Search This Blog

Friday, December 18, 2009

Madaxweyne Sheikh Shariif oo la gudboontahay in uu xilka isaga dago mar


Madaxweynaha dowlada Midniamda Qaran Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa mudo sanada ah xilka hogaanka dalka Soomaaliya haayey hadaaba sida muuqata halkaa sano wax muuqda ma qaban waxeyna keentay xataa sanadkaas ay dowlada jirta ay lumisay dhul baaxad leh oo gacanta dowladii ka horeysay ku jirtay .


Madaxweynaha oo sida muuqata aduunka ku fashilmay waxii looga fadhiyana sameyn waayey ayaa sabab looga dhigayaa tag dari heysata dowladiisa madaama dadka masuuliyiinta ka ah ay yihiin dad ku cusub siyaasada in badana wax kala socon dhaqanka Soomaaliya dibad joogna ah oo 20kii sano ee dowlada bur burtay ku noolaa dibadda.

Hadaba qofka haduu hogaan qabto hogaankiisana tilaabo qaadiwaayo waxaa la gudoon in uu xilka isaga dago si bal loo fiiriyo bal in ay timaado qof kale oo ku dhamaan howsha taana hadii uu sameeyo keeni karto in uu helo taageero badan oo shacab ah.

Wax yaala keenay in uu xilka isaga dago ayaa waxaa ka mid ah koow beeshii caalamka oo ka soo bixi weyday teegeeradii ay u balan qaaday ee ahaa in dowladiisa lala garab istagaayo wax walbo ay beesha caalamka uga baahato taana ma dhicin waayo waxay balanta ku qadeen xataa way bixin waayey ..

Madaxweyne Sheikh Shariif xiligaan gacantiisa ay ku jirtaa bad baadinta qarankii Soomaaliyeed maadama halkii sano uu wax xukumaayey ay dhaqaaqi weysay dowladiisa taanawaxaa daliil u ha hal gobol oo ka tirsan Soomaaliya gacanta dowlada kuma jirta xataa caasimadii dowladiisa ku shaqeyneysay ay ka xukunto wax ka yar 4 dagmo halka 12 degmo gacanta dowlada ka maqantahay .

Guuxaan ayaa ah mid Soomaalida dhan isla dhaxmareyso in xilka isaga dago Sheikh shariif si loo bad baadsho qarankii iyo midnimadii Soomaliya.


Hadaba Aqristoow ka soo dhiibo fikirkaada kuaadan xalka Madaxweynaha iyo waxa la gudboon noogu soo dir emlkeena ah hadaba fikirkaada ha ahado mid aadan dad ku cayneenin cidna shaqsiyadiisa wax ugu sheegeynin dayniilecom@hotmail.com.


--------------------------------------------------------------------------------



Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com



--------------------------------------------------------------------------------
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com

NABADOON GAANI OO KA JAWAABAY HADALKA DHAQNAKA HAWIYE.



Nabadoonada gobolka Mudug ayaa canbaareyn dusha uga tuuray odayaasha sheegta Dhaqanka beeleha Hawiye ee Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye Cali,waxeyna ku tilmaamen kuwo u taagan hurinta coolaadaha ka aloosan gayiga Somalia.


Afhayeen u hadlay Nabadoonada gobolka Mudug oo lagu magacaabo Nabadoon Gaani Xuseen oo ka mid ah Nabadoonada gobalka Mudug una istaagay wax kaqabashada shaqaaqooyinka ka dhaca gobolka Mudug ayaa ku eedeyay Odayasha dhaqanka beelaha Hawiye ee magaalada Moqdisho ka dhigay meel aysan waligeed dowladi ka hanaqaadin kuwo aan ka daalin iska horkeenka umada Somaliyeed, wuxuuna canbaareyn dusha u ga tuuray hadalka ka soo yeeray kooxdaasi.

Nabadoon Gaani ayaa ku nux nuxsaday in aysanba garan Karin cid ay matalaan Kooxahaasi, uu sheegay in ay ka shaqeeyaan oo kaliya nabadgalyo la’aanta gayiga Somalia, had iyo goorna ay ku hadlaan hadalo laga naxo iyo wax sii huraya colaadaha Somalia.

Nabadoonku wuxuu intaa ku daray iney la yaabeen hadalkii ay Odayaashaasi kaga hadleen xaaladahii ka dhacay deegaanada Puntland,ayna baaq ugu jeediyeen Puntland in ay joojiyaan talaabooyin ay ku sheegeen in lagu dhibaateynayo dadka u soo barakacay ee ka soo jeeda gobalada Koonfureed.

Nabadoon Gaani ayaa ku til maamay hadalkaasi mid aan sal iyo raad toona la heyn, isla markaana lagu doonayo in lagu abuuro colaad hor leh oo laga dhex dhaliyo dadka reer Puntland iyo usoo barakacayaasha Puntland, Gaani oo ka jawaabaya wuxuu yiri ”waa arin aan waxba ka jrin hadalka ay ku hadleen kooxdaasi,mana garan karo waxa ka quseeya oo ay ufaro gashanayaan Nabadgalyada deeganaadan,waxaan kaliya u naqaanaa koxdaasi iney ahaayeen kuwii soo qixiyay dadkaan usoo barakacay Puntland, hadana waxey doonayaan iney ka qixiyaan deegaanada Puntland, waa un masuubo loo soo diray shacabka gobolada koonfuureed”

Mar wax laga weydiiyay Nabadoon Gaani wax xiligaan keenay hadlka kooxdan ayuu jawaabay ”waxey doonayaan meel ay ku dhajiyaan dabka ay la wareegayaan waxanse u sheegayaa in masaakiinta ay ka hadlayaan ay yihiin kuwii ay horay uga soo cayriyen guryahoodii,hadeerna ay xaafadahoodii ayagu degan tihiin, ee ilaahay ka baqa oo uga baxa Masaakinta aad sheegyesaan guryahooda” Ayuu ku soo xiray hadalkiisi Nabadoon Gaani.

Banaadir Post

Caabudwaaq: “ Shirkan waxaa uga tashanaynaa Dhismaha Maamul Gobaleed aan udhisno deegaanada aan maamulno” Mid ka mid ah Madaxda Ahlu Suna Waljameecah oo ka hadlay shirka uga furmay Caabudwaaq



Shir ay ka qeybgalayaan dad kala gedisan oo lugu casumay kana yimid gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya ayaa ka furmay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobalka Galguduud, iyadoo ay leeyihiin shirkaasi Culumada Ahlu Suna Waljameecah oo ay uga tashanayaan xaaladaha dalka Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa mawqifyadooda ku aadan la dagaalanka kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.



Qodobada ugu waa weyn ee looga hadlayo shirka ayaa lasheegay in ay ku jiraan kuwa ku aadan arrimaha amaanka Soomaaliya oo dhan, taageerada dawlad gobaleedyada dhisan iyo sidii Maamul looga dhisi lahaa deegaanada Ahlu Suna Maamusho ee bartamaha dalka Soomaaliya.


Mid kamid ah ka qeybgalayaasha oo ku sugan Caabudwaaq ayaa ku sheegay  khadka Telfoonka in ay wada hadaladoodu socon doonaan maalmaha nagu soo aadan, isla markaasna ay ka soo bixi doonaan go’aamo kala gedisan.


Arrimaha amaanka ee Soomaaliya, la xaajoodyada dawlad gobaleedyada dhisan iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa looga doodi doonaa shirkan maalmaha uu socdo, waxaana lafilayaa in ergada lugu casumo ay soo jeediyeen fikirkooda ku aadan arrimaha ay wadaan hogaamada sare ee Ahlu Suna Waljameecah.


Ka qeybgalayaasha ayaa dood ka yeelanaya hindisaha ay wadaan qaar ka mid ah madaxda Ahlu Suna Waljameecah oo ah in Maamul gobaleed loo dhiso deegaanada ay gacanta ku hayaan, taasoo la filayo in go’aan cad laga gaari doono, iyadoo ay soo baxayaan warar badan oo sheegaya in ay dhinacyadu isku heynin arrimahaasi, ama aysan dood badanba ka yeeli doonin.


Lama garan karo waxyaabaha ka soo bixi doona wada xaajoodyada uga furmay Ahlu Suna Waljameecdegmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoo lafilayo in ay qodobada ka soo baxaa noqon doonaan kuwa lasoo gaarsiiyo Saxaafada Aduunka, gaar ahaana tan Soomaaliya.


Banaadir Post
Somalia

Saturday, October 3, 2009

Qaramada Midoobay oo sheegtay in bishii September oo kaliya ay Soomaaliya ku dhinteen 145 qofood



Dagaallo u dhaxeeya Xoogag Islaamiyiin ah oo iska soo horjeeda iyo Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag ka soo horjeeda ayaa waxay sababeen in ay bishii September ee aanu ka soo gudubnay kaliya ay dhintaan dad gaarya 145 ruux, sidoo kalena ay dhaawacmaan 285 ruux, kuwaasi oo dhamaantood ah dad rayid ah.



Afhayeen u hadlay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxooiga ee UNHCR oo lagu magacaabo Andrej Mahecic ayaa sheegay in dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ay ku waxyeelloobeen dagaallo ka dhacay magaalooyinka Beledweyne, Muqdisho iyo Kismaayo.


“Dadka rayidka ah ee dagaallada ku waxyeellooba ayaa waxaa caado u noqotay in ay noqdaan kuwa ugu badan ee ay dhibaatooyinka ka soo gaaraan dagaallada sii kordhaya ee ka dhacaya Soomaaliya”ayuu yiri Andrej Mahecic oo warfidiyeenno kula hadlayay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.


Andrej Mahecic waxaa uu intaas ku daray in dagaalladaas ay ku barakaceen dad gaaraya 17,000 oo ruux, kuwaasi oo 11,000 oo ka mid ah ay ku barakaceen dagaallada ka dhacaya magaalada Muqdisho kaliya.


Khamiistii aan ka soo gudubnay dagaal u dhaxeeyay Kooxo Islaamiyiin ah oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoosel, iyadoo dagaalkaasna uu geystay dhimashada dad ka badan 15 ruux iyo dhaawaca dad kale oo kor u dhaafaya 60 ruux.

Waxaa dhimashadu iyo dhaawaco ka badan yihiin xiligii dagaalka adag Xamar ka socdey, waxaana la yaab leh,madaafiicdan dadka lagu ridayo waxa ay soo kordhin karaan.

Banaadir Post
Xamar.







Wednesday, September 30, 2009

Wareegii labaad ee Burburka wadaadadda Soomaaliyeed

Ilaahbaa mahad leh, nabadgelyo iyo naxariis nabi Maxamed korkiisa ha ahaato, intaas ka dib. Waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka iraahdo arinta ka soo cusboonaatay magaalada ayaanka daran ee Kismaayo, taasoo runtii ah wax laga naxo lagana argagaxo. Sidaan ognahay magaaladaas waxay ku jirtaa magaalooyinka soomaaliya ee dagaalka ahliga ahi baabi’iyey, magaaladaas oo ay isku kala-badeleen jabhaddo badan. Xaalad kasta marka ay taagan tahay baad is leedahay tani waa tii ugu darneyd, walow ay jiri karto in ay harsantahay xaalad ka daran, aniguse maanta waxaan leeyahay tan ku soo wajahan shacabka soomaaliyeed ee degan Kismaayo waa tii ugu darnayd marka laga eego mushkiladdu meeshay ka soo baxayso(source of problem) oo ah meeshii ay xalka ka sugayeen.



Hadaan intaas kaga gudbo horudhac waxaan u arkaa dagaal ka soo cusboonaada kismaayo xiligaan aan joognu waa masiiba hor leh, waa wareegii labaad ee burburka wadaada soomaaliyeed ee godka ugu wada jiray cadowga gaalada, waa ayaan daro saameeynaysa dadka diinta u nasab sheeganaysa. Waxaa yaab leh oo aan ka fikirayey maalmahan oo dhan muxuu yahay waxa lagu dagaal galinayo dhalinyaradda la rabo inay ku dagaalamaan magaaladda, ma waxaa la leeyahay jihaad baad kula jirtaan walaalihiin kale, mise qola kasta waxay leedahay waan is difaacaynaa.

Waxaan ognahay wareegii koowaad ee burburka wadaada waxaa kala baxay Sh Xasan iyo Sh Shariif, waxaa sidoo kale kala raacay taageerayaashii maxkamadaha, waxaana halkaa ka samaysmay labo dhaqdhaqaaq oo siyaasi ah, waxaana ognahay in labada qoloba aysan soo kordhin in ay dhiig daadiyaan, kala qaybiyaan awoodoodii, murugo ku abuuraan muslimiinta, iyo in fuliyaan qorshayaasha gaalada farxad galiyaan gaalada danaha kaleh wadanka.


Waxaase mudan in la sii saadaaliyo maxaa ka dhalan kara wareega labaad, aniga ra’yigayga kooban waxaa ii muuqanaya inay ka dhalan karaa arimo badan oo dhabar jab ku ah wadaada si guud gaar ah inta ku jirta dagaaladda.

1. In Xisbul-islaam iyo Shabaab isku noqdaan cadow

2. In lagu tartamo maamulka magaalooyin ama gobolo aan horay maamulkeeda la iskugu haysan, sida Shabeeladda hoose, Jubaddda dhexe, Bay, Bakool, Mogadishu, iyo kuwa kale oo badan.



3. In cadowgu kala qaybsanaantaas ay albaab u furto, uuna la yimaad strategy cusub si uu uga faa’iidaysto fursada dahabiga ah.

4. In ay soo dadajiso dagaal cadow-gu kus oo qaado Magaalda kismaayo oo ah meel strategy ah.
5. In ay adkaato in lagu dhuunto kaymihii horay loogu dhuuman jiray, maxaa yeelay ragii markii hore is qarin jiray isma qarinayaan maanta.

6. In Dawlada Federaalka ay fursad hesho, una suurtagasho in maamulkeeda ay balaariso.


7. In wadaada dagaalamay uu midma midka kale ku tilaamaamo inuu gaalada qandaraas ka soo qaatay.



8. In Dawlada Kenya iyo Ethopia ay helaan dariiq ay Kismaayo ka soo galeen, oo noqon kara xuduuda Kenya kaasoo awal adkaa markay jirtay Midnimadda wadaada.

9. In shacabku ku celceliyo qab-qable aragnay wadaadna aragnay ilaahbaan leenahay.

10. In xalkii islaamka ah ee mudo badan la dhowrayey ay god ku tuureen, ayna caqabad ku noqdaan dacwadii dadku ajiibay.


Hadaan intaas uga baxo waxyaabo dhowr ah oo aan aan arkayey inay mihiim tahay in lagu baraarugo intaa aan la qaadin talaabo qaldan oo ay dag tahay in dib loo saxo. Waxaan sidoo kale halkaan kus gudbinayaa dhowr qodob oo aan urkayo inay xal tahay.

1. Waa in dagaal laga fogaado


2. Waa in aad mushkiladda ku xalisaan xal islaami ah, waana inaad ogaataan inay aadan kitaabka alle ka waayin xal aad ummadda ka badbaadisaan.

3. Waa in aysan idin la fududaan dhiiga qofka muslimka ah, fahantaana daadintiisu inuu yahay minal-kabaa’ir.

4. Waa in aydan la mid noqan qabqablayaashii, aad umadda uga raaxeeyseen.

5. Waa in aydan cadowga fursad siin.

6. Waa in aad ilaahay ka baqdaan, camalkiinana aydan ku ciyaarin.

7. waa inaad fahantaa maxay umadda Soomaliyeed U baahan tahay.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan kooban ee iskuga jira talo iyo tusaaleyn, haddii dagaal dhaco (Ilaahay kama dhigee) waxaa bilaabanaya wareegii 2aad ee burburka wadaadadda dagaalka kula jiray cadowga muslimiinta, waxaana daciifi doona saamaynta wadaadaddu ku yeelan doonaan soomaaliya.


Allaah waxaan ka baryeynaa inuu tubta toosan nagu hagaajiyoWabilaahi al-towfiiq

Eng: Maxamed Xasan Ibrahim

maxamedxasan@yahoo.com

Finland

Jihaadkii iyo Mujaahidkii oo dhanka kale isu rogay by Lugafalaar

Waxaan salaan qiimo badan halkaan ka salaamayaa maamulka iyo akhristayaasha boggan asalama calaykum warraxmatulaah wabarakaatu. Dalka soomaaliya waxaa muddo dheer ka jiray waxa loogu yeeray jihaad iyo ninka fulinaya oo lagu magacaabo mujaahid.


Jihaad waa kan alle uu na faray wax ka soo haraa ma jiraan, kaasina shuruudo iyo tixraac buu leeyahay ,maaha mid lagu danaysto maaha mid lagu aarsado maaaha mid dhul lagu raadiyo maaha mid mansab ama xil lagu doono maaha mid dadka la isku tuso oo magac lagu raadiyo,waa kan kaliya ee lagu difaaco diinta alle iyo dadkiisa islaamka ah.


jihaad waxay soomalidu u aqoonsatay in la laayo qabiil in xukuumada jirta lagula dagaalamo magac qabiil iyo danaysi in gobolo lagu qabsado in lagu xalaalaysto hanti qaran iyo in lagu aarsado.


SSDF, SNM IYO USC waa jabhadihii Soomaaliya dhibkaan u bilaabaye waxay isku magacaabeen mujaahidiin,hadda oo ay ka soo wareegtay 20 sano kudhawaad mid lug go,antahay haddaad la sheekaysato wuxuu ku oranayaa mujaahid baan ahaa dagaalkii noocaas ahaa bay lugtu iiga go,day,Dagaaladii ka dambeeyey ee Hoggaamiye kooxeedyada sidoo kale wuxuu nin walba isu haystaa Geesi soo jihaaday,kan hadda socdana waaba ka daroo dibi dhal oo waaba kiiyoo shaar diimeed la soo gashaday oo weliba aayado quraan ah nin walba uu daliil ka dhiganayo.



Xaaladaha ugu dambeeyey ee Magaalada Kismaayo ka socda waa caddeyn buuxda Axmed madoobe oo ah nin dilaa ah oo weliba maxaabiis dhakhtar ku jirta birta ka aslay ayaa diin wax ku doonaya isagoo wata ciidan gaar ah oo qabiilkiisa ka kooban.



Anigu jihaadka Soomaliya waxaan is leeyahay hadduu bilowday oo dadkii waddaniyadu dhabta ka ahayd baa la wareegaya majaraha islaamiyiinta khaladkoodiina waa la saxayaa,magaca islaamiyiintana waa lagu kala baxayaa xaqa ayaan soo haraya.

Jihaadkii ku wajahnaa dal burburintu wuu soo dhammaanayaa waxaana la bilaabayaa kii dhabta ahaa ee xaqa u hiilinayey,waxaanan is leeyahay Magaalada Kismaayo waa fashiliyaha shaararka diimeed aan ka soo bilaabo xilligii maxkamadaha oo inta Marka iyo Indhacade laga booday loo booday kismaayo iyo Hiiraale,kaasoo dhabar jabkii ugu horreeyey uu ka soo gaaray Maxaakiimtii lixda bilood,waxyaabihii markiiba muujiyeyna ay ugu weynayd Layntii maxaabiista uu Axmed Madoobe laayey,hadda oo ay Magaaladu kaabiga dagaal kale u saarantahayna waa fashil kale oo ay fashilmeen Urruro loo haystay inay yihiin kuwo Diimeed laakiin laablakaca dadku ay la laabkaceen reer hebel ha la laayo mooyee aanayba hoos isaga eegin waxa ay yihiin sida Raaskamboni ama Xisbul Islam.

Mar haddii xaalku halkaa marayo miyaanay kuu muuqan waddani iyo mujaahid waxaa ah ninka aan cidna ku xadgudbin la dulmiyey xaqiina uu ilaah garansiiyey ?miyaanay kii muuqan kii loo samaystay magaca mujaahid oo isagu hadda isu badalay inuu yahay mujaahidka dhabta ah?

Maxamed Siyaad Barre miyaanu ahayn Mujaahid dhab oo loo darsaday dalkana ka hayey xaaraan quutayaal fara badan dalkana miyaanu ka hayn jirin kuwo fara badan oo jecel inay dalka cadow ku soo hoggaamiyaan,miyaa marna la gaarayaa horumarkii uu gaarsiiyey dalka?

Beesha uu ka dhashay Geesigaas waddaniga ah miyaanay ahayn Beel muujisay waddaniyad iyo islaanimo oo iyadoo la dulminaya dulqaadanaysay?haddase miyaanay kuu muuqan xilligii ay Beeshu boorka iska jafi lahayd una istaagi lahayd badbaadada waxa haray dal iyo dadba?




Waxaa ii muuqanaya iftiin cusub oo ay dadkii dalkaan ka naxayey garteen inaan dalkaan loo dhaamin ayna hoggaanka ama jihaad dalka iyo diinta lagu difaacayo ama mid lagu doonayo in la soo celiyo qaranimadii dalka.

jihaadkan cusub wuxuu ka bilowday Magaalada Kismaayo waana lagu kala baxayaa dalkoo idil marka aad eegto hadalada iyo sida wax u socdaan ninkii jihaadba loo samaystay baa jihaadaya maanta, waxayna tusaale u tahay inuu soo dhawyahay waqtigii la kala garana lahaa xumaan iyo samaan,wax walba oo dhacana way caddahay in jihaadka iyo mujaahidka cusubi uu noqon doono badbaadiyaha soomali inta hartay .


wabbilaahi towfiiq

Maxamed Cabdi Shire(lugafalaar)