Search This Blog

Wednesday, August 27, 2008

SHEYBKA REER SHAATIYO BADAN OO SHEEGTAY, SHIR GUDDOONKA SHIDO WADAYAALKA SOOMAALIYA OO DHAN..


Waxaa ah wax laga naxo wareysi uu dhowaan siiyey BBC da Xasan Daahir Aweys oo loo yaqaan ( Sheybka reer shaatiyo badan), sheybka mar wax laga weydiiyey sida uu u arko guud ahaan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan heshiiska ay dhowaan magaalada Djibouti ku gaareen DFKMGS iyo Isbaheysiga dib uxoreynta?.


Wuxuu sheybku ku bilaabay hadalkiisii " marka hore waxaad ii ogolaataa inaan u tacsiyadeeyo dadkii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMGS ku xasuuqeen deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Carbiska",

sheybku ma uusan xusan tacadiyaddii kale ee ka dhacey meelaha kale sida : Baladweyne, caasimada Soomaliya ee Muqdisho iyo Kismaayo iwm.


Sheybku mar uu ka jawaabaayay heshiiska dhowaan DFKMGS IYO isbaheysiga dib uxoreynta ku saxiixeen Jabuuti, wuxuu sheegay in uu meelaha ka maqlaayay in la saxiixey heshiis aan isaga iyo beeshiisuba ku qanacsaneyn, wuxuuna ku tilmaamay shaqsiyaadka Jabuuti ku saxiixey heshiiskaas la sheegaayo insaysan faham-saneyn hadafka dhowrka iyo tobanka sano taageerayaashiisu, ayagoo hadba shaati gashanaayay ay dhiigga shacabka Soomaliyeed u daadinaayeen.


Tala-xumada Sheybka, waxaa lagu xusuustaa sannadkii 2006kii, iyadoo Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ee uu hogaaminaayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo inta badan taladii dalka gacanta ku dhigey, shacabkii Soomaliyeedna 97% caleemen qoyn u ruxaayaan, lana helay ammaan iyo kala danbeyn Dawladnimo oo la la'aay dhowr iyo toban sano, ayaa nasiib darro Sheybka reer shaatiyo badan wuxuu sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha Guddiga Golaha Shuurada ee Midowga Maxaakiimtii Islaamiga, is-magacaabidiisii Sheybka, dhowr saacadood ka dib waxaa soo baxey tobaneeyo (10) maqaal oo lagu naqdinaayo is-magacaabidiisii, maqaaladdaas waxaa ka mid ahay maqalkii ciwaankiisu ahay


" Xiisihii loo qabay xukunka xerta, xukun jaceylka Xasan Daahir Aweys ayaa xumeeyey iyo qaar kale".


Dhowr asbuuc ka dib is-magacaabidii Xasan Daahir Aweys iyo carrab-dheeriddii taliye maleeshiya beeleedkiisa ninka isku magacaabay General Yusuf Siyaad M Indhacadde, waxaan filaayaa in laga wada dheragsan yahay sidii uu u dummey shucaacii ifaafey ee MMIS, ka gadaal markii uu sheybku yiri Adduunka oo dhan ayaan ku xukumeynaa Diinta Islaamka iyo Yusuf Indhacaddeoo iclaamiyay inaay tobobo casho(7) ka dib aay madaxda Maxaakiimtu ku dukan-doonto magaalada Baydhabo oo xarun u aheyd DFKMGS, Maxaakiimtii waxay bilaabeen dagaalo aan qorsheysneyn, si xun ayaa dagaalkii loogu jebiyay Maxaakiimtii, waxaana laga dhigey mid haadey iyo mid heybshey, markii aay arintu xumaatay ee aay gaartay yaa Dooli iga dhiga ayuu Yusuf Indhacadde Xaj beenaad u aadey Suadi Arabia, arintiina waxay noqotay reer hebelow labada orod mid daaya.


Sheybka oo wakiil ka ah beeshiisa wuxuu taagan yahay, dhiggii shacabka Soomaliyeed ee la soo dadinaayay laga soo billaabo sanadkii 1991dii, cid aan aniga aheyn kuga shir tagi karto, runtii waxaa hadda moodaa inaay muuqanayso astaan muujinaysa in aay sheybka u rumoobi rabto riyo maalmeedkiisii ( day dream) waayoo R/W Nuur Cadde oo aad u nabad jecel ayaa hogaanka Xukuumaddiisa ku aaminay kuxigeenkiisa Axmed Abdisalaam Aden oo aay isku hadaf iyo heyb yihiin sheybka, ee Soomaliyey haddii aan Ilaahay xal kale keenin, ha loo digaar garoobo dagaaladdii sagaashameeyaddii 1990dii oo kale.


Sheybka reer shaatiga badan oo sheegtay shir guddoonka shido wadayaalka Soomaaliya oo dhan.


Warsaame


"Taliyaha Ciidamada Itoobiya sharci u ogolaanayo ma jiro inuu Gabar Soomaaliyeed oo uusan qabin gurigiisa ku xerto, Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soom

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb "M.Dheere" ayaa si kulul ugu hadlay fal ay shalay ciidamada Itoobiya ku kaxeeyeen Agaasimaha Waaxda Canshuuraha ee Gobolka Banaadir Haweeneyda lagu magacaabo Aamina Muuse xili ay ku sugneyd gudaha dekadda magaalada Muqdisho oo ay howlo canshuur aruurin ah ka watay.

Maxamed dheere ayaa sharci daro ku tilmaamay in xafiiska haweeneydaasi ay galaan ciidamada Itoobiya, isla markaana la geeyo guri uu degan yahay Taliyaha ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, tasoo uu sheegay in xeerka Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida uu ka soo horjeedo in gabar Soomaaliyeed la kaxeysto oo guri ninkiisaa la geeyo.

"Taliyaha Ciidamada Itoobiya sharci u ogolaanayo inuu Gabar Soomaaliyeed oo uusan qabin in gurigiisa ku xerto, Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ma qabo"
ayuu yiri Maxamed Dheere Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in Dowladda Itoobiya ay dacwad u gudbinayaan si qaladkaasi dhacay loo saxo.

"Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Itoobiya waa nin Jaahil ah oo qoriga uu heysto aaminsan, laakiin Dowladda Itoobiya ayan jawaab ka sugeynaa"
ayuu sii raaciyay Maxamed Dheere oo si kulul wareysi u siiyay BBC-da, isagoo dhanka kale sheegay in dowladda Itoobiya ay leeyihiin xiriir wanaagsan balse aysan xiriir laheyn wax uu ku sheegay "nin Askari ah oo gabdhaheena gurigiisa geysanaya, mana dooneyo inaan sidiisa oo kale u dhaqmo".

Hadalkan ayaa yimid kadib markii shalay ciidamo ka socda Dowladda Itoobiy ay xafiiskeeda oo ku yaal Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Gobolka Banadir Aamina Muuse gudaha dekadda Muqdisho isla markaana ka kaxeysteen iyadoo la geeyay guriga uu Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiya ku leeyahay Sey Biyaano halkaasi oo mudo lagu hayey dabadeedna lagu amray ineysan qaadi karin wax canshuur, arintaasi oo Maxamed Dheere ka careysiisay wuxuuna sheegay in ciidamada Itoobiya shaqo ku laheyn howlaha maamulka Gobolka iyo Dowladda balse kaliya ay dalka u joogaan gacan siinta dhinaca ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Banaadir Post
Bupal yare#
banaadirpost@gmail.com

Madaxii UNHCR Muqdisho oo la sii daayey Mr.Xasan Keynaan: "Gurigeyga oo ku yaala Ceelasha Biyaha ayaa la iga afduubtay, wax dhibaato ahna la iima geys


Mr.Xasan Maxamed (Keynaan) oo ahaa madaxii Hey'adda Qaramada Midoobey ee Arrimaha Qaxootiga UNHCR ayaa gelinkii dambe ee shalay la sii daayay, isagoo faahfaahin ka bixiyay mudadii uu ku jiray gacanta kooxihii afduubtay, isagoona tilmaamay inaanay wax dhib ah u geysan oo ay aad u fiican tahay xaaladiisa nololeed iyo midiisa caafimaadba.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo Sarkaalkan ayaa sii deysmadiisa aan loo adeegsan wax madax furasho, waxaana wada hadalo ku aadan afduubkiisa ay dhex mareen Wakiilo ka socday Qaramada Midoobey iyo Kooxaha gacanta ku hayay.


Mar uu Saxaafada la hadlay ayuu sheegay Mr Xasan inuu caafimaad qabo, isla markaana ay Kooxihii Afduubka u heystay ay si wanaagsan ula dhaqmeen intii uu gacantooda ku jiray.


"Waxaa ley afduubtay 21-kii Bishii June, mudadaasna wax dhibaato ah lama kulmin, waxaa leyga afduubtay Deegaanka Ceelasha Biyaha oo aan ku sugnaa"ayuu yiri Sarkaalkan ka tirsan Qaramada Midoobey.Gacanta Kooxo Soomaali ah waxaa ku jira ilaa 9 ruux oo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali, kuwaasoo ahaa sama falayaal u shaqeynayay Hey'ada kala duwan, waxaana wali gacanta Kooxo Dabley ah ku jiraan Labo nin oo ajnabi ah oo u kala dhashay Dalalka Britain, Kenya kuwaasoo ahaa qandaraaslayaal hey'adda Qaramada Midoobey ugu qaabilsan Dhinaca Beeraha ee FAO u shaqeynayay, isagoo sidoo kale mahad celin u jeediyay doorka ay sii deyntiisa ka geysatay madaxda Hay’adda UNHCR oo uu ka tirsan yahay...


Banaadir Post.

Majaango

Xamar(Somalia)

banaadirpost@gmail.com

YUUSUF GARAADKA BBCDA,DAAHIRKA MAXKAMADAHA, CABDIQAASIMKII CARTA IYO NUUR CADAHA DKMG AH?


Walaalayaa aragtida aan ka qabo raggaasi waa saas waxaana caddayn u ah,aan ugu horraysiiyo yuusufka bbcda kaasi waaba iska caddaan oo cid walbaaba waa ogtahay kuma jiro kuwa caddaynta loo raadinayo oo waa nin halgamaa beeshiisa ah waxaanna la yaabanahay in maraykanka iyo ingiriisku meel kale oo iyaga ka baxsan ay ka doondoonayaan argagixiso iyadoo uu madaxa bbcda yahay kan ugu weyn waxa loogu yeero alqaacida waxaanna qabaa inay la ogyihiin inu saas yahay.
Daahir aweys isna waa sidoo kaloo isagaaba yiri anaa guddoomiye u ah kaasina waa caadi waana kan ugu macquulsan waayo isagu bannaan buuna is dhigay oo waa hillaac biyihiisa caddaysey oo kaasi waa nin aragtidiisa u daacad ah.

Cabdiqaasim,ninkaani waaba uga horreeyey daahir argagixisada waxaaba u sii dheer waa ninkii soo allifey in soomaali loo qaybiyo 4 (afar iyo bar) isagoo dad ku duudsiyaya xuquuqdooda beeshiisana ugu raadinaya waxaysan xaq u lahayn,walina kama dhammaan taageerada uu siiyo ama u raadiyo sidii alqaacida dalkaan u qabsan lahayn beeshiisuna u ahaan lahayd beesha beelaha.

Raiisul wasaare nuur cadde waxaan qabaa inuu yahay mid kamid ah hoggamiyayaasha waaweyn oo ahaa intii xilka loo doortay ka hor dhuxul dambas huwan calaashaan is qarinayey haddana isagoo awood u helay uu iska rogey daahii markii uu yiri alqaaciido waa in heshiis lala galaa,taasoo kaliya maahan caddaynta loo hayaaye markii masuulkaas xilka loo dhiibayey dalka oo dhan waxaa gacanta ku hayey dfkg ah haddana waxay kusoo hartay maamulkeedu 3 ilaa 4 degmo oo xamarku taal taasoo uu iyadana suura galiyey maxamed dheere duqa magaalada muqdisho oo markii taas la ogaadeyna xilkii laga qaaday,marka waxa uu qabtay oo kaliyihi waa inuu argagixisada ku wareejiyey dalkii in lala xisaabtamo oo xilka laga qaado maxkamadna lasoo taaguu istaahilaa ee hadda ay jiraan wali dad wax yar oo waddaniyad ahi ku jirto dadka isku sheega inay baarlamaan yihiin waxaan ku boorin lahaa inay hawshaas meel adag ka istaagaan.

Madaxweyne mudane Cabdullaahi yuusuf waxaan oran lahaa mudane meeshaad maanta joogtaa waa buur qarkeed adiga ayaana halkaas is dhigay dadkoo dhanna waxay ku moodi jireen inaad tahay halgamaa birta calaliyey oo suu u booteeya kaga dhabayn kara markay joogto nabad diidka ee maahayn inaad ku wareega caddaysato alqaaciidada, Tusaale prof;xaqiiqdii wuxuu ahaa nin wixii uu helo meelaysta (qaata lacagta) laakiin maahayn argagixiso wuxuu ahaa halyey mudan in wax badan loo xeeriyo waayo wuxuu mowqif fog oo loo baahan yahay ka taagnaa la dirirka iyo inaysan waddanka waxba ka noqon alqaaciido waadna tabi doontaa ee haddii aad danaynayso inaad sii joogto muqdisho waxaan adiga iyo lataliyayaashaadaba ku boorin lahaa inaad garab istaagto mudane maxamed dheere oo ah ninka kaliya oo ku soo haray muqdisho oo ay ka go antahay inu meel adag ka istaago argagixisada iyo halgamayaasheeda ku xusan bilowga qoraalkaan. Madaxweyne Cabdullaahi iyo kismaayo, mudane madaxweyne magaalada kismaayo waa magaalada labaad ee waddanka soomaali doonka ah iska dhaaf soomaali diidka waqooyi,waxaa xaqiiq ah inaad dayacday magaaladaas oo ah mid aad muhim u ah taasoo dad badan aamin san yihiin inaad adigu siisay barre oo ah ninka ku xasuuqay dadkii u dhashay gobolkaas isla markaasna qaatay wixii khayraad yaalley oo dhacay oo diley oo kufsaday,baabi iyeyna waxaana iska cad inaad u dhaga nugushahay beesha gumaysatey kismaayo adigoo uga badashey kursi,taas waxaan kaa oran lahaa hadda ka hor ayaad dayacday kismaayo madaxweyne adoo inta barre u qabtay uga tagey, Madaxweyne yuusuf iyo Gen.Morgan ee magaalada kismaayo, waxaa iska cad in madaxweynuhu kismaayo gacanta halgamaagii weynaa ee markii laga kala cararay 1991dii oo maata xasuuqu jirey u dhaartay inusan ka tagin maatada kismaayo ka bixiyey isagoo diidanaa in masuul muuqdaa kasoo boxo qabiilka madaxweynaha kasoo jeedo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu Gen.morgan uu uga saarilahaa siyaasadda meeshee ii soo dhoweysan lahaa isla markaasna soo dhoweystey barre iyo wax lamid ah meesha beesha daa uud ee kamid ah abgaal ay lahaayeen muuse suudi iyo cumar finishoo isku jifo hoose ah uuna raalli ku noqday madaxweynuhu sidaas marka waxaan ku talinlahaa si kismaayo u noqoto waxay ahayd dadkeeduna dulmiga uga boxo jaalle mudane maxadweyne waxaan kuusoo jeedin lahaa inaad ka ducaysato Genankii caad sharafta ka dishey.

Ilaahoow xaqaaga u hiilli..


Tuesday, August 26, 2008

AABIHII DAWLADDAAN A/LAHI YUSUF OO DAAQADDA LAGA TUURAY, IYO DEEGAANADA MUDULOOD OO DADKA LAGA DHEXEYN-SIIN RABO‏


Dawladi malaha saaxib joogto ah ee waxay leedahay dan toogto ah, sidaas waxaa mar qura wada yiri dhammaan dadka Soomaliyeed ee la socday Siyaasadda Soomaaliya afartii (4) sano ee la soo dhaafay, ka gadaal markii qalabka warbaahinta lagu shaaciyay in xilkii laga xayuubiyay Guddoomiyihii gobalka Banadir ahayna Duqa Magaalada Muqdishu Mohamed Omar Habeeb (M. Dheere).


Mohamed Cumar Habeeb ( M. Dheere) waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay Aabaha Dawladdaan Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Ahmed, sababta uu Aabe ugu yahay waa fara badan tahay, balse haddii aan mid iyo labo ka soo qaadano waxaa ka mid ah:
1. dhammaadkii 2004kii, Markii loo baahday shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood oo buuxin kara xil Ray'iisul waasaranimo (requirement of the vacant position) kana mid ah 275 Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliyeed ku meel gaarka ah, waa-tii uu Maxamed Dheere xildhibaanimadii uu ku wareejiyay Prof. Ali Mohamed Ghedi, R/W hore oo runtii Shacabka Soomaliyeed ka kasbaday sumcad fiican, ka dagaal markuu muujiyay firfricooni, wax qabad gudaha iyo dibadaba, iyo furfur-naasho uu ummadda Soomaliyeed u sinneey.
2. Dagaal Oogayaashii Muqdishu xilligaas ka talinaayay oo u diiday Dawladda Abdullahi Yuusuf inay soo degto Muqdishu, ayuu M. Dheere oo ka talinaayay gobalka Sh/Dh ee jowhar Dawladdii soo dejiray Jowhar, markaasay reer Jowhar ku soo dhoweeyeen Dowaladdii uu Abdullahi Yuusuf hoggaaminaayay shibirkii caanka ahaa:" dhalasho aan leysku dhowrin waa dhiggee dhulkaan Abgaal ku soo dhowow", sidaas ayuu M. Dheere ku yahay Aabaha Dawladdaan Yuusuf ee haddii uu xitaa Mohamed Dheere leeyahay dul-dulleelo yar yar iyo carrab dalab leh maxaa loogu dul-qaadan waayay duqu waa soo dadaalee?
Dhinaca kale, taas waxaa ka sii daran, guux hoosaad sheegaaya in loo danlee yahay deegaanadda Mudulood oo loo magacaabi rabo xilka ugu sarreeya ee gobalka Banadir shaqsi aan u dhalan deegaanka Muqdishu kana aan soo jeedin beelweynta Mudulood, iyadoo shaqsi ka soo jeeda beelweynta Mudulood uusan dhammaan deegaanada kale, ee Soomaliyeed ka qaban karin xil deegaan ee sow arrintu ma'aha hadalkii uu hadda ka hore ka digay Caaqil Xaaji Mohamoud Ali Jimale ( Koogaar), guddoomiyaha Guddigga Mudulood Waqooyiga Ameerika ( North America) oo ahaay " deegan-keyga lihi, deegaan-kaagana kula lihi", haddii uu dhab yahay in la fulin rabo fikirkaan bah dilayska ah, shaqsigii ka soo jeeda beelweynta Mudulood oo aan ka dhiidhin dhalad ma'aha.
Ugu danbeyntii, beelweynta Mudulood waxaay u caddeynaysaa R/W Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde) inay beelweynta Mudulood taageersan tahay Dawladda FKMGS 97%, laakin looga baahan yahay Ray'iisul Wasaaraha in uuka digtoonaado qolada (group-ka) raba xaasaska Soomaliyeed ee uu ku qancin maagaayo Gabdhaha Soomaaliyeed.
MOhamoud Ghedi Aw Hilowle
Rochester,
MN.

Ciidamada Booliska Dowladda KMG ah oo u soo Bandhigay Saxaafadda Hub iyo waxyaabo, laga helay Iskuul ku yaala Xaafadda Buulo Xuubey Cajiib?????


Ciidamada Booliska G/Banaadir ayaa maalinimadii shalay baaritaano ay ku sameeyeen wadada B/Xuubey ee magaalada Muqdisho, waxay ku heleen Hub iyo waxyaabo qarxa mid ka mid ah goobaha waxbarashada oo ku yaala halkaasi ..


Sababtii ka dambeysay baaritaanada lagula dhaqaaqay wadada B/Xuubey ayaa ka dambeysay kaddib markii daqiiqado ka hor halkaasi uu ka dhacay qarax miino jidka la dhigay, taasi oo lala beegsaday mas'uul ka tirsan waaxda canshuuraha Garonka Diyaaradaha Aadan Cadde, hase yeeshee falkaasi cidna waxba kuma noqon.


Afhayeenka Ciidamada Booliska G/Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka heleen Dugsiga Al-Iimaan, wuxuuna Saxaafadda u soo bandhigay Hub iyo waxyaabo gacan ku sameys ah oo laga sameeyo Miinooyinka macmalka ah, wuxuuna Afhayeenka qirtay intaasi ku daray in ninka Miinada qaraxday hagayay uu soo galay Iskuulka, taasi oo uu sheegay afhayeenka in taasi ay xaqiijinayaan dadka ka dhow Iskuulkaasi.
"Waa nasiib darro in manta Iskuuladii loogu talagalay waxbarashada loo bedelo xero ciidan"
ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska G/Banaadir C/llaahi Maxamed Bariise oo dhinaca kale sheegay inay ka shakiyeen, markii ay tageen Iskuulkaasi oo gebi ahaanba la faarujiyay.
Mohamed Deeq Xaaji
Xamar
Banaadir
banaadirpost@gmail.com