Search This Blog

Friday, August 8, 2008

Maxaa ka taqaanaa Sh. Xasan Dahir Gudoomiyaha Cusub ee Isbaheysiga Salbalaar


Wuxuu ku dhashay baadiyaha Dhuuso- Mareeb oo ka tirsan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, sannadkii 1945

Wuxuu dugsiga sare ka baxay 1971

Wuxuu ciidamada ku biiray 1973

Sannadkii 1977 wuxuu ka qeybgalay dagaalkii lagu qaaday Ethiopia , waxaana la gudoonsiiyay bilada geesinimada,

Sannadkii 1978 wuxuu diiday inuu ka qeybqaato afgambigii dhicisoobay isagoo markaa diidanaa in xoog wax lagu maquuniyo

Sannadkii 1986 isaga iyo koox Islaamiyiin ka tirsanaa Alitixaad soo shaac baxay sannadkii 1983 oo dhaq dhaqaaq qarsoodi ah waday ayaa xabsiga loo taxaabay .
Sannadkii 1987 waxaa lagu xukumay dil toogasho.

Waxaa laga fududeeyay xukunkii dilka ahaa oo loogu badalay xabsi daa'in , markii oo uu soo dhexgalay ninkii dhaxalka boqortooyada dalka sacuudiga ee waqtigaas lahaa Amiir Cabdalla Ibnu Cabdulcaziiz oo hada ah Boqorka dalka Sacuudiga , kadib markii codsi gaar ah ka yimid Sheekhii weynaa '' Ibnu Baaz''.

Sannadkii 1988 ayaa xabsiga laga soo daayay isaga iyo siyaasiyiin kale kadib markii uu caalamka culeys xoogan saaray dowladii Siyaad bare oo markaas wadanka xukumeysay.

Markii aay burburtay dowladii Siyaad Bare 1991 ayaa uu mar kale si muuqata oo aan qarsooneyn u bilaabay dhaqdhaaqii Islaamiga '' Alitixaad'' isaga oo markaa dagaal la galay garabyo kooxaha Soomaalida oo kamid ahaa garabkii uu u talinaayay Col. Cabdallahi Yusuf sannadkii 1994 oo aay isaga gacanta ku dhigeen wax yar kadibna iska sii daayeen.

Sannadkii 1996 waxaa burburay ururkii Alitixaad , waxaana markaas uu madax ka noqday Maxkamad Islaami oo markaas ka dhisneyd mid kamid ah xaafadaha Muqdisho.

SheeKh Xasan daahir oo lagu hal qabsadaa waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay u qaataan Amaan gaar ah oo uu leeyahay oo laga hadli doono halka dadka qaarna ay u fahmaan Eed gaar ah oo uu leeyahay la tilmaami doono, hase yeeshee waxaan halkaan ku soo gudbin doonaa si kooban muuqaalo ka mid ah taariiqdiisa ha ahaato Amaan ama Eed .


Sh Xasan Daahir waxa uu ahaa Sarkaal ka mid ahaa Saraakiishii Soomaaliya weliba kuwa ugu magaca roonaa xaga geesinimada hal adeyga iyo Diinta oo wuxuu ka mid ahaa kooxo ka tirsan Ciidamada soomaliya oo xaga diinta aadka ugu janjeeray,waxa ayna dadka aadka u yaqaan sheegaan inuu Xaafid ku yahay Qur’aanka iyo Cilmiga Qiraa’ada waxaana arintaas tusaale u ah magca uu u bixiyay Markazkiisii uu ka furay agagaaraha SOS oo ahaa Markazka Ubey IbniKacab taasoo tuseysa inuu ula jeeday meel lagu baranayo Cilmiga quseeya Hab aqrinta Qur’aanka .



Hadii aan wax ka tilmaamo kaalintii uu ku lahaa dhaqdhaqaaqyada Saxwad ka jirtay Soomaliya waxa uu ka mid ahaa ragii ugu hereeyay ee la jaanqaaday Xeliyadii uu dalka ka bilaawday dhaqdhaqaaqii Saxwada Soomaliya ee uu horkacaayay Sheeq Maxamad Macalin(allaha u raxmadee) markii ay Saxwadii soomaaliya ukala baxday kooxo kala gaar ahna waxa uu ku biiray kooxdii Al itixaad oo xeligaas matleysay Xarkada Salafiyada Soomaaliya.



Markii ay iska horyimaadeen Dowladii Soomaliya iyo Saxwadii waxa uu ka mid ahaa kooxo Culimo ahaa oo la xeray markii dambana lagu xukumay Dil toogasho ah laakiin waxaa illaah qadaray in mar dambe loogu badalay Xabsi…



Markii ay dhacday Dowladii Soomaliya waxa ka mid ahaa Saraakiihii ama Culimadii hogaamineysay Dhaqdhaqaaqii Dacwada iyo Mucaskaraadkii Ciidanka ay waday Kooxdii Alitixaad …. Markii ay go,aansatay kooxdaas in ay joojiso howlihi Ciidan waxa uu ka mid ahaa qeybo ka tirsanaa Ciidankii iyo Saraakiishii Al itixaad oo diiday in ay hubkka dhigaan laakiin ku qasbanaa in ay u hogaansanaadaan go’aanka guud ee kooxdooda gaartay



Hadii aan wax ka tilmaamo kaalintii uu ku lahaa dhaqdhaqaaqii Maxkamada Beeleadkii ka bilaawday goor dambe meelo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan halka warbaahinta u taqaanay Koonfurta Muqdisho ee aheyd deegaanadii u ka talin jiray Jen Ceydiid ,markii u Ceydiid geeriyooday waxaa ka biloowday deeganadaas Qilaafyo u dhaxeeyay Beelihii taageersanaa Ceydiid (habargidir) taasoo uu horjooge u ahaayeen Beesha Ceyr ee uu ka dhashay Sh Xasan iyo Beeshii Sacad ee Jen Ceydiid ka geeriyooday, taasoo ka dhigtay deegaanadii Jenaralka ka dhintay kuwa foowda ah, waxaa biloowday abaabul u gar haaye ka ahaa Cqaasim oo Sh Xasan isku Heyb yihiin (Ceyr) kaasoo u ololeynaayay inuu ka dhigto Beeshiisa Salaan uu ku gaaro Kursi Siyaasadeed taasoo ku kaliftay C/qaasim inuu bilaabo kulamo iyo abaabul Beshaas u gaar ah waayo Beeshooda waxa ay isu arkayeen in Jen Ceydiid si gaar ah uga Faaideysatay awoodooda uu uu ku qabsaday maleshiyaadii Beesha Ceyr inta badan Koonfurta Soomaliya…

Sh Xasan waxa uu ka mid ahaa waxgaradkii u istaagay markii Beeshaas go’aansatay in ay furato Maxkamad u gaar ah, maxkamadaasoo oo noqotay dhagaxdhigii Siyaasadeed ee u horeeyay una gaarka ahaa ee ay ku tilaabsato Beesha Ceyr, waxaana Maxakamaadaas fursad uu ku suuq tago u noqotay C/qaasim oo ahaa Maskaxda dhabta ee ka dambeysay Furitaankii Maxkamadaas ilaa uu ku gaaray kursigii Madax weyne Soomaliyeed inuu isu sharaxo kuna guuleesto asagoo Doorashadii ka dhacday Wadanka Jabuti Magaalada Carta ku galay inuu geeynayo Dowlada Magaalada Muqdisho asagoo ku xisaabtamayay awooda Ciidan ee aadka u sareysay ee xiligaas ku lahaayeen Maxkamadihii uu horjoogay Sh Xasan Daahir maadaama uu uu u arkayay kuwa ku siyaasad ah aasaasidoodana uu ku lahaa gacan libaax, dhabtiina Maxakamadihii waxa ay u sahleen C/qaasim inuu yimaado Magaalada Muqdisho si wanaagsana wey ugu sacabo tumeen abaabul badana u galeen in lagu qanciyo Culimada Diinta in la taageero Dowlada Madaxweynaha ka yahay C/qaasim ilaa markii dambe Maxkamadii Beesha Ceyr maalin maalmaha ka mid ah isugu yeertay Qadiibiinta Masaajida Muqdisho ayadoo ka codsaneysay in laga taageero Dowlada C/qaasim Minbarada Masaajidana dadka lagu wacyi galiyo si ay taageeraan loogana duceyo taasoo keentay shaki ku yimid qaar badan oo ka mid ahaa Culimadii goobtaas joogtay oo ku qasabtay in ay jawaabo adag ka bixiyaan arintaas ayagoo sheegay Dowlada C/qaasim in aysan waxba dhaamin tii uu Cali Mahdi horjoogay oo ayaduba Jabuuti lagusoo dhisay , waxaana meeshaas ka bilaawday shaki ku saabsan siyaasada Maxkamadaha xiligaas jiray,waxaana dhacdadaas ka sii yaab badnaa oo anfariirri ku noqotay Cilimadii iyo waxgaradkii Soomaliya markii ay ogaadeen in uu Sheeq Xasan Dalka ka dhoofayo asagoo fulinaaya Codsi uga yimid C/qaasim oo ahaa inuu Dalka ka baxo si loo aqoonsado Dowladiisa oo aan Argagixisada ayay taageertaa loo dhihin aqoonsina u hesho,ugu dambeyntii Sh Xasan oo aad loogu yiqiin u dhga nugeylka Beeshiisa ayaa waxa uu ka dhoofay Dalka isaga oo fulinaaya Codsiga Beeshiisa iyo Siyaasigooda ugu yimid tasoo keentay in uu C/qaasim fursad u helay kala dirida Maxaakamadihii xiligaas jiray hubkoodiina Xeel iyo Xoogba kula wareegay iskuna balaariyo dhulkii ay ka talin jiratay ilaa Goboladii Koonfureed uu gacanta u galiyay Qabqable ku Cusnbaa Xeligaas saaxada oo ah Indha Cade,.. waloow ay fashilantay Dowladii Sh Xasan u tanazulay hadana Dalka Dhaqso ugumasoo laaban waayo waxa Dalka galay Xili aad u xun ilaa laga soo gaaray maaalintii lagu dhawaaqay Isbaheysigii La baxay Ladagaalka Argagixisada waxa loo yaqaan weliba Maalintii ugu horeysay ee Maxkamadaha xayiraada kusoo rogeen Goroonkii Diyaaradaha ee Dayniile oo Saldhiga ahaa Isbaheysiga xubno ka maid ah waxaana halkaas mar labaad ka biloowday dhaqdhaaqii siyaasadeed ee Sh Xsan Daahir iyo kaalintii uu ku lahaa Midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaliyeed.



Markii uu soo laabtay Sh xasan waxa uu bilaabay inuu isla maalintaasba siiyo wareysiyo Warbaahintii Muqdisho qaarkood kana hadlo dagaaladii socday ayadoo aan xiligaas ka hor lagu aqoon wax kala hadal ah oo ka dhaca Maxakiimta waayo waxaa xiligaas Maxakamadaha Gudoomiye iyo Afayeenba u ahaa Sh Shariif,laga soo bilaabo maalintaas waxaa ka dhax bilowday Maxkamadaha warar isqilaafsan iyo kala hadal iyo in ay yaraato taageeradii Shacabka u hayeen Maxkamadaha oo lagu yiqiin kala dambey iyo ismaqal Sh Xasan ka hor…



Hadii aan u soo gudbo markii la dhisayay Golihii Shuurada ee Maxaakiimta



Waxa uu Sheeqa qaabilsanaa soo diyaarinta Qeybaha ka Qeyb galaya Shuurada Maxaakiimta taasoo fursad gaar ah uu ku siiyay Beeshii uu ka dhashay (Ceyr) asagoo looga bartay inuu aad ugu dhaganugul yahay siyaasada iyo rabitaanka Beeshiisa waxa uu ka soo buuxiyay Shuuradii qeybaheedii kala duwanaa Beeshiisa oo Magacyo kala duwan loo bixiyay oo gaaraya ilaa 5 ama lix qeybood,halka shuurada guud ahaan ka kobneyd ilaa iyo 12qeybood



1-Maxkamada Besha Ceyr



2-Gobolka Sh/hoose uu uu horjoogay Indha cade



3-Al shabaab oo kaalinta ugu weyn ku laheyd Beeshiisa



4-Jubooyinka oo uu horjoogay Goobaale



5-Kacdoonka Diinta iyo Dalka



6- --------------------



Waxaana halkaas ka biloowday shaki ku yimid dad badan oo taageersanaa Maxaakiimta amaba ka mid ahaa ayagoo taas u arkaayay awood maroorsi Beel gaar ah sameyneyso taasoo sababtay hoos u dhac kale ku yimaado taageeradii loo haayay Maxaakiimta ,.. waxa uuna Sh Xasan Daahir ka Noqday Gudoomiyaha Shuurada halka si dhib ah oo muran badan ku jirana loogu doortay Sh Shariif Gudoomiyaha Guduga Fulinta waayo rag ka socda Beeshaas uguntadeen in ay dad kale oo Maqaarsaar ah u dhiibtaan Jagadaas oo inta badan Caalamka oo dhan lo arkaayay in ay tahay awooda ugu sareysa ee Maxaakiimta,hase yeeshee waxaa arintaas horistaagay Culimo iyo Ganacsato dareentay qatarta meesha ka soo muuqata.



Markii ay Maxaakiimtii ka guuleysatay Isbaheysigii Sh Xasan Daahir waxa uu ka bixi waayay qancin Beeshiisa jufooyinkeeda iyo la shiritaankooda ilaa markii dambe uu hadana kusoo kordhiyay Xubno kale oo Beeeshiisa ka dhashay Golayaashii Fulinta iyo Shuurada gaar haan Maamulkii Maleeshiyo Beeleedkii Xooga ku heystay Degmada Afgooye Cirfo oo lagu daray Golihii Fulinta lagana Dhigay ku xigeenka Waaxda Waxbarashada ee Golihii Maxaakiimta,waxa uuna Sh Xasan Dagay Saldhigna ka dhigatay Gobolada Dhexe (halk ay dagto beeshiisa) asagoo ka badin waayay Beeshiisa uun inuu ku Mashquulo mana la kulmin xataa Golihii shuurada oo uu Godoomiyaha u ahaa hal maalin waxaa hor fadhiisigooda ugu horeysay uguna dameysay Maalintii la dooranayay, waxa ayna arintaan iyo dhacdooyinkii ka horeyayba ee aan soo sheeganay Dadka wax garadka ah u arkayeen inuu Sheequ aad ugu dhaganugul yahay Beeshiisa oo ay wax walba kala sareeyso Ceebna uusan u arkin Tanaazulaadka u u sameeyay una sameynayo, halka uu Ceeb u heesto in loo Tanaazulo shacabka soomaali sida ka muuqata Heshiiska Jabuuti, … …



Waxaan hadalkaas dheer ula jeeda tusaale in ay noogu filan yihiin inaan dhinaca Qabiilka ka ogaano Sh Xasan Inuu yahay nin aad ugu jilcan marna aan ka hor imaan, waxa ayna u ahaayeen istaafka gacanyarayaasha iyo shaqaalaha Xafiifkiisaba dad kuwada Beel ah xiligii Maxaakiimta, halka Madaxda kale ee Maxaakiimta weligood Belahooda sigaar ah loogu ag arag weliba gabood fal ku sameeyeen fursadna u siinin xataa in ay ka dhageestaan Cabashooyinkooda maadaama ay u yihiin Madax.



Waxa aan soo sheegnay oo dhan waxaa kasii yaab badan in Sh Xasan uu isu arkaayay inuu yahay awooda ugu sareysa Maadaama uu asaga inta badan Xubnaha Shuurada gacantiisa ku soo doortay oo ay isku Beel yihiin hadii ay kulan isugu yimaadaan labada Golone waxa ay ahaan jireen laba la gudoomiye ( Cali iyo Ceydiid) oo kale oo mana ogoleyn Sh Xasan in ay jirto cid ka sareysa ilaa lagasoo gaaray ka hor maalmihii la filaayay inuu bilaaban doono Duulaankii Gumeysiga Itoobiya kusoo qaadi rabtay Goboladii Maxaakimta ka talineysay oo Rag Aqoonyahan ah u istaageen in la magacaabo Hogaanka ugu sareeya labada Gole ee Maxaakiimta (amiir) waxaana leesku afgartay in Sh Shariif noqdo Gudoomiyaha labada Gole,wallow maalmo gudohoodba ay Xabashida soo gashay Magaalada Muqdisho intii aysanba labada Gole kulan yeelan taasoo keentay habeenkii ugu dambeeyay Maxaakiimta ka baxeysay Magaalada Muqdisho lala mubaayacootamo(lala balamo madx ahaan) Sh Shariif inuu yahay Amiirka Maxaakiimta!!!!!!!!



Hadii uusan dulqaadan Sh Shariif waa lakala guuri lahaa goor hore laakiin waxaa illaah (cw) ku galadestay Dulqaad iyo garosho.



Sidaa darteed maanta la yaab malaha Sh Xasan inuu is magacaabo maadaama Shalay uu aaminsanaa ineysan jirin cid ka sareysa ama laga yaabo Beesha uu ka dhashay ayasan Maslaxad u arkin in la hogaamiyo waa uu ku saxan yahay inuu sheegto inuu xilka ka qaady Sh Shariif -waloow uusan awalba asaga dooran maantana dhab ahaan uusan ka qaadi karin – sidii Ceydiid uu Sagaashamaadkii isu magcaabay una diiday wax heshiis ah iyo wada hadal inuu la gaaro Cali Mahdi oo ay ishyeen.



Sh Xasan maanta waxa uu heli karaa dad Xamaasadeysan oo ku taageera talaab kasta oo qaldan uu qaado sidii Ceydiidba taageerada ugu helay Dagaaladii uu ka waday Koonfurta Soomaliya, dhibaata Somaali ku cusub ma aha inuu is magacaabo Sheeqa asaga oo fulinaayo rabitaanka Beeshiisa iyo Siyaasada Dowlada uu Martida u yahay oo qorsheyneyso in Ciidanka Itoobiya ku mashquulsanadaan gudaha Soomaliya si aysan ugusoo gacan banaanaan marna waayo waxaa la filayaa hadii Itoobiya ay ka baxdo Soomaliya in ay Dagaal la gali doonto maadama uu Burburay heshiiskii u dhaxeeyay labada Dal ee ay QM ku dhexdhexaadineysay .



Sh Xasan waxaa taariiqda ugu qoran tanaazulaadka faraha badan oo uu sameeyay Beesha uu ka dhashay ee Ceyr iyo sida uusan marna wax jilicsanaan ah ugu muujineyn danta guud ee Shacabka Soomaliyeed ee Muslimiinta ah,waxaa uuna qaadi doonaa Mas’uuliya ka dhalata qalafsanaantiisa hadii Abaar dhameeyso Shacabka Soomaali sidii Ceydiinba Taariiqda ugu qoran tahay Maleeshiyaadkiisii in ay Cunnada ka boobi jireen Gobolada ay xooga ku heesteen taasoo keentay dhibaato weyn in ay gaartay Beelihii Soomaliyeed ee ku noolaa Goboladaaas gaar ahaan Bay iyo Bakool Sh/hoose.



Waxaan ugu Naseexeynayaa kuwa wanaaga jecel ee aan darensaneyn waxa ka soo socda qilaafka uu abUuray Sh Xasan in ay taariiqda dib u baaraan ogaadaana maalinta Qiyaame in ay qaadi doonaan Masuuliyada ka dhalata Fidnada ay taageereen waayo wax wadajir lagu waayay oo wanaag ah laguma gaari doono kala tag iyo ismagacaabid lamid ah tii u Jen Ceydiid ku Magacaabay Dowladii Salbalaar



WAXAAN QORAALKEYGA KUSOO GABA GABEYNAYAA HAMBALYO DIIRAN OO AAN U DIRAAYO GUDOOMIYAHA CUSUB EE ISBAHEYSIGA SALBALAAR WAXAANAN LEEYAHAY TAARIIQDA DIB BAL U AQRI ADIGOO AAAD U DAGAN LAGASOO BILAABO 1991…..2008 KUNA DHAQAN JAWAABTA KUU SOO BAXDO!!!

By Asad yare
osmanhdn@hotmail

WAQAD FURAN OO KU SUOCOTA GUDDOOMIYE KU XIGEENKA GOBALKA BANAADIR MUDANE MAXAMED CUSMAAN DHAGAXTUUR.


Kadib kulamo ay lahaayeen maalmihii lasoo dhaafay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka waqooyiga Ameerika iyo Yurub loogana hadlayay arrinta maamulka gobalka Banaadir iyo sidii looga hortagi lahaa fowdada uu soo maleegay Axmed cabdi salaan ayaa waxaa kulamadaa ksoo baxay go'aan sheegaya in waraaaq furan loo diro gudoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee arrimaha bulshada Mudane Maxamed cusman Dhagatxuur, waraaqdaas oo xambaarsan talo soo jeedinta walaalaha soomaaliyeed ee dibadaha ku nool gaar ahaana yurub iyo waqooyiga ameerika.


Kadib kulamo ay lahaayeen maalmihii lasoo dhaafay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka waqooyiga Ameerika iyo Yurub loogana hadlayay arrinta maamulka gobalka Banaadir iyo sidii looga hortagi lahaa fowdada uu soo maleegay Axmed cabdi salaan ayaa waxaa kulamadaa ksoo baxay go'aan sheegaya in waraaaq furan loo diro gudoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee arrimaha bulshada Mudane Maxamed cusman Dhagatxuur, waraaqdaas oo xambaarsan talo soo jeedinta walaalaha soomaaliyeed ee dibadaha ku nool gaar ahaana yurub iyo waqooyiga ameerika.

Kulamadaasi waxaa qadadka teleefonada uga qeyb galay wax garad,siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo kala jooga magaalooyin dalka gudihiisa ah oo ay ka mid tahay caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

"Mudane dhagaxtuur waxaad ahayd nin aan aad u taageersanayn shaqadiisa isla markaana aanu ku hami weyneyn mustaqbalka in aad qabato masuuliyad ka weyn kana culus tan aad iminka ka heyso gobalka Banaadir,laakin waxaa hada noo muuqata in ay jiraan rag doonaya sumcadaada in ay wax yeeleeyaan kuguna dhex ridaan BOHOL ceebeed kuuna hor seedan fashil siyaasadeed iyo in ay taageerayaashaadu ku nacaan"ayaa lagu yidhi waraaqda furan ee jaaliyadaha soomaalidu ay u direen mudane dhagaxtuur nuqul ka midana uu soo gaadhey shabakada carmooyin.com.

Waraaqdan furan ayaa kula talineysa mudane Dahgaxtuur in uu hada is daba qabto maadaama uu wali heysto fursad uu kaga bad baadi karo guuldarada siyaasadeed ee kusoo wajahan iyo in uu lumiyo tageeradii uu ku dhex lahaa bulsho weynta Soomaaliyeed ee nabadda Jecel.

"Mudane Guddoomiye ku xigeen waxaan la soconaa in aad qaranka usoo qabatay howlo badan oo muhiim ah aadna soo martay halgan dheer oo ku aadan sidii magaalada Muqdisho looga saari lahaa jawiga amni darro ee dul saarmay lagaamana maleysanayn in aad fikirkaaga u badali doonto dhanka xun,dibna aad dhiiqo ka marin doonto howshii wanaagsanayd ee aad dalka iyo dadkaba usoo qabatay,marka waxaanu jeclaan lahayn in aadn qaadato talada wanaagsan,isla markaana aadan noqon ruux khilaafaya madaxdiisa"ayaa mar kale lagu sheegay waraqada furan ee ku socota gudodomiye ku xigeenka gobalka banaadir.

Waraaqdan furan ayaa guddoomiye ku xigeenka lagu dareensiiyay in kuwa haatan u sacaba tumaya ay dantoodu ahayd is khilaaf iyo kala fogaasho soo kala dhex gala madaxda dalka si ay caqabadi ugu timaado hanaanka nabdeed ee haatan dowladu wado iyo waliba dowladnimada usoo bidhaantay shacabka soomaaliyeed in ay meesha ka baxdo,sidaa daraadeedna ay tahay in uu ka furto kuwa uu haatan fiilada ku xirtay ee si xun wax u doonka ah dantooduna ay tahay dalkan i in aanu dowlad iyo nidaam waligii yeelan.

"Ugu dambeyntii waxaanu aad ugu rajo weynahay in mudane Dhagaxtuur uu qaadan doono talooyinka walaalaha soomaaliyeed ee nabadda iyo dowladnimada jecel uuna ka jeesan doono sheydaamada haatan calanka u bitinaya"ayaa lagusoo gaba gabeeyay waraaqda furan ee ku socota guddoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee arrimaha bulshada mudane Maxamed cusmaan cali dhagaxtuur.

Banaadir post
banaadirpost@gmail.com

Thursday, August 7, 2008

Maantana Fulayadii Al-Shabaab Ma Dumar bay Xasuuqeen? W/Q A. Ali

Waxaan ka xumahay in fulayadii Argagixisadu maantana ay Bamkoodii maan la'aanta ahaa la beegsadeen dumar masaakiin ahaa iyo wadaniyiinba, kuwaas oo ay ku xasuuqeen goob Xamar ku taal oo ay qashinka ka nadiinahayeen. Runtii 16ka haweeney ee aragagixisadu dileen baa Al-Shabaab oo dhan iyo Al qaacida oo dhan igala fiican, oo ka muslimsan , waayo dumarku ma ahayn laba -wajiilayaal sida Mujrimiinta argagixisada ee xalaashaday dhiigga iyo Hantida dadka Muslimka ah, taasoo lid ku ah macnaha Diinta Islaamka ee Rasuulkiinnii S.C.W. yiri: Addiinu Nasiixa.

Balse in Eyda Aragahixisada aan lagu sheegi karin Muslim iskaa daaye, dad Soomaali ah iyo dad iimmaan leh oo Alle ka cabsada toona! Sidaas waa inaad ogaataa haddii aadan awal ogayn!

Habada su'aashu waxay tahay?

War ma Argagixisada Dulliga iyo cadowgaba ah baa maaro loo waayey, iyada iyo tuugta adeegsata? ee qurun ku noolayaasha ah iyo Soomaali-diidka?
War kuwaas ciidamo tababaran iyo madax qaran oo si daacad ah ugu shiidaya bil kuma qaateene sidee wax u jiraan? Yaa la shaqaynahayaa ee macmil hoose la yeeshay? Haddii aan wax istusaaleeyey, MR. Nuur Cadde malaha waa ninka la tuhmahayo, oo u dabacsan Aragagixisada!!!

War Ninka deg deg ha loo casilo ka soo rayn mahayo ee, Maxammad Dheerena shaqadaas dhacdhacaysa bal isagana ha lagu dayo, inuu u babac dhigi karo aragagixisada iyo in kale?> Taladaydana yaan la fuddaysan ama waa dambaad garan!.

Teeda kale qorshaha argagixisada lagu wajahay sidee u jilicsan yahay? Dastuurka lagu ciribtirahayo muxuu dhigahayaa? Ma Xabsi iyo in lagu masruufo baa?, goortay cayilaana dib suuqa loogu soo daayo, si hadhowna shaqoodii halkii uga sii wataan baa? Mase waa tan quman ee Argagixisada lagu curyaamiyaa sida daldalaad deg deg ah, oo aan ka hadal lahayn, dastuurna ka yaal lagu fulinahay, si maan laawasha ummadda looga badbaadshaa? War Wax baa qaldane waa in dib loo eego qaabka la dagaallanka argagixisada, haddii kale Soomaaliya in ay degto oo caadi ku soo noqoto anigu uma fadhiyo qofkii u maleeyana waa mid aan fakarayn ama wax la wada ama kas gaab gaab la oran karo!.

Ugu dambayntii: Argagixisadu Diin kuma dhaqmaan waxayna u dhaqmaan qaabka Mafia,( tan Italy).

Sidaas awgeedna waa cadowga koowaad ee Soomaalidu maanta leedahay, marka lagu jahaadayana ha u malayn inaad qabiil iyo Soomaalinimo midna wadaagtaan balse inay yihiin cadow dad cun ah gaalna kaaga sii daran! su'aal kale ha isweydiin.

Sidaas ayaad ku dabar gooyn kartaa argagixisada Soomaaliya iyo tan Caalamkaba, Araxan ha u gelin say ayaguna cidna arxan uma galaane, Xaqu waa sidaa haddaan la iska indhatirayn!!!

Wa Allahu Aclam

A. Dirie

Hooyooyinkaad Horaadkooda Nuugteen ha Laynina Yaan Beelaayo W/Q: Cabda Cabdulaahi

Ku: Mujrimiinta Hooyooyinka laayay



Ujeedo: Hooyooyinkaad Horaadkooda Nuugteen ha Laynina Yaan Beelaayo



Hor Lihi Idinku Habsane



Runtii daran mayo kalmado aan ku cabbiri karo calool xumada iyo ciilka maanta iga haya hooyooyinka Soomaaliyeed oo iyagoo dhulka xaaqaya la laayay. Waxaan ka akhriyay Internet-ka in 20 haween ahina dhinteen, 45 dhaawac yihiin, innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun! Waa markii labaad oo hooyooyin dhul xaaqaya la laayo, waa arrin argagax iyo urugo ku beeraysa qof kasta oo damiir leh.



Maxay galabsadeen haweenkani, ma kuraasida shaydaanku idiin qurxiyay oo aad dartood dalkii iyo dadkiiba u rogteen bay idinku haystaan? mise qashinka inay idiinka guraan jidadka baa idin dhibaysa? Maxay yihiin waxa dalkayagii ka dilaacay oo dubka basharka uga eg dugaagana ka liittaa?



War miyaan hooyooyin idin dhalin? ma dhulkaad ka soo fuurteen? Intaad horay dhib ugu gaysateen haweenka Soomaaliyeed maydinku filaan wayday? Hooyooyinka ha laynina aad horaadkooda nuugteen yaan beelaayo hor lihi idinku habsane.



Waxaan idin leeyahay;







Damiir laawaha dagaal uun u taaganow



Dalkiina burburiyay xukunkiina dumiyayow



Shacabkii kala didiyay dabka baas afuufayow



Miinada u duuga ee hooyadiis dilow



Dulli ayaad tahay ibliis baad u dacayantay



Ee dulmigaad nagu haysid Ilaah wayne naga dul qaad



Haweenka Soomaaliyeedow meelaad joogtaanba mudaharaad isugu soo baxa idinkoo carruurihiinna gacnaha haysta ama dhabarka ku sita, waa inaynu muujinnaa inaynaan sidan u sii dul qaadan doonin. Raggu ama dalka maamulkiisa gacanta ha kala bexeen ama sidan wax haka badaleen.



Cabda12@hotmail.com

Maxeey taageeradu ugu nabaad-guureysa Aw Xasan Turki


Hassn Cabdullahi Fixiye "Turki" ayaa dhib aan nooluhu qiyaasi karin ku haya dadka Soomaliyeed ee ku nool Jubada Hosse iyo dhulalka ku dhow isaga oo fulinaya go'ano u gaar ah ee marnaba an daryeeleyn wadarta shacabka jubooyinka.



Sida ay hore u sheegeen odayaasha belaha Absame-Weyne oo ay si gaar uga dhex muuqdaan heybta Maxamed Subeer Turki maha mufti diimeed oo degaanka ugu cilmi badan dhinaca shareecada, maaha sidoo kaleh hogaan dhaqan ama loma aqoosana siyaasi la soo doortay, balse waxa dadka degaanka u dul saaray culeys badan oo ila hadda anay garan waxa ay u muteeysteen, sida xarig an muddo laheyn, dil an shareecada waafaqsaneyn iyo cabsi joogta ah oo dul saaran dad ay u heeysato dhibaato bani-adamnimo oo ay inta badan la wadaagaan wadarta soomalliyeed. Balse iyaga waxa dheer duli u saaray hal shaqsi.

Turki oo aha sarkaal miliatri ee mamulki M Siyaad Barre waxa u dhib ku haya dad u ku eedeynayo in ay yihiin Jabhada Xoreynta Ogaden (ONLF),



Turki waxa u hilmaamey inuu ka yimid degaanka dakan ee ogaadeeniya, wuxuna si fool xuma ah u dilay saraakiil ka tirsan ONLF oo lagu yaqaaney gumeeysi diid, wuxuna dilka sabab u uga dhigay "ninka waxan ku tuhmay inuu i raadinayo." Marki sa'ulo laga weydiiyayna dilkan micno la'anta ah waxa u sheegay Turki in ninka ONLF ee u dilay inuu aha nin Ugas Warfa oo isaga qaraabe yihiin oo an la weydiin Karin.

Bal waxa isweydiin mudan warfaanimadu ma waxa ay jideysay dil qof an wax danbi ah geeysan. Waxa la yaab leh halganka ONLF in xaaraan u ka noqdo Aw Turki,kan shisheeyuhana laga dhigi mid Islaami ah.

Sido kaleh laba nin oo magac ku leh beelahooda ayey sabab u noqotay gacanta dhiiga leh ee turki isla wakhtiga, kuwaas oo aan ka duwaneyn rag u dameer dilay. Allaha u naxariisto gacan ka gardaran ayaa dishay

1 Turki ma leha maxkamad degaanku isku raacsanyahay

2 Looma ogoolaan marxuumiinta in ay is difaacan ama ay racfaan qaataan,la mana wargalin eheladooda meesha iyo wakhtiga la xukumayo

3 Waxa la dhacay hantidi ay wateen marxuumiintu oo ay ku jiraan hugoodi.

4 Waxa loo diiday eheladi in la tuso xabaalihi marxuuminta u riday Turki.

"Intaaso tacadi waxa lagu geeystay magaca qabill iyo diin is huwan. Haddi u qiimeyn laha diinta u ku maxaafsanayo Turki dhiig dadka kuma degdegeen," sida waxa yiri nin sheekha oo magaciisa diiday inu bixiyo nabadgalyo awgeed anigoo kula kulmay Dhoobley.

Ina Fixiye, sida an u naqaano haddan nahay Bellah Absame, waxa u degaanka ka dhigay meel ay ku loolamaan dalal hub culus heysta iyo dagaalyahano ajnabi oo dhowr qof ah kuwaasi oo dalalkooda fakad ka ah. Maxey tahay sababta keeneysa in beelaha Absame ay siiyaan magangalyo dagaalyahano shisheeye?

Ma kalideen ayaan Muslim nahay oo dagaal Soomalli aanay nugula jirin ayaan galeeyna, ma leenahay awood military oo inta le’eg?

Haddise cududaasi jirto maxa maalin kasta beel cusub uga talineysa Juba hoose oo beesha Absamana marti uga tahay?

Jawaabahan waxaan ka sugaya kuwa indho la'anta kula socda aw Turki

Runti, Absame in raad aad u muuqdo iyo magac la taaban karo ku yeesho jubada hoose maamulkeeda waa sharci an la quudhsan karin, balse hadda nabad ayaan rabaa oo baaq colladeed ma wado balse waxa ila gashay xaqiiqo raadin an tusayo Ogaaden iyo Absame dhamaantood in Xassan meel aanu geeyneyn.

"Lix ama sideed dagaalyahano shisheeye waxba ma badali karan, sidoo kalena in shaqsi u wax loo qabto u diido dadka degaanka waa xaaraan sida ay qabto shareecada," Sheekh Axmed oo an kula kulmay Bilisqooqaani.

Xabadii la riday waxay dishay qof ama neef xoola ah oo degaanka laga lee yahay. Balse Turki waxa kala qiimo badan intaas oo dhan in shisheeyihiisu badbaadaan." Oday kale oo Sheekh Cabdi ku soo koobay magaciisa aya yiri

"Diinta aniga ayaa ka aqaan Sheekh Xassan , islamkuna fitnada waa reebay, laakin waxaba looma sheegi karo odaygan, waxa u muuqda nin nolasha ka quustay dad kalena an dan ka laheyn,subxaanalah," Sheekh Cabdi intaasi ayu ku daray isaga oo gariiraya,

Dhawaan kulan ay yeesheen xubno Somaali ah oo ku nool London kana soo jeeda jubooyinka aya sheegay in anay hay'adaha deeq bixiya an geeyn karin dhulka u joogo Turki ama kuwa u dhow iyaga oo tilmaamay in naftooda iyo maalkooda anay damanad nabadgalyo u heli karin.

Dadka kulanka ka qeyb galay aya dhamaantood magacooda qariyay iyaga oo ka cabsi qaba in eheladooda degaanka ku sugan Turki u xiro ama dilo.

Cabsi ay ku sugan yihiin dadka ku nool Jubooyinka maalin kasta oo ka mid ah ayaamaha Illahey u noolleeyay.

Hadda jubooyinka waxa ka socda wada tashi guud oo u dhaxeeya beeelaha Soomaaliyeed,

la soco qeybo kaleh, rayigiina diyaar ayan u ahay, qoraalkan waxan sameeyay 14 kormeer kadib

A Elmi

xaqdoon@live.co.uk

C/Laahi Daahir”Ma, magacaabi karo xil kama uu qaadi karo Guddoomiyeha G/gobolka,waxa uu leeyahay Ra’isal wasaaruhu Soo jeedin Kaliyah”.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka C/Laahi Daahir Barre ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Ra’isal wasaaraha Somalia uusan xaq u lahayn xil ka qaadista Guddoomiyeha Gobolka Banadir uu ku sameeyay islamarkaana aysan sharci ahayn wasiiradda uu magacaabay Ra’isal wasaare Nuur Cadde.

Transitional Federal Government of Somali Republic

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka

X.I.G/377/08 04/08/2008

Ku:- Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Muqdisho.

Ku:- Ra’isal wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya, Muqdisho

Ujeedo Talo Sharci (Legal Opinion)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu I weydiistay inaan talo ka sharci ka bixiyo.

1. dekreetada xil ka qaadista Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ee ka soo baxday ra’isal wasaaraha DFKMG ah iyo dekreetada kale ee uu soo saaray madaxweynaha jamhuriyadda Soomaaliya ee caddaynaysa inaan xil ka qaadistaasi sharciga waafaqsanayn.

2. magacaabista shan(5) wasiir iyo hal(1) wasiir ku xigeen oo uu sheegay ra’isal wasaaruhu kuna faafiyey warbaahinta taasoo aan ahayn mid madaxweynuhu sameeyey.

Qodobka 64(1)(C), wuxuu sheegayaa in xeer ilaaliyuhu yahay la taliyaha sharciga ee 1aad ee dowlada FKMG ah ee Soomaaliya. Isla qodobkaa xubintiisa 2aad wuxuu sheegayaa in ay tahay mas’uuliyada xeer ilaaliyaha ee kor u qaadida iyo xoojinta ku dhaqanka sharciga (promote and uphold the rule of law)

Meerisyada kore ee Q.64 waxay caddaynayaan in xeer ilaaliyuhu awood u leeyahay inuu qeexo oo kala caddeeyo talo sharciyana ka bixiyo awoodaha xubnaha dowlada FKMG ah.

3) Caddayn iyo sharci

B) Awoodda fulinta ee dowlada Soomaaliyeed waxaa iska leh golaha wasiirada fiiri Q.46aad( 1) ee axdiga ku meel gaarka ah.

Golaha wasiiradu wuxuu ka kooban yahay ra’isal wasaaraha, ra’isal wasaare ku xigeenada iyo wasiirada……fiiri Q.52(1) ee axdiga ku meel gaarka ah ra’isal wasaaruhu waa hogaamiyaha ,isuduwaha iyo kor ka ilaaliyaha shaqada iyo siyaasada guud ee maamulka golaha wasiirada fiiri Q.48 ee axdiga ku meel gaarka ah.

T) Golaha wasiirada iyo ra’isal wasaaruhu howlaha ay qabtaan waxaa lagu fuliyaa sharci sida kan barlamaanka kasoo baxa iyo xeer ama dekereeto uu soo saaro madaxweynuhu, sida magacaabista madaxda iyo saraakiisha qaranka, fiiri Q.44 (1)(D)(E)(F) iyo isla qodobkaas xubintiisa 2aad, 3aad, 4aad, ee axdiga ku meel gaarka ah. Golaha wasiirada iyo ra’isal wasaaraha mid koodna ma leh awood ay ku soo saaraan dekreeto ama xeer cid lagu magacaabayo, markay cid magacaabayaan sida Q.44aad sheegayo inta aan la faafin waa in ay u gudbiyaan madaxweynaha si uu xeer ama dekreeto ugu soo maadaama ay magacaabistaasi ay dhaqan galeyso taariikhda madaxweynuhu saxiixo iyo wixii ka dambeeya. Sidaasi darteed, dekreeto lambar OPM/266-07/08 ee ka soo baxday xaafiiska ra’isal wasaaraha 29/07/08 uuna saxiixay ra’isal wasaaruhu kuma soo bixin awood sharci dhaqan galna ma aha. Dekreetada ka soo baxday xaafiiska madaxweynaha lambar JS/XM/201/07/08 ee 30kii Luulyo, 2008 ee caddaynaysa inaan gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho sida xilka looga qaaday aysan ahayn mid waafaqsan axdiga ku meel gaarka ah ay tahay mid sax, waafaqsana Q.44aad ee axdiga ku meel gaarka ah.

J) Q.46aad ee axdiga ku meel gaarka ah xubnihiisa 4aad iyo 5aad waxay si cad ama qeexan u sheegayaan in ra’isal wasaaruhu u jeediyo madaxweynaha magacyada dadka loo magacaabayo wasiiro ama wasiiro ku xigeeno ha ku jireen barlamaanka ama yaaney ku jirine (Shall propose to the president)

Madaxweynuhu haddii uu ogolaado wuxuu ku soo saaraya dekreeto sharci ah, fiiri Q.44aad isla sidoo kale haddii wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada xilka laga qaadayo waxaa loo raacayaa Q.44aad. haddii wasiiro iyo wasiiro ku xigeenadu shaqada ka tagayaan(iska casilayaan) waxay u gudbinayaan iscasilaadooda oo qoraal ah ra’isal wasaaraha iyo madaxweynaha oo labaduba laga rabo in ay aqbalaan waxayna dhaqan galaysaa markii ay labadoodu ogolaadaan ee madaxweynuhu dekreeto ku soo saaro, fiiri Q.52aad(3) ee axdiga ku meel gaarka ah.

4)Gabogabo:-

A) Axdiga ku meel gaarka ah qodobkiisa 44aad baa si fiican u qeexaya in wixii magacaabis madaxeed ah ee golaha wasiiradu go’aan ku gaaraan la dhaqan galin karo markii madaxweynaha ogolaado ee dekreeto ama xeer ka soo saaro. Sidaa darteed dekreetadii uu soo saaray ra’isal wasaaruhu 29/07/08 ee shaqada looga saarayay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho aanay sharci ku qotomin oo dhaqan gal ahayn maadaama aanu jirin sharci ama xeer awood u siinaya ra’isal wasaaraha in uu dekreeto soo saaro, hase yeeshee ay dekreetadii madaxweynuhu ku buriyay tii ra’isal wasaaraha ay tahay mid dhaqan gal ah oo sax ah fiiri Q.44aad.

B) In magacaabida shan wasiir iyo wasiir ku xigeen ee uu ku dhawaaqay ra’isal wasaaruhu aanay dhaqan gal ahayn ilaa madaxweynuhu ogolaado oo xeer ama dekreeto ku soo saaro, Q.44 iyo Q.46 inta ku qeexan axdiga ku meel gaarka ah ee saameynaysa madaxweynaha iyo xukuumada ku meel ayaa sidaas oo kale uu u sheegayaa una qaybinayaa awoodda dastuurkii 60kii fiiri Q.85 ee dastuurkaasi oo si cad u sheegaya in awoodda soo saarista xeerarka iyo dekreetooyinka uu lee yahay madaxweynuhu.

C/llaahi Daahir Barre xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.