Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xiisad ay ka taagan tahay Magaaladaas kadib markii Dadka Deegaanka Dhuusamareeb ay ka soo horjeesteen Bandaw Maalintii Saddexaad saaran Magaaladaas oo ay saareen Maamulka ka Arrimiya Magaalada Dhuusamareeb ee Ahlusunna.
Waxgaradka Magaalada Dhuusamareb ayaa haatan Kulamo la leh Saraakiisha Ahlusunna ee Bandawga saaray Magaaladaas, Waxana sida la sheegay ay ka dalbadeen in ay Dadka Deegaanka Dhuusamareeb ka qaadaan Xayiraadda ay duldhigeen Taasoo ay sheegeen in aan loo baahneyn Maadaama Magaalada uusan Dagaal ka jirin.
Xoogaga Ahlu Sunnah ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada Gudaha Magaalada Dhuusamareeb Iyagoo Dadka ugu cagajigleeyay Ciddii jebisa Bandawgaas in ay Xabsiga dhigi doonaan.
Search This Blog
Saturday, February 13, 2010
Thursday, February 4, 2010
Xarakada Al Shabaab oo beeniyay in ay balan uga bexeen Xisbul islaam iyo iyagoo Magacaabay gudi taakuleeya dadkii ku hanti beelay dabkii Suuqa Bakaaraha
Xarakada Muhaahidiinta Al Shabaab ayaa beeniyay in ay ka baxeen balan ay horay ula galeen ururka Xisbul islaam iyagoo dhinaca kalana Magacaabay gudi taakuleeya dadkii ku hanti beelay dabkii Suuqa Bakaaraha.Afhyeenka xarakada mujaahidiinta Al-shabab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo maanta Shir jaraa’id ku qabtey qeybo ka mid Suuqa Bakaaraha gaar ahaan bartii uu dabku ka kacay habeen hore ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin waxa balamo ah oo Xakarada Mujaahidiinta AL-shabab kaga baxeen ururka Xisbul Islaam oo ku aadanaa in aan la kala qaadan ciidamada u dagaalama labada dhinac.
Waxaa uu xusay in wax khilaaf ah uusana ka dhex taagneeyn Xarakada Mujaahidiinta Al-shaabb iyo ururka Xisbul Islaam isla markaana ay u mideysan yihiin ladagaalanka ciidamada dowladda KMG iyo ku AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam ayaa maalin ka hor shir jaraa’id oo uu ku qiray in hogaamiyaal ka tirsan Ururka Xisbul islaam ay ku biireen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ku qabtey magaalada Muqdishu ayaa shaaca ka aaday in xarakada Al-shabaab ay jabiyeen balamo ay la galeen ururka Xisbul Islaam oo ku aadanaa in aan la kala qaadan ciidamada u dagaalama labada dhinaca.
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab waxaa uu sidoo kale ka hadlay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo dowladda Kenya ay ka wado xaduudka ay la wadaagto Soomaaliya iyo hadalo ka soo baxay xubno ka tirsan dowladda KMG oo ku aadanaa in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan gobolo badan oo ka mid ah koofurta Soomaaliya halkaasi oo ay gacanta ku hayaan xarakada Mujaahidiinta al shabaab.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka Al Shabaab in dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Kenya oo faafaahin ah ka bixin doonin islamarkaana Kenya sida ay u dhaqanto ay ula dhaqami doonaan waxaana uu sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay hadalo uu ku tilmaayey calaacal oo kasoo baxay dowlada KMG ee Soomaaliya oo ku aadan in ay weerar kusoo qadayaan goobaha ay gacanta ku hayaan isagoona sheegay in hadii ay isku dayaan in ay weerar ku soo qaadaan ay kala kulmayaan talaabo deg deg ah sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa imaanaya xili wasiirka beeraha ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed ibraahim xaabsade uu sheegay in ay maalamaha soo aadan ay la wareegi doonaan gobolo ay kamid yihiin Sh/hoose,Bay,Bakool,Jubooyinka iyo weybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage waxaa uu ku dheeraaday ka hadlida dabkii habeen ka hor ka kacay qeybo kamid ah suuqa bakaaraha isagoona ku baaqey in dadka muslimiinta ah ee ku hanti beelay la gar gaaro isagoo shaaca ka qaaday in Xarakada Al-shabaab ay u magacowday gudi ka kooban culmaa,udiin iyo xubno katirsam Al-shaabaab kuwaasi oo wax u qabta dadkii ku hanti beelay dabkii dhawaan ka kacay qeybo kamid ah suuqa bakaaraha,waxaana xubnaha gudigaasi ay kala yihiin sidatan.
1:Sheikh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah saraakiisha Al-shabaab
2:Sheikh Cali Maxamed Xuseen (Waaliga Wilaayada gobolka banaadir ee Shabaab)
3:Sheekh Suldaan Max’ed Aala maxamed (maktabada Xarakada Shabaab)
4:Saalax Maxamed Cali (madaxa arimaha bulsha ee wilaayada gobolka Banaadir) 5:Sheikh C/taax Aweys abuu Xamsa oo kamid ah Culmaa’udiinka Soomaaliyeed.
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com
Sheekh Xasan Turki oo qiray inuu ku biiray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidin kuna baaqay in la mideeyo Islaamiyiinta kale
Guddoomiyaha Raaskambooni Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turkey) ahaana guddoomiye ku xigeenkii Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta qiray inuu ku biiray Xarrakatul Shabaab uuna joogay madashii heshiisku ka dhacay.Sheekh Xasan Turkey wuxuu sheegay in go’aankiisu uu yahay mid lagu mideeyo Islaamka, gaar ahaan Mujaahidiinta, si ay ugu guuleystaan hadafkooda oo ah in laga dhiso Soomaaliya dowlad Islaami ah.
"Waxaan ku baaqaynaa in Muslimiinta ay Alle ku xirnaadaan, safka mujaahidiintana la mideeyo, waxaana ku baaqayaa in la mideeyo Muslimiinta oo dhan" ayuu yiri Sheekh Xasan Turkey.
Heshiis dhawaan ka dhacay Baydhabo ayay kooxda Raaskambooni oo hoggaamiye uu u yahay Sheekh Xasan Turkey iyo Xarrakatul Shabaab ay ku gaareen heshiis iskaashi oo ay ku mideynayaan ciidamadooda, iyagoo qaadanaya Magaca Xarrakatul Shabaab.
"Goobjoog ayaan ka ahaa heshiiskii ka dhacay Baydhabo, la iguma been abuuran, waana ku faraxsanahay" ayuu yiri Sheekh Xasan oo ugu baaqay dhammaan Soomaalida inay qabsadaan xarigga Alle si ay u guulaystaan.
Sheekh Max’ed Dulyadeyn oo ka mid ahaa saraakiishii ka socday Raaskambooni oo isaguna saxaafadda kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid dhacay, ayna wadaan qorshayaal lagu fulin lahaa qodobbadii lagu heshiiyay.
Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku qabtay maalin ka hor ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid ay aad uga xun yihiin, ayna walaalaha Shabaabku uga baxeen ballan ay isku ogaayeen oo ahayd inaan la kala qaadan ciidamada.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaa dhankiisa sheegay maanta inaysan jirin wax ballan ah oo ay uga baxeen sida uu u yiri Walaalahooda Xisbul Islaam, sidoo kalena aysan jirin wax dagaal ah oo kala dhexeeya.
Xasan turki gacan saar ayuu lahaa Xasan Daahir mudooyinkii ugu danbeeyay, waxayna kala dheeraadeen markii axmed Madoobe heshiis hoose la galay qolooyin kale.
Banaadir Post
Gen. Galaal oo weli xiiso u qaba inow Somali gumaado!
Wararka laga helayo degmada Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray shalay Gen. Maxamed Nuur Galaal iyo xubno ka tirsan Ururka Ahlu Sunna Wal-Jameeca, waxaana ay bilaabeen in ay kulamo la qaataan dad ka tirsan Beeshiisa gaarka ah.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ujeedada Gen. Galaal ee Gobolada Dhexe in ay tahay sidii uu khibradiisa Milateri ugu biiran lahaa Ururka Ahlu Sunna oo dagaal xoogan kula jira Xarakada Al-Shabaab, taas macnaheedu yahay Gen galaal weli xiiso ayuu u qabaa inow cabo dhiiga dadka Somaliyeed.
Ahlu Suna ayaa la rumeysan yahay in ay marar baan qaaday dagaalo aysan guulo badan ka gaarin, kuwaas oo ay lagashay xarakada Al- Shabaab.
Galaal ayaa inta la ogyahay ka danbeeyay xasuuq wadareed mudo dheer ka socdey dhula koonfureed ee Somalia.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ujeedada Gen. Galaal ee Gobolada Dhexe in ay tahay sidii uu khibradiisa Milateri ugu biiran lahaa Ururka Ahlu Sunna oo dagaal xoogan kula jira Xarakada Al-Shabaab, taas macnaheedu yahay Gen galaal weli xiiso ayuu u qabaa inow cabo dhiiga dadka Somaliyeed.
Ahlu Suna ayaa la rumeysan yahay in ay marar baan qaaday dagaalo aysan guulo badan ka gaarin, kuwaas oo ay lagashay xarakada Al- Shabaab.
Galaal ayaa inta la ogyahay ka danbeeyay xasuuq wadareed mudo dheer ka socdey dhula koonfureed ee Somalia.
Wednesday, January 27, 2010
Ururka Xarakada Alshabaab oo Maanta shaaca ka qaaday inay Qabteen Hub Dowlada KMG Soomaaliya u dirtay Degmada Ceeldheer.
Afhayeenka Xarakatu shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh.Cali dheere) ayaa Maanta saxafiyiinta u sheegay inay ciidamadoodu qabteen hub saarnaa Dooman oo ay Dowlada KMG Soomaaliya u dirtay Gobolada Dhexe gaar ahaan Degamda Ceel dheer.
Waxaa uu intaasi ku daray Sheekh Cali Dheere in qorshaha hubkaasi lagu soo saaray Doomanka ay soo abaabushay Dowlada KMG Soomaaliya islamarkaana loo soo dhiibay calooshood u shaqeystayaal kuwaasoo sida uu sheegay la dilay.
"Mujaahidiinta waxaa u suurtagashay inay laayaan calooshood u shaqeystayaashii loo soo dhiibay hubkaasi,waana la soconaa waxay u wadeen degmada Ceeldheer Gobolka Galgaduu" ayuu yiri Sheekh Cali dheere
Degmada ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka jira Maamul taageersan Urur Diimeedka Ahlu suna oo gacan saar la leh ahlus una Wal jameecah.
Dhanka kale ma jiro dhanka Dowlada wax mas'uul ah oo aritaani ka jawaabay,oo ama beeninaya ama qiranaya arka shabaabka ka soo baxay inkastoo saacadaha soo socda laga yaabo inay ka hadlaan saraakiisha Dowlada KMG Soomaaliya warkaani ka soo baxaya Xarakada Al-Shabaab.
allburtinle.com
Xafiiska Warara Muqdisho
C/fitaax Maxamed Salaad (Diyeeshe)
Waxaa uu intaasi ku daray Sheekh Cali Dheere in qorshaha hubkaasi lagu soo saaray Doomanka ay soo abaabushay Dowlada KMG Soomaaliya islamarkaana loo soo dhiibay calooshood u shaqeystayaal kuwaasoo sida uu sheegay la dilay.
"Mujaahidiinta waxaa u suurtagashay inay laayaan calooshood u shaqeystayaashii loo soo dhiibay hubkaasi,waana la soconaa waxay u wadeen degmada Ceeldheer Gobolka Galgaduu" ayuu yiri Sheekh Cali dheere
Degmada ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka jira Maamul taageersan Urur Diimeedka Ahlu suna oo gacan saar la leh ahlus una Wal jameecah.
Dhanka kale ma jiro dhanka Dowlada wax mas'uul ah oo aritaani ka jawaabay,oo ama beeninaya ama qiranaya arka shabaabka ka soo baxay inkastoo saacadaha soo socda laga yaabo inay ka hadlaan saraakiisha Dowlada KMG Soomaaliya warkaani ka soo baxaya Xarakada Al-Shabaab.
allburtinle.com
Xafiiska Warara Muqdisho
C/fitaax Maxamed Salaad (Diyeeshe)
Ururka Alshabaab oo Maanta Maamul cusub u sameeyay Degmada Galhareeri
Galhareeri :-Walaayada Xarakada Alshabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta Maamul cusub u magacaabay Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud. Sidoo kale waxaa loo dhiibay Madaxa Dacwada Degmadaasi Warsame Maxamed,sidoo kale Taliyaha Ciidamada ayaa isna loo magacaabay Macalin Bashiir Macalin Cali.
Sheekh Kaba ku tukade oo waaliga Walaayada Gobolka Galgaduud ee Xarakada Alshabaab ayaa magacaabista kadib waxaa kula dardaarmay mas'uuliyiintii la magacaabay inay Mas'uuliyada loo dhiibay ay si fiican u gutaan,sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dadka ku dhaqan Degmada Galhareeri inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Degmadaasi loo magacaabay
Munaasabadii Lagu magacaabayay Maamulkaasi cusub waxaa goob joog ka ahaa oo ka soo qeybgalay Madaxa Siyaasada iyo xiriirka Gobolada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow
Si kastaba Maamul sameyntaan ayaa daba socota Maamul Guud oo Gobolkaasi Galgaduud yeesho oo dhawaan Madaxda sar sare ee Xarakada ay kaga dhawaaqeen Gobolkaasi xili intiisa badan Gobolka Galgaduud ay maamulaan Culumada Ahlu suna.
Galhareeri-Galgaduud
Subscribe to:
Posts (Atom)




