Search This Blog

Monday, August 18, 2008

Al-Shabaab oo haween shaahleyaala gumaaday

lix wiilal oo afafka u duuban yihiin ayaa bambooyin ku weeraray haween shaah ku iibinayay inta u dhaxeysa KM4 iyo Garoonka Adan Cadde International Muqdisho.
Haweenka la qarxiyay ayey kooxaha sheegta Muqaawimada ku eedeeyeen inay Ciidamada Dowlada Federalka shaah ka iibin jireen,waxaana la maqlayay iyagoo ku dhawaaqaya KALMADDA ALLAAHU AKBAR.
Inkastoo Ciidamadda AMISOM isku gadaameen baraha hooyooyinka Soomaaliyeed lagu xasuuqay hadana tacadiyada ka baxsan diinta Islaamka iyo xaquuqul insaanka ee geystaan kooxaha isku sheega inay Jihaadiyiin Muslima yihiin ayeysan jirin cid ka hadasho Saxaafad iyo wadani.
Kooxaha Muqaawimadda Al-Shabaab la baxay waxay hore u xasuuqeen haween qashin ka gurayay Muqdisho oo ay miino u duugeen,waxayna sidoo kale dileen gabadh yar oo magaceeda lagu sheegay Nasro,kana ganacsan jirtay Ukunta.
" Gabadh yar ee ay dileen kooxaha Muqaawimada sheegto hooyadeed waa indhoole,waxay irsaaqad ka raadin jirtay Ukunta,waxaa ku filneed in kuwa dilay boqol shilin Somali ah oo ka yar shan dollar siiyaan ama Ukunta ay wado ka iibsadaan laakiin xabad ayey ku dhifteen,allahu akbar ayey ku dhawaaqeen,websiteyadooda ayey soo geliyeen wayna ku faaneen,bal isweydiintu waxay tahay gobanimo malaga sugayaa koox caruurtooda,waalidiintooda arxandaradaa ku gumaada,xagee laga marayaa cuqabada hooyada indhaha la'subxaanalaah" sidaas waxaa ku calaa calay sheekh caana oo ku nool afgooye lana soo xiriiray Waagacusub
Kooxaha Shabaabka Caalamiga ee ku kala xiran Al-Qaacida iyo Washington waxay hore u dili jireen Waxgaradka Soomaaliyeed sida Aqoonyahanadda dhinacyada Tacliinta,Ciidanka,Maamulka,samafalayaasha iyo hogaan dhaqameedyadsa,waxaana hada muuqato in ugaarsigoodii u weecday Ukunleeyda,Shaahleeyda,Yaanyooleeyda iyo qashin aruurayaasha Soomaaliyeed.
Qurba jooga Soomaaliyeed oo dhaqaale ku taageera kooxaha falalka arxan daradaa kula kaca shacabkooda ee fulinaya danahii ay Itoobiya ka lahayd Soomaaliya kuna saleeysnaa in waxgaradkeeda la laayo ayey la tahay inay gobanimo la doonayaan kooxaha danleeydaa ee gumaadaya hooyooyinka iyo gabdhaha ukumaha iyo shaaha.
Soomaaliya waxaa xaaladaha ka jira la rumeysan yahay inay sababeen cadaalad daro la isugu sacab tumay,sida dilal,dhac,kufsi,barakicin iyo qabiil isugu faan,waxaana sida muuqato ku soo siyaaday Kooxo wata Kitaabka alle kuna dhaqmeyn balse ujeedkoodu yahay inay xukun ku raadiyaan ama fuliyaan dano shisheeye u dhiibtay si ay kaga faa-iidaan.
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Sunday, August 17, 2008

Sheekh ABBA ayaa geeriyooday kuma geeriyooday Sanca dalka Yemen


ALLAHA u naxariistee waxaa magaalada Sanca ee dalka Yemen ku geeriyooday maanta Sheekh Max’ed Sheekh Axmed Sheekh ABBA oo ka mid ahaa culumaa’udiinka Soomaliyeed ee caanka ah sida ay xaqiijiyeen xubno ka tursan eheladiisa oo ku sugan degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Abba oo ahaa nin ay si weyn u garanayaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa culumaa’udiinka Ahlu sunna waljamaaca, waxaana guriga Sheekh oo ku yaala degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho soo buuxiyey dad aad u fara badan oo ka mid ah ehelafiisa iyo dad kale oo doonaya iney u tacsiyadeeyaan, waxaana wararku ay sheegayaan in geerida marxuumka ay ka dambeysay ka dib markii mudooyinka uu soo wajaheen xanuuno kala duwan.


Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada ayaa hawada u marinaya ehelada marxuumka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed tacsi, iyagoo ka tiiraanyeysan geerida ku timid Sheekh Abba.Inaa lilaahi lilaahi waa inaa ileyhi Raajicuun

Banaadir Post

banaadirpost@gmail.com

Beesha Majeerteen Harti ayaa gashatay shaati diineed si aay u hantaan markale degmada kismayo ee gobolka J/hoose.

Indhowaalaba waxaa socday abaabul aay wadaan guud ahaan beesha majeerteen Harti, si aay dib ugu hantaan gacan ku ahaynta magaalada kismayo ee gobolka J/hoose, oo lagala wareegay april, 2007 iyagoo xiligaas huwanaa shaar dowladeed.
Beelaha isku haya magaalada kismayo ayaa ah beelo aan u dhalan magaalada iyo gobolka intaba, balse waxaa midba midka kale ku eedeeyaa inuu isagu yahay deegaanka beesha kalena aay tahay mid duulaan ku timi, taasoo ah mid xaqiiqda ka fog in badana aan ooga hadalnay webka anagoo soo xiganayna taariikh rasmi ah iyo sida aay ku yimaadeen beelahan ku hardamaya deegaan aaysan u dhalan ab iyo isirna aaysan u sheegan karin.
Magaalada Kismayo waxaa in muda ah ku amar taagleynaye laba hogaamiye kooxeed oo kasoo kala jeeda labaan beelood, waa Morgan shaarba weyne iyo Aw bari hiiraale oo xiradii miletariga qasri weyn ka dhistay waliba dhabihii lagu gaardin jiray.
Labadaan hogaamiye kooxeed ayaa loo heystaa denbiyo dagaal oo aay ka galeen beelaha deegaanka u dashe laga bilaabo 1991 ilaa 2007 waqtigaasoo aay geeysteen xasuuq ba,an oo isugu jira dil, dhac, kufsi iyo kuwa kaloo badan.
Shaqsiyaadkii danbiyadaas ka galay shacabka gobolada Jubooyinka, ayaa haatan doonaya ama damac kaleh ineey wali sii fuliyaan kuwa kaloo cusub, iyagoo kala huwan mid beeleed, mid dowladeed iyo mid diineed intuba, balse waxey iloobeen in shacabka gobolka asal ahaan kasoo jeeda aay ahaayeen kuwii diinta laga soo gaaray guud ahaan koonfurta soomaaliya aayna diin u tilmaami karin cid kasoo jeeda gobolada dhexe iyo dhabihii jahliga.
Isku soo duuboo maxaa kala haysta beelaha Puntland iyo Gedo sideeyna ku kala bixi doonaan, iyadoo beelaha deegaankuna aay ka yihiin daawadayaal fadhiya garoonka.
Waxaa intaa dheer oo layaab noqotay in beelaha Majeerteen oo dagaal kula jiray kuwa gobolada Dhexe ee uu hogaamiye Mudane Aweys ineey haatan kala boobaan cimaamadii, iyagoo u arka ineey cimaamadu tahay dhabaha kaliya oo aay u mari karaan hanashada magaalada Kismayo iyo guud ahaan gobolka, taasoo loo aaneen karo in aay arkeen ineey jiraan rag fara badan oo diin lagu qalday kuwaasoo u badan Absame, Gaaljecel, Shiiqaal, iyo qaar ka mid kuwa kasoo jeedo gobolo kale balse looga ifiyey in jiihaadku yaalo Jubooyinka.
Waxaa laga yaabaa saacada soo socda in kooxda hiiraale aay dabada jeedin doonaan iyadoo la filayo beelaha majeerteen oo shaarka diineed huwana aay la wareegi doonaan magaalada kismayo kadibna laga war dhowri doono ineey cimaamada sii wadan doonaan iyo inkale.
Lasoco wararkeena danbe iyo wixii kasoo kordho gobolada jubooyinka.
Jamaame, Kismayo Xafiiska Warqabadka ahmed93@hotmail.com

Xubin ka mid ahaa Isbaheysigii Ladagaalanka Argagixisada oo lugu dilay Magaalada Muqdisho.


Ciise Cismaan Ciise oo ka mid ahaa Xubnihii asaasaay Urur kulmiyey Hogaamiyaashii dagaalka ee Magaalada Muqdisho ,ururkaasi oo la dhihi jirey La dagaalanka Argagixisada ayaa lasheegay in lugu dilay Magaalada Muqdisho.
Niman hubeysan ayaa toogtay Sarkaalkaasi ,waxaa lasheegay in lugu dilay deegaanka Siinaay ee Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,waxa ayna sidoo kale sheegayaan wararku in uu baxsaday ninkii falkaasi geystay.
Ciise Cismaan Ciise waxaa la geeriyooday mid ka mid ah Ilaaladiisii ,waxa ayna dad ku dhow dhow sheegeen in uusan Marxuumka sannadihii ugu dambeeyey faraha kala baxay howlaha Siyaasada ee dalka Soomaaliya.
lama garanayo cid ilaa hada geystay dilkaasi ,mana jiraan cid sheegatay ,waxaana ay sheegtay Haweeney lasheegay in uu qabey in ay socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada dawladda Soomaaliya qeybtooda baaritaanada dilalka noocaan oo kale ah qaabilsan.
Dilka Sarkaalkan ayaa walaac ku beeray dad badan oo ka mid ahaa Ururkii Ladagaalanka Argagixisada ,waxa ayna Saraakiisha amaanka ee dawladda Soomalaiya xaqiijiyeen in ay soo qaban doonaan Kooxihii falkaasi ka dambeeye..........
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Friday, August 15, 2008

Qaran oo ka faa-iidey lacag Madax furasho la marsiiyay



La qafaayashaalki dhowaan la sii daayay ee talyaaniga ahaa ee laga bixiyay lacag dhan 1,498,000 (milyan, afar boqol iyo sideetan kun oo dollar) ayaa la sheegay in lacagta madax furashada martay shirkada Qaran ee xawaalada, sida waxa yiri dad ay ehelo yihiin la hayestayaashi.
"Maalin kasta waxa soo booqanayay dad u libisan si fiican oo fiirin jiray la heeystayaasha, kuwaasi oo talo ka bixinayay sidi loogu gorgortami laha sii deentooda," sida ayey i sheegtay haweenay ay qaraabe yihin Iolanda Occhipinti oo aheyd haweenaydi la heystay.
Warkan waxa sheegtay gabar shaqaalaha caafiimaad ka tirsan ee la dhaho Marina Angelo ee ah haweenay Occhipinti kaseysay.
"Waxa meeshay ku xirnaayeen ka doonay nin dirawal u ah ganacsade ka tirsan shirkada xawaalada ay Somaalida iyo Suudan wada leeyihiin ee Qaran ,"
Marina ay dhahday.Haddanan qaldin codka aan maqlay waxa u ahaa Hussein Golay,waa raga iska leh mid ka mid ah, ayey tiri.Occhipinti oo aheyd haweenayda la heeystay aya sheegtay in maalinti afduubayaasha ka maqli jirtay ilaa 20 mar ereyga Karan, laakin ma fahmeyn waxayna u maleyn jirtay in kuwa heysta mid ka mid ah la yira Karan, marina aya sheegtay.Sidoo kaleh waxa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan nabadsugida Soomalliyed oo magaciisa diiday in la sheego in labada la heeystay u dirawalka Xussein Goley keenay isaga oo ka soo saareey marley meel u ku oga.
Labada la heeystay waxa ay sheegeen in dirawalkan ay arki jireen maalin kasta.waa markii ugu horeeysay in shirkad xawilaad ay afduub ku shuqul yeelato si cadaan ah, inkasto oo marar badan ay ku lug yeesheen hanti la gudbiyay oo nabadgalyo wax u dhintay.Lama oga waxa ay yeeli doonan dadka Suudaanta ah ee ku lug leh shrikada Qaran.
"Lacagta la keenay wey cusbeyd marka waxa diiday nimanka afduubayaasha oo yiri tixraac ayay yeelaneysa, markaasi aya shirkada qaran soo badashay," waxa sidaana u sheegay sirdoonka talyaniga nin jooga muqdisho oo la wareeystay.
"Shirkada qaran 200,000 kun oo doolar ayay ka heshay faa-ido.laakin inta badan waxa qaatay afduubayaasha,"
ayuu ninku u sheegay wardoonka.
Ganacsato badan oo soomaaliyeed ayaa dawlada talyaaniga u sheegay in aad ugu xun yihiin ficilka Qaran.
Amina AhmedReporter.
Roma
runleey84@yahoo.it

Raashin dhacay muddana xayirnaa ayaa maanta la sheegay in suuqa lagu soo fasaxay.


Caddaynta in raashinkaasi uu yahay mid dhacay oo uu horay u sheegay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumadda fedaraalka Maxamed Ibraahin Xaabse ayaa fasaxiddiisa maanta iyo in suuqyada lagu soo daayay waxaa la sheegay in uu ka dambayay amar uu bixiyay Raysul Wasaaraha xukuumadda fedaraalka Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde).
Qaar ka mid ah howlwadeennada Dakadda Muqdisho oo raashinkaasi yiillay iyo waliba dadweynaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa sii daynta iyo fasaxidda raashinkaasi waxaa ay ku tilmaameen mid aan ku imaan nidaamkii saxa ahaa,marka la eego in baaritaan lagu sameeyo.


Dadka dhaliilsan fasaxidda raashinkaasi kuna doodayaan in uu yahay mid dhacay ayaa waxaa kaloo ay caddeeyeen in raashinkaasi oo rasmi ahaan mar hore u dhacay haatan la sameeyay khiyaano ah in laga badalay jawaannadii muujinayay in uu dhacay.Arrintaan oo ku soo aadaysa waqti uu sicir barar aad ahi ka jiro dalka Soomaliya oo dhan fooddana ay nagu soo hayso bilashada bisha barakaysan ee rabadaan uuna jiro badxiran ayaanay dhinaca kale jirin wax war ah oo la xariira raashinkaasi ee ka soo baxay raysul Wasaaraha xukuumadda fedaraalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Maxmaed Ibraahin Xaabsade oo muujinaya arrimaha raashinkaasi ee iska soo horjeeda.
Banaadir Post
babaadirpost@gmail.com