Safiirka Mareykanka u fadhiya Dalka Itoobiya Donald Yamamutu ayaa shir Jaraa'id oo uu ku qabtay xaruntiisa safaaradda ayaa dalka Itoobiya ku amaanay kaalinta nabad ilaalineed ee ay uga jirto dalalka Afrika gaar ahaan wadamada Geeska Afrika, wuxuuna safiirka Maraykanku sheegay inay tahay Itoobiya wadanka labaad ee Afrika ee ka qeyb qaata geynta Ciidamada Nabad ilaalineed wadamada ay Colaaduhu ka jiraan.
Safiirku waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay kala shaqeenayso dowladda Itoobiya sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya ayna uga qabsoomi lahaayeen doorashooyin xor ah sanadda 2009-ka xiligaas oo la iclaamiyay in la qabto doorashadaasi.
"Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya waxey yihiin kuwo ka qeyb qaata Nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya" ayuu yiri Safiirka Mareykanka u fadhiya Dalka Itoobiya Donald Yamamutu.
Safiirku waxa uu sheegay In Dowladda Itoobiya hadii aysan Ethiopia sidaas aysan sameyna ay amaankeeda uu Qatar kujiri lahaa, wuxuuna shaaca ka qaaday in Dowladda Mareykanka si weyn ugu bogaadinayso dadaalka nabadeed ay Soomaliya ka wado....
Banaadir Post
Somalia.
Search This Blog
Wednesday, July 2, 2008
Madaxii Al-Barakaat Kanada oo Matabaan lagu diley

Cabdulahi Cali Afrax (ASPARO) oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii golaha Shuuradda ee Maxaakiimta Islaamka ayaa ka mid noqday sedex hogaamiye oo lagu diley dagaalkii Matabaan.
Marxuum Cabdulahi Asbaro waxaa la diley hogaamiyeyaal uu ka mid yahay Sheekh Xujaale,Warsame Xaashi,Macalin Faarax,Asparo wuxuu ifka kaga tegay 14 Caruura oo Caruurtiisa qaarna ay sii dhaleen 12 Caruura,isku darna ka dhigan qoys ka kooban 26 Caruura, dhamaan caruurtaasna waxey ku noolyihiin Kanada oo isaguba horey u joogi jirey,kana ahaan jirey madaxa ugu sareeya North Ameerika AlBaraakaat, taaso lagu darey liiska Argagixisada.
Asparo waxey Ilmo adeer yihiin ninka madaxda ka ahaan jirey shirkadii Al-Baraakaat Axmed Nuur Ali Jimcaale, oo hada lagu tiriyo dadka aad u taageera Alshaabaab, jabuutina ku sugan.
Banaadir Post
Xamar cade.
Tuesday, July 1, 2008
Maamulka G/sh/Hoose iyo Yuusuf Inhacade oo la xaqiiiyey in ay iska kaashadaan Afduubka Samafalayasha (madaxii Hay'ada WFL Fadumo Xaajow oo ka mid noqo

Sama-falayaasha la qafaashay ayaa waxaa magacyadooda ay kala yihin Faadumo Xaajow, Maxamuud Cabdi oo ka tirsan hay'ada WFL oo ah Hay;ad Talyaani oo si weyn uga shaqeysa Sh/Hoose.
Faadumo Xaajow ayaa ah haweeney mudo Hay'adeeda ay ka shaqeyneysay magaalada Marka , waxaana uu Maamulki Indhacade ka qaadi jiray lacago baad ah , dadka ayaa sheegaya in maalmahaan ay ka caga jiiday lacagahii baada ahaa oo laga qaadi jirey sababtaasuna waxeey keentey in la afduubto.
Tiradda guud ee Samafalayaasha haatan ku jira gacmaha Kooxaha wax u afduuba Indhacade iyo Maamulka Sh/Hoose ayaa 12-Qof kor u dhaafay.
Sababaha ugu weyn ee kaanay in la tuhmaa maamulka ayaa ah iyadoo aanay jirin wax dhaqhaqaaq` ah oo lagu baadi-goobayo Hawlwadeennadda qafaalka loo haysto, inkastoo ay Hay'adaha Caalamka iyo Bulshada Rayidka ku baaqayaan in la sii daayo Samafalayaashaasi oo lagu kala qafaashay Degmooyinka Afgooye, Aw Dheegle iyo Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaan ilaa iyo haatan jirin wax dadaal ahi ay wadaan maamulka G/sh/hoose.G/Sh/Hooe ayaa waxaa maanta iyo shalay ka soo baxay gaar ahaan Ceelasha in ku dhaw 8-Hay'adood iyo shaqaalahoda ka dib markii ay tuhmeen in la lagu soo socdo.
Tafatiraha Wargeyska
Koshin Yare.
Xildhibaan Muuse Suudi “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanaa in ay taageeraan mirihii ka soo baxay shirkii Jabuuti,kuwa diinta sheeganaayana iyaga

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa qab qablayaashii dagaalka ee wax kasta diiday Oran jiray ayaa hada waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu cad cad ee u halgama adkeynta qaranimada iyo dowladnimada Soomaaliya,waxaana munaasabad kasta oo uu ka hadlo uu ka sheegaa lagama maarmaan in ay tahay dadku nabadda in ay taageeraan.
Xalay ayuu Xaajigu ka mid ahaa masuuliyiintii qaran ee ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay kowda Luuliyo oo uu maamulka gobalka Banaadir soo qaban qaabiyay waxaana xaajigu uu muujiyay shucuur wadaninimo oo aad u weyn,isagoo shacabka Soomaaliyeedna ka codsaday in ay nabadda taageeraan.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanaa in ay taageeraan mirihii ka soo baxay shirkii Jabuuti,kuwa diinta sheeganaayana iyagaa diin laawe yaal ahe ha laga feejignaado”ayuu xildhibaanku xalay ka sheegay munaabsabadii kowda Luuliyo loo qabtay.
Xaaji Musue Suudi Yalaxow waxaa uu sheegay in colaadii ka dhacday Soomaaliya ay gaartay ilaa iyo heer la is bireeyo oo caruurta iyo haweenkana aan laga xishoon,waxaana uu yidhi “Walaala yaalow hadii aan heerkaa gaadhay sow colaad sokeeye kuma qalin jebin,ma wax noo dhimanaa jira?,,
Si kastaba ha ahaatee xaajiga ayaa xalay u muuqday mid qiirada wadaninimo ay ka tan badisay,waxaana kooxaha qaranka ee muusikadu ay hadba u garaacayeen muusikyada astaamaha qaranka Soomaaliyeed..
Banaadir Post
Xamar Cade.
Meherkeygii wuxuu ahaa qori Daba-jeex

Soomaalida dhaqankeeda waxaa ah in Naagaha ama hablaha marka la furo la siiyo Meherkoodu balse ay sunadu tahay inaad marwadaaada ama xaaskaada aad siisaa meherka aad isla meel dhigateen marka aad is guursataan, Soomaalidu badankooda ayaa jecel inay Nikaaxooda ka dhigtaan Kitaabka Quraanka Kariimka ah haddaba Muriyo Maxamed Cumar oo ah 28-jir ku nool xaafadda Wardhiigleey ayaa waxay is guursadeen Xassan Cabdi Dhaqane horaantii 2001 isagoo ka mid ahaa ciimadii Dowladdii Carta ee Cabdiqaasim Salaad.
Xassan waxa uu lahaa Qoriga Soomaalidu aad u isticmaasho ee darandooriga u dhaco ee loo yaqaan Dabajeex ama Dabamiinshaar iyadoo Muriyana ay ka codsatay Xassan in Meherkoodu uu ahaado Qorigaan Sheekhii nikaaxinayayna uu halkii ku aqbalay maadaama ay labadoodu isla soo afgarteen.
Muriyo iyo Xassan ayaa isku dhalay laba caruur ah oo loogu magac daray Maxamed iyo Nadiifo, Xassan ayaa xaalado kala duwan soo maray isagoo ugu danbeyntii ka mid noqday ciimadii Maxaakiimtii soo maamuleysay Muqdisho sanadkii 2006 nasiib darro ma aysan ahayn shaqadiisa mid sii jireyso maadaama ay maxaakiimtii ay gacmahooda ka baxday Maamulkii Muqdisho.
Murriyo ayaa Xassan ugu danbeysay aragtidiisa bishii december ee sanadkii 2006 Muriyo oo aad uga walwalsan Xaajigeeda nolol iyo geerina aysan ku haynin waxay maqashay in Xassan uu jiro Kismaayo balse ma aysan aaminin muddo bilooyin ah ka dib ayaa waxaa soo wacay Xassan isagoo u sheegay inuu caafimaad qabo uuna ku jiro jihaad wuxuuna intaasi raaciyay inuusan usoo laabaneynin Xamar illaa uu soo xoreeyo wadada ku timaado Xamar, Muriyo oo aad ula fajacsan arintaan ayaa waxay fariin gaarsiiyay Xassan Qoyskiisa iyadoo u sheegtay inaysan ku haysan dhaqan iyo dhaqaaleba ninkeeda, Odey Muuse oo ahaa Xassan adeerkiis ayaa ku yiri anigaa galaayo arintaada waana kugu soo laaban doonaa.
Muriyo oo aad u Xanaaqsan kuna rafaadeysa Nolosha caruurteeda warna aanan ka heli Xaajigeeda ayaa waxaa bishii April ee Sanadkaan u yimid adeer Muuse iyo Faarax oo adeerkiisa kale ah waxayna soo galeen aqalkii Muriyo iyadoo aad usoo dhaweysay adeerada yimid xaafadda sida dhaqanka aheedba, Wixii la kaftama ee meesha lagu sheekeeyaba waxaa Muriyo loo waday warqad Qoraal ah oo ay xambaarsan Furiinkeeda.
Muriya ayaa adeeradii u sheegtay inaysan wax dhib ah ka qabin furiinkeeda oo ka yimid wiilkooda balse ay dooneyso inay hesho Meherkeeda oo ahaa Qori Dabajeex ah, Muuse ayaa isla markiiba ugu jawaab celiyay inay qoraygii nikaaxooda ahaa uu horey u qaatay Xassan iyaguna aysan awoodin inay u iibiyaan mid kale furiinkaana uu ka yimid Xassan isagoo og in nikaaxiinu ahaa Qorigan uuna kusoo furay anaguna waxaan nahay fariin sideyaal ee naga raali noqo.
Muriyo oo aad ugu careysan oo u waramaysay Muuqaal Online Muqdisho ayaa u sheegtay in aysan helin Nikaaxeedu oo ahaa Qori Dabajeex ah waxayna intaasi raacisay in ay cid kasta ay sugayso tii qiyaamaha.
Raage Cali Dheere
Munaasabada 1-Lulyo oo si weyn looga xusay Muqdisho

Munaasabad balaaran oo ku aadan 48-guuraddii ka soo wareegatay xorriyadda goballadda koonfurta, midowga waqooyi iyo koonfur iyo waliba dhismaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa xalay lagu qabtay xaruntii gaadiidka boliska ee magaalada Muqdisho.
Xafladdan oo ey kasoo qeybgaleen mas`uuliyiin badan oo ey ka mid yihiin Ku simaha Ra'iisul-wasaaraha dowladda federalka, ahna Wasiirka garsoorka iyo diinta Prof. Saalim Caliyow Ibrow, G/xigeenka labaad ee Barlamaanka Federalka, Cismaan Boqorre, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Xuseen Carraale Caddaan iyo Mas'uuliyiin kale, iyadoo ay Kooxda Heegan ku soo bandhigtay Riwaayad ka turjumaysa Xaaladda haatan uu dalku marayo.
Damaashaad iyo dabaaldag kadib ayaa waxaa halkaasi si wadajir ah loo saaray calanka jamhuuriyadda Somaliya, waxaana khudbado kooban oo ku aadan calanka halkaasi ka jeediyay masuuliyiin isugu jirta maamulka gobolka Banaadir iyo kan dowladda federalka.Munaasabaddan oo kale ayaa iyana waxaa si weyn looga xusay magaalada Baydhabo halkaasoo fariisin u ah barlamaanka Somaliya.
Banaadir Post.
Moqdisho.
Somalia.
Subscribe to:
Posts (Atom)