelbiyey xarunta Madaxtooyada DGPL.Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudana Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa isagu saaka waraaqdii is casilaada ku wareejiyey guddoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadn Madoobe,una sheegay xubnihii ku sugnaa Baarlamaanka uu u sheegay in xilkii ay u doorteen taariikhdu markii ahayd 2004.10.10,ayaa manta dib idinku soo celiyey anigoo idiinka mahadcelinaya arrintaasi,waxaana idin kula dardaarmayaa in aad dalka ku soo dabaashaan nabad idinkuna aad midoodaan hadaan tihiin mudanayaasha Baarlamaanka.

Siciid C/laahi

Parla uno dei capi della banda: "Anche gli islamici ci braccano


GAROOWE (SOMALIA) - Abshir Boyah è un capo pirata. Ammette tranquillamente di aver catturato oltre 25 navi e di essere membro di un'assemblea segreta denominata "The Corporation". E dice di essere pronto a un accordo. A fronte delle pressioni navali sempre più forti e delle gravi ripercussioni a terra, ha fatto la spola tra gli anziani e gli sceicchi religiosi stufi dei pirati e dei problemi che comportano, promettendo che abbandonerà l'attività di bucaniere se alcune sue richieste saranno accolte. "Gli islamici vogliono tagliarmi le mani" si lamenta mentre mangia carne di cammello e spaghetti. "Forse è arrivato il momento di cambiare".

Succede che per la prima volta in questa regione della Somalia settentrionale infestata dai pirati, alcune delle comunità fiorite proprio grazie al businness dell'arrembaggio stanno ora cercando di allontanarli. A tal fine si stanno costituendo delle vere e proprie milizie anti-pirati: intimano loro di andarsene dalle città e nelle moschee consigliano alle donne di non sposare questi "burcad badie", termine che in somalo significa "bandito del mare". Nel parcheggio di Garoowe, l'assolata capitale della regione semi-autonoma del Puntland, è comparso un cartello che non ha eguali al mondo: "Proibita la pirateria".

Qui sempre più spesso i pirati vengono considerati una macchia infamante per la devota comunità musulmana: li si accusa di aver introdotto nelle città la droga, l'alcool, le risse di strada e l'Aids. "I pirati stanno mandando alla rovina la nostra società" dice Abdirahman Mohamed Mohamud, il nuovo presidente del Puntland, che aggiunge: "Li annienteremo noi".

Negli ultimi 18 mesi i pirati somali hanno messo insieme qualcosa come 100 milioni di dollari. Eppure oggi sostengono di essere disposti a interrompere le loro scorribande se gli sceicchi trovassero un lavoro per i loro giovani sottoposti e se li aiutassero a costituire una guardia costiera incaricata di proteggere le 1.880 miglia di costa somala dai pescatori di frodo e dalle navi che vengono a versarvi illegalmente sostanze e rifiuti. Ovviamente è difficile che la comunità internazionale possa anche solo concepire di dover sottostare a un pattugliamento delle coste attuato da ex pirati e dirottatori riabilitati.

Le autorità del Puntland ammettono, controvoglia, che i pirati da un certo punto di vista li hanno aiutati ad attirare l'attenzione e gli aiuti internazionali sulla regione. "È triste, ma è la verità" dice Farah Dala, ministro del Puntland per la pianificazione e la cooperazione internazionale. "Dopo sofferenze e guerre, il mondo finalmente ci rivolge un po' di attenzione". Il mese scorso, dopo che un capitano americano era stato rapito, le nazioni donatrici si sono impegnate a versare oltre 200 milioni di dollari alla Somalia, per contribuire alla lotta contro la pirateria.

Ma da allora, le marine straniere hanno anche aumentato i pattugliamenti, arrestando decine di pirati. Boyah stesso ammette che le sue imprese stanno facendosi sempre più rischiose, ma con arroganza sottolinea anche che ci sono ancora tanti oceani nei quali scorrazzare. "È come andare a caccia: qualche volta si cattura un cervo, altre un dik-dik".

Quarantatré anni, Boyah è nato a Eyl, sulla costa. Ha abbandonato la scuola in terza elementare per fare il pescatore fino alla metà egli anni '90, allorché le navi da pesca straniere gli hanno tolto la possibilità di guadagnarsi da vivere in mare. Abita in una piccola casa e spiega: "I soldi sono spariti. Quando finiscono in tasca a chi non ne ha mai avuti è sempre così".

Quanto a lui, dice di aver buttato centinaia di migliaia di dollari in feste, matrimoni, gioielli, automobili e qat, le foglie eccitanti che i somali masticano come fossero chewing gum. Nel complesso sembra uno desideroso di riscattarsi. O forse non è altro che un abilissimo bugiardo. "Sappiamo che quello che stiamo facendo è sbagliato" dice con serietà, "e ne chiedo perdono a Dio, al mondo intero, a tutti". Poi a un tratto il suo telefonino Nokia d'argento emette un bip. Per lui è arrivato il momento di andarsene. Ma non dice dove.

Koshin Bupal
Bristol
uk