Search This Blog

Monday, June 8, 2009

Maxaa sababay inay weriyeyaasha Soomaalida ka qaxaan laanta afka Soomaaliga BBC-da?.

Maxaa sababay inay weriyeyaasha Soomaalida ka qaxaan laanta afka Soomaaliga BBC-da?.Laanta af Soomaaliga ee BBC-da inkastoo ay tahay hooyada warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha isla markaana ay ka soo aflaxeen ruug caddaa saxaafadeed oo Soomaalidu ku faanto waxay xilliyadii danbe isu bedeshay goob ay isku milmeen shaqadii saxaafadeed, tii siyaasadda iyo qabyaaladd taasoo keentay inay yaraato ahmiyadeedii isla markaana hoos u dhac weyni ku yimaado magaceedii.
BBC waxay ku shaqeysaa siyaasadda dowladda Britian oo maalgelisa hadbana qorsheysa dalalka lagu wajahayo laamaha dibadda la hadla ayaa haddana maamulka laan kasta uu heysaa xoriyad xoogaa ah oo u saamaxeysa inuu ku maamulo laantiisa waana tan keentay in madaxa laanta ee iminka xilka haya uu si aan hore loo arag laantaas isbedel sal iyo baar leh ugu sameeyay ugu jiiday dhinaca Soomaalidu u dhutiso.

Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa BBC-da laanta afka Soomaaliga oo ahayd warbaahinta ugu da'da weyn uguna shacbiyadda badan waxaa soo wajahay loolan adag oo uga furmay Saxaafadda gudaha oo ugu yaraan dadweynaha Soomaaliyeed ee gudaha dalka ka jeedisay dhageysiga BBC-da, kadibna waxaasoo la dhisay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga oo bilowgeedii ku durdurisay lana wareegtay dhageystayaashii BBC-da.

Inkastoo maamulka BBC-da dagaal la galay VOA-da kana soo ceshaday qaar ka mida weriyayaashii caanka ahaa ee dumiyay BBC-da haddana waxaa muuqata inay mar kale BBC-du wajaheyso mugdi iyo dib u dhac oo ay muuqatay inaysan ka soo waaqsan doonin markan, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo ay sii qaxayaan weriyeyaashii waaweynaa iyo kuwii waxgalka ahaa.


Weriyeyaasha horeba uga laablaabtay waxaa ka mida:Maxamed Cumar HeydaraC/slaan Ibraahim HereriAxmed Xasan CawkeWaxaa ugu danbeeyay oo BBC-da ka laablaabtay C/raxmaan Ceynte, lama oga sababta ay weriyeyaashu uga qaxayaan BBC-da laanteeda afka Soomaaliga balse waxaa la tuhunsan yahay inay ugu weyn xoriyad la'aanta ka jirta BBC-da iyo hab dhaqanka hogaankeeda

Cabdiraxmaan Macalin

XuseenMamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Beware the BBC Somali Service

The fledgling government of Somalia does not only have to contend with the well-armed and well-funded warlords of Mogadishu but also has to face another mightier weapon at the disposal of the warlords: that is the regular propaganda support they receive from the BBC Somali Service sadly headed by someone by the name of Yussuf Garaad. For those who do not know, the name Garaad is a nickname which would normally evoke qualities such as wisdom and fairness. In Yussuf's case, it is a misnomer.

He is simply a warlord collaborator masquerading as a respectable BBC employee. From the time he took over the BBC Somali Section, the service has changed from an icon among the Somali broadcasting stations inside and outside the country to a mediocre service pandering to the personal agenda of the head of the Section.


Those who are old enough will no doubt recall with nostalgia those golden old days of the BBC Somali Service. A broadcasting service is of course as good as the quality of its broadcasters and those who manage it. The BBC Somali Service has been very fortunate in the past in both these respects- until unfortunately Mr. Yussuf Garaad came on the scene some years ago. Its first broadcaster, seconded in 1957 from Radio Hargeisa, was the well-known and highly respected Haji Abdi Dualeh, the father of Somali broadcasting. A stream of distinguished announcers came after him: men like Aden Farah, Mohamed Abokor Haji Farah, Mohamed Abshir Yussuf, Mustafa Haji Nur, Ismail Haji Abdi, Hussein Mohamed Bullaleh, Osman Suguleh, Ahmed Ismail Samater, Idris Hassan Deria-just to name a few. It has been headed for many years by the late. C.J Martin who will always be remembered for his deep attachment to Somalia and its people. After his retirement, he was succeeded by Hugh Walker, AbdiRahman Abby Farah, Patrick Gilks and Mohamoud Abdullahi, all of whom had maintained the highest standards and integrity of the Service that its listeners had came to cherish.

What Yussuf Garad has done to the BBC Somali Service is a mirror image of what his alter egos, the warlords, had done to Mogadishu. Just as the warlords unleashed a systematic and savage ethnic cleansing in Mogadishu soon after the fall of the Siyad Barre government and thereafter turned their guns on one another thereby reducing the once beautiful and historical city of Mogadishu into ashes and ruins to the detriment of future Somali generations if not mankind, so has Mr. Garaad eviscerated, some would say vandalised, the BBC Somali Service soon after his appointment as its Chief Editor.

In one swoop, he got rid of more than half of the staff of the service only to replace them with inexperienced novices from his clan. Those victims were highly experienced and popular announcers w hose only misfortune was to serve as sacrificial lamps to give place to Yusuf Garad̢۪s nominees.Parallel to his in-house revolution at the Somali Service in London, he also recruited correspondents inside and outside Somalia, most of them from his clan.

This brutal restructuring of the Service has given Mr. Yussuf Garaad almost total domination of the service which he now uses in pursuit of his personal whims but above all in support to the warlords. Those who know him close enough would diagnose his tribalism as typical of that mindless strain that would see anyone not from his tribe (****** ) as an enemy, and within the ****** anyone who is not from his sub-clan ***** as an outsider and in the end anyone who does not belong to his sub-sub clan ******** as no kinsman.
This is the worst form of tribalism. It afflicts not only ordinary folks back home in Somalia whose defensive psyche may have been shaped by their security and basic needs in the absence of government. But its carriers also include so-called sophisticated individuals among the Diaspora who peddle in this primitive evil from their safe distance abroad but in the end ensure that the ordinary people back home are the victims irrespective of their tribe or clan. Those who regularly follow the programmes of the Somali Services can doubtlessly point to numerous occasions when the Section under Yussuf Garad's supervision has been flagrantly one-sided and partisan. You only have to compare the different treatments meted to President Abdulqasim Salaad Hassan and President Abullahi Yussuf at the time of their election. In a nutshell, Yussuf Garaad's BBC Somali Service gave full backing to President Abdulqasim, his cousin.

Much as this smacks of nepotism, I would still continue to support such a stand which did not only benefit Abdulqasim but could also have served as the necessary catalyst for the revival and restoration of the Somali State. Has he treated President Abdullahi Yussuf and his government in a similar manner or at least remained impartial?. As it is, the BBC Somali Service has spared no effort to derail the government of Abdullahi Yussuf well before it sets its foot in the country.

This is the same objective as that of the warlords and their backers. Full publicity had been given to the wayward speaker of the national Parliament, to dissident MPs, and above all to the warlords, all of whom are united in their opposition to the deployment of peacekeeping forces from neighbouring countries.The worst examples of the use of the BBC Somali Service for propaganda purposes are the coverage given to demonstrations organized and orchestrated by the warlords in Mogadishu, Marca and other places.

On a number of occasions, the BBC correspondent in Mogadishu, Farxiya Cali, would devote her entire daily dispatch to the BBC to the mantra of well selected individuals almost all saying the same thing as if the whole show has been rehearsed in advance. This should not be surprising as the demonstrators may be the militia of the warlords or their hangers-on. I cannot recall a single individual interviewed who said anything different.

This is reminiscent of Siyad Barre's days when pro-governmen't demonstrators would predictably chant the same slogans with no discordant voice. How did the BBC come to be used in this sordid manner? That is the one-million dollar question. What is certainly true is that the BBC would have heeded listeners' concerns if they were to mobilise themselves and complain to the top echelons of the organization. This is essential not only to defend the new Somali government from Yussuf Garaad but no less importantly to save our beloved BBC Somali Service from his mischievous machinations. There will come a time in the near future, we hope, when Somalia will have an ambassador in Britain who naturally will look after our interest and ensure that Yussuf Garad is defanged and can no longer visit any harm on Somalia or on the Somali Service. In the meantime, protests through all possible channels, including email messages, would serve an important role. Silence is the worst option.

Mohamoud Oogle
Email:
Mohamoud_Oogle@yahoo.co.uk

Midnimadu waa lama huraan.

Weriyeyaal horleh oo ka tegay BBC Somali




Xasan Bariise iyo Cabdi Raxmaan Ceynte oo ka mida Weriyeyaasha ugu caansan Somalia ayaa ka tegay shaqadii ay ka hayeen Idaacadda BBC Somali sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo ku sugan Bush House London.

Labada Weriye dad la saaxiiba ayaa laga soo xigtay inay shaqada isaga tageen ka gadaal markii ay ixtiraam daro kala kulmeen madaxa Laanta Somaliga iyo gabadh maamulka awood ku dhex leh oo uu isaga shaqaaleeyay.

Weriye Cabdi Raxmaan Ceynte oo BBC Somali u fadhiyay Xarunta Washington ee dalka Mareykanka ayaa la soo weriyay inuu ku biiriyo Idaacadda codka Mareykanka ee VOA.

Xasan Bariise oo Saxaafadda Somalia sumcad wanaagsan ku dhex leh dadkana u yaqaanaan Weriye dhoowrsoon oo shaqadiisa si xirfadleh u guta ayaa la sheegay inuu Wakaaladda Wararka oo uu hore ula shaqeeyn jiray isaga gaabsaday.

BBC Somali oo u muuqato mid ay ka yaaceen Weriyeyaashii loogu jeclaa hab tebintooda ayey warar hoose sheegayaan inuu shaqada isaga tegayo Cabdi Raxmaan Koronto oo lagu xanto inuu yahay ninka sida weyn ugu dhawaa Yusuf Garaad Omar.

Ahmed Hassan Cawke iyo Cabdi Salaan Hareeri oo ka mid ahaa Ciyaaryahanada mudada dheer ka shaqeeynayay BBC Somalia ayaa labo sano ka hor isaga tegay.

Warfidiyeenadda Somaliland ayaa Yusuf Garaad ku eedeeyay inuu laanta af somaliga u adeegsanayo awood uu ku heyb soocayo Suxufiyiinta u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland.

"Ahmed Saciid Cige oo la ogyahay mudada dheer ee uu Somaliland u fadhiyay BBC Somali weli lug looma fidin oo waxay ahayd in isaga Bush House ama Nairobi la geeyo,waxay ahayd in Weriyeyaasha da'da yar Yusuf shaqaaleeyo,laakiin sida muuqato hada waxaa Suxufi u dhashay Somaliland ku haray BBC Yoonis Ali Nur oo aan isagana inta badan la maqal"ayuu yiri Weriye ka caana Somaliland oo dalbaday inaan magaciisa la xigan.

Weriyaha oo ka madaxa Wargeys ka soo baxa Hargeysa wuxuu Warfidiyeenadda Somaliland ugu baaqay inay go-aan wadajira ka qaataan hagardamaada iyo heeyb sooca Yusuf Garaad.

Madaxda Xisbiyada iyo Xukumadda Somaliland ayaa hore uga caban jiray Madaxa BBC Somali Yusuf Garaad Cumar hasse yeeshee inta badan Weriyeyaasha koofurta Somalia waxay qaladaadka BBC Somali u arkaan mid uun ka turjumeyso fikrada ninka u madaxdaa laakiin aan ka turjumeyn xiriirka joogtadaa ee ka dhaxeeya,labada shacab iyo Saxaafadda madaxa banaan ee labada dal.

Sucaad Mohamed
Email:noorma@live.co.uk

Saturday, June 6, 2009

Saraakiil ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya oo Mareykanka ku shiray oo talooyin ka bixiyay sidii loo sameyn lahaa Ciidamo Soomaaliyeed

Saraakiil sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya ee kala tegay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa waxay shalay shir ku yeesheen Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Shirka ay saraakiishan isugu yimaadeen oo uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ujeedada loo qabtay lagu sheegay sidii ay saraakiishan Soomaalida ah u sameyn lahaayeen qorshe lagu soo celinayo sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, iyadoo taasina loo marayo in dib loo soo nooleeyo Ciidamo Soomaaliyeed oo ka farsamo iyo anshax fiican maleeshiyooyinka Soomaalida ee ciidanka u noqday Dowladihii Soomaaliya soo maray wixii ka dambeeyay sagaashamaadkii.

Jen. Cusmaan Shiikh Bad-maceeye oo kulankaas ka qeybgalay ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in shirkoodii ay ka soo saareen ajendayaal looga hadli doono shir ay Saraakiishan Soomaalida ah mar kale ku yeelan doonaan Mareykanka 1-da bisha July ee soo socota.

Jen. Cusmaan Bad-maceeye waxaa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in kulankooda soo socda ay ka soo bixi doonaan go’aanno loo aayi doono oo lagu soo dhisi karo Ciidamo Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in kulankan la qabtay kaddib markii nidaamka dowladnimo lagu soo ridi waayay maleeshiyooyinka Soomaalida.

“Waan ku kalsoonnahay in talooyin aan bixinnay oo aan siinnay Qaramada Midoobay ay wax weyn ka tari doonaan sidii loo soo dhisi lahaa Ciidamo Soomaaliyeed”ayuu yiri Jen. Cusmaan Shiikh Bad-maceeye oo intaas ku daray in kulanka ay ku yeesheen Mareykanka ay ka qeybgaleen Saraakiil Soomaaliyeed oo Janaraallo u badan.

Banaadir Post.
xamar Cade.

Ciidamo farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopia oo ka soo dhaqaaqay dhulka Soomaaliya ee Ethiopia ay maamusho oo soo galay deegaano ka tirsan go

Boqolaal isugu jira ciidamo Ethiopia iyo Soomaali ah oo wata in ka badan 4-gaadiidka dagaalka ah oo ay hor kacayaan saraakiil Soomaali iyo Ethiopia ah ayaa waxaa ay 24-kii saac ee ugu danbeeyay ka soo gudbeen xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Bakool iyo dhulka Soomaalida Ethiopia ay maamusho.

Dadka ku dhaqan degmooyinka Qalaafe iyo Ceelbarde ee ku yaala xadka kala qeybiya gobolada Bakool iyo Hiiraan iyo dhulka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa ay sheegeen in ay arkayeen qul qulka ciidamadani oo ku wajahanaa deegaano dhowr ah.

Illo madaxbanaan ayaa sheegaya in ciidamadani ay ka kala tageen deegaanada Feer Feer iyo Mustaxiil ee dhulka Soomaalida Ethiopia kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku soo wajahan yihiin gobolada Bay iyo Bakool.

Dhaq dhaqaaqadani ciidan ee ay wadaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida ah ayaa waxaa si weyn looga dareemay deegaano badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Magalada Baladweyne iyo isgooyska Kala beyr ee gobolka Hiiraan ayaa si weyn looga dareemay dhaqdhaqaaqyadani ay wadaan ciidamadani iskaashanaya ee Soomaalida iyo Ethiopian-ka ah.

Si dhab ah looma oga halka uu ku wajahan yahay gulufka colaadeed ee ay wadaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida ah waloow deegaanada qaar ay gacanta ku hayaan xoogaga ka soo hor jeeda dowlada kmg Soomaaliya.


Banaadir Post
Somalia.

Dhaawaca Sh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo saacadaha soo socda loo soo duulinayo dalka Jarmalka

Sh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ahaa dagaal galiyihii ugu weynaa dowlada KMG ee Somalia ayaa waxa uu ku dhaawacmay dagaal aad u qaraar oo shalay galab ka dhacay aaga degmada Yaaqshiid gaar ahaan isgoyska fagax waxa uuna dhaawacu ka soo gaaray dhanka wajiga iyo feeraha, Waxana hada dhaawaca Sheekha lagu dabiibayaa Xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Cusbilaatlka ciidamada Amisom.Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada KMG Sh Shariif Sh Axmed oo ku bixiyay Qarash gaaraya Nus Milyan dollarka mareykanka ah sidii dhaawac Sh:Yususf Indhacade Dibada loogu qaadi lahaa maadaama uu ahaa hogaamiye si weyn dowladu ugu diirsaday mudadii gaabneyd ee uu ka tirsanaa isla markaana guulo waaweyn ka soo hooyay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

ilo war gal ah oo ku sugan xarunta madaxtooyada ayaa bogan Dayniile u sheegay in xaalka Yusuf Indhacade uu iminka aad u wanaagsanyahay waxa ayna sheegeen in dhaawiciisu yahay wajiga oo gaari nooca lidka diyaaradaha la saaro ee Zuuga loo yaqaan oo darawalkiisu ka dhintay uu waday markii uu dhaawacmay dabadeedna xoogaga mucaaradku ay la heleen qoriga RBG ama Baasasuukaha loo yaqaan, Marka la eego Saraakiisha dowlada waxaa muuqata in Dowlada laga dareemi doonto hoos u dhac dagaal oo weyn maadaama ay dhaawacyihiin labadii xubnood oo ugu firfircooneyd kaalinta dagaal ee dowlada oo kala ahaa JEN: Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade Iyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir C/Fataax Shaaweeye .Su,aasha is weydiinta mudan ayaa ah halka ay jaan iyo cirib dhigeen saraakiishii dowlada ee aan iyaga lagu arkin goobaha dagaalka, Xarunta madaxtooyada ayaa si weyn looga amaanay C/fataax shaaweeye iyo Indhacade halka aad looga niyad jabay C/Qeybdiid iyo Dhuumaal,waxaana ciidamada dowladu isla shalayba dhaawaca Indhacade ka dib ay faarujiyeen goobo badan sida Saldhiga Yaaqshiid,Isgoyska Fagax iyagoo hada difaacooda ugu horeeya uu yahahay gadasha danbe ee Sanca

Xigasho


dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com