Search This Blog

Wednesday, July 30, 2008

BOOQASHADII WASIIRKA GAASHAANDHIGGA SOMALIA Md, MUXYADDIIN MAXAMED XAAJI EE DALKA ETHOPIA


Wefdigii balaarnaa ee uu hoggaaminayay wasiirka Gaashaandhigga Somalia Md, Muxyaddiin Maxamed Xaaji ayaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay. Wefdigaas oo uu ka mid ahaa abaanduulaha X.D.S. Somalia Gen, Saciid Maxamed Xirsi { Saciid Dheere}, agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaandhigga Sammaan Maxamed Sheekh Dahir iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Somalyeed.


Wasiirka iyo wefdigiisa muddadii ay ku guda jireen socdaalkooda waxay soo booqdeen xereeyinka ciidamada melateriga Ethopia iyo xafiisyada Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo ku kala yaala magaalooyin kala duwan. Sidaas oo kale waxay soo booqdeen xarumo lagu tababaro ciidamada Soomaaliyeed iyagoo u kuur galay xirfadaha gaarka ee ay bartaan ciidamadaas.

Muddadii uu joogay wasiirka wuxuu safaaradda Soomlya ee dalka Ethopia kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas deggan, wuxuuna ku booriyay in ay isku duubnaadaan kana fogaadaan wixii dalka hooyo kasoo qaxiyay ayna la weynaato Soomaalinimada.

Intii wafdiga wasiirka aysan kasoo amababixin dalka Ethopia, waxay ka qeyb galeen xaflad balaaran oo lagu soo xirayay tababar u socon ayay ciidamada Soomaalyeed muddo 7 Bilood ah, iyadoo goobtii uu xiritaanka xafladaas ay ka dhaceysay oo aheyd magaalada Bilaate ay ciidamadaas kusoo bandhigeen dab rid iyo dhoolatus ciyaarsiis ah oo ku saabsanaa walxahii ay halkaas ku barteen ciidamadaas.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda federaalka KMG Soomaaliyeed Md, Muxyaddiin Maxamed Xaaji oo salaan ka qaatay cutubyadii halkaas socodka gaada-ka ciyaarka ku maray, ayaa halkaas wuxuu uga soo jeediyay amaan iyo mahad naq dowladda Ethopia.
Wuxuuna yiri:- Dowladda Ethopia ma ahan markii ugu horeysay oo ay soo tababarto ciidamo Soomaaliyeed, mana aha markii ugu horeysay oo ay isku howsho dhibaatada amaan daro ee ina heysata, waxay mar walba nala garab taagantahay taageero, waxay inuu hurtaa dhiigeeda,naftooda iyo maalkooda.
Abaalkaasna ma ilaabi doono. Wuxuu sidoo kale ku booriyay ciidamada dhameystay tababarka in ay muujiyaan waddani nimo iyo geesinimo, maxaaa yeelay, manta adinka ayuu dalkii ina sugayaa ayuu hadalkiisa kusoo geba gebeeyay Wasiirka.

Ugu dambeyntii wefdigii wasiirka Gaashaandhigga hoggaaminayay Md, Muhaidin Mohamed Hagi oo tegeay dalka Ethoia 12/7/08dii ayaa kasoo amabaxay magaalada Dabrazeyd 8/8/08, iyagoo kasoo degay Magaalada Baydhabo ee dalka hooyo.

Safiyo Abuukar Karaani
Mogdishu – Somalia

NUURIYE CALI FAARAX IYO CALI GENEY HA LA SOO QABTO


Wareegto uu shaley soo saarey guddoomiyaha ciidanka booliiska dowladda federaalka , general Cabdi Qeybdiid, ayaa waxaa lagu xusey inla soo qabto Nuuriye Cali faarax iyo Cali geney.

Kuwaasi oo ku amar taagleeyey in badan maamulka iyo amaanka gobolka shabeellada hoose, ayaga oo sheeganaayey inay yihiin ciidanka nabadgelyada, isla markaana dejiyey amaanka gobolka.
Waxay hoggaan u ahaayeen ciidan mooryaan ah,kuna saleysan beel gaar ah, kuwaasi oo gaarey inay canshuuraad iyo ganaaxyo kusoo rogey gobolka,taasi oo ahayd culeys dheeraad aan dalka meelahiisa kale ka jirin.

Wararka ayaa sheegaaya inay labadaa dembiilayaalka ah , baxsadeen , ka dib goorta ay ka war heleen wareegtada lagu caddeeyey inaysan aheen kuwa dowladda ka tirsan isla markaana ku adeegto magaca booliiska, kana dhigey amaan darro gobolka shabeellada hoose.

Waraagtadaani waxay dhalisey inay wada baxsadaan, kuna dhuumaaleystaan midba halka uu is leeyahay waad ku amaan heleysaa, taasi oo ay wararku sheegayaan inuu Nuuriye Cali faarax ku dhuumaaleysanaayo aqalka Generaal Gaber, oo ah hoggamiyaha ciidamada Ethiopiaanka, oo markii horeyba lagu tuhmaayey inuu gacansaar la leeyahay kooxda ku amar taagleyso gobolka sh.hoose.

Wararkaani ayaa soo baxaayey ilaa muddooyinkii dambe , ka dib markii la shegeey inay shirar fara badan oo qaar qarsoodi ah woda yeesheen maamul ku sheeggii gobolka sh. Hoose, iyo general Gabre, ayaa la sheegayaa inay u qoondeeyeen lacag gaar ah , sidii uu u horjoogsado keenitaan ciidan dowladeed gobolka sh.hoose.

Halka uu ku dhuumaaleysanaaya Cali Geney aqalka wasiir ku xigeen mudane C/salaam, taasi oo ka dhigan xubin dowladda ka tirsan in lagun dhuumaaleysto gurigeeda oo ah ku xad gudub sharciga isla markaana ka dhigan xoogin dulmi beeleed isu gaashaan buursi.

Indheer garad u dhashey gobolka ayaa waxay u arkaan haddii ay wararkaan run yihiin in arrintaani loo baahanyahay inay dowladda ka qaaddo tillaabo adag, siiba wasiir amase xildhibaan u janjeera dhan qabiil inay ka dhigantahay waxa dalka burburiyey , loona baahneyn in loo dulqaato, kuwa dulmiilayaasha ah, waxaase la sugayaa in sharciga la mariyo, lagana qaado xaqa umadda Soomaaliyeed.

Cadaaladda waa waxa laga la'aa dalka , una horseedey burburka maanta taagan, haddiise la helo waxaa hubaal ah inuu dalkaani ka fiicnaandoono dalal badan ee dunida ku yaal.
Hadalka waxuu ku koobanyahay ha lasoo qabto fara ku dhiigle, iyo dembiile kastaa ee dalkaan iyo dadkaan dhibaata u geystey intii uu dalka ahaa mid ku sugan burbur, hana la mariyo cadaaladda................dhulkan kii leh ha soo baxo...

Tafatiraha Wargeyska
Moh,ad Deeq Xaaji Ali

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday


Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen xaruntooda Magaalada Muqdisho waxay xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ka qaadeen Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Shirka ay Golaha Wasiirrada isugu yimaadeen oo uu shir guddoominayay Ra’’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa gunaanadkiisii ka soo baxday in Xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Midkii Duqa Magaalada Muqdisho laga qaaday Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere).

Warar aynu ka helnay Ilo ku dhow dhow shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta waxaa lagu sheegay sababta Maxamed Dheere xilkaas looga qaaday xil-gudasho la’aan iyo in ay ka soo eed-sheegteen Xubno kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sheegay in ay la shaqeyn waayeen Maxamed Dheere.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xilkii uu hayay Maxamed Dheere si KMG ah loogu sii dhiibay Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo ah Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada.

Maxamed Dheere ayaa xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir loo magacaabay 26-kii April ee Sanadkii 2007, iyadoo uu magacaabay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo wareegto xafiiskiisa ka soo baxday lagu sheegay in uu magacaabistiisa aqbalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Maxamed Dheere ayaa intii aan xilkaas loo magacaabin wuxuu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyo ku midoobay Isbaheysi la magac baxay La-dagaalanka Argagixisada, kuwaasi oo ay ka awood roonaadeen Maxkamadihii Islaamka bartamihii sanadkii 2006.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa intii aaney ka awood roonaan Maxkamadihii Islaamka waxaa uu muddo shan sano ah ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo marka laga soo tago in uu dadka gobolka ku soo rogay Shuruuc adag iyo Canshuur xad-dhaaf ah uu dhinaca kale si weyn u sugay ammaanka Gobolkaas, taasi oo keentay in ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaarihiisii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi ay muddo 9 bilood ah ku soo shaqeeyaan Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com

Saturday, July 26, 2008

Allaha U Naxariistee Al-fanaan Xasan Diiriye Faarax oo geeriyooday.

Allaha u Naxariistee waxaa geeriyooday Fanaanka Somaliyeed ee Caanka ah Xasan Diiriye Farax oo ka mid ahaa Fanaaniintii Hobalada Waberi.
Fanaanka Wayn ee Xasan Diiriye ayaa waxa uu ku geeriyooday wadanka Kuwait waxana uu halkaas u joogay Arimo Caafimaad sida uu sheegay Wiil uu dhalay Fanaanka oo lagu Magacaabo Saleyman Xasan Diiriye.
Xasan Diiriye ayaa waxa uu dhawaanahan la xanuunsanayay Cuduro ay ka mid yihiin Dhiig kar iyo Sokorta iyo Cuduro kale waxaana loo qaaday dalka Kuwait si halkaas loogu soo daweeyo. Habeenimadii xalay Saqdii Dhexe ayuu Fanaanka ku geeriyooda wadanka Kuwait waxaana uu ku dhintay Da,da 60 sanadood. Fanaanka ayaa ka mid ahaa fanaantii ugu horeeysay ee dalka Somalia waxaana uu Caan ka ahaa dalka isagoo ka mid ahaa Udub Dhexaadka Fanaaniinta Qaranka ee Hobolada Waaberi.
Allaha U Naxariisto Xasan Diiriye Faarax waxaa uu ka soo qayb qaatay Ruwaayado fara badan iyo sidoo kale Heeso aad badan oo uu isaga ku luuqeyaya waxaana Heesahaasi ay yihiin kuwo si aad ay u xiiseeyaan dhamaan shacabka Somaliyeed ee Fanka Jecel. Ruwaayadaha uu ka soo Qayb qaatay waxaa ka mid ah Ruwaayadii Shabeel Naagood oo ka mid ahayd ruwaayadihii ugu horeeyay ee dalka laga dhigo waxana uu Ruwaayadaas ka ahaa Aktarka ay ku socoto Ruwaayada.

Heeso Fara badan ayuu ku luuqeyay Xasan Diiriye waxaana ay Geeridiisu noqonaysaa mid ay si wayn ula Murugoodaan dhamaan Bahda Fanka Somaaliyeed oo uu ka tagay Xasan Diiriye. Ifka waxa uu kaga tagay Caruur iyo Xaasas waxaana caruurtiisa ay ku Noolyihiin Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Towfiiq. Geerida Xasan Diiriye ayaa waxa ay Imaanaysaa iyadoo sanadkan Gudihiisa ay geeriyoodeen tiro fara badan oo ka mid ah Fanaaniintii Hobalaada Waaberi.

Waxaa ka mid ah Fanaaniinta Geeriyootay Sanadkaan inta lagu Jiray Fanaanka Somaliyeed ee Maxamed Yusuf, sidoo kale waxaa sanadkan gudihiisa geeriyooday Axmed Nuur Jaangow, Macoow AW diinle Abtow, C/llahi AMiir Rooble AWkuku, iyo C/llah Nuuradiin Axmed oo isaguu TOdobadkii hore dabayaaqadiisa geeriyooday.

Illahay ha u wada Naxariisto dhamaan Fanaaniinta geeriyootay ee Somaliyeed.

samtarxildiid@hotmail.com

Shiikh Xasan Daahir oo Digniin u diray Qaramada Midoobay


Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Asmara Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu digniin u diray Qaramada Midoobay oo uu uga digay in ay taageero siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan.


Shiikh Xasan Daahir ayaa sheegay in dagaal ay la galaan Ciidamo ka socda UN-ka oo Soomaaliya la geeyo ay ku xiran tahay sida ay ula saftaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, “Dagaal aan la galno Ciidamada UN-ka waxay ku xiran tahay sida ay u dhaqmaan marka ay Soomaaliya yimaadaan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo ka digay inay Ciidamadaas noqdaan kuwo la safta Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya.


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dabayaaqadii todobaadkii hore shir ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu ka fiirsanayo Ciidamo UN-ka ka socda oo loo dirayo Soomaaliya, kuwaasi oo bedeli doona Ciidamada Amisom ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho oo tiradooda ay dhan tahay 2,600 oo Askari.


Shiikh Xasan Daahir oo isagoo ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea u waramayay Wakaaladda Wararka AP ayaa wuxuu beeniyay eedeymo ay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay u jeediyaan oo ah in uu xiriir la leeyahay Ururro Argagixiso ah.


Dhanka kaelena Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afirka Haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in haddii Shiikh Xasan Daahir uu doonayo in laga saaro Liiska Argagixisada uu taageero hannaanka Dib u heshiisiineed ee laga dhex wado dhinacyada Soomaalida, dhana ka raaco saxiibadiisa jabuuti jooga,waa kuwa Sheekh Shariif hogaamiyo.


Dadka aad u yaqaan Xasan Daahir ayaa leh ma ahan nin raba sida wax u socdaan,dagaal fidno iyo belaayo sii socota ayuu dan u arkaa....#

Banaadir Post.

Maamulka gobolka Sh/hoose oo ka digay in howlgalo loogu soo diro gobolkaasi ciidamadii dhowaan DF loogu soo tababaray Itoobiya


Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amaanka ee maamulka gobolka Sh/hoose ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolkaasi Maxamed Max’uud Cilmi ayaa sheegay in degmooyinka gobolka aan looga baahneyn in loo soo diro ciidamada dhowaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya, isagoo xusay in haddii ay taasi dhacdo ay la mid noqon doonto dagaal lagu soo qaaday amaanka ka jira gobolkaasi.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa uu intaa ku daray in amaanka gobolka iyo degmooyinka hoos yimaadaba uu hadda yahay mid aad u wanaagsan isla markaana ay ka howlgalaan ciidamo boolis ah oo ku filan, umana baahnin ayuu yiri ciidamo meel kale laga keenay oo laga yaabo in gobolka ay dhibaato ka abuuraan, wuxuuna ugu baaqay DF in ciidamada hadda tababarku ugu soo dhamaaday Itoobiya iney geyso caasimada Somalia magaalada Muqdisho oo uu xusay iney ka taagan tahay amaan daro baahsan.
Hadalka ninka sheegta guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sh/dhexe ee ah inaan gobolka Sh/hoose la keeno karin ciidamada DF ee lagu soo tababaray Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in ciidamadaasi qaar ka mid ah la geyn doono gobolkaasi, dhowaan ayeyna aheyd markii ciidamadaasi lagu soo tababaray Itoobiya oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ay isku dhaceen ciidanka maamulka degmada Afgooye halkaasoo ay iskaga dileen illaa 3 askari oo labada dhinac ah waxaana markaa ka dib hadalo ku wareeray cidanka Federlka ninka sheegta inow yahay taliyaha ciidanka Gobolka Shabeelada hoose Cali Ganey.


Isku soo duub dhamaan ragani ma ahan maamul loo doortey ama laga leeeyahay gobolka shabeelada hoose, waa ragii xooga ku haystey Gobolka Shabeelada Hoose, dhamaantoood waa isku qabiil aan hadana ma ahan dad u dhashey gobolka.

Banaadir Post.