Search This Blog

Thursday, April 30, 2009

Agaasime K/xigeenkii Warfaafinta M. Shariif oo Yurub iska Dhiibay !!


Warar hoose oo ka soo baxaya xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa sheegaya in dalka Biljamka ku baxsaday Agaasime ku xigeenkii warfaafinta xafiiska Madaxweyne Sheekh Shariif.
Agaasime ku xigeenkaan oo lagu Magacaabo C/llaahi Yuusuf Sh. Nuur C/laahi KHadar ayaa waxaa uu ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha u raacay dalka Biljamka isla markaana kala qeyb galay kulankii dowlada somalia dhaqaalaha loogu yaboohay.

Lama oga sababta ka dambeysay in uu Mas'uulkaan ku dhex dhuunto dalka biljamka.
Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey Hadhwanaagnews arintaasi isla markaana sheegay in arintaasi dhab tahay.
Ma jiraan ilaa iyo haatan hadal ka soo baxay Agaasime ku xigeenka warfaafinta kaasi oo uu kaga hadlayo sababta ku kaliftay in dalka Biljamka ku dhex dhuunto.Waa markii ugu horeysay oo mas'uul ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka dibadiisa ku dhuunto tan iyo markii Madaxweyne Sheekh Shariif xilka Madaxtinimo loo Magacaabay horaantii sanadkaan.
Haddii ay rumoodo in uu goostay Agaasime ku xigeenkii Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya sida wararka soo baxayaa sheegayaan waxaa ay waji gabax iyo dharbaaxo ku noqon doontaa Xildhibaan Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa isagu shaqsiga jagadaas u magacaabay C/laahi Khadar maadama uu yahay ninka ugu awooda badan dhinaca la talinta madaxweyne Shariif.

C/laah Khadar oo ay isku beel yihiin Madaxweynaha ayaa oo sidoo kalena ay jifo hoose yihii Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu shaqaale ka ahaan jirey Idaacadda Quraanka kariimka ah oo iska leeyahay Xildhibaan Geelle

dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com

Daahir Aweysow Maxay Caruurta Soomaaliyeed ay Dhimeen oo aad uga Oohineysaa?







Akhristow dalkeena hooyo waxaa aafeeyay dagaal sokeeye oo aan taariikhdiisa dhabta aanu haynu waxaa burburay qarankii soomaaliyeed waxaa la biliqaystay dhamaan wax alla iyo wixii haykal dowladeed ahaa ee ka jiray dalkeena waxa iyana la tirtiray dhamaan kaydkii ama diwaankii uu qaranku lahaa dhinac walba , waxaa la kufsaday dumar soomaaliyeed oo aan waxba galabsan iyadoo la xasuuqay ilaa iyo milayan shacab ah oo aan waxba galabsan waxaa la dhacay hantidoodii intaa markay dhacday akhristow waxa uu caalamku isku dayay inuu soomaali isu keeno waanu ognahay waxa ay wax ka qabsoomi waayeen oo ilaa iyo imnika marba shaar u soo gashta shcabka soomaaliyeed oo u baahan in mar uun ay u soo noqoto qaranimadoodii ay waligood dugsan jireen.
Waxaa ilaa dagaalkii sokeeye markuu bilowday ilaa iyo hadda dhalinyaradii loo dhiibay qori iyagoo laga dhaadhiciyay in ay la dagaalamaan gumaysi waxa wadana arrimahaa waa la yaqaanaa .
Tan kale ethiopia waxaa dalkeena keenay oo xaqqiiqda ah waa arrimahan sidaanu la soconno waxaa dalka jabuuti lagu soo asasay dowlad ku sheeg ay ka danbeeyeen shaqsiyaad u adeegi jiray dowladdii milatary ee dalka ka dhisnayd dagaalkii sokeeye ka hor waxaana madax looga dhigay cabdiqaasim salaad oo la yaqaano waxa uu soomaali u galay isla markaana ku caanbaxay qarandumiye uu qabiil lafaha ka galay ah cabdiqaasiim wuxuu iclaanshay in dagaal lagu qaado dowladda ethiopia isagoo adeegsanaya fikrado guracan ee hore uga dhaxeeyay labada shacb wuxuu dhamaan isugu yeedhay dalka gudihiisa dhamaan intii mucaraadka ku ahayd dowladda ethiopia iyo waliba waxa uu qatar kaliyay dhamaan dowladha dariska la ah soomaaliya sida kenya ugandha tansaniya .
Waxa uu tababar u furay ururo sida oromo libration fronto , onlf , iyo maleesiyo beeld isagoo tabar uga furay degmada qoryoolay kuwasoo uu taliye uga dhigay ninka hadda la magac baxay indho cadde isagoo aanu ognahay xasuuqa iyo dhaca iyo kufsiga iyo biyo ka iibinta iyo addoonsiga uu ku sameeyay shacabkii ku noolaa gobolka shabeelaha hoose .

Cabdiqaasim wuxuu kaloo si bareer ah ugu takrifalay dhaqaalihii uu caalmkuu siiyay xilligii uu madaxwaynaha ahaa isagoo maleesiyo u soo diray magaalada kismayu oo ay ku xasuuqeen dad taasoo dhamaan caalamkii ay la yaabeen dowladiisiina ay meeshaa ku kala taktay waxaase la yaab leh inuu cabdiqaasim hadda meediyaha ka hadlo oo uu ku hadaaqo inuu madaxweayne yahay dalkiina ay xabashi haysato waa siduu hadalka isagu u dhigee ,waxaa kaloo xuisid mudan markuu caalamkii shacabka soomaaliyeed u sameeyay dowlad loo dhanyahay oo ay arkeen in iyaga loo soo socdo waa cabdiqaasim iyo daahir aweays iyo indhocadde yusuf garaad oo hal beel ah inay bishii feb. 2006 ku shireen guri ceel oo ah magaalada ay degaan beesha caydh shirkaasi wax ka maqna may jirto xataa waxaa shirkaa hogaaminayay ugaas ku sheegooda shirkuna waxa uu ku saabsanaa sidii beesha caydh ee ku naaxday biliqada shacabka soomaaliyeed gaarahaan shacabka muqadishu iyo shacabka gobolka shabeelahaa hoose loo qabsan laha si ayan dowladda federaalka oo markaa la dhisay ayna uga hirgalin goboladaa waxaana la goaanshay saddex (M) oo macnaheedu yahay meediya , money, iyo maleesiyo .

Bishii may dhamaadkeedii sanadkii 2006 waxaa bilowday dagaalkii maxaakiinta iyo dagaal oogayaashii mugadishu joogay isla dabaayaaqadii bishii julay 2006 waxaa lagu dhawaaqay daka gobolka banaadir oo uu hogaaminayay cadde gaabow asbuuc ka dibna waxaa ka horyimid daahir aways isagoo ku tilmaamay in uu maamulkaa ay sameeyeen waxa uu isaga u yeedhay doofaaro iyo eeyo balse uu isaga maamul xaq ah u soo magacaabi doono .
Bilowgii sept. 2006 ayaa bbc oo ah idaaco guriceel laga leeyahay waxay waraysi siisay indhavadde waxa uuna isku magacaabay inuu yahay gudoomiyaha xaqa ah ee ex banaadir oo hore u ahayd markii laga bilaabo jowhar ilaa iyo barave inta u dhaxaysa isagoo isla bishaa ku duulay jowhar oo uu markaa maamulayay mohamed dheere isla bishaa dhamaadkeeda ayaa indhocadde loo magacaabay wasiirka gaashaandhiga isla markaana ah gudoomiyaha gobolka banaadir .

Haddaba akhristow shirkaa guri ceel lagu qabtay baa goaankaa lagu gaarauy markaa waa maxay waxa uu daahir aways shacabka soomaaliyeed u shagayo haduu runta sheegayo amaba uu wax waaninayo muu kuwaa aanu soo sheegnay wax u sheego markuu leedahay soomaali aya la xasuuqay sow ma oga kuwa towfiiq ku degan oo xaaraanta ku dhistay inay yihiin indho cadde iyo kuwo uu isaga isku mabda yihiin .waxaan leeyahay haddi maxkamad la soo saarayo dad waxaa maxkamad la soo saarayaa indhocadde iyo cabdiqaasim iyo daahir aways iyo yuusuf garaad .

Hogaamiyaha alqaa’ida ee soomaliya u soo magacaabay ninka aad adduunka looga raadsho ee osama bin laadin ayaa waxaa wareystay radio daljir wuxuuna yidhi khayr allaha siiyee soomaalida xoriyaddii hore gobonimadoodii ma ay ogolayn inay dhiig daadiyaan balse hadda waxay ogolyihiin inay dhiig daadiyaan isagoo ay ka muuqato codkiisa daal iyo niyad jab wuxuu kaloo yidhi markii dhiiga ilaah dartii loo dadinayo iyo marka kale waa ay kala duwan yihiin wuxuuna ula jeeday taa xasuuqii iyo dhacii iyo kufsigii uu u gaystay shacabka soomaaliyeed inay ahayd mid uu san ka danbayn isaga balse ay tahay mid ay soomaalidu isu keeneen iyaga ,wuxuu yidhi daahir aweys ilaahbaan ku tiirsanahay ilaah baa noo gargaaraya anagoo an tabar lahayna noo gargaari jiray taasoo muujinaysa inuu xabsi ku jiro oo dunidii oo dhan laga diiday riyada waalida ah ee uu meel walba lajoogo wuxuu yidhi nin qorrax kugu dilay hoos kumguma jiido waa yaab yaabkiisa ,inagoo nabad ah oo umaddii wax u qabanay oo khayrkii ilaah na siiyay umaddii ku noolaanayso ka dibna umaddiina ay dulowday , waxaa xusid mudan hadalka ay caadaysteen mooryaantan qabiilku ku bahoobay oo ay ka mid yihiin cabdiqasim, indhocadde ,daahir aweyskan la wareysanayo hadda iyo kuwo kale cadow baa ku soo duulay iyaga horta yaa masuul uga dhigay soomaaliya ma isweydiiyeen soomalise goormaa isugu danbaysay inay wada noolaadaan , haddan u soo noqdo taariikhda dhabta ee daahir aweys sidaanu la soconno daahir aweys waxa uu hogaaminayay wadaadii bosaaso duulaanka ku soo qaday shacabka puntland ee boosaaso degan xilligi dagaalkii sokeeye isagoo meeshaa u jooga caydiid ,caydiidna waxa uu duulaan ku soo ahaa gobolada mudug shacabkii iyo masuuliyiintii puntland oo fahmay dhagartiisa baa dibadda uga soo saaray dhamaan gobolada puntland isaga iyo caydiidba ka dib waxaa uu u soo wareegay luuq ,daahir aweys waxa uu ninkii ugu horeyay eek u duula ciidamada Ethiopia oo markaa ku sugnaa xuduudda u dhaxaysa soomaliya iyo Ethiopia isagoo xidhiidh la leh jabhadihii kala duwanaa ee O.N.L.F, OROMO LIBERATION FRONT oo dhamaantoodba ku sugnaa muqadisho maadaama aysan dalka ka jirin wax dowlad ah arintaasoo dowladda Ethiopia ay u aragtay Qatar keeni karta in nabadgalyada guudahaan cariga Ethiopia carqaladayso marka inuu daahir aweys yiraahdo maanta cadowbaa nagu soo duulay amaba soomaaliya haysto waa u caqli xumo .aan geedna loogu soo gaban .
Midda kale haddii ay Ethiopia tahay dowlad cadow ku ah shacabka isagu halkeebuu joogaa hadda horta miyuu isweydiiyay waxaa uu joogaa Asmara oo uu ka taliyo nin ay qaraabo yihiin malezanawi isla markaana la ogyahay nacaybka uu islaam u qabo taasoo kaliftay xataa in ay wadamada carbeed go’doonshaan ,Daahir aweys hadduu muslim sheeganayo oo ay nab ka tahay islaanimada meesha hadda uu joogo ma uusan joogayn ee wuxuu tagi lahaa caalamka islaanka .

Taariikhdu iyadaa isa sheegi doontaa daahir aweys iyo cabdiqasim iyo indhocadde waa hal qabiil oo duulaan ka soo qaaday galgaduud iyagoo la ogyahay dhibaatadii ay shacbka soomaaliyeed u gaysteen waxay ahaayeen kuwii ka masuulka ahaa dagaalkii sokeeye waxay xaaraan ku haysteen muddo lix iyo toban sano ah shacab iyo dhul aysan lahayn iyagoo xasuuqay odayaal iyo aqoonyahan iyo culumaauldiin waxay ilaa iyo hadda wadaan dhibka iyo duulaanka shacabka soomaaliyeed iyo duulaanka DFKS hore iyo ciidamada ka socda dowladha dariska la ah soomaaliya oo u soo gurmaday inay shacbka soomaaliyeed u sameeyaan nidaam iyo kala danbay .

Daahir aweys iyo mooryaantiisa ma ay doonayaa nidaam iyo kala danbayn hadayan iyagu talinina waa cadow baa dadkii haysta iyo wixii la mid ah .haddaba waxaan u shagaynaa shacabka soomaaliyeed ee nabadda jacel in ay u midoobaan sidii sharciga loo keeni lahaa nimankaa aan kor ku soo sheegay oo ka oohiyay caruurta yar yare e soomaaliyeed oo aan waxba galabsan una diiday in mustaqbilkooda la dhiso si ay hadhow dalkooda iyo dakooda iyo diintooda iyo naftoodaba wax u taraan.

Gabagabadii daahir awaysow waxaa aakhiro iyo aduunba ku horyaal waxaad kasbatay waxana tahay maquuste taa waxaa cadaynaya waraysigii u danbeeya ee aad siisay bbcda baa waxaa ku tilmaantay shacabkii soomaaliyeed ee fikirkaaga guracan ku waxyeeloobay amba ku nafwaayay inaad tiraahdo wixii dhintay iyo wixii dhaawacmay bal ila eega ninkaa way nee 80 jirka ah oo sheeganaya inuu masuuliyad u qaado shacabka oo soomaaliyeed oo ku tilmaamaya kuwii uu xukumi lahaa.

Afsoomaaligu iyo barbaarintaba waa wax lagu soo koriyo qof inta uu korayo waxay taa cadaynaysaa inuusan daahir aways marnaba baarin helin, xilligii uu korayay, midda kale aanu runta isu sheegnee soomaaliya yay ka dagi la’dahay waa beesha caydh oo ay horkacayaan shaqsiyaadkaa aanu kor ku soo sheegay miyay guulaysanayaa waa maya waxaana u danbayn doonta in uu shacabka soomaaliyeed iska qabto waxaana hadda la gaaray xiliigii la iska qaban lahaa iyagoo aan haddaba awoodoodii la wiiqay oo gabogabo ah waxaana taa kuu cadaynaya soomaaliyaa meel walba oo ka tagto waa nabad ilaa muqadishu iyo hareeraheeda ma ahanee marka waa iyaga waxa dhibka ka wada iyo cuqubadii ay hore u gaysteen baa sabaysa dhibka hadda jooga iyaga ayaana ku dhamaanaya ee ha la sugo .


Mohamed Hussein OsmanMxuseen840@hotmail.com





Banaadir Post




Monday, April 27, 2009

Shiikh Xasan Daahir iyo Yuusuf Indha Cadde oo Kulan Xasaasi ah Galabta ku qaatay Magaalada Muqdisho (Warbixin).


RBC (Muqdisho)waxaa sii xoogaystay Khilaafaadkii u dhexeeyay Garabyada Kooxda Xisbul Islaam oo mar ahayd Koox Awood badan siweyna u mucaaradsan Dowladda Federaalka Somalia.

Kadib markii uu Magaalada Muqdisho soo gaaray Hoggaamiyaha Kooxda Islaamiga Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa Cirka iskusii shareeray Khilaafaadkii u dhexeeyay Xisbul Islaam.
Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo siweyn u Mucaaradsanaa Dr. Cumar Iimaan ayaa la sheegay in uusoo dabcay islamarkaana hadda uu diyaar uyahay in uu dib ula midoobo Kooxda Xisbul Islaam.

Warar Hoose oo ay RBC heshay ayaa sheegaya in Kulamo Muhiim ah ay qaateen Indha Cadde iyo Xasan Daahir Aweys oo ku aadan sidii loo dhamayn lahaa Khilaafaadka udhexeeyay Ururka Xisbul Islaam.

Odayaal iyo Siyaasiyiin katirsan Beesha Ceyr ayaa Yuusuf Indha Cadde kula talinaya in uu ka baaqsado lasafashada Shiikh Aweys islamarkaana uu ku dheganaado Mowqifkiisii ahaa “Naxnu Macal Culamaa” oo macanaheedu yahay ” Culimada ayaan lajirnaa”.
Yuusuf Indha Cadde ayaa la sheegay in uu isku dayay Carqaladaynta Imaashiyaha Shiikh Aweys maadaama uusan Imaatinkiisa kusoo wargelin.

Shiikh Xasan Daahir ayaa la sheegay in Galabta uu ku guulaystay in Yuusuf Indha Cadde uu kusoo biiriyo Xisbigiisa islamarkaana Indha Cadde lasiiyo Jaga Muhiim ah.
Warkan oo ah mid aan kasoo xiganay Saraakiil katisan Kooxda Xasan Daahir ayaa intaas ku daraya in ay kulamadu sii soca doonaan.

Xogtan aan warka ka helnay waxay intaa raacinaysaa in Maalimada Khamiista uu Magaalada Muqdisho ka dhici doono shir Saxaafaddu ay goob joog ka tahay oo lagu Midaynayo Xisbul Islaam Garabyada ay kala Hoggaamiyaan Indha Cadde iyo Dr Cumar Iimaan.

si kastaba ha ahaatee haddii arrinkan rumoobo waxaa cadaanaysa in Yuusuf Indha Cadde iyo Kooxdiisu ay yihiin kuwa is bed-bedel badan oo raaca hadba meeshii ay dantooda ka arkaan.

RBC Muqdisho Somalia



Faarax Axmad Caato
Tafatiraha RBC Radio

Odayaasha Baydhabo oo beeniyey war ka soo yeeray Odayaasha labaxay Midnimada Beelaha Hawiye.

Kulamo ay maalmihii ugu dambeeyey magaalada Baydhabo ku yeesheen odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi lana baxay Odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle ayaa beeniyey war kasoo yeeray dawladda Soomaaliya iyo Odayaasha la baxay Midnimada Beelaha Hawiye.

Kulamadan ayaa diirada lugu saaray warkii ahaa in dhalinyaro udhalatay gobalada Baay iyo Bakool ay doonayaan in ay falal amaan daro kafuliyaan magaalada Muqdisho, islamarkaasna ay laayaan dadka Siyaasiinta ah ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Odayaasha Baydhabo ayaa ku sheegay warkaasi mid aysan waxba ka jirin,wuxuuna ugu baaqay dawladda Soomaaliya & cidii uu ka soo yeeray warkaas in ay-raali galin deg deg ah kabixiyaan warka ka soo yeeray.


" Hadii aan raali galin laga bixin warkaas, waxaan u aragnaa mid looga soo horjeedo Midnimada iyo sharafta dadkeena, waayo dadkeenu mahan dad aan diinta Islaamka aqoon, cidii isku dayda in ay been ka sheegtana waxaan uaragnaa in ay dan gaar ah naga leeyihiin"

Ayuu yiri hadal hayeen u hadlay Odayaashan.Talaabada jawaabta ah ee ka timid Odayaashan waxa ay noqotay mid aysan fileyn dawladda Soomaaliya iyo Odayaasha labaxay Odayaasha dhaqanka ee Beesha Hawiye, waxaana ladhowrayaa Jawaab celinta ka timaada garabyada Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Xasan Xaad.


Banaadir Post

Somalia.

Sunday, April 26, 2009

La Melody, Msc Crociere, riesce a sventare l'assalto


ROMA - Molta paura, attimi di panico tra i passeggeri, ma per fortuna tutto è andato bene.


La nave Melody della compagnia Italiana Msc Crociere - con a bordo 991 passeggeri e 536 membri dell'equipaggio, tra i quali 134 italiani - è sfuggita ieri all'attacco di pirati mentre si trovava ad un giorno di navigazione a nord delle Seychelles, davanti alle coste somale. L'assalto è avvenuto in serata: alle 21:35 ora italiana, ha raccontato il comandante Ciro Pinto, la Melody è stata attaccata da un gommone Zodiac con sei uomini armati a bordo, che hanno aperto il fuoco con fucili kalashnikov colpendo la parte sinistra dell'opera morta della nave (la parte di scafo al di sopra del piano di galleggiamento).


Nessuno a bordo è rimasto ferito. La sicurezza armata a bordo è intervenuta rispondendo al fuoco degli assalitori - che hanno sparato raffiche intimidatorie in aria e hanno poi colpito la fiancata della nave - ma a far fallire l'assalto, spiegano dalla Msc Crociere, sono state le manovre diversive attuate dal comandante. La nave è stata fatta rollare per scoraggiare il tentativo di salire a bordo, e sono stati usati idranti contro gli assalitori. La Melody ha poi proseguito la navigazione a luci spente fino al momento in cui sul ponte di comando si è avuta la certezza di aver seminato gli aggressori. Tanta la paura a bordo: "Non potrò mai dimenticare quello che è accaduto stasera: sembrava di stare in guerra", ha commentato a caldo il comandante Pinto. Ed ha aggiunto che i sei pirati, che si trovavano a bordo di un gommone, avevano certamente l'appoggio di una nave che si trovava in zona, visto che l'attacco è avvenuto in pieno oceano.



Immediatamente è stato allertato il comando interforze presente nell'area e una nave militare si è diretta verso la Melody. La nave naviga ora in acque relativamente sicure e i passeggeri sono tutti nelle loro cabine sani e salvi. Tra poche ore, la nave italiana verrà raggiunta da altre che si trovano nell'area nell'ambito dell'azione di pattugliamento avviata dalla comunità internazionale, e si prevede che prosegua il viaggio verso la sua destinazione in convoglio. Al momento dell'attacco la Melody si trovava a 180 miglia a nord di Port Victoria, capitale dell'arcipelago delle Seychelles. Sta effettuando una crociera cosiddetta di 'trasferimento' che la riporterà dal Sudafrica in Italia il 7 maggio prossimo, con tappa nel porto di Napoli e sbarco a Genova il giorno seguente. Era partita il 17 aprile scorso da Durban; la scorsa notte aveva attraccato per una notte alle Seychelles. Ora è in navigazione verso Aqaba e raggiungerà il porto della Giordania il 2 maggio. Dei 134 italiani a bordo 39 sono passeggeri e 95 fanno parte dell'equipaggio. Per fortuna nessun incidente si è registrato a bordo. La nave ha riportato solo lievi danni: qualche vetro rotto e una lancia da salvataggio colpita. Niente di grave neppure per i passeggeri, solo l'inevitabile panico al momento dell'attacco. La Melody ha 35,143 tonnellate di stazza, è lunga 204,7 metri e larga 30,15, e può viaggiare fino a 19 nodi di velocità.


Può ospitare fino a 1492 passeggeri in 532 cabine e 530 uomini d'equipaggio. Viene utilizzata principalmente per crociere classiche, sia nel Mediterraneo che sulle rotte oceaniche. E' dotata di sei bar, due ristoranti, due piscine e vari servizi. Alcune cabine sono attrezzate anche per i disabili. E' equipaggiata con pinne stabilizzatrici, e grazie anche alla sua grande stazza è molto stabile in mare.


(26 aprile 2009)

Mohamed Bupal

LAX DHUKANI ABAAR MOOG

Walaalayaal Soomaaliyeed waa idin salaamay; ayaamahan war ayaa igu jiray aan ka meermeeraysanaayay runtiina aan garan la’aay saan u abbaro.Had iyo jeer waxaan jeclahay in qormooyinkayga ay noqdaan kuwo wax dhisa oo aysan noqon kuwa dad dhiba oo nafta dadka kallifa, ma jecli in ayNoqdaan kuwo ku salaysan qabiil maxaayeelay in soomaalinmo wax iigaHorreeya oona ig dambeeya in aysan jirin ayaa laygu soo barbaariyay waaNa Ilaah mahaddiis.

Ishii wax xun aragtooy waxna aan ka qaban iska dhac ayaa la yiri, sidoo kale dhegtii wax xun maqashooy iska dhac. Waxaan Akhristayaashayda qaali ah u sheegayaa in qormadaydani aanna duullaan cidna ku ahayn waliba waxaan ku han waynahay in Ummadda badanaa igu Ayidi doonto.

Haddaba waxaan ka xanaaqay oo aan u arkay dulmi la dulmiNayo Haweenka qurbajoogta ah oo laga fidinaayo had iyo jeer dacaayado raQiis ah misana wixii war inta soo dhaafay suugaan la gelinayo oo lagu heesaYo caydooda iyo in laga sheego wax aan bannaanayn.

Ummadda Ilaahay waa badan tahay dadka kulligiisna ma wada fiicna oo duudka lama wada saran karo laakin anigoo u hadlaaya Ilaahay dartiis waxaan idin ogeysiinaYaa in dumarka soomaaliyeed ay yihiin dajireyaal; ha joogaan gudaha iyoDibedda ha halyeeyayaal u maqan dalkooda iyo dadkooda.

Haddii aan ka hadlo kuwa gudaha Dalka jooga waxay u heellan yihiin in ay daryeelaan Ubadkii oo u raadiyaan quud maalmeedkii, waxay kallahaan subaxdii miWalbana waxaay soo hoyataa ayadoo soo dhicisay nolol maalmeedkii Qoyskeeda.

Waa la ogyahay raggii waxay noqdeen badankooda kuwa Mihnad lahayn oo xitaa haddii wax ay qaban lahayeen aan haysan wax uQalma ay qabtaan ama waaba ka xishoonayaan shaqooyinka qaarkood.

Raggii waxay ku hawlan yihiin dagaal waa kuwa uu dalkaka dagi waayay Oo qasbay kumanaan qoys in aay qaxooti door bidaan oo la soo cararayCaruurtii..

Maanta ayaan webkka ka dhegeysanaayay gabdho soomaaliyeed oo u tagay kuna barortay raggii isku sheegayay islamiyiinta oo dagaal isku hor fadhya oo ay baryaayaan ayagoo illinta ka dureerta, waxaan maqlaayay" Walaalayaaloow dagaalka naga daaya, walaalayaaloow ha na dilina, walayaaloow ha is dilina walaalayaaloow isu naha isu naxariista, nin doorka ha iska dilina!" iyo wax la mid ah.

Caloosha ayaa I gaddoontay asaan anigooGurigeyga jooga la ooyay.

Gabhaha waxay Ilaah ka soke magan san yihiin Ragga waxaana waajib ah in la dhawro la sharfo la dilin la qaxin waa weHel waa warshadda aadmiga waa naxariis Ilaahay ragga ugu deeqay; waxaaWaajib ku ah raggaasi dagaallamaaya oo is diiddan oo burburiyay dalkii Maalin kastana geedkoodi ku xiran waa in ay maqlaan gabdhaha walaalahood ah oo ku barooranaya korkoodana layku dilaayay sanooyin fara badan.

Gabadha maanta soomaaliya joogta waxay mudan tahay inLa maqlo laga qaato nabadda ay sidaan waa in loo oggolaadaa in ay guriGeeda nabad ku hesho, waa in ay ilmaheeda ugu adeegan karto nabad; waxaa dilay naxdin qalbiga waa madow yahay ee inta Ilaah laga cabsadoRagoow nabadda qaado.

Haddaan u soo daadago nuxurka maqaalkayga oo ah " LAX DHUKANI ABAAR MOOG", waxa ay ku saabsan tahay dacaayadda raqiiska ah oo Kuwo ( al xamdulillaah aan badnayn ) faafinayaan oo ku saabsan HaweenKa qurbajoogta ah.

Waxaana iiga sii daran nin hees ku baxshay iyo koo Ku heesayay. Wuxuu yiri " ILMAHAAD DHASHAY AABBAHOOD AHEE ASKAR HA IIGU WICIN.!, ma ku sii soconnayo intaas ayaabaDhegtii maqasho ay dhib ku qabtaa. Warka waa iska cad yahay waa gabarJoogta qurbaha oo ninkeedii ugu wacday askar.

Nin iyo haweentiisa waa Labo qof oo is qaba oo is doortay oggolaaday in ay nolol wadaagaan ayatiinNa wada dhistaan.

Waa dhacdaa in naag ay u yeerto askar markii la gaaroQaabo quuseeyni oo fandhaal iyo xeero kala dhacaan.

Waxaa la joogaa waddan sharci ka jira haddii askar la wacana ayadoo laga roon yahay askarta Waa sharci maadaama meeshaasi joogin ehel ama waalid ama odayaalLabada qof maslaxeeya.

Waxaan maalin kasto jaraa’idka dadis qaba oo naftaIs ka jaray, Runtii arrimahan heesta laga bixiyay waa wax aad ugu yar bulShadeenna waxaana ka xumahay in hesta ah askar ha iigu wicin ay noqotay Mid loo nisbeeyo guud ahaan haweenka qurbo joogta ah.

Waxaan hore idinkaga warramay kaalinka gabadha soomaaliyeed ee DalkaGudihiisa ku nool haddaba aan wax idinkaga sheego gabadha Soomaaliyeed Ee ku nool Yurub, Canada, America iyo Australia.

Waa muddo cagacageynayso labaatameeyo sano ku dhowaad markii dawladdii dhexe burburtay dalkiina uu noqday mid nolol iyo naxariis laga waayay oo dagaalSokeeye megan u noqday.

Arrinkaasi waxay kallifeen in kumanaan qoys ay Qaxooti ku yihiin dalalka aan soo sheegay.

Waxaa lagala kulmay dalakanNolol adag, cimilo adag iyo dadkii oo ay ku adkaatay in ay la qabsadaan.

Gabadha Soomaaliyeed oo caruur wadatay ama inta ku dhashay waxay u guntatay in ay nolol raadiso oo u shaqayso caruurteeda, subaxdii hore aroorTii toosto caruurta diyaariso skoolkii geyso, aaddo meeshii ay ka heli lahaydMasaariifta ilmaheeda, haddana galabnimadii skuulka ka keento dabbartoReerka, ku cadaadiso in ay ka shaqeeyaan hawshii loo soo diray ee skuulkaMisana wakhtiyada fasaxa geyso dugsiyada kuraanka laga barto.

QurbahaWaxaa la maqlay wax shab la yiraahdo ama ceyr siday qof walibo u yaqaan Waxaa loo haystaa in Dawladda loo marti yahay ay lacag kugu dhoobayso. Saas maaha! Dawladda hal sano ayeey ku masruufaysaa inta aad Dalka laQabsanayso Skuul ayeey lacag la’aan kuugu yaboohaysaa in aan luqadda Dalkasii ka barato kaddibna waa ska celi magaalada.

Waxaa xusid mudan dalkan aan joogto ragga wax mihnad ah oo ay hayaan ma jirto kii looyar ahaa, kii dhakhtar ahaa , injineer macallin waaxay ka badin waayeen in ayNoqdaan taxileey oo shahaado aan Canada laga qaadan waa qashin oo kale.

Haddaba nolosha qoyska waxaa badanaa ay ku dhisan tahay haweenka oo garab cara raggooda si ay ugu helaan nolol ilmahooda waxaase run ahaantii nolosha, barbaarinta iyo dhaqaalaynta qoyska kaalin mug ah ka qaadata hooyada. Marwada iyo saygeeda waa ul iyo diirkeed isku ujeeddo iyo isku mabda’a ah walibo aabbaha inta badan waa ka maqan yahay guriga sidaas ayeey hooyada uga digtoon tahay in wiilkeeda iyo gabadheeda ka ilaaliso dhaqanxumada jirta .

Gabadha Soomaaliyeed ee qurbo joogta ah waa daljire run ah oo halgan ugu jirto in berrito haddii waddankii loo noqdo ay ula noqoto kaalin la og yahay maxaayeelay waxay ula noqonaysaa dhalin wax baratay oo dhinac walbo aqoon ka xaqab tiri karto Dalkii hooyo misana lagu soo barbaarshay ayaqoo joogo arli gaalo caqiidada Diinteenna Sharafta Badan, misana waxaa u dheer in ayna hilmaamin dadkeedii ku haraydalkii waalid iyo ehel waana marag ma doonto gabadha qurbojoogtada ahi in ay kaligeey rootiga ay cunin oo qayb ugu dirto dadkii joogay dalkii oo wax haysan.

Haddaba ninka baxshay ASKAR HA IIGU WICI, HA I BURININ !Waa dulmiloow ka been sheegay Haweenka. Waa Kan halganka nolosha aan Qaybtiisa ka qaadanayn, kaan shaqaysanay , kan jaad toban beri jid ku soo jiray boqol oollar in uu soo gato rabo oo u dagaallamaamayo waaye Kan askariga loo wacayo oo leh " ASKAR HA IIGU WICIN".

Nin wanaagSan oo Ilaahay kuu calfay oo baarri ah oo danta kula sidee askari loogu wici wuxuu mudan yahay duco iyo ammaan.

Dalkii dhib ayaa ka jira ,Xaaladda meel xun ayeey maraysaa ma garayo in uu is waydiiyo maxaad Qabataa maxaa tartaa, dib u noqo ee dalkii walbo wax ka tar waaba " LAXDHUKAN ABAAR MOOG" cindigiisa ma dhaafsiisna afartaas erey.

Mar labaad cid ay toos u khusayso ma leh qormadan waa qaddiyad guud oo naga wada dhaxayso Ummaddana ugu sheegayo xaqiiqada SuugaanleydanaUgu digayo in ereyo xun oo dhega dhibaayo soo bandhigin.

WA BILLAAHI TOW

Waxaa qortay

Faduma Axmed Maxamuud Cadde( Qoorwayne)..

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com