Search This Blog

Wednesday, September 30, 2009

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato,

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato,


Hamiga nabiyaashu wuxuu ahaa heer sare. Iyadoo Magaalada Madiina lagu hareeraysanyahay oo Suubbanihii (SCW) iyo saxaabadii ay gaajo iyo dhaxan dhexda la dhuubatay ilaa ay saxaabadu kariwaayeen inay dhagax ka jabshaan dhufeyskii la qodayey waa tii Suuubbanuhu (SCW) inta garweyn qaatay dhagaxii cardaadiqaha ka dhigay iyadoo dhimbilo iyo iftiin ka duleen! Muxuu Suubbanuhu (SCW) yiri? Ma barrinkii Qureysh dagi jirtay baa ii muuqdoo la furanayaa buu yiri? Ma Makah oo dhulka ugu kheyr badan baa la furan buu yiri? Mise wuxuu yiri waxaa la furan dhulkii gaaladii adduunka markaas horboodi jirtay xukumeen? Haddii Shabaabku u hadleen sidii nabiga (SCW) ooy dhaheen Maraykan baan jilbaha u dhigeynaa, Al-Aqsana waan xoreyneynaa maxaa ku jaban?.

Axmed-madoobe iyo anigu intaan Kablalax ka soconno baa ka dheer intii nabi Muxamed ka socday Cadnaan. Weligiin ma maqasheen nabi Muxamed (SCW) oo leh Ciraaq baan ka imid ama Baxreyn ama Najdi ileyn Cadnaaniyiin badan baa deggenayd dhulalkaase? Qaar ragga horbooda Kaambbooni iyo Caanoole waxay ku dhasheen Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridaharre, Laascaano, Boosaaso, Garoowe, Ciid & Ceelcad, Mudug iyo meelo kale! Ka warran nimanka dhulkaas ku dhashay oo leh Jubbooyinkaa degaan ii ah ama aan ka soo jeedaa? Anoo Mudug ku dhashay haddaan Kismaayo tago waxaan noqonayaa dadka degaanka maxaa yeelay Harti baa Kismaayo iyo Jubbooyinka wax ka dega! Teeda kale haddii Bakar degaan Ciraaq micnihu maaha Cali Binu Abii Daalib (RC) baa Ciraaq ka soo jeeda.

Nabiyaashii hore waxaa loo diray qoomkooda. Xitaa marka la leeyahay ummadooda waxaa laga wadaa qoomkooda. Marka la yaab ma leh in la maqlo nabi leh: YAA QOOM. Sidoo kale wax nagu cusub maaha in la maqlo nabaddoon Islaamka ka hor iyo kaddibba la hadlaya tolkiisa oo leh: YAA QOWM. Yaa maqlay nabi Muxamed (SCW) markuu hijrooday kaddib oo leh: YAA QOOM?


Nabi Muxamed (SCW) waxaa loo diray dadkoo dhan. Qofkii sheegta inuu dhaxlay sida culumada iyo mujaahidiinta waa inay waddadiisa raacaan oo aysan noqon "local!". Nin baan aqaan ku dhaha qofkuu la yaabo "local" baad tahay! Waa la yaab nin leh daaci iyo mujaahid baan ahay oo haddana intaas ku haya waxaan maamul u sameeyey Afmadow. Waxaan maamul u sameynayaa Kismaayo iyo Araare?


Waxaan Paltalk ka maqlay kuwo markay jufadooda ka hadlayaan lagu leeyahay: kor u baxa! Anna mar mar waxaan ku dahaa war xarafka Qa’da (qabiilka) ka dhig xarafka Ma’ (muslimnimo) ama ugu yaraan xarafka Sa’da (Soomaalinimo). Waxaa fiican inta goori goor tahay in Kaambbooni iyo Caanoole kor u baxaan!

Haddaan Amisom iyo gaaloraacyo lala jihaadayn saan uma kululaadeen laakiin iyadoo jihaadkii Baladweyne ka socdo oo hadba meel loo cayrsanno Xisbul Islaam, inuu dhaho Araaraan maamul ka dhisayaa waa khalad!


Mar uu nabigu (SCW) qureysh reer reer ugu yeeray ma oran kaalaya aan dhulka qeybsannee ee wuxuu uga digay cadaab hadday diidaan amarka Ilaahay. Dagaalkii Badar markii saxaabbo seddex boqol ah iyo Qureysh isa soo horfariisteen, ciidanka muslimiinta oo ugu dhowaan 100% Carab ahaa marka laga reebo dhowr saxaabi marna nabigu (SCW) ma oran: Yaa qoom ama Yaa Carab! Ee wuxuu yiri: "Ayuhannaas Ashiiruu calaya" (dadoow ila tasha). Ama wuxuu oran jiray: Yaa Ayuhal mu’minuun.

Kablalax iyo Harti waxay isu jiraan in ka badan inta Mudar iyo Rabiica isu jirto. Gadafaan oo Mudar ah waligeed Qureysh iskuma dhejin. Gafaar iyo Qureysh oo isku oday dhalay – Kinaanah- isma sheegan jirin. Maxay tahay qabiilkaas ay nimanka mujaahidiinta sheeganayaa soo faagayaan? Haddii nabigu (SCW) qabiilka ka yiri: DUCUUHAA FA INNAHAA MUNTINAHA! Maxaa Caanoole iyo Kaambbooni u moddaa inay leeyihiin: UDCUUHAA FA INNAHAA MUNJIYAH! Waa afxumo! Waa goormase? Waa goor mabda’ iyo jihaad socdo.

Hadda qorrax ka soo bax waxaa ka soo muuqda iftiin. Wiilal sida nabiga (SCW) iyagoo go’doonsan aan calaacal aqoon. Wiil aan ku hambaasin tol la’ayey! Wiilal Al-Aqsa iyo Alaska ka hadlaya een Afmadow iyo Araare ku hoos noqon. Wiilal aan dan ka lahayn ciddii hoosaasisa oo ruufyaama.

Nabigu (SCW) calaacal ma jecleyn. Mar saxaabigii weynaa ee Khubayb Binu Arath yiri: nabigii Ilaahoow (SCW) miyaadan noo gargaar dalbayn waan ogayn jawaabtii nabigu (SCW) bixiyey.

Hanka firqida badbaadeysa waa heer sare. Waxay u hadlaan sidii markii Nabi Ibraahim (CS) dabka lagu tuurayey oo kale. Sidii jawaabtii nabigu (SCW) siiyey saxaabigaas kore. Sidii saxaabadu (RC) u hadleen maalintii Khandaq markii la hareereeyey. Waa wiilal aan dan ka lahan wixii qabiil iskugu hiiliya.

Xaggeyga nimanku waxay ku dhaceen khiyaamadii Banii Qureyda. Haddii iyadoo Gedo, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, iyo Banaadir lagu horjoogo gaalo iyo gaalomadoow uu usoo dhigtay inuu Kismaayo weeraro waa in xukunkaas lagu qaado. Marka Shabaabkoow idinkoon jeclaysan dagaal aad la gashaan ku baxa oo go’doomiya. Ilaahay ka cabsada, samra oo yiqiin la imaada. Haddaad intaas samaysaan waxaan aaminsanahay Ilaahay keliyaa jabinaya. Marka Insha Allaah waxa ku dhaca wiilashaas qabiilka isku soo bahaystay waxay cibro u noqonaysaa kuwa ka dambeeya.


Ma Ballaan baa Looga Baxay Axmed-madoobe?

Horta Axmed-madoobe markii Kismaayo laga cayrshay Barre-hiiraale wuxuu joogay Addis Ababa. Qaar sheeganaya Xisbul Islaamna waxay joogeen Asmara. Goormaa labo gaal kala fiicnaayeen? Qorshihii la isku ogaa Kaambbooni iyo Caanoolaa jabiyey markii la yiri: yaan lala midoobin dadka u galay gaalka Afawarke. Waxaa la isku ogaa in la midoobo. Haddii inta Kaambbooni, walaalihii oo Kismaayo jooga dhaafeen tageen Xamar ooy ku dhawaaqeen Xisbi uu Afawarke taageero haddee iyagaa yaqaan cidda wax ku darsaneysa. Marka niman qaarna Meles Zenawi wato; qaarna Afawarke cidna wax ku darsan meyso. Teeda kale dadkii Barre-hiiraale wax ka saaray ee dagaalka ku jiray ee ka tirsanaa Kaambbooni iyo Caanoole waxay qaarkood ku biireen Shabaabka. Marka ciddii Axmed-madoobe ballanta la gashay ha u oofiso!

Waxaan Shabaabka ku leeyahay:

· JUNDULLAAHI dirir maaggannoo weerar muhaneysa

· in maxaysatadu daafacdaa waa midaan jirine

· malkhabkeennii soo yeerayey mayl ka carareene

Waxaan ku soo xirayaa:

· inkastaad mataanaha jarteen miiq yar baa haraye



· Macbuudkey na kaalmeynayiyo duul Malaa’igahe



· mitidkiinna sii wada Qudduus maro idiin hoosye



WA SALALLAAHU CALAA NABIYAA MUXAMADIN WA CALAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM.


SUBXAANAKALLAAHUMA WA BIXAMADIKA ASTAQFIRUKA WA ATUUBU ILAYKA.
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU.
WAA AAKHIRU DACWAANAA: SAYUHSAMUL JAMCU WA YUWALLUUNA DUBUR.

"Cabdulwaaxid Khaliif"

Maxay ummadda Soomaaliyeed u qabteen Maxamed A. America iyo Cumar Faaruuq by:Tafatiraha Shabadda Dayniile


Inta badan waxaa la arkaa in Warbaahinta qaarkeed ay weerar qaawan oo cilmi aan ku dhisneen inay ku qaadaan Safiirka Somaliya u fadhiya Kenya Mr Cali Ameriko iyo Cumar faaruuq oo ah Madaxa caalamka u aqoonsan yahay hormuudka Saxafiyiinta Soomaaliya. Hadaba waxaan qormadaan gaaban ku eegeynaa maxay Maxamed Cali Ameeriko iyo Cumar Faaruuq u qabteen ummada Soomaaliyeed.



Dhab ahaan, waxaa marag madoonto ah in Siyaasiga Maxamed Cali Americo oo haatan ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya daka Kenya oo yahay nin aqoon yahan ah oo qurbaha wax ku soo bartay, uuna Afrika ugu soo laabtay sidii uu wax u qaban lahaa Ummada Soomaaliyeed oo mareysa Xaalad aad u xun, ka dib Maxamed Cali Ameriko waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya taasoo wax badan oo la taaban karo u tartay Ummada Soomaaliyeed.

Waxyaabaha uu u qabtay ummadda Soomaaliyeed-na waxaa ka mid ah isagoo si weyn u garab istaagay dad-ka taagta daran ee Soomaalida ee u baahan wax qabadka sida wax qabad xaga caafimaad ah, taasoo la dhihi karo tiro badan oo Dad Soomaiyeed ah ayuu u sahlay inay helaan daaweynsax oo qaarkood loo qaaday Qaaradaha Yurub iyo America, taasoo si weyn ay ugu ammaanaa Soomaalida oo dhan.

Sidoo kale, Ambassador Maxamed Ali America waxaa uu dowr weyn ka cayaaray sidii beesha Caalamka ugu dhaadhicin lahaa in dhaliyarada Soomaaliyeed aysan wada ahayn burcad badeed, xitaa waxa uu sameeyay inuu soo daayo misana furdaamiyo dad ajanibi ah oo afduub ahaan loo haystay taasoo ummada Soomaaliyeed u soo hoywsay sharaf weyn, waxayna hoos u dhigtay fikirka xumaa ee laga qabay Soomaalida ah.

Mr Maxamed Ali America Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi waxa uu safaarada Soomaaliya ka dhigay mid tayo leh oo ay ka haybaystaan shisheeyaha, taasoo keentay in had iyo jeeraale diblomaasiyiinta caalamka inay la soo xiriiraan Maxamed Cali Americo, sidoo kale Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee socod baradka ah ayaa waxaa Protocol –lada u sahla Mr Maxamed Cali America, waxaana dhacda inuu ku xiro Diplomaasiyiinta Caalamiga ah ee fadhiya Nairobi. Waxa aintaas sii dheer in Mr Americo in uu hay'adaha caalamiga ah uu kala hadlo arimaha Soomaaliya taasoo wax weyn tarya ummada Soomaiyeed. Sidaas darteed waxaa la oran karaa in Mr Maxamed Cali Americo uu qabtay howlo aysan qaban madaxda Sare ee Xukuumadaha Soomaaliya soo maray gaar ah kuwii burburka ka dib la dhisay.


Dhan-ka kale Cumar Faaruuq oo ah Hogaanka sare ee Hay'ada ugu sareysa Daladaha Saxafiyiinta Soomaiyeed, ayaa ah Madaxa kaliya ee haysta aqoonsi beesha Caalamka, sababtoo ah si weyn ayaa looga haybaystaa, isaga ayaana lagu soo dhaweeyaa shirarka bahda Saxaafada ah ee ka dhaca dunida.

Sdioo kale Cumar Faaruuq ayaa Bahda Saxaafada Soomaalida u qabtay howlo aysan waligood ka helin wasaarada Warfaafinta Soomaalida, tusaale ahaan Cumar Faaruuq bahda Saxaafada waxa uu u soo dhameeyaa Seminaaro wax ku ool ah o aqoontooda kor loogu qaadayo, iyo waliba waxa uu u soo dhameeyaa meelaha ay ka helin karaan magan galyada gaar ahaan Saxafiyiinta ay la soo dersito baqdin xaga shaqadooda ah, taasoo si weyn ay ugu amaanaa guuud ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan.

Hayeeshee beryahaan waxaad arkeysaa in qaar ka mid ah warbaahinta qaarkeed ay baahiyaan warar kutirikuteen ah oo ka dhan ah Cumar Faaruq iyo Maxamed Cali Americo ka dib markii ay ka waayeen wax ayaaga si shaqsi ah u rabaan taasoo aan ogolaanaynin Damiirka wadaniyada ku dheehan sida Cumar faaruuq iyo Maxamed Cali Americo, sababtoo ah warar aan ka helay dad xog ogaal u ah labadan Masuul ayaa I sheegay inaysan marnaba ku dhaqaaqi Karin Nin-tooxsi iyo wax is dabo marin, ayna ka diideen saxafiyiin qaarkood taasoo sababtay in laga fido borobogaando ka dhan ah labadooda.

Isku soo duub waxaa la dhihi karaa Maxamed Cali Ameriko Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya iyo Cumar Faaruuq oo ah madaxa Hay'ada ugu sareysa saxafiyiinta Soomaaliya inay yihiin laba aqoon yahan oo u heelan wax u qabad-ka ummadooda, taasoo ka marqaati ah in sahacka Soomaaiyeed ay qireen garab istaagooda buslahada Soomaiyeed.



Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Wararka maanta inta ka akhriso-Arbaco

Aagaga ay wada joogaan maleeshiyadka Xisbul islaam iyo Shabaab ee Muqdisho oo caawa dhiilo iyo kala bax laga dareemay



Aagaga dagaal ee ay wada jogaan maleeshiyaadka Xsibul islaam iyo Shabaab ee magaalada Muqdisho ayaa caawa laga dareemay dhiilo iyo kala shaki.


Deegaanada W/Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Shibis iyo Yaaqshid oo ay kawada dagaal galaan labada maleeshiyo caawa waxaa laga soo sheegay in ay kala fogaadeen kadib hadaladii ay hogaamiyayasha labada dhinac isku dhaafsadeen dhinaca warbaahinta.


"Waxaan daganahay Beexaani waxaa gurigeyga dhufeyso ku lahaa Xisbul islaam galabtey naga guureen Shabaaba noo soo dagay ma aqaan sababta " ayay tiri haweeneydaas.


Dhinaca kale aaga Xararyaale waxaa caawa faarujiyey maleeshiyaadka Shabaab lamana oga sababta , waxaase loo badinaa arimaha taagan.

Idaacada Warsan Baydhaba oo la xiray kadib markii ay tabin weysay aadaanada Masaajidyada Baydhaba



Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa caawa maqribki irdaha isugu dhuftay idaacada madaxa banaan ee Warsan , waxaana xarigeeda loo aaneyey markii ay tabin weysay aadanada masaajidyada Baydhaba.


Maleeshiyada aya xariga idaacada kadib waxaa ay horey u sii wateen agaasimihi idaacada Warsan Baydhaba Hilaal Shaceyb iyo wariye Max'ed Cadaawe oo aan la aqoon halka ay la aaden.

Dhinmaca kale Waxaa jiray kulan shalay Maamulada Idaacada Kismaayo iyo kan Al -Shabaab ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo taasoo looga hadlayay in xiliyada aadaanka salaadaha Idaacaduhu ay xariir la sameeyeen Masaajidada Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegayaa in Idaacada Warsan cilida dhinka Taleefanka ay maanta u suurta galin in ay la xariiraa Mu’adanada Masjidyada Baydhabo taasoo keentay in isla galabta albaabada loo laabo Idaacada.

Talaabada lagu xiray idaacada Warsan waxaa ay qeyb ka tahay caburinta ay saxaafada ku hayaan dhinacayada siyaasada Soomaliya.

Tuesday, September 29, 2009

Mr.Ibbi:Waxuu ku qaldan yahay inuu ka mid ahaado Df &

Waxaan sake ka aqriyay qormo ka waramaysay Mr.Ibbi, iyo qormo Indha-cadde ku eedeeynaayay Sh. Daawir Aweys; Sida ay ku nuux-nuusadeen Sh.Indha-cadde iyo Kuunyo Gaduudey labaduba waxay siyaabo kala duwan u difaacayeen Df.uu madaxa ka yahay Sheekh Shariif, iyo Mr.Ibbi, haddii aan ugu horeysiiyo Df: Sawaxanka iyo codka xiinka leh ee Df ma caburin karo Halganka Hubaysan ee Mucaaradka Waddaniga ah ee Dalkeena, haddii labada dhinac Df iyo Mucaaradka la imaanin tanasulaad waaqici ah si loo bilaabo wada-hadalo iyo heshiis sharuud la'aan lagu joojinaayo dagaalada malinba maalinta xigta sii xoogaysanaayo.

Haddii Sheekh Yuusuf Indha-cadde ku qanacsan yahay Xilka Qaran uu ka helay DF, waxuu ku muteystay gefef iyo dambiyo siyaasadeed uu ka galay bulshaweynta Soomaaliyeed, sidoo kale dhamaan beelaha awood qaybsiga la siiyay Cid "Wayso U Dhawran Ma Laha", waxay si toos ah ama si dadbaba uga qayb qaateen dhibaatooyinka siyaasadeed ee murugada leh ee dalkeena ka jirta (Indha-cadde, waxuu ka soo bilabay Muryaan ilaa uu ku soo garay Marshaal), haddaba ma aha inay xalaal ku noqonayso DF haddii gacan-ku-dhiigle kasta ku soo biira DF, Madaxweynaha DF Sheekh Shariif iyo Kooxdiisa waxay kula dagaalameen Muuse Suude iyo Qanyare (Qadiyada Siyaasadeed hoosta kaga lamaanan "Dhaqanka Shareecada Islaamka"), sidoo kale waxay kula dagaalameen DF iyo Ciidamada Aminson qadiyada Siyasadeed gun-dhig u ahaa "Dib U Xoreynta Dalkeena", haddana Sheekh Shariif iyo Ciidamada Aminson maanta waxay heshiis ku yihiin qaddiyad siyaasadeed wejiyo kala duwan.

Wada-hadalada iyo Heshiiska RW. Df.Cumar C/rashiid la soo galay Maamulka Puntland, waxay ka turjumaysaa qadiyada siyaasadeed la doonayo in sumcadda looga rido beelaha Hawiye in haddii DF burburto inuu maamulka Puntland u noqoto Maamul Caalami ah, sidaa darteed,haddii Sh.Yuusuf Indha-cadde sidaa ula muuqanin qaar kalaa xaajada weji kale u leedahay. Dhinac kale aan rabo inaan wax ka iraahdo Mr. Ibbi: Sheekhey Hamuule, waxuu ku andacoonayaa inuu Mr.Ibbi yahay daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisaba, kana mid yahay Soomaalida dadaal siyaasadeed dheeraad u leh bulshaweynta Soomaaliyeed dalka gudahiisa ama dibeddiisuba, walaal waxaad ka hadashay fekerkaaga, balse, waxaa is weydiin mudan Nin ka mid ah Xukuumadda Isbahaysiga Mudulood iyo Majeerteen ma lagu tilmaami karaa inuu Soomaalida kale kal gacayl u haayo ama uu ka shaqeeynaayo maslaxada caamka ah sidii loo soo af jari lahaa dhibaatooyinka siyaasadeed murugadaha leh ee dalkeena ka jira. Sidaa aan ka warqabno Sheekh Shariif, Ibbi iyo Shariif Xasan, waxay si toos ah u fulinayaan danano siyaasadeed beesha caalamka raali ka tahay, waxay si waadax ah uga muuqaadan siyasaddii hororka Dikteetarkii ugu ddaciifsan adduunka, Cabdullaahi Yuusuf iyo Taliska maamulka Gumaysiga Xabashida ka wadeen Geeska Afrika. Haddii aad jeceshay inaad Mr.Ibbi ceeb ka saliin ka dhigto, marka hore ka waani inuu faraha kala baxo siyaasadda Wadaagta Madaxa Ka Ah "Madhabta Mudulood iyo Majeerteen".

Anniga ma aqaan Mr.Ibbi, balse ma filaayo inuu ka madhan yahay dhagarta iyo laqdawooyinka siyaasadeed ka soo daahiray Soomaaliya,ka dib markii Hogaamiyihii Hogaanka Siyaasadeed iyo Talada dalkeena la riday. Haddii aad rabo inaad si fiican uga dheregto khiyaamooyinka siyaasadeed dalkeena ka jira fiiri xariifnimada siyaasadeed Mudulood iyo Majeerteen labada beeloo afka iska jecel, uurkana iska nece: Cabdullaahi Yuusuf waxuu Mudulood u siiyay jagada RW, "Ushaada waxaa loo dhiibtaa nimaad ka qaada kartid", sidoo kale Sheekh Shariif waxuu ku kalsoonaan waayay Soomaali kale, sidaa darteed, halganka qadiyadda Siyaasadeed ee dalkeen intaa kuma eka, waxay socon doontaa inta laga helaayo "Siyaasi Dadaal Waddani Leh oo Siyaasadda Soomaaliya Caan Ku Ah, Dunidana Xarago Ku Leh", goortaasay Hooyada Soomaaliya Ooyinta Dhigaysa!




WQ:Cadde Amiin Maxamed

Sabuni1956@yahoo.com

Wednesday, September 23, 2009

Maamulka Kismaayo oo sheegay in uu la midoobay Maamullada kale ee hoostaga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.



Shirkani jaraa’id ee uu maanta qabtay madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo uu la midoobay maamullada kale ee ka dhisan gobollada dalka Soomaaliya ee hoostaga ururka Xarakada Shabaabul mujaahidiin, isagoona sheegay in maamulku uu qaatay magac ah Wilaayada Islaamiga ah ee Gobollada Jubbooyinka, isla markaana uu magacaasi ku howlgali doono laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 23, September, 2009.



Dhanka kale Maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo oo soo shaqeynayay muddo hal sano ah ayaa waxaa hore ugu mideysnaa ilaa iyo 3 garab oo ka kala tirsanaa Ururrada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, Kaambooni iyo Weliba Ururka Caanoole, ilaa iyo iminkana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xubnihii maamulka Kismaayo u matalayay ururada Kaambooni iyo Caanoole.


Hase yeeshee Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa mar ay saxaafadda wax ka weydiisay isbedelkani dhinaca siyaasadeed ah ee lagu sameeyay Maamulka Kismaayo sida ay u arkaan qeybihii kale ee maamulka u matalayay Kaambooni iyo Caanoole ayaa waxa uu sheegay in amuurtaasi ay u bandhigeen isla markaasina ay xiriirro badan kala sameeyeen hase ahaatee ilaa iyo iminka aysan ka helin wax jawaab ah oo wanaagsan waa siduu hadalka u dhigaye.


Inkastoo mas’uulkani uu sheegay in ay xiriiro kala duwan la sameeyaan cutubyadii kale ee ka tirsanaa maamulka Kismaayo ayaa haddana waxaan la ogeyn sida ay u arkaan isbedelkani iyo weliba la midoobidda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, maadaama ay iyagu ahaayeen islaamiyiin ka madax bannaan ururka Alshabaab isla markaana hoostagi jiray urur diimeedka Xizbul Islaam.

Sunday, September 13, 2009

Aktarada Caanka ah ee Angelina Jolie oo booqatay xerada qaxootiga soomalida ee Dhadhaab (Daawo Sawirada


Aktarada caanka ah ee Angelina Jolie ayaa maanta booqatay xerada qaxootiga ugu weyn caalamka ee dhadhaab ee dalka Kenya halkaasoo ay ku jiraan qaxooti soomaaliyeed oo aad u tiro badan kuwasoo ka soo barakacay gudaha dalka Soomaliya intii ay socdeen dagaaladii mudada 2ka sanno aheyd.


Angelina Jolie oo wakiil u ah hay'ada qaxootiga ee qaramada midoobay UNHCR ayaa waxa ay u kuur galeysay xaalada nolosha qaxootiga soomaliyeed ee halkaasi ku nool siiba caruurta iyo haweenka kuwasoo ay ka muuqdeen diif aad u daran.

Iyadoo hadleysay intii ay joogtay xerada qaxootiga ee dhadhaab ayaa waxa ay tiri Angelina Jolie " hadii sidaan ay xal u tahay dadkaan dhibaateysan ka warama sidee bey yihiin xaalka dadka ku haray soomaliya ee dagaalada ku dhex jira" waxaana ay tilmaantay in waxa ay haatan filan karto ay tahay in xaalka uu ka sii darro madaama dagaaladu ay weli socdaan.

Xerada dhadhaab oo markeedii hore loo sameeyay inay ku xeroon karaa ilaa sagaashan kun oo ruux (90,00) ayaa haatan waxaa ku jira labo boqol sideetan iyo shan kun oo ruux (285,000) iyadoo weliba sida UNHCR ay sheegtay ay bil walba soo gaaran tiro kumanaan ah taasoo xaalada ka sii dari karta.

Waxa ay sidoo kale Angelina Jolie ka deyrisay xaalada nolosha dadka qaxootiga oo ay sheegtay in suuliyadii ay noqdeen kuwa buux dhaafay oo meelaha ay wasaqdu daadaneyso islamarkaana dadka qaarkiisa ay ku nool yihiin meelo qashinka lagu shubo tasoo ah xaalad bani'aadanimo oo aad u xun.

Angelina Jolie oo xogwareysaneysa caruurta soomalida ee ku nool xerada qaxootiga ee dhadhaab.

Angelina Jolie ayaa kualn ay la qaadatay wakiilak UNHCR ee dalka Kenya Liz Ahua markii booqahadeeda dhameysay ka dib ayaa waxa ay ka dalabtay in dowlada Kenya ay ka caawiso barnaamijoooda gar gaarka ah inay siiyaan dhul balaaran si loo sii balaariyo xerada dhabdhaab madaama dad kale la filan karo inay soo gaaran xerada islamarkaana dadku isku dul nool yahay.

Saed Mohamed Ali

saedmohamed1@hotmail.com