Xaaladda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa aad looga soo deyrinayaa iyadoo haatan ay halkaasi ka jirto Abaabullo Dagaal kuwii ugu darnaa Shacabka Halkaasi ku noolna ay aad uga Anfariirsanyihiin sida uu xaalku noqon doono Saacadaha ama Maalmaha soo socda.
Ciidamo ku Hubeysan Gawaarida Gaashaaman oo ka tirsan kuwa Xisbul-Islaam ayaa ka dhaqaaqay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan Iyadoo Taliyaha Ciidamadaas watana uu ku gooddiyey in uu 24 Saac gudahood ku qabsan doono Magaalada Guriceel.
Waxa kale oo iyana jira Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Alshabaab oo ku sugan Tuulooyin aan sidaa uga fogeyn Labadaas Degmo ee Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay haatan Gacanta ku hayaan Kooxda Ahlusunna.
Dhanka Kooxda Ahlusunna oo haatan gacanta ku haya Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa waxay Heegan geliyeen Ciidamadooda ku sugan Guriceel iyo Dhuusamareeb Iyadoo Afhayeen u hadlayna uu sheegay in ay iska Difaacayaan Weerar kasta oo kaga yimaada Alshabaab iyo Xisbul-Islaam.
Shacabka ku nool Deegaannadaas ayaa Xaaladdooda aad looga deyrinayaa iyadoo ay soo Foodsaartay Xaalado Nololeed oo aad u Cakiran oo ay sababtay Abaaro ba'an oo halkaas ka jira iyo Dagaallo soo noqnoqday oo Saameeyay Guud'ahaan Gobolkaas.
Banaadir Post
Search This Blog
Thursday, April 8, 2010
Ciidamo taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo la wareegay hubkiina ka dhigay ilaalada xafiiskii QM ay ku laheyd degmada Waajid ee gobolka bakool
Xoogag taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa saaka la wareegay xafiiskii Qaramada Midoobay ee degmada Waajid ee gobolka Bakool sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Dad goobjoogayaal ah oo diiday inay magacyadooda xusaan ayaa waxay sheegeen in Ciidamada halkaas la wareegay ay gudaha u galeen xafiiska ayna kala soo baxeen qalab ay ka mid yihiin Computero ay ku shaqeynaysay Hay'adda iyo waxyaabo kale iyagoo ku qaatay gawaari ay wateen.
Sidoo kale Ciidamo ka tirsan maamulka Gobollada Bay iyo Bakool ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa la sheegay inay hubkii ka qaateen ilaaladii xafiiskaas oo ahaa kan ugu weyn Koonfurta Somalia ay ku lahayd Qarammada Midoobay iyagoo ka dibna ku amray iney halkaas isaga tagaan.
Sidoo kale waxaa la sheegay inay la wareegeen garoonka degmada Waajid oo ay inta badan ka duulaan kana soo dagaan dayuuradaha at isticmaalaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee halkaas ku sugan, waxaana garoonka la dhigay ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.
Shaqaalaha ku sugnaa xarunta QM ee ku taala degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa dhamaatood ahaa dad Soomaali, mana jirin shaqaale ajnabi ah oo halkaasi ka howlgeli jiray, iyadoo aanay jirin ilaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool.
Banaadir Post.
Thursday, March 25, 2010
Wednesday, March 24, 2010
WASIIRO MISE MUQALASIIN By:-Cali Muxiyaddiin Cali
Ma ahan wax lala yaabo oo shacabka Soomaaliyeed ay maqlaan, masuq maasuq lagu sameeyo hanti dadweyne ama mid Dowladeed oo ay diba mariyeen Mas’ uuliyiin ka tirsan Dowlad ama Ganacsato ku xeran maamuladii dalka soo maray, hase ahaatee Masuq maasuqyadii ka jiray dalka inta badan wey ka qarsoonaayeen Hey’addaha caalamiga iyo dalalka deeqaha laga helo.
Fadeexadii ugu weyneyd ee todobaadkii la soo dhaafay ka soo baxday xafiiska la socodka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa waxay dhalisay sumcad xumo iyo fadeexad hor leh oo ku lug leh Wasiiro miisaan culus ku leh Dowladda uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay iibsadaan Fiisooyin dal ku galka ah ee laga helo dalalka Yurub, Ameeriko iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ku xeran Dowladda oo si xun u maamulay cunada hey’adda WFP ugu talagashay dadka ka barakacay dagaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay kala bar raashinkaasi lunsadaan.
In badan oo shacabka ka mid ah waxay ogsiin yihiin in Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG oo horay loo hadal hayey kuna caan baxay isdaba marinta aanan liiskaasi fadeexada noqday lagu soo derin ama aan lagu arkin, waxaase dadku is weydiinayaan sababta loogu soo deri waayay wasiirada fadeexada ku dhacday, waxaan filayaa in wasiiradaasi aan xusay iiga baahneyn tilmaam.
Waxaa uur ku taalo ah in Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliyeed oo laga sugayey in ay samatabixiyaan shacabka diifta iyo darxumada ka muuqata in ay ceeji ku sii qabtaan shacab dhiig baxaya, taasi waxaa ka sii daran in wasiiradaasi qaarkood ay caruurtooda ka fogeeyeen Madaafiicda iyo dagaalada boqolaalka qof ku dhimanaya bil walba, iyagoo Talafishinada caalamka ka daawanaya dhibaatada ay aabayaashood horseedayaan, kuwii madaafiicda ka harayna ay doonayaan in ay si xun u dilaan
Waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ah in Prof. Cabdiraxmaan Ibbi oo ah Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga uu lugaha la galo waxyaabo sumcadiisa iyo karaamadiisa wax u dhimeysa.
Nin Oday ah oo ka mid ahaan jiray Wasiiraddii Dowladda C/qaasim ayaa habeen inagoo wada daawaneyno TV-ga waxaa laga soo daayey Prof. Ibbi oo barnaamij ciyaaraha ah ka qeybgalay oo hadalo uusan mansab ahaan laheyn ka jeedinayo kuna habooneyn in Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ama Wasiir kale oo aan aheyn kan Isboorti uu jeediyo.
Daqiiqado kadib ayaa hadana barnaamij kale oo Gobolka Banaadir ah misane ka qeybgalay Prof. Ibbi, waxaan isweydiinay ninkii odayga ahaa ee aan wada daawaneynay sababta uu Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka arrimahaasi ugu hadlayo, ninkii odayga wuxuu ku gaabsaday in tan iyo markii uu Ibbi ku soo biiray arrimaha Siyaasadda oo aheyd Dowladdii Carta markii la dhisay ilaa iyo iminka uusan kala garaneyn howsha uu leeyahay iyo tan uusan laheyn, hase ahaatee aniga ayaa fakir ka duwan siiyay oo waxaan u sheegay in Prof. Ibbi ka aheyn karti iyo dadaal ee ay ka tahay Saxaafad Jaceyl iyo in meel walbo laga arko muuqaalkiisa iyo warkiisa taasoo keentay in uu daf daf badnaado.
Kaliya fadeexada Qaramada Midoobay kuma dhicin Prof. Ibbi, ee waxaa jira Wasiiro kale oo magac xumo u soo hoyatay, kadib markii sida maqalasiinta u iibsaday Fiisooyin loogu talagalay mas’uuliyiinta Dowladda KMG in ay ku tagaan Qaaradaha calaamka, waxaana ka mid ah Wasiiradaasi Madoobe Nuunow oo a Wasiirka Dastuurka, Fowziyo Maxamed Sheekh iyo Safiirka Dowladda KMG oo isna lagu sheegay in uu yahay xubinta ugu firfircoon ee fiisooyinka kala iibiya.
Ma jirto sumcad xumo tani ka weyn in Mas’uul dhan oo shacabka Soomaaliyeed wax badan ka sugayey in uu ku kaco iibsashada fiisooyinka loogu talagalay Dowladda ee wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa damiir xumo iyo Wadaniyad la’aan mas’uulkaasi heysata.
Safaaradda Nairobi ee Dowladda KMG oo uu fadhiya Maxamed Cali Ameeriko oo horay eedeymahan u heysatay ayaa waxaa xaqiiqo ay noqotay markii Guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay soo saartay Liiska Fadeexadeed, inkastoo warbixinta lagu caddeyn xiriirka Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo heshiis ku ah raadinta fiisooyinka dalalka Yurub iyo dalalka kale ee dadka xiiseeyaan ee nolosha laga helo.
Ugu danbeyntii Fadeexadda Dowladda KMG ku dhacday, saameyn intee la eg bey ku yeelan kartaa caalamka? Jawaabtii Dowladda ay ka bixisay eedeymahan ayaa noqday kuwo la iska fogeeyay, hase ahaatee Wasiir Ibbi wuxuu guuxiisa u muuqday in uu ka xun yahay, kuna cambaareeyay hadalkiisa qoraha warbixinta Qaramada Midoobay, laakiin hadalka Ibbi waxaa iiga soo baxay in ay jiraan xubno ka dhoofay Muqdisho oo u kicitimay dalka Jarmalka kuwaasi oo ku dhex goostay Jarmalka, dadkase waxay isweydiinayaan Wasiirada la eedeeyay ma Muqalasiin baa mise Mas’uuliyiin.?
Cali Muxiyaddiin Cali
muxiyaddiin@hotmail.com

Monday, March 22, 2010
Shacabka Gobollada Koonfurta Soomaalia oo Xornimo iyo Xukun Ilaah Heley Hase Yeeshee Weli Wax Baa Qarsoon.
Shacabka Gobollada Koonfurta Soomaalia oo Xornimo iyo Xukun Ilaah Heley Hase Yeeshee Weli Wax Baa Qarsoon oo Aan La Arkin.
Maqaalkan waxan ku soo bandhigeynaa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Gobollada Konfureed ka hor iyo ka dib intii ay la wareegeen Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin,waana Maqaal taxane ah oo si isdaba joog ah oo aan akhristeyaasha u soo gudbin doonno,maantana waxaan idiin soo gudbineynaa qeybta koowaad oo uu ku jiro Hordhaca
Maqaalkani. Qeybta 1aad.
Laga soo billaabo burburkii Dowlladdii Dhaxe ee Soomaaliya Dalka Soomaaliya oo dhan waxa ka dhacey burbur baaxad leh oo dhinac Waliba ka saameeeyey Shacabka,haba u sii darnaadeen Gobolllada Koonfureed ee Soomaalia.
Waxana billowdey dagaallo qabiil oo ay hoggaaminayeen hoggaamiyeyaal qabiil,kuwaas oo dagaalka ku doonayay Xukun ay ku gaaraan awoodda Qabiilkooda;dagaalladaas ayaa waxa barbar socdey Boob,Dhac Kufsi naxarriisdarro ah ee loo geystey Shacabka ku dhaqan Gobollada Koonfureed gaar ahaan Gobolka Shabeellada Hoose;iyadoo dagaalladaas ujeedadoodu ka fogtahay Korsi Siyaasadeed hase yeeshee ujeedka ugu weyni ahaa helitaanka dhulka ugu Barwaaqada badan Soomaalia.
Shacabka ku dhaqan Gobollada Koonfurta waxa gaartey dhibaato aad u culus oo dhinac walba leh sida Xasuuq,Barakicin,Dhulka oo laga boobo,Gabdhaha Qurxoon oo laga kaxeysto,Biyaha Webiga oo laga Iibiyo iyo in lagu shaqeysto islamarkaasna aan la siinin xaqii uu lahaayeen;hase yeeshee Shacabkaas ay dhibaatadu ku dhaceysay ayaa awooddooda ugu weyn ee heli kareen ahayd inay Ilaah (SW) u dacwoodaan oo ay dhibaato kasta ee loo geysto yiraahda Ilaah baa jooga!
Dhibaatada intaas la eg ee ku dhaceysay umadda ku dhaqan Gobollada Koonfureed waxa Masuul ka ahaa Hoggaamiye koooxeedyo tirsamaya hase yeeshee Qabiil salka ku haya,iyadoo Shacabka ku dhaqan Gobollada ugu barwaaqada badab Soomaalia ay u badan yihiin Beeraleey Xoolo dhaqato iyo Kalluumeysato ku kalsoon waxa ay Muruqooda ku soo saartaan iyo Xoolaha ay dhaqddaan;waxana la yaab ku ahayd in la dilo ama la dhaco qof Islaam ah.
Dhaqankooda soo jireenka ah ee nabad ku wada noolaashaha ee ay barteen ayaa wuxu sahley in dad dagaalka iyo dilkuba la sahlan yahay si degdeg ah u dhacaan una barakciyaan,iyagoo aan u diyaarsaneyn qaab dagaaleedka;hase yeeshee marka ay dhibaatadu ku dhacdo waxaan Afkooda laga waayin Ilaah baa jooga alloow kuwan naga qabo!(taasoo ah Dacwad Ilaah u gudbiyeen);Waxba wax baa ka darane waxa dadkaas loo bixiyey looma Ooyaan,Looma Aaraan,Beelaha aan Hubeysneyn,Beelaha laga tira badan yahay,Adaris Maacuun iwm ah.
Dacwooyinka Ilaah(SW) u dacwoonayeen Shacabka Gobollada Koonfureed waxay soo billaabatey Sanadkii 1991kii,Cabashadaas ay ilaahey u gudbinayeen aad bay u yareyd dad dhageysta oo ka xanuunsada kuwa la dhibaateynayo iyo dad ka xanuunsanaya inaaney dhulka dhici doonin Dacwooyinka Ilaah loogu gudbinayo;Dadku waxay ahaayeen kuwo wada Maqan,kii wax fahmayana waa yareyd waxa uu qaban karey oo Waa laga awood badnaa,si kasta ha ahaatee Dacwooyinka Alle loo diraayey waxay Soo gaartey��
La Soco qeybta 2aad.
Qeybta 2aad
Cabashooyinka Shacabka Koonfurta Soomaalia Ilaah u dirayeen waxay soo gaartey Sanadkii 2006dii,xilligaas oo ku beegneyd markii Maxkamadaha Islaamku ka curteen Soomaaliya,gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay ka dhisnaayeen Maxkamado Islaami ah oo qaab Beeleed u dhisnaa,hase yeeshee Midoobey Markii uu Abuurmey Isbaheysigii Ashahaado la dirirka ee ay gadaal ka riixayeen Reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka.
Shacabka Soomaaliyeed oo ka daaley dagaallada Sokeeye iyo ururada (SSta) ee ay hoggaaminayeen Hoggaamiye Kooxeedyo naxarriis laaweyaal ah,ayaa markiiba Maxkamadaha Midoobey Min Koonfur iyo Bartamha Soomaalia mar qura taageero hagar la�aan ah la garab istaagey,taas oo ka dhalatey Kitaabka alle oo ay kor u qaadeen Maxkamadihii Islaamka ee Midoobey.
Taageerada Shacabka iyo Midowgga Culumaa�uddiinka Soomaaliyeed waxay muddo aad u yar oo 4 Bilood ah xididada u siibeen Hoggaamiye Kooxeedyadii dalka haystey Muddo 16-Sanadood ah,waxa Xudduudda Kenya ilaa Banddiiradleey gacanta u gashey Maxkamadihii Islaamka oo kaashanaya taageerada Shacabka Soomaaliyeed.
Ka Dib Maxaa Dhacey?
Midowgii Maxkamadaha Islaamka waxa ku soo dhax dhuuntey oo ka mid noqdey kooxo fara badan oo ujeeddooyin kala duwan watey;haddii aan inyar ka taabto kooxaha ujeeddooyinka gurracan watey Waxa ka mid ah:
1-Hoggaamiye Kooxeedyadii dalka haystey Waqti dheer ayaa qaarkooda ka mid noqdeen Maxkamadihii Islaamka,kuwaas oo markaas isku ekeysiinaayey inay taageersan yihiin Kitaabka kor loo qaadey,hase yeeshee watey ujeeddooyin qarsoon oo saldhiggeedu ahaa ilaalin dano Shaqsiyadeed iyo mid Qabiil.
2-Kooxo Culumo ah oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Maxkamadaha oo ujeedadooda fogi ahayd inay Kacdoonka Maxkamadaha ku gaaraan ilaalinta dano Siyaasadeed iyo dano qabiil,iyagoo siyaabo aad u farsameysan ugu dhax milmey kacdoonkii Maxkamadaha.
3-Siyaasiyiin,Saraakiil iyo Malleeshiyooyin ku soo barbaarey dagaallada Sokeeye ee Qabiilka ku dhisnaa oo ay u muuqatey inay ujeeddooyinkooda ku gaari karaan inay ka mid noqddaan Xoogga cusub ee Soo baxey;sidaas darteed waxay ka mid noqddeen Masuuliyiinta,Saraakiisha iyo Ciidamada hoggaamiya Maxaakiimta Islaamka.
4-Odeyaal dhaqameedyo,Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin ay madax martey Qabyaalladda oo Markaas isha ku hayey Dowlladdii uu Madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed inay halis ku tahay jiritaankooda Qowmiyadeed;markaas ka dibna waxay taageero dhinac walba ah la garab istaageen Xoogga Cusub ee Maxkamadaha Islaamka oo ay u arkayeen inay iyagu Majaraha u hayaan oo markii ay ujeeddooyinkooda gaaraan ay si fudud u kala diri karaan ama ay ku fushan karaan Wax kasta oo ay doonaan.
Qodobadaas oo isbiirsadey waxay markiiba isriixriix iyo kala shaki ku abuurtey xooggaggii isku duubnaa ee Maxaakiimta Islaamka oo ujeeddo badan ahaa,waxa abuurmey khilaafyo hoose oo ku qotomey fulinta awaamiirta ka soo baxdda hoggaanka Maxkamadaha,xoghayeyaasha Maxkamadaha iyo Saraakiisha Ciidamada.
Haddii aan inyar dib u milicsanno kala shakiga iyo isriixriixu wuxuu billowdey markii xididada loo siibaayey hoggaamiye Kooxeedyada ka jirey dalka oo dhan,kuwaas oo si safmar ah ay u martey Seefta dagaallyahannada Maxaakiimta Islaamka,hase yeeshee Seeftaas ayaa si farsameysan looga leexiyey 4-Hoggaamiye kooxeed oo ka mid ahaa kuwii ku dhax dhuuntey xooggagii Maxkamadaha Islaamka oo u arkey arrintaas inay ku badbaadeyso ujeeddooyinkooda Siyaasadeed iyo tan qabiilkooda;waxana meelaha khaladaadka badani ka dhacey ka mid ah:
1-Gobolka Jubada Hoose oo uu ka jirey Isbeyheysigii Dooxada Jubba oo ay ku mideysnaayeen Raga la baxey Walaalaha Galgaduud ayaa qaar ka mid ah heshiis la galey Maxkamadihii,slamarkaasna ka mid noqdey Golihii Shuurada,Hubkooda iyo Ciidamadooduba ay ku biireen Maxkamadaha,halka mid kale oo hoggaaminaayey Isbaheysigaas ka mid noqddey hoggaamiye kooxeedyadii Xididdada loo siibey arrintaas oo dhalisey Shaki weyn.
2-Saddex hoggaamiye kooxeed oo si wadajir ah u maamulaayey Gobolka Shabeellada Hoose oo dadka Gobolkaas ay dhibaato badan ka tirsanayeen ayaa waxa Ciidamadooda iyo Madaxdooda loo Aqoonsadey (Hooyada Maxaakiimta Islaamka),waxayna Ciidamada iyo Saddexda Masuulba ka mid noqddeen Madaxda Waaweyn ee Maxaakiimta Islaamka.
Arrintaas ayaa waxay dhalisey shaki iyo buuq fara badan oo ay Muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa,hase yeeshee Saraakiil Masuuliyiin iyo Ciidamo fara badan oo ka tirsanaa Maxaakiimta ayaa arrintaas si weyn u diiddanaa oo ka xumaa,hase yeeshee majaraha hoggaaminta Maxkamadaha looga awood badnaa;Diidmadooda iyo soo jeedintoodu ma noqon kuwo guuleystay;waana halka ay Sartu kaga qurantey Xoogaggii Mideysnaa ee Maxkamadaha Islaamka.
Iyadoo ay taasi jirtey ayaa Waxa billowdey khilaafyo fara badan oo ka dhashey hirgelinta Shareecada Islaamka,waxana arrimaha ugu horreeya ee la isku qabtey ee khilaafka ba�ani ka dhashey ka mid ah in qofkii nin Muslim ah si ula kac u dila la marsiiyo Shareecada Islaamku waxa ay qabto,in la celiyo hantida la kala haysto ee ay ka mid yihiin Guryaha,Beeraha iyo Gaadiidka iyo in la joojiyo waxyaabaha Mukhaadiraadka Sida Qaadka,Sigaarka;go�aanadaas waxay u Cuntami weyddey �..
La soco Qeybta 3aad.
Qebta 3aad.
Khilaafka isriixriixa ee ka dhax billowdey Maxkamadaha waxa masuul ka ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii ku dhax dhuuntay oo si weyn u diiddanaa hanti isu celinta lagu dhawaaqey,fulinta Xukunnada Qisaasta oo la billaabey oo markii dambe Hoggaamiye kooxeedyadu si farsameysan u xagal daaciyeen markii ay si hoose u sii daayeen Gacan ku dhiigleyaal dil geystey,sidoo kale waxay Qabqablleyaasha Dagaalka ee Maxkamadaha ku jirey iyo kuwa danaha gaarka iyo Qabiilka ilaalinay diiddeen in la joojiyo Waxyaabaha Muqaadiraadka sida Qaadka,Sigaarka iyo wixii soo raaca.
Intii uu khilaafaadka Maxkamaduhu socdeen waxa barbar socdey dagaallo looga horjeedey joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gobollada Bay,Bakool iyo Gedo,iyadoo Hoggaamiye kooxeedyadii diiddanaa hergelinta Shareecada Islaamka ay dagaalkaas ka faa�ideysteen,iyagoo ku dhawaaqey dagaal aan laga wada tashan oo aan qorshihiisa la isla meel dhigin,taas oo ujeedada fogi ee ka dambeysa ay ahayd in Maxkamadaha lagu soo jeediyo Indhaha Adduunka oo dhan islamarkaasna lagu qaado Weerar degdeg ah oo Sababeysan,waana halka fursadda ugu weyn ay ka heshey Dowlladda Itoobiya ee Weerarka culus soo qaaddey Maxkamadaha iyadoo taageero ballaaran kaga hasatey reer Galbeedka oo dhan.
Aan Dib idiin Xasuusiyo khaladaadka badan ee dhacey intii ay Maxkamaduhu la wareegayen Gobollada,islamarkaasna ay abuurmayeen Maxkamado Beeleedyo hoos imaanayey Midowggii Maxkamadaha Islaamka,Gobolka Shabeellada Hoose oo uu ka jirey Maamulkii loogu yeerey (Hooyada Maxkamadaha Islaamka) ayaa dadkii Gobolkaas ka soo jeedey Waxay Sameysteen oo ay ku dhawaaqeen Maxkamado Islaami ah,oo tiradoodu aheyd 3-Maxkamadood.
Hase yeeshee laba nin oo ka tirsanaa Hoggaankii sare ee Maxkamadaha Islaamka ayaa Shir la qaatey hoggaankii 3da Maxkamadood waxayna si cad ugu sheegeen inaan Gobolkaas Maxkamado looga dhawaaqi karin lana geyn karin,iyagoo sabab uga dhigey Laba Arrimood oo kala ah:
1-Gobolka Waxa ka jira bay yiraahdeen Maamul Islaami ah oo loogu yeerey Hooyadii Maxkamadaha Islaamka,sidaas darteed wixii Gobolkaas ku saabsan asaga ayaa nooga Mas�uul ah mana dooneyno bay yiraahdeen in la carqaladeeyo!
2- Gobolka Waxa degan bay yiraahdeen Beelo fara badan sidaas darteed haddii Sadexddaan Maxkamadood loo fasaxo inay ka howlgalaan waxa loo arkayaa inay Qabiillo gaar ah wataan,marka waxan idin kula talineynaa islamarkaasna idin fareynnaa inaad ka joogtaan oo aad uga dambeysaan Maamulka ka jira!.
Labadaas Arrimood waxay ka mid ahaayeen Waxyaabaha keeney in la kala aamin baxo oo Maxkamadaha dadka qaarkiisa u arkeen inay tahay Aalad ay Qabaa�illo iyo Shaqsiyaad gaar ah sida ay doonaan ugu adeegtaan,waxana Malleeshiyaadka Gobolkaas ka howlgalaayey ee loogu yeerey Hooyada Maxkamadaha Islaamka,isu bixiyeen magaca Mujaahiddiinta Qayisha oo ay ula jeedaan inay Qayilaan Sigaarka Cabbaan,intooda badan Cibaado shaqo ku laheyn sidaas darteedna loogu yeero Mujaahiddiinta Qayisha,taas oo u hirgashey sidaasna uga mid noqdey Ciidankii lexaadka badnaa ee Midowgii Maxkamadah Islaamka;Islamarkaasna iska sii wateen Maamulkii iyo awood sheegashadii ay ku hayeen Shacabka Gobolkaas,waxayna Shacabka Mandiqaddaas dulman ku dhaqan ay ku hadaaqayeen waxay sameyn karaayeen oo ahayd (Ilaah Baa jooga Waana la arki doonaa haddii Ilaahey la Qayaani karo oo Shareecadiisa Kitaabka ku cad Dulmi iyo Been lagu Qarin karo laguna Badaabdayo;hadalkaas oo ah Dacow Ilaah oo ay fahmi karaan dadka ay dhab ka ahayd ku dhaqanka Shareecada Islaamka),kuwaas oo iskugu jira Mujaahiddiinta iyo dadka sida weyn u taageersanaa.
Hase yeeshee intii uu socdey guuxa Maxkamadaha dhaxdooda waxa jirey xoog aad u tababaran islamarkaasna daacad ka aheyd Dagaalka iyo Jihaadka lagula jirey Itoobiyaanka iyo Dowlladdii ay taageersey,waxayna ahaayeen kuwaas dhalinyarro iyo Culumo ku dhaqanka Shareecada Islaamku dhab iyo daacad ka ahayd,waxay aad uga soo horjeedeen dhaqamada ay ku kacayeen Saraakiisha iyo Mas�uuliyiinta qaarkood,marmar waxaaba dhaceysey in Gacanta la iskula tago,waxana si toos ah u billowddey Kooxeeysi kala duwan oo ku qotomey kuwa Dhaqanka Islaamku dhab ka yahay iyo kuwa kale oo ku dhaxmilan hase yeeshee ujeeddkoodu taas ka duwanaa (Daneysteyaal);iyadoo uu xaalku sidaas yahay ayaa Wax billowddey Dagaalkii Weynaa ee dhaxmarey Ciidamadii Maxkamadaha iyo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlladda C/llaahi Yuusuf oo dhinac ah.
Dib Maxaa Dhacey?
La soco Qeybta 4aad
Xigasho Ssunion.net
Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com

Subscribe to:
Posts (Atom)