Search This Blog

Monday, October 6, 2008

Horta Ma Wadaad baa Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur)Mise?


Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ah Afayeenka Alshabaab ayaa iclaamiyey in dagaal xoogan lagala hortago kooxaha isbaheysiga dib u xureynta Garabka Jabuuti uu hogaamiyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyadoona hadalkaasi daareen naxtin leh galiyey shacabka reer Muqdisho oo 18 sano ku juray dagaalo aan laheyn u joodooyin iyadoona durbaba ay bilaabeen dadka reer Muqdisho iney ku gacan seyraan Shiikh ku sheeg Rooboow .
Hadalka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo dad badan ka careysiiyey ayaa la dhihi karaa in uu iclaamiyey dagaal fidno ah oo leysaga horkeenaayo xoogagii markii hore isku ahaa Maxkamadaha Islaamka Soomaliyeed hadalkaasina waxaa dad badani u turjuman nayaan burburkii sida ku wii ka dagaalami jiray Dalka Ciraaq oo dad badan ka dhaadhicin jiray iney u dagaalamayan danaha dadka Islaamka ah iyo kan dalka Ciraaq laakiinse markii dambe dad badan markeey dileen ay dadka degaanada ka horyimaadeen oo ay gacan adag isaga qabteen.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa'id oo qadka Telefanka u qabtay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa ugu baaqay xoogaga ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya in ay la dagalamaan isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka ku sugan dalka Jabuuti Dareen isku mid ah ee ka soo yeeray xoogaga Alshabaab iyo walaalaha Raaskanboono oo ah in ay banaan yihiin dhiigaga Sheikh Shariif iyo kooxaha Isbaheysiga iyadoona hadaladaasi ay u muuqdaan kuwa la doonaayo mar kale in dhiiga muslinka lagu daadiyo Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa la hubaa haday dhacaan dagaalka uu cilaamiyey Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) in aysan jiri doonin cid ka faa´´idi doonta iyadoona waxa kaliya oo laga dhaxlaayo ay noqon doontaa Bur bur iyo bara kac hore taana waxay keeni doontaa kooxa hal diin isla wata hadana dhiig iska daadinaayo.

Horta Ma Wadaad baa Mise waa sharwade? Waxaa lahubaa (Abuu Mansuur) waxaa ka warbixiyey dad badan oo uduleela isbadala ka dhacaya dalkeena Soomaaliya isbedeladaasi oo hada aanan bilaaban waxay ku sheegeen dadkaasi oo aan rabin in magacooda lasheegin baa yiri wuxuu haystaa Mabda' qaldan oo soo baxay dagaalkii sokeeye waxaa jira koox culumo sheegatay oo labaxday madhabta (Takthiir) madhabtaasi oo ku caan baxsan ineeyan cunin Hilibka ayaga iney qashaan maahinee.

Kooxdaasi waxay leeyihiin Masaajido u gaar ah, waxay
sameeyaan arin ku cusub Dhaqanka iyo Diinta Islaamka taas oo ah hadii ay qof dumar ah soo galayo waxay usheegaan iney aabeheed iyo hooyadeed Xaaraan isku guursadaan markaasna qasab ku tahay ineey ka soo tagto waalidkeed oo ayaga u go'do taas oo cadeeyn u ah xiligii loo soo qaxay ee 1991 dalalka Kenya iyo Itoobiya waxaa la arkay gabdho badan oo Masaajidada yimid oo Caruurwata ayagoo ka cabanaya in lagu sameeyey Maskax badalid.

Waxaa kaloo aad ula yaabka badnaa isla Marwooyinkaasi kuwa badan ineey ka tageen Ninkoodii iyo Caruurtoodii kadib markeey go'aan sadeen ineey ku biiraan Qoladaa labaxday Takthiir sidaasi darteed Abuu mansuur wuxuu ka mid yahay shar wadayaasha Takthiir ka ah marka malagu tilmaami karo wadaad ama ma uusheegan karo waxaadna ka garaneysaa sida uu u iclaamiyey Colaada ku aadan shacabka Soomaaliyeed ee mudada Dowlad la'aanta ahaa.

Qore:Mohamed Hussein Osman
mxuseen@yahoo.com

Al-Shabaab oo weerartay beesha ABGAAL


Xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Somaliya laguna magacaabo Mr. Fu`aad Shangole ayaa warar lagu kalsoon yahay oo ina soo gaaray ey sheegayaan in dhawaan uu soo saaray fadwo ka dhan an mid ka mid ah beelaha Somaliyeed ee daga K/Somaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa.


Mr. Shangole oo indhawaalaba laga daweynayay dhaawac kasoo gaaray dagaalo qaraar oo ka dhacay degmada Huruwaa horaantii sanadkan ayaa fadwadan ka jeediyay sida wararka aynu ku heleyno masjidka Abuu-Hureyra ee ku yaal Suuqa Bakaaro, wuxuuna taageerayaasha Al-Shabaab u sheegay in hantida iyo dhiiga dadka dagan laga bilaabo degmada Wardhiigley ilaa lagu geeyo degmada Xarardheere ey xalaal yihiin, islamarkaana ey howlaha Jihaadku ka socon la`yihiin dadka degan deegaanadaasi.


Fu`aad Shangole oo sidoo kale fadwadiisa uu ka jeedinayay masjidka Abuu-Hureyra ee Suuqa Bakaaro ku weeraray odayaasha dhaqanka Hawiye, kuwaasoo uu ku tilmaamay rag fidno isku urursaday islamarkaana wax aan isku dir iyo fidno aheyn soo wadin.


Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Mr. Fu`aad ka hadlo deegaanada iyo dhiiga beeshan ee uu iminka u xalaaleeyay taageerayaashiisa, waxaana cajal laga soo duubay mudo sanad ka hor uu sidoo kale ku tilmaamay deegaanadan iyo dadka degenba kuwo gabaad siiya gaalada iyo waxa uu ugu yeeray cadowga oo ku raaxeysta.

Hadalka Fu`aad Shangole ayaa sidoo kale kusoo beegmay xilli ey kooxdiisu iclaamisay dagaal ka dhan ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo taageerayaashiisa.


Banaadir Post

Friday, October 3, 2008

Shiikh Daahir Aweys oo ku baaqay in dib loo eego go’aankii lagu xiray Garoonka Diyaaradaha , ma runbaa iney istaageen lacagihii baada ahaa ..


Jimco, October 03, 2008(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara ayaa wuxuu ka hadlay xirnaashaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.


Shiikh Xasan ayaa sheegay in xirnaashaha garoonka uu saameyn ku yeeshay shacab badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in go’aankaas dib loo eego, “waxaan ku baaqeynaa in dib loo eego go’aankii lagu xiray garoonka Diyaaradaha Muqdisho bacdamaa ay faa’iido badan ku qabeen Shacab badan oo Soomaaliyeed”ayuuna yiri Shiikh Xasan Daahir.


Go’aankii lagu xiray garoonka wuxuu ahaa mid ahaa aan la isku waafaqsaneyn, waxaana gaaray dad gaar ah oo aan wax wada tashi ah ka sameynin”ayuu hadalkiisa ku soo daray Shiikh Daahir Aweys.


Been ma ahan garoonka waxaa ku daneysta ciidamada cadawga iyo qolyaha keensaday, laakin waxaa ka badan danta ay shacabka ku qabaan”


ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo ku cel celiyay in ay ku talinayaan in go’aanka lagu xiray garoonka dib loo eego”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir.


Horay waxaa baaqyo midkan la mid ah u jeediyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo aan ka xusi karno Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Shiikh Cumar Iimaan Abuu Bakar, Shiikh Yuusuf Indha-Cadde, Shiikh Xasan Turki iyo Shiikh C/raxiin Ciise Caddow, waxayna dhamaantood ku baaqeen in garoonka dib loo furo.


16-kii bishii hore ayay ahayd markii Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu soo saaray Bayaan uu ku sheegayo in uu ku xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo Bayaankaasna Shirkadaha Diyaaradaha rayidka ah loogu sheegay in aysan garoonka ka soo degin. Laakin ilaa iyo haatan waxaa xayiran duulimaadyadii rayidka ahaa, waxaana garoonka yimaado diyaarado u socda Ciidamada Amisom iyo kuwo ay ku duulaan madaxda Dowladda Federaalka.


Ugu dambeyntiina, tan iyo markii uu dhaqangalay bayaanka uu dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ku xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa dad badan oo doonayay in ay dalka ka dhoofaan waxay danta ku kaliftay in ay safar dhinaca dhulka ah ku tagaan Magaalada Gaalkacyo, kadibna ay halkaas diyaarad ka raacaan, halka kuwo kalena ay dhinaca dhulka ka galaan Dalka Kenya, si ay meelo kale uga sii aadaan.


Salaad Iidow Xasan (Xiis).

Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com
Mogadishu,

Somalia

Wednesday, October 1, 2008

101,716.05$ Oo Uu Lunsaday Darbo Weyne Yaa Loo Raacanayaa .


Xubno 10 ka kooban oo gudiga fulinta ka tirsanaa ayaa shir ay ku qabteen 22 feb 2007 waxey ku cadeeyeen in lacagtii ugu horeysay ee FIFA ay ugu tala gshay xiriirka k/cagta markii lagu soo doortay Baydhabo uu lunsaday dhamaan lacagtaasi Muxuyadiin Hasan Ali Darba wreyne.


Bayaanka xiligaasi la qabtay waxaa lagu sheegay in Guddoomiyihii xiligaasi ee xiriirka k/cagta Muxiyadiin Xasan Cali xilkii laga qaaday markii uu Is hortaagay ku dhaqanka Dastuurka xiriirka sidoo kale waxaa lagu sheegay inuu Ku tagri falay isla markaana uu lunsaday hadtida xiriirka k/cagta.

Guddiga fulinta xiriirku waxey cadeyeen in Guddoomiyahoodii uu Lunsaday kuna tagri falay hantida xiriirka ay taasoo ay ugu deeqday FIFA ,wuxuuna kula baxay lacagahaasi document qiyaano ah .
gudiga fulinta oo markaa isku dayay iney arintaan si sharci ah ku xaliyaana ayaa gudoomiyahoodii wuxuu ku adkeystay iney lacagtaani tahay tii doorashada kaga baxaday isla markaana uu soo ceshanayo uuna xaq u leeyahay.
Lacagta uu muxuyadiin Darbo weyn uu qaatay ee uu lunsaday waxeey gaareysay $101,716.05 Dollar (boqol iyo kow kun todobo boqol toban iyo lix kun iyo shan senti oo dollar) waxaana lacagta uu jeebka ku shubtay Darbo weyne ay aheyd mushaarkaadka shaqaalaha garoomada Banaadir iyo muqdishu , shirkada isgaarsiinta Telecom Somalia iyo horumarinta kooxaha iyo maamulka xiriirka.
Shaqaalaha Garoomada Muqdishu iyo Banaadir ayaa 3 sano oo Mushaar ah ku lahaa lacagtaasi markii ay si tabarucaad ah u soo shaqeeyeen,waxeyna mushaarkooda uu ahaa $ 51,840.00 laakiin waxaa afka marsaday Darbo weyne.
Shirkada isgaarsiin ee Telecom Somalia oo telefonadeeda ay xiriirku isticmaalayeen ayaa waxeey lacagtaasi ku laheyd 3 sano oo bil ah waxeyna laheyd $ 12,076.05 laakiin waxaa gacanta ku qaatay darbo weyne. qeybta 3-aad ee lacagahaasi ee soo hartay ayaa waxaa looga talagalay Horumarinta kooxaha, iyo shaqaalaha xiriirka waxeyna xaqooda uu ahaa $ 37,800.00 marka la isku darana dhamaan lacagahaasi ay FIFA u soo dhiibtay Xiriirka K/cagta waxey aheyd Total ahaan $101,716.05markii ay sidaasi dhacaday ayaa gudiga fulinta iyo kooxihiisa waxeey xilka ka xayuubiyeen gudoomiyahoodii Muxiyadiin Hasan Ali Darba weyne isla markaan documnets xilka looga qaaday FIFA u diray sidaana ay ku aqbashay in Said Mugaanbe ay gudoomiye u aqoonsato halka ay wax kama jiraan ka soo qaaday Darba weyne.
hadaba yaa loo raacanayaa $101,716.05 oo ku maqan Muxuyadiin Darba weyne taasoo la sheegay inuu boosas iyo kooxo uu ku gatay ,goorma ayaase dhici doontaa in hantidaasi laga soo celiyo.
la yaab ma laha in Darba weyne lacagtii looga talagalay horamarinta k/cagta somalia uu jeebka ku shubto isla markaana lagula xisaabtami waayo faraha zendiko oo xiligii ugu dheeraa soo maamulayay sports somalia ayaa sumcadisii ku waayay markii lacagihii sports somalia loogu talagaya uu qasnadiisa ku shubtay isagoo hotelo waaweyn ku gatay markii danbna saaxada sports caalamka ka saartay.
kuwa haatan hogaanka u haya maamulada Gos iyo k/cagta ayaa sidaasi iyo si ka sii daran jeebka ugu shubta lacagaha loo soo dhiibo horamarinta sports somalia iyagoo is leh kuwii idin kaga horeeyay maamulkaan cidna kulama xisaabtamin hantidii ay lunsadeen ee adinka caloosha ku shubta lacagahaan.
Gudoomiye Said Mugaanbe iyo kooxdiisa ayaa haatan waxaa gacata ay si fiican ugu dhigeen qeybtii 1-aad ee lacagta FIFA markii ay sheegeyn in ay dhisayaan garoonka Duqobay ee Banadir Stadium kaasoo 400.000 $ lagu siiyay laakiin ilaa iyo hada wax ka soo naasa cadaaday ma jiraan.
waxaa jira oo kale in garoonka la isku heysto dhismahiisa markii qeybta danbe uu nin sheegatay inuu leeyahay markii uu Documents la yimid u cadeynaya milkiyada dhulkaasi sidaan uu hakada ku galay dhismihii garoonkaasi iyadoo lacagtaasi ay jeebka Mugaabe iyo xoghayihiisa ay ku jirto.
Sir Sunni Said Salah
Senior Somali Sports Journalist

Ismaaciil Cumar Geele “ Qof masajid kasoo baxybaa madaxa rasaas lagala dhacayaa, Ilaahbaan idinku dhaarshaye diintee weeye taasi?”


Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si weyn usoo hadal qaaday arrinta dalka Soomaaliya intii ay socotay khudbad dheer uu ka jeediyay munaasabadii salaada ciidul fidriga.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si weyn usoo hadal qaaday arrinta dalka Soomaaliya intii ay socotay khudbad dheer uu ka jeediyay munaasabadii salaada ciidul fidriga.Madaxweyne Geele waxaa uu dhaliil u jeediyay kooxaha rabshadaha ka wada dalka Soomaaliya ee magaca diinta ku qaraabta,waxaana uu ku baaqay in guud ahaan shacbaka Soomaaliyeed ay taageeraan hanaanka nabadda ee haatan soconaya.
“ Qof Masajid kasoo baxybaa madaxa rasaas lagala dhacayaa, Ilaahbaan idinku dhaarshaye diintee weeye taasi?”ayuu yidhi madaxweynaha dalka Jabuuti Geele oo sheegay in rajo weyn laga qabo wada hadalada nabada ee haatan dalkka Jabuuti ka soconaya.
Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in diinta islaamku aanay ogleyn in la laayo dadka aan waxba galabsan iyadoo ay wax lalasii yaabo tahay in magaca diinta iyadoo la sheeganayo sidaa la sameeyo.
Waxaa uu dhaliil u jeediyay dowladda Eritra o uu ku eedeeyay in ay isku dayday in badan in ay car qaladeyso hanaanka nabadda ee ka soconaya Jabuuti,waxaana uu beesha caalamka ka codsaday in ay Eritrea culeys ku saarto in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya isla markaana ay joojiso falalka ay wax ugu dhibeyso xasiloonida gobalka geeska Afrika.
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Monday, September 29, 2008

DOWLADA SACUUDIGA OO SHEEGTAY IN AY MAALINTA BARI AH AY TAHAY MAALIN CIID AH. CIID MUBAARAK DHAMAAN

Wasaarada arimaha diinta iyo awqaafta ee dalka sacuudiga ayaa sheegay in maalinta biri ah ay tahay maalin ciid ah sida uu sheegay TVga dalkaasi Sacuudiga waxaanu dhamaan hanbalyo u direynaa dunida Muslimiinta gaar ahaan Bulshada soomaliyeed waxaana leenahay Allaha idinka aqbalo soonkiina hadii aan nahay dhaam kuweena Banaadir Post.

Mohamed Deeq Xaaji Ali
Tafatiraha Wargayska
banaadirpost@gmail.com